27.5 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Dhageyso: Maamulka Jubba oo Xasan Sheekh la saftay “Ha is-casilo Saacid”

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubba ee horey u ahaa Jubaland, ayaa la saftay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ku baaqay in ra’iisul wasaare Saacid uu is-casilo.

Macallin Maxamed Ibraahim, oo ka mid ah aas aasayaasha maamulkaasi, islamarkaana si aad ah ugu dhow Axmed Madoobe, ayaa sheegay in madaxweynaha uu saxan yahay, uuna yahay qofka mas’uulka ah dalka.

“Waxaan qabaa in khilaafka uusan dan ahayn, laakiin madaxweynaha waxa uu xaq u lee yahay in qofka uu dareemo inuusan kasoo baxeyn shaqadiisa, uu meesha ka saaro” ayuu yiri Macallin Maxamed Ibaarhim.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey Saacid in intii uu xilka hayay inuu wax ku dheelo mooyaan’e uusan weligiis wax hagaajin, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay in xiriir la leedahay murankii horey u dhex maray labada dhinaca ee la xiriiray Jubaland.

Halkan hoose ka dhageyso Macallin Maxamed

Maamulka Juba State -Waa In Saacid Meesha laga Saaraa-[www_flvto_com]

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Ra’isul wasaare Saacid oo dalbaday joojinta Dagaalka Numbar 50

0

Muqdisho (Caasimada online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaalada ka socda inta u dhaxaysa No.50 iyo magaalda Afgooye.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in maanta sii dhintaan dad Soomaaliyeed, iyadoo cadowgii dalkuna ay wali maleegayaa hagardaaminta dalka iyo dhagarta shacabka Soomaaliyeed.

“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacayey No. 50 labadii maalmood ee u dambeeysey, waana dagaal ay wax yeelo ka soo gaartay dad shacab ah madaama dushooda lagu dagaalamay. Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka, si dhaqso ahna loo furo waddada, khilaafkana wado hadal lagu xalinayo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana tacsi u diray qoysaskii dadkii ku wax-yeeloobay dagaalkaas.

Dagaalka shalay iyo maanta ka dhacay dhulka u dhexeeya No. 50 iyo Afgooye ayaa sababay khasaaro soo gaartay dhinacyadii dagaalamayey iyo dad shacab ah, wuxuuna dagaalkaan hadii uu sii socdo wiiqayaa awoodda dawladda iyo dadaalkii lagu xorayney deegaanada ay kaga suganyihiin kooxaha nabad diidka ah, kuwaas oo gacanta ku haya degmooyin ka tirsan gobolka.

“Dhamaad”

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xaguu marayaa shirkii lagu dhisayey maamul goboleedka cusub ee…!

0

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo waxaa ka socda qaban qaabada musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee Maamul gobaleed loo sameenaayo lix gobal oo ku yaalla koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya.

Malaakh Maxamed Deerow, oo ka mid ah odayaasha u ololeenaya maamulkaas in uu qabsoomo ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in bishan 20-keeda la qaban doono doorashada maamulkaas.

Wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay filayaan in ay magaalada soo gaaraan musharrixiinta u taagan xilkaas, wuxuuna sheegay in la qaban doono doorashada maamulkaas.

Wuxuu sheegay in dhammaan ergada ka socda gobalada Baay,Bakool, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo iyo Shabeelaha Hoose ay ku sugan yihiin magaalada Baydhabo.

Si kastaba, maamulkan ayaa waxaa u ololeenaya xildhibaanno, wasiiro, siyaasiyiin caan ah iyo xubno, waxaana looga soo horjeedaa maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Sawirada: Fowsiyo Yuusuf iyo Nabiil Al-carabi oo wada kulmay

0

Kuwait City (Caasimada online) Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Adan,  ayaa kulan waxay kula qaadatay magaalada Kuwait Xogyaha Guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-Carabi.

Fowsiyo Yuusuf Adan, waxay shaaca ka qaaday in dowlada Kuwait iyo Jaamacada Carabtuba ay ku qanacsan yihiin in Somalia ay ka gacan siiyaan sidii ay cagaheeda ugu istaagi laheyd.

Markii ay la kulantay Madaxda Jaamacada  Carabta gaar ahaan Xogyaha Guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-Carabi, ayay sheegtay inay kala hadashay sidii Somalia ay uga caawin lahaayeen dhanka dib u dhiska dalka ayna ka aqbaleen .

Sidoo kale Xogyaha Guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-Carabi.wuxuu shaaciyay inay dhexda u xiran doonaan sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen dhamaan adeegyada ay u baahan tahay si dowladnimadeedii ay dib ugu soo ceshato.

1 2 3 4 5 6 7

Caasimada online

Xafiiska Kuwait City

[email protected]

IGAD maxay ka tiri Duufaanta G/bari?

0

Muqdisho (Caasimada online) Masuuliyiinta urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in hayadaha gargaarka iyo hayadaha caalamiga ay caawiyaan dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay dabeylihii ku dhiftay deegaanada Puntland oo sababay dhimashada dadka iyo xoolahii ay lahaayeen.

Maxamuub Macalin xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in saameyn ay ka dhasheen dabeylihii ku dhiftay deegaanada Puntland, loona baahan yahay in la gargaaro dadkii waxyeelada ay soo gaartay.

“Aniga oo ku hadlaya magaca IGAD, waxaana dowlada deeq bixiyaasha ah, wadamada xubnaha ka ah IGAD, hayadaha gargaarka ururada gobolka iyo kuwa caalamiga aan ka dalbanayaa inay ka jawaab celiyaan waxna u qabtaan dadka ay waxyeelada soo gaartay”ayuu yiri Maxbuub Macalin.

Marka loo eego warbixino ay laga soo xigtay madaxda dowlada iyo Puntland inka badan 50,000 oo ruux ayay saameysay arintaasi iyadoo inka badan 300 oo ruux ay naftooda ku waayeen, waxaana guryo la’aan ay qatayay kumanaan dad ah oo xoolahoodii ay ku geeriyoodeen duufaantaasi.

Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa horay uga dalbaday hayadaha deeqaha bixiya inay wax u qabtaan dadka ay waxyeelada kasoo gaartay duufanadii ku dhiftay gobolada Nugaal iyo Bari.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Jawaari oo shaaca ka qaaday sababti keentay in madaxweyne Xasan uu…

0

Nairobi (Caasimada Online) Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Baarlaamka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Jawaari oo saxaafadda si kooban u la hadlay ayaa sheegay in uu ka qaybgalaayo shir ka dhacaya magaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait kaasoo ay ka qaybgalaya hoggaamiyaasha Afrika iyo Carabta.

Wuxuu sheegay in uu Madaxweynaha ka codsaday in uu ka qaybgalo Shir-madaxeedka waddamada carabta iyo Afrika oo  19-ka ilaa 20-ka bishan ka dhacaya.

Jawaari ayaa qiray in markii horre uu qorshaha ahaa Madaxweynaha in uu ka qaybgalo shirka balse shaqooyin cusul oo u yaalla darteed uu ka baaqday sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Jawaari ayaa ka gaabsaday in uu ka warbixiyo khilaafka Madaweynaha iyo Raysal Wasaaraha wuxuuna sheegay in wax kasta si nidaam ah lagu xallin doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay khilaafka Xasan iyo Saacid

0

Cairo (Caasimada Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa caawa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay khilaafka soo kala dhexgalaya madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Soomaaliya.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Kulmiye, ee Magaalada Muqdisho ayuu ugu horreyn ka hadlay dhibaatada duufaanta ee ku dhuftay gobalka Bari ee dalka Soomaaliya iyo Fatahaada Wabiga Shabeelle ee uu ka sameeyay gobalka Shabeellaha Dhexe.

Cabdiqaasim Salaad ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in gargaan walalahooda ku waxyeelabay labadaas masiibo, wuxuuna sheegay in beesha caalamka in looga baahan yahay in si isku mid ah u caawiyaan dadka Soomaalida.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka ka taagan gobalka Shabeelaha Dhexe isagoo dowladda ugu baaqay in ay arrintaas si degdeg ah ay wax uga qabato.

“Dalku dhinac in uu dagaalo ka socdo dhinacna ay ka socdaan dhibaatooyin dabiici ah sida kuwa ka taagan Barri waa arrin ayaan daro ah” ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxweynihii horre ee Soomaaliya, ayaa wax laga weydiiyay khilaafka madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, wuxuu sheegay in marka uu ka xun yahay khilaafka inuu soo baxo maadama muddada sannadka ee ay jiraan uusan ka dhex dhicin labada nin wax khilaaf ah.

Wuxuu sheegay in khilaafka labada nin loo baahan yahay in loo saaro dad wax garad ah oo ay ku jiraan siyaasiyiin kuwaasoo soo qiimaya bal cida qaldan iyo wax yaabaha la isku heesto, intaas kaddibna markii ay shaqada soo qabtaan in lagu kalsoonaada natiijada ka soo baxday.

“Raysal Wasaaraha iy Madaxweynaha in ay is qabteen ma ahan, haddii wax la isku qabtay aayad qur’aan ma ahan ee waa in guddi loo saara arrintaas kuwasoo ka soo fikira, umada Soomaaliyeed rajo fiican ayay lahaayeen ka hor khilaafkan” ayuu yiri Cabdiqaasim.

Qarax xoogan oo Kismaayo ka dhacay

0

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay galabta qarax xooggan oo ah nooca miinada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in qaraxa lala bartilmaameestay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Inta la ogyahay labo askari ayaa ku dhintay qaraxa oo ahaa miinada dhulka la galiyo  kaasoo lala beegsaday baabuur ay la socdeen ciidamo.

Qaraxa kaddib ciidamada Maamulka Axmed Madoobe ayaa howgal ka sameeyay xaafadda Via Afmadow oo qaraxa uu ka dhacay, waxaana halkaas ay ku qabqabteen dhowr qof oo lagu tuhumaayo qaraxa.

Xaaladda Magaalada ayaa caawandeggan in kastoo isku socodka dadweynaha iyo gaadidka ay teel teel ahaayeen sida uu noo sheegay Wariye ku sugan Kismaayo.

Ma jirto koox ilaa hadda koox sheegtay qaraxa ka dhacay Kismaayo balse ma ahan markii ugu horreysay oo qarax uu halkaas ka dhaco.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

AMISOM oo maanta la kulmeysa Xasan Sheekh iyo R/Wasaare Saacid

0

Muqdisho (Caasimada Online) Afhayeenka ciidanka AMISOM Korneen Cali Aadan Xumad ayaa maanta oo Axad ah Saxaafadda u sheegay in madaxa ugu sareeya howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anadiif uu la kulmi doono Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha oo hadda uu ka dhex aloosan yahay khilaaf xooggan.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin khilaafkan soo kala dhex galay labada nin, wuxuuna sheegay in danjire Anadiif uu maanta si kala gooni gooni ah uu ula kulmi doono Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha isagoona u sheegi doona sida Midowga Afrika.

Si kastaba, waxaa soo kordhaya walaaca laga muujinayo khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha, waxaana magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay dalad ay ku mideesan yihiin ururada bulshadda iyo Waxgaradka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ayaa shaley aroortii kulan ku yeeshay Villa Somalia, laakin kulankaas wax natiijo ah kama soo bixin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Muqdisho Sanadkaan 2013 waa Sanadkii dib u dhiska Dalka. “Daawo”

0

Sanadkaan 2013 waxaa si xowli ah Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho uga soconaya Dhismooyin iyo dib u dhis xoogan oo lagu soo celinaya Bilicda Magaalada iyo Ganacsiga magaalada oo si wanaagsan u kobcaya.

Muqdisho isma lihid sidaa ayeey noqoneysaa kadib isbadalka magaalada iyo soo celinta Bilicda Magaalada waxaad moodaa in aysan dowlad la’aan aheyn 22 sano iyo burburkii magaalada oo isku badalay magaalo dhismeysa waxaana kaa yaabin doono muuqaalada iyo sida ay uga hadlayaan Magaalada Muqdisho iyo sida ay tahay haatan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dagaal ka dhex qarxay ciidamada DF

0

Afgooye (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo kawada tirsan dowladda.

Ugu yaraan qof ayaa ku dhintay tira intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen waxaana ay u badan yihiin kuwii dagaalamayay sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Siidii oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dagaalka uu u dhexmaray ciidamo Millitari ah iyo ciidamo qaab beeleed u abaabulan kuwaasoo ka dhisan deeganka Lambar 50 oo ay dowladdu maamusho.

Dagaalka ayaa billowday markii ciidamo millitari ay weerar ku qaadeen deeganka Lambar 50, oo halkaas ku sugnaayeen ciidamo kale oo daacad u ah Guddoomiyaha deeganka Lambar 50, waxaana ka dhacay dagaal culus kaddibna goobta waxaa markii dambe la wareegay ciidamada millitariga.

Dhinaca kale. iska hor imaad maanta ka dhacay deeganka Buufow ee  gobalka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda ee Marka.

Mas’uulkan iyo seddax askari oo kale ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadkaas oo dhex maray ciidamo madani ah iyo kuwa dowladda.

Dhaawaca guddoomiiye ku xigeenka Maaliyadda ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho oo hadda lagu daweynayo isaga iyo ciidamada ku dhaawacamay iska hor imaadkaas.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo kawa tirsan dowladda ay ku dagaalamayaan deeganno hoos taga gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Afgooye

[email protected]

Hal Degmo oo Muqdisho ku taalla ayaa kumanaan dollar ugu deeqday P/Land

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa ka billowday gurmad deeqo loogu uruurinaayo dadka wax ku noqday dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ku dhuftay Bariga dalka Soomaaliya.

Goobaha ay ka dhaceen waxaa ka mid ah degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo habeenkii xaley uu ka dhacay kulan oo soo qaban qaabiyay Maamulka Degmadaas.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Axmed Daaci oo kulanka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Maamulkiisa uu bixinaayo 10 kun dollar kuwaasoo loogu talagalay dadka ay saameeyeen duufanta ku dhuftay deegannada Puntland.

Sidoo kale, Degmada Hodan ayaa waxaa lagu qabtay kulan deeqo loogu ururinaayo dadka ay saameeyeen duufanta, waxaana isugu yimaaday dadweyne fara badan.

Jaamacadda Muqdisho ayaa iyana ku dhawaaqay lacago dollar ah oo ay ugu talagalay dadka wax ku noqday dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ku dhuftay gobalada Nugaal iyo Bari.

Xoghahaya guud ee guddiga gurmadka deg-degga ee Jaamacadda Muqdisho Cabdiqaadir Abuubakar ayaa sheegay inay billaabayaan olole deg-deg ah oo loogu gurmanayo dadka dhibaateesan ee ku waxyeelloobay fatahaadda wabiga Shabeelle, iyo roob duufaan wata oo ka da’ay deegaanno ka tirsan Puntland.

Madaxa Jaamacadda Muqdisho Dr Cali Axmed Abuubakar oo qadka taleefanka ugu qeyb galay kulanka ayaa tilmaamay in musiibada ay tahay mid culus, oo u baahan in qof kasta oo Soomaali ah uu ka qeyb qaato.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Saacid oo Xasan Sheekh ka dalbaday in 3 bilood dib loo dhigo arrintooda

0

Muqdisho (Casimada Online) Ra’isal Wasaaraha Somalia  Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ka dalbaday in  muddo seddex bilood ah, dib loo dhigo waxa ay isku hayaan.

Saacid ayaa la sheegay in Mudadii xilka uu hayay xukuumadiisu inay wax badan qabatay iminkana ay sugayaan howlo badan sidaasi darteedna uu doonayo in dib loo dhigo khilaafka wada shaqeyntuna ay halkeedi kasii socoto.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dhankiisa uu sheegay in ay adag tahay, in 3 bilood oo kale ay sii wada shaqeeyana sidaasi darteedna ay lagama maarmaan ay tahay in xilka uu isaga dego Ra’isul wasaare Saacid.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu tilmaamay inay , inay ka go’an tahay in isbedel lagu sameeyo Xukuumada, taasina ay ku imaan kareyso iyadoo uu shaqada isaga tago Saacid.

Sidoo kale warka ayaa intaasi kusii daraya in Madaxweyne  Xasan uu mar kale ka dalbaday Ra’isul wasaare Saacid in xilka uu iska casilo , inkastoo Saacid  mar kale uu ka biyo diiday arintaasi .

Golaha sharci deginta oo arintan qudhoodu isku khilaafsan ayaa laga sugayaa go’aanka ugu dambeeya ay arintaan ka gaaraan sida qorshuhu uu yahay, waxaana codiga ra’isul wasaaraha uu yimid kadib kulan ay shalay galab wada qaateen isaga iyo Madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Ugaaska Habargidir muxuu ka yiri khilaafka Xasan Sh iyo Saacid?

0

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo ka hadlay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku taliyay in uusan xilka baneyn Ra’iisul Wasaare Cabdi FaaraxShirdoon Saacid.

Ugaaska Beesha Habar gidir, Iimaan Cabdullaahi Khaliif Rooble ayaa sheegay in khilaafkan uu yimid xilli Somalia ay ka jirto dhibaatooyin kala duwan isagoona tusaale usoo qaatay dhibaatadii ka dhalatay Duufaantii qeybo ka mid ah Puntland, iyo colaada iyo fatahaadaha Sh/Dhexe.

Wuxuu sheegay in dhankiisa uu ku baqayo in wax waliba ay madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha ku dhameeyaan wada hadal , waxaana uu sheegay in laga wanaagsan yahay in khilaaaf kasto oo yimaada inuu horseedo in shaqda la joojiyo ama qof xilkiisu uu kuwaayo iyadoo xal kale loo heli karo sida uu tilmaamay.

” In la isi saxo oo la is toosiyo ayaa loo baahan yahay ma aha micnuhu in markii ay wax qaldamaan ama la is khilaafo in lakala tago , marka waxaan dhahayaa aniga hala kala tago hala wada joogaa ka roon ” ayuu yiri Ugaaska Beesha Habar gidir

Iimaan Cabdullaahi Khaliif, ayaa ka dalbaday madaxda sare ee dalka in hadii arintooda ay xalin waayaan inay tagaan sharciga si loo dhameeyo intii is jiid jiid uu sii socon lahaa si xalka ugu dambeeya ay u gaaraan Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia.

Wuxuu sheegay in xukuumada iminka jirta in looga fadhiyo dhameystirka waxa u dhiman waxaana uu sheegay in ra’isul wasaare kale oo la keeno dalka uusan waxba soo kordhib karin sidaasi dartedna uu uu dalbanayo in saacid xilkiisa loo daayo isaguna uusan is casilin.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa si aad ah u hadal haya khilaafka madaxda sare ee dalka , inkastoo laga war dhowrayo go’aanka ay golaha baarlamaanku arintan ay ka gaaraan .

Halkaan Hoose ka dhageyso Iimaan Cabdullaahi Khaliif

Iimaan Cabdullaahi Khaliif Rooble

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: Khilaafka oo la sheegay in uu ka weyn yahay Xasan Sh iyo Saacid

0

Muqdisho (Caasimada Online) Dr:  Ciise Maxamuud Xalane, wuxuu ka mid yahay aqoonyahanada Soomaaliyeed, warbaahinta ayuu uga warbixiyay qilaafka madaxda sare ee dalka iyo nidaamka iminka u degsan Dowladnimada Somalia.

Dr: ciise ayaa sheegay in khilaafka iminka jira uusan u dhexeyn Maxameyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Saacid balse uu yahay mid soo jireen ah, waxaana uu  ku micneeyay habka dowladnimada Somalia ay ku dhisan tahay.

“Laga soo bilaabo 1960-kii ilaa iminka ma helin nidaam qaab wanaagsan u kala haga Somalia inkastoo wada mada Africa caalamka iyo Somaliduba ay aamin san yihiin in dowlada wanaasagsan la helay hadana xaqiiqda ayaa ah qaabka ay dowladaha Somalia u dhisnaayeen walina ay u dhisan tahay mid aan caalamaka ka jirin” ayuu yiri Aqoon yahan Dr: Ciise

Sidoo kale marka laga soo gudbo nidaamka ayuu sheegay in waxa dowladnimada Somalia ay ka hana qaadi la’dahay inay tahay qabiilka oo ku micneeyay midka hoos ina geeyay walina dhibkuu ima gaarsiiyay bari hore aan ka kabsan la’nahay .

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Saacid ayaa kadib mudo sanad ah oo ay soo wada shaqeeyeen waxa iminka ka aloolsan khilaaf  aan la ogeen rasmi ahaan halka uu salka ku hayo .

Qaar ka kid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa ku kala qeybsan khilaafka madaxda sare ee dalka , waxaana ra’isul wasaare Saacid uu sheegay in khliaafku uu  yahay id dastuuri ah inkastoo madaxweyne Xasan Sheekh uusan wali ka hadlin hadana gudoonka sare baarlamaanka ayaa ka dhawaajiyay in xalka ugu dambeeya ay arintan iyaga ka gaari doonaan .

Halkaan Hoose ka dhageyso Aqoon yahan Dr Ciise Maxamuud

Aqoonyahan

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sirta xasaasiga ah ee ka dambeysa is khilaafka “madaxda qaran” ee Somalia

0

“If there is a will, there is a way”.

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, horta aan ku bilaabo’e xiligii Ra’isulwazaarenimada tartanka loogu jirey, oo rag badani eey xilkaa u xusulduubayeen, ayaa waxaa Madaxweynuhu iska diidey rag badan oo xaqiiqdii aad u culculusaa, aqoon ahaan, khibrad iyo waayoaragnimo ahaan intaba. Ragaas waxaa intooda badan uu Madaxweynuhu ku qoonsadey shuruudo u gaar ahaa, oo magacaabista Ra’isulwazaaraha uu ku xirayey, balse eey ugu waaweeynaayeen labo shardi. Labadan shuruud waxeey kala ahayeen: 1-In ninka uu Madaxweynuhu Ra’isulwazaare u magacaabayo noqdo “Nin uu wadankaro”, kana firfircoonaankaro, isagoo ka faa’ideeysanaya khibrada xukuumadihii ka horeeyey, maxaa yeeley madaxweyne Sh. Shariif wuu iska wadankarey Ina Sharmaarke, balse markii uu magacaabey Farmaajo xaalkiisu wuu is badaley, oo Farmaajo ayaa aad uga firfircoonaa, kana sumcad dheereeyey, oo shacbiyad aad u weyn ummada ku dhexyeeshey, dabcan illaa iyo maantana xaqiiqdii ku dhex leh.Waxeeyse howsha Shariif uga sii dartey markuu Ra’isulwazaare ka dhigey Dr. Cabdiweli Cali Gaas, taasoo  la yaabkeedaa laheyd, maxaa yeeley wuxuu Cabdiweli dagaal xoog leh iyo Caayba la daba taagnaa Sheikh Shariif xilligii C/llahi Yusuf, taasi oo ay Rag badan ku sifeeyeen in Sheekh Shariif uusan aragti fog lahayn. Cabdiweli wuxuu Shariifkaba ka dhigey nin hurda, siduu doonana ugu dulshaqeeystey, illaa uu dowladii Qarankaba Puntland hoos geeyey, Faroolena ka dhigey nin aad u awood badan, oo waxkasta oo Qaranka quseeyaba aanan looga maarmin. Wuxuu gaarey Cabdiweli Gaas heer ah in uu ka dhigo wufuudii dowlada Qaran u matali laheyd shirar caalami ah, gudi si toos ah uga socda puntland, miraha kasoo baxana Puntland eey gaar u qaataan.

Waxaa intaa dheereyd in qalabkii dib u dhiska Caasimada dowlada Talyaaniga u bixisey, uu si toos ah ugu wareejiyey maamulka Puntland. Iyadoo meesha aanu ka marneyn “Dastuur-ku-sheegii” shakiga uu ku galiyey Caasimada dalka ee Muqdisho. Qoraa sare: Cabdi Cismaan, oo qormo ka sameeyey rag uu Cabdiweli ku jiro, ciwaankeeduna aha “Taariikhda Madow ee Qaswadayaasha Soomaaliya | QEYBTA KOOWAAD” fadlan Link-gaa ka eeg, qeybta quseeysda Dr. Cabdi Weli Cali Gaas, adiga ayaa ka dhargidoona sida uu waxbayahay uga dhigey Sh.Shariif, uguna dulshaqeeystey. Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud oo tariikhdaa ka faa’ideeysanaya ayaa si sidii Sh. Shariif ku dhacdey aaney ugu dhacin, ayaa wuxuu doorbidayey nin uu ka firfircoonaankaro, sidaana shardiga koowaad ka dhigtey.

Shardiga labaad oo raga kasoo gudba qodobkaa hore oo kaliya lagala hadlayey ayaa ahaa,  2-In ninkaa daneeynaya in Ra’isulwazaare loo magacaabo uu ogolyahay liis wadaxweynuhu watey oo Damjadiid ahaa uu jagooyin waziiro ah, oo  waliba uu sii xadidey, iyagoo sidooda ah in uu ugu magacaabayo, waliba waziirada oo kaliya ma aheeyne in uu waziiro kuxigeenada iyo waziiru dowlayaasha lamagacaabi doonaba uu sidaa oo kale Liiska loo keeni doono uu u yeelidoono. Qodobkan rag kooban oo shardigaa hore kasoo gudbey baa iska diidey, iyana xilka Ra’isulwazaarenimo ku waayey.

Ra’siwazaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid wuxuu kasoo baxaey shardigii 1-aad, wuxuuna si toos ah u aqbaley shardigii 2-aad, sidaa daraadeed waxaa madaxweynuhu ku abaal mariyey jagadii Ra’isulwaaaraha Dowalada Federaalka ah ee Soomaaliyeed. liiska loo dhiibey waxa ugu cadcadaa sadex qof, xaqiiqdiina ahaa lama taabtaan: 1-Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya: Mudane: Faarax C/qaadir (Faarax Topaz) oo ah Damjadiid, ahna mas’uulka ugu sareeya hey’ada weyn ee Muslimii Ifriiqiya, Simad iyo Sikuulka weyn ee Axmed Gureeyna iska leh, iyo mashaariic badan oo Soomaaliya Gudaheeda ah.Waa nin aad u firfircon oo aad u karti badan, jecelna in uu gadaal (Shaashada gadaasheeda) wax kahogaamiyo.Waa ninkii hogaaminayey ololihii utartanka Madaxweynenimo ee Madaxweyne Xassan. Waa ninka hey’adiisu maalgalisey mahcadka Simad ee Xassan uu madaxda ka ahaa. Faarax inkastoo Wazaaradii uu doono uu helayey, hadana si aan Madaxweynaha  loogaga dhawaan, Villa Soomaaliyana uu dalka uga maamulo ayuu isaga doortey in loo magacaabo Waziiru-Dowlaha Madaxtooyada. Waxeey labadoodu waligood ahaayeen saaxiibo aad isugu dhow. Faarax oo kasoo jeeda mid ka mid ah Beelaha aan Muqdisho ku xoogbadneyn, (Reer Owxasan), ayaa Xassan Sh.Maxamuud oo Abgaal ah (Waceysle), wuxuu u ahaa Nin meelo badan wax uga soo dhicinkara mashaariicda baaxada weyn ee Faarax, gaar ahaan Waqooyiga Muqdisho iyo gobollada reerihiisu dagaan.

2-liiska waxaa safka hore kaga jirey sidoo kale: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka ee xukuumada federaalka ah ee Somalia: Mudane: C/kariin Xuseen Guuleed oo isna ah Damjadiid, kana mid ah shaqaalaha usoo shaqeeyey hey’ada Muslimii Ifriiqiyada ee Faarax madaxda u yahay, iyo waliba college-kii Simad. Maadaama C/Kariin kasoo jeedo Beesha Habargidir (Sacad), isna wuxuu u ahaa Faarax nin meelo badan wax uga soo dhicinkara, gaar ahaan Koonfurta Muqdisho iyo gobollada reerihiisu dagaan 3-Waxaa Iyana liiskaa ka mid aheyd wasiirada Arimaha Dibada, ahna Ra’isulwazaare ku xigeen: Marwo: Fowsiya Yuusuf Xaaji, waa gabadhii eey Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud isla wadeen mashruucii Jaamacada Hargeeysa. Mudo ayey iskala qaraabanayeen oo wax iskala cunayeen mashaariicda UN-ka wax looga cuno. Waxbadan beey iska kala ogyihiin, waase laba qofood oo wax isla wadi kara, isla cunikara, kalana badbaadi kara, waana waxa saaxiibada aadka u dhow ka dhigey oo xilkaa eey ku muteeysatey, liiskana safka hore uga gashey. Meesha kaliya oo eey isugu dhicikareen waa arinta “Qadiyada Goonni-isu-taagga Somaliland”, taana Madaxweeynaha indhaha ayuu ka laabtey, oo waakan soo istaageyba [Wax Diplomatic Pressure ah u isticmaali meeyno Somaliland], ogoowna Diplomatic pressure waa awooda kaliya ee dowladani heysato si dalka aan loo kala gooyne, ileyn “Economic Pressure”, ma heeyso, oo iyadaaba mushaaraadka laga bixiyaa, “Military Pressure-na” warkiiba daa, oo iyadaaba Villa Somalia lagu waardiyeeyaaye. Wuxuuna sidoo kale Madaxweynuhu goostey in uu albaabkaba ka xirto “Khaatumo State” oo taagan midnimaan rabtaa, sidaa daraadeedna eey Somaliland xiisado colaaleed kala dhaxeeyso. Foowsiyo maxeeyba iyada iyo saaxiibkeed iskula dhacaanba! Marka arintan “Midnimada” toos saxaafadu uweydiiso Foowsiyana jawaab cad iska diidey in ey ka bixiso, maxaa yeeley Maxamuud C/llaahi Jaamac Sifir oo Waziir iyo Ra’isulwazaare ku xigeen kasoo noqdey Xukuumadii Soomaaliya ee uu  Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf ka ahaa, maantana xukuumada Soomaliland dib ugu noqdey, sidiisii oo kale ayaa malaha iyana u qorsheeysan in eey Ururkeedii Siyaasadeed ee Somaliland ka dhisnaa, dib boorka uga jafto, waliba iyadoo aduunka caan ka ah, oo Soomaaliya oo dhan usoo noqotey Ra’isulwazaare ku xigeen iyo Waziir Arimo Dibad.

MAXAA IS BADALEY, OO LEEYSKU HEEYSTAA KHILAAFKANA KEENEY?

Mudo sanad ah ayaa sidaa aan kor kusoo xusney lagu shaqeeynayey, xaqiiqdiina inta badan siyaasada dowlada waxaa kala wadey “Madaxweynaha iyo Kooxdiisa” oo eey ugu horeeyaan; Faarax C/qaadir (Faarax Topaz), C/kariin Xuseen Guuleed, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo Kamaal Daahir Guutaale oo ah Chief of Staff-ka Madaxweynaha. Waxaa jira waziiro madaxweynha iyo Ra’isulwazaarahaba kawada garab muuqda kartidooda iyo firfircoonidooda darteed sida: waziirada Wasaarada Hormarinta Adeega Bulshada: Dr. Maryan Qaasim Axmed, wasiirka Difaaca Mudane: C/xakiin Xaaji Fiqi iyo wasiirka Warfaafinta Mudane: C/laahi Ciil Mooge Xirsi. Nasiibdaro! waziirada Madaxweynuhu keensadey Ra’isulwazaaraha waxba uma oga, waxaa daliil kuugu filan shirkii waziirada ee dhacay (November 14, 2013), khilaafka labada mas’uul ka dhaxeeya darteed aaneyba soo xaadirin “Waziiradii madaxweynaha” iyo waliba kuwo kale oo xilkooda u cabsadey.

Saacid waa nin wadani ah, waana nin dagan oo aad u samir iyo dulqaad badan. Waxbadan indhaha ayuu ka laabanayey, maadaama uu ogaa sida uu ku yimid. Wuxuu sidoo kale mudo iska indhatirayey “Kooxda S-A-H-A-L”, Faroole, Jurille, Galeyr, Gaandi, Ina Sharmaarke, Cabdiweli, iyo inta ku fikirka ah ololo Beeleed eey wadeen isaga ku kicinayeen. iyadoo eey ragan jiraan ayaa sanad kabacdi waxaa ololihii kusoo biirey kooxo kale, oo isu wada baheeystey naceybka madaxweeynaha iyo kooxdiisa Damjadiid, waa kuwii la baxay “Golaha Samatabxinta Qaranka” ee Nairobi ku shirey. Soomaalida waxeey tiraahdaa, “Fuley la caraadiyey, Geesi buu noqdaa!” ugu dambeyn Ra’isulwazaare Saacid, wuxuu ku qancey in uu xaalka wax ka badalo.

Qorshaha wuxuu ka bilaabey in uu yiraahdo xukuumada ayaa la ballaarinayaa, madaama wazaarado badan isku hoos jiraan, madaxweynahana wuu ku qanciyey, ulajeedada dhabta ahse waxeey aheyd in uu xafiiskan Ra’isulwazaarenimo ee uu isu arkey in uu maqaar-saaar ka yahay, si buuxda gacanta ugu dhigo, isagoo soo magacaabaya xukuumada isaga u og in uu madax u yahay, oo eey hoos tagaan, taana ma dhici karto iyada oo aan meesha laga saarin “Waziirada Madaxweynaha” ee Damjadiid, gaar ahaan raga garbaha u ah madaxweynaha ee uu ku duulo, ama “Inner circle-ka Madaxweynaha”. Sidaana wuxuu ku gudbiyey Liiska cusubka ee waziirada oo eey kawada maqanyihiin kuwii safka hore kaga jirey liiskii loo dhiibey xiligii la magacaabayey. Dadkaa waxaa ugu horeeyey Faarax, Fowsiyo iyo Cabdikariin

Nasiibdarro! Ra’isulwazaaraha wuxuu iska indhatirey in madaxweynuhu aanu ogolaaneyn in liiskaa meesha ka baxo, Gaar ahaan Faarax C/qaadir (Faarax Topaz). Hadaan soo gaabinno, “Faarax C/qaadir  meesha haka baxo, waxeey la mid tahay Xassan Sh. Maxamuud meesha haka baxo”, waana waxa keeney xanaaqa gaarey, “Saacid;  Adeeroow is casilba!”.

HORTA MADAXWEYNUHU MA CASILI KARAA RA’ISULWAZAARAHA SHARCIYAN?

Jawaabta tooska ah ee su’aashaasi waa: “Maya!”. Maxaa yeeley [Dastuur-ku-sheega] hadda inoo yaallaahi cutubkiisa 7-aad, qodobka 90-aad wuxuu ka hadalayaa Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha JFS, isla qodobkaan farqadiisa (d) iyo (e) waxeey dhigayaan sidan:

D) Wuxuu madaxweynuhu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad, wuxuuna xilka ka qaadayaa, ama kala dirayaa Xukuumada Federaalka ah, hadii eey weeydo codka kalsoonida golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal dheeri ah (50%+1).

E) Wuxuu Madaxweynuhu xilka ka qaadayaa Wasiirada, Wasiiru-Dowlayaasha iyo Wasiir-ku- Xigeenada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.

Waa intaa waxa inoo qoran, balse malaha “Orodoo is casishu”, waxeey aheyd codsi’e, meel ma heeysato sharciyan.

MUXUU KU DAMBEYNKARAA  IS KHILAAFKA MADAXWEYNE CULUSOOW IYO SAACID?

Hadii aan la xallin, waxaa ugu dambeyn daaqada ka baxaya mudane: Saacid, meeshaa ayuuna kusoo afjarmayaa Political Career-kiisii Ra’isulwazaare ahaan, waa marka aad dib u fiiriso taariikhda mugdiga ah ee isku soo dhaca madaxda’e. Waxaa intaa kuu sii raacsan in Saacid aanu taageero ka heeysan inta badan beelaha Daarood, Digil & Mirifle, oo waxeey isku seegeen sanadkii si kasta eey ugu kicinayeen Madaxweyne Culusoow, balse uu ka dhaga adeeygey, maanta waa xiligii eey duruusta u dhigirabeen. Dir iyo Hawiyana inta uu ka heeysto ma badna. Laakiin waxa meeshaa ku qasaaraya ma aha Saacid oo kaliya, ee Madaxweyne Xassan isna qasaare farabadan ayaa kasoo gaaraya, maxaa yeekey nin eey wada shaqeeynkaraan, ama sida dadka qaar u dhigayaan, “Uu wadankaro” ayuu heeystay, kan imaandoona sida uu ku noqondoono ma hubo, inta arintan aan xal laga gaarinna, waxaa maalinba maalinta kasii dambeeysa buris weyni uu ku dhacayaa isaga iyo kooxdiisa Damjadiid, iyo waliba guud ahaan xukuumada uu madaxweynaha u yahay, oo in badani aaminsaneyd in eey tahay xukuumad rasmi ah, oo wixi hore ee xumaa oo dhan ka gududbtey, is khilaafka madaxduba ha ugu horeeyee.

YEEY DANI UGU JIRTAA IS KHILAAFKA MADAXWEYNE CULUSOOW IYO SAACID?

Dhowr kooxoodba dabaaldagii eey bilaabeen marka khilaafka labada mas’uul uu soo baxay illaa hada weey ku jiraan. Kuwaa waxaa ugu horeeya 1-Kooxa qabyaladeed ee “S-A-H-A-L”, Faroole, Jurille, Ina Sharmaarke, Cabdiweli Gaas, Galeyr iyo Gaandi iyo inta ku fikirka ah oo mudo sanad ah Caayda iyo Caraadinta Saacid ka dhamaanwaayey. Faroole iyo inta ku fikirka ahba waxeey rajo weyn ka qabaan in sidii hore u dhacdey xiligii Farmaajo, inta Saacid meesha ka baxo, Faroole Ina-Adeerkii loo dhiibo Xilka Ra’isulwazaarenimo, kaasoo sidii Cabdiweli Gaas danaha ummada Soomaaliyeed oo dhan Puntlad hoosgeeya, oo waliba u garbaduuba Soomaali oo dhan. Waxaa intaa soo raaca 2-Kooxda Nairobi, ee isku magacoowdey “Kooxda Samatabixin Qaranka”, oo eey aad ugu weyntahay naceybka Madaxweynha iyo Kooxda Damjadiid, ugu yaraana raba in eey arkaan, dowladan oo gabi ahaanba burburta maadaama eey ku ridey “Rajo beel jaggo”. Kooxdan waa fursad xil raadis, naceybkoodu meel kale haka raadin. Waxaa soo raaca 3-Xildhibaannada intooda badan marka laga reebo tiro aad u yar,  oo Mooshin keenis iyo khilaafka madaxda sare “Naq iyo Barwaaqo ka daga”, oo caasuumad joogto ah iyo dhaqaale xoogan oo lagu kala jiidanayo u bartey in eey farqaha ka buuxsadaan, ogow hade waa dhaqaale xaaraan ah, ileyn dhaqaalahaa waxaa iska leh danyarta Ummada Soomaaliyeede,  iyo igu dambeeyn 4-Wadamada dariska iyo hey’adaha Nairobi u fadhiya dhaca dhaqaalaha ummada, oo u arka khilaafka joogtada ah in uu sii fogeeynayo rajada Ummada, iyo helitaankooda Qaran dhab ah, oo danta dadka iyo dalka si dhab ah uga shaqeeynkara.

MAXAA XAL AH OO DANTA GUUD IYO TOODUBA EEY KU JIRTAA?

Gudoomiyaha maxkamada sare oo Universal wareeysi khilaafkan ku saabsan siiyey wuxuu yiri, “Muskiladu waa nidaamka aan qaadanney” link-gaa ka daawo, gudoomiyaha Baarlamaankuna ka hadal. Anigase ma garanayo in eey ka wada badbaadinoonaan Culusoow iyo Saacid kuwa iskusii diraya, kala jiidanaya, siina kala fogeeynaya, oo qarashka ku bixinaya, balse hadii caqli miirqabaahi eey ku fikiraan, waxaa usoo baxeeysa in eey ku dadaalaan is fahan, iyo isu danaasul, cadowgoodana aaney fursad siin, walibana aanu waqtiga kusii dheeraane degdeg eey xal u gaaraan, waloow taasi adagtahay, hadana waligeedba hadii rabitaan jiro, xal lama waayo, maahmaah Ingiriis ah ayaa leh, “If there is a will, there is a way”.Waxaan ku gabagabeeyn lahaa, “Madaxweyne Shalay adigoo rag kuu tashadey ayuu Ra’isulwazaare Saacid kuu hiiliyey, ee maanta u hiilli oo cadow ha u jabin, waa hadaad nin in la taageero mudan tahay’e.”

Writing only for SOOMAALINIMO

Wabillaahi Toowfiiq

boqorW/D: C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor

Bare/Macallin Jaamacadeed. Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha

Al-Madinah International University, Malaysia

[email protected]. Sawirrada: Google images search

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Video: Dukumenteri kaa ilmeyn doono oo laga diyariyay Soomaalida Kenya

0

Caasimada Online: Wariyaha Caanka ah ee u shaqeeya Tv-ga Caalamiga ah ee Aljazeera Mohammed Addow ayaa Barnaamij qiiro badan leh uu ka diyaariyay nolosha Soomaalida Kenya ku nool & sida ay ula dhaqmaan Ciidmada Kenya.

Xaqiiqdii Barnaamijkaan marka aa daawato waxaa hubaal ah in ilmo ay kaa imanayaa sababo dhinaca daruufaha iyo awoodo loo adeegsanaya Soomaalida Qaxootiga ku ah Dalka Kenya & kuwa Ganacsigaba ee nala daawo Barnaamijkani Qiirada leh.

HALKAAN KA DAAWO: