27.5 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

DEG DEG AH: Xaafadda Islii oo saakay laga maqlayo rasaas xooggan

0

Nairobi (Caasimada Online) War hadda soo dhaacay oo naga soo gaaray xafiiska aan ku lee nahay Nairobi ayaa sheegaya in saakay rasaas xooggan laga maqlay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Wariyaha nooga soo warramaya halkaas ayaa soo sheegaya in saakay hiirtii la maqlayay rasaas ay furayaan ciidamada ammaanka Kenya.

Dadka ayaa weli ku sugan guryahooda maadama ay xilli hore oo aroor ay tahay, waxaana laga cabsi qabaa in xaafadda Islii ay ka dhacaan howlgallo ay sameenaayaan ciidamada ammaanka.

” Saakay dadku waxa ay hal mar maqleen dhawaqa rasaas xooggan, taasoo dadkii hurdada ka kicisay.” ayuu yiri Wariyaheena.

Islii waa xaafad ay ku badan yihiin Soomaalida ku dhan dalka Kenya, waxaa halkaas ku yaalla xarumo ganacsi oo waaweyn sida uu lee yahay wariyaha Shabakadda Caasimada Online.

Wixii ku soo kordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

[email protected]

 

DHAGEYSO: Xildhibaanada iyo doorka khilaafka Xasan Sheekh iyo Saacid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul-wasaare Saacid ayaa qiray inuu jiro is-maandhaaf u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha, wuxuuse sheegay inuusan ahayn mid siyaasi ah balse uu yahay mid dastuuri ah oo lagu xalin karo ku dhaqanka dastuurka Somaaliya.

War saxaafadeed laga soo saaray xafiiska ra’iisul-wasaaraha ayaa lagu sheegay in ra’iisul-wasaaruhu uu ka xun yahay ismaadhaafka soo kala dhex-galay isaga iyo madaxweynaha, uuna yahay mid dastuuri ah, balse aanu ahayn mid siyaasi.

Mar kasta oo khilaaf uu ka dhex dhaco madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, waxaa ku lug yeesha xildhibaanada Baarlamanka Somalia, oo midba si gaar ah ama dantiisa shaqsiyadeed ku dabaqo.

Idaacadda VOA, ayaa warbixintan ku eegeysa xildhibaanada iyo doorka ay ku le yihiin khilaafka, waxaana ka qeyb galaya xildhibaanada iminka qaarkood, kuwao hore iyo aqoonyahanno.

Halkan ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Gaas oo qeylo dhaan diray

0

Muqdisho (Caasimada online) Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, ahna musharax u taagan qabasha xilka madaxtinimada Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dhibaatada iminka ka jirta qeybo ka mid ah deegaanada Maamulka Puntland.

Ugu horey wuxuu tacsi u diray dadkii ay wax yeelada kasoo gaartay Duufaantii Roobabka iyo dabeylaha wadatay ee ku dhifatay qeybo ka mid ah gobolada Bari iyo Nugaal ee Maamulka Puntland .

Gaas, ayaa  guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan wuxuu ka dalbaday caawinta walaalahoodu ku dhibaateysan Bari iyo Nugaal , waxaanauu sheegay in xilligan loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay iyaga wax is taraan .

Caalamka iyo dalalka deeqaha bixiya ayuu sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay il naxariisleh ku eegaan dadka ay sameynta ku yeesheen Roobabka dabeylaha wata ee ka da’ay Puntland qeybo ka mid ah .

Cabdi wali Gaas, oo hore Somalia Ra’isul wasaare uga soo noqday ayaa si gaar ah Farta ugu fiiqay Jaaliyada reer Puntland ee ku dhaqan caalamka in looga fadhiyo inay dhexda u guntadaan sidii ay wax u tari lahaayeen walaalohooda dhibaatadu ay la soo daristay.

Madaxweyne Faroole ayaa  si cad u sheegay in dhibaatada iminka ka jirta Puntland wax ka qabasheedu ay ka wyntahay maamulka iminka halkaasi ka jira ee uu hoigaamiyo waxaana uu caalamka ka dalbaday in laga gacan siiyo wax ka qabashada arintan .

Halkaan Hoose  ka dhageyso Cabdi wali Maxamed Cali Gaas

Halkaan ka dhageyso Gaas oo baaq diraya

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Madaxweynaha Somalia oo war kasoo saaray Colaadaha Sh/Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay wax kaqabasha xiisada dagaal iyo fatahaadaha ka jira gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in booqosho dhowaan uu ku tagay Shabeelaha Dhexe ay aheyd mid uu ugu kuur galayay dhibaatada gobolka hayeeshee wuxuu sheegay in shacabka gobolkaasi ay isku biirsadeen laba dhib oo ah mid dabiici ah iyo mid ay gacmohoodu ku kasbadeen sida uu sheegay .

Dagaalada kasoo kordhay gobolka ayuu shaaca  ka qaaday in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo odayaasha labada dhinacna ay ka qeyb qaataan joojinta xiisada gobolka.

Madaxweynaha Somalia wuxuu sheegay in shacabka gobolka Sh/Dhexe looga baahan yahay inay gacmaha is qabsadaan waxaana uu sheegay in dagaal aan xilligiisa la joogin loona baahan yahay in lagu dadaalo sidii gacmaha la isku qabsan lahaa .

Dad badan ayuu sheegay inay ku hanti waayeen fatahaada webiga shabeelle uu ka geestay deegaano iyo tuulin ka tirsan kuwa hoostaga magaalada Jowhar , waxaana uu carabka ku adkeeyay in xilligan aan loo baahneyn dhiig daata iyadoo xilli adag lagu jiro  sida uu shaaciyay .

Maalmo ka hor ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Booqasho hal maalin ah wuxuu ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta shabeel;aha Dhexe waana tii labaad ee magaaladasi ku tago tan iyo markii la doortay .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Xaalada dalka Sacuudiga waxa ay gaartay heerkan yaabka leh

0

Caasimada Online:  Wadanka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa ka soconaya qalalaaso hareeyay magaalada Caasimadda ah ee Riyad taa oo ka dhalatay kadib go’aan soo baxay oo lagu sheegay in dib loo celinayo qaxootiga soo galootiga ah ee ana sharciga laheyn.

Hadaba Wadanka Sacuudiga heerkaan ayuu maanta marayaa ee nala daawo adaa nixi doono dhibaatada heysata Dadka aan sharciga laheyn iyo dhibka ay kala kulmayaan Askarta Arxan la’aanta u galaya dadka.

HALKAAN KA DAAWO:

 

BBC-da oo wareysatay Aabe dhibaato weyn ay ka soo gaartay duufaanta

0

Garoowe (Caasimada Online) Iyadoo ay sii kordhayaan dhibaatada ka dhalatay dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ku dhuftay xeebaha Bari ee Soomaliya, ayaa Laanta afka Soomaliga ee BBC-da waxaa u suurtagashay in ay la hadasho Aabe ay dhibaato weyn soo gaarsiiyeen musiibadaas.

Waxaa ka dhintay lix carruur ah waxaana weli aanan la ogayn halka jaan iyo cirib ay dhigtay hooyadii dhashay caruurta oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Maxamed Cumar, sidoo kale waxaa dhaafay xoolihii uu dhaqanayay.

Aabahan oo lagu magacaabo Axmed Xasan ayaa sheegay in ay degganaayeen goob biyo mareen ah, wuxuu sheegay in uu isaga maqnaa oo uu kaxeeyay ari uu lahaa oo uu geeyay goob taag ah.

Wuxuu sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xaaladda la soo daristay balse wuxuu muujiyay kalsooni ah in uu Alle aamin san yahay.

Wuxuu kaloo sheegay in uu shaley duugay carruurta uga dhimmatay musiibada ku dhufatay deegannadii ay ku noolaayeen.

“Khasaaro naf iyo maal ayaa na gaartay, Aabahay isana wixii geel ah ee uu lahaa waa ay ka baa’been, waxaana dhagaha igu soo dhacaya in 25 qof ay ku dhinteen deeganka aan ku noolnahay” ayuu yiri Aabe Axmed Xasan.

Si kastaba, waxaa sii kordhaya khasaarasha ka dashay dhibaatada ka dhalatay dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ku dhuftay xeebaha Bari ee Soomaliya.

Hey’adda ICRC ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gurmad gaarsiin doonto goobaha ay dhibaatada ka dhacday balse waxa ay sheegtay in aysan goobahaas gaari karin maadama ay jidadka go’an yihiin xargihii Taleefonada ay go’een.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Dhageyso: DFS oo Wafdi u direysa Puntland balan qaadna sameysay

0

Muqdisho (Caasimada online) Xukuumada Somalia waxay balan qaaday in Hal milyan oo doolar 1000,000$ ay ku caawin doonto dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dhibaatadan ka dhacday qeybo ka mid ah Puntland gaara ahaan inta u dhexeysa Gobolada Bari iyo Nugaal.

Wasiirka arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka Xukuumada Somalia oo qeyb ka ah guddi xukuumada ay u xilsaartay arinta Duufaanta ku dhifatay qeybo ka mid ah Puntland ayaa sheegay inay dhowaan halkaasi gaari doonaan .

C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka arimaha gudaha Somalia wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku gaari doonaan meelaha ay duufaanadu ku dhifteen ee Puntland ka tirsan si ay u gar gaaraan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay .

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayay Duufaanada ku dhiftay deegaanada Maamulka Puntland ayaa ku tilmaamay mid musiibo qaran ah waxaana uu sheegay inay dhexda u xiran doonaan caawinta dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay .

Xasan Sheekh ayaa u taciyadeeyay dhamaan dadkii ku waxyeeloobay duufaantaasi waxaana uu shaaca kaqaaday in shacabka reer Puntland ay la qeybsanayaan dhibaatada kasoo gaartay Duufaanta Roobabka iyo dabelha wata ee ku dhiftaye qeybo ka mid ah Puntland.

Duufaantan ku dhifatay Deegaanada Maamulka Puntland ayaa ha mid marka laga soo gudbo qasaaraha nafeed ay geystay , kala xirtay gobolada Bari iyo Nugaal .

Halkaan Hoose ka dhageyso Wasiirka Arimaha Guadaha Somalia

Halkaan ka dhageyso Wasiirka arimaha Gudaha Somalia

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Warbixin: Maxaa looga hadlay shirar ay kala qabteen Xasan Sheekh & Saacid?

0

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo dhammaatay shirar ay ku kala qabteen Villa Somalia Madaxweynaah Soomaaliya iyo Raiisal wasaarihiisa.

Shirarkan oo la islahaa waxaa looga hadli doonaa arrinta ku saabsan is-casilaada uu madaxweynaha weydiistay ra’iisal wasaaraha ayaa haddana waxaa looga hadlay arrin ka badallan.

Madaxweynaha ayaa shir jaraa’id saxaafadda u qabtay ugu horreyn wuxuuna sheegay in uu saxaafadda u sheegayo in uu ka hadlaayo duufaanta roobabka wata ee ku dhuftay deegannada Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumadda magacaabi doonto guddi ay ku jiraan wasiiro kuwaasoo u ambabixi doona deegannada Puntland soona qiimeen doona xaaladda musiibadda.

Intaas kaddib waxaa shir jaraa’id ku qabtay xafiiska ra’iisal wasaaraha , Mudane Cabdi Faarax Saacid iyo wasiirka arrimaha gudaha, waxa ay ka hadleen in la magacaabay guddi wax ka qaban doona arrinta musiibada ee ku dhufatay deegannada Puntland.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay duufaata, wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in ay gargaar u diraan dadkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka oo garab taagan ra’iisal wasaaraha ayaa akhriyay go’aanka ka soo baxay shirka golaha wasiiradda maanta.

Wuxuu ku dhawaaqay lacag Hal Milyan oo dollaar oo Dowladda Soomaaliya ay ugu deeqday Puntland, wuxuuna sheegay in maalmaha soo socoda ay wafdi dowladda u diri doonto Puntland.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha shirkooda jaraa’id kuma soo hadal qaadin khilaafka soo kala dhex galay labadooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Faroole oo tegi waayay goobaha ay ka da’een roobabka

0

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole oo ay la socdaan xubno Maamulkiisa ayaa maanta tegay deeganno ku yaalla Gobalka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu tegay deeganka Suna-jiif oo 00 60km u jira magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Faroole ayaa markii ay tageen deegankan waxa ay sii wadan waayeen socdaalkooda, wuxuuna markii dambe la hadlay saxaafadda.

Wuxuu sheegay in aysan ugudbi karin goobaha roobabka ay ku dhuftee, waayo dhulkii ay go’ay baabuurna ma mari goobaha la aadayo ayuu yiri Faroole.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Puntland ay ka tan weyn tahay xaaladda ka jirta deegannada roobabka ay ka da’ayaan.

Ugu dambeen wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in ay gurmad degdeg ah la soo gaaraan dadka ay roobabka saameeyeen, wuxuu sheegay in dad kor u dhaafaya ilaa 100 ay ku dhinteen roobabka dabeelaha wata.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay roobabka duufanka wata ee ku dhuftay deegannada Bari ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

SOMALILAND oo ka qayb qaadanaysa gurmadka loo fidinaayo reer Puntland

0

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan gargaarka loo fidinaayo dadkii ay barakiciyeen roobab dabeylo watay oo da’ay deegannada Puntland.

