28 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Wasiiro iyo mas’uuliyiin gaaray N0 50

0

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ay gaareen goordhow deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabellaha Hoose.

Wafdiga wasiirka arrimaha gudaha waxaa ka mid ah wasiirka gaashandhigga, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo odayaal ka soo jeeda labo ciidan oo dhawaan ku dagaalamay halkaas.

Wafdiga wasiirka arrimaha gudaha waxaa halkaas kulamo hadda kula lee yihiin wax garad iyo guddoomiyaha deeganka Lamabar 50 Cabdulaahi Waafow sida ay soo sheegeen wariyaasha ku sugan halkaas.

Toddobaadkan ayaa waxaa deeganka Lamabar 50 ku dagaalamay ciidamo daacad u ah dowladda kuwaasoo kuwaasoo ka soo kala jeeda Beelaha Habar gidir iyo Biimaal.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay dagaalkaas tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay guddoomiyaha deeganka Lambar 50.

Wafdigan shaley ayaa lagu waday in ay gaaraan deegankaas balse waxaa goor dambe la sheegay in dib loo dhigay mana cadda wax yaabaha keenay in ay dib u dhacaan.

Faah-faahinta kala soco Shabakadda Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Galmudug oo ka digtay hub habeen kasta usoo degaya Faroole

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa walaac xoogan ka muujiyay Diyaarado ay sheegeen inay Hub sidaan oo xiliga habeenkii ah kasoo daga garoonka Magaalada Gaalkacyo taasi oo cabsi iyo Wal wal ku abuurtay maamulka Galmudug.

Agaasimaha Warfaafinta Galmudug Cilmi Kulan Geddi oo tixraacaya fariin kasoo baxday Hogaanka sare ee Galmudug ayaa maamulka Puntland uga digay inuu hub sharci daro ah kala soo daga deeganada Galmudug.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga

Wareysi-Cilmi-Kulan-Geedi-19-11-2013-1

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

[email protected]

Qodobada dastuurka ee kala qeexaya awoodaha M/weynaha & R/wasaaraha

0

Iyada oo uu khilaafka dhex jira Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon u muuqdo mid aan wali la xallin, ayuu dastuurka Soomaaliya waxa uu si cad u qeexaya awoodaha u dhexeeya labada xafiis ee dawladda iyo kaalinta barlamaanka marka ay jiraan khilaafaadkan oo kale.

Qodobka 100-aad eedastuurka Soomaaliyaayaa ra’iisul-wasaaraha siinaya awoodda in “uu magacaabo ama kala diro Golaha Wasiirada” isla markaana “uu barlamaanka horkeeno Golaha Wasiirrada iyo barnaamijka xukuumadda si uu u helo oggolaanshahooda”.

Qodobka 90-aad ayaa madaxweynaha siinaya awoodda “magacaabidda ra’iisul-wasaaraha” laakiin uunan ku eryi karin. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha ayaa la siiyay awoodda “uu ku kala diri karo xukuumadda federaalka [oo ka kooban ra’iisul-wasaaraha iyo Golaha Xukuumadda] haddii ayan helin codka kalsoonida ee looga baahan yahay”. Qodobka 90-aad ayaa sidoo kale madaxweynaha siinaya awoodda uu “ku kala diri karo wasiirrada, wasiiru-dawlayaasha iyo wasiir ku-xigeennada haddii uu soo jeediyo sidaa ra’iisul-wasaaraha”.

Qodobka 69-aad ayaa Aqalka Ummadda ee Barlamaanka Federaalka siinaya awoodda aqbalaadda ama xil ka qaadista ra’iisul-wasaaraha. Waxa uu leeyahay Barlamaanku waxa uu awood u leeyahay ” in uu codka kalsoonida siiyo Golaha Wasiirradda, iyo mashaariicda xukuumadda, oo lagu gaaro aqlabiyadda cod-dheeriga ah tirada guud ee xubnaha (50% lagu daray 1) ama in uu “codka kalsooni kala noqoshada u qaado ra’iisul-wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa ama ku-xigeennadiisa” iyada oo loo marayo isla qaabkaas.

Xildhibaannada Soomaaliya oo hadlay

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in khilaafka uu ku salaysan yahay sida isbaddal loogu samaynayo maamulka. Waxa uu sheegay in ra’iisul-wasaaruhu doonayo in uu isku shaandhayn ku sameeyo maamulka, halka uu madaxweynuhu doonayo in uu ra’iisul-wasaaruhu is casilo si markaa uu u soo magacaabo ra’iisul-wasaare cusub.

Yuusuf wax a uu sheegy in ra’iisul-wasaaruhu uu a wood uga haysto dastuurka in uu isku shaandhayn ku sameeyo golaha xukuumadda, laakiin waxa waajib ah in uu barlamaanka u horkeeno si loo ansixiyo.

Waxa uu sidoo kale caddayn ka bixiyay in “madaxweynuhu uu magacaabi karo ra’iisul-wasaaraha hase yeeshee uunan wax awood dastuuri ah u lahayn in uu waydiisto ra’iisul-wasaaraha in uu istaqaalad keeno”.

“Shaqada ra’iisul-wasaaraha waa in uu dhiso xukuumadda oo uu horgeeyo barlamaanka si loo ansixiyo laakiin ma aha in uu oggolaasho uga raadiyo madaxweynaha sida ku xusan qodobka 100-aad ee dastuurka,” ayuu yiri Yuusuf.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa sheegay in isaga iyo saaxiiibadii ay la kulmeen madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaaraha, oo ay mid walba u sharaxeen dhinaca ay ka taagan yihiin muranka.

“Ra’iisul-wasaaruhu waxa uu noo sheegay in madaxweynaha iyo isagu ay isku hayaan arrimo dastuuri ah, oo ku saabsan sida loo magacaabayo golaha wasiirrada, sida wasiirkan aniga iigu dar iyo wax la mida,” ayuu yiri Yuusuf, isaga oo sharxay in markii ay madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaaruhu ku guul daraysteen in ay fahmaan isku shaandhayntana, madaxweynuhu waxa uu ra’iisul-wasaaraha waydiistay in uu is casilo.

“Ra’iisul-wasaaraha waxa uu doonayaa in ay si wadajir ah ugu tagaan barlamaanka oo ay qaddiyadahaas ku xalliyaan si sharci ah, halka uu madaxweynaha doonayo in uu ra’iisul-wasaaruhu is casilo iyada oo aan la isla aadin barlamaanka,” ayuu yiri Yuusuf.

Xidhibaan Cabdiraxamaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in ay la tahay in ay sharci-darro tahay in ra’iisul-wasaaruhu magacaabo golaha xukuumadda isaga oo aan haysan oggolaashaha madaxweynaha.

“Ra’iisul-wasaaruhu wax xaq ah uma laha in uu magacaabo wasiirrada oo uu u gubiyo barlamaanka. Waa in ay marka hore madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaaruhu isku raacaan liiska wasiirrada,” ayuu yiri, inkasta oo taasi ka hor imaanayso qodobada kor ku xusan.

“Haddii ayan isku raaci karin, meesha ugu dambaysa ee ay labada hoggaamiye ku xallin karaan khilaafkoodu waa barlamaanka,” ayuu yiri, wuxuuna raaciyay in khilaafka labada hoggaamiye isku hayaan uunan ku salaysnayn dastuurka, laakiin uu yahay muran siyaasadeed.

Khamiistii (14-kii November), ayuu Afhayeenka Barlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho waxana uu ugu yeeray xildhibaannada in ayan kutiri kuteen ka fidin khilaafka u dhexeeya labada hoggaamiye.

Waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in barlamaanku uu xallin doono muran kasta oo yimaada, waxana uu sidoo kale ku boorriyay dadka Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan barlamaanka.

“Haddii uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ka dhexeeya hoggaamiyayaasha dalka, ugu horreeyn waa in ay ka wada hadlaan khilaafkooda oo isku dayaan in ay xalliyaan,” ayuu yiri Jawaari. “Haddii ay taa ku fashilaan, markaa waa in barlamaanka qaranka uu go’aanno gaaraa waayo sababta ugu wayn ee barlamaanka loo dhisay waa in uu xalliyo khilaafaadka caynkan oo kale ah.

Halkan ka aqriso dastuurka oo dhameystiran

Isha: Sabahi Online

Wasiirada difaaca midowga Yurub oo ka dooday howlgalada Somalia iyo Mali

0

Muqdisho (Caasimada online) Wasiirada difaaca ee midowga Yurub ayaa maalintii shalay kulan ka sheegay arimaha amaanka ee howlgalada midowga Yurub uu ka sameynayo dalalka Mali iyo Soomaaliya.

General Patrick De Rousiers, oo ah gudoomiyaha gudiga Meletariga ee midowga Yurub  ayaa ka sheegay shir jaraa’id uu qabtay in diirada lagu saaray kulankaasi arimaha amaanka ee howlgalada ay ka wadaan dalalka Soomaaliya iyo Mali.

Wuxuu sheegay in howlgalka loogu magac daray EUTM ee ka socda Mali iyo howlgalka ATALANTA ee ka socda Soomaaliya labada ay iminka ku socdaan wado wanaagsan sida uu hadalka u dhigay.

“Xaqiiqdii waxa diirada la saaray labada howlgalka ee Mali iyo Soomaaliya maxaa yeelay labada iminka waxay ku socdaan qaab hagaasan waana in dib loo eegaa ma aysan jirin go’aan siyaasadeed oo lagu balaarinayo howlgalada laakiin wasiirada ayaa ka doodayay”ayuu yiri gudoomiyaha gudiga meletariga ee midowga Yurub.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha la isku soo hadal qaaday ay kamid ahaayeen in dunida ay taageerto fikrada ku aadan balaarinta iyo xiliga lagada howlgalka oo lagu balan sanaa muddo labo sano ah.

Howlgalka Mali ee Midowga Yurub ayaa bilowday bishii February ee sanadkaan 2013, iyadoo howlgalka dhanka badda ee ciidamada Atalanta ee Soomaaliya uu bilowday Dhamaadkii 2008 iyadoo ujeedada ay aheyd adkeynta amaanka xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan si looga hortago afduubyada kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: C/raxmaan Faroole oo ka hadlay arrimo badan oo iminka taagan

0

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxman Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in wali ay taagaan tahay dhibaatada duufaantii ku dhifatay qeybo ka mid ah deegaamada Maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay in mar ay tageen goobihii ay dhibaatadu  ka dhacday inay kusoo arkeen dhibaato aad ay uga naxeen isla markaana u baahan in wax laga qabto isagoo sheegay in seddex cadow ay isku biirsaden dadkii bad baaday.

” Seddex cadow ayaa isku biirsaday dadkii ka bad baaday dhibaatada Midda koowaad waa qaboow aad u daran mana heystaan meel ay kaga gambadaan ama Bustooyin ay ka galaan , Mida labaad waa Gaajo gar garaar deg deg ah ayay u baahan yihiin Mida seddexaadna waa haraad iyo hali s caafimaad ” ayuu yiri Faroole

Faroole ayaa sheegay in dadku ay halis ay ugu jiraan inay ka dilaacaan goobaha ay iminka soo maciin bideen cuduro , maadaama sida uu sheegay halkaasi ay ku dayacan yihiin .

Wuxuu shegay in gar gaarkii ugu horeeyay ee dadkaasi la gaarsiiyay inay  ka heleen qaar ka kamid ah dadka deegaanada Maamulka Puntland oo deeqo kala duwan iska aruuriyay  hey’ada laan qeeerta cas  iyo dowlada oo daawooyin gaarsiisya sida uu sheegay .

wali waxaa jira dhibaatadii dadkii ay saameynta xoogani ku yeesheen roobababkii duufaanada watay ee ka da’ay qeyo ka mid ah Puntland kaas oo dad badan hanti wixii ay lahaayeen ay biyaha maasheeyeen.

Halkaan Hoose ka dhageyso C/raxmaan Faroole

faroole

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

DAAWO VIDEO: Muqdisho iyo horumar cusub (Maxaan idiin wadnaa maanta?)

0

Caasimada Online:  Hadaad mudo badan qurbaha ugu maqneyd Muqdisho, markaad ku laabato waxaa kuu muuqanaayo marka dhinac kasta laga fiiriyo amaan iyo horumar deg deg ah oo Muqdisho ku tallaabsatay.

Muuqaalkii ugu danbeeyay ee laga soo duubay Muqdisho ayaa muujinayaa horumarka ka socda iyo dib u dhiska dhinac walbo, gaar ahaan wadooyinka oo Dowladda Turkiga xil weyn iska saartay sidii Muqdisho ula jaan qaadi laheyd asaageed.

HALKAAN KA DAAWO: 

Soomaali ku dhimmatay dagaal kooxo shiica ah iyo suniyiin dhex maray

0

San’a (Caasimada Online) Wariye ka tirsan VOA-da oo ku sugan dalka Yemen, ayaa sheegaya in lix qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen dagaallo kooxo suniyiin ah iyo shiico ku dhexmaray gobalka Sacda ee dalka Yemen.

Wariyaha ayaa sheegay in dagaalka uu billowday markii kooxo suniyiin ah ay Machad Islaamka lagu barto ay ka dhiseen gobalka Sacda oo ay ku xooggan yihiin kooxaha xuutiyiinta ee Shiicada.

Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan dagaalkaas in ay ku dhaawacmeen ilaa 20 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo qaar kood wax ku baranayay Machadka ay lee yihiin kooxaha suniyiinta.

Dadka Soomaalida ee ku dhintay Yemen, waxaa qaarkood ay wateen baasabooro Yurub ah, oo waddamada Yurub ayey ka yimaadeen waxaana soo badanaya Soomaalida ku nool gobalkan.

Wariyaha ayaa sheegay in Soomaali badan ay guryo ka sameesteen gobalka xilliyadii ugu dambeeyay.

Yemen waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasoo dalkaas tagay muddadii dagaalada sokeeye ay ka socdeen dalkii hooyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

Gaalkacyo oo noqotay meel ay isku soo bandhiggaan musharrixiinta doorashada Puntland

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee magaalada Gaalkacyo, waxaa magaalada ay maalmahan dambe noqotay mid martigalisa musharrixiinta u taagan xilka madaxweynimada ee maamulka Puntland.

Wariyaha ayaa sheegay in magaalada ay soo camirantay, waxaana maalin kasta yimaada musharrax cusub oo leh waxaan ka mid ah ragga u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland oo dhaceysa doorashadeeda 8-da bisha Janaayo ee sannadkan dambe 2014-ka.

Musharrixii ugu dambeeyay ee gaaray Gaalkacyo wuxuu ahaa Cabdiwali Maxamuud (Guray), wuxuu sheegay haddii uu ku guuleesto doorashadda Puntland in uu wax ka bedeli doono Puntland.

Dadka odorosa arrimaah siyaasadda Puntland waxa ay lee yihiin, doorashadda soo socota wax badan ayaa iska bedeli doontaa doorashooyinka hore, waxaana laga yabaa in ay waji cusub galiso Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

SOMALILAND: Cadowga ugu weyn oo aan lee nahay waa DF Somalia

0

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa dowladda fedaraalka Soomaaliya ku eedeeyay in faragallin ka wadaan deegannada uu maamulo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somailand Cali Maxamed Warancadde oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ku eedeeyey dawladda Soomaaliya inay degganaansho la’aan siyaasadeed ka abuurayso Somaliland.

“Cadawga Somaliland ay leedahay ee ugu horeya waa dowladda Soomaaliya ka dhisan, waxay dawladaasi wadaa gaar ahaan madaxweynahoodu in ay Somaliland fadqalalo ka dhex abuuran, oo mid siyaasadeed oo degenansho la’aaneed ah, siddaasi awgeed waxay dalka gudihiisa ka dhex abuurayaan Kooxo reer Somaliland ah oo ay duufsadeen, balse aanan garanayn sababta ay u duufsadeen kuwaasi oo ay doonayaan ay sidda Soomaaliya oo kale dalkeena ka dhigaan, oo ay ka dhex abuuran muransiyaasadeed” ayuu yiri wasiirka.

Wuu sii hadlay “Waayo dalka Soomaaliya halkaasi waxa gaarsiiyey muransiyaasadeed iyo mid madaxnimo, intaasi oo kale ay dalka laga abuurayo ayaanu cadeyn ku haynaa oo waliba lagu bixiyey hanti faro badan, tallo badana lagu bixiyey, si dadka reer Somaliland layskaga horkeeno si degenaanshi la’aan looga dhex abuuro” ayuu markale yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Ma cadda, wax yaabaha keenay maamulka Somaliland in ay warkan sheegto iyadoo labada dhinac uu ay shirar uga socdaan dalka Turkiga.

Bishan November, ayey ahayd in dowladd fedaraalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ay ku shiraan dalka Turkiga, balse shirkaas oo ahaa kii seddaxaad wuxuu dib ugu dhacay bisha soo socota.

Ma cadda hadalkan sida uu sameen doono hadalkan ka soo baxay Somaliland maanta shirkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Madaxda Kenya oo laga dalbaday inay ciidamadooda Somalia kala baxaan

0

Nairobi (Caasimada Online) Xubnaha Xisbiga Jubbilee ee ka dhisan dalka Kenya ayaa weydiistay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata in Ciidamada Difaaca Kenya laga soo saaro Soomaaliya,ka dib markii Maxkamada ICC ay ka biyo diiday inay dib u dhigto Dacwada Madaxweynaha dalka Kenya Mr Kenyata

Hogaamiyaasha Xisbigaasi ayaa Uhuru Kenyata iyo Ku xigeenkiisa  waxay ugu baaqeen in sida ugu dhaqsiyaha badan dhamaan Ciidamada Kenya Magaca AMISOM kaga howlgala Soomaaliya laga saaro iyagoona dib loogu celinayo dalkooda.

Warkaan ayaa wax ka Qoray Wargesyka The Star ee ka soo baxa dalkaasi Kenya, Tharaka Nithi iyo Xildhibaan Kithure Kindiki ayaa sheegay Xilli ay ka hadlayeen arinta Dacwada ah ee Madaxda Kenya kaga socoto Magaalada Heeg ee dalka Netharland in Dhamaan Ciidamada Kenya ee Magaca Qaramada Midoobay kaga howlgalka qaar ka mid ah wadamada Africa oo Soomaaliya ka mid ah dib looga saaro,iyadoo laga jawaabayo hadal Maxkamada ICC ka soo baxay oo ku aadana inaan dib loo dhigeyn Dacwada Uhuru Kenyata.

“ Waxaan Qaadeynaa Kiisas ka dhan ah Qaramada Midoobay,maxaa yeelay Kenya  waxaa quseeya amaanka wadamada Soomaaliya iyo Comgo iyo kuwo kale oo badan,laakiin wax qatarin ah ma jirto ayuu sheegeen Xubnaha ka tirsan Xisbiga Jubilee ee Kenya.

Waxay si adag ugu baaqeen Labada Mas’uul ee Uhuru iyo Ruto in Ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya,islamarkaana ha xaliso Qaramada Midoobay Xaalada Soomaaliya ayay hadalkooda sii raaciyeen.

Sidoo kale,Mas’uuliyiintaJubilee ayaa Dowlada ka dabaday in Lix bilood gudahooda lagu xero xeryaha Qaxootiga ee ku yaalo dalka Kenya,Soomaalida halkaasina ku dhaqan dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Waxay ka digeen inay sii jiraan Xeryahaha Qaxootiga Kenya ee Dhadhaab,iyagoo ka qeyb dhigay amaandarida ka jirta dalka Kenya.

 Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

50 Xildhibaan oo loo xil saaray Saacid iyo Xasan iyo shirqool cajiib ah oo ay diyaarinayaan kooxda Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helay xildhibaano baarlamaanka ka tirsan ayaa sheegaya in Guddi xildhibaano ah oo tiradooda lagu sheegay 50 in loo saaray in ay ka soo baaraan dagaan khilaafka maalmahan ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Xassan Shiikh iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Guddigan ayaa kulankoodii ugu horreeyey shalay yeeshay, waxeyna isla eegayaan sharciyada goáanka Madaxweynuhu ku dalbaday Is-casilaada Ra’iisul Wasaaraha iyo haddii khilaafka labada nin lagu dhameyn karo qaab ka duwan in baarlamaanka mooshin la geeyo kadibna Ra’iisul Wasaaraha kalsoonidiisa cod la geliyo, waxaana xildhibaanadan lagu wadaa in saacadaha soo socda ay goáan rasmi ah soo saaraan.

Xildhibaano ka mid ah kuwa Ra’iisul Wasaaraha taabacsan ayaa qorsheynaya haddii kulanka baarlamaanka uu shir-guddoomiye Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mahad Cawad in halkaasi gacan ka hadal iyo buuq ka dhici doono.

Xildhibaanadani ayaa waxa ay sheegayaan in Mahad Cawad aanu marnaba dhexdhexaad ka aheyn khilaafka labada masúul, isaga oo si toos ah u caddeystay inuu la safan yahay Madaxweynaha, waxaana uu ka mid ahaa Guddigii shalay iyo dorraad lacagaha u qeybinayey xildhibaanada si ay mooshin uga keenaan Ra’iisul Wasaaraha.

Xubnaha taageersan madaxweynaha ayaa doonaya inay ka faa’ideystaan maqnaansha guddoomiyaha baarlamanka Jawaari ee dalka, waxaana la sheegay in Mahad Cawad ay ka go’an tahay inuu rido Saacid, xittaa haddii uu helo cod ku filan.

Guddigan cusub ee 50 Xildhibaan ah ilaa hadda ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay, waxaana lagu wadaa in arrinta la isku haysto ay dhinacyo badan ka eegaan, deetana ay goáan kama dambeys ah ka soo saaraan.

Dadka indhaha ku haya sida ay wax u socdaan ayaa sheegay in ay rajo weyn ka qabin in xildhibaanada Guddiga ah ay wax weyn soo kordhin karaan, maadaama xildhibaanadu u kala qeybsan yihiin labada dhinac, waxaase jirta xildhibaano shalay iyo shalay lacago lagu siiyey in ay mooshinka keenayaan inuu isbedel ku yimid fikirkooda, ayna muujiyeen in ay taageersan yihiin Ra’iisul Wasaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]