28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Aadan Madoobe oo ka hadlay halka uu maraayo shir koonfur galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa ka socda shir looga hadlaayo maamul cusub oo loo sameenaayo lix gobal oo ku yaalla koofurta Soomaaliya.

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, oo ka mid ah ragga u ololeenaya in uu maamulkan hirgalo ayaa ka hadlay halka uu shirka maraayo iyo qorshaha maalamaha soo socda la lee yahay.

War uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegya in maamlaha soo socda Baydhabo uu ka furmi doon shirkaas, oo ay ka soo qaybgali doonaan odayaal, waxgarad, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe .

Isagoo arrimahaas ka hadlaya ayuu yiri: Waxaa idin xasuusinaya in si rasmi ah u furmi doono maalamaha soo socda shirweynaha Baydhabo oo larabo in lugu dhiso Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo mudo badan la sugayay  in ay wada yimadaan dadka gobaladaas wada dega ee talada kadhaxeysa madaama dadka inta badan ay yimadeen inta kalana lafilaayo maalmaha fooda nugu soo haya annagana wan ku socnaa maalmaha soo socoda hadii allaha awooda leh inoo oggolaado” Mahadsanidin.

Si kastaba, shirkan ka furmaya Baydhabo ayaa la rabaa in maamul cusub looga dhawaaqo, waxaana gobalada uu maamulkaas ka arrimin doono ka mid ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, gobaladan waxa ay hadda lee yihiin maamul kumeel gaar ah oo la dhaho Jubba.

Maamulkan la iskuma raacsano dad badan oo u ololeenaya maamulka cusub ayaa ka soo horjeeda belse dowladda dhexe waa ay aqoonsatay oo heshiis ay la gashay Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa.

Waxaa la sugaaba waa maalmaha na soo aadan iyo wax yaabaha ka soo baxa shirkan iyo sida dowladda ay uga jawaabto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG AH: Askar iyo dad rayid ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku toogteen degmada Hiliwaa askari ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Goobjooge ku sugan xaafadda Masjidka Sheekh Xasan Kabaweyne, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in labo nin oo ku hubeysan bastoolado ay toogteen askari watay Mooto ama dhugdhugleey dabadeedna ay ay is rasaaseeyeen askar kale.

Wuxuu kaloo qofka goobjoogaha uu sheegay in rasaas ay fureen ciidamada dowladda in ay ku dhimmatay haweeney goobta mareysay.

Kooxda dishay askariga ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo hadda baaritaano ka wadan xaafadda lagu dilay askariga.

Ma ahan markii ugu horreysay oo askari ka tirsan dowladda lagu dilo degmada Hiliwaa oo ka mid degmooyinka ugu amniga daran Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG iyo GORFEYN: Khilaafka Madaxda Soomaalida: Ceeb Mise Caado?!

0

Qalinka: Xassan Xayle

Waa cudurkii hore iyo caadadii lagu yaqiin madaxda dalka, ilaa iyo bilowgii xukuumadihii KMG ahaa. Waxay u egtahay in waxa kaliya ay siyaasiyiinta Soomaalidu awoodaan uu waayahayn danbe, noqday khilaaf aan xal laheyn, muran joogto ah iyo anigaa quman!

Waxaa taas ka walwal badan in qaar ka mid ah xildhibaanda Baarlamaanka la moodo inay ka macaashaa ama ay dani ugu jirto markii uu yimaado khilaaf ka dhexeeya madaxda sare

Waxaa leys weydiin karaa, arrinta ku saabsan, in xubno baarlamaanka ka tirsan soo gudbiyeen mashruuc looga horjeedo XUKUUMADDA taasoo, haddii ay jirto, mmjineysa in qaar badan oo ka mid ah xildhibaanda Baarlamaanka aysan aqoon doorkoodka ku aadan xal u helidda dhibaatad siyaasadeed ee dalka ka dhacda 

Sababta Khilaafka

Xaqiiqadu sida ahaataba, waxaan shaki ku jirin  is-qabqabsiga iyo muranka loogu bartay raggii soo qabtay hogaanka sare ee dalka ilaa iyo marxaladdii ka danbeyday burburka Dowladdii Dhexey ee Janeraal Maxamed Siyaad Bare 1991-kii, inay noqoneysaa sumacad xumo ku taala taariikh-shakhsiyeedka madaxdaas, (Personal biography), lana qori doono mustaqbalka!

Fashalkii ku yimid dhammaan dowladihii ku meel gaarka ahaa, waxaa sabab u ahaa, sida laga warqabo, is-jiidjiid iyo muran maharad u noqday madaxdii sare ee dowladahaas; arrintaas oon aan horseedeyn, kaliya, dib-u-dhac ku yimaada horumarkii bilowga ahaa ee laga gaaray dhinacyada ammaanka, bulshada iyo dhismaha hay’adaha dowladeed, hayeeshee abuuraya niyad jab iyo quus uu shacbiga Soomaaliyeed u qaado cid kasta oo timaada hogaanka siyaasadda dalka

Khilaafka hadda ka dhex jira Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wassaaraha waxuu kusoo beegmay iyadoo dalka ay ka taaganyihiin xaalado ba’an oo isgu jira duufaano iyo fatahaad baabi’iyay dad iyo duunyo, gobalada qaarkoona ay ka bilowdeen dagaal beeleed aan la aqoon waxa dhaliyay iyo cidda ka danbeyda!

Runtii, is-afgarawaaga keenay khilaafka soo baxay iyo inta uu la egyahay ama xaqiiqda gunta u ah, waa arrin aan aad loo ogeyn, ama aan dhaafsiisaneyn madaxda is-heyda iyo ragga ku hareereysan oo la taliyaasha u ah. Intaas waxii kasoo haray waa malo awaal iyo kutiri-kuteyn ‘fadhi ku diri’ oo aan ka badneyn maxaa la yiri iyo maxaa la sheegay!

Waxaa muuqata in muranku ka dhashay arrin ku saabsan qaabka la doonayay in loo dhiso xukuumad cusub oo ka balaaran tan hadda jirta, iyadoo rag hadda ku jiraGolaha Wassiirada la sheegay in Ra’iisul Wassaruhu qorsheynayo inuu ka reebo xukuumadda soo socota; hindisahaa madaxweynuhu si weyn u diidanyahay

Sida jirta, ilaa waqtigan, dhinaca Madaxweyne Xassan Sheykh ama ragga u hadla xafiiska madaxtooyada wax war ah oo ku saabsan is-maandhaafka jira kama soo bixin, hadalka kaliya ee ‘rasmiga’ ah oo waa kan Ra’iisul Wassaasre Cabid Faarax Shirdoon uu shaaciyay 12-kii bishan November ee sanadkan

Dastuurka  iyo Siyaasadda

Siyaasad dowladeed iyo dastuur, markii la fiiriyo Cilmiga Siyaasadda, waa labo waxyaabood oo isku lifaaqma ama is dhex gala, (Overlapping subjects), iyadoo ay sidaas jirto ayaa arrinta uu Ra’iisul Wassarahu tilmaamay oo ah in is-maandhaafka isga iyo Madaxweynahay u dhexeeyay yahay mid ku saabsan dhinac dastuurka -lakiin- uusan aheyn mid siyaasadeed; taasoo macneheedu yahay in Ra’iisul Wassaruhu uusan ka noqon ku shaqeynta Barnaamijkii Siyasadeedk ee Madaxweyne Xassan Sheykh lagu doortay 10-ka bishii Sebteembar 2012kii ee  ka koobnaa lix qodob, kuna saabsan arrimaha amniga iyo xasilinta dalka, dib u heshiisiinta iyo midnimada ummadda, dhaqaalaha iyo hormarinta nolosha qooska, dhismaha hay’adaha dowladda iyo hagaajinta xiiriika caalmka iyo kan wadamada dariska

Haddii xaalku sidaas yahay, su’aashu waxay tahay: maxuu ku saabsanyahay khilaafka dhinaca dastuurka ah ee Ra’iisul Wassarhu shaaciyay?!  Haddii uusan jirin is-maandhaaf ku saabsan dhinaca siyaasadda, maxaa hogaamiyaasha ka horjooga inay si macquul ah, oo waafaqasan shuruucda dalka, xal ugu helaan arrimaha ‘farsamo’ oo ay isku hayaan?!

Way muuqataa, in Ra’iisul Wassaruhu dooonayo, kuna adkeysanyo inaan lagu faro galin xulashada magacaabidda xubnaha cusub ee Gollaha Wassiirada iyo, tirada ay noqon doonaan ama cidda uu doonayo inuu ka reebo liiska xukuumadda uu soo dhisayo; arrintaas, oo haddii ay jirto, u baahan inla helo tixgalin, is-afgarad iyo meel dhexe oo ay isgu yimaad, kuna heshiiyaan labada mas’uul!

Doorka Baarlamaanka

Shaki kuma jiro, in meesha khilaafka uu hadda taaganyahay aysan gaarin heer qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaank ay soo jeediyaan talo ah, (Motion), laga keeno Ra’iisul Wassaraha, xukuumadiisana loo diido codka kalsoonida, sidaasna looga qaado xilka iyo mas’uuliyadda uu hayo

Waxaan ogsoonayah, hadalkii Gudoomiyahay Baarlamaanka Maxamed Sheykh Cusmaan Jawaari uu 13-ka bishan November shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku kalsoonadaan Baarlamaankood madaama uu Gollaha Shacbigu u duubanyahay inuu xal u helo mushkilad kasta oo timaada

Gudoomiyuhu waxuu xubnaha Golaha Shacbiga uga digay, kuna adkeeyay inaysan galin, kana hadlin khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira hay’adaha fulinta ee dowladda; waxuu soo jeedintiisa sabab uga dhigay: in doorka looga bahanyahay in xildhibaanadu qaataan yahay xal u raadin iyo inay garsoore ka noqdaan waxii khilaaf siyaasadeed ah ee hay’adaha dowladda dhexdooda ka dhasha

Haddii kaalinta Gollaha Shacbiga iyo doorka looga baahanyahay xildhibaanada yahay sida uu caddeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka, taas waxii kasoo hara meyasan noqoneyn qas iyo sharci ku tumasho ha lagu jiro weligeed!!

Talo iyo Ugu Danbeyntii

Waxaa hubaal ah, in muranka iyo is-maandhaafka looga bartay madaxda Soomaalida uu abuuray xaalad galineysa mustaqbalka dalka walwal iyo hubaal la’aan siyasadeed, (Incertezza politica); taasoo ay soo baxday ama bilaabatay in wax leyska weydiiyo kartida hogaamiyaasha Soomaaliyeed u leeyihiin xalinta khilafaadkood; tasoo sii xoojineysa shakiga baryahan danbe laga qabay in Soomaaliydu ay dhexdooda ismaamuli  karaan!

Runtii, arrintu ma ah maxaa leysu khilaafay ama arrimaha qaar loogu kala aragti duwanyahay, mararka qaarkoodna ay u dhacdaa in aad loo kala foogaado, lakiin xikmaddu waxay ku jirtaa in khilaafka laga heshiiyo oo Madaxweyne Xassan Sheykh Maxmuud iyo Ra’iisul Wassare Cabdi Faarax Shirdoon ay u horseedaan hogaamiyaasha, iyaga ka dib, Soomaaliya xukumi doona waddo cusub oo ah: in wax kasta oo leysku khilaafo laga heshiin karo, is-afgarad iyo xalna loo heli karo!!

W/Q: Xassan Xayle: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Dowlada UGANDA oo dalalka Carabta ka dalbatay 1 Arin oo Somalia ku aadan

0

Nairobi (Caasimada online) Madaxweyne ku xigeenka dalka Uganda Edward Ssekandi ayaa ugu baaqay wadamada carabta iyo hogaamiyaasha Africa taageerada holwgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya iyo ka qeyb galka wadamada bariga Africa.

Inti uu socday kulankiiu seddexaad ee wadamada Carabta iyo Africa oo ka dhacayay dalka Kuwait, waxaa madaxweyne ku xigeenka Uganda uu sheegay in loo baahan yahay hergelinta amaanka siyaasada iyo xaalada dhanka aadanimo ee gobolka.

Kulanka ka dhacay dalka Kuwait waxaa ka qeyb galay 50 wafuud oo ka kala socotay dalalka Africa iyo Carabta waxaana la isku afgartay xiriir wanaagsan oo dhanka dhaqaalaha ah oo dhex mara labada gobol.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Uganda oo hogaaminayay wafdiga Uganda kaga qeyb galay kulankaasi ayaa sheegay in wadankiisa uu si aad u daneynayo nabad iyo kala dambeyn ka dhalata gobolka iyadoo ciidamada Uganda ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Wuxuu ka dalbaday taageero dheeraad ah golaha amaanka ee QM, si gacan weyn looga geysto dib usoo celinta amaanka dalka Soomaaliya.

Wafdiga dowlada Uganda ee kulanka ka qeyb galay wasiirka arimaha dibada Sam Kutesa, wasiirka xiriirka gobolka Asuman Kiyingi, wasiirka kaluumaysiga Rush Nankabirwa iyo saraakiil kale oo Ugandes ah.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Diyaaradii Somali Airlines oo dib loo soo celinaayo 23-sanno kaddib

0

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Jimco ah, in ay dib loo howgalin doono shirkadii diyaaradaha ee Somali Airline.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdilaahi Cilmooge Xirsi oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay markii ugu horreysay Soomaaliya in ay ka shaqeen doonaan diyaarado ay ku qoran yihiin magaca Soomaaliya, kuwaasoo ay lee dahay dowladda Soomaaliya.

” Waxaan rabaa in aan idiin sheego waxaan ka soo qaybgalnay labo shir kuwaasoo ku soo dhammaaday guul, 23-sanno ayaa noogu dambeesay in aan ka qaybgalno shirka Switzerland oo ay ka qaybgaleen 125-wadan, waxaan ka soo jeediyay hadal iyadoo aan ka codsaday bulshadda ka soo qaybgashay gacan, sidoo kale waxaan soo marnay Dubai, halkaas oo aan ballan ku lahayn shirkad Shiinees ah, oo aan ka dooneyno in ay naga iibiso labo diyaaradood, diyaaradahaasna waxa ay ku shaqeen doonaan magaca Soomaaliya” ayuu yri wasiirka.

Wuxuu sheegay oo kale in diyaaradahaas ay muddo siddeed bil gudahooda ay ku imaan doonaan Soomaaliya

Wasiir Cilmooge ayaa sidoo kale sheegay in dib loo howgalkan doono shirkadii diyaarada Somali Ariline, wuxuuna sheegay in heshiis lagaleen shirkado diyaarad oo laga lee yahay dalka Ingiriiska, kuwaasoo labo diyaarad oo ay ku qoran yihiin astaanta Soomaaliya.

Isku soo duub, waa mid ka mid ah guulaha ay gaartay dowladda Soomaaliya iyadoo dib loo soo celinaayo shirkadii diyaaradaha ee Somali Airline.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shir seddax geesood ah oo ka dhacay xeryaha qoxootiga ee Kenya

0

IFO (Caasimada Online) Shir ay soo qaban qaabiyeen dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo hey’adda qoxootiga ee QM UNHCR ayaa ka dhacay xeryaha qoxootiga Kenya.

Shirkan waxaa looga hadlay siddii bal loogu sheegi lahaa qoxootiga nus malyuunka ah ee ku nool xeryaha qoxootiga gobalka waqooyi bari Kenya.

Shirka waxaa ka qaybgalay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Nuur Ameerico, wuxuu sheegay in shirka seddax geesoodka looga hadlay siddii qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha qoxootiga dib loogu celin lahaa waddankooda iyagoo aan la qasbin.

Danjire Americo ayaa tilmaamay in shirka ay la qaaten qoxootiga loo sheegay qaabka loo celinaayo iyadoo qof kasta la geenaayo gobalka ama deeganka uu ka yimid.

Si kastaba, Wariye ka qaybgalay shirka oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in qaar badan oo ah qoxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya aaney diyaar u ahayn xilliggan in ay ku laabtaan dalka, qaar waxbarasho lacag la’aan ah ayey ku heestaan Kenya kuwa kalena  waxa ay rajo ka lee yihiin in qurbaha loo qaadayaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

DEG DEG AH: Dab Khasaaro xooggan dhaliyay oo ka kacay Afgooye

0

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegay in dab xooggan uu ka kacay caawa fiidkii suuq ku yaalla degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Goobjooge ku sugan Suuqa dabka ka kacay oo u dhow Saldhigga Booliska ayaa noo sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay dabka sidoo kale hati badan ay ku baaba’een.

Dabka ayaa la sheegay in uu ka billowday makhaaxi ku tiilay suuqa dabadeedna dukaamo iyo bakhaaro ayuu ku faafay,waxaana markii dambe lagu guuleestay in la damiyo.

“Dabka khasaaro xooggan ayuu geetay, hal qof ayaa ku dhaawacmay, laakin walaal hanti badan ayaa ku baaba’ay mana jirin wax gurmad ah oo aan ka helnay maamulka ama ciidamada AMISOM” ayey tiri gabar la hadashay Idaacadda SIMBA ee magaalada Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab khasaaro geestay uu ka kaco suuq ku yaalla dalka Soomaaliya, waxaana inta badan loo aaneeyaa dabka noocan oo kale makhaayadaha oo dab looga tago ama koronto si qalad wax ugu dhacaan.

Soomaaliya lagama helo baabuur dab damis ah kuwaasoo mararka ay dhacaan shilalka noocan oo kale wax ka qabtay dhibaatada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamulka Axmed Madoobe oo xabsi dhigay shaqaalaha dekedda Kismaayo

0

Kisamayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya ciidamada maamulka KMG  ah ee Jubba, in ay maalintii labaad ay xabsiga ku hayaan  qaar ka mid ah shyaqaalaha dekeda Kismaayo.

Ilo xog ogaal ah oo la soo xiriiray Shabakadda Caasimada Online, ayaa noo sheegay in shaqaalahan oo ka kooban 11 in laga qabtay bannaanka hore ee dekedda iyagoo ku sii jeeday guryahooda.

Maamulka Kismaayo ilaa hadda ma sheegin wax yaabaha loo xiray raggan 11-ka ah, kuwaasoo hadda ku xiran xarunta Maamulka Kismaayo.

Waa markii ugu horreysay oo maamulka  Axmed Madoobe uu xabsiga dhigo qaar ka mid ah shaaqalaaha marsada Kismaayo oo hadda shaqaysa.

Dhinaca kale,ammaanka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan oo foyijignaan ku jira.

Magaalada waxaa dhawaan ka dhacaya wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka in kastoo la sheegay in uu din u dhici karo, waayo khilaaf xooggan ayaa hadda ka tafan Axmed Madoobe iyo ergada soo doortay isaga iyo ku-xigeenkiisa Gen Fartaag.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Yuusuf Garaad:- Shalay iyo Maanta

0

Shalay waxaa nala baray “Mooshin keene waa miino aase”. Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu waxay markaa ka wada shaqeynayeen in mudanayaal Baarlamaanka ah la iska hor taago hawl uu dastuurku xaq u siinayo, oo ah in ay la xisaabtamaan Xukuumadda.

Oraahdaasi waxay ahayd mid xad gudub ku ah hawlgudashada mudanayaasha Baarlamaanka, Dastuurkana ka soo hor jeedda.

Dhinaca kale, oraahdu waxay khafiifineysaa miino aasidda oo ah fal argagixiso. Waxay la mid dhigtay in aanay ka cusleyn in Baarlamaanka la geeyo mooshin ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha.

Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha midkoodna ma riddin erayadaas. Markaa waxaan u qaadan karaa in ay raalli ka ahaayeen haddaysanba iyagu abaabulin.

Maanta waa sir aan qarsooneyn in Villa Somalia ay ka shaqaneyso in la rido Ra’iisal Wasaaraha. Waxay mudanayaasha Baarlamaanka kula hadleysaa mid waliba luqadda uu yaqaan ee lagu hawlgelin karo. Abaabulka waxaa qeyb ka ah xataa diblomaasiyiin Soomaaliyeed, oo ay ahayd in ay siyaasadda bannaanka ka ahaadaan.

Markaa oraahdii aan laga fiirsan ee shalay, maxaa laga yeeli maanta?

Tarsan oo weerar afka ah ku qaaday Talafishanada Soomaalida, Sabab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa weerar afka ah ku qaaday Talafishanada Soomaalida, wuxuu ku eedeeyay in habeen iyo maalin kasta laga aruuriyo lacago badan, kuwaasoo la sheego in lagu caawinaayo dad dhibaateesan oo Soomaali ah.

“Anniga waxaan in mudd ah Monitor gareeneyayay (oo aan baarayay) Talafishanada Soomaalida oo habeen iyo maalin kasta Sheekh la soo fadhiisinaayo kuwaasoo dadka ka aruurinaya lacago badan dadka Soomaalida ee qurbaha ku nool, lacagtas meel lageeyo ma aragno waana la aruuriyaa” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa Talafishada dadka leh iyo culimada u sheegay in loo baahan yahay gargaarka ay uruurinayaan xlliggan si loo siiyo dad badan oo ku wax yeelooban duufaano ku dhuftay Gobalada Barri iyo Nugaal iyo Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Shabeellaha Dhexe.

Waa markii ugu horreysay oo Tarsan uu weerar ku qaado Talafishanada Soomaalida oo Sheekh uu soo fadhiisto kuwaasoo lacago ka aruuriya Soomaalida qurbaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Damaashaadka Xeebta LIIDO

0

Caasimada Online: Shacabka Muqdisho iyo Qurba Joogta Soomaalida ayaa maalin walba oo jimco ah waxeey u soo damaashaad tagaan Xeebta weyn ee Liido ayagoo halka afarxada maalinta jimcaha kula qeyb sada Familkooda iyo asxaabtooda.

Amaanka Goobta Xeebta ee Liido waxaa aad u sugaya Ciidamada Dowlada oo ilaalinaya in ay halkaa ka dhacaan falal wax u dhimaya amaanka goobta iyo in wax yeelo ay soo gaaraan Shacabka tirada badan ee u soo damaashaad taga Maalinta Jimcada Xeebta Liido.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Dhageyso: Idaacada Shabeelle oo ka hadashay Fadeexadii ay ku dhacday

0

Muqdisho (Caasimada online) Agaasimaha Idaacada Shabeelle Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud,  oo ka hadlay kiis kufsi oo loo xiray wariye idaacadaas katirsanaa laguna eedeeyay inuu lug ku laha yaa sheegay inuusan waxba ka ogeen kiiskaas.

Wuxuu sheegay in isagoo ku mashquulsan xinaanshiyaha idaacadiisa inuu 18-kii bishan markii ugu horeysay ka war helay muuqaal laga duubay gabar wariye ah oo shegtay in la kufsaday .

“Xilli habeen ah taariikh markii ay aheyd 18-kii bishan ayaa la isoo wacay oo arintan la ii sheegay subaxdiina waxaa ii yimid C/casiis Afriko iyo nin kale oo Asskari ah waxayna ii sheegeen inaan xarig ahay waxaana weydiiyay inay heystaan warqad ay igu xiraan laakiin maysan wadan sidaas darteed waan ka diiday ” ayuu yiri C/maalik.

Taliyaha ciidamada degmada howlwadaag ayuu sheegay in uu yimid isagoo ciidamo badan wata sidaasina lagu xiray , isla-markaan loo sheegay in wariye ka tirsan idaacadiisa uu muuqaal kufsi la xiriira duubay .

” Aniga dambiga la igu xiray wuxuu ahaa Kaamirada idaacadaada ayaa laheyd laakiin waan u sheegay in aanan laheyn aniga , waxaana arintan ay u muuqaataa shabeelle yeysan mar kale hawada kusoo laaban ” yuu hadalkisa sii raaciyay.

Wuxuu sheegay in damiin lagu sii daayay isaga laakiin laga dalbaday inuu keeno wiilka muuqaalkan duubay isagoona tilmamay in loo balan qaaday inaan la xireyn hayeeshee markii markii uu geeyay xabsiga la dhigay .

Wariyaha muuqaalkan diibay iyo sidoo kale gabadha laaga duubay ayuu sheegay inaysan is garaneyn hayeeshee uu jiro ruux xiriiriye  ah isla markaana labada dhinac ee wiilka iyo gabadha isku xiriiriyay .

Dowlada Somalia ayuu sheegay inay arintan uga golleedahay sidii aysan mar kale hawada usoo gali laheyn idaacada Shabeelle.

Halkaan ka dhageys Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud

Cabdi maalik yuusuf Maxamuud

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Dhageyso: Baadiyoow oo nasiib daro ku tilmaamay khilaafka madaxda dalka

0

Muqdisho (Caasimada online) C/raxmaan Baadiyoow ,  oo ka mid ahaa musharixiintii isku soo taagay xilka madaxtimo ee dalka  septembar 2012-kii ayaa ka hadlay iminka khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee dalka .

Baadiyoow ayaa sheegay in khilaafaadka soo ka dhex gala  madaxda sare ee dalka uu noqday mid caado ah isla markaana soo jireen noqday waxaana uu ku tilmaamay mid laga xumaado in xiligan ay is khilaafaan madaxda ugu sareysa dalka .

“ waa wax laga xumaado arintan waxay noqotay mid soo laa laabata laga soo bilaabo sanadkii  2000 xilligii Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan ilaa xilligan aan joogno waxaan leeyahay xal aan khilaaf aheyn hala raadiyo” ayuu yiri Baadiyoow

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud aya ra’isul wasaarihiisa ku eedeeyay in uusan waxba qaban mudadii uu xilka hayay inkastoo ra’isul wasaaraha uu khilaafka u dhexeeyay isaga iyo madaxweynaha uu ku sheegay inuu  yahay mid dastuuri ah .

Baarlamaanka Somalia oo ku kala qeybsan khilaafka madaxda sare ee dalka qaarkoodna mooshin ka keenay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya aya laga sugayaan go’aan ka gaarida khilaafkan .

Halkaan Hoose ka dhageyso Baadiyoow

Baadiyow

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog dheeri ah: Mooshinka ka dhanka ah R/W Saacid iyo goorta la qaadayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Somalia, ayaa lagu wadaa inuu maalinta sabtida codka kalsoonida u qaado ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, sanad un kadib markii xilkaasi loo magacaabay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somaia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in inkasta oo guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Mahad Axmed Cawad uusan waqtiga si rasmi ah u shaacin, haddana xubno isaga ku dhow laga soo xigtay in sabtida codka la qaadi doono.

Mahad Axmed, oo la rumeysan yahay inuu ka mid yahay xubnaha doonaya in Saacid uu baxo, ayaa lagu wadaa inuu codka qaado, maadaama Jawaari uu ka maqan yahay dalka.

Shalay ayaa baarlamanka Somalia waxaa loo gudbiyey mooshinka oo ay saxiixeen 168 xildhibaan.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa Caasimada Online u sheegay inay iska caddahay in Saacid uusan sii ahaan doonin ra’iisul wasaare, haddiiba baarlamanka uu codka u qaado.

“Haddii 168 xildhibaan ay saxiixeen moshinka, waa ay caddahay in Saacid meesha ka baxayo” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online.

Ra’iisul wasaare Saacid, ayaa waxa uu u baahan yahay ugu yaraan codadka 139 xildhibaan oo siiyay kalsoonida, si uu xilka usii hayo, hase yeeshee xisaab ahaan taasi ma muuqato.

Marka 275 laga jaro 168 oo ah tirada saxiixday mooshinka, waxaa soo haraya kaliya 107 xildhibaan, waaba haddii 275-ka xildhibaan ee BF ay goob joog noqdaan, haddii kalena ka yar, taasi oo caddeyneysa in Saacid uusan heli doono kalsoonida.

Rajada kaliya ee uu lee yahay ayaa ah inay qaar ka mid ah kuwa saxiixay mooshinka ay maskaxdooda beddelaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qabrigii Soomaliya ugu qaalisanaa oo lagu iibsaday 5,000 oo dollar, sabab?

0

Qofka banii,aadamka ahi markii la hubsado inuu dhintay, waxaa la dul saaraa go, taasoo micnaheedu yahay inaan dib loo arki doonin. Waxaana durbadiiba la gudagalaa sidii loo fulin lahaa shuruudda 4ta ah ee Shareecada islaamka ay ku waajibisay ehelka maydka, kuwaasoo ah.

1- In la dhaqo, lana udgiyo maydka,

2- In la karfano maydka,

3- In maydka lagu tukado salaadda janaasada,

4- In la duugo maydka.

Waajibaadka kor ku xusan ma ahan farlul cayn waajib cid walbo saaran, waa farlul kifaaya, waa waajib in aaska maydka ku filan haddii la helo inta kale xil kama saarno.

Reer Muqdisho waxay dhihi jireen: “Dhulka waxaad ku leedahay 2 mitir oo ah rabta dhinacaada midig la dhigaayo marka ruuxa kaa baxo”, marka ay aaska ka soo laabtaanna waxay dhiri jireen: “Hebel wuxuu u hoygay caawa mininkiisii runta ahaa”.

Sannadadii 1960kii ilaa 1978dii, maydadka reer Muqdisho waxaa lagu aasi jiray Xabaalaha Degmada Wardhiigleey oo haatan loo yaqaano If iyo AAkhiro, waxaa madax ka ahaa aun Cali Sheekh Xasan Caddoow, waxaana lahayd dowladda hoose ee Muqdisho.

Hase yeeshee, 15.10.1969kii, waxaa qaranka asiibtay dhacdo murugo iyo naxdin badnayd oo lama filaan ahayd, waa dilkii AUN Madaweynaha dalka Dr. Cabdrashiid Cali Sharmarke ee uu fuliyay askarigii ilaaladiisa ka mid ahaa oo la dhihi jiray Saciid Yuusuf Dheere. Kana dhacay Laas Caanood.

Guddi aas qaran oo ay magacawday xukuumaddii ku-samaha ahayd (acting government) ee aun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu go,aamiyay in madaxweynaha lagu aaso meesha uu hadda qabirigiisa ku yaalo oo loo asteeyay xabaalo qaran (national cemetery) oo lagu aaso madaxda qaran, halkaasoo ahayd dhul bannaan.

19kii Oktoobar 1969kii, waxaa la gudagalay diyaarinta xabaalka. Hase yeeshee, waxaa hawshii xannibay rag fallaaro wato oo ku doodaayay inay goobtaasi lahaayeen, ayadoo ismoogaysiinaayay in dhulka ay dowladda leedahay ama ciddii ay si sharci ah u siiso.

Ra,iisul Wasaare Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo maydka in lagu dul murmo diiddanaa, wuxuu fallaarleydii (arrowmen) siiyay 30.000 shilin Soomaali una dhigantay xilligaa 5,000 dollar bacdamaa heerka sarrif (exchange rate) uu ahaa $ 1=6 shilin. Falkaas baadka ahaa oo isbaarada loogu dhigtay maydkii madaxweynaha wuxuu hordhac u ahaa musiibadiiku habsatay dalka 43dii sannadood ee la soo dhaafay.

Maydkii Dr. Cabrashiid haddii lagu duugi lahaa mowlacii sheekhiisa Muxyaddiin Celi ama Ceelcirfiid iyo Caliyaalo, waxaa lagu sagootin lahaa shirib loogu ducaynaayo. Sannad walbana la siyaara lahaa.

Maalintii qabrigiisa in la qodo la is-hortaagay waa dhacdo murugo badan oo inta aan noolahay qalbigaygaka go,i doonin. Waxaase nasiib wanaag noqotay in 3 maalmood kaddib uu Maxamed Siyaad Barre raggii fallaarleyda ahaa ka soo celyay 30.000kii kun oo ay xaqdarrada ku qaateen oo aysan calfanin, magacxumidana ay ka raacday. Weliba ayadoo fallaarleydaasi ay ogsoon yihiin xanuunka uu leeyahay mayd la yiri halkan lagu aasi maayo.

Axmed Moxamed Axmed

Galmudug oo garoon diyaaradeed oo ka madax banaan P/Land sameysatay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreyay waxaa uu ka hirgaliyay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, garoon diyaaradeed oo ka madax banaan maamulka Puntland.

Garoonkan oo loogu magac daray AUN Marxuum Cusmaan Caato, ayaa la sheegay in uu noqon doono mid ay is-ticmaalaan Maamulka iyo shacabka reer Puntland sida uu sheegay Madaxweyne Cabdiqaybdiid.

Garoonkan ayaa dhismihiisa uu socday in muddo ah, balse shaley ayaa diyaaradii ugu horreysay ay soo caga dhigatay, waxaana la sheegay in uu wax badan ka badeli doono dhibaatooyin in badan dhex mari jiray Puntland iyo Galmudug taasoo ah in maleeshiyaad kala taageersan ay weerarri jireen garoonka AUN C/llaha Yuusuf oo ku yaalla isna Magaalada Gaalkacyo.

Garoonka hadda waxaa la sheegay in ay u dhimman yihiin wax yaabo badan, waxaana maamulka Galmudug ay ka codsadeen jaaliyaddaha ku nool dibedda in ay ka qayb qaataan dhammeestirka garoonkan.

Galmudug ayaa horrey u isticmaali jirtay garoonka diyaaradaha Marxuum Cabdulaahi Yuusuf oo uu maamulo Maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

DHAGEYSO: Baarlamaanka Somalia oo ku kala qeybsan mooshinka SAACID

0

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay mooshin ka dhan ah ra’isul wasaaraha oo qaar ka mid ah xildhibaanada ay u gudbiyeen gudoonka Sare ee baarlamaanka .

Wuxuu sheeegay in xilligan baarlamaanka Somalia ay ku horgudban yihiin howlo badan oo ay ka mid yihin xalinta khilaafka madaxda sare ee dalka , waxaana uu tilmaamay in xildhibaanadu xal laga doonayo iyaga balse aan loo baahneyn inay iyagu xiisada sii kciyaan .

Daahir Amiin Jeesoow, Wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlmaanka Somaliaay yihin kuwa xalka laga sugayo xilligana ay qalad tahay mooshinka ay ka keeneen Xukuumada Somalia taasina ay muujineyso inay garab gooni ah libinta siinayaan

Mudanayaal ka  tirsan baarlamaanka Somalia oo gaaraya ila 168 mudane ayaa shaaly gudoonka Sare ee baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ka dhan ah xukuumada Somalia.

Khadiijo Maxamed Diiriye, oo qeyb ka aheyd xildhibaanada mooshika ka keenay ra’isul wasaare Saacid ayaa shegtay in xukuumada Somalia ay ku dhaliilayaan waxqabad la’aan mudadii ay jirtay ah .

Su’aasha ugu badan dadkun ay is weydiinayaan ayaa ah waxa xilligan mooshinka kusoo beegay iyadoo uu wali jiro khilaafka madaxweynaha Somalia iyo ra’isul wasaraha .

Warar ayaa sheegaya in mooshinkan uu wax ka ogyahay madaxweynaha Somalia inkastoo Khadiijo madaxmeed Diiriye ay sheegtay in Mooshinkan iyo khilaafka madaxda uusan waxiriir ah ka dhexeyn .

Halkaan hoose ka dhageyso Daahir Amiin Jeesoow

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: QM oo hal arrin uga digtay Musharixiinta maamulka Puntland

0

Gaalkacyo (Caasimada online) Wakiilka Gaarka ah ee  QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa Musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada Maamulka Puntland wuxuu uga digay in hantida dadweynaha ay u adeegsadaan ololaha doorashada.

Mr: Key wuxuu sheegay in Musharaxiinta deegaanada Puntland looga fadhiyo inaysan hantida shacabka u adeegsan olalooha doorashada  iyadoo musharaxiinta dadaalo ay  ugu jiraan kasbashada shacabka Maamulkaas.

Isagoo Magaalada Gaalkacyo kula hadlaya danjire Key, ayuu sheegay in Puntland ay ka caawindoonaan qabsoominada doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi isagoona ku baaqay ilaalinta xasiloonida Puntland.

Gaalkacyo waxaa ku sugan qaar ka mid ah rag dhaliilsan siyaasada Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, iyo Musharixiin u hanqal taagya qabashada xilka madaxtimada Maamulka Puntalnd.

Bilowga sanadka Cusub ee 2014 waxaa lagu wadaa in deegaanada Maamulka Puntland ay ka dhacaan doorashada xilka madaxtimada Maamulkaas waxaana musharixiinta qabashad xilkaasi u taagan ka mid ah Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/wali Maxamed Cali Gaas.

Halkaan Ka dhageyso Nicholas Kay

Nicholas Kay

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Video: Dhibka haysta Soomaalida USA

0

Caasimada Online: Soomaalida meel kasta ay ka joogaan Wadamada Dibadda waxaa ku heesto arin ay ka wada siman yihiin taa oo sababta badanaa in ay ku wayaan Shaqadooda waxaana la dhihi karaa waa arin muhiim ah in loo dhaafo shaqada marka ay timaado arinkaa.

Hadaba Wadanka Mareykanya ayaa ugu badan meelaha ay ka dhacaan dhacdooyin badan oo cunsuriyad u badan balse Soomaalida ay qabsato ayagoo arinkaasi ay Soomaalida aysan u helin xaqooda kadib meel ka dhac ay kala kulmayaan Goobaha Shaqada.

HALKAAN KA DAAWO:

DF & QM oo si kala duwan uga hadlay arrin fadeexad ka dhalisay Muqdiho

0

Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka hadashay Wareysi Muuqaal ah oo la soo dhigay baraha Online, kaasoo laga duubay garbar suxufi oo sheegtay in ay xoogeen suxufiyiin u shaqeeya Idaacadda dowladda ay maamusho ee Radio Muqdisho.

Afhayeenka Madaxweynaha Eng Cabdiraxmaan Yarriisow oo war-qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in wareysigaas uu yahay been abuur aan sal lahayn, wuxuuna sheegay in dowladda asyan raali ka ahayn in kufsi lagula kaco gabar Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in gabadha oo 19-jir ah iyo Wariyaha Wareystay in la soo xiray maalmaha soo socdana la soo taagi doono maxkamad.

Wareysiga laga qaaday dhibanaha oo la soo dhigay YouTube, ayaa waxa ay ku sheegtay magacyada ragga kufsaday kuwaasoo handadaad iyo caga jugleen u geestay.

“Waxay qiratay in uu caddaadis saaray Maxamed Bashoor oo ka tirsan Radio Shabeelle,” Eng Yarriisow ayaa sidaas u sheegay Al-Jazeera isagoona intaas ku daray in booliska ay soo xireen wariyaha iyo gabadha la Wareystay.

Dhinaca kale, Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay baarto warkan ku saabsan in gabar wariye ah ay kufsadeen wariyaan u shaqeeya Idaacadda Dowladda.

Bishii la soo dhaafay, ayaa ciidamada dowladda waxa ay weerar ku qaadeen Xarunta Idaacadda Shabeelle, iyagoona xiray dhammaan wariyaashii joogay dabadeedna irdadaha isugu laabay Idaacadda.

Bishii February ee sannadkan, ayaa maxkamad ku taalla Muqdisho waxa ay xukuntay Wariye wareystay gabar ay kufsadeen ciidamada dowladda, waxaana lagu xukumay hal sanno oo xarig ah, balse goordame ayaa la sii daayay.

Wariyahaas tan iyo xilligaas wuxuu ka soo cararay Soomaaliya isagoona u soo wareegay caasimada Uganda ee Kampala.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]