27.1 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Video: Dhacdo caalamka ka yaabisay oo ka dhacday waddanka Brazil

0

Caasimada Online:  Magaalada Sao Paulo ee Wadanka Brazil ayaa waxaa ka dhacday dhacdo caalamka dhan ka yaabisay kadib haweeney booqatay Qabriga Xaaska ninkeeda balse la soo kulantay arin ka fajicisay caalamka.

Hadaba arinkani oo si aad ah looga baahinaya Tv-yada Caalamka ayaa ah mid ku cusub dunida maanta taa oo ah in la arko arinkani ay sheegeyso haweeneydan balse markii dambe ay Koox wariyayaal ah booqdeyn goobta Qabriga oo lagu soo arkay arinkaasi ee nala daawo muuqaalkani cajiibka ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

South Africa oo caawineysa Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa sheegay inay la wadaagayaan Shacabka Soomaaliyeed xanuunkii ka soo gaaray Duufaantii ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya gaar ahaan Deegaanada Maamulka Puntland,kaasi oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 150-Qof.

” Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan Ehalada dadkii waxyeelada ka soo gaartay Duufaanta,gaar ahaan Carruurta iyo Haweenka,kuwaasi oo saameynta ugu badan ay ka soo gaartay Masiibada Qaran,” ayuu ku sheegay Zuma hadal uu soo saaray.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Koonfur Africa in shacabka Koonfur Africca dhibta la qeybsanayaan Soomaalida dadkoodii ay jeclaayeen kuwaayay dufaanta,isagoona balan qaaday inta karaankooda ah ay ka qeyb qaadan doonaan dadaalka loogu gumrmanayo dadka saameynta ay ku yeesheen Duufaanta ku dhufatay qeybo ka tirsan Maamulka Puntland,isagoona dadkii dhaawacyada ka soo gaartay Masiibadaasi u rajeeyay bogsasho deg deg ah.

Waaxda xiriirka Caalamiga ayaa shaaca ka qaaday in ka badan 250 000 guryo ah oo dadi ay ku noolaayeen bur bureen,iyadoo sidoo kale Malaayiin Xoolo Noole ay ku dhinteen Duufaanta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Ka hadalka khilaafka madaxda sare ee dalka oo sii kordhaya

0

Muqdisho (Caasimada online) Qaar ka mid ah Xildhibaano hore uga tirsanaa dowladii KMG aheyd iyo siyaasiyiin ayaa maanta waxay si aad ah uga hadleen khilaafka madaxda sare ee dalka iyo hadalkii kasoo yeeray xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ee ahaa inuu ra’isul wasaaruhu lumiyay kalsoonidii dowlada.

Siyaasiyintan  oo la hadlayay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxay eedeyn u jeediyeen xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil iyagoona ku tilmaamay mid ku tumaya kana been sheegaya dastuurka dalka .

Xildhibaan C/raxman Xoosh ayaa sheegay in madaxweynaha uu ra’isul wasaaraaha ka dalbaday inuu soo wareejiyo warqada istiqaalada hayeeshee siyaasiyiintan ayaa sheegay in xitaa amarkaas uusan laheyn madaxweyne xasan.

Waxay shaaciyeen in madaxweynaha Somalia kaliya uu leeyahay magacaabista balse uusan laheyn xilka qaadista iminkana uu si toos ah fara galin ugu sameeyay shaqada baarlamaanka Somalia .

Muranka ka dhashay khliaafka madaxda sare ee dalka ee marba marka kasii dambeysa kor usii kacayaa iyadoona mudanayaasha baarlamaanka iyo dadka siyaasada qiimeeya iyo qaabab kala suwan arintan uga hadlayaan .

Inta badan aqoon yahanada iyo siyaasiyiinta ayaa khilaafka madaxda sare ee dalka waxay ku sifeeyeen mid siyaasadeed balse uusan aheyn mid dastuuri ah .

Dhowaan ra’isul wasaaraha dalka oo madaxweynaha ay is hayaan ayaa sheegay in khilaafkoodu uu yahay mid dastuuri ah balse xal laga gaari doono .

Gudoomiyaha Baaramaanka Somalia ayaa u digay xubnaha baarlamaanka somalia isagoona ku tilmaamay inay yihii garsoorayaasha madaxda dalka sidaasi darteedna laga doonayo inay sirtoooda xafidaan .

 Halkaan Hoose ka dhageyso Siyaasiyinta

Qaar ka mid ah xildhibaano iyo siyaasiyiin

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

Dhageyso: Axmed Madoobe oo ka hadlay Khilaafka Madaxda DFS

0

Kismaayo (Caasimada Online) Hoggaamiyaha Kumeel gaarka ee Maamulka Jubba, Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.

Isagoo Warbaahinta kula hadlaayay Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, ayuu Axmed Madoobe ka codsaday madaxda dowladda in ay xaliyaan khilaafkooda iyadoo aan cidna meesha laga dirin.

Wuxuu sheegay Dowladda Fedaraalka haddiiba ay xalisay arrintii Jubbooyinka iyo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa la xalin karo sida uu hadalka u dhigay.

““Abkeey dooli dilow dad nool maas u daahaa, Arrinta Jubbooyinka haddii aad xaliseen tan waa ay iska dhammaaneysaa” ayuu yiri hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe,oo ka hadlaayay Khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay dadka ku wax yeeloobay dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ku dhuftay deegannada Bariga Soomaaliya.

Wuxuu tacsi u diray dadka ku dhintay,wuxuu caafimaad u rajeeyay dadka ku dhaawacmay isagoo bedal Kheyr qaba alle uga baryay dadkii ku hanti beelay dabeylahaas.

Ugu dambeyn shirka jaraa’id ee Axmed Madoobe wuxuu ku soo hadal qaaday shirkii looga hadlaayay arrimaha Jubbooyinka ee ka dhacay Muqdisho, wuxuuna sheegay in shirkaas uu guul ku soo dhammaaday.

HalkaanHoose  ka dhageyso Axmed Maxamed Islaam

Axmed-madoobe

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Xoosh Jibriil “Ra’iisul wasaaraha waxa ay ahayd inuu mar hore is-casilo”

0

Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirkii horre ee dastuurka KMG ah Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa caawa ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Maxaliga ee Risaala ee Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in ra’iisal wasaaraha loo baahnaa mardhow in uu meesha ka tago maadama uu waayay kalsoonida Madaxweynaha, Golaha Wasiiradda iyo Midkii Baarlamaanka sida uu hadalka u dhigay.

Xoosh Jibriil Wuxuu sheegay in Ra’iisal wasaaraha looga baahan yahay in uu heshiis la galo Madaxweynaha, heshiiskaas oo wax kasta oo noqon kara kaddibna uu is-casilo.

Wuxuu sheegay in Raysal Wasaaraha uusan la jaan qaadi karin qorshaha dowladda ay rabto in ay gaarto muddada seddaxda sanno ee u dhimman.

“Arrinta ma ahan khilaaf madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, laakin howshii laga rabay ra’iisal wasaaraha ayaa ku timid gaabis marka sidaas darteed waa in uu meesha ka baxaa ra’iisal wasaaraha, markii hore madaxweynaha ayaa keenay Saacid meesha, waana laga qaadi karaa” ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay in xildhibaannada baarlamaanka ay la kala safteen labada nin? wuxuu sheegay in Xildhibaannada baarlamaanka aysan la kala safan doonin labada masuul.

Ugu dambeen mar wax laga weydiiyay hadal uu ra’iisal wasaaraha sheegay oo ah in Khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha uu yahay mid la xiriira Dastuurka.

