27.5 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

IMTIXAANKII KOFEEYGA (AQRISO)

0

Najma waa Gabar Somaaliyeed Da’deeduna ay udhaxayso 24 sano ilaa 27 sano jir ah, Najmo waa Gabar labadeeda waalid ay aad ujecelyihiin, iyaduna ay jeceshay, Nasiib wanaag Najma waxaa usuura gashay in ay xafido Quraanka Kariimka ah, waxay dhameeysatay wax bara shadeeda ilaa iyo heer jaamicadeed.

Najmo waxay shaqo ka biloowday mid ka mid ah Bangiyada ugu waa wayn Waqooyiga Ameerika, Najma waxaa usuuro gashay inay madax ka noqoto qaybta Ganacsiga iyo amaahda.

Najma waalidkeeda waxa ay aad uxiisaynayeen in Gabadhoodu ay guursato inta ay yartahay, Najma waxay la nooleeyd waalidkeeda iyo walaalaheeda, Najma waxay deganeed Qol iyada ugaar ah,Maalin walbo hooyadeed waxay ku tiraahdaa inantaydiyeey maad guursatid.

Najmo hooyadeed waxay ku tiri hooyo ha ka baqin waan guurasanaayaa haduu Rabi idmo lakiin hooyo waqti isii aan ku soo xusho nolasha qofkii aan la wadaagi lahaa???

Hooyadeed ayaa ku tiri waqtigaada qaado ilaahay na haku waa fajiyo kheyrka.

Najmo waxay biloowday in ay shukaansi ama haasaawe biloowdo, halka ay Najmo ka shaqayso waa goob ganacsi waana meel ay dad badani ay isugu yimaadaan waxay doorbidaysay in ay barato Raga Somaaliyeed.

Maalinma wiil bay barataa, siday sheekadu uwaday wiil dhalinyaro ah ayay ka heshay Aqlaaqdiisa iyo wanaagiisa waxay ka codsatay in uu ugu yimaado gurigooda ayna halkaasi ay ku sheekaystaan, wiilkii waa uu ka ogolaaday codsigii Najma.

Najma Qolkeedu waa wada Marbal cad oo aad uqurxoon Najma waxay la balantay wiilkii ay dhowaan isbarteen waxayna usii sheegtay labadeeda waalid in uu u imaanayo wiil ay dhawaan is barteen oo ay rabto in ay si hoose u sii barato, wiilkii inta uusan imaan ayay Najmo xogaa espresso coffee ayay meel dhulka fadhiga udhow ku daadisay marka cofeega lagu daadiyo meel cad waxa uu umuuqaal ekaanayaa dhiig madoow xigeen ah.

Wiilkii ayaa soo gar-garaacay Guriga Najmo albaabka ayay ka furtay way soo dhaweysay , waxay bartay labadeeda waalid , aad bay usoo dhaweeyeen, waxayna usii gudbeen qolkii Najmo daganeed, sheeko ayay halkaasi ka sii bilaabeen waxay u keentay xogaa Cabitaan qaboow ah iyo in yar oo Mac- Macaan ah.

Sheekada iyadoo meel wanaagsan umarayso ayuu wiilkii waxaa uu indha ku dhuftay wax u eg dhiig madoow, indhaha ayuu taag taagay oo waxa uu ka shakiyay waxa meesha ku daadsan ee dhiiga u eg, marka si kaftan ah ayuu ku yiri Najma Fasax Dumar miyaad ku jirtaa , oo way Garatay in uu ula jeedo Dhiigii caadada ahaa , Najma way qososhay wax jawaab ahna ma aysan siinin.

Sheekoooyin kale ayay usii waday aad ayay isula fiidsadeen way sii dhaweeysay , wayna ka soo laabatay, hooyadeed ayaa qolka ugu soo gashay oo aragtay waxa dhulka ku daadsan markaa bay ku tiri Naa Najmooy maxaad dhulka isaga nadiifin wayday oo wiilka kuu yimid haduu waxaan kugu arko waxaa uu uqaadan karaa in aad tahay Gabar Nadaafadeedo ay liidato.

Najma waa ay qososhay waxay ku tiri hooyo anigaa ugu talagalay waxaan ku kala ogaanayaa wiilasha aan la haasaawayo Caqligooda & Qaabka ay ukala daganyihiin.

Hooyadeed ayaa ku tiri wiilka hadda ka waran??

waxay tiri hooyo imtixaanka waa uu ku dhacay, waxa uu ahaa Wiil waxa uu ahaa Ragga wax mala awaali karo lakiin meel xun ayuu malo awaalay oo waxa uu ahaa wiil ay qiyaastiisu ay liidato, marka xagayga waa uu iga tufanyahay.

Najmo shukaansigii kama aysan harin hadana wiilkale bay isbarteen waxay keentay sida caadada u ahayd waalidkeeda ayay bartay , qolkeedii ayayna usii dhaafsiisay in yar markii uu fadhiga fadhiyay ayuu durbadiiba indhaha ku dhuftay wixii dhulka ku daadsana ee u ekaa dhiiga wax hadal ah ma uusan dhihin cabitaankii ay ukeentayna waa uu ka cabsaday wuu ka shakiyay ma uusan cabin, waxa uu yiri abaayo waxaan ka daahay xaafadayda oo shaqo ayaan sii aadi lahaa oo waaba uu sii cararay , maxaa yeelay waxa uu ka shakiyay iyada oo dhan meel cidlo ah ayuu ka cararay.

Najmo hooyadeed baa hadana waydiidsay ka waran wiilkaan kale??

waxay ku tiri hooyo kanaaba ka daran waa nin fudeed iyo fulaynimo dhameeyay oo dareen badan oo aan asiibi karin xaqiiqda.
Najma ma joojin howsheeda hadana mid sadexaad bay keentay xaafada , kolkuu isagana idhaha saaray ayuu yiri Najmooy ma mindi baa ku jartay oo dhiig kaa keentay oo sidaas dhulka ugu daatay????

Nasjmo uma aysan jawaabin sheeko kale ayay ugashay sidii bay ku sii dhawaysay.

Hooyadeed baa hadana weydiisay wiilka sadexaadna ka waran??

waxay ku tiri waa Wiil indho gashi(ookiyaalo) ubaahan maxaa yeelay gacnahayga wuu ujeedaa oo gacmihiisa ayaan kuqabtay wuu ujeedaa in aysan dhaawac ka muuqan waa Wiil qiyaastiisu ay liidato isagana waa uu ku dhacay imtixaanka.

Najmo weli kama aysan daalin howsheeda iyo wax raadinteeda waxay wado mudo badan ilaa ay gaarto tiro aan la qiyaasi Karin.

Habeen habeenada ka mid ah ayay isbareten wiil lagu magacaabo Hassan.

Hassan way soo dhaweysay waxay bartay waalidkeeda ka dibna Qolkeeda ayay usoo gudbisay, waxay ukeentay cabitaan qaboow iyo in yar oo mac-macan ah sidii caaduda ahayd, way soo horfariisatay sheekadii ayay isla galeen in yar ka dib Hassan waxa uu indha saaray Wixii dhiiga u ekaa, Hassan waa nin Khabiir ah oo Degan caqli badan wanaagsan, fudeydna ka fog, waxaa uu udhaqaaqay dhinaca kushiinka(jikada) waxaa uu ka soo qaaday masaxa wax lagu masaxo waxa uu masaxay wixii dhiiga u ekaa kadibna gacmaha ayuu soo dhaqday fadhigii ayuu ku soo laabtay.

Najma ayaa ku tiri Hassan waad mahad santahay wasaqdii aad soo masaxday.

Hassan ayaa ku yiri wasaq ma’ahan waa Qaxwo yacni espresso coffee ku daadatay ma ahan dhiig iyo wasaq, meeshuna way cadahay oo waxay umuuqaal ekaanaysaa sida dhiiga madoow, dadka qaarna way ku sirmaan oo dhiig bay uqaataan in uu yahay.

Najmo warqad bay usoo taagtay oo ku qoran you’re the winner of my live, adigu waxaad tahay ruuxa ku guulaystay noloshayda halkaas ayay Hassan sheeladkii cofeega uga sheekaysay Hassan ayaa imtixaankii Cofeega ku guulaystay.

Hooyadeed baa utimid oo ku tiri hooyo ii waran waxay ku tiri hooyo Hassan waa nin caqli badan degan fiiro dheer naxariisbadan ceeb asturna ah waa ninka aan nolasha lawadaagi karo.

Shakisbiir waxaa uu yiri Shimbirta Quruxdeedu waa Baalasheeda,Gabadha quruxdeeduna waa Cacligeeda,qofwalba waxaa uu ilaahay uu siiyay caqli waana lagu kala sareeyaa waxaana loo yaqana IQ.

Najma gabdhaha somaaliyeed waxay tustay sida waangsan ee wax loo xulan karo iyadoo sameeysan imtixaankii kofeega kuna soo xulatay wiilkii ay nolasha la wadaagi lahayd.

W/Q: M Adkeeste

Xasan Sheikh & RW Saacid oo kulankii ugu horeeyay yeeshay (Faah-Faahin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) Idaacadda VOA-da ayaa goordhow baahisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyagoona ka hadlay khilaafka ka taagan markii uu raysal wasaaraha diidday is-casilaad uu u soo jeediyay.

Ilo xog-ogaal oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in kulankaas looga hadlay siddii xal looga gaari lahaa khilaafka labada nin balse aakhirkii waa lagu kala booday waxaana lagu soo kala tagay iyadoo wax natiijo ah aan laga gaarin.

Raysal Wasaaraha ayaa u sheegay madaxweynaha in xilligan la taagan yahay meel wanaagsan xukuumadiisana muddada ay jirtay ay qabatay wax wanaagsan.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xilligan uusan diyaar u ahayn in uu is-casilo, sida ay lee yihiin ilaha warkan laga soo xigtay.

Si kastaba, waxaa weli muuqanaya in uu taagan yahay khilaafka labada nin, iyadoo uu socdo kulamo gooni gooni ah oo Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ay la kala yeelanayaan taageerayaashooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

Ururka al-Islaax oo ka hadlay Khilaafka Madaxweynaha iyo R/wasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ururka Islaax ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Shabakadda Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in ururka uu aad uga xun yahay khilaaf madaxda dowladda federaalka, waxa ay ku baaqeen in si degdeg ah loo xaliyo.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay maraysaa marxalad xasaasi ah, oo baahi wayn loo qabo in dadaalka la isugu geeyo taabbo-gelinta Qarannimada Soomaaliya. Xilliganoo ay Qaranka Soomaaliyeed horyaallaan hawlo badan, waa wax laga naxo in khilaaf soo shaac baxo,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay Al-Islaax.

Ugu dambeyn, Al-Islaax ayaa ka hadlay dufaanada ku dhuftay deegannada Puntland, waxa ay ku baaqeen in gurmad degdeg ah loo diro dadkaas wax ku noqday.

War-Saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha ururka Dr. Cali Baashir Cumar Rooraaye, ayaa beesha caalamka iyo Soomaalida qurbaha waxaa loogu baaqay in caawiyan dadka fatahaada wabiga Shabeelle ay saameeyeen iyo kuwa Roobabka dabeylaha wata ay ku dhufteen.

Ururka Al-Islaax waxa ay gacan saar la lee yihiin Dam-Jadiid oo uu ka tirsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Afwayne iyo Tiiceey oo maxkamad la soo taagi doono, Belgium

0

Brussels (Caasimada Online) Dowladda Belgium ayaa shaacisay in maxkamad la soo taagi doono hoggaamiyihii kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida Maxamed Cabdi Xasan Afweyne iyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiiceey kuwaasoo dhawaan lagu xiray magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Afweyne ayaa loo heestaa doorka uu ku lahaa afduubka markab ganacsi oo laga lee yahay dalka Belgium kaasoo lagu qafashay xeebaha Soomaaliya.

Ninkan oo horrey u sheegay in uu ka baxay falalka burcad badeednimada ayaa si cajiib ah loo xiray kaddib markii loo dhigay shirqool isagoo loo sheegay in uu ka qaybgalaayo Filim Dikuminti ah oo muujinaya dhibaatada kooxaha burcad-badeeda Soomaalida.

Afweyne markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Brussels waxaa la wareegay ciidamada dharka cad iyadoona loo sheegay in loo heesto dambiyo la xiriira arrimaha burcad-badeednimo ah.

Si kastaba lama oga wax yaabaha ay muteesan doonaan labadan nin walow aan la sheegin wax yaabaha loo heesto Tiiceey balse waxaa la lee yahay wuxuu dhiirigalin jiray falalka burcadbadeednimada isagoona wax laga siin jiray.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegay in Tiiceey uu ahaa ninkii soo shir qoolay Afweyne kaasoo laga soo waday magaalada Muqdisho lana soo marsiiyay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Brussels

[email protected]

VIDEO: Arrin lagu farxo oo dalka ka hirgashay “Xaqiiqdii wad ilmeyneysa”

0

Caasimada Online: Horumarka baaxada weyn ee ka soconaya iyo nolosha cusub ee isbadalka ah ee dalka ka hana qaaday ayaa waxaa ka mid ah mid nuucyo badan leh balse waxaa jira arin dad badani ay ku farxeyn oo 23 sano aan dalka lagu arkin balse Shacabka ay ay u riyaaqeyn.

Hadaba Aqristoow qof walba oo Soomaali ah hadii uu arko arinkani uu farxad la ilmeyn doono, Sababtuna waa arin ka maqnaa wadanka 23-ka sano ee la soo dhaafay balse haatan dib loo helay ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Puntland oo ka hadashay Khilaafka DF

0

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreyay ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ee Puntland, Cabdishakuur Mire Aadam oo la hadlayIdaacadaha gudaha Puntland ayaa sheegay in khilaafkaas ay ka xun yihiin balse wuxuu dhaliilay Madaxweynaha oo uu sheegay in ku fashilay ballan qaadkii uu sheegay.

Cabdishakuur ayaa tilmaamay in Madaxweynaha uu ku qaldan yahay in uu hadda ra’iisal wasaaraha ka codsado is-casilaad.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in Madaxweynaha iyo kooxda Jam-dadiid aysan wax dan ah u heynin dadka Soomaalida sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ma fiicneen waayahan dambe, waxaana Maamulka Puntland uu horrey u sheegay in uu xiriirka u gooyay dowladda dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

Khilaafka madaxda DFS oo sababay in uu Xasan Sheekh ka baaqdo…!

0

Muqdisho (Caasimada Online) Iyadoo uu cirka isku shareerayo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa ilo ku dhow dhow xafiiska Madaxweynaha waxa ay Warbaahinta u sheegeen in madaxweynaha uu ka baaqday shirka hoggaamiyaasha Afrika iyo Carabta oo toddobaadkan ka dhacaya caasimada dalka Kuwait ee Kuwait City.

Sida qorshaha uu ahaa shirka waxaa Soomaaliya uga qaybgali lahaa Madaxweynaha balse khilaafka isaga iyo Raysal Wasaaraha ayaa sabab u noqday in uu ka baaqdo isla markaana badalkiisa uu baxo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Faah-faahin ku aadan baaqashada Madaxweynaha ee shirka Kuwait lama hayo, laakin waxaa jirta in uu doonayo siddii uu soo afjari lahaa khilaafka isaga iyo Raysal Wasaaraha sida ay lee yihiin ilaha warkan ka soo baxay.

Dhinaca kale, khilaafka Madaxweynaha oo hadda u muuqda mid aan wax laga qaban karin waxaa loo gudbin doonaa xildhibaannada baarlamaanka kuwaasoo codka kalsoonida kala noqon doona ama siin doona ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynuhu wuxuu ku adkeesanayaa in uu xafiiska ka tago raysal wasaaraha, halka Saacid uu lee yahay ilaa inta kalsoonida aan ka weynayo mudanayaasha baarlamaanka waan sii joogi doonaa xafiiska.

Si kastaba, Waxaa hadda Kuwait ku sugan Wafdi ay hoggaamineyso Raysul wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Jimcihii magaalada Kuwait  kula kulantay  dhiggeeda dalkaas Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

KENYATTA oo ku hungoobay hamigiisii

0
New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday in dib loo dhigo muddo sannad ah dhegaysiga dacwadaha loo haysto madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa.

15ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ayaa ku kala qaybsamay iyada oo 7 dal oo ka mid ah ay qaraarkan ogolaadeen halka 8 kalena ay ka aamuuseen.

Dalalka u ololaynayay in qaraarkan la ansixiyo ayaa ku guul daraystay inay helaan 9ka cod ee looga baahnaa xubnaha golaha ammaanka si uu go’aanka dib u dhigistu u meel maro.

Madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ayaa labaduba ku eedaysan  dambiyo ka dhan ah bini aadminimada iyada oo lagu eedaynayo inay ka qayb qaateen rabshadhihii ka dambeeyay doorashadii madaxtiminada ee Kenya 2007 kuwaasi oo ay ku dhinteen in kabadan kun iyo boqol qof . Labada mas’uul ayaa iyagu diiday eedaymahaasi iyagoo iska fogeeyay dambiyada lagu eedaynayo.

Dhegaysiga dacwadda lagu haysto madaxweyne Kenyatta ayaa la qorshaynayay inay ka bilaabanto maxakamadda dambiyada caalamiga ah ee Hague horaantii todobaadkan, laakin waxaa dib loo dhigay ilaa iyo 5ta bisha February.

Qaraarkan la doonayay in dib loogu dhigo dacwadda ilaa muddo sanad ah ayaa waxaa u ololaynay midawga Africa waxaana la hordhigay golaha amaanka inkasta oo la filayay inaanu helin doonin 9ka cod ee loo baahanyahay

Danjiraha Kenya u fadhiya qaramada midoobay Macharia Kamau ayaa aad uga xumaaday natiijada codbixinta.

VOA

XOG: Kulamo xasaasi ahaa oo ka kala dhacay Xafiisyada Xasan Sh & Saacid

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo Xog-Ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa noo sheegay in habeenkii xaley ay ka kala dhaceen Xafiiyadda Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha kulamo looga hadlaayay khilaafka ka dhex aloosan Xasan Sheekh iyo Cabdi Faarax.

Maxaa looga hadlay kulanka ka dhacay Xafiiska Madaxweynaha, yaana ka qaybgalay?

Ilaha aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegay in kulanka ka dhacay xafiiska Madaxweynaha ay ka qaybagleen beelaha ka soo jeeda Digil iyo Mirifle, waxaana uu madaxweynaha kala hadlay siddii ay u taageeri lahaayeen qorshaha uu wato ee ah in meesha laga saaro Raysal Wasaare Saacid.

Sidoo kale Madaxweynaha kulamo noocan oo kale ayuu la qaatay shaley Waxgaradka iyo Odayaasha soo xulay mudanayaasha baarlamaanka.

Odayaasha Madaxweynaha la kulmay ayaa u ballan qaaday in ay taageeri doonaa qorshaha Xasan Sheekh ee in meesha ka saaro Saacid.

Saacid yuu isna kula kulmay Xafiiskiisa?

Sarkaal ku sugan xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa noo xaqiijiyay in Raysal Wasaare Saacid uu la kulmayqaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka, kuwaasoo uu ka codsaday in ay siiyaan kalsoonida si uu u sii joogo xafiiska.

Raysal Wasaaraha ayaa u ballan qaaday xildhibaannada uu la kulmay in miisaan culus uu ka siin doono xukuumadda cusub.

Isku soo duub, waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo looga hadlaayo khilaafka ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha, waxaana xildhibaannada baarlamaanka ay u kala jabeen labada nin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shirar ka dhacay Britain iyo Belgium

0

Muqdisho (Caasimada online) Xildhibaan Proff: Maxamed Cumar Dhalxa  oo ka mid ah mudanayasha baarlamaanka Somalia kuna sugan iminka magaalada Brussles  ayaa wuxuu ka warbixiyay Shirar uu uga qeyb galay dalalka Britain, iyo Belgium-ka .

Xildhibaanka oo  ka mid ah mudanayaal baarlamanka Soomaaliya ka tirsan kana qeyb galaya shir ka dhacaya magaalada Brussles wuxuu  sheegay in shirkaasi looga hadlay khatarta Miinooyinka iyo dhibaatada ay haraadiga walxaha qarxa ku hayaan qaarada Africa.

Dhalxa ayaa sidoo kale sheegay in Shirkii Brussles looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa miinooyinka daadsan qaarada Afrika, oo la sheegay in guud ahaan Africa ay dhibaato ba’an ku hayaan

Shirkii London uu uga qeyb galay ayuu shaaca ka qaaday in uu ku saabsanaa  horumarinta dhaqaalaha dunida Muslimka , waxaana uu tilmaamay inay ka  qeybgaleen 21 dal.

Ra’isal wasaaraha Britain, ayuu shaaciyay inuu shirkaasi furay isagoona tilmaamay in arimihii shirkaasi looga hadlayay ay soo dhaweeyeen dhamaanw adamadii ka qeyb galay si guul ahna uu kusoo dhmaaday .

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in marka ay dalka dib ugu soo laabtaan ay baarlamanka siin doonaan xog buuxda oo ku saabsan shirarkii ay uga soo qeyb galeenLondon iyo Brussles iyo waxyaabihii ka soo baxay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Cawed Axmed Cashara: Xasan Sheikh awood uma laha xil ka qaadista Saacid

0

Siyaasiga soomaaliyeed ee Cawed Axmed Cashara ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda Sare sare Ee Dawlada Faderaalka Somalia isagoo Ka hadlay Ogaalkiisa, Iyo weliba Waxyaabaha Lagu Kala Bixi Karo.

Cawed Cashara oo waraysi siiyey warbahinta ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khilaafka, Wuxuuna Sheegay In Haatan Madaxwaynaha uusan Booska Ka Qaadi Karin Rai’sal Wasaaraha, Baarlamaankana uu Ridi Karoo oo keliya .

Sidoo kale cashara ayaa intaasi ku daray In Madaxwaynaha Soomaaliya uu Faragelin Ku Hayey markii Horaba Howlihii Xukuumada loo igmaday , Hasa Ahaatee Aysan Dhibaato ku Jirin Maadaama Raali Laysaga Ahaa.

Siyaasiga cashara ayaa dhinaca kale Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Hordhigay inuu Ka Jawaabo Su’aalo Dhowr Ah iyo Waxyaababaha Ay Isu Cashisay Gudoomiyihii Bankiga islamarkaana daboolka ka qaaday in gudi baaritaan ku sameeya sababta is casilaada uu sameeyo madaxweynuhu hadii kale ay keeni karto sumcad xumo ka daran midi hore u haysatay Somalia

Dhinaca kale Cawed Cashara ayaa ugu baaqay masuuliyiinta kale ee Dowlada iyo waxgaradka kale inay arinta dhex dhexadiyaan,isagoo carabaabay Inaan loo Baahnayn in Haatan Faa’iido laga Dhexdoono khilaafka labada masuul . Ugu Danbayntii Cawed Axmed Cashara ayaa ka hadlay Waxa laga Dhaxli Doono Hadiiba uu Sidaas Booska Kaga baxo Rai’sal Wasaaruhu islamarkaana tilmaamay inay horseedi doonto bur bur ku yimaada Dowlada Somalia isagoo intaasi sii raaciyey inay meel eber ah wax laga soo bilaabay islamarkaana loo baahan yahay in lagu fara adaygo Haykalka Dowladnimo ee iminka jira.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

 

SOOMAALI meel kasta ka filo: Dal aan laga fileyn oo Soomaali lagu xiray

0

UK (Caasimada Online) Masuuliyiinta dowlada Gambia ayaa xeray labo muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska laakiin asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya iyadoo lagu eedeynayo ku luglahaanshaha qiyaano weyn oo ku aadan isgaarsiinta dalkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha sirdoonka dalkaasi.

Cabdirisaaq Hazi iyo Faysal Axmed Jaamc ayaa lagu xeray Talaaladii lasoo dhaafay xafiiska sirdoonka dalkaasi kadib markii lagu eedeeyay qiyaaneynta shirkadaha isgaarsiinta dalkaasi.

Waxaa la sheegay in si qeexan ay u direen cadadka iyo warbixinada shirkadaha iyagoo adeegsanaya internet-ka iyo wacitaanka taleefanada, iyagoo sameynayay falkaasi todobaadyo badan.

Hayada sirdoonka qaranka ayaa ka sheegtay telefishanka inay jireen caqabado aad u xunka ee dhanka isgaarsiinta iyadoo ay ugu wacan tahay falkaasi ay sameeyeen labada ruux ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya.

Hayada ayaa sidoo kale sheegtay in falkaasi ay kaga shakisan yihiin luminta isgaarsiinta qaranka dalkaasi, laakiin ma uusan aysan sii faahfaahinin heerka ay la egtahay isgaarsinta luntay.

Ruux kale oo seddexaad oo heysta dhalashada dalka Ingiriiska laakiin asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu maqan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Uk

[email protected]

Cadaalad darro Somalia ka taagan iyo dad dadkoodii ay dayaceen + Video

0

Xiligga Soomaali iyo Caalamka oo dhan ay ka hadlayaan Musiibadii ka dhacday Waqooyiga Bari ee Soomaaliya, ma jirto Qof ama Mas’uul hadalhaya Maalmahaan Musiibada ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Laba bilood kadib markii Wabiga Shabeelle uu ku fatahay gobalka Shabeellada Dhexe, ayaa kumanaan Qoys ay wali go’doonsan yihiin meelaha daadkaasi gaaay. Kumanaan ayaa Qaxay, Kumanaan ayaan wali helin Biyo, Cunto ama Daawo, halka Dadka Musiibadaan ku Geeriyooday lagu Qiyaasay 60 Ruux, 60kaasnah waa Qiyaas.

Maamulka Degmada Jowhar oo aan la xirriinay ayaa sheegay in Xaalad aad u xun ay haysato Boqolaal Qoys oo ku barakacay Degaano u dhaw dhaw Jowhar loona baahan yahay in la caawiyo.

Boqolaal Qoys oo ku noolaa Tuulooyinka Garaash Buulo Garaam, Koongo iyo kuwo kale oo hoostaga Degmada Jowhar ayaa isaga barakacay Guryahoodii.

Maamulka ayaa ku baaqay in Gargaar Deg-Deg ah lala soo gaaro Qoysas Danyar ah oo ku dhibateysan Deegaano hoos yimaada Magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay in ay wali ku yartahay Raashin, Daawooyin iyo Bacaha Roobka laga galo.

Biyaha Fatahaad Wabiga Shabeele ayaa waxa ay sidoo kale Cagta mariyeen Kumanaan Hecter oo Beero ah kuwaa oo ku beerna Dalagyo kala duwan oo ay dadka Noloshooda ku tiirsanayad, waxaana soo baxday Cabasho xoogan oo Shacabka sameynayaan.

Yaa Dhageysanaya Qeylodhaanteena?

“Labo Bilood ayaan Hoy la’nahay, Labo Bilood ayaa Biyo Tuugeenaa iskaba daa Cuno ama Daawo, tan ugu Xanuunka badanah waxa waaye in Aduunka uu naga sii jeestay (…) Adeer ii sheeg Yaa dhageysanaya Qeylodhaanteena?” Ayuu yiri Burhan Cali oo 60 Jir, ahaan jiraynah Ganacsade oo aan Qada Telefoonka kala hadalnay.

Afhayeenka Maamul, Daa’uud Xaaji Cirro oo la hadlay Warbaahinta Dowladda, kana hadlayay Musiibadaan ayaa yiri “Waddooyinka ayaa xiran, xataa haddii aan dhahno aan u gargaarno Dadka dhibaateysan, suurtagal ma’aha waayo Dariiqyada ayaa Xiran”

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata “Waxaan ka Codsaneynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda in ay usoo gargaaraan Walaalahood oo la iska ilaaway, Caqli ma ahan in Musiibo laga hadlo (Dabeesha Gobollada Bari) lagana Aamuso mid kale (…) Islaamnimo ma ahan in 8 Saacadood kadib loo gurmado Dad, Dad kalenah 2 Bilood la iska ilaawo oo laga hadlin”

“Musiibo wayn ayaa Gobolka ka taagan”

8.000 ilaa 15.000 Kun ayaa ka barakaceen Guryahooda ilaa iyo markii Wabiga uu fatahay Bishii September, waxeyna Dadka inta badan ku Noolyihiin Xeryo, halka in ka badan 10.000 oo Qoys ay wali aaggaas ay daadadku ku dhaceen ku go’doonsan yihiin.

“Ma ahan wax laga hadli karo Musiibadaan, mana ii Sahlana in aan ka hadlo, waayo ilaa iyo Maanta ma naqaano inta ku Geeriyootay (…) Shalay kaliyah waxaan God kasoo bixinay Qoys 11 Gaarayay oo Qofnah ka badbaadin…” Ayuu yiri Mas’uul kamid ah Maamulka Degmada Jowhar.

“Dhulal waaweyn yaa waxey noqdeen Bad, waxaana kor sabeeynaya Mayd Dad iyo Xoolo”

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in Musiibadaan aysan waxba ka qaban karin “Maamul ahaan, awood uma lihin in aan wax ka qabano musiibo intan la eg dadkana aan kaalmayno (…) Waxaana wali Taagero ka sugeynaa Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya”

Illaa iyo hadda, ma jiraan Hay’ado gargaar oo Caalami ah oo dhageystay Qeylodhaanta Bulshadaan. Hadaba, Yaa Cod u ah Kumanaanka ka Qaxay Biyo Fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabeele?

Isha: KON

DFS oo u yeertay Safiir taageero u raadinayay M/Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada online) Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga  Maxamed Mursal , oo iminaka ku sugan Muqdisho ayaa sida la sheegay waxaa lagu heystaa dacwado kala duwan oo ku aadan qaladaada sida la sheegay uu sameeyay intii xilkan uu hayay.

Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ayaa dhawaan u yeertay Safiirkii Turkiga u fadhiyay Somalia  kaas oo iminkala sheegay in Muqdisho uu jooga wasaarada arimaha dibadana ay ka dooneyso jawaabo dhowr ah oo ku aadan su’aalo howlihiisa shaqo laga weydiinayo kadib markii ay soo bexeen dacwado ka dhan ah isaga.

Arimaha ugu waaweyn ee lagu haysto Safiirka waxaa ka mid ah inuu dalka Iran u waydiiyay aqoonsi maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya oo imika dhismihiisu ka socdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waxaa la sheegay in ka hor inta uusan aqoonsiga u weydiin Iran Maamulka Koonfur galbeed uusan ku war galin ama wax xiriir ah uusan arintaan kala  samayn Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya.

Arimaha kale ee lagu eedeeyay waxa ka mid ah Xiriir xumo ku adan Safaaradaha Somalia iyo turkiga iyo in howsha Safaarada Somalia ee dalkaas inuu gaabis ku yimid iyadoona Dowladaha Turkiga iyo Somalia ay yihiin laba dal oo Saaxiibo dhaw ah.

Sidoo kale xubnaha wasaarada arimaha dibada ka tirsan ee la hadalnay ayaa sheegaya in arinta Safiirka gudi loosoo saaray isla markaana uu Muqdisho kusii sugnaan doono inta ay arintaasi dhinac u dhacayso.

Ambassador Maxamed Mursal ayaa horay waxaa halkaasi u geeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Federaalka KMG ahaa waxaana mudo uu ka shaqaynayay Safaarada.

Waa safiirkii u horeeyay ee Soomaaliyeed oo lagu eedeeyo inuu maamul goboleed aan wali hana qaadin aqoonsi u raadinayo, waxaana laga warsugayaa go’aanka ay kasoo saarto Wasaarada arimaha dibada iyo Xiriirka Caalamka oo iyadu gudi u saartay arinta Safiirka.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DAAWO VIDEO: Sidaan ma ku ogeyd bilicda magaalada Baydhabo Janaay

0

Caasimada Online:  Magaalada Baydhabo oo dhacda Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxay qiyaas ahaan Muqddisho u jirtaa 250 Km, Baydhabo sanadihii u danbeeyay waxaa ay sameysay horumar ballaaran oo dhanka dib u dhiska iyo ganacsiga.

Baydhabo oo ah xarunta Gobolka Bay, waxay marti gelisay Dowladdii KMG ee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf madaxda ka ahaa, waxaana xiligaasi wixii ka danbeeyay Baydhabo soo martay marxalado kala duwan.

Warbixin Muuqaal laga soo diyaariyay nolosha dadka Baydhabo iyo dib u soo kabashada ay sameysay ayaa waxaa ka muuqdo horumar badan ee nala daawo muuqaalkani cusub.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Holland oo Somalia iyo turkiga balan qaad u sameysay (Warbixin

0

Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Holland ayaa ansixiyay balaarinta howlaha gargaarka ay ka waday dalalka Turkey iyo Somalia, sida uu sheegay wasiirka arimaha dibada dalkaasi Frans Timmermans, kadib markii kulan ay shalay isugu yimaadeen golaha wasiirada ee dalkaasi.

Dowlada Holland ayaa usoo daabushay xeebaha dalka Soomaaliya maraakiib kala duwan kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya ee Atalanta, iyo ciidamada Nato ee ku sugan xeebaha caalamiga.

Inka badan 250 ciidamada dowlada Holand ayaa sidoo kale loo daabulay dalka Turkey tan iyo sanadkii 2013, kadib markii labo urur oo wadani ay saldhig ka dhigteen magaalada dhanka koofureed ee Adana ee dalka Turkey.

Marka loo eego warbixin uu warbaahinta siiyay wasiirka arimaha dibada dalka Holland ciidamada dowladiisa ayaa qabtay shaqo cajiibleh, isagoo sheegay in labadii urur ay saameyn kala duwan ku yeesheen.

Dowlada Holland ayaa horay u sheegtay inay wadi doonto dadaalada ay ka wado dalka Soomaaliya, iyadoo masuuliyiin dowladaasi ka tirsan horay ay usoo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Gar-gaar laga qeybinayo PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Sabti ah ka billaanaya qaybinta gargaarka loogu talagalay in la gaarsiiyo dadkii wax ku noqday dabeylaha iyo roobabka xoogga ee ku dhuftay deeganada Bariga ee dalka Soomaaliya.

Wariyaha Caasimada Online ee Garoowe ayaa soo sheegaya in magaalada ay ka socoto diyaar garow ku aadan siddii gurmadka loo geen lahaa deegannada ay musiibada ku dhufteen.

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in ka badan 500,000 oo qof ay ku wax yeeloobeen dufaantii iyo roobabkii ku dhuftay deegannadii Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka mahadceliyay deeqaha gargaarka ee ka yimid Itoobiya iyo Jabuutu wuxuuna sheegay in ay abaal u hayaan waddamadaas.

Faroole ayaa tilmaamay inay wali sugayaan gurmadkii ay ballan qaadeen waddamada kale ee caalamka, isagoo ku celceliyay Puntland inay ka go’an tahay sidii gurmadka loo gaarsiin lahaa dadka dhibaataysan ee u baahan in la caawiyo.

Gargaarka oo gaaraya 23 tan oo isugu jira daawo, dhar iyo cunto ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay waxyeellaysay duufaanta ku dhufatay deegaanno hoos taga maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Siyaasiga Yassin Maaxi oo Fariin u diray Madaxda Dalka Soomaaliya.

0

Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Mudane Yassin Maaxi Macalin oo si kooban uga hadlay Khilaafka xoogeestay ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh & Ra’isul Wasaare Saacid ayaa si ka duwan siyaasiyiinta Soomaaliyeed kaga hadlay khilaafka ka dhex taagan Labada mas’uul ee dalka ugu sareeysa.
Mudane Maaxi waxuu ka sheekeeyay aqoonta labada mas’uul ee is haya waxuuna yiri.

“Madaxweyne Xasan & Ra’isul Wasaare Saacid waxaan ku aqaanay in ay yihiin Saaxiibo ka duwan madaxdii dalka soo maray waxaan aaminsanahay in arinka meesha la geynaya in uusan jirin ee waxaan dhihi la haa Madaxdii Dalkood ogaada adinkuu shacabka idiin sugayaa ee xaliya khilaafkiina”

“Xaqiiqdii waa wax laga xumaado in mar kale ay dhagaheena maqlaan arinka ah khilaaf baa u dhaxeeya Madaxdii dalka ugu sareysay taa oo aan ka gudubnay in an dib ugu noqono waa nasiib daro ee waxaan dhihi la haa Madaxweyne Xasan & Ra’isul Wasaare Saacid in ayaga dhexdooda ay dhameeyaa waxii khilaaf ah ee dastuuriga ah sida hada muuqata”

Gudoomiye Maaxi waxuu kaloo tilmaamay mar uu ka hadlayay arinkani in Madaxweyne Xasan & Ra’isul Wasaare Saacid ay ka duwan yihiin Dowladihii dalka soo maray oo ay shacabka u dhaga taagayaan dowlada rasmiga ah ee u dhalatay hana qaadkeeda ee ma sugayaan shacabka is qabqabsi iyo dagaal siyaasadeed ee madaxda dalka u dhaxeeya waxuuna yiri mar kale Mudane Maaxi

“Madaxdii Dalkoow Anaga iyo Shacabka adinka ayaan idiin sugeynaa ee aan maqalno hadal wanaagsan oo aan kaga gudubno qalqalka siyaasadeed ee taagan waxaana dhihi la haa Siyaasiyiinta kale in aysan hadalku buun buunin ee ay xal raadiyaan waana ka daalnay xaqiiqdii burbur iyo dagaal iyo Madax farqaha is heysata”

“Xalka ugu fiican waa in la isku tanaasulaa si Horumarka iyo isbadalka taagan uu u sii socda ee hala fiiriyo Hamiga Shacabka u bislaaday Dowladnima” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Mudane Maaxi.

isku soo wada duub hadalkaan ka soo yeeray Gudomiyaha Xisbiga SSUP Mudane Yaasiin Maaxi ayaa ka duwan dalada Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee si kale uga hadlay arintani ayagoo i kala saftay Madaxweyne Xasan & Ra’isul Wasaare Saacid balse Mudane Maaxi waxuu si cad ugu sheegay Labada Mas’uul ee dalka ugu sareeysay in ay fiiriyaan Xaalada dalka ee maanta oo maraya halkii ugu fiicnaa oo aanan dib ugu noqon wax aan waa hore ka soo gudubnay ayuu ku sheegay hadalkisia Mudane Maaxi.