28 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Dhageyso: Xog cusub oo xildhibaano la kulmay Xasan iyo Saacid ay bixiyeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya wararka ay soo sheegayaan xildhibaanada la kulmaya ra’iisul wasaare Saacid iyo madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaasi oo bixinaya xog ku saabsan waxa ay kala kulmeen labada dhinaca..

Xildhibaan Saacid Maxamed Cali oo wareysi siiyey idaacadda VOS, isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in labadan mas’uul uu khilaafkooda gaaray meeshii ugu xumeyd oo ah inaysan sii wada shaqeyn karin.

” Midkasta markii aad weydiisid waxa la isku hayo waxa uu ku leeyahay hebal xumaan uma qabo balse madaxweynaha oo kale waxa uu rabaa in Ra’iisul wasaaraha uu meesha ka baxo oo uu qof kale soo magacaabo, taasina waxay muujineysaa inaysan ragan colna aheyn  nabadna aheyn” ayuu yiri Xildhibaan Saacid Maxamed Cali.

Waxa uu sheegay in labadan mas’uul ay xafiisyadooda shaqada ay wali socdaan oo ay mid waliba uu dhankiisa kala shaqeeyo howlaha golaha wasiirada. Laakiin waxaa uu sheegay xildhibaankan in labadooda aysan aheyn rag wadahadal iyo shaqo aysan ka dhaceyn.

Xalka lagu kala saarayo ayuu sheegay haddii aysan waqtiyada soo socda iyaga hishiisin inuu noqonayo baarlamaanka oo la horkeeno kadibna codka hal-dheeriga lagu kala bixi doono. Waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waa laga gudbay xilligii khilaafka madaxda dowladaha deriska iyo beesha caalamka ay kusoo  bixi jireen oo ay xallin jireen, marka waxaan ku hanweynahay in aan howshan ku dhameyn doono dalka gudihiisa waliba golaha baarlamaanka.” ayuu yiri xildhibaan Saciid Maxamed Cali, kadib kulankii uu Saacid iyo Xasan Shiikh ay la qaateen.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga

Xildhibaan Saciid Maxamed Cali waa Afhayeenka Xildhibaanadii maanta la kulmay R,w Saacid iyo MW Xasan sheekh (1)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mooshin ka dhan ah SAACID oo gebo gebo ah iyo kooxo isu-baheystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ayaa waxaa ka socda diyaarinta mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Sida xildhibaano doonaya in magacooda aan la shaacin ay u sheegeen Caasimada Online, waxaa la diyaariyey xildhibaano ku dhow 100 oo saxiixay mooshinka ka dhanka ah Saacid, oo ay gadaal ka riixayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Damul Jadiid iyo dhinacyo kale.

Hoteelada magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xalay ka dhacay kullamo xasaasi ah, oo la doonayo in tirada lagu gaarsiiyo 139 xildhibaan, oo ah tirada loo baahan yahay si mooshinka u hir-galo.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in laga faa’ideysto maqanaanshaha guddoomiyaha baarlamanka Jawaari ee dalka oo ku sugan dalka Kuwait, sababo la xiriira in Jawaari uu ka caga jiidayo mooshinka.

Xildhibaanada Soomaalida, oo dad badan ay rumeysnaayeen inay noqon doonaan kuwa wax badan ka beddelan kuwii hore, ayaa raacay jidkii cod iibsashada, ayada oo lacago badan lagu kala gadanayo codadkooda.

Dhibka ugu weyn ee heysta ra’iisul wasaare Saacid, ayaa lagu sheegay ayada oo ay isku baheysteen dhinacyo badan, oo leh dano kaala duwan oo doonaya inuu xilka ka tago.

Ka sokow madaxweyne Xasan Sheekh iyo Damu Jadiid, mooshinka ka dhanka ah Saacid ayaa waxaa qeyb ka ah, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Puntland, Jubba iyo kooxo kale.

Shariif Xasan ayaa bixitaanka Saacid u arka fursad kale oo uu dib ugu soo laaban karo saaxada siyaasadeed, oo uu muddo ka maqnaa, halka Puntland ay bixitaanka Saacid uga muuqato fursad jagada uu ku heli karo qof kasoo jeeda deegaankaas, ayada oo Jubba ay Saacid ku nacday doodii Jubaland.

Ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa heysta weli taageerayaasha qaar ka mid ah xildhibaano yar oo weli ay ku dambeyso Soomaalinimo, balse lama oga haddii uu heli karo codad ku filan si xilka uu usii hayo.

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laga yaabo in Saacid uu isku casilo 48 saac gudahood, oo aysan arrintu gaari doonin baarlamanka.

Warkan ayaa waxaa si kooban usoo dhigay Facebook nin la taliye u ah Saacid oo la yiraahdo Cali Yare, kaasi oo durbadiiba ka saaray, balse xantan ayaa sido kale ka socota magaalada Muqdisho.

Wixii soo kordha waan idinla socodsiin doonaa Insha Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

JAWAARI oo maanta ka qeyb galaya…

0

Kuwait (Caasimada Online) Waxaa maanta oo Axad ah ka furmaya caasimada Kuwait, shir madaxeedka seddaxaad ee wadamada Carabta iyo Afrikaanka.

Shirka ayaa looga arrinsanayaa ishkaashiga dhanka hormarka iyo maalgashiga ee wadamada Carabta iyo Afrikaanka u dhexeeya.

Waa shirkii saddexaad oo ay yeeshaan dhinacyadan, iyadoo shirkii ugu horeeyay lagu qabtay waddanka Masar 1977-kii halka kii labaadna uu ka dhacay waddanka Liibya sanadkii 2009-kii.

Shirka Waxaa ka qaybgalaya wafdi ka socda Soomaaliya, waxaana hoggaaminaya guddoomiyaha golaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Boqortooyada dalka Kuwait ee shirka uu ka dhacayo ayaa waxa ay ugu deeqday dhowr Milyan oo dollar oo wax looga qabanayo musiibada ku habsatay gobolada waqooyi bari ee Soomaaliya ee Puntland.

Shirka oo socon doona maanta iyo berri waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed looga hadlaayo wax yaabaha looga hadlay shirka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

Qarax ismiidaamin ah iyo dagaallo toos ah oo ka dhacay Baladweyne

0

Baladweyne (Caasimada Online) Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Baladweyne oo maanta barqadii uu ka dhacay Qarax ismiidaamin ah, ayaa sheegaya in ka badan 20 qof oo u badan askar in ay ku dhinteen qaraxa oo uu fuliyay ruux watay baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa.

Dad ku sugan Baladweyne oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in qaraxa kaddib magaalada laga maqlay rasaas toos ah oo ay is-weedaarsanayeen kooxda soo weerarrtay saldhigga iyo ciidamada ammaanka.

“Dagaal muddo 30-daqiiqo soday ayaa ka socday gudaha saldhigga booliska, waxaana la maqlayay rasaas xoogag, dad badan ayaa ku dhintay, laakin tiro sax ah ma heyno, waxaana xilliga la soo weerarray saldhigga ka socday dacwado” sidaas waxaa noo sheegay goobjooge diidday magaciisa in aan xigano.

Dhinaca kale, qaraxa kaddib waxaa saldhigga soo gaaray ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaasoo howlgalo ka wada xaafadaha ka dhow saldhigga.

Waxaa go’an isgaarsiinta magaalada, iyadoona xaaladda magaalada ay weli tahay mid kacsan sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Shacabka Muqdisho iyo Isbadalka cusub ee xiliga habeenkii

0

Caasimada Online: Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo si weyn isku badashay ayaa waxaad arkeysaa Xiliga Habeen barka ah oo Shacabka Muqdisho ay fadhiyaan Baararka iyo Goobaha lagu sheekeeysto.

Hadii aa daawato muuqaalkani waxuu ku tusinayaa in Muqdisho ay wax weyn iska badaleyn dhanka Nabadda Iyo Amaanka oo soo hagaagay ay suuro galineyso Xiliga Habeenkii oo Magaalado wada iftiimeyso iyo Shacabka oo si caadi ah ugu damaashaadaya Magaalada.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dhageyso: Waxa Kismaayo ka socoda

0

Kismaayo (Caasimada online) Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose shalay waxaa gaaray wafdi uu hogaaminaye Suldaan C/qaadir Lugadheere oo kamid ahaan jiray raga sida aadka ah uga soo horjeeda maamulka KMG ee Jubba.

Ujeedka wafdigaan ayaa ah isku diyaarinta kaqeybgalka wajiga labaad ee shirka arimaha Jubbooyinka oo ka dhacaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.

Suldaan C/qaadir Lugadheere, ayaa saxaafada usheegay in Kismaayo lagu soo gaba-gabeyn doono wajiga labaad ee shirka Jubbooyinka, maadaama wajigii koowaad Muqdisho lagu soo xiray.

Wuxuu sheegay in madaxda sare ee dalka Soomaaliya ay tagi doonaan Magaalada Kismaayo, halkaasina lagu soo xiro doono natiijada shirka Jubbooyinka wajigiisa labaad.

Dadka Jubbooyinka ayuu sheegay inaysan mardambe heshiis ka raadin doonin meelo kale oo ka baxsan Jubbooyinka, iminka kadibna lagu heshiin doono Jubbooyinka.

Wafdiga Odayaasha ah ee shalay Kismaayo tagay waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Generaal Fartaag oo kamid ah masuuliyiinta maamulka Jubba.

Halkan Hoose  ka dhageyso Suldaan C/qaadir Lugadheere

Suldaan C/qaadir Lugadheere

Xigasho Risaala

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Nin Mooto watay oo lagu dilay afka hore ee Garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada online) Sida wararka aan ku helayno ruux watay Mooto ayay Ciidanka Dowladda Soomaaliya,  waxay duhurnimadii maanta a ku toogteen aafafka hore ee Garoonka Aadan Cadde, ka gadaal markii la sheegay in aanu ka jawaabin, amar ay siiyeen Ciidanka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada, ay ninkaan ku amray in uu istaago, xilli uu la socday dhug dhugley/mooto, isla-markaana ay ka shakiyeen markii uu istaagi waayayna ay risaas ku fureen  halkaasina uu ku geeriyooday

Ciidanka Dowladda oo baaritaano ku sameeyay mootadii uu la socday marxuumka, ayaan ka helin waxyaabo wax u dhimi karaaya ammaanka Garoonka iyo kan Caasimadaba.

Meydka ninka marxuumka ah ayay ciidamadu goobtaasi ka qaadeen ,  waxaana  ay geeyeen Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho .

Saraakiisha Dowladda ee ka hawlgala Garoonka Aadan Cadde, ayaana wali ka hadlin mashaqadan maanta ka dhacda garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

COD: Shirka Baydhaba oo ka qeyliyey carqaladeyn ay sheegeen in lagu hayo

0

Baydhabo (Caasimada Online) Malaaq Cali C rixmaan Axmed Shiino, oo ka mid ah waxgaradka horboodaya Maamul u sameynta gobolada Koonfur Galbeed Somalia oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in carqaladeyn lagu hayo howshooda.

Isagoo ka hadlay Shirka qaban qaabadiisa iminka ay ka socoto magaalada Kismaayo wajigiisa 1-aadna uu Muqdisho ka dhacay ayuu sheegay in ujeedka shirkaasi uu yahay mid looga soo horjeedo danaha gobolada Koonfur galbeed Somalia sida uu sheegay .

” Anaga laba gacmood ayaan wax ku wadnaa mid dowlada ayaan ku dhisayna aoo aan kula shaqeyneynaa mida kalana cid waliba oo ina dulmiso ayaan isaga difaaceynaa ” ayuu yiri Malaaq Shiino.

Wuxuu sheegay in xukuumada Somalia ay qaadeyso mas’uuliyada khilaafka kasto oo ka dhasha is maandhaafka iminka ka jira Jubbooyinka iyo Gedo iyo sidoo kale Baay, Bakool, iyo Shabeelaha hoose oo sida uu sheegay ay doonayaan in hal maamul ay u sameeyaan Lixdaas gobol.

Lixda gobol oo ay waxgaradka Baydhabo ku shirsan ay doonayaan inay maamulka u sameeyaan Seddex ka mid ah waxaa ka dhisan maamul aqoonsi ka heysta dowlada Somalia oo uu hogaan u yahay Axmed Madoobe Waana Maamulka KMG ah ee Jubba.

Arinta muranka iminka ay ka taagan tahay ayaa ah sida ay isku qabsan karaan Maamulkan Jubbooyinka iyo Gedo ka jira iyo midka iminka la qorsheynayo ee lixda gobol loo sameynayo .

Halkaan Hoose ka dhageyso Malaaq Cali C rixmaan Axmed Shiino

Malaaq Cali C rixmaan Axmed Shiino

Caasimada Online

Xafiiksa Beydhabo

[email protected]

DEG DEG AH: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyn

0

Baladweyne (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah qaraxaya waxaa lagu fuliyay baabuur ay ka buuxaan wax yaabaha qarxa kaasoo uu watay qof is-miidaamiyay.

Qaraxa ayaa lagu weerarray albaabka hore ee Saldhigga Booliska magaalada Baladweyne, xilligaasna waxaa joogay ciidamo ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Ma cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa goordhow ka dhacay Saldhigga Booliska ee Magaalada Baladweyne, balse ilo xog ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in qaraxa ka hor kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhigga iyagoo doonaya in la baxaan maxaabiis halkaas ku jirtay.

Qaraxa kaddib waxaa magaalada laga maqlayaa rasaas xooggan taasoo ka dhacaysa gudaha saldhigga booliska ee magaalada Baladweyne.

Faah-Faahinta goordhow naga filo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MUQDISHO oo la isku heesto deegan degmada ay ka tirsan tahay

0

Lafoole (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacay dagaal u dhexeeya maamulada degmooyinka Deyniile iyo Hodan.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah dagaalka ayaa waxaa uu ka dhashay deegan lagu magacaabo Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo hadda si weyn loo degaayo kuna yaala agagaarka isgoyska Ex Control Afgooye.

Maamulka Degmada Deyniile ayaa gacanta ku dhigay baabuur iyo seddax qof oo ay ku jirto haweeney kuwaasoo ku andacoonayay in deegankan uu ka tirsan degmada Hodan.

Xaaladda deeganka lagu dagaalamay ayaa caawa kacsan waxaana ka taagan xiisad in kastoo ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Gobalka Banaadir loo diray deeganka.

Deegankan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa la degay markii ay dagaalada ka socdeen Muqdisho xilliyadii Ethiopia iyo Maxkamadihii ay dagaalami jireen.

Waxaana deggan hadda dad aad u badan kuwaasoo ay ku jiraan kuwa dhawaan laga soo barakiyay dhismooyinka dowladda ee magaalada.

Waa markii ugu horeysay oo maamulada labo degmo oo ku yaalla Muqdisho ay ku dagaalamaan deegan labadooda ay sheeganayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka  Muqdisho

[email protected]

 

Maamulka PUNTLAND oo gacanta ku dhigay basaasiin ajnebi ah (Warbixin)

0

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah Saxaafadda u soo bandhigay  rag ajaaniib ah oo lagu eedeeyay in falal basaasnimo ah ka waday deegannada Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay in ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ay gacanta ku soo dhiggeen labo nin oo u kala dhashay dalalka France iyo Britain,kuwaasoo howlo basaasnimo ah iyo kheyraadka ka buuxa deegannada Puntland aruursanaayay

Wasiirka ayaa sheegay in labadan nin ay soo galeen Puntland bishii April ee sannadkan iyagoona markaa lahaa waxaan u shaqeenaa hey’ad gargaar balse markii la ogaaday in ay howlo basaas ah iyo kheyraadka ay guran jireen.

Ugu dambeen Wasiirka ayaa sheegay in raggan lagu hayo magaalada Garoowe waxaana u sheegay in dhawaan la soo taagi doono maxkamad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Beesha Habar-Gidir oo war cad kasoo saartay dagaalka gobolka Sh/Hoose

0

Numbar50 (Caasimada Online) Beesha Habargidir ayaa iska fogeysay maanta dagaalka maalintii labaad ka socda gobolka Shabeelaha hoose gar ahaan deegaanka lambar 50, kaas oo la sheegay in beeshu ay qeyb ka tahay.

Imaam Cumar Imaam Abshir, wuxuu ka mid yahay  Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Habargidir,  wuxuuna been abuur ku tilmaamay a eedeymaha ka dhanka ah Beesha Habargidir.

Wuxuu shaaca ka qaaday in  aanay Beesha Habargidir wax shaqo ah ku laheyn dagaalka ka dhanka ah Nambar Konton ee gobolka Shabeelaha hoose wararka sheegaya inay qeyb ka yihiina ay yihiin kuwo aan loo meel dayin

“Waxaan cadeyneynaa in Beesha Habargidir aysan wax shaqo ah ku laheyn dagaalka Nambar Konton. Eedeymahaan waa midab katoor, waa cunsuriyad ka dhan ah Habargidir.” ayuu yiri Imaam Cumar Imaam Abshir.

Imaamka, ayaa isidoo kale  sheegay  in wixii khasaaro ah ee ka dhasha dagaaladaan, wax laga weydiin doono Dowladda Federalka ee Soomaaliya sida uu sheegay .

Wali kama aysan hadlin dagaalkan Beesha Biyo-Maal oo dhankooda la sheegay in ay qeyb ka yihiin , inkastoo Beesha Habargidir ay iska fogeysay.

Caasimada Online

Xafiiska Numbar50

[email protected]

Guddoomiyaha Gobalka Sh Hoose oo dagaalka No.50 ku eedeeyay DFS

0

Marka (Caasimada Online) Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa caawa ka hadlay dagaalka maalintii labaad ka socda deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Isagoo la hadlaayay VOA-da ayuu guddoomiye Siiddii wuxuu sheegay in xaaladda Lambar 50 ay caawa deggan tahay isla mrkaana ciidamadii soo weeraray ay dowladda ku wargalisay in ay ka soo baxaan deeganka.

Wuxuu sheegay in deeganka ay ku dagaalameen ciidamo dowladda kawada tirsan kuwaasoo ay ku jiraan ayuu yiri kuwa millitari ah.

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada soo weerarray deeganka aaney lagu soo wargalin isaga wuxuuna intaas ku daray in Gen Gaafow, Gen Goobaale iyo wasaaradda gaashandhigga aaney u sheegin in ciidamo la keenayo deeganka.

Wuxuu sheegay in dowladda ay ka sugayaan iyo saraakiisha ciidamada ee gobalka Shabeellaha Hoose sababta keentay in ciiidamo millitari ah loo soo diro deegan leh maamul iyo ciidamo gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn guddoomiye Siidii wuxuu tilmaamay in deeganka lagu dagaalamay ay ka dhacday dhibaato oo naf iyo maal isugu jirta.

“Gobalka Anniga ayaa guddoomiyihiisa ah, madaxa ammaanka waa anniga, marka la soo diraayo ciidamo waa la ii soo sheegi jiray, laakin cid isoo wacday ma lahan, Goobaale iyo Gaafow in wax xiriir ah aysan ila soo sameen ma aqaano arrintaas”ayuu yiri Siiddii.

Wuu sii hadlay “Ciidamado waa la keeni karaa gobalka, laakin ma aqaano haddii ay kala kasi waayeen Qoryooley iyo Lambar 50 ama Baraawe iyo Lambar 50” ayuu markale yiri Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa kusoo kordhay khilaafkii Xasan Sheekh iyo Saacid (Xog cusub)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muranka u dhexeeya Madaxda DF ayaa weli taagan iyadoo labada mas’uul ay kulamo kala gooni-gooni ah la leeyihiin Xildhibaanada DF si mid walba uu kalsooni uga helo, xilli Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu doonay in Ra’iisul Wasaaruhu uu is-casilo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa waxay 24-kii saac ee aynu soo dhaafnay ay wadeen kulamo gooni-gooni ah, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu ku adkeysanayo in lagu dhameeyo khilaafka dastuurka.

Xildhibaano la kulmay Ra’iisul Wasaaraha DF Saacid Faarax Shirdoon ayaa u sheegay Warbaahinta in Mudane Saacid uu ku adkeysanayo in dastuurka ay ku kala baxaan isaga iyo Madaxweynaha.

“Markii aan Saacid la Kulanay wuxuu noo sheegay inuusan xilka ka dagayn oo uu ku kalsoon yahay Baarlamaanka, uuna doonayo in khilaafka lagu kala baxo” ayuu yiri Xildhibaan ka gaabsaday magaciisa oo la kulmay Saacid.

Sidoo kale Xildhibaanku wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu doonay in arrintooda Baarlamaanka loo bandhigo, ayna ka go’an tahay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabo Golihiisa Wasiirada.

“Waxaan ogaanay in Khilaafka Madaxweynaha DF iyo Ra’iisul Wasaaraha uu ka dhashay is-qabqabsi ka taagan dhinaca Magacaabista Golaha Wasiirada, runtiina Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaq u leh Madaxweynaha khalad ayay ku tahay inuu soo farageliyo” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhanka kale Xildhibaano iyaguna la kulmay Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu ku adkeysanayo inuu Ra’iisul Wasaaruhu Is-casilo taasoo uu sheegay inuusan ka laabanayn.

“Madaxweynaha way ka go’an tahay inuu is-casiloSaacid mana doonayo in lagu kala baxo Baarlamaanka, taasna waa dhibaato hore leh oo sii xoojisay muranka” ayuu yiri Mudane kale oo ka mid ahaa kuwii kulanka la yeeshay Madaxweynaha DF.

Khilaafkan ayaa maalinba maalinta ka Cirka isku sii shareeraya iyadoo uu ka baaqday Madaxweynaha Somalia Safaro uu dibada ku aadi lahaa, iyadoo uu dhawaan Afhayeenka Baarlamaanku sheegay in hadii ay labada mas’uul xal gaari waayaan uu Baarlamaanku go’aan ka qaadan doono Muranka taagan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

War cusub oo kasoo kordhay dagaalka Habar-Gidir iyo Biyo-Maal (Dhageyso)

0

Muqdisho (Caasimada online) Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal maanta mar kale ka dhacay deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha hoose , kaas oo u dhexeey ciidamo ka tirsan Mili tariga dowlada, balse kasoo kala jeeda Habar-Gidir iyo Biyo-Maal.

Gudoomiyaha deegaanka Lambar 50 C/laahi Waafoow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid wali socda isla markaana ciidamadii Militeriga ay la wareegeen deegaanka Lambar 50 inkastoo dib looga saaray .

Wuxuu sheegay in magaalada dagaalkaasi saameyn aad u xoogan inay ku yeesheen isagoona tilmaamay in ciidamada dowladu ay magaalada ku garaaceen Madaa fiic xoogan waxaana sidoo kale uu  ku eedeyay inay biliqo xoogan ka geysteen magaalada.

Ciidamada Milateriga ayaa hada waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Laanta Buuro ee Gobalka Shabeelaha hoose, maadaama dib looga soo saaray deegaanka Num-50.

Wararka ayaa sheegaya in Xaalada ay aad ukacsan iminka , waxaana labada dhinac ay wadaan abaabul dagaal, maadaama ay helayaan gurmadyo kala duwan oo soo kala gaaraya.

Khasaaraha dhabta ah ee dagaalka oo aan si rasmi ah loo hayn, ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in dadka geeriyooday ay gaarayaan ku dhawaad 12-ruux oo shacab ah, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo dagaalkaasi ka hadlay waxay sheegeen inay dal banayaan in deg deg ah dagaalkaasi loo joojiyo madaxda dowlada iyo hey’adaha amniguna ay ku dhaqsadaan wax ka qabashada arintan inkastoo wali dagaalkaasi aysan wax  war ah kasoo saarin .

Halkaan Hoose ka dhageyso C/laahi Waafoow

C/laahi Waafoow

Halkaan Hoose ka dhageyso qaar ka mid ah dadka deegaanka

Qaar ka mid ah dadka deegaanka

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Dagaalka Habar-Gidir iyo Biyo-Maal oo khasaare xooggan uu ka dhashay

0

Qoryooley (Caasimada Online) Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaal maalintii laad ka socda deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Inta la ogyahay 20 qof ayaa ku dhintay dagaalka, waxaana jirra dad kale oo badan oo ku dhaawacmay sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Waxaa laga maqlayaa deeganka rasaas xooggan, waxaa kaloo ka billowday barakac ay sameenayaan dadka deeganka iyagoo ka cabsi qaba in lagu kor dagaalamo.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo ciidamo ka wadatirsan dowladda balse ka soo kala jeeda Habar-Gidir iyo Biimaal.

Ma jirto cid ka hadashay dagaalka maalintii labaad ka socda Gobalka Shabeellaha Hoose mana cadda dagaalkan in uu xiriir la lee yahay dagaal dhowr bilood halkaas ka dhacay.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ciidamadii shaley weerarray deeganka Lambar 50 in ay isaga soo baxeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Puntland oo sabab yaab leh ku sheegtay khilaafka Xasan & Saacid

0

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee dowlada Somalia  inay hareer mareen nidaamkii dowladnimo ee dalka sidaasina uu ku yimid khilaafka iminka ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Somalia.

Wasiiru dowlada dekedaha Puntland , C/shakuur Mire Aadan, ayaa sheegay in waxa iminka keenaya khilaafka uu yahay sharcigii dalka u degsanaa oo ay hareer mareen madaxda ugu sareysa dalka .

” Hal xaaraan ah Nirig xalaal ah ma dhasho waynu wada  garaneynaa halka ay wax ka jiraan dhamaan teen iyo in dowladnimadii iyo nidaamkii u degsanaa dalka inay hareer mareen madaxda iminka jirta ” ayuu yiri C/shakuur Mire Aadan

Dowlada Somalia ayuu sheegay in mudadii ay jirtay ay ku guul dareysatay wax ka qabashada arimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo amniga dalka waxaana uu sheegay in wax waliba ay sal dhig u yihiin u hogaansamid la’aanta dastuurka dalka .

Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu joojiyay wada shaqeyntii kala dhexeysay dalka inta xilka uu hayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowlada Somalia inay badashay dastuurka Somalia sidaasi darteedna ay ku tumatay nidaamkii u degsanaa dowladnimada Somalia .

Gudoonka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inaysna jirin qodobo dastuuri ah oo badal lagu sameeyay .

Hadalkan kasoo yeeray Maamulka Puntland ee ah in khilaafka madaxda sare ee dalka uu salka ku hayo wax ka badal lagu sameeyay qodobo dastuuri ah wuxuu imaanayaa xilli khilaaf uu ka dhex aloolsan yahay madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Saacid.

Halkaan Hoose ka dhageyso C/Shakuur Mire Aadan

Wasiir Dowlaha Takedaha Puntland Cshakuur Mire Aadan sax

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

DEG DEG AH: DAGAAL ka dhex qarxay beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal

0

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka socdo deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, halkaasoo shaley ay ku dagaalameen ciidamo kawada tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Inkasta oo ciidankan ay ku dagaalamayaan magaca dowladda, haddana waxa ay kasoo kaal jeedaan beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal, oo horey gobolka ugu dagaalamay, waxaana la rumeysan yahay in dagaalka uu la xiriiro dagaaladii hore.

Dadka deeganka oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in la maqlay madaafiic xooggan oo ku soo dhacaya deeganka, waxaana la maqlayaa rasaas xooggan.

Inta la ogyahay in ka badan 11-qof ayaa ku dhintay dagaalki shaleys, oo u dhaxeeya ciidamo wata magaca dowladda Somalia, balse ka soo kala jeeda beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal.

Ma jirto cid kala qaaday ciidamada ku dagaalamay Lambar 50 waxaana mar kasta la filan karaa dagaal sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Eed loo jeediyay Gen Goobaale.

Dhinaca kale, guddoomiyaha deeganka Lafoole oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Deeganka Lambar 50 ay ku lug lahaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada oo uu ka mid yahay Gen Goobaale.

Wuxuu sheegay ciidamada soo weerarray deeganka ay ka geesteen tacadiyo xooggan Lambar 50 wuxuu sheegay in dad rayid ah la laayay hanti kalena la bililaqaystay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]