Arag Sawirrada sida Ra’iisul Wasaare Saacid uu u careysnaa maanta isaga oo dhinac fadhiya Madaxweyne Xasan
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kullanka guddiga amniga qaranka oo uu ka qeyb galay ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Kullanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen xubnaha guddiga amniga, oo u badan wasiiro, saraakiil ciidan iyo duqa Muqdisho, ayaa Saacid waxa uu dhinaca midig ka fariistay madaxweynaha.
Sawirro laga soo qaaday kullanka ayaa muujinaya in Saacid aanu faraxsaneyn, islamarkaana wajigiisa ay carro ka muuqato, laba maalmood kadib markii is-casilaadda laga dalbaday.
Saacid, ayaa ku gacan seeray dalabka madaxweynaha, waxaana wada-hadallo dhacay maanta oo labada mas’uul dhex maray ay ku dhammaadeen natiio la’aan.
Sidee ayey reer MUQDISHO u arkaan is-casilaada loo soo jeediyay Saacid?
Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa maanta oo (Talaado ah) waxa ay aragtiyo ka soo uruurisay dadka reer Muqdisho kuwaasoo ka warbixiyay sida ay u arkaan is-casilaada ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu u soo jeediyay madaxweynaha.
Qaar badan oo ah dadka aan la hadalnay ayaa ka soo horjeestay is-casilaada ra’iisal wasaaraha loo jeediyay, waxaana ay sheegeen in ra’iisal wasaaraha uu muujiyay dulqaad muddada uu xafiiska joogay, shaqadii uu lahaana uu la wareegay madaxweynaha sida ay hadalka u dhigeen.
Maxamed Cabdi waa 61-jir Muqdisho wax badan ku noolaa, wuxuu u soo joogay dowlado badan oo soo maray Soomaaliya burburkii ka hore iyo kaddib.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo koox kale oo la dhaho Dam-Jadiid ay la wareegeen awoodii dowladda oo ay sida ay rabaan ka yeeshaan.
“Anniga adeer waxaan is lee yahay madaxweynahu wuu qaldan yahay, waayo shaqadii ra’iisal wasaaraha isaga ayaa haya, haddana wuxuu lee yahay is-casil, muxuu marka hore u soo magacaabay isaga, tan kale awooda dalka waxaaba iska heesta kooxda Dam-Jadiid oo ah Islaax, waa nasiib daro” ayuu yiri Maxamed Cabdi.
Waxaa jira dad badan oo fikirkaas qaba, kuwaasoo leh madaxweynaha waa ka soo daray wuxuu rabaa in awooda dalka uu isku koobo.
Si kastaba, Amiina Sheekh oo noo sheegtay in ay la soo shaqeesay dowladii Millitariga waxa ay qabtaa in madaxweynaha uu ku saxan yahay is-casilaada uu soo jeediyay, waayo qofka haddii usan shaqeesaneynin waa in meesha laga bedalaa oo la keenaa qof shaqeesanaya, dowladda isaga xagiisa ayey ka fadhisaa” ayey tiri.
Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in ilaalada xafiiska madaxweynaha ay maanta kala ceyriyeen dad dibad bax ka dhigi lahaa xarunta Villa Somalia, kuwaasoo ka soo horjeeda is-casilaada loo soo jeediyay ra’iisal wasaaraha.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Dibadbax laga soo abaabulay Xafiiska Saacid oo is hor istaag lagu sameeyay
Muqdisho (Caasimada Online) Ciidanka nabad sugidda gobolka banaadir iyo sidoo kale kuwa AMISOM ee Muqdisho u sugan ayaa baajiyay ama ka hor tagay Banaanbax lagu waday in Muqdisho uu ka dhoco kaas oo lagu taageerayo ra’isul wasaaraha Somalia .
Qaban qaabada banaanbaxa oo ka socotay xafiiska ra’isul wasaaraha Somalia gaar ahaan qeybta arimaha bulshada ayaa waxaa ka war heley hey’ada nabad sugidda gobolka banaadir waxaana joojinta banaanbaxan ay kala kaashadeen ciidamada AMISOM.
Raadiyaha dalsan oo soo xiganaya ilo wareedyo ka agdhaw xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa bahiyay inuu baaqday banaanbaxaasi kadib markii hey’adaha amnigu ay ka biyo diideen arintaas .
Ujeedka banaanbaxaasi waxaa lagu sheegay muujinta taageerada ra’isul wasaare Saacid uu ku dhx leeyahay bulshada Soomaaliyeed kadib markii cadaadis uu ka kulmay Dr Saacid madaxweyne Xasan Sheekh .
Madaxtooyada Somalia ayaa lasoo sheegayaa in wali ay ka soconayaan kulamo gaar gaar ah oo ku aadan iscasilaada madaxweynaha Somalia uu ka dalbaday ra’isul wasaare saacid.
Dhanka kale qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhaliil waxay ka muujiyeen khilaafkan soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka Somalia .
Qaar ayaa arintan ku tilmaamay mid soo jireen ah oo aan ku cusbeen maqalka dhagahooda inkastoo ay shaaciyeen in si aad ah ay kaga xun yihiin halka qaarna ay sheegayaan in xukuumada Saacid mudadii ay jirtay aysan waxba qaban .
Halkaan hoose ka dhageyso qaar ka mid ah shacabka Somalied
Shacabka iyo aragtida qilaafka madaxda
Caasimada online
Xafiiska Muiqdisho
HARGEYSA oo maanta ku sugan xaal ka duwan xaaladihii hore (Warbixin)
Hargeysa (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in dadka magaalada aysan aadin shaqooyinka isla markaana iskuuladii iyo goobaha waxbarashada la fasaxay, kaddib markii roobab xooggan ay ka da’een magaalada.
Wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa, ayaa soo sheegaya in magaalada tan iyo xaley ka da’ayaan roobab xooggan taasoo keentay in uu is taago isku socodkii dadka iyo gaadidka.
Sidoo kale wariyaha yaga ayaa soo sheegaya in Garoonka diyaaradaha Cigaal International uu xiran yahay oo wax diyaarad aysan hadda ku soo deggi karin.
Waxaa xiran goobaha ganacsiga iyo suuqyada waaweyn ee magaalada, dadka waa teel teel kuwa u socda, waxaana magaalada aad u maleysaa in laga maqan yahay sidaas waxaa yiri wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa.
Mas’uul u hadlay laanta saadasha hawada ayaa sheegay in saakay garoonka ay ku soo dageen diyaarad yeryer balse markii dambe loo weeciyay diyaaradihii waaweynaa garoomada Berbera, Jabuuti iyo Diradhaba.
Waxaa la sheegayaa in roobabkan ay socon doonaan ilaa maalinta Khamiista ee soo socota sida ay lee yihiin mas’uuliyiinta saadasha ee maamulak Somaliland.
Ilaa hadda wax khasaaro ah lama soo sheegin oo aaney ahayn in wadooyinka ay jareen sida uu lee yahay wariyaha yaga Hargeysa.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
Feysal C Waraabe oo ka qaybgalay shir looga hadlaayo Dimuquraadiyada
Ankara (Caasimada Online) Magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga waxaa lagu soo gabagabeeyay shir ay lahaayeen axsaabta Social Democratic.
Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay ilaa 163- xisbi oo ka socda waddamada caalamka, waxaana looga hadlay siddii dimuquraadiga looga hirgalin lahaa waddamada caalamka.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in shirka ay uga qaybgaleen si xisbi ah oo aysan uga qaybgalin si Somaliland ah.
Wuxuu sheegay in shirka looga hadlay kacdoonadii ka dhacay carabta, isagoo sheegay in dhammaan axsaabta ka hadlay shirka ay ku tilmaameen wixii ka dhacay waddamada carabta Sida Masar ay ahaayeen kuwa xoog ku yimid.
Mar wax laga weydiiyay wax yaabaha uu shirka ka sheegay , wuxuu sheegay in uu shirka ku arkay madax badan oo ka socday caalamka kuwaasoo uu sheegay xaaladaha Soomaaliya iyo Somaliland.
Wuxuu sheegay in ay u sheegeen madaxda uu la kulmay shirarka u billowday Maamulka Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
DEG DEG: SAACID oo soo diray farriin la xiriirta khilaafka isaga iyo Xasan Sh.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa si kooban u hadlay markii ugu horeysay tan iyo markii madaxweyne Xasan uu weydiistay inuu is-casilo, laba habeen ka hor.
Saacid, ayaa farriin kooban waxa uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxaana uu kula hadlay taageerayaashiisa, gaar ahaan kuwa jooga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
” Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasheeyda Muqdisho ku sugan in ay is dajiyaan dulqaadna muujiyaan. Mahadsanidiin” ayuu ra’iisul wasaare Saacid ku yiri farriin kooban oo dhowr daqiiqo un ka hor uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Lama yaqaan macnaha iyo ujeedka uu ka lee yahay fariintaas, waxaase jira warar sheegaya inay jiraan taageeroyaal Saacid taabacsan oo banaanbax weyn ka qorsheynaya magaalada Muqdisho.
Baaritaan Caasimada Online ay sameysay, ayaa muujinaya in inta badan shacabka Muqdisho ay la safan yihiin Saacid, ayna kasoo horjeedaan siyaasadda ku dhisan kali-talisnimada ee Faarax Cabdulqaadir, oo ah hogaamiyaha qarsoon ee Somalia, balse ku magacaaban wasiiru dowlaha madaxtooyada.
Caasimada Online oo ah warbaahintii ugu horeysay ee daah rogtay in madaxweynaha uu Saacid weydiistay is-casilaad, ayaa idiin ballan qaadeysa in hadaba wixii arrintan kusoo kordha aan deg deg idin kugu soo gudbino Insha Allah.
Ha ka fogaan Caasimada Online: Isha Wararka Sugan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
KASHIFAAD: Damul-Jadiid oo shirqool cusub xalay u maleegtay R/W SAACID
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa u gacan seeray dalabkii is-casilaad ee kaga yimid madaxweyne Xasan Sheekh, sida Caasimada Online ay shaaca ka qaaday shalay.
Madaxweynaha iyo isbaheysigiisa kooxda Damul Jadiid, ayaa durbaba billaabay wejiga xiga ee olalahooda ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Somalia, sida ilo-xog ogaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.
Xubno wasiiro ah oo ku abtirsada Damul Jadiid oo uu horkacayo hogaamiyaha ruuxiga ah ee kooxdaas Faarax Cabdul Qadir, ayaa xalay ku shiray Muqdisho, ayaga oo shirqool u maleegaya Saacid.
Qorshaha Damul Jadiid, ayaa ah in ka hor inta aysan abaabulin mooshin Saacid ka dhan ah, ay si kale wax u mareeyaan ayaga oo doonaya inay meel cidlo ah kusoo ridaan Saacid.
Ilo-wareedyada Caasimada Online, ayaa sheegaya in kooxda wasiirada ee ku xiran Damul Jadiid ay go’aan ku gaareen inay is wada casilaan, si xukuumadda ay u bur burto.
Wasiirada go’aankan wada qaatay waxaa ka mid ah
1- Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Faarax Cabdul Qaadir (Hogaamiyahaa qarsoon ee Somalia)
2 – Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed
3 – Wasiirka Arrimaha dibedda Fawsiyo Yuusuf Xaaji Adan
4 – Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Jamaal Barow
5 – Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Mohamed Nur Gacal
6 – Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Cabdiraxman dheere
7 – Wasiir ku xigeenka Cadaalada Xasan Maxamed
8 – Wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiim Fiqi
Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in Damul Jadiid ay ka dhaadhiciyeen wasiirada warfaafinta Cabdullahi Ciilmooge Xirsi iyo wasiirka kheyraadka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ay kusoo biiraan olalaha is-casilaadda ayna aqbaleen.
Tallaabadan ayaa haddii xubnahan ay ku dhaqaaqaan waxaa ay xaalka kusii xumeyn doontaa Saacid.
Si kastaba, Saacid ayaa isna la sheegay inuu diyaariyey gole wasiiro cusub, isaga oo si deg deg ah ugu dhowaaqi doono, marka xubnahan mucaaradka ku ah ay is casilaan, si uu u fashilayo.
Sida aan xogta ku helnay, ra’iisul wasaare Saacid ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inuu dagaalkan kala dhaxeeya Damul Jadiid uu la gaaro illaa baarlamanka, ayada oo la sheegayo in iminka uu helayo taageero badan oo uusan fileyn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
Dhageyso: Xildhibaan la kulmay Xasan Sheekh & Saacid oo xog badan bixiyey
Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Nuur Faarax oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Somalia, ayaa warbaahinta u sheegay in khilaafka ka dhexjira Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Saacid uu salka ku hayo isbadalka Xukuumada Somalia.
Madaxweynaha Somalia iyo sidoo kale ra’isul wasaraha Xukuumada ayaa ku kala aragti duwan isbadal la doonayo in lagu sameeyo xukuumada Somalia .
“Markii ay arintan soo baxday kulan ayaan la qaatay madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha si arintan loo xaliyo laakiin waxaa jira is fahmi waa labada dhinac ah oo ku aadan aragtiyo kala duwan oo ay ka qabaan habka howsha iminka ay u soco iyo qaabka loo maareynayo xubnaha ka mid noqonaya wasiirada Cusub” ayuu yiri Xildhibaan Nuur Faarax.
Khilaafka ayaa si rasmi ah salka ugu haya kordhinta golaha wasiirada iyo tirada rasmiga ah ee laga dhigayo golaha wasiirada Cusub iyo sidoo kale sida ay usoo baxayaan Wasiiradan cusub sida uu sheegay .
Wuxuu sheegay inay jiraan waan waan iyo wadahadalo lagu doonayo in arintaasi lagu dhameeyo oo ay wadaan qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia isagoona rajo ka muujiyay xalinta arintaas.
Dhowaan ra’isul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid mar uu ka hadlayay waxqabadka Xukuumadiisa wuxuu sheegay in xafiiskiisu uu ku guuleystay hakinta khilaaf soo kala dhexgala madaxda ugu sareysa dalka.
Wuxuu sheegay in wax qabadka xukuumadihii hore ee dalka kaliya ay ka dhimaneyd yareynta khilaaf labada dhinac ee xafiiska ra’isul wasaraaha iyo xafiiska madaxweynaha Somalia waxaana uu sheegay in tani ay xukuumadiisu fursad ay u siineyso inay sii shaqeyso taniyo 2016-ka .
Habeen ka hor Muqdisho waxaa ku kulamay madaxweyne Xasan Sheekh iyi Ra’isul wasaare saacid oo arintan kulankooda diirada ku saaray inkastoo uu kusoo dhamaaday fashil waxaana madaxweyne Xasan Sheekh uu ra’isul saraase Saacid ka dalbaday inuu xilka isaga dego sida warar qaar ay sheegayaan .
Halkaan Hoose ka dhageyso Xildhibaan Nuur Faarax
Halkaan Hoose ka dhageyso Ra’isul wasaare Saacid
Halkaan ka dhageyso Ra’isul wasaare Saaacid
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Sababta ugu wacan khilaafyada ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Somalia ee aan dhammaan oo la ogaaday
Aqoonyahanada Soomaalida iyo dhamaan waxgaradkooda ayaad moodaa inay iska Indha tirayaan, khilaafkaani waxa asalkiisu yahay, Dastuurka Soomaaliya oo qodabadiisu iska hor imaanayaan, aysan kala cadeyn awoodaha Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha.
Dastuurka ayaa u qoran qaab aad moodo in loogu talo galay inay Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha isku dhacaan. Madaxweynaha oo ah ninka ugu awooda badan Dalka Soomaaliya ayaa haddana dastuurka wuxuu siinaaya Raisul wasaaraha uu magacaabo awood fulineed oo u muuqanaysa inuu Raisul wasaaraha lee yahay awooda fulineed ee xukuumada Soomaaliya.
Isaq qabqabsiga inta badan wuxuu imaanayaa Madaxweynaha oo ah qofka Magacaaba Ra’iisul wasaaraha inuu isku arko inuu isagu leeyahay awoodda Fulinta Dawladda Soomaaliya, Halka Dastuurka uu awooda fulinta siinayo Raisul wasaaraha, arrintaa oo ah Halka khilaafka saldhiga u ah, waxaana cad ilaa Baarlamaanka Soomaaliya uu Dastuurka qaladaadka ka jira ka saxo aysan dalka Soomaaliya khilaafka ka dhamaan doonin.
Arrinta cajiibka ah waxaa weeye in Madaxweynuhu magacaabi karo Raisul wasaaraha, balse uusan xilka ka qaadi kari. Inta badan Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha waxaa ay ku xifaaltamaan xubnaha golaha wasiirada iyo sida mid kasta uu u heli lahaa kalsoonida iyo ku xirnaanta xubnaha Golaha Wasiirada.
Madaxweyne kasta iyo Raisul wasaaraha uu magacaabo wuxuu khilaafkoodu si hoose ugu billowdaa xubnaha golaha wasiirada oo labada masuul kala raaca. Haatanba sida aad aragtaan xukuumadaan aadka u yar in wasiirada 10 ka kooban in inta badan Madaxweynaha ku xiran yihiin una report gareeyaan, sida Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha Dibadda ay noqotay wasiirad uun Kaliya ku xiran madaxweynaha.
Arrimaha noocaas oo kale ah ayaan cajab gelinaynin Ra’iisul wasaaraha oo u arka ama ay tahay in golaha wasiirada isaga warbixinada siiyaan, awaamiirtana ka qaataan.
Maadaama Dastuurku siinayo Raisul wasaaraha awood fulineed, sidoo kalana uu Madaxweynuhu nin Baarlamaanka Soomaaliya uu doortay, awoodna u leh inuu isaga magacaabo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayuusan Madaxweynuhu aqbali Karin awood ahaan inuu noqdo qof aan lahayn awooda Fulinta, Arrintaas oo marka si loo fiiriyo sax ah, inuu awooda yeesho qofkii la doortay , sidoo kalana uusan caqliga saliimka ah keeneyn in ninka aad magacaawdo uu ka awood badnaado, balse arrinta noocaas dastuurka Soomaaliya ayay ku qoran tahay.
Iska daa Soomaaliya oo mudo ka badan 20 sano ka Jireen dagaalo sokeeye ee dalal Afrikaan ah oo aan burburin ilaa iyo intii ay Jireen sida Kenya ayaa qaadi weysay Madaxweyne iyo Raisul wasaare isku awood ah waxayna goosteen aqoonyahankii qorayay dastuurka Kenyainay meesha ka saareen jagadii Ra’iisul wasaare ee ka jirtay Kenya dawladoodii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Mwai Kibaki, Raisul wasaare-na ka ahaa Riala Odinga.
Sidoo kale dawlada Itoobiya oo ah dawlad in badan jirtay, lana sheego inaysan gumaysi waqti dheer ah soo marin, waxaa dastuurkooda ku saleeyeen Ra’iisul wasaare awood leh iyo Madaxweyne uun safiirada ka qabta warqadaha aqoonsiga , hawlaha fulintana aan faraha la gelin.
Isku soo wada Duduble dawladda Soomaaliyana oo aan gacantaba ku heyn Gobolada Soomaaliya inta badan ayaan qaadi karin mas’uuliyiin aan awoodahooda kala cadeyn sida haatanba taagan, waxa kaliya ee loo baahan yahay-na ay tahay in dastuurka la saxo oo uun Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha mid awooda fulinta la siiyo jagadaasna ay noqoto mid doorasho ku timaada..
Waxyaalaha cadeynta kale u ah khilaafkaan dastuurka Soomaaliya uu abuurayo in markii wafuuda caalamka booqdaan ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha-ba la kulmaan iyadoo mas’uul kasta ay agagaarihiisa taagan yihiin wasiirada isaga ku dhow.
Guddoomiyaha Baarlamanka Prof Jawaari oo madax u ahaa gudidii qortay Dastuurkaan khilaafka u samaysan haatana ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xil weyni ka saaran yahay inuu u dhaqaaqo in Baarlamaanka Soomaaliya uu saxo dastuurka u samaysan inaan khilaafba laga bixin.
Dastuurka Soomaaliya oo isku qasan iyo 275 ka Xildhibaan ee aan doorashada ku imaan ee qabiilka ku yimid ee mid kasta uu u hadlayo sidii in la soo doortay, deegaan gaar ahna laga soo doortay, iyadoo qaarba is xijinayaan gobolo gaar ah oo ay sheeganayaan Xildhibaano ka socda qabiilo gaar ah ayaa waxaa ay ka midka yihiin caqabadaha Soomaalidu ka dhaqaaqi la’ dahay.
Mar guddoonka Baarlamaanka weydiiyey Xildhibaanada Jubboyinka kasoo jeeda waxaa wada istaagay dhammaan Xildhibaanada inta badan, Su,aasha gudoonka Baarlamaanka ayaa ah Marin habaabin. Maadaama aan xildhibaanadaan deegaan laga soo dooran ma jiro Xildhibaan si gaar ah u dhihi kara deegaan Hebel aniga ayaa metela, xildhibaanka hadda jira wuxuu uun meteli karaa qabiilkiisa maadaama uu qabiil ku yimid.
Sidoo kale maadaama Baarlamaanka Soomaaliya uu ka kooban yahay dhammaan qabaa’ilka Soomaaliya, Dastuurkuna yahay mid u dhaxeeya Soomaalida , haddana dastuurka lagama helayo sida Soomaalidu u qeybsanayso kheyraadka, sida Canshuurta Soomaaliya oo ka timaada dekeddaha iyo meelaha kale u qeybsanayaan dawlada Federaalka iyo dawlad goboleedyada.
Baarlamaanka Soomaaliya iyo aqoonyahankii soo qoray dastuurka ayaa uun wax laga weydiin doonaa dib udhaca heysta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dhimashada oo sii korartay meelaha ay duufaanta ku dhufatay ee Soomaaliya
Garoowe (Caasimada Online) Waxaa sii kordhaya dadka ku dhintay dabeelaha roobabka wata ee ku dhuftay deegannada Puntland.
Wariyaha Caasimada Online ee Puntland, ayaa soo sheegaya ku dhawaad 300 qof in ay ku dhinteen dabeylahan, xoolo iyo beero badana ay ku baaba’ een.
Maamulka Puntland ayaa sheegaya in gargaar iyo ciidamo gacan siiya ay u direen goobihii ay waxyeeladu ka soo gaartay dabeylo xoog leh oo roob iyo qabaw daran wata oo afartii maalmood fara ba’an ku haya xeebaha Bari.
Doon ganacsi oo ka timid Yemen ayaa la sheegay in ay ku degtay degmada Caluula, waxaana lagu soo warramayaa in la soo badbaadiyay dadkii la socday sida ay lee yihiin mas’uuliyiinta Puntland.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa si khaas ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen muwaddiintii ku geeriyooday duufaanihii ka dhacay deegannada Puntland.
Madaxweynahu waxuu u diray baaq deg-deg ah beesha caalamka oo uu yiri “Caalamku waa inuu gurmad deg-deg ah la soo gaaraa dadkii ay saameeyeen duufaaanta Cyclone oo boqolaal ay ku geeriyooday, kumanaan qofna uu hoy la’aan dhigay, isla markaana xoolihii saameeyey. Waa maalin mugdi ah oo dhammaan Soomaalida meel walba ay joogaan waa inay gar-gaar deg deg ah la soo gaaraan wallaalahooda.”
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Garoowe
Shir MUHIIM ah oo looga hadlaayo Somaliya ayaa ka socda Yemen
Sana’a (Caasimada Online) Magaalada San’a ee xarunat dalka Yemen waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlaayo qoxootiga Soomaalida ee ku nool Yemen.
Shirka waxaa ka qaybgalaya ilaa 10 waddan oo ay ka mid tahay Soomaaliya, Djibouti, Eritrea, Ethiopia iyo Kenya, sidoo kale shirka waxaa jooga waddamada ay saameeyeen qoxootiga kuwaasoo ay ku jiraan Sacuudiga iyo Cumaan.
Shirka waxaa kaloo kor joogta ka ah UNHCR, Jaamacadda Carabta, iyo beesha Caalamka, waxaana looga hadlayaa siddii loo joojin lahaa qoxootiga badan ee ku soo qulqulaya dalka Yemen.
Waxaa aad looga doodday wax yaabaha ku kalifaya in dadkaas ay ka soo cararaan waddankooda iyo bal in uu jiro xal kale oo looga maarmi kari arrintaas.
Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Muxudiin Maxamed Kaalmooy oo ka qeybgalaya shirka ayaa sheegay in dowladdisa ay ku dedaalo doonto siddii dib loo celin lahaa qoxootiga Soomaalida ee ku nool Yemen.
Wasiirka ayaa beesha caalamka ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ay ku gacan siiyaan siddii qoxootiga ku sugan Yemen dib loogu celin lahaa waddankooda.
Yemen waxa ay ka mid tahay waddamada martigaliyay qoxootiga Soomaalida ee ka soo cararay dagaaladii 22-kii sanno ee la soo dhaafay ka socday waddankooda.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Khaliijka
Dhageyso: Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo beenisay warar la isla dhex marayay
Muqdisho (Caasimada online) Wasiirka Arimaha dibada Xukuumada Somalia Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, oo maanta dib dalka ugu soo laabatay ayaa beenisay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in qaxootiga Somalia ee Kenya in si qasab ah dalka dib loogu Soo celinayo
FowsisyoYuusuf , ayaa ka warbixisay Heshiiskii Seddex geesoodka ahaa ee ay kala sixiixdeen Kenya QM iyo Somalia, waxaana ay meesha ka saartay inuu jiro in warka sheegaya in qaxootiga Kenya ku dhaqan ee Somalia ah in si qasab ah dib dalka loogu soo celinayo.
” Cidna lama qasbayo wararkaas waa ku been ah oo aan laga fiirsan heshiiska aan saxiixnana kuma aysan jirin qofkii doonaya inuu dib dalka ugu soo laabto waan soo dhaweyneynaa waana ka kaalmeyn doonaa laakiin hadba waxay ku xiran tahay rabintaanka shaqsiyadeed ee qofka” ayay tiri Fowsiyo Yuusuf Xaaji.
Waxay sheegtay in iminka ay dalka kusoo laabteen dad gaaraya 80,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ahaa ku waas oo aysan jirin cid ka gacan siisay inay dib dalkooda ugu soo laabtaan .
Heshiiskii Seddex geesoodka ahaa kadib waxaa soo baxayay warar sheegayay in la doonayo in guud ahaan qaxootiga Somalida ah ee Kenya ku dhaqan in dib dalkooda loogu soo celinayo taas oo qaar badan ay cabasho ka muujiyeen inkastoo kuwo badana ay soo dhaweeyeen .
Halkaan Hoose ka dhageyso Wasiirka Arimaha Dibada Somalia
Caasimada online
Xafiiska Kismaayo
Daawo Sawirada: Horumarka iyo dib u dhiska Muqdisho ka socda
Muqdisho (Caasimada online) Muqdisho waxaa ka jira isbadal wanaagsan oo dhanka horumarka ah gaar ahaan dhismooyinka iyo dib u dayactirka xarumaha dowlada Somalia .
Waxaa arintaasi wehliya Mashaariic dowlada Turkiga ay ka hirgalisay Somalia oo ay ugu horeyso dhismaha wadooyinka qaar ee Muqdisho .
Dhowaan waxaa qeyb ka mid ah Muqdisho laga hirgaliyay Famaafaraha kala haga gaadiidka iyo shacabka , kaas oo shacab badan ay soo dhaweeyeen .
Waxaa bar bar soconaya dib u dhis balaaran oo ay Turkigu ka wadaan Laamiyada qaar ee Muqdisho , oo uu ugu horeyo laamiga dheer ee kasoo baxa KMo ama FIAT. ilaa Titaatarkii hore ee Qaranka .
Hadaba nala daawo Sawarida qaabka dhismaha laamiyada Muqdisho
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Gaas oo 2 arrin u ballan qaaday P/L
Gaalkacyo (Caasimada Online) Raiisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadda ku sugan magaalada Gaalkacyo kana mid ah musharrixiinta u taagan doorashadda maamulka Puntland ayaa ka hadlay arrmo badan.
Isagoo la hadlaayay arday wax ka barta Iskuul ku yaalla magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay Cabdiweli Gaas in hadii uu ku guuleesto doorashadda soo socota oo lagu wada in ay dhacdo 8-bisha Janaayo in uu dhowr arrimood uu wax ka qaban doono.
Arrimaha uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah in waxbarasho buuxda oo ay ku jiraa kuwa bilaash ah uu ka hirgalin doono maamulka Puntand oo dhan.
Wuxuu kaloo sheegay in uu ku dedaali doono siddii ay reer Puntland u heli lahayd biyo nadiif ah.
Musharrax Cabdiweli ayaa sheegay in uu rajo fiican ka lee yahay in uu ku guuleesto doorashadda Puntland sida uu hadalka u dhigay markii uu arkay isbadalka ay doonayaan reer Puntland.
Ugu dambeen ra’iisal wasaarihii hore ee DKMG ah, ayaa tacsi u diray dadka ku dhintay dabeelaha roobabka wata ee ku dhuftay Bariga Soomaaliya gaar ahaan deegannada Puntland kuwaasoo dad iyo xoolo baabi’yay.
Wuxuu ugu baaqay Soomaalida gudaha iyo dibadda gaar ahaan reer Puntland inay u gurmadaan walaalahooda dhibaatadu gaartay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Gaalkacyo
Fannaanka AAR MAANTA oo ka hadlay Khilaafka Madaxda DF Soomaaliya
London (Caasimada Online) Fannaanka caanka ah ee Aar Maanta ayaa ka hadlay muranka ugubka ah ee soo kala dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya iy Ra’iisal wasaarihiisa.
Fannaanka oo aad uga xumaaday khilaafkaas ragaadiyay Soomaalida ayaa ku soo qoray boggiisa Facebook sida uu arko arrintaas.
Wuxuu yiri ” Waxaa wax laga xumaado ah, in Madaxda Soomaaliya heshiinwaydo, Waxaa wax la gasii xumaado ah inay jiraan Maanta dad badan oo ku farxsan heshiis la-aanta iyo daganaan la-aanta dalkooda!”
Si kastaba, hadalka fannnaanka ayaa ku soo beegmay iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan dalka Soomaaliya oo ku aadan in madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Saacid in uu is-casilo.
Is-casilaada loo jeediyay ra’iisal wasaaraha oo mudd 12-bil xafiiska jooga ayaa noqday hadal heynta ugu ballaaran ee gudaha dalka iyo dibediisa.
Ma cadda sida ay xaaladu noqon doonto.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Lodnon
Faroole oo booqanaya deegannada duufanta ay meerteen
Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa maanta u ambabaxay deeganno ku yaalla gobalka Nugaal halkaasoo duufaano roobab wata ay ku dhufteen seddaxdii maalmood ee la soo dhaafay.
Faroole oo ay la socdaan xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa soo arkaya wax yeelada ay geestay duufaanta oo ay ku dhinteen ilaa 100 qof.
Waxaa soo kordhaya khasaaraha ka dhashay wax yeelada duufanta taasoo ku dhufatay deeganno badan oo ku yaalla Puntland.
Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in deeganno badan ay go’an yihiin oo aan la tagi karin maadama roobab wata dabeelo ay ka socdaan.
Maamulka Puntland ma sheegin ilaa hadda dadka ku dhintay duufaagta roobka wadata ee ku dhufatay Puntland balse ilo xog ogaal oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in 300 oo qof ay ku dhinteen sidoo kale waxa ay meerteen kumanaan xoolo ah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Gaalkacyo
DHAGEYSO: Prof. Galayr oo ka hadlay Is-casilaada loo jeediyay RW Saacid
Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo hadda xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa ka hadlay warar maanta Muqdisho qabsaday oo ah in madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday ra’iisal wasaaraha uu iscasilo.
Isagoo la hadlaayay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in khilaafkaas soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha uu aad uga xun yahay.
Wuxuu sheegay in khilaafkaas ay ka soo horjeedaan, isagoona sabab uga dhigay in labada masuul ay ahaayeen dad isla soo shaqeeyay muddo sannad ah wax khif ahna uusan soo dhexgalin.
Wuxuu codsaday in la joojiyo is-casilaada loo jeediyay ra’iisal wasaaraha isagoo madaxweynaha ka codsaday in uu u madax baneeyo ra’iisal wasaaraha shaqadiisa.
Wuxuu ku celceliyay in shaqooyinka loo kala madax banaanaado oo aysan isku milmin.
Cali Khaliif ayaa sheegay in xilligan aaney munaasabad ahayn in ra’iisal wasaaraha loo soo jeediyo in uu is-casilo waayo waxaa la joogaa xilligii horrumarka iyo dib u dhiska dalka ayuu yiri.
Waxaa wax laga weydiiyay in khilaafkan uu saameen ku yeelan doono xildhibaannada baarlamaanka, wuxuu sheegay in ay saameen ku yeelan doonto shaqada xildhibaannada baarlamaanka sida uu hadalka uu dhigay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Maxaa caawa ka socda MUQDISHO kadib is-casilaadii laga dalbay Saacid?
Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa caawa ka socda kulamo gooni gooni ah, oo looga hadlaayo is-casilaada uu madaxweynaha u soo jeediyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.
Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in kulamo xooggan caawa ay ka socdaan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaana kulamada qayb ka ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha ayaa waxaa ka billaabatay tartan lagu kala jiidanayo xildhibanada baarlamaanka.
Warar ay heshay Caasimada ayaa sheegaya in 50 xildhibaan ay caawa ka casheynayaan guriga ra’isal wasaaraha.Waxaa kulamada looga hadlayaa is-casilaada loo jeediyay ra’iisal wasaaraha in kastoo uu diidday Saacid oo ku adkeestay in uu sii hayo xilkiisa.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa u sheegay xildhibaannada baarlamaanka in aysan ku milin dabeesha socota, wuxuna u sheegay in ay dhexdhexaad ka noqdaan.
Guddoomiye Jawaari ayaa madaxda dowladda ka codsaday in lagu soo wareejiyo arrinta la isku hayo oo iyaga ay xalin doonaan laakin wax jawaab lama siin.
Si kastaba, ma cadda arrintan halka ay ku dhammaan karto oo soo billaabatay Jimcihii hore, markaas oo madaxweynaha uu ka codsaday ra’iisal wasaaraha in uu iscasilo arrintaas ayaa soo socotay maanta oo Isniin ah balse ra’iisal wasaaraha wuu diiddan yahay.
Ra’iisal wasaare Saacid ayaa la magacaabay 12-bil ka hor isagoo qayb ka ahaa dowladda ay QM iyo beesha caalamka aqoonsatay 22-sanno kaddib.
Shirdon waa uu ku cusubyahay siyaasadda, wuxuu ka soo shaqeeyay xarun ganacsi oo ku lahaa dalka Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Xog: Madaxweyne Xasan oo iscasilaad weydiistay ra’iisul wasaare Saacid
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa habeen hore weydiistay ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid inuu is-casilo, ilo xog ogaal ah ayaa sidaas u xaqiijiyey Caasimada Online.
Labada dhinac oo markii hore isku khilaafay golaha wasiirada cusub, ayaa la xaliyey, hase yeeshee madaxweynaha ayaa lagu warramay inuu go’aan ku gaaray in Saacid uu shaqada ka tago.
Waxaa sidoo kal arrintan gadaal ka riixaya kooxda madaxweynaha Somalia ku xiran ee Damul-Jadiid, oo ay ka mid yihiin xubno ku jira wasiirada sida Cabdikariin Guuleed iyo Faarax Cabdul Qaadir, halka garab kale oo Damul Jadiid ahna ay ayagana kasoo horjeesteen.
Sida ilo ku dhow xafiiska madaxweynaha ay inoo sheegeen, madaxweynaha ayaa habeenkii sabtida xafiiskiisa kula kulmay Saacid una sheegay inuu doonayo is-beddel inuu ku sameeyeo xukuumadda, isagana uu qeyb ka yahay.
Ra’iisul Wasaare Saacid, ayaa ku gacan seeray dalabka madaxweynaha, waxaana shalay subax uu sii watay howshiisa, isaga oo booqashao ugu tagay dad ku dhaawacmay qaraxii Hotel Makah Al-Mukaramah, oo ku jira Isbitaalada Muqdisho.
Tallaabada madaxweynaha, ayaa waxaa ka hor yimid xubno ganacsato ah oo kasoo jeeda beesha Abgaal ee madaxweynaha, oo uga digay in casilaadda Saacid ay tahay tallaabo uu Xasan Sheekh ka shaleyn doono.
Waxa ay ugu baaqeen inuu ka feejignaado arrintaas, ayaga oo u sheegay in Saacid wax walba uu u horey inuu khilaaf ka ilaaaliyo dowladda, si la mid ah dowladihii KMG ee ka horeeyey.
Waxa ay madaxweynaha ka dalbadeen in haddii uu is-beddel u sameynayo howl gabinimada xukuumadda ay habboon tahay in xilalka laga qaado wasiiro badan oo ay ka mid yihiin kuwa Damul Jadiid, balse Saacid casilaadiisa aysan is-beddel soo kordhin doonin.
Dad si aad ah ula socda siyaasadda Villa Somalia, ayaa Caasimada Online u sheegay in inkasta oo Saacid ku gacan seeray dalabka madaxweynaha, haddana ay aaminsan yihiin in ugu dambeyn uu isaga tanaasuli doono, xilkana ka tagi doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]




