Wasiiradda arrimaha dibedda iyo gudaha ee Maamulka Somaliland ayaa shir jaraa’id wadajir ugu qabtay Hargeysa, waxaana ay sheegeen in Somaliland ay ka tacsiyeeneyso dadkii ku dhintay roobabkaas dabeelaha watay ee ku dhuftay Puntland seddaxdii cisho ee la soo dhaafay.

Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Somaliland ay ka qayb qaadan doonto gurmadka la siinaayo Puntland.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa isna sheegay in ay ka xun yihiin dadka ku dhintay roobabkaas, wuxuu kaloo sheegay in Somaliland aysan ka hagran doonin walaalahood Puntland wixii ay ku caawin karaan.

Wasiir Waran-Cadde ayaa dhinaca kale sheegay in roobab xoogga oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay deegannada Somaliland uu ku dhintay hal qof isla markaana ay burburiyeen guryo badan.

Wasiirka ayaa sheegay in la xiray Madaarka weyn ee Cigaal ee Hargeysa kaddib markii roobka uu aad darsaday maanta galinkii dambe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

DEG DEG: Shir uu guddoominayo R/W Saacid oo hadda Muqdisho ka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa hadda ka socda shir uu guddoominaayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Saacid Shirdoon, oo ay lee yihiin golaha wasiirada.

Shirkan si dhab ah looma oga wax yaabaha looga hadlaayo, balse ilo xog xogaal oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in shirka looga hadlaayo arrinta ugubka ah ee soo baxday ee ku aadan khilaafka soo kala dhex galay ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha.

Waxaa loo yeeray Saxaafadda oo loo sheegay in uu la hadli doono Ra’iisal wasaaraha sida uu lee yahay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Dhinaca kale, guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku wargaliyay xildhibaannada baarlamaanka ee dalka ka maqan in ay si degdeg ah dalka ugu soo laabtaan.

Ma cadd wax yaabaha lagala hadli doono xildhibaannada baarlamaanka balse waxaa magaalada ka billowday tartan xooggan oo loogu jirro mudanayaasha baarlamaanka.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Caasimada Online, oo si gaar ah arrimahan xoogga saareysa in shaa allah

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Saacid oo si rasmi ah u qiray khilaafka soona saaray war ku aadan arrintaas

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa si dhab ah u xaqiijiyey warkii ay Caasimada Online daaha ka rogtay shalay subax ee ahaa in khilaaf uu ka dhex oogan yahay isaga iyo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu Saacid sheegay in khilaafka isaga iyo madaxweynaha uu yahay mid dastuuri ah, balse aanu ahayn mid siyaasi ah.

Saacid ayaa warsaxaafadeed uu goor dhow soo saaray, waxa uu ku yiri “anoo ka xun waxaan ku wargalinayaa ummadda Soomaliyeed in uu dhab yahay is-maandhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.”

Waxa uu sidoo kale fariin u diray shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu kaga ka hadlay xaalidihii dowladda ay soo martay iyo khilaafkan cusub.

Halkan hoose ka arag warsaxaafadeedka oo idil.

Wargalin Ra’iisul Wasaaraha ee ku Socota Ummadda Soomaaliyeed
Waxaa xusid mudan in bishaan November 2013, ay tahay sanadguuradii kowaad ee dhismaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Inkastoo marxalad adag iyo caqabado badan ay jireen hadana muddada kooban ee halka sano aheyd oo ay dawladdeena dhisneyd waxay gaartay guulo waaweyn iyo waxqabad muuqda gaar ahaan dhinaca amniga, dib-u heshiisiinta, maamulka iyo kobcinta dakhliga dawladda, waxbarashada, xoojinta siyaasadda arrimaha dibada, dhismaha haykalka dawladda iwm.

Inkastoo waxqabadka iyo hormarka aan kor ku xusay iyo wadashaqeyn waanaagsan ay ku dhammaatay sanad-guuradii kowaad, anoo ka xun waxaan ku wargalinayaa ummadda Soomaliyeed in uu dhab yahay is-maandhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.

Waxaan ka codsanayaa ummadda Soomaliyeed iney ku kalsoonaadaan Madaxdooda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayagu leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan.

Ugu dambeyn, maadaama ay horyaalaan wadanka marxalado adag gaar ahaan dhanka amniga, waxaan farayaa hay’adaha dawladda oo dhan in ay wataan howshooda qaran, siina laba jibbaaraan adkeynta nabadda iyo habsami u fulinta howlahoodaa. Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iney sii xoojiyaan doorkoodi ku aadanaa wadaninimada, nabadda, iyo hormarka dalka.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho – Soomaaliya