28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Xaaladda marka UNUGYO laga waayo SHAHWADA Ragga iyo daweynteeda !!

0

“Azoospermia” waa xaaladda caafimaad ahaan loo yaqaanno markii la waayo wax unugyo xawo “Sperms” lagu arki waayo shahwada markii la tiranayo.

“Aspermia” waa xaaladda aysanba jirin wax unugyo sperm.

“Oligospermia” waa xaaladda ay yaryihiin unugyada shahwada laakiin ay jiraan.

Xaaladdaada waxaan dhihi karnaa “Azoospermia” anagoo ku dhisayna baaritaanka lagugu sameeyay, Waxayne xaaladdaan keentaa madhalaysnimo, badankeedne waa xaalad la daaweyn karo.

Xaaladdaan waxay ku dhacdaa 1% kaga dhacdaa ragga waxayna u dhigantaa 20% cudurrada keeno madhalaysnimada.

Sabab:

Xaaladda “Azoospermia” waxaa loo kala qeybiyaa 3 qeyb iyadoo loo fiirinayo waxa keeno:

1- Cillad ka horreyso xaniinyaha:
dhibaatadu waa xagga hormoonnada hawlgaliya xaniinyaha in ay soo saaraan unugyada shahwada, hormoonnadaas oo yaraan karo ama la weyn karo markaasne unugyadu ma samaysmayaan.

2- Cillada ka timaado xaniinyaha:

dhibaatadu waa xagga xaniinyaha oo jirrada oo baaba’a ama hawlgabaan, waa dhibaatada ugu badan ee keento cudurkaan.
Waxaa laga yaabaa in xaniinyaha ay maqanyihiin ama ay si aan caadi ahayn u samaysan yihiin oo qofku ku dhashay ama in cudur ku dhacay uu saan ka dhigay.

3- Cillad ka dambeyso xaniinyaha:
dhibaatadau waa meeshii ay soo mari lahaayeen unugyadii shahwada ayaa xiran laakiin waa la sameeyay oo hormoonno way jiraan, xaniinyahiina way shaqeynayaan.

Baaritaan:

Waxaa xaaladdaan la ogaadaa markii qofka la baaro isagoo ka cabanayo madhalaysnimo iyadoo shahwada la falaanqeeyo.
Laakiin tan kaliya waxba ma tarayso haddii bukaanka aan warbixin buuxdo laga qaadin lana wiisiteyn maxaa yeelay waxaa loo baahanyahay waxyaabo badan oo lagu ogaanayo waxa keenay cilladaan.

Waxyaabaha la rabo in takhtarku ogaado waxaa ka mid ah:

1- In horray qalliin u soo maray bukaanka (qalliin kaadimareenka, kaadiheysta, xaniinyaha, qnajirka borostaytka)
2- Warbixin ku saabsan xagga galmada sida kacsiga, himada, biyo baxa iyo wixii la xiriiro.
3- In horay uu u qaatay daawooyin ama wax kiimiko ah uu la kulmay maadaama ay keeni karaan dhibaatadaan.
4- Heerka hormoonnada LH, FSH, iyo TESTOSTERONE la ogaado in ay caadi yihiin.
5- In baaritaan buuxa lagu sameeyo xaniinyaha iyadoo laga fiirinayo waxyaabo badan.

Daaweyn:

Cilladu haddii ay tahay mid ka baxsan xaniinyaha oo ah midda 1-aad iyo 3-aad waa la xallin karaa badanaa laakiin midda ka dhalata xaniinyaha badanaa way raagtaa.

Daawaduna waxay ku xirantahay haddii hormoonnada ay yaryihiin ama ay maqanyihiin in badalkooda lagu siiyo haddii ay shahwadu xannibantahayne in marin loo sameeyo oo qalliin laguug sameeyo.

Talo:

La xiriir takhtar “Urologist” isagaa kaa caawin doono arrintaan baaritaannada aad u baahantahayne kuu diri doono inshallah.

Ahlu-Sunna oo go’aan ka soo saartay Manhaj la rabo in dalka laga hirgaliyo

0

Dhuusamarreeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu Sunna ee gobalada dhexe ayaa war ay soo saareen ku sheegeen in deegannadooda laga mamnuucay manhajka cusub ee dalka la dhiggo xilligan.

Kulan ay seddaxda golle Ahlu Sunna ku yeesheen magaalada Dhuusamarreeb ayaa looga dhawaaqay in manhajkaas aan laga dhigi Karin deegannada ay maamulaan, waxaana ay sheegeen ciddii lagu arko in tallaabo laga qaadi doono.

Madaxa waxbarashadda Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir oo kulanka ugu horreyn ka hadlay ayaa sheegay in Manhajkaas ay ka buuxaan wax yaabo ka dhan diinta Islaamka sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Ahlu Sunna ay isku raacday in la mamnuuco manhajkaas oo ay saareen daladaha waxbarashadda ee ka dhisan dalka.

Sheekh Cabdirisaaq Al Ashcari oo ah guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlu Sunna ayaa isna madaxda dowladda ugu baaqay in la joojiyo manhajka cusub ee ay saareen daladaha waxbarashada dalka, gaar ahaan Dugsiga Sarre iyo Kan dhexe.

Isku duub, go’aankan ka soo baxay Ahlu Sunna waxaan ka jawaabin daladaha waxbarashada ee dalka ka dhisan.

Markii ugu horreysay 21-sanno ayaa daladaha waxbarashada ee dalka ay midoobeen sidaas oo ay tahay haddana waxa ay dhigaan waxyaabo ka baxan Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Khaatumo State oo u digtay Puntland

0

Taleex (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Maxamed Yusuf Jaamac Indho Sheel Wuxuu digniin udiray Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole taas oo ku aadan arinta Maamulka Khaatumo State.

Wuxuu sheegay in Maxaxweyne Faroole uu uga digayo faragelinta uu shegay inuu ku hayo deeganada Maamulka Khatumo, waxaana uu sheegay in hadii uusan joojin ay ka dhalaneyso Dhibaato sida uu sheegay soo gaarta shacabka reer Puntland.

“Waxaan rabaa inaan fariin udiro Ninka la leeyahay Madaxweynaha Puntland Faroole waxaan odhan lahaa waan kula talinayaa waxaan leeyahay balo aan kuusoo jeedin ha isku soo jeedin colaadeena meel ayeey kusii jeeda ha isku soo jeedin, colaadeena meelbay ku jeedaa ha isku soo jeedin”Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Khaatumo.
Sidoo kale Indho Sheel Wuxuu digniin ujeediyay Musharaxiinta utaagan hogaanka Maamulka Puntland, waxaana uu ugu baaqay inay ka digtoonaadaan inay faragelin kusoo sameeyaan Maamulka Khaatumo .

Laba sabo ka hor ayuu sheegay in Maamulka Khaatumo, uu kago’ay maamulka Puntland iminkana uu yahay maamul iskiisa utaagan oo aan cidi ubaahneyn sida uu hadalka u dhigay.

Maamulada Puntland iyo Khaatumo oo aqoonsi ka heysta dowlada Somalia ayaa ku muransan gobolada Sool , Sanaag iyo Ceyn inkastoo sidoo kale Maamulka Somalia uu goboladaas is xijiyo.

Dhowaan madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday taleex wuxuu sheegay in shir aysan iyagu ka war heyn aan deegaanada Maamulkaas lagu qaban karin .

Caasimada Online
Xafiiska Taleex
[email protected]

War cusub: Kenya oo ku biirtay la dagaalanka Burcad badeeda Somalida

0

Nairobi (Caasimada online) Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay qeyb ka tahay howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Somalia  ah ciidamo badana ay ka joogaan xeebaha Somalia.

Afhayeenka ciidamada Kenya  Major Emmanuel Chirchir ayaa sheegay inay ciidamo kuwa badda ah iyo maraakiib dagaal ay usoo direen xeebaha Soomaaliya si ay uga illaaliyaan burcad badeeda Soomaaliyeed.

Waraysi uu  siiyay wakaaladda wararka Shinwa ee  Shiinaha laga leeyahay ayuu ku sheegay in ciidamadooda badda ay ku biireen ciidamada caalamiga ah ee biyaha Soomaaliya ku sugan.

Major Emmanuel Chirchir wuxuu sheegay in ciidamadooda ay iminkaba howlo rondo ah ka bilaabeen xeebaha Soomaaliya gaar ahaan xeebaha magaalada Kismaayo ka ag dhaw halkaasoo uu sheegay in dhawr jeer burcad badeedu afduub ka geysteen.

“Ciidamadeena badda waxay hadda ka mid yihiin ciidamada la dagaalama burcad badeeda waana ka hor tagaynaa weerarada burcad badeeda haddii ay isku dayaana xoog ayaan u adeegsan doonaa” ayuu yiri Emmanuel Chirchir oo ah afhayeenka ciidamada Kenya.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay dalalka ka mid noqonaya howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Somaliada ah ee Atlanta , waxaana tiro koob dhowaan la sameeyay lagu sheegay in sanadihii ugu dambeeyay ay hoos usii dhacayeen weeraradii ay geysan jireen Burcad bacdeeda.

Dad badan ayaa aaminsan in dowlada maraakiibta usoo diraya Somalia aysan dooneyn la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliyeed balse ay guranayan qeyraadka dalkeena .

Dowlada Somalia waxay dhowana ku baaqday in iyada lasii qarashka lagula dagaalamayo burcad badeeda Ciidamadeeda badana la tayeeyo si iyaga ay u ilaaliyaan xeebaha Somalia.

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Yemen oo muujisay dhibaatada ay ku qabto Soomaalida ku sugan dalkeeda

0

Sanca (Caasimada online) Madaxweynaha dalka Yemen Cabdi Mansuur Hadi oo waraysi siiyay wargeyska Sharqul Awsat ayaa ka hadlay tirada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi iyo shaqooyinka qaabka ay ku helaan.

Madaxweynaya ayaa sheegay in maalmo ka hor shir looga hadlayo arimaha qaxootiga uu ka dhacay dalkaasi Yemen, kaasi oo ay ka qeyb galen ururo caalami ah oo ku shaqo leh arimaha qaxootiga, iyadoo kulankaasi looga hadlayay sidii wax loogu qaban lahaa qaxootigaasi.

“Waxaa hadda nala jooga 1.1 milyan oo qaxooti Soomali ah waxaay halkaan ku heystaan shaqooyin oo ka caawiya dhibaatootinka heysta inkastoo shaqo la’aan ay ka jirto dalkaan, waxaana maalmo ka hor qabanay kulan loga hadlayo arimaha qaxootiga”ayuu yiri madaxweynaha Yemen.

Qaxootiga ugu badan ee ku sugan dalkaasi Yemen ayuu sheegay inay u kala dhasheen dalalka Soomaaliya iyo Eritrea iyadoo ay ku jiro tiro qaxooti Sudan iyo Ethiopian ah, kuwaasi oo dalalkooda sababo jiro dartood uga cararay.

Madaxweynaha dalka Yemen ayaa sheegay in gobolada dalkiisa ay ku bateen dadka qaxootiga ah ee ka kala imaanaya dalalka Africa isagoo sheegay inay u bahan yihiin in lagaa caawiyo sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday ururada xiriirka la leh Alqaacida iyo burcad badeed, isagoo sheegay inay ku sugan yihiin dalkaasi oo caalamka kamid ah, isagoo sheegay in marar badan duqeymo ay dalkiisa ka dhaceen kuwaasi oo lala eegtay ciidamada amaanka ee dalkaasi Yemen.

Caasimada online

Xafiiska Sanca

[email protected]

JAWAARI oo hadal uusan ku farxain u sheegay Saacid, kadib kullan xasaasi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo kusugan madaxtooyada Soomaaliya waxaa xalay Kulan Xasaasi ah Madaxtooyada ku yeeshay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay Dalka Dib ugu soo laabtay iyo R/Wasaare Saacid.

Kulanka labada dhinac ayaa ahaa mid xasaasi ah oo ilbaabada u xirnaayeen waxaana aad u yar xogaha laga heli karay kulanka labada Masuul , hasa ahaatee xildhibaano wax badan kulankaasi kala socday ayaa noo xaqiijiyay in diirada lagu saaray Khilaafka Madxaweynaha iyo R/Wasaaraha iyo sida xaalka ku dambeyn doono.

Wararka  laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaaari uu R/Wasaare Saacid ku qanciyay in uu iscasilo maadama Xildhibaano aad u badan ay saxiixeen Mooshinka lagu ridayo.

R/Wasaare Saacid ayaa loo sameeyay balan qaadyo kala duwan hadii uu iscasilo kahor inta aan codka kalsoonida loo qaadin , laman aga in Raizul Wasaaraha uu aqbalay balan qaadayada loo sameeyay ee ku xiran iscasilaadiisa.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha amuurtan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Caasimada Online

Xafiska Muqdiho

[email protected]

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo la hadlaya Soomaalida (Faah-faahin)

0

Dhadhabaab (Caasimada Online) Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Kenya Joseph Ole Lenku ayaa maanta booqday xeryaha qoxootiga dalka Kenya.

Wafdigga oo ay la socdeen danjiraha Soomaaliya ee Kenya iyo saraakii ka socda hey’addaha gargaarka ayaa waxa ay kulamo la qaateen qoxootiga Soomaalida, kuwaasoo ay u sheegeen in ay isku diyaariyaan siddii ay dib ugu laaban lahaayeen waddankooda.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa u faah-faahiyay qoxootiga heshiis seddax geesood ah oo dhex maray labo toddobaad ka hor Kenya,  Soomaaliya iyo laanta qaxootiga ee Qaramada Midoobaykaasoo ku saabsan siddii dib loo celin lahaa qaxootiga doonayo inay noqdaan.

Waa wafdigii labaad oo booqda xeryaha qoxootiga Kenya oo martigaliyay nus malyuun qoxooti Soomaali ah, shaley ayey ahayd markii danjiraha Soomaaliya ee Kenya iyo xubno hey’addaha gargaarka ay la kuleen horjoogayaasha qoxootiga Soomaalida.

Si kastaba, dadka wax saadaliya waxa ay lee yihiin waxaa muuqata in dadka deggan xeryaha qoxootiga Kenya aanay weli diyaar u ahayn in ay ku laantaan dalkooda.

Howsha dib loogu celinaayo qoxootiga ayