27.5 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Faroole oo tagay goobaha duufaantu

0

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa ayaa maanta booqday deeganno badan oo ku yaalla gobalka Nugaal, halkaasoo tododbaadkii hore ay ku dhufteen dabeylo iyo roobab xooggan.

Faroole ayaa meelaha uu tagay waxaa ka mid ah deeganka Qarxis oo ka tirsan gobolka Nugaal kana mid ah meelaha ay sida weyn ay u dhaceen khasaaraha,

Madaxweynuhu wuxuu la kulamay qaar ka mid ah dadka deeganka isagoo kala hadlay xaaladooda sida ay tahay.

Deeganka uu Faroole tagay ayaa waxaa hadda ku sugan qoosas boqolaal kor u dhaafaya kuwaasoo ah kuwii wax ku noqday dabeylaha iyo roobabka ku dhuftay Bari iyo Nugaal.

Madaxwweynaha waxaa kaloo uu sheegay in la billaabay qaybinta gargaar ka yimid dalalka Jabuuti iyo Itoobiya kuwaasoo shaley ka degan magaalada Garoowe.

Magaalada Garoowe waxaa maanta markale ka degay diyaarado hor leh oo sida gargaar kuwaasoo ka yimid dalka Itoobiya.

Si kastaba, waxaa sii kordhaya khasaarah ka dashay dabeylayaha iyo roobabka xooggan ee ku dhuftay deegannada Puntland gaar ahaan Gobollada Karkaar, Gardafuuy iyo Nugaal.

[email protected]

Dhageyso: Waxa ka socda SACUUDIGA

0

Jiddah (Caasimada online) Somalida ku nool dalka Sacuudiga ayaa waxaa xilligan soo foodsaaray shaqo la’aan baahsan kadib markii qaar kood laga soo  raacdeeyay goobihii ay ka shaqeysan jireen halka qaarna ay casi darteed u shaqo tagi waayeen .

Sacuudiga ayaa dhowaan bilaabay raaf ka dhan ah Ajaaniibta dalkaas oo ay Somalidu ku jiraan  waxaana ay taasi ay keentay in ajaanib badan oo dalkaasi ku noolaa inay shaqo la’aan soo wajahdo.

Ismahaan oo ka mid ah Somalida ku nool Magaalada Jiddah ee dalka Boqoqrtooyada Sacuudiga ayaa caasimada onlie u sheegtay in mudda 15 maalin ah ysah shaqo tagin .

Waxay sheegtay in markii hore ay lagactii ay shaqeyso biil uga dhigi jirtay waalidkeeda Somalia joga balse iminka shaqo la’aan soo wajahday darteed ay dantu ku qasabtay inay iyadu dalbato in lacag Somalia looga Soo diro.

Ismahaan ayaa Waxay inoo xaqiijiysay in Somaliada iyo ajaanibta kale ee dalkaas  iminka ay yihiin kuwo guro joog ah waxaana ay sidoo kale shaacisay in ciidamadu ay wadaan raaf ku aadan Ajaaniibta dalkooda jooga.

Sidoo kale Istar Macalin oo aynu qadka taleefoonka kula xiriirnaya ayaa sheegtay in dhinaatooyin ay lasoo darseen Somalida Sacuudiga wixii ka dambeeyay markii dowlada dalkaas ay bilawday qab qabshada dadka ajaaniibta ah .

Inkatoo ay dowlada dalkaasi sheegtay in qodkii wakiil laga noqdo uu kusii sugnaan karo dalka ayaa hadana Istar waxay sheegtay in wakiilka qofka akaa ah uu qadanayo kala bar lacagtii bisha aad ku shaqeyso taasina aysan dan ugu jirin qofka wakiilka laga yahay .

Halkaan hoose ka dhageyso Istar Macalin

Istar macalin Sacuudiga

 Caasimada online

Xafiiska Jiddah

[email protected]

Ahlu Sunna oo ka hadlay Khilaafka DF

0

Baardheere (Caasimada Online) Maamulka Ahlu Sunna ayaa nasiib daro ku tilmaamay khilaafka is-maandhaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaarihiisa.

Afhayeenka Ahlu Sunna ee Koonfur Galbeed, Sheekh Maxamed Al-Qaadi, oo la hadlaayay Idaacadda SIMBA ayaa sheegay in khilaafka uu yahay mid nasiib daro.

Wuxuu ugu baaqay in xaliyaan khilaafkaas wuxuuna sheegay in xiliggan laga fiican yahay khilaaf iyo is-maandhaaf.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ahlu Sunna ayaa ka hadlay shirka maamul u sameenta gobalada koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay in shirkaas uu yahay mid cid gooni ah ay wataan, waxaana fiican ayuu yiri in laga qaybgaliyo dhammaan beelaha deggan gobalada maamulka loo sameenaayo.

Wuxuu sheegay in Ahlu Sunna aysan ka qaybgali doonin shirkaas isagoo sabab u dhigay in aan lagu casuumin sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Soomaaliya oo looga shiray KUWAIT

0

Kuwait (Caasimada Online) Magaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait waxaa maalinta berri ah ka furmaya shirweyne muhiim ah oo looga hadlaayo Arrimaha Soomaaliya.

Shirkan waxaa si gaar ah looga hadlayaa siddii ay u wadaagi lahaayeen Afrika iyo Carabta iskaashi la xiriira xagga maalgashigga.

Soomaaliya waxaa shirkan uga qaybgalaya wafdi ay hoggaamineyso Raysal Wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan kuwaasoo caawa gaaray caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait.

Wariye ka tirsan Raadiyaha Talafishanka dowladda oo ku sugan Kuwait ayaa sheegay in Fowsiya la filaayo inay shirka ku soo bandhigto fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena warbixin ka siin doonta ka qaybgaleyaasha isbeddelka ka jira dalka.

Inta ay joogto Kuwait, waxay wasiirka la kulmi doontaa dhiggeeda dalalka Carabta iyo kuwa Afrikaanka ah ee shirka ka qaybgalaya.

Shirka ayaa hordhac u ah shir madaxeed ay 19-ka ilaa 20-ka bishan Kuwait ay ku yeelanayaan Madaxda Carabta iyo kuwa Afrika oo isna maalgashiga looga hadlayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Dhageyso: Ugaaska Mareexaan oo ka hadlay khilaafka Saacid iyo Xasan

0

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo ah ugaaska Sade una hadlayey afka salaadiinta Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxaa uu tacsi ka diray dadkii ku geeriyooday roobabkii iyo dabeylihii ku dhuftay deegaanada Puntland, isagoona shacabka kale ee dhibaateysan ugu baaqay in loo gurmado.

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo wareysi  maanta siiyey warbaahinta K24 ayaa waxaa uu sheegay in shacabka Jubaland ay la xanuunsanayaan shacabka dhibaateysan ee Puntland, isagoona intaasi raaciyey in hadda loo wada istaago wax ka qabashada arrintaasi.

maxamed-ugaas-xaashi” Waan ka tacsiyeynayaa dhibka ka dhacay Puntland aniga oo ku hadlaya afka salaadiinta Jubooyinka. Waxaana intaasi raacinayaa in shacabka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanay inay isku gurmadaan xilliga dhibku uu jiro inay u wada istaagaan oo ay walaalahasi wax la qabtaan ” ayuu yiri Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi.

Mar wax laga weydiiyey Jubaland ahaan waxa ay arrintaasi gacan uga geysan karaan ayuu sheegay inaysan waxba kala hari doonin inay u gurmadaan shacabka Puntland, isagoona sheegay inay dhamaan qeybaha kala duwan ee Jubooyinka ka tashan doonaan.

” Biyo waa qatar haddii ay ugu yimaadaan waxaana ay baabi’iyaan maal iyo nafba marka waxaan ku sheegayaa in aan reer Jubaland aysan u kala hari doonin”ayuu raaciyey Ugaas Maxamed.

Dhinaca kale khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu Ugaas Maxamed wareysiga uu siiyey K24 uga hadlay waxaana uu sheegay in maanta aan loo fadhiyin inuu khilaafkan yimaado balse la doonayey inay dalka wadajir u hogaamiyaan.

” Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxaan ku ogaa rag isku dhaw oo saaxiibo ah mana  laga sugeyn inay maanta is khilaafaan. Waxaanse leeyahay shacabka Soomaaliyeed wadajir  kuwadaan, xalkana hadda inay dib ugu noqdaan ayaan ka rabaa oo dadku wada fahmo inay dowladnimda ay tiir u yihiin madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Marka xalka khilaafkan in la dhameeyo ayaan fileynaa” ayuu yiri Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo wareysi siiyey warbaahinta K24.

Ugu danbeyntii waxaa uu Ugaas Sade Ugaas Maxamed baaq u dirayshacabka Soomaaliyeed kaasi oo ku aadan  taageerida dadaalada lagu doonayo in dib loogu dhiso dalka Soomaaliya.
Halkan ka dhageyso wareysiga Ugaaska beesha Mareexaan Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi 

Xigasho: Kismaayo24.com

Dowlada Qadar oo Maalaayiin doolar ku bixineysa Khilaafka madaxda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ma runbaa in  boqortooyada qadar ay farogelin xooggan ku hayso Siyaasadda Soomaliya iyada oo doonaysa qaranka soomaaliyeed  inay Ururka dammu-jadiid gacanta u geliso

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa soo kala dhex galay khilaaf kaasi oo ay sheegayso xogta aan helayno inay soo faragalisay dowladda dalka Qadar taasi oo dhaqaale dhan malaayiin dollar ku bixinaysa riditaanka Xukuumadda uu Hogaamiyo Shirdoon.

Laga soo bilaabo doorashadii baarlamaanka iyo madaxweynaha ee dhacday 2012, waxaa si xooggan usoo shaac baxayay, inay boqortooyada Qadar lacag kor u dhaaftay 14 Malyuun oo doollarka maraykanka ah ku taageertay mudane Xassan Shiikh Maxamuud lacagtaas oo loogu iibiyay codkii xildhibaanada baarlamaanka maalmihii ”doorashadu” dhacaysay.

Inkastoo Warbixin kasoo baxday sanadkan gudihiisa Qaramada midoobay qayb kamid ah lagu sheegay doorashooyinkii ka dhacay gudaha Soomaaliya sanadkii tagay dhamaadkiisii ay jireen Masuq maasuq iyo laaluush hareeyay ayaa hadana dadka Soomaaliyeed ka dharagsanyihiin tilaabada ay laalushkaasi ku leedahay dowladda Qadar.

Arrintaa weligeed Qadar iyo Xassan shiikh Maxamuud midkoodna ma beenin!

Iyadoo arrintaas dad badan ee bulshada soomaaliyeed aqoonyahannadeeda ka mid ahu baaritaankeeda ku hawllan yihiin, ayaa waxaa imminka mar labaad ilo lagu kalsoonyahay sheegayaan, in talaadadii 12.kii bishan November 2013, garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ka soo degtay diyaarad ka timid QADAR, diyaaraddaas oo sidday 2 nin oo carab ah kuwaas oo siday 4 shandadood oo lacag ah, ujeedaduna ay tahay arrin la xiriirta is-khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ka dhex taagan,

Dawladda Boqortooyada Qadarna ayaa lacagtaas ugu talo gashay, in laaluush loo bixiyo codadka xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyana codkooda looga iisbho si ay u ridaan dawladda.

Cabdi Faarax Shirdoon! Maamulka dalakana loogu soo ururiyo kooxda ururka DAMMU-JADIID oo firqo ka ah ururka Ikhwaanul-Muslimiin iyo Al-jamaacada Pakistaan, oo qaybteeda Soomaaliya uu hoggaamiyo Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud xubno uu kamid yahay!!!

Arrintaas oo qatar weyn ku ah jiritaanka iyo madax bannaanida qaranka Soomaaliya, ayaa waxaa lagama maarmaan ah, inta si hubban loo baaro, addunweynaha si huffan loo hor dhigo, Dawlaadda boqortooyada Qadarna, haddii ay arrintaasu caddaato, dacwad Qaramada midoobay looga soo oog, si cadna loogu eedeeyo, inay ku xadgudubtay madax bannaanida Soomaaliya laguna soo maxkamadeeyo inay faraha la gashay siyaasadna ka dhigatay:

Laaluush Siyaasiyiinta Qaran madax bannaan

arrintaas oo dunida xorta ah ka reeban ahna dembi dawlad kasta iyo shakhsi kasta oo mas’uul ah maxkamad lagu soo taagi karo!!!.

Axmednuur Maxamed

[email protected]

Warbixintan waxay u gaar tahay Qoraha weyna ka madax banaantahay Caasimada online

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Yusuf Garaad oo ka hadlay Khilaafka madaxda sare ee dalka Afkana Furtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaan u qabaa in dalka uu Ra’iisal Wasaare ka yahay Saacid Shirdoon, uuna sii ahaan doono ilaa uu is casilo, Madaxweynuhuna ka aqbalo. Ama uu Baarlamaanku cod aqlabiyad ah uu kalsoonida ugala noqdo. Inta labadaa middood dhacayso, waxaan u haystaa in isagu Madax u yahay Wasiirrada.

Waxaan la yaabban ahay in Wasiirro aan xilkoodii iska casilin ay haddana ka baaqsadaan fadhiga Golaha Wasiirrada ka dib markii ay ogaadeen in aan Madaxweynuhu kalsooni ku qabin Ra’iisal Wasaaraha, taasina ay gelisay baqdin ah, armaa Madaxweynuhu idinka reebaa liiska Golaha Wasiirrada cusub, haddii ay dhacdo in Saacid meesha ka baxo.

Aniga waxay iigu muuqataa fowdo in shakhsi Wasiir sheeganaya, uu damco in uu Wasaaraddiisa u maamulo sidii sharikad Madax bannaan.

Fowdadan ma aha mid ay Dowladdani billowday oo hore ayay noo soo martay, laakiin maaddaama ay tahay wax aan dhaqanka Dowladnimo meel ku lahayn, waxaa loo baahan yahay in farta lagu fiiqo dadka nidaamka xilalka ay hayaan ugu shaqeysanaya sida ayaga ay shakhsi ahaan dantoodu tahay.

Xataa mas’uul is casilay ama doorasho looga adkaaday hadduu sii haye yahay, waxaa loo baahan yahay in awaamirtiisu ay fusho.

Waxaanan u rajeynayaa in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ay yaqiinsadaan in aan xaaladdan lagu sii jiri karin. Dhowr bilood oo sir aan qarsooneyn ay ahayd in Ra’iisal Wasaaruhu baxayo shaqo wanaagsani ma socon. Hadda oo ay isu caddeysteen in aanay wada shaqeyn karinna shaqo ma socoto, wixii socdaana ma waafaqsana nidaamka.

Haddii Raiisal Wasaaruhu baxana waxaa xigaya dhowr bilood oo Xukuumad cusub soo dhisiddeed iyo baarlamaanka ka dhaadhicintiisa ah.

Ammaan darrada dalka ka jirta, dhibaatada adeeg la’aanta caafimaadka iyo waxbarashada iyo weliba masiibooyinka dabiicaga ah ee duufaanta iyo daadadka midkoodna u sugi maayo oo ma oga in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ay is haystaan.

Sidaa darteed waxaan rajeynayaa in ay is mariwaagan u soo af jaraan sida ugu dhakhsiyaha badan ayaga oo dalka u daneynaya.

W/Q: Yuusuf Garaad

DEG DEG AH: Diyaarado gargaar sida oo ka degay Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) War hadda soo dhacay, wuxuu sheegayaa in goordhow ay ka dageen magaalada Garoowe labo diyaarad oo ah nooca ciidamada kuwaasoo sida gargaar kana dalka Ethiopia iyo Djibouti.

Wariyaah Shabakadda Caasimada Online ee Puntland ayaa soo sheegaya in labada diyaarad ay ku sugan yihiin garoonka isla markaana laga dajinaayo gargaarka ay wadaan.

Gargaarka oo gaaraya 23 tan oo isugu jira daawo, dhar iyo cunto ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay waxyeellaysay duufaanta ku dhufatay deegaannada Puntland.

Waa gargaarkii ugu horeeyay oo Puntland ka soo gaara waddamada dariska tan iyo markii ay qaylo dhaan u jeedisay si loogu soo gurmado dadka ay meerteen dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ku dhuftay gobalada Barri ee dalka Soomaaliya.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ka da’aya welli deegannada Puntland, dad kor u dhaafaya 300 ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen, waxaa kaloo ku dhintay xoolo badan sidoo kale waxaa ku baaba’ay hanti fara badan.

Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Puntlabd, Cabdulaahi Jaamac Ilko Jiir oo saxaafadda la hadlay markii diyaaradaha ay soo degeen ayaa sheegay in ay Puntland uga mahadcelineyo dowladda Ethiopia iyo Jabuuti in ay noqdaan waddamadii ugu horeeyay ee gurmad la soo gaaro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Dhageyso: Xildhibaan Daalo oo quus ka muujiyay khilaafka madaxda dalka

0

Muqdisho (Caasimada online) Xildhibaan Cismaan Daalo, oo ka mid ah Mudanayaash baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay khilaafka madaxda ugu sareysa dalka, waxaana uu ku tilmaamay mid ka gudbay in xal iyo waan waan lagu dhameeyo .

Wuxuu sheegay in xalka uu ku wanaagsanaa ka hor inta aysan arintan soo shaacbixin , waxaana uu aamin san yahay in xitaa hadii iminka laxaliyo aysan jiri doonin  wada shaqeyn wanaagsan oo dhex marta madaxda sare ee dalka.

“ Wali ma dhicin sida aan taariikhda ku heyno madaxweyne iyo ra’isul wasaare is qabtay Somalia gudaheeda hadana khilaafkooda xal ka garay si wanaagana u wada shaqeyeeyay .

Wuxuu sheegay in is faham wanaagsan iyo wada shaqeyn ay jiri karto inta loo wada shaqeynayo qaab saaxiibtinimo ah balse wuxuu shaaca ka qaaday in mar hadii khilaaf uu yimaado ay haboontahay inla xaliyo ka hor inta aysan talo faraha ka bixin.

Mudayaasha barlamaanka Somalia ayaa ku kala qeybsan khilaafka madaxda sare ee dalka iyadoona gudoomiyaha baarlamaanka Somalia uu mudanayaasha baarlaaanka uu uga digay inay la kala saftaan madaxda sare ee dalka .

Halkaan Hoose ka dhageyso Xildhibaan Cismaan Daalo

Xildhibaan Cismaan DAALO

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Kuwa Wabbigu Wallaalahaa Maahan?

0

Alle how ahaysiiyo cawil-celintiisa dadka Soomaaliyeed ee waxyeeladda dhimasho iyo dhaawac maal iyo nafeed sababtay ay soo gaartay , ee ka dhalatay fatahaaddi Wabiga Shabeelle ee Gobolka Shabeeladda Dhexe iyo waxyeeladdi roobabki dabaylaha watay ee saamayntooddu noqotay dhimashadda iyo barro-ku beelidda deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal iyo Bari Soomaaliya.

Dhibku guud ahaantiis waa mid damqaaya damiirkeenna , waynnuna ka xunahay dhacda dhibaateedkaas , Waxayse ka ahaatay Alle Xagiisa , Ka gaashaamasho iyo la Tacaalid waxyeelooyinka dabiiciga ah waxaynnu u nahay dad u dagan oo aan dawlad lahayn .

Intaas ka gaddaal aynnu u daadagno arrinka qormaddu ku saabsan-tahay , Waa kala mudnaysiinta musiibadda ka kala dhacday Gobolka Shabeeladda dhexe iyo midda ka dhacday Bari iyo Nugaal .

Fatahaadda wabbiga .

Waxay waxyeello darani ka soo gaartay dadka dagan aagga wabbigu ku soo fatahay ee Gobolka Sh/ Dhexe ,Fatahaddu waxay burburisay guryahooddi iyo tacabkoodi , Kolkaas waxay soo istaageen cayr cidla taagan oo u baahan Gargaar lala gaaro .

Duufaanta .

Duufaantannu waxay ku dhufatay deegaano ka mid ah goboladda Nugaal iyo Bari Soomaaliya , waxaynna gaysatay waxyeello qur go’ , burbur barreed , iyo maal ka musalaf .

Labadda Dhacdo .

kuwaLabadda dhacdo waxay ahaayeen kuwo xagga musiibo-nimadda ka middaysan oo waa dad ay isku si u qaadeen biyo awood muqunin badani, oo halka ay haleelaan faaruqinaaya .

Waxaase mid jirta ah in ay khasaarooyinku kala badan yihiin , Tan fatahaadda wabiga ayaa ka waxyeello yar tan duufaanta Bari iyo Nugaal ku dhufatay , sida la sheegay ..Ase waxaa jirta in ka soo waranku yahay mid dhan u jan-jeera oo aan siyo isku mid ah looga soo wadda war-keenin , sidaas ayaynnu waxyeeladda ugu aqoonsanayn in ay ku kororsan tahay dhanka Roob-duufaaneedka .

Kala Mudnaysiin .

Cadaalad darraddu qofkeedda liibaanta Aakhiro ha seejiso ….

Waxaa tu lala yaabaan ah in dadka Soomaaliyeed ay u kala aqoonsaddeen labadda waxyeello kuwo midna aan loo wadda dalbin gurmad tan kalena badanka dad Soomaaliyeed la dhawaaqaan dhib ayaa dhacay ee Gurmad fiddiya

Soomaalida siyo kala gadisan ayay u kala saameeyeen Fatahaadda wabiga Shabeelle iyo Duufaanta Bari iyo Nugaal .

Warbaahinta Soomaalida ,Dawladda Villa-Somalia , Somaliland , Culli’udiin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadda Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan guddo iyo dibbadba waxay si xamaasad iyo u gurmasho ku dheehan tahay ugu dhawaaqeen dhibka ka dhacay Bari iyo Nugaal , Halka tan Shabeelladda dhexe aan oran karo saamaynteeddu Soomaalida ma wadda damqin .

Si kale isku si looguma damqasho dhawaaqin labadda dhibaato , Walaalaheenna Puntland u gurmadda ayaynnu maqalay iyadda oo meello badan laga leeyahay , Halka aynnaan maqlin inno le’eg intaas duufaanta ka damqatay ee dad Soomaaliyeed oo sidaas oo kale u yiri Walaalaheenna Wabbigu ku fatahay aan u gurmanno .

Kuwa Wabbigu wallaalahaa maahan ?.

Kuwa wabbiga Shabeelle ku fatahay miyaysan ahayn walaalahaa sida kuwa Bari iyo Nugaal , Illayn kaama maqal walaalahayga Wabiga halloo Gurmaddee ?

Waxaan halkaan ka arkaynaa in Soomaalidu ku kacday Cadaalad darro ku salaysan kala saraysiin dad Soomaaliyeed oo dhibaatooyin wadda halleeleen , Kolkaas waxaan iswayddiinaynaa Maxaa u sal ah kala mudnaysiinta Musiibooyinka ?

Cadaalad daradda muuqata maxaynnu u sababaynnaa ?

Ka wayddiin-celin.
Dhowr si ayaa leh siday illa tahay kala saraysiinta dadka Soomaaliyeed ee waxyeelooyinka ay siyo kala duwan ugu kala qiimeeysnaadeen

⦁ Labadda deegaan oo mid maamul hoosaad leeyahay , taasuna ay sababtay in deegaanka aan Maamulka lahayn dadkiisa loo arko in ay yihiin kuwo ka hooseeya kuwa maamul hoosaadku ka jirro deegaanadda ay dagan yihiin

⦁ Cunsurti kala sooc ee ka soo maaxatay dhimmirka dhiman ee dadka ku kala saraysiiya Odayaal dhintay oo ah fahan nololeed Soomaalida u kala saara gob iyo gun waxay noqon kartaa tu loo celin karo Kala saraysiinta labadda dhib, sidaasna aynnu u leenahay aagga wabiyadda ku teedsan waxaa daga dad Soomaaliyeed oo dhaqanka soo dhiganka ah ee Foosha-xumo ka yaraysiiyo kuwa kale .

⦁ In dadka ku dhaqan Shabeelladda Hoose ee Soomaaliyeed ee wabbiyaddu ku fataheen waxyeeladdana gaarsiiyeen yihiin kuwo baddankoodu ka tirsan dadyoowga loo yaqaano BANTU , halka kuwa ku dhaqan Goboladda Bari iyo Nugaal Soomaaliya ee Roobabku waxyeeleeyeen yihiin kuwo ka tirsan Dadka lagu tiriyo KUSHUTIGA .

Maddama dadka Soomaalidu u badan yihiin kuwa KUSHITIGA Ah waxaynnu oran karaa Yaraanshaha BANTUGU waa mid saamayn ku yeelan karta ase tannu waa fahan ku sii durugsan garashadda oo aan ahayn aqoonsi dhow oo Soomaalida ka dhex jirra , si kale waa hab si dadban u dhici kara .

Dhihid.

Waxyeellooyin kala kor-marintu waxay inna tusinaysaa in dadka Soomaaliyeed yihiin dad Cadaalad darro dugsaddo , Dad is-hoosaysiinta iyo iskala saraysiintu ay tahay Fahan nololeedkoodda fool-xumaanta badan ee badday dhib ku noolaanshaha .

Waxaa mudan in damqashaddaadu ahaato mid ku dhisan Aaminaad Samaawi dad ay iddin xiriiriso iyo mid Qowmiyaddeed ,aynna isku si kuu saameeyaan dhibka ka dhaca dalkaaga meello ka mid ahi .

Dhamayn .

Looma macnayn karo qormadda si ka duwan sida ay u dhigan tahay ee ah , Isku si u arkidda waxyeeladdu waa mid mudan , kala saraysiintuna waa dhaqan fool-xun oo laga dheehan karo Cadaalad darro gaamurtay , Qalbiga dammiirkiisa dadnimaddu ku ridan tahayna dhibta .

Ugu dambayn Alle ayaa leh u gargaar aan u gargaarid kale la mitaal dhignayn ee Alle ha gargaaro gargaariisa fidsan dadkaas wallaalaheena ah ee Soomaaliyeed ee waxyeelooyinku ka soo kala gaareen roob-duufaaneedki iyo Fatahi wabbiga

W/Q: W/Q idiris A. Dooxa-joog

[email protected] Facebook: Halkaan Riix  Bog qoraalleed :Idirism

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Xasan oo la kulmay siyaasiyiin miisaan culus + Xog ku saabsan khilaafka

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xaley ka dhacay kulan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Rag siyaasiyiin iyo wasiiro hore u ahaan jiray oo la baxay Kutlada Babaado Qaran.

Kulanka oo Villa Somalia ka dhacay , waxaa looga hadlay khilaafka golada isku galiyay Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha kulankaas looga hadlay, balse kooxdan ayaa waxa ay Warbaahinta gudaha u sheegeen in ay doonayaan siddii ay ukala dhexgali lahaayeen madaxda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya isla markaana loo badbaadin lahaa qaranka.

Isku soo duub, Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo aan kala har lahayn tan iyo markii uu soo baxay khilaafka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaarihiisa Cabdifaarax Saacid Shirdoon.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

PUNTLAND: Ma qaabili karno wufuuda ka socota DF Somalia xilligan, Sabab?

0

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland Puntland ayaa sheegay in xilligan aysan diyaar u ahayn siddii ay ku qaabili lahaayeen wafuud ka imaaneysa Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Wasiirka Qorshaynta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, oo xaley shir jaraa’id saxaafadda u qabtay ayaa sheegay in Puntland ay hadda ku mashquul santahay siddii loo caawin lahaa dadkii wax ku noqday dabeylaha roobabka wata ee ku dhuftay Gobalada Barri iyo Nugaal ee dalka Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu sheegay inay soo dhoweynayaan cid kasta oo kala qayb qaadaneysa caawinada loo finaayo dadkii ku wax yeeloobay dabeylaha iyo roobabka xooggan.

Wuxuu dowladda fedaraalka uu si gaar ah uga mahadceliyay deeqda ay ugu yabooheen isagoo ka codsaday in dhaqaalahaas lagu soo wareejiyo guddi loo saaray arrintaas.

Dhinaca kale, Puntland ayaa ka digtay dabeylo iyo roobab hore oo ku soo fooleh deegannada Puntland, waxaana meelaha laga digay ka mid ah Gaalkacyo, Garoowe.

Maanta oo Jimco waxaa la filayaa in Puntland ay gaaraan deeqihii ugu horeeyay oo loogu talagalay dadka ku wax yeeloobay dabeylaha iyo duufanta ku dhufutay Puntland, deeqahan ayaa ka imaanaya Djibouti iyo Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Marka la eego dastuurka, R/W Saacid iyo Xasan Sheekh yaa gar leh + COD

0

Muqdisho (Caasimada Online) Abuukaate C/risaaq Xasan Nuur,  wuxuu ka mid yahay aqoon yahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida aadka ah u yaqaana dastuurka Somalia waxbaahinta ayuu uga waramay qilaafka Madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha iyo waxa uu ka qabo dastuurka Somalia.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliya uusan awood u leheen in Ra’isul wasaraha uu ku amro inuu isaga wax kasoo dhiso wasiirada cusub ama uu ku cadaadiyo inuu isaga  dego Xilka ra’isul wasaaraha .

” Ra’isul wasaaraha xaq wuxuu u leeyahay in uu soo dhiso xubnaha matalaya xukuumadiisa  kadibna uu baarlamaanka u gudbiyo si ay go’aan uga gaaraan madaxweynaha anigu ma aqaan meel ay dastuurka uga qorantahay hala marsiiyo” ayuu yiri Abuukaaste C/risaaq.

Wuxuu sheegay in ra’isul wasaaraaha iyo madaxweynaha Somalia ay qaab saaxiibnimo ah uga wada hadli karaan xubnaha wasiirada cusub ee lasoo dhisayo balse wuxuu meesha ka saaray in madaxweynuhu uu awood u leeyahay inuu cadaadiyo ra’isul wasaraha .

Hadii ay labada mas’uul ay isqabtaan isla markaana uu khilaaf soo kala dhexgalo ayuu sheegay in xildhibaanda baarlamaanka laga doonayo inay codka kalsoonida siiyaan ama ay u diidaan ra’isul wasaaraha si khilaafka xal looga gaaro.

Abuukaate C/risaaq, ayaa weerar afka ah ku qaaday wasiirkii hore ee dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iminkana ah mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia  isagoo ku eedeeyay inuu sameeyay eexasho waxaana sidoo kale uu ku tilmaamay qof iska indho tiraya marxalada jirta.

Wuxuu sheegay in baarlamaanku ay yihiin garsoorayaal u taagan kiisaska nuucani ah wax kaqabashadooda balse wuxuu sheegay in Xoosh iyadoo aan arinta lagu soo wareejinba uu mowqifkiisa sii cadeeyay taasina wuxuu ku tilmaamay mid niyad jab ah .
” Waa wax lala yaabo waxa iminka dalka ka dhacaya inkastoo aysan sharci aheyn in madaxweyne uu ra’isul wasaare ku amro inuu is casilo waxaaaba arintaasi kasii daran wasiiro dhahaya ra’isul wasaare is casil ama cadaadis ayaan ku saareyna waxay u dhigantaa taas ra’isul wasaare madaxweynaha ku dhahaya madaxweyne xilka  ka deg ama waan kugu cadadinayaa .

Ugu dambeyn wuxuu talo ahaan usoo jeediyay in xiisada iminka taagan in qaab hoose loo dhaqo isagoo sheegay inay qadan karto waqti inta lasoo dhisayo xukuumad cusub sidaasi dateedna wuxuu dalbaday in xukuumada iminka jirtaa la taageero si howsheeda ay usii wadato.

” Anagu hadii aan Somali nahay waan is naqaanaa hadii xukuumadan maanta la rido inta xukuumad kale lasoo dhisayo waxay qaadaneysaa lix bilood labo ka mid ah waxaa qaadaneysa hebel wasiir halaga dhigo iyo malaga dhigayo ma isagaa reer hebel ah xaqba uma laha” ayii yiri abuukaate C/risaaq.

Xildhibaano uu ka mid ayahy Xildhibaan C/ramaan Xoosh Jibriil horana usoo noqday wasiirka dastuurka dalka ayaa sheegay in ra’isul wasaaraha ay aheyd inuu mar hore u hogaansamo amarka madaxweynaha dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso Abuukaate C/risaaq Xasan nuur

Abuukaate c rissaq xasan nuur

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa ka cusub khilaafki madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/W Saacid?

0

Muqdisho (Caasimada online) Afhayeenka Xukuumada Somalia Ridwaan Xaaji C/wali  ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay khilafka mas’uuliyiinta dalka waxaana uu sheegay in arimahaasi xal laga gaari doono .

Wuxuu sheegay in Khilaafaadka Mas’uuliyiinta dalka aysan marnaba hakad ku keeni doonin shaqada dowlada ay u heyso bulshada Soomaaliyed kadib qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan.

rid face

Ridwaan Xaaji oo ah  afhayenka Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee ka mid ah xukuumada Somalia ee ka hadla khilaafka madaxda dalka .

Shacabka Soomaaliyeed ayaa hadal haya khilaafkan soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta dalka iyo cadaadiska madaxweynaha ee ku aadan inuu xilka ka dego ra’isul wasaaraha dalka .

Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Proff: Maxamed Sheeh Cusmaan Jawaari  oo khilaafkan dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay inxalka arintan ay uga gaari doonaan golaha shacabka dhankiisana uu ka xun yahay

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

DHAGEYSO: Baarlamanka oo go’aan ka gaari doono khilaafka madaxda DF

0

Muqdisho (Caasimada Online ) Xildhibana Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaakna Somalia kana hadashay khilaafkan soo kala dhexgalay mudanayaasha baarlamaanka Somalia waxay sheegtay inay baarlamaanku arintan go’aan ka gaari doonan .

Waxay sheegtay inay ka xunyihiin khilaafkan mas’uuliyinta dalka inkastoo qaab dadban ay u weerartay ra’isul wasaaraaha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

‘Xukuumada Somalia hal sano ayay jirtaa wax qabadkeeda iyo wax qabad la’anteeda waa mid u taalaa baarlamaanka Soamlia iyaga ayana kala cadeyn doona mida khilaafkana xalkeeda waan ku guda jirtaa” ayay tiri Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Waxay sheegtay in madaxweynaha Somalia uu heerka uu iminka joogo uu ku yimd rabitaanka Baarlamaanka Somalia , waxaana ay tilmaamay in uu ku dhaartay inuu soo dhisi doono xukuumad wax qabad leh balse uu soo dhisay xukuumadan ra’isul wasaare saacid

” Madaxweynaha wuxuu doonayaa in la helo xukuumad wanaagsan oo talo leh anigu madhaliilayo mida iminka jirto hadana Madaxweynaha Shalay isagaa Saacid keenay ” ayay hadalkeeda Sii raacisay .

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ra’isul wasaare Saacid ku amray inuu xilka isaga dego kadib markii ay isku qabteen qaabka loo soo dhisayo wasiirada ka mid noqonayo xukuumada Cusub.

Halkaan Hoose ka dhageyso Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye

Xildhibaan Qadiijo Maxamed Diiriye

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Khilaafka DFS ka dhex taagan waa mid u dhaxeeya milkiilayaal iyo shaqaale

0

Ayadoo uu weli taagan yahay Is mari waaga u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federraalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Saacid  ka dib markii uu Madaxweynaha uu ka dalbadey Raiisul Wasaaraha ka dalbadey in Is casilo taasoo ay u dhadhamiweysey Raiisul Wasaare sheegeyna in uusan iscasil Doonin , waxaana uu soo jeediyey in isaga iyo Madaxweynaha ay ku kala bixi doonaan Dastuurka.

Waxaa Socda waan waan la doonayo in lagu Qabaajiyo Xiisada u dhaxeysa Madaxeynaha iyo Raiisul Wasaaraha  waxaana isku Daygii ugu Dambeeyey ku guda jirey Hayadda Culimada Soomaaliyeed hase yeeshee isku Daygaas ayaa la sheegey in uu is Afgaranwaa ku Dhamaadey , sidoo kale Xildhibaano iyana isku dayey in kala dhex galaan Madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha ayaa la sheegey in lagu Guuldareystey.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa la yaab ku noqtey markii ay maqleen in uu Khilaaf soo kala dhexgaley Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha mar aan  raacey gawaarida dadweynaha ayaa waxaa si aad ah loo hadal hayey Khilaafka Labada Masuul mid ka mid ahaa ayaa  soo boodey oo yiri “Waxaa Dhab in kooxaha is haysta ay yihiin kuwa Milkiilayaal ah oo Dowladnimadii isa siiyey iyo kuwa Shaqaale ah marka inta Ummadda Soomaaliyeed loo Madaxbaaneynayo Kurisga weligeen ka bixi maymo is haysigaan”

nin kale oo Odey ah ayaa isna qaatey hadalkii waxaa uu yiri “Dib u raaca Dowladihii na soo marey  markasta waxaa Hagaanka qabanayey kooxo Shirko ah oo lacago badan ku bixiyey in la doorto marka waxaan dadka Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in ay iska sugaan inta Doorasho Madaxbanaan ka Imaaneyso taasoo la helina wadankaa Khilaaf kama dhamaanayo”

sidoo kale Siyaasiga Idiris Xasan faaraxa ayaa isagoo ka hadlaya Khilaafka labada Masuul waxaa uu yiri “Waxaa mucjiso ah in nin Madaxwayne sheeganaayo uu Raiisul Wasaarihiisii ku yiraahdo iscasil!!! runtii arinkaan waa arin la yaab leh  wuxuuna ka dhacaa Soomaalida dhexdeeda oo kali ah ee ma ahan arin  aduunka kale laga yaqaano!! qofka waxaa shaqada looga joojin karaa dhawr arimood sida inuu ku dhaco fal dambiyeed noocuu doonaayo ha ahaadee. inuu Xanuunsado sidaana hawshiisii ku gudan waayo. Inuu isku darsado Maamul xumo iyo karti xumo!  intaas oo arimood hadii mid ka mid ah haleeshay ma ahan shaqo u taalo Xasan Shiikh !! ee waxaa ku lug leh Baarlamaanka qaybtiisa daba galka Dawlada!!! iyo Hay ada Garsoorka waxaa taa kasii daran hadii uu dhaliil yeesho Saacid ma ahan ninkii ku qabsan lahaa ee waa ninkii dhoo-dhoobi lahaa maxaa yeelay isagaa doortay oo khalad uu galaa saacad waa midXasan Shiikh ku soo laaban karto!!

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  [email protected]

E-Mail  [email protected]

Video: Dhacdo caalamka ka yaabisay oo ka dhacday waddanka Brazil

0

Caasimada Online:  Magaalada Sao Paulo ee Wadanka Brazil ayaa waxaa ka dhacday dhacdo caalamka dhan ka yaabisay kadib haweeney booqatay Qabriga Xaaska ninkeeda balse la soo kulantay arin ka fajicisay caalamka.

Hadaba arinkani oo si aad ah looga baahinaya Tv-yada Caalamka ayaa ah mid ku cusub dunida maanta taa oo ah in la arko arinkani ay sheegeyso haweeneydan balse markii dambe ay Koox wariyayaal ah booqdeyn goobta Qabriga oo lagu soo arkay arinkaasi ee nala daawo muuqaalkani cajiibka ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

South Africa oo caawineysa Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa sheegay inay la wadaagayaan Shacabka Soomaaliyeed xanuunkii ka soo gaaray Duufaantii ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya gaar ahaan Deegaanada Maamulka Puntland,kaasi oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 150-Qof.

” Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan Ehalada dadkii waxyeelada ka soo gaartay Duufaanta,gaar ahaan Carruurta iyo Haweenka,kuwaasi oo saameynta ugu badan ay ka soo gaartay Masiibada Qaran,” ayuu ku sheegay Zuma hadal uu soo saaray.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Koonfur Africa in shacabka Koonfur Africca dhibta la qeybsanayaan Soomaalida dadkoodii ay jeclaayeen kuwaayay dufaanta,isagoona balan qaaday inta karaankooda ah ay ka qeyb qaadan doonaan dadaalka loogu gumrmanayo dadka saameynta ay ku yeesheen Duufaanta ku dhufatay qeybo ka tirsan Maamulka Puntland,isagoona dadkii dhaawacyada ka soo gaartay Masiibadaasi u rajeeyay bogsasho deg deg ah.

Waaxda xiriirka Caalamiga ayaa shaaca ka qaaday in ka badan 250 000 guryo ah oo dadi ay ku noolaayeen bur bureen,iyadoo sidoo kale Malaayiin Xoolo Noole ay ku dhinteen Duufaanta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Ka hadalka khilaafka madaxda sare ee dalka oo sii kordhaya

0

Muqdisho (Caasimada online) Qaar ka mid ah Xildhibaano hore uga tirsanaa dowladii KMG aheyd iyo siyaasiyiin ayaa maanta waxay si aad ah uga hadleen khilaafka madaxda sare ee dalka iyo hadalkii kasoo yeeray xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ee ahaa inuu ra’isul wasaaruhu lumiyay kalsoonidii dowlada.

Siyaasiyintan  oo la hadlayay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxay eedeyn u jeediyeen xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil iyagoona ku tilmaamay mid ku tumaya kana been sheegaya dastuurka dalka .

Xildhibaan C/raxman Xoosh ayaa sheegay in madaxweynaha uu ra’isul wasaaraaha ka dalbaday inuu soo wareejiyo warqada istiqaalada hayeeshee siyaasiyiintan ayaa sheegay in xitaa amarkaas uusan laheyn madaxweyne xasan.

Waxay shaaciyeen in madaxweynaha Somalia kaliya uu leeyahay magacaabista balse uusan laheyn xilka qaadista iminkana uu si toos ah fara galin ugu sameeyay shaqada baarlamaanka Somalia .

Muranka ka dhashay khliaafka madaxda sare ee dalka ee marba marka kasii dambeysa kor usii kacayaa iyadoona mudanayaasha baarlamaanka iyo dadka siyaasada qiimeeya iyo qaabab kala suwan arintan uga hadlayaan .

Inta badan aqoon yahanada iyo siyaasiyiinta ayaa khilaafka madaxda sare ee dalka waxay ku sifeeyeen mid siyaasadeed balse uusan aheyn mid dastuuri ah .

Dhowaan ra’isul wasaaraha dalka oo madaxweynaha ay is hayaan ayaa sheegay in khilaafkoodu uu yahay mid dastuuri ah balse xal laga gaari doono .

Gudoomiyaha Baaramaanka Somalia ayaa u digay xubnaha baarlamaanka somalia isagoona ku tilmaamay inay yihii garsoorayaasha madaxda dalka sidaasi darteedna laga doonayo inay sirtoooda xafidaan .

 Halkaan Hoose ka dhageyso Siyaasiyinta

Qaar ka mid ah xildhibaano iyo siyaasiyiin

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]