Wuxuu sheegay khilaafka labada nin uusan ahayn mid dastuuri, waa mid siyaasadeen, waayo Raysal Wasaare Saacid wuxuu waayay kalsoonida Madaxweynaha iyo Golaha wasiirada, hadda waxaa u dhimman Baarlamaanka mana heli dooni sida ii muuqata ” ayuu yiri Xildhibaan Xoosh Jibriil.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Jawaari oo si cad uga hadlay khilaafka madaxda Dalka, digniina diray + Video

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Shirjaraa’id oo uu uga hadlayo marxaladda uu marayo Dalka gaar ahaanna dhanka siyaasadda isagoo fariin gaar ahna ukala diray Xildhibaannada Golaha Shacabka,Shacabka Soomaaliyeed iyo Saxaafadda.

“ugu horeyn waxaan rabaa inaan u jeediyo Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka inaan ku adkeeyo ama uga digo in arimaha khilaafaadka siyaasiga ee laanta fulinta ka jira aysan u ololeyn ama Warbaahinta uga hadlin taasi oo aan ula jeedo hadii khilaafaad siyaasi ah ay yimaadaan oo Madaxda dalka dhexdeeda uu khilaafaad siyaasi ah soo kala dhexgalo hor iyo horaan waxa weeye odayaal baa la yahay oo walaga fariisanayaa,waa laga wada hadlayaa,waana la xalinayaa,hadii ay taasi dhici weyso waxey usoo biyo shubaneysaa in Golaha Shacabka ay timaado maadaama ay taasi tahay mas’uuliyadda Baarlamaanka loo sameeyey in arimahan oo kale go’aan uu ka gaaro”ayuu hadalkiisa ku bilaabay Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Xildhibaanku ka joogo arintan halka Qaadiga ama garsooraha uu ka joogo xukunka mana haboona ayuu yiri in Qaadiga ayada oo xukunka uu xafiiskiisa dhexyaalo aanay habooneyn inuu banaanka ugasii hor dhaco arinta uu xukumayo ama go’aanka ka gaarayo waxaana uu ku baraarujiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iney dhowrtaan mas’uuliyadooda Xildhibaannimo iyo awoodda ay leeyihiin oo aanay dhicin in warbaahinta laga ololeeyo maadaama aanay hada lagu jirin ololle oo lagu jiro xalin ama maslaxad.

“arinta Labaad ee aan doonayo inaan ka hadlo waxey tahay Xukuumaddu weey noo shaqeyneysaa, adeegga shacbiga loo hayana wuu socdaa,wax xumaanaya haba yaraatee ma jirto sidaas darteed waxaan shacbiga Soomaaliyeed ka codsanayaa  iney kalsoonidooda qabaan,mahad Alle ayaa leh maanta waxaan leenahay Gole Shacbi oo shaqeynaya  oo u duuban hogaaminta siyaasadda dalka iyo maareynta dhibaato kasta oo timaada,qof ahaan aadbaan ugu kalsoonahay in Golahan Shacabka ay aqoon iyo karti buuxda u leeyihiin iney xaliyaan mushkilad kasta oo timaada,shacabkana waxaan ka codsanayaa iney ku kalsoonaadaan”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in mahad kale oo Alle looga mahad celinayo ay tahay in dalku leeyahay shuruuc iyo Dastuur oo arimahan oo kale lagu kala maareeynayo sidaas darteedna aysan jirin wax xumaanaya oo ay tahay in la is dejiyo oo aan loo baahneyn in wax la buun buuniyo oo qof kasta uu ogaado iney dalkan mas’uuliyad ka saarantahay oo uu ku fekero sida xal loo gaari karo oo wax loo xasilin karo.

“arinta ugu dambeysa waxaan u jeedinayaa Warbaahinta iyo Saxafiyiinta,dadka saxafiyiinta ee warbaahinta ku shaqeynaya dhammaan
waxaan xusuusinayaa in qalinka iyo qalabka aad ku shaqeyneysaan uu idiinku yahay Allena idinkula xisaabtamayo,arin fiican ma ahan inaad buun buunisaan waxaanan jirin ama kuturukuteen ah oo aan loo baahneyn aad umadda ku jahwareerisaan, mas’uuliyad ayaa ku saaran,muwaadinbaad tahay oo dalkan mas’uuliyad ayaa ka saaran fadlan ha noqonina kuwo qasaaro ku shoob ah oo noqda kuwo hormarka ku faana,Mahadsandiin” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka.

VIDEO-ga shirkajaraa’id ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Linkiga Hoose ka Daawo:-

 

Mid ka mid ah musharrixiinta Puntland oo $10,000 ugu deeqay duufaanta

0

Nairobi (Caasimada Online) Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaa ,maanta shir jaraa’id ku qabtay Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ah musharraxiinta u taagan doorashadda madaxtinnimada ee Maamulka Puntland.

Wuxu sheegay in lacag dhan $10,000 uu ugu deeqay dadka wax ku noqday dabeylaha roobabka xooggan watta ee ku dhuftay Gobalada Nugaal iyo Barri ee dalka Soomaaliya.

Musharrax Xaaji Yaasin ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ka billowday Sabtidii la soo dhaafay deegannada Puntland, wuxuuna ka codsaday beesha caalamka in kaalmo deg-deg ah lala gaaro dadka ay waxyeellada ka soo gaartay duufaanta.

Wuxuu ka codsaday musharraxiinta kale ee u tartamaya xilka madaxtinnimo ee Puntland iyo dadka hantida leh inay ka qeyb-qaataan gurmadka lagu caawinayo dadka dhibaateysan.

Sidoo kale, waxaa isna ugu deeqay $5,000 dadka ay waxyeellada ka soo gaartay dabeylaha musharrax Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharrixiinta u taagan doorashadda Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo xubno maamulkiisa ayaa maanta booqday halkii ay ka go’day buunadadi Sunijif taasi oo hakad gelisay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha Puntland saddex maalmood.

Faroole wuxuu kaloo booqday garoonka diyaaradaha Garowe oo waxyeeleen dabeylaha roobabka wata ee ku dhuftay deegannada Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

VIDEO: Bilicda cusub ee MUQDISHO

0

Caasimada Online: Magaalada Caasimadda ee Muqdisho muuqaal ahaan iyo Bilic ahaan waxaa is badalay qaabkii ay aheyd Sanadkii la soo dhaafay marka loo fiiriyo Horumarka ay Sanadkaan Sameeysay Magaalo madaxda dalkeena ee Muqdisho.

Dhinac waa horumar ku cusub magaalada dhinac waa is badal dhinaca Bilicda Magaalada dhinacna waa dib u dhis xoogan oo ka socda Magaalada Muqdisho ee nala daawo Video-gaan aan isku keenay waxii cusub ee ugu dambeeyay ee Magaalada.

HALKAAN KA DAAWO:

KEYNA oo sharcigeeda kala noqotay in ka badan 100 qof (aqri sababta)

0

Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Kenya ayaa  maanta in ka badan 100 qof waxay kala noqotay kaararkii aqoonsiga ama sharciga dalkaasi kadib markii baaritaan dowladu ay sameysay lagu ogaaday in si Muqmaasuq ah lagu siiyay .

Wasiirka arimaha gudaha Kenya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka kenya wuxuu sheegay in kadib baaritaan ay sameeyeen in ay ogaadeen in dad badan oo Kenya ku nool inay si musuqmaasuq ah inay sharcga dalkaasi ay ku heleen .

Waxaa iminka si rasmi ah sharciga dalkaasi lagala noqday  104 qof oo dalkaasi ku noolaa kuwaas oo heystay sharciga dalkaasi inkastoo Wasiirku uu sheegay in si sharciga aan waafaqsaneyn ay ku heleen aqoonsiga dalkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in wax laga xumaado inay tahay in xafiiska madaxweynaha dalkaas in lahu helo musuqmaasuq waxaana uu sheegay inay sii wadayaan baaritaanada nuucai ah isagoona amar ku bixiyay in qofkii sharci si qadan uu ku helay heesto lagu arko xabsiga loo taxaabo .

Wuxuu sheegay in dadka sida dadban ku helay sharciga dalkaas inay yihiin kuwo dambiilayaal ah waajibna ay tahay in sharciga lala tiigsado.

Kenya ayaa aaminsan in qaar ka mid ah ragii fuliyay weerarkii westagate ay heysteen sharciga dalkaas oo ay ku heleen qaab sharcigaa khilaafsan .

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Dadkii ay duufaanta saameysay oo lala gaaray gurmad (Dhageyso)

0

Garoowe (Caasimada online)  Markii ugu horeysay ayaa qaar  ka mid ah dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay duufaantii ku dhaftay  ee ku noolaa qeybo ka mid ah Puntland waxaa la gaarsiiyay gar gaarbini aadanimo.

Deegaanka Qarxis oo ka mid ah goobaha sida aadka ay dhibaatada uga soo  gaartay dadkii ku noolaa ayna saameynta ku yeesheen Rooba.

Sheekh Axmed Daahir Sheekh Xasan oo ka mid ah Culimada Boosaaso ayaa sheegay in gargaar deg deg ah oo dhanka nolol maal meydka salka ku haya l a gaarsiiyay dadkii dhibaatada ay lasoo deristay.

Dhanka kale Akhristayeesheena waxaan halkan ugu soo bandhigeynaa qaar ka mid ah Sawiro ka turjimada Roobabkii dabeylaha watay ee ka da’ay qeybo ka mid ah Puntland.

Halkaan hoose ka dhageyso Sheekh Axmed Daahir Sheekh Xasan

Sheekh Axmed Daahir Sheekh Xasan

1 2 3 4 5 6 7 8Caasimada online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Shirka Golaha Wasiiradda oo saameyn ku yeeshay khilaafka madaxda DFS

0

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya oo Maalin kasta oo Khamiis ah dhici jiray uu saameen ku yeeshay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarihiisa.

Ilo Xog-Ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online, balse diidday magacooda in loo adeegsado Warbaahinta ayaa noo xaqiijiyay in Wasiiradda xukuumadda ay intooda badan ka maqan yihiin dalka isla markaana Wasiirro ay ka mid yihiin Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Gudaha ay ka maqan yihiin shirka maanta oo uu shir guddoominaayo Ra’iisal wasaare Saacid.

Wasiiradda dalka jooga ee ka maqan shirka waxa ay aad ugu dhow yihiin Madaxweynaha, waana kuwii ra’iisal wasaaraha u soo jeediyay in uu is-casilo, sidoo kale wasiiro dalka ka maqan oo uu ka mid yahay Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda waa kuwa aan la ogeyn waxa ay u maqan yihiin waxaana ay ka soo horjeedaan Ra’iisal Wasaaraha.

Shirka wuu socdaa ilaa hadda, waxaana loo yeeray Saxaafadda ma cadda wax yaabaha looga hadlaayo sidaas waxaa noo sheegay mas’uul ka tirsan xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo looga hadlaayo khilaafka soo kala dhex galaya madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Shabakadda Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Warbixin: Wasiiro hore oo Muqdisho ku shiray kana hadlay khilaafka DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xaley ka dhacay kulan ay garwadeen ka ahaayeen wasiiro hore uga tirsanaa dowladii ugu dambeesay ee KMG ah.

Kulanka ayaa ka dhacay Hotel Jazeera oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa looga hadlay sida wax looga qaban karo is-maandhaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah oo ka qaybgalay kulanka ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in ay madasha joogeen Wasiirkii hore ee dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirkii hore ee gaashandhigga Xuseen Carrab Ciise iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdulqaadir Xuseen Maxamed Jaahwayn.

Kulanka waxaa kaloo joogay siyaasiyiin iyo wax-garad, waxaana ay gabagabadiisa isla afgarteen siddii wax looga qaban lahaa khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarihiisa.

Si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa ka billowday guux ballaaran oo ku aadan khilaafka cusub ee ka dhex taagan madaxda dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Xubnahan ku kulmay Muqdisho ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa lagu soo warramayaa in ay kulamo gooni-gooni ah ay la qaadan doonaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha markaas kaddibna ay saxaafadda la hadli doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]