27.5 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

JAWAARI oo shaaca ka qaaday sida lagu kala saari doono Xasan iyo Saacid

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka ugubka ah ee soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Raa’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari, ayaa wuxuu qabaa in khilaafaadka Madaxda dowladda lagu xallin karo oo kaliya gudaha dalka, oo dibedda loo waaridi doonin.

Isagoo la hadlaya BBC-da ayuu sheegay in dalka uu hadda lee yahay Dastuur, sidaas darteedna loo baahan yahay in lagu xallin karo wax kasta .

“ Waxaan rabaa in caddeeyo dalku maanta wuxuu lee yahay dastuur , xaalkuna sidii hore ma’ahan oo dibadda looga imaan jirey in la xalliyo khilaafka masuuliyiinta dowladda.”ayuu yiri  guddoomiyaha baarlamaanka.

Ugu dambeen wuxuu Prof. Jawaari, ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in ay xal ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya, haddii kalana lagu kala bixi doono sida uu sheegay Dastuurka.

Waxaa jirra kulamo xiriir ah oo ka socda Muqdisho, waxaana kulamadaas lug weyn ku leh mudanayaasha baarlamaanka kuwaasoo doonaya in uu yimaado isbadal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Wasiiro ka tirsan Kukuumadii C.Gaas oo ka shiray khilaafka madaxda dalka

0

Muqdisho (Caasimada online)  Muqdisho Waxaa xalay  kulan ku yeeshay qaar kamid ah Wasiiradii Xukuumaddii C/wali Maxamed Cali Gaas ee Bad-Baado qaran.

Kulanka oo ka dhacay Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayaa xubnaha isugu yimid, waxa ay ka hadleen marxalada haatan dalka uu marayo, iyaga oo gaba-gabada kulankooda soo saaray qodobo dhowr ah.
Waxaa shirguddoominaye kulanka Wasiirkii hore ee warfaafinta C/qaadir Jahweyn iyadoo xubnaha kale ee wasiirada soo ahaan jiray ay madasha shirka ku sugnaayeen.Arimaha ugu waaweyn ee xubnahan ay ka hadleen ayaa waxaa kamid ahaa Khilaafka Ra’iiisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha udhaxeeyo iyo saameynta dalka uu ku yeelanayo.Qodobada ay soo saareen waxaa kamid ah:

1. Inay aad ugu xun yihiin khilaafaadka ka dhextaagan madaxda ugu saraysa dowlada gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha.

2. In si deg dega loo xaliyo khilaafaadka jira horeyna loo socdo, mudnaanta xalinta khilaafaadkana waxa iska leh madaxda sare ee dalka si gaar ah, iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

3. In guddi 7-qof ka kooban laga soo xulay xubnaha Badbaado kuwaasi oo si deg dega ula kulmi doona Madaxwayanaha.

Soomaaliya ayaa si aad ah looga hadal haaya Khilaafaadka ka dhextaagan Madaxweynaha dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Xigasho Risaala Radio
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

Dhageyso: Khilaaf Muqdisho saaka ka cusub in la is xir xirana gaaray (YAAB!)

0

Muqdisho (Caasimada online) Qaar ka mid ah xoogsatada Kawaan bari ee degmada Xamar weyne oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in xabsiga loo taxaabay kadib  markii is fahmi waa uu soo kala dhex galay maamulka gobolka iyo kan kawaanka oo iskaashanaya iyo iyaga .

Mid ka mid ah oo ku hadlayay afka iskaastada kawaanleeyda gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowlada Somalia ay dhawaan ku amartay in xoolaha lagu gowraco kawaanka bari isla markaana ay u hogaansameen arintaas , waxaana uu sheegay in iminka loo keenay warqad la sheegay  inay maamulka kasoo baxday oo ku amreysa in neefkiiba laga bixiyo 200 oo shilin Somalia ah .

” Inaga ma ogin meesha warqadaas ay ka timid laakiin warqada waxa ku qoran qofkii aan bixineyn 200 shilin Somalia ah halkaan yuusan xoolo keenin marka anaguna taas ayaan ka biyo diidnay oo waxaan ku dhahnay xoolaheena anigaa leh  lacagtaasna ma bixin karno sidaas ayaana nalagu xiray ” ayuu yiri mid ka mid ah kawaanleeyda gobolka oo warbaahnta la hadlay .

Dhanka kale Gudoomiyha Kawaan Bari Cabdulaahi Muuse Axmed  oo dhankiisa warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in xalay wax geel ah aam lagu qalin kawaankaas sabab la xiriirta dhibaato uu sheegay inay wadaan gudiga iskaashatada kawaanleeyda gobolka.

Wuxuu sheegay inay ka biyo diidaan amar uu kusoo rogay maamulka gobolka ooah bixinta 200 oo shilinka Somaliga ah neefkii geela ah taas oo uu sheegay inaysan culeys ku aheyn iyaga .

Wuxuu sheegay in sababta loo xiray ay tahay inay ka biyo diidaan amarka maamulka iyo in ay fowdo kiciyeen sida uu sheegay , waxaana dhanka kale uu sheegay inay doonayaan in suuqa ay ku qalaan sida  uu hadalka u dhigay xoolo caato ah  taasina ay dhankooda kasoo horjeedaan.

Dhowaan Maamulka Gobolka wuxuu amar ki bixiyay in xoolaha loo iib geynayo suuqyada Muqdisho in lagu qalo kawaan bari .

Halkaan Hoose lka dhageyso qar ka mid ah xoogsatada

Qarkamid ah xoogsatada

Halkaan Hoose lka dhageyso Gudoomiyha Kawaan Bari

Gudoomiyha Kawaan Bari Cabdulaahi Muuse Axmed sax

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada @live.com

MUQDISHO wax kasta ka filo: Maxaa magaalada lagu arkay xalay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) Degmada deynile xalay fiidkii waxa laga helay ilmo yar oo bac madow ku dhex jira sida dadka deegaanku ay warbaahinta u sheegeen .

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in sida ay rumeysan yihiin ilmahaasi uu dhalanaa muddo saacado ah waxaana sidu uu sheegay soo arkay cunug yar oo wadadaasi marayay.

Nuunahan la helay ayaa ah  sida la sheegay Gabar muddo saacado kooban dhalan , hayeeshee bac madoow afka laga xiray ku dhex jirta.

Inkastoo dadka deegaanku ay arintan la yaabeen hadana qaar ka mid haweenka degmadaasi gaar ahaan xaafada ay arintan ka dhacday ayaa wuxuu muran ku dhex maray qofka xaqa u leh ee qaadaneya cunugtan yar .

Muran badan kadib waxaa loo yeeray Culimadii xaafada oo loo ban dhigay arinta jirta kuwaas oo markii dambe u go’aamiyay in cunugta yar ay qaadato haweeneydii gobta ugu soo horeysay .

Culimadu waxay sheegeen inta arintan laga baarayo oo laga soo xaqiijinayo falkan cidda ka dambeysa inay haweeneydaasi koriso Ilmahan yar ee Saacado jirka ah .

Dhowaan ayay sidan oo kale Muqdisho uga dhacdao arin nuu cani ah kadib markii Canug yar oo saacado dhalan oo meyd ah laga helay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka dhageyso mid ka mid ah dadka deegaanka

Midkamid ah Dadka Dayniile

Caasimada Online

Xafiiska Miqdisho

[email protected]

QM oo arinta Duufaanada Puntland cabsi ka muujisay Codsina dirtay

0

Muqdisho (Caasimada online) Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxay ku sheegtay inka badan 100-Qof laga cabsi qabo inay  ku dhinteen Duufaanta ku dhufatay Deegaanada Maamulka Puntland.

Warbixinta ayaa intaasi waxay ku dareysaa in dadka la la’yahay iyo kuwa Duufaanta ku dhintay aan xisaab lahayn,iyagoona sidoo kale sheegay in gabi ahaanba deegaanada Duufaanta ku dhufatay isgaarsiintii iyo wadooyinkii ay ka jarmeen,waxaana dadkaasi ku tilmaameen waxa kaliya ere hada u baahan yihiin ay tahay gargaar bini-adanimo oo deg deg ah.

Qaramada Midoobay ayaa beesha caalamka ka dalbaday in kaalmo bini-adanimo oo aan kala har lahayn la gaarsiiyo Shacabkii dhibaatada ka soo gaartay roobabka dabeylaha wada ee ku dhufatay Deegaanada Puntland gaar ahaan Degmooyinka Bardanbeyle iyo Eyl.

iyadoo loo eegayo warbixinta Qaramada Midoobay dad lagu qiyaasay 30,000 ayaa hada ku sugan xaalad Cunto la’aan,Biyo la’aan iyo waliba Hooyo la’aan.

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay xaalada deg deg ah, Gargaarna weydiistay Beesha caalamka.

Dadaalo loogu gurmanayo dadkaasi dhibaatada soo gaartay ayaa ka soconaya dalka Soomaaliya iyo dibadiisa,taasi oo ay wadaan Maamul Goboleeyada iyo Dowlada Dhexe.

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog dheeri ah: Khasaaraha duufaanta Puntland oo aad u korartay

0

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in inkabadn 400 oo qoys ay ku hanti beeleen Roobabkii iyo duufaantii ku dhifatay deegaano ka tirsan Maamulkaas.

Wasiir ku xigeena xanaanada xoolaha Puntland Cabdiwali Xirsi Nuur, oo warbaahintla la hadlay ayaa sheegay in dabeylaha iyo duufaano roobabka watay ee ku dhiftay qeybo ka mid ah Puntland inay saameyn xoogan ku yeelatay.

Khasaaraha ugu badan ayuu sheegay inuu soo gaaray gobolka Nugaal , waxaana uu sheegay in wasaaradiisa iyo hey’adaha kale ee gurmadku ay gaariwaayeen meelo ka mid ah kuwa ay dhibaatadu ka dhacday.

Wuxuu sheegay in qoysas kor u dhaafaya ilaa 400 qoys inay ku hanti beeleen, waxaana uu sheegay in wasaaradiisu ay ku dadaali doonto sidii dib loogu abuuri lahaa xoolo dadaalada nuucaasi ahna ay ku howlan tahay.

Kulamo dadkan gurmad loogu raadinayo ayaa shalay ka kala dhacay, Muqdisho , Gaalkacyo iyo Boosaaso , waxaana dhamaan  dhinacyadii kulmay ay shaaca kaqaadeen lagama maarmaannimada in la gar gaaro dadka ay dhibaatada lasoo daristay.

Dowlada Somalia oo iminka madxda ugu sareysa uu khilaaf ka dhex jiro ayaa  balan qaaday inay hal million oo doolar ay ku caawin doonto dadkii ay wax yeelada soo gaartay kadib markii maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in arintan wax ka qabashadeeda ay ku adagtahay.

Halkaan hoose  ka dhageyso Wasiir ku xigeena xanaanada xoolaha

Wasiir ku xigeena xanaanada xoolaha Cabdiwali Xirsi Nuur

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Warbixin: FAROOLE oo magacaabay gudiga doorashooyinka Puntland

0

Garoowe (Caasimada online) Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland  C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud “Faroole”, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Guddiga Amniga ee Dootashada Madaxtinimada ee Puntland.

Xafiiska Madaxweynaha Puntland, Wareegto ka soo baxday ayaa lagu soo magacaabay Xubnaha Guddiga Amniga Doorashada, oo ka kooban ilaa lix xubnood.

Guddiga Amniga Doorashada Puntland

1.Madaxweynaha/Madaxweyne ku xigeenka.
2.Wasaarada Amniga.
3.Wasaarada Maaliyadda.

4.Taliyayaasha Ciidamada.
5.Taliyaha ciidanka nabad sugida (PSS).
6.Taliyaha ciidanka PIA.

Wareegtada lagu soo magacaabay Guddigaan, ayaa waxa uu tirsigeedu yahay LR148, sida ku cad Wareegtada laga soo saaray Xafiiska Madaxtooyada ee Madaxweynaha Puntland.

Dhanka kale Dr. C/raxmaan Faroole, ayaa wuxuu kaloo uu maanta magacaabay Guddiga Sare ee Ammaanka Puntland, oo uu hogaanka kaga dhigay Taliyaha Ciidanka Puntland General Saciid Maxamed Xersi “Saciid Dheere”.

Madaxweyne Faroole, ayaa horey u sheegay in ay suggi doonaan ammaanka Musharaxiinta u taagan tartanka Madaxtinimada ee Puntland, inkastoo ay taasi ku gacan sayrayn.

Bilowga sanadka cusub ayaa lagu wadaa in deegaanada Maamulka Puntland ay ka dhacaan doorashooyinka xilka madaxtinimada ee Maamulkaas.

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Somalida Yemen oo dib loo celinaayo

0

San’a (Caasimada Online) Magaalada San’a ee xarunta dalka Yemen waxaa ku soo dhammaaday shir looga hadlaayay qoxootiga Soomaalida ay ka mid yihiin ee buux dhaafiyay dalkaas.

Shirka oo ay ka qaybgaleen inta badan waddamada Khaliijka .dhowr waddan oo ku yaalla Geeska Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay sida ugu haboon ee iyagoo aan la qasbin qoxootiga ay dib ugu laaban lahaayeen waddamadooda.

Hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in qaxtootiga Soomaalida ee ku nool Yemen ay ka fikirayaan inay dalkoodii dib ugu noqdaan sababo ay ugu wacan tahay amni-darrada ka jirta dalka Yemen oo sii xumaanaysa.

Shirka waxaa laga soo saaray dhowr qoddobo waxaa ka mid ah:

1-Dowladdaha Somalia, Yemen iyo UNHCR in ka baaraan daggaan sida ugu haboon ee qoxootiga Soomaalida dib loogu celin karo waddankooda.

2- In aan la qasbin qoxootiga isla markaana dadka doonaya in ay dib u laabtaan in la siiyo wax kasta oo u fududeenaya in ay dib ugu laabtaan dalkooda.

3- In Yemen laga gacan siiyo siddii loo yareen qoxootiga faraha badan ee ka soo gudba gacanka carabta, iyadoo loo marayo qawaaniinta caalamniga.

Si kastaba, waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay hadda dooneyso in ay dib u soo celiyo qoxootiga Soomaalida ee ku nool caalamka sida Kenya iyo Yemen oo ay ku nool yihiin qoxooti fara badan kuwaasoo dalka isaga cararay intii ay socdeen dagaaladii sokeeye 21-kii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka San’a |Yemen

[email protected]

Warbixin: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu wataa R/Wasaare cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online)Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan guux ballaaran oo ku aadan in madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo in uu meesha ka saaro ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shidoon Saacid oo hadda xafiiska jooga 12-bilood.

Saraakiil ku dhow dhow xafiiska madaxweynaha oo magacooda qariyay sababo ay ugu wacan tahay inaan loo fasixin inay warbaahinta la hadlaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in madaxweynuhu uu doonayo in uu xilka ka qaado ra’iisal wasaaraha.

Wuxuu madaxweynaha doonaya in uu magacaabo ra’iisal wasaare cusub, waana taas mida keentay in ra’iisal wasaaraha ay maanta u tagaan in kabadan 15 xubnood oo isugu jira wasiirro iyo wasiirro kuxigeenno ka tirsan xukuumaddiisa kuwaasoo ka codsaday in uu is-casilo.

Sidoo kale ilaha Warka aan ka helnay ayaa noo sheegay in Madaxweynaha uu sameeyay wadatashiyo ballaaran, waxaana u soo baxay in uu magacaabo ra’iisal wasaare cusub si uu maareeyo howlo badan oo horyaala dowladiisa, oo ay ku jirto siddii doorasho ay uga dhici lahayd Soomaaliya sannadka 2016-ka iyo in la dhammeestiro dastuurka dalka.

Waxaa muuqata in ra’iisal wasaarahu uu waayay kalsoonida inta badan golaha wasiiradiisa, waxaana markii loo jeediyay dalabka ah in uu iscasilo uu xubnahaasi u sheegay inuu jawaab ku soo celin doono kana fiirsan doono talladooda.

Raysal wasaaraha ilaa hadda wuxuu ku dhaggan yahay in uu soo magacaabi doono golaha cusub ee wasiiradiisa kuwaasoo ka badan kuwa hadda dhisan.

Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo siyaasada soo korartay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Illaa 20 wasiir iyo wasiiro ku xigeen oo Saacid kula taliyay inuu Is-casilo

0

Muqdisho (Caasimada online) Qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo ay kaga arinsanayeen qilaafka soo kala dhexgalay madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaare Saacid kaasi oo ka danbeeyay ka dib markii madaxweynaha uu ka dalbaday Raysal wasaaruhu inuu iscasilo.

Wasiiradaan oo gaaray qiyaastii ilaa iyo laabatan ayaa kulankooda ka dib waxay la kulmeen Raysal wasaaraha waxayna kala hadleen inuu u hogaansamo soo jeedinta madaxweynaha oo uu iscasilo, si loo dhameeyo ismari waaga, loona tanaasulo danta shacabka, horayna loo siiwado howlaha horyaala dowlada.

Qaar ka mid ah wasiiradaan oo Shabakada Caasimada ay  helshay magacyadooda ayaa waxaa ka mid ah.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan Wasiirka arimaha dibada

C/kariin Xuseen Guuleed. wasiirka arimaha Gudaha

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi. wasiirka Gaashaandhiga

C/laahi Abyan Nuur. Wasiirka Arimaha Diinta

Cabdirisaaq Cumar Maxamed wasiirka qayraadka

C/rixamaan Dheere Wasiirka ku xigeenka Gaashaandhiga.

C/shakuur Cali Mire wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Ibraahim Isaaq Yarow wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

Jaamac Oday wasiir ku xigeenka arimaha Gudaha.

Maxamed Xasan Wasiir ku xigeenka Maaliyada

Maxamed Rashiid Wasiir ku xigeenka Maaliyada.

Nadiifo Maxamed Cismaan Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud

Xasan Maxamed Jimcaale Wasiir ku xigeenka Cadaalada.

Warar soo baxaya waxay sheegayana in ra’isul waase Saacid kadib kulanka uu la qaatay golaha wasiirada ee iscasilaada ka dalbaday inuu kulan ooni ah la qaatay qaar kamid ah la taliyaashiisa uuna u usheegay inuusan marna xilka ka dageyn.

Si ra’isul wasaaraha loogu cadaadiyo iscasilaada ayay qaar ka mid  ahw axay soo jeediyeen talo ah in iyaga ay xilka iska casilaan , waxaase arintu ay kasii dartay markii Saacid uu yiri ” Hadii ay xilka iska casilaan aniguna isla cawa ayaan ku dhawaaqayaa wasiirada cusub oo aan gor hore sii diyaariyay’

Hadalka Saacid ayaa cabsi kusii dhaliyay wasiiradan cadaadiska ku saarayay inuu iscasilo ra’siul wasaaraha dalka .

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa ka dal baday ra’isul wasaare Saacid inuu xilka isaga dego kadib markii ay isku qabteen qaabka loo maareynayo xubnaha  golaha wasiirada cusub , inakstoo Ra’isul wasaare Saacid uu arintaas ka ka biyo diiday.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

WARBIXIN: Halkuu ku dambayn karaa khilaafka madaxda Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada online) Mar qura ayaa waxaa cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) .

Khilaafka ayaa soo ifbaxay kaddib markii muddo sanad ah ay wada shaqeynayeen khilaaf la’aan labada Mas’uul.

Dadka ka faallooda siyaasdda soomaaliya qaarkood ayaa u arka in khilaafkan uu soo daahay marka la eego hab dhaqankii siyaasadeed ee Madaxweynayaashii hore iyo Raisul wasaareyaashii Soomaaliya soo maray dhowr iyo tobankii sano ee ugu danbeysey.

Ra’iisalwasaarayaashii hore

Soomaaliya waxay yeelatay 10 ra’iisalwasaare tan iyo sanadkii 2000 xilligaas oo la soo doortay madaxweynihii ugu horreyey ee kumeel gaarka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Cabdiqaasim waxaa uu yeeshay saddex ra’iisalwasaare – Dr. Cali Khaliif Galeyr, Xasan Abshir iyo Maxamed Cabdi Yusu.

Madaxweynihii ku xigay Cabdullahi Yusuf, waxaa uu magacaabay seddex kale muddada uu xukunka hayay – Cali Maxamed Geeddi , Nuur Cadde iyo Maxamed Maxamuud Gacmadheere.

Madaxweyne Shariif Sh Axmed ayaa waxaa isaguna uu magacaabay muddadii uu madaxweynaha ahaa Seddex Raisul wasaare oo uu ugu horeeyey Cumar Cadirashiid Cali Sharmaake, kuna xigey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uguna danbeeyey Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Imisaa ra”iisalwasaare?

BaarlamaankaXalka arrintan waxaa uu u yaalla baarlamaanka Soomaaliya

Suaasha ay dadka qaarkood haatan isweydiinayaan ayaa waxay tahay, madaxweyne Xasan Sheekh , inta uu madaxweynaha yahay imisaa ra’iisalwasaare ayuu magacaabi doonaa?

Cadullaahi Cosoble, oo khabiir ku ah shariciga kana soo shaqeeyey xukuumadihii soomaaliya xorriyaddii kaddib wasiirna ka ahaa xukuumaddii kacaanka , ayaa waxaa uu qabaa , in ayna dhici Karin madaxda Soomaaliyeed in ay iyagu dhammaantood ay sabab u yihiin khilaafka, hasa yeeshee uu qaladku ka jiro destuurka, sidaasi darteedna ay tahy in dib loogu noqdo dastuurka haatan lagu dhaqmayo

Sababta Khilaafka

Inkasta oo aaney jirin xog rasmi ah oo asalka khilaafka xuseysaa haddana warar kala duwan ayaa ka soo kala baxaya xaafiisyada labada mas’uul kuwaas oo midba si u sheegayo khilaafka.

Sarkaal sare oo ka tirsan xaafiiska Raiisul wasaare Saacid oo ka gaabsaday in magaciisa lasheego ayaa ii caddeeyey in la isku hayo arrimo destuurka ku saabsan oo ah Cidda awoodda u leh magacaabidda xukuumadda.

Wwuxuuna sarkaalkaasi intaa ku daray in haatan waan waan xal lagu raadinayo socoto, haddii la isku afgaran waayana lagu kala bixiddoono detuurka oo macnaheedu noqon karo barlamaanka.

“Howlo baaxad weyn”

“ Madaxweynaha, waxaa sugayo howlo baaxad weyn oo ay tahay in ladhameeyo 2016 kahor, sida dib u eegid in lagu sameeyo Destuurka, dhismaha maamul gobaleedyada, suggidda ammaanka dalka iyo howlo kale oo badan, sidaas darted markii Madaxweynuhu wadatashi badan amuurahaas oo dhan ka sameeyey wuxuu go’aansaday in uu sameeyo isbaddel ballaaran oo ay kamid tahay magaacaabid Raiisul wasaare cusub” Sidaas waxaa yiri sarkaal sare oo u hadlay xafiiska madaxweynaha oo diiday in magaciisa la sheego. Mas’uulkan ayaa BBC-da u sheegay in uu filayo in afgarad ama sulux lagu dhameyn doono arrinta taagan oo ayna gaari doonin barlamaanka.

JawaariGuddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in gudaha lagu xallin doono khilaafkan.

Guddoomiyaha balamaanka Fedaraalka Soomaaliya Maxmed Sheekh Cismaan Jawaari, markii ugu horreysey ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha soo kala dhexgalay ayaa waxaa uu sheegay in arrintan lagu xallin gudaha dalka.

“Dalku dastuur ayuu leeyahay , xaalkuna sidii hore maahan oo dibadda looga imaan jirey in laxalliyo khilaafka masuuliyiinta.,” ayuu yiri Jawaari.

Halkee buu ku dambeyn karaa?

Labo arrimood middood ayaa khubaradu sheegayaan in ay ku dhammaan doonto.

SaacidRa’iisalwasaare Saacid ayaa sheegay in destuurka uu kala bixin doono isaga iyo madaxweynaha

Waa tan koowaad oo ah, in is afgarad lagu dhammeeyo oo sulux lagu gaaro sidii loo fududeyn lahaa iscasilaadda ra’iisalwasaare Saacid.

Horey uma dhicin inay wada shaqeeyaan madaxweyne iyo ra’iisalwasaare Soomaaliyeed oo siyaasad isku afgaran waayey

Tan labaadna waxay tahay; sida ay muujinayaan hadallada ka soo baxayo xafiisyada labada ma’suul, waa in destuurka lagu kala baxo oo macnaheedu yahay in barlamaanka lahor geeyo arrinta la isku hayo.

Isqabqabsigii Madaxweynayaalka iyo ra’iisalwasaareyaashii dhowr iyo tobankii sano marka la jalleecdo, waxaa laga dheehanayaa in markasta is afgarad lagu dhammeyn jirey is casilaadda ra’iisalwasaaraha, marka laga reebo, Dr. Cali Khaliif Galleyr oo baarlamaanka lagu kala baxay.

Xigasho BBC Somali

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Cepe Town South Afrika

0

CAPE TOWN (Caasimada Online) Magaalada Capetown ee dalka Koonfur Afrika waxaa maanta ku geeriyooday allaha ha u naxariisto Ibraahin Macalin Abuuka.

Muwaadinkan ayaa la sheegay in ay dileen dableey hubeysan kuwaasoo ku dhaawacay dukaan uu ku lahaa magaalada Capetown sida uu Caasimada Online u sheegay Wariye ku sugan Koonfur Afrika.

Isagoo dhaawac garaab ah ayaa la geeyay Isbitaalka halkaas ayuuna ku dhintay sida ay lee yihiin wariyaasha.

“Marxuumka wuxuu u dhintay dhaawaca ka soo gaaray kooxda soo weerartay Isbitaalka ayuu ku dhintay,wuxuu ahaa qof aad u dhowrsan oo Soomaalida jecel” ayuu yiri Wariyaha aan wareysanay.

Ma ahan qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo lagu dilo magaalada Capetown oo ka mid ah magaalooyinka ay ku sugan yihiin Soomaalida dalkaas ku nool.

Waxaa waxaa dalka Koonfur Afrika ka socda dilalka lagu hayo dadka Soomaalida mana jirto cid wax ka qabaneysa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

VIDEO: Wax qabadka Xukuumada Ra’isul Wasare Saacid & Inta ay jirtay.

0

Caasimada Online: Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Abdi Farah Shirdoon “Saacid” waxaa xilka Ra’isul Wasaaranimada loo magacaabay Sanadkii hore 10.06.2012 waxeey xukuumadiisa sanad jirsatay bishii hore wax badan baa u qabsoomay wax kalana waa u harsan yihiin balse Barnaamij ka hadlaya Waxqabadka Xukuumada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Saacid nala daawo.

Barnaamijkaan ayaa ka hadlaya wax yaaba badan oo ku saabsan wax qabadka Xukuumada hada la doonaya in ay ka dagto talada Dalka ee wax badan ka ogoow waxa la isku heesto iyo xaalada dalka & waxqabadkii Ra’isul Wasaare Saacid.

HALKAAN KA DAAWO:

 

300 oo qof ayaa ku dhintay dabeylaha iyo roobabka ku dhuftay Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) Mas’uuliyiinta Puntaland ayaa aaminsan in ku dhawaad 300 oo qof ay ku dhinteen dabeylo iyo roobab xooggan oo shantii maalmood ee la soo dhaafay ka da’yay deeganno badan oo ku yaalla Xeebaha Bari ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay masiibooyinkaas ay meerteen xoolo badan oo u badan Geel iyo Ari sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, wuxuuna sheegay in meelaha ugu sii daran ay yihiin deegannada Dan-gorayo, Beyra iyo Eyl.

Waxaa lagu soo warramayaa oo kale in gurmad la gaarsiiyay dadka ay wax yeelada ka soo gaartay roobabka iyo dabeylaha ka socday deegannadaas, in kasto uu yer yahay gurmadka tegay halkaas waayo jidadkii ay go’an isgaarsiin ma jirto.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhibaatadaas ku tilmaamtay masiibo qaran waxaana ay ku deeqday Hal Milyan oo dollaar, iyadoona baaqyo u dirtay Soomaalida dibedda iyo beesha caalamka.

Dhinaca kale, Wariyaha Caasimada Online ee Puntaland ayaa soo sheegaya in masiijada waaweyn ee ku yaalla Puntland laga billaabay deeqo loo aruurinaayo dadka ay wax yeelada ka soo gaareen dabeylahaas iyo roobabka xooggan ee ka socday deegannada xeebaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

Maxaa ka jirra in la toogtay raggii dhaawacay Xildhibaan Yuusuf Xasan?

0

Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Kenya ayaa shaacisay in la dilay raggii dhaawacay xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamukunji,ee Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Raggan oo ahaa labo ayaa waxaa toogtay booliska Kenya kaddib markii howgallo ay saakay aroortii hore ka sameeyeen xaafadda ay ku badan tahay Soomaalida ee Islii gaar ahaan waddada 12-aad ee agagaarka xaruntii hore KBC Garage.

Madaxa Booliska Magaalada Nairobi Benson Kibue, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in raggan la toogtay ay ku hubeysnaayeen bam gacmeed, rasaas iyo baastoolad.

Mr. Kibue ayaa tilmaamay in labadan nin la rumaysan yahay in ay yihiin kuwii ka dambeeyay bam gacmeed ay dad ku dhinteen oo lagu weeraray Masaajidka Al-Hidaaya ee xaafadda Islii bishii December sannadkii horre.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamukunji, Yuusuf Xasan Cabdi.

Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ayaa soo sheegaya in xaafadda Islii aysan ka jirin maanta wax dhaqdhaqaaq ah, waxaana xiran inta badan goobaha ganacsiga iyo meelaha lagu shaaxo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Hey’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka hadashay Khilaafka Madaxda DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay shir ay soo qaban qaabiyeen hey’adda culimada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha hey’addaas Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in shirkooda ay uga hadlayaan afar qoddob oo kala ah, Dhibaatadii ay geesteen dabeelo iyo roobab xooggan oo ku dhuftay Bariga Soomaaliya, siddii gurmad loo gaarsiin lahaa dadkii wax ku noqday fatahaada Wabiga Shabeelle, Khilaafka soo kala dhex galaya madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo siddii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen dabeelaha iyo roobabka ku dhuftay deegannada Puntland.

Ugu horreyn wuxuu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay dabeelaha roobabka wata ee ku dhuftay deegannada Puntland, wuxuu kaloo sheegay in ay magacabeen guddi soo qiimeeya dhibaatada ay geesteen roobabkaas kuwaasoo tegi doona goobaha ay wax yeelada ay ka dhasheen.

Guddoomiye ku xigeenka Hey’adda, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in ay ka xun yihiin khilaafka soo kala dhexgalaay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarihiisa, wuxuu sheegay in dadka Soomaalida ay ka soo daaleen khilaaf loona baahan yahay wax qabad.

Wuxuu sheegay in ciddii loo arko in aysan waxbo qabaneynin in meesha isaga tagto oo la keeno qof wax qabanaya sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan Hoose  ka dhageyso codadka hey’ada Culimada Somalied

culumada

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Ahlu-suna oo ka hadashay Khilaafka Madaxda DF Somalia

0

Garbahaareey (Caasimada online) Ururka Ahlu sunna ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda ugu sareysa dalka , kaas oo salka ku haya iscasilaada iyo diidmada ras’isul wasaaraha Somalia .

Gudoomiyaha talada ururka ahlu sunna wal jamaaca Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamayu khilaafkan soo kala dhex galay Saacid iyo Xasan Sheekh.

Sheekh Cumar ayaa arintan ku tilmaamay mid Mas’uuliyad xumo ah waxaana uu ka dalbaday labada dhinac in wax waliba ay ku dhameeyaan wada hadal iyo is faham .

Labadan mas’uul ayaa isku qabtay qaabka soo dhisidda xubnaha ka mid noqonaya wasiirada cusub ee dalka uu yeelanayo taas oo ay ku kala arti duwan yiihiin labada mas’uul.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday Ra’isul wasaare Saacid inuu xilka isaga dego hadii uusan u hogaansameyn amarkiisa taas oo xiisada labada dhinac sii kicisay .

Halkaan Hoose ka dhageyso Sheekh Cumar

Wareysi-Sheekh-Cumar-Sheekh-Cabdulqaadir-

Caasimada online

Xafiiska Galbahaareey

[email protected]

Afhayeenka G/SH/DH oo arrin khatar ah shaaciyay “Maxay tahay?”

0

Jowhar (Caasimada Online) Afhayeenka Maamulka Gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay in guddoomiye ku-xigeenka gobalkaas uu lunsaday deeqo ay hey’adda bisha cas ee Turkiga u soo dhiibteen dadkii ay saameeyeen fatahaada Wabiga Shabeelle ee Gobalka.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayuu Daa’uud Xaaji Ciiro wuxuu sheegay in Yuusuf Cabdi Cabdi Cabdulle oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Shabeellaha Dhexe uu si gaar ah ugu tuntay deeqihii gobalka loo soo diray.

” Yuusuf Cabdi Cabdi Cabdulle, wuxuu si gaar ah u leexsaday dhowr baabuur oo ay saarnaayeen gargaar nooc kasta oo ay ku jiraan cunno kuwaasoo loogu talagalay dadka Gobalka Shabeellaha Dhexe kuwaasoo ay saameeyeen fataahada Wabiga Shabeelle” ayuu yiri Afhayeenka Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulkooda uu berri ka yahay tallaabadan uu ku dhaqaaqay guddoomiye ku-xigeenka sida uu hadalka  u dhigay.

Ugu dambeen wuxuu Daa’uud Xaaji uu ka codsaday madaxda dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabtaan falka uu ku dhaqaaqay guddoomiye ku xigeenka oo gargaarkii gobalka suuqa ku iibsanaya dharaar cad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Cali Geedi: Xasan Sh. dastuurka ayuu ka leexday isagaa sababay Khilaafka

0

Nairobi (Caasimada Online) Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex jira madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaarihiisa.

Cali Geedi oo la hadlay Idaacadda Maxaliga ee Kulmiye ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ku tuntay dastuurka u yaalla dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu doonayo in uu qabto shaqada fulinta oo uusan shaqo ku lahayn isla markaana uu doonayo in uu qabto kursiga ugu sareeya iyo midka ugu hooseeya.

“Madaxweyne dhahaya ra’iisal wasaaraha is-casil annagu meel ay sharciga uga taallo ma aqaano, howshiisa waa in uu magacaabo ra’iisal wasaaraha, digreerto uu soo saaro ee ma ahan in uu shaqada ka qaado, dastuurkii ayuu ka leexday” ayuu yiri Cali Geedi.

Wuu sii hadlay “Annigu waxaan aamisanahay in uu lee yahay madaxweynaha khilaafka soo baxay, howsha fullinta madaxweynuhu ma qabto, baarlamaanka ma lahan, golasha shaci dajinta ma lahan, annigu waxan qabaa in ra’iisal wasaaraha loo daayo shaqadiisa”

Wuxuu sheegay in ay ka war qabaan in madaxweynaha iyo koox gaar ay doonayaan in hagaan masiirka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasaaraha uu dul qaad muujiyay muddada sannadka ee uu xafiiska joogay, wixii hadda ka dambeeyana uusan dul qaad jiri doonin.

Hadalka Cali Geedi ayaa soo baxay markii la sheegay in madaxweynaha uu ka codsaday ra’iisal wasaaraha in uu iscasilo balse uu diidday Saacid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]