28 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

DHAGEYSO: Khadiijo Maxamed Diiriye: “Mooshinka RW Saacid aan ka keenay in uu cod helo ayaan ku kalsoonahay”

0

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildhibaanno 168 mudane oo saxiixay mooshin ka dhan ah Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku kal soon tahay in uu mooshinkaas uu helo cod.

Iyadoo la hadleysa VOA-da ayaa waxa ay sheegtay in xukuumadda Raysal Wasaaraha ay ku fashilantay wax yaabihii loo idmay in ay qabto sida ay hadalka u dhigtay.

“Anniga waxaan ka mid ahaa xildhibaanno 168 ah oo saxiixay mooshin ka dhan ah Raysal Wasaaraha, waxaan maanta ku wareejinay guddoonka baarlamaanka,waan ku kal soonahay in uu cod helo mooshinkaas, haddii uu waayo xukuumadda Saacid ayaa dalka ka arrimin doonta, Annigana waxaan ka mid ahaa mudanayaasha wax ka saxiixay.” ayey tiri Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Waxaa la weydiiyay wax yaabaha ay soo kordhin karto in xukuumad la rido?

Waxa ay sheegtay in ay wax badan ka badali doonto xaaladda, oo dalka xukuumad wax qabad leh ay imaaneyso haddii meesha laga saaro Raysal Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

“Waxaan is lee yahay xukuumaddan iyo Raysal Wasaaraha in wax u qabtaan dalka, waa in marka la keeno dad wax u qaban kara shacabka iyo dalka” ayey tiri Khadiijo Maxamed Diiriye oo madax u ah guddigga xuquuqda insaanka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waa ay sii hadashay “Lix biloowd ka hor ayaa xukuumadda raysal wasaaraha mooshin ay ka keenay 60 xildhibaan, anniga waxaan ka mid ahaa dadkii lahaa halaga joogo mooshinka, xukuumadda waxay caddeesatay in aysan la shaqeen baarlamaanka, go’aankan ma ahan mid farxad galin kara Madaxweynaha ama ka nixin kara Raysal wasaaraha”

Dadka wax odorosa arrimaha siyaasadda waxa ay lee yihiin arrintan waxaa laga yaabaa in uu wax badan ka ogyahay madaxweynaha,waayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya in Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu is casilo..

Mooshinkan ayaa ku soo beegmay toddobaad uun markii uu khilaaf uu kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka Khadiijo Maxamed Diiriye

Khadiijo Maxamed Diiriye

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: Horumarka ka socda Muqdisho

0

Magaalada Caasimadda ee Muqdisho muuqaal ahaan iyo Bilic ahaan waxaa is badalay qaabkii ay aheyd Sanadkii la soo dhaafay marka loo fiiriyo Horumarka ay Sanadkaan Sameeysay Magaalo madaxda dalkeena ee Muqdisho.

Dhinac waa horumar ku cusub magaalada dhinac waa is badal dhinaca Bilicda Magaalada dhinacna waa dib u dhis xoogan oo ka socda Magaalada Muqdisho ee nala daawo Video-gaan aan isku keenay waxii cusub ee ugu dambeeyay ee Magaalada.

HALKAAN KA DAAWO:

Kalsooni kala noqoshada R/W Saacid oo ay saxiixeen illaa 168 Xildhibaan

0

Iyaddoo baryahanba uu socday abaabul xoogan oo ay kuwada jireen Ra’iisul Wasaare Saacid Farax iyo Madaxweyne Xasan Shiikh kuna aadanaa ninkii baarlamaanka ku awood bata ayaa guusha u danbeyn doona ayaa waxaa iminka soo baxaya in Ra’iisul wasaare Saacid Farax taasi loogu itaal sheegtay.

Warbaahinta K24 ayaa xaqiijisay in la gudbiyey mooshinkii kalsooni kala noqoshada xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad, iyaddoo guddoonka uu xildhibaanada soo gudbiyey ka aqbalay codsigaasi.

” Waxaan u gudbinay guddoonka baarlamaanka mooshin aan kalsoonidii kala noqoneysa xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad waxaana ku saxiixnay 168 xildhibaan kuwaasi oo ka kala scoda shanta beelood ee Soomaalida iyo kutlad xildhibaano ka kooban 45 oo iyaga magac qabiil aan ku socon” ayuu yiri xildhibaan aanan magaciisa hadda xusi karin xaalada ammaandartood.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Somaliya Mahad Cawad ayaa ah mas’uulka qabtay mooshinkaasi. Waxaana uu sheegay in maalinta sabtida ah xildhibaanada ka fariisan doonaan mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad.

” Guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cawad ayaan gacanta u gelinay mooshinkaasi aanu wada saxiixnay, waxaana uu ina siiyey warqadii ogolaanshaha in codsigaasi uu inaga aqbalay, laakiin waxaan ku sheegayaa in hadafkeenu yahay in xukuumadan ku fashilantay wixii looga fadhiyey oo aheyd waxqabad mudadii sanadka aheyd” ayuu yiri xildhibaankan.

Sida muuqatana waxaa ay midan ka dhigeysaa rajo meel soo wajaheysa Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad kaasi oo horey madaxweynaha kalsoonidiisa u waayey inuu haddana baarlamaankii sidaasi oo kale kalsooni ka waayi doono.

Dareenka Muqdisho aad ayuu u kacsan yahay waxaana dadka midka aad  la hadasho uu ku sheegayaa in waqtiga Ra’iisul wasaaraha uu dhamaad yahay, maadaama hadda baarlamaanka looga yeerayo kadibna kalsooni kala laabashadiisa inay iminka u diyaarsan yihiin 168 xildhibaan.

Dhinaca kale mar aan la xirirnay xafiiska Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad xubno jooga ayaa laftooda inuu sheegay inay walaac xoogan ka qabaan saxiixa 168 xildhibaan oo mooshin ka keenay xukuumada. Waxaase ay ka gaabsadeen inay ka hor dhacaan inta sabtida arrintaasi laga gaarayo.

Xigasho: Kismaayo24.com

Jaamacad ka duwan Jaamacadihi hore oo lagu furay Muqdisho + Sawirro

0

Xaafada Siigaale Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga furey jaamacad cusub oo la magac baxday Imaamu shaafici.

Jaamacadaani ayaa laga hirgeliyay dhismaha caanka ah ee hore u ahayd Mowlca Macalin Nuur Maxamed Siyaad waxaana xaflad weyn oo maanta la sameeyay ka soo qeybgalay xildhibaano,waxgarada,culumaa’udiin,mas’uuliyiin ka socota wasaarada waxbarashada iyo xubno ka socday jaamacadaha Muqdisho.

Xildhibaan Khaliif C/qaadir Macalin Nuur ayaa maamule looga dhigay Jaamacadaasi waxaana khudbado kala duwan soo jeediyay mas’uuliyiin kala duwan kuwasoo lagu martiqaaday furitaanka Jaamacada.

Jaamacada Imaamu shaafici waxaa lagu baran doonaa Sedex Kuliyadood oo kala ah:

1-Kuliyada Quraanka Kariimka iyo culuumtiisa
2-Kuliyada Tarbiyada Islaamka
3-Kuliyada Shareeca walqaanuun

Jaamacada Imaamu Shaafici waxay kaga duwan tahay Jaamacadaha kale ee dalka iyadoo leh sedex Kuliyadood kaliya kuwaasoo dhamaantood diini ah.

Mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay waxaa ka mid ahaa Dr.Mahdi oo dalka dibadiisa ka yimid.Macalimiin Masaari ah oo Jaamacada wax ka dhigi doona,siyaasiyiin ay ku jiraan Xildhibaano iyo xubno ka socday wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Xildhibaanada waxaa ka mid ahaa Xldhibaan Cumar Filish,Xildhibaan Bashiir Caddow ,Xildhibaan Yuusuf Xayle,Xildhibaan Cumar (furdug) iyo sidoo kale Jen.Yuusuf Indha cadde.

Guud ahaam Mas’uuliyiintaasi waxay sheegeen in Xareunta jaamacadaan tahay meel awalba lagu baran jirey Diinta Islaamka,hadana sidoo kale lagu baranayo maadooyin diini ah.






 

COD: DF oo u jawaabtay Somaliland

0
Muqdisho (Caasimada online) Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada  Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa  jawaab kulul ka bixiyay  hadal kasoo yeeray Maamulka Soomaaliland,
Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu caqabad ku yahay hanaanka Nabadgalyada Deeganada maamulka Soomaaliland.

Guuleed wuxuu sheegay in hadalka kasoo baxay Maamulka Soomaaliland uu yahay mid lala yaabo, maadaama Soomaaliland ay sheegtay in Madaxweynaha uu amnidaro siyaasadeysan kawado Soomaaliland.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in guud ahaan amniga dalka Soomaaliya ay masuul ka tahay sidaasi awgeedna aan la dhihi karin inay Dowladda ka xuntahay ammaanka Soomaaliland iyo Puntland.

Wasiirka arimaha gudaha Somalia Mr: Guuleed ayaa shacabka Soomaaliland ugu hambalyeeyay sida ay u ilaashadaan ammaanka deeganadooda oo ay nabadda ugu nool yihiin.

Somaliland ayaa wada hadal kula jirta dowlada Somalia inkastoo ujeedkeeda uu yahay sidii ay ku heli laheyd madaxbanaani waxaana inta badan ay sheegtaa inay tahay dowlada ka madaxbanaan Somalia inteeda kale.
Halkaan hoose ka dhageyso  Wsiirka Arimaha gudaha Somalia
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

 

Xog: Axmed Madoobe iyo ergadii soo doortay oo khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay (Maxaa la isku hayaa?)

0

Kismaayo (Caasimada Online) Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in uu khilaaf xooggan soo kala dhex galay hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba iyo ergadii soo doortay maamulkiisa.

Axmed Madoobe oo dib ugu soo laabtay shaley Kismaayo kaddib safaro uu ku maqnaa Nairobi, ayaa xaley wuxuu kulan la qaatay ergooyinkii soo doortay isaga iyo ku-xigeenkiisa Gen Fartaag.

Kulankaas oo ka dhacay xarunta Jaamacadda ee magaalada Kismaayo, waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay siddii loo soo dhammeestira lahaa maamulka Axmed Madoobe isla markaana loo qaban lahaa wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka.

Kulankaas wax natiijo ah kama soo bixin oo waa lagu kala kacay sida ay lee yihiin dadkii joogay kuwaasoo noo warramay.

Maxaa la isku heystaa?

Waxaa la isku heystaa sida loo soo xulayo maamulka inta ka dhimman iyo sida uu ku billaaban karo shirka labaad ee dib u heshiisiinta.

Waxaa kaloo odayaal iyo wax garad dhaliilsan maamulka Axmed Madoobe kuwaasoo la sheegay in wax taageero ah ka helin Axmed Madoobe tan iyo markii la doortay.

Si kastaba, waxaa maanta oo Khamiis ah haddana loo ballamay in la qabto kulan kale oo looga hadlaayo khilaafka si dhawaan looga billaabo Kismaayo wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka.

Magaalada Kismaayo waxaa ku soo qulqulaya odayaal iyo siyaasiyiin kuwaasoo doonaya in ay ka qaybgalaan shirka ayaaha Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

KASHIFAAD: Rag ku dhow XASAN SH. oo la ogaaday inay bixiyaan sirtiisa

0

Nairobi (Caasimada Online) Diplomaasi sare oo ka tirsan dowladda Soomaalida ayaa caawa shaaca ka qaaday war culus ah oo in xubno xiriir la leh Madaxweynaha oo ka shaqeeya Vila Somalia in ay dusiyaan sirta dowladda.

Cabdisataar Xasan Cali, oo ah xoghayaha 3-aad ee safaaradda Soomaalida ee Nairobi oo la hadlaayay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho,ayaa sheegay in Kamaal Guutaalle iyo Fahad Yaasiin oo ka mid lataliyaasha sarsare ee Madaxweynaha in ay ka mid ah yihiin ragga ugu horreeya ee bannaanka geeya sirta dowladda gaar ahaan tan madaxweynaha.

“Annigoo ka mid ah shaqaalaha safaaradda Soomaalida ee Nairobi, kana mid ah muwaadiniinta Soomaalida waxaan rabaa in halkan ka sheego caawa waxaa jira rag badan oo Madaxweynaha ay isku dhow yihiin, raggaas madaxweynuhu wuxuu u heestaa kuwa la jirra balse waa kuwa ka jirra” ayuu yiri Cabdisataar.

Waxaa la weydiiyay warka uu sheegay in uu yahay mid aad culus sida uu arrintaas ku caddeen karo?

Wuxuu sheegay diplomaasigan in uu hayo caddeemo sax ah oo muujinaya in labadaas nin ay yihiin kuwa bannaanka keena sirta madaxweynaha.

Wuxuu madaxweynaha kula dardaarmay in raggaas uu shaqada ka ceyriyo haddii kale wuxuu sheegay in ay dowladda dumin doonaan.

Diplomaasigan ayaa sheegay in uu la hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde kaasoo shalay sheegay in cadowga ugu horreeya Somaliland in ay tahay dowladda fedaraalka Soomaaliya.

“Annigu shakhsi ahaan ayaan ula xiriiray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Waran-Cadde waxaan u sheegay in waxyaabaha uu shaley sheegay aaney sax ahayn, waxaa soo baxay kooxo leh waxaan nahay Machadka Heritig oo xiriir la leh Madaxweynaha, waa kuwa sirta madaxtooyada bannaanka keena, dalka masuul ayaa naga saaran, madaxweynaha waxaan lee yahay raggaas wax wanaag ah kuuma hayaan” ayuu yiri Cabdisataar Xasan Cali.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasan Sheekh oo hal arrin ku taliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Isagoo ka hadlayay Munaasabada maalinta Macalinka ayuu soo hadal qaaday madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh arinta xagjirnimada iyo dhibaatada ay leedahay.

Madaxweyne Xasan sheekh wuxuu sheegay in dhalin yarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda mayalka adag inay u nugul yihiin burcad badeednimada iyo sidoo kal argagixinimada oo uu ku sheegay inay yihiin falal guracan.

Talada ugu haboon ee lagula dagaalami karo arinta xahjirnimada ayuu madaxweynuhu wuxuu sheegay in kaliya ay tahay in wax barasho wanaagsan ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Fikirka xagjirka ah waxaa lagula dagaali karaa, iyadoo waxbarasho tayeysan la siiyo caruurta  Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh .

Isagoo ka hadlayay ahmiyada macalinku uu leeyahay ayuutilmaamay in Macalinku uu yahay kan dhalinta ku haggi kara nolosha saxda, ah, si ay hadhow dadka ugu haggaan wadada horumarka.

“21-ka November ayaa waddanka laga xusaa maalinta Macalinka oo taariikh weyn ku leh Soomaaliya. Maanta dalku wuxuu galay marxalad nabad ah oo tusaale u ah sida macalinka iyo waxbarashada ay uga adkaaneyso collaadaha iyo rabshadaha. Macalaimiintana waxey door muhiim ah ka soo qaateen sidii dalku uga dhici lahaa isbedel dhanka nabadda ah oo laga soo kabanayo collaadihii.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Idaacadda SHABELLE oo fadeexad aad u weyn lugaha la gashay (Dhageyso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) Idaacada Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ku dhacday fadeexad weyn kadib markii Maamulka iyo wariye idaacadaas ka tirsan ay gabar wariye ah  ku dhiira galiyeen inay ka duubaan muuqaal ku aadan in rag wariyaal ah ay kusfi kula dhaqaaqeen .

Gabadhan ayaa sheegtay in Agaasimaha Idaacada Shabeelle C/maalik uu siiyay qarash Wariye Maxamed Bashiir oo bahda Shabeelle ka mid ahna uu ka duubay muuqaal ku aadan iyadoo sheegaysa in kufsi loo geystay sida ay inoo xaqqiijiyeen saraakiil ku dhaw dhaw hey’ada dambi baarista ee  CID-da oo iminka kiiskan la wareegtay .

Wararku waxa ay sheegayaan in heshiisku uusan ku jiran in Muuqaalkaasi lasoo dhigo barta intarnet-ka  markii laga qaadayayna loo sheegay in loo dhiibayo dibada hey’ado jira si ay ugu doodaan .

Mahamad Bashiir oo Wariye Shabeele ka tirsan iyo gabadhan sheegtay in la kufsday  ayaa la xiray shalay oo arbaco ku beegneyd.

Wariyaha ayaa lagu heystaa i inuu baahiyay Muuqaal aan wanaagsaneyn,sida laga soo xigtay Afhayeenka madaxtooyada Abdirahman Omar Osmaan, waxaana sidoo kale xabsiga la dhigay milkiilaha warbaahinta Shabeele,inkastoo markii danbe la sii daayay.

Bashiir iyo Gabdhaha dhibanaha  hada xiran waxaana ku socda baaritaan iyo su’aalo weydiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afhayeenka Dowlada oo u waramay Al-Jazeera.

Muuqaal lagu daabacay Barta You Tubeka ayay ku muujisay Gabadha sida Afhayeenka sheegay in la Kufsaday,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku Boliiska ay xireen Eedeysanaha.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Gabadha kufsiga sheegatay iyo Eedeynaha ay ka soo muuqan doonaan Maxkamad maalmaha soo socda.

Wariye Cabdala Muumin oo ka mid ah wariyaasha Somalida ah ee wax ka qora arimaha Bini aadanimada ayaa sheegay in xitaa hadii kiiskan uu yahay mid jira ay qalad tahay in qof dhibane ah magaciisa iyo muuqiisaba la baahiyo sida anshaxa saxaafad uu qabo .

Kiisaska kufsiga ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay Somalia waxaana madaxda dowlada Somalia ay dhowr jeer oo hore ku cel celiyen in arintan ay tahay mid ka bad badis ah sida wax loo buun buuniyana aysan u jirin.

Halkaan Hoose ka dhageyso Cabdala Muumin

Cabdalla Muumin

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Cudur aan la garaneyn oo saf mareen ah oo dad badan ku leynaya Somalia

0

Beledweyne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya Gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dilaacay cudur aan lagaraneynin, kaasoo dad badan ku laayay tuulooyin ku yaalla gobalka Hiiraan.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in 40-qof ay ku dhinteen deegannada Ceel-Cali, Ceeldheer iyo deeganno kale.

Wuxuu sheegay in cudurkan uu yahay mid dad badan ku laayay deegannadaas uu ka dilaacay islamaaka lagaran waayay wuxuu yahay

“Cudurkan waa mid saf mareen ah, wuxuu laayay dad badan oo ku nool deegannada Ceel-Cali, Ceeldheer iyo miyiga fogfog ee Bakool, wuxuu dilay ilaa afartameeyo” ayuu yiri Xildhibaankan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeykan Xildhibaan Goodir ayaa ugu baaqay dowladda iyo hey’adda caafimaadka in ay degdeg u tagaan deegannada uu cudurkan ka dilaacay, haddii kale wuxuu yiri musiibo xooggan ayaa halkaas ka dhici doonta, cudurkana wuu faafi doonaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DAAWO Video: Maalin qosol badan oo laga xusay magaalada Muqdisho

0

Caasimada Online:  Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo tan iyo burburkii dalka kadib maalin walba dhagaha dadka ay maqlayaan wax ku cusub oo loo sameeynayo maalin laga xuso oo la dhahayo maanta waa maalinkii nuucaa ah ee ma maqashay arinkani oo kale.

Aqrstoow arinka cajiibka ah ayaa ah mid kaa qoslin doono oo si weyn loola yaabay taa oo ah maalin ka mid ah maalmaha caadiga ah oo loo astaameeyay maalin kaa qoslin doonto oo laga xusay Muqdisho ee nala daawo Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

Maxkamad xukuntay in hanti Somalia ay leedahay la siiyo ganacade ajnabi ah

0

Adan (Caasimada Online) Maxkamad ku taalla magaalada Caddan ee dalka Yemen, ayaa waxa ay u xukuntay nin ganacsade reer Yemen ah in la siiyo seddax ka mid ah afar markab oo ay lee dahay Soomaaliya oo hadda ku xiran dekedda Caddan.

Xuseen Xaaji Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta qusliyada Soomaalida ee Caddan ayaa VOA-da u sheegay in maxkamaddu ay xukuntay maraakiibtii ay maamuli jirtay shirkadda SHIFKO, wuxuu sheegay ninkan in sheegay in uu lacag ku lee yhaay maraakiibta Soomaalida ee yaalla Yemen.

“Ma ahan go’aan la saadalinayay, waayo Madaxweyne Cabdi Rabuu Mansuur Haddii ayaa amar ku bixiyay kal horre in maraakiibtan laga cafiyay lacagtii lagu lahaa, waxaana dhawaan la filiyay in maraakiibtan loo jiido Soomaaliya, waayo dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad Talyaani ah” sidaas waxaa yiri Xuseen Xaaji Axmed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in dib loo howgallin doono maraakiibtii Soomaaliya ay lahayd, kuwaasoo kala ahaa Cusmaan Geedi Raagge, Faarax Oomaar iyo 21-ka Octer One iyo Two.

Maraakiibtan ayaa dhowr sanno waxa ay yaaleen dekedda Caddan waxaana lagu soo warramayaa in qaar kood ay hoos ka duleesameen oo ay biyo soo galeen.

Maamulka dekedda Caddan ayaa ku fikiray in maraakiibtan laga durqiyo dekedda maadama ay halis keeni karaan, waxaana ganacsadahan uu sheegay in lacago badan uu ku lee yahay shirkadii maamuli jirtay maraakiibtan ee Shifko, taasoo uu shidaal siin jiray markii uu burburay qaranka Soomaaliya.

Arrintan waa boob toos ah oo lagu hayo hantidii qaranka Soomaaliya, waxaana looga fadhiyaa in ay tallaabo qaado dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

Guddoomiyihii Baydhaba oo la casilay

0

Baydhabo (Caasimada Online) Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, ayaa sheegay in golaha deeganka ay xilkii kaga qaadeen guddoomiyaha degmada Baydhabo, Xasan Macalin Axmad (Biikole).

Goluhu, wuxuu sheegay markii ay arkeen wax qabad la’aanta guddoomiyaha iyo uu ku kacay musuq-maasuq iyo wax is-daba marin baahsan in ay xilka ka qaadeen.

Kulanka sidda ay ku soo warrameen wariyaasha joogay, waxaa ku sugnaa dhammaan golaah deeganka Baydhabo.
Ma cadda ilaa hadda wax yaabaha sababay in xilka ay ka qaadaan golaha deeganka guddoomiyihii magaalada Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikoole.

Isku day aan sameenay oo ku aadan sida uu arko tallaabada ay qaadeen golaha deeganka Baydhabo ayaa guddoomiyaha wuxuu sheegay in uu arrintaas hadda diyaar u ahayn in uu ka hadlo.

Magaalada Baydhabo waxaa hadda ku sugan ergooyin iyo siyaasiyiin kuwaasoo dooranaya maamul gobaleed cusub oo la baxay Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

M/weynaha Sierra Leone oo jeediyey hadal cajiib ah oo ku saabsan Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) Xilli Qudbad uu ka jeedinayay Madaxweynaha dalka Siera Leon Dr. Ernest Bai Koroma Shirka arimaha Africa iyo Carabta looga hadlayay ee ka dhacay dalka Kuwaite ayaa wuxuu halkaasi ku soo bandhay hormarka iyo Barwaaqada  dadka Reer Siera Leon ay ku nool yihiin iyo kaalinta Dowladiisa ay ka geystay.

Inkastoo madaxweynaha hadalkiisa u badnaa hormarka ka jira dalkiisa ayaa hadana wuxuu soo hadal qaaday Kaalinta Ciidamada Siera Leon ay ka qaadanayaan Nabad ku soo dabaalida Soomaaliya,wuxuuna Carabka ku adkeeyay inay sii wadi doonaan Caawinta dalalka Africa ee dagaalada ka soo koraya.

” Mudanayaal iyo Marwooyin,kama daaleyno sii caawinta Shacabka Soomaaliya iyo Dowladood, laakin waxaa loo baahan yahay in Midowga Africa iyo dalalka Carabta u istaagaan sidii loo taageeri lahaa Ciidamada Siera Leon ee Soomaaliya,”ayuu yiri Dr. Ernest Bai Koroma.

Wuxuu sheegay Dr. Ernest Bai Koroma inay Dowladiisa ka go’an tahay gacan ka geysashada Nabada ka ifta Soomaaliya,isagoona hoosta ka xariiqay in Nabad Soomaaliya ka xasisha dan ugu jirto.

” Dowlad Wanaag,iyo Nabad Waarta oo Soomaaliya laga hela waa u jeedka Joogitaanka Ciidamadayada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha dalka Siera Leon

Hadalka Madaxweynaha Siera Leon ayaa ku soo aadaya,iyadoo dalka Kuwaite lagu soo gabagabeeyay shir labo maalin soconaya oo looga hadlayay arimaha Africa iyo dalalka Carabta,kaasi oo ay ka qeyb galeen wafuud fara badan,waxaana halkaasi Soomaaliya ku heshay Lacag Malaayiin Dollar ah oo loogu tala galay in wax looga qabto dhibaatooyinka dalka ka jira gaar ahaan deegaanada Duufaanta ku dhufatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa ka soo baxay kulankii Lambar 50 ka dhacay maanta (Dhageyso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) Deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa maanta gaaray wafdi wasiiro,xildhibaanno iyo xubno kale isugu jira, kuwaasoo halkaas u tagay in ay soo ogaaday wax yaabaha sababay dagaal toddobaadkan deegankaas ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Wafdiga dowladda oo ka ambabaxay Muqdisho, waxaa hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga,Cabdikariin Xuseen Xuseen Guuleed waxaa kaloo la socday wasiiradda gaashandhigga, cadaaladda,xildhibaanno iyo Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose.

Wafdiga ayaa markii ay tageen deeganka Lambar 50 waxa ay kulamo la qaateen odayaasha iyo wax garadka ku dhaqan deeganka, waxaana ay wax ka weydiiyeen sida ay wax uga dhaceen deegaanka iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkii halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay khasaaro ka dhashay dagaalkaas iyadoo dadka deeganka ay wafdiga u sheegeen in tacadiyooyin xooggan loo geestay oo ah naf iyo maal.

Kulanka maanta saxaafadda waa loo diidday, waxaana joogay oo kaliya Idaacadda dowladda sida uu noo sheegay xubin ka tirsan dadkii ka qaybgalay kulanka.

Wasiirka arrimaha gudaha amniga ayaa kulanka markii uu soo dhammaaday waxa uu la hadlay Radiyaha dowladda wuxuuna sheegay in booqashadooda ay la xiriirto siddii loo ogaan lahaa wax yaabaha sababay in labo ciidan oo ka tirsan dowladda ay ku dagaalamaan deeganka Lambar 50.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in odayaasha iyo wax garadka ku dhaqan deeganka Lambar 50 ay kala hadleen siddii loo joojin lahaa dagaalada isla markaana markala aysan u soo laaban.

Wasiirka waxaa kaloo dadka deeganka uu u ballan qaaday in wax xad-gudub ah loo geesan doonin dowladdana aysan raali ka ahayn.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wasiirka arrimaha gudaha

Wasiirka Arimaha Gudaha

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG: Qarax weyn oo goordhow lala eegtay ciidamada AMISOM

0

Afgooye (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax uu goordhow ka dhacay magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidanka AMISOM oo ku soo jeeday Magaalada Muqdisho kuwaasoo ka yimid Afgooye.

Qaraxa ayaa khasaaro xooggan gaarsiiyay ciidamada lala eegtay, balse ma cadda inta uu la egyahay.

Qaraxa kaddib waxaa goobta isku gadaamay ciidamada AMISOM, kuwaasoo xiray waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Xaaladda magaalada Afgooye ayaa caawa kacsan, waxaana magaalada lagu soo rogay bandow, sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Ma jirto koox sheegtay weerarka, mana ahan weerarrkii ugu horreyay oo lala eegto ciidamada AMISOM oo halkaas fadhiisin ku leh.

Faah-faahin kala soco wararkeena dambe

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Nicholas Key oo tegay Puntland arrin xasaasi ahna kala hadlay Faroole

0

Garoowe (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegay in halkaas uu tagay wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Key.

Mr. Key markii uu tagay Garoowe wuxuu kulan albaabada u xiran la qaatay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo uu hoggaaminaayo Madaxweyne Faroole.

Kulanka markii uu soo dhammmaaday waxaa saxaafadda la hadlay Madaxweyne Faroole iyo Danjire Key, waxaana ay sheegeen in dhammaan wax yaabaha ay ka hadleen in ay guul ku dhammaatay.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo booqashada Danjire Key, wuxuuna sheegay in ay ka hadleen gargaar QM ay u soo wado dadkii wax ku noqday duufantii ku dhufatay gobalada Beri iyo Nugaal,

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in danjire Key ay ka hadleen labo nin oo ajnebi ah kuwaasoo howlo basaas ah ka waday Puntland iyo doorashada sannadka dambe dhaceysa.

Key oo isna saxaafadda si kooban ula hadlay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay la qaybsaneyso dhibaatada dadkii wax ku noday duuftanta wuxuu tacsi u diray qoosaska ay ka baxeen dadkii ku dhintay duufantaas.

Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Puntland, wuxuuna sheegay in ay gargaar u sidaan dadka reer Puntland ee wax ku noqday duufantaas.

Kay waxaa kaloo uu kala hadlay Faroole siddii dumarka door ay ugu yeelan lahaayeen maamulka Puntland.

Waa booqashadii seddaxaad oo danjire Kay uu ku tago Puntland tan iyo markii loo magacaabay xilkaas sannadkan 2013-ka.

Si kastaba,wasiirka ammaanka ee maamulka Puntalnd, Khaliif Ciise Mudan ayaa Isniintii sheegay inay labo nin oo u kala dhashay Britain iyo France lagu qabtay Garoowe  iyagoo ku guda jira howlo la xiriira basaasnimo iyo la bixidda khayraadka dabiciiga ah ee gobolka.

Labada nin ayaa u shaqeynayay hay’ad lagu magacaabo Oversight International, oo qaabilsan ammaanka, taas oo ka diiwaan-gishan Puntland. Labo ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ee hay’adda ayaa sidoo kale xiran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Video: Muuqaal Caalamka ka yaabiyay.

0

Caruurtan Mataanaha ah ee dhawaan la dhalay ayaa muuqaalkooda noqday mid caan ah ayagoo diidanba in ay kala fuqaan markii loo qubeynayo waxeyna kaliya doonayaan in ay bogga iskugu haystaan sida xilliga hooyadood uurkeeda ay ku jireen oo aysan ifka usoo baxin kahor.

Waxaa cilmi baaristan isjaceylka labadan caruur lagu ogaaday xilli ay kallkaaliso u dhalatay Faransiiska oo lagu magacaabo Sonia Rochel ay sameysay qubees raaxo u leh caruurta oo caafimaad ahaana u wanaagsan ahna spa, waxaana labadan mataanaha ahi ay noqdeen kuwa caan ka dhigay farsamadaasi oo waxey ku hurdeen oo ay iskula dhageen xiligii qubeeska wayna diideenba in ay kala fuqaan.

HALKAAN KA DAAWO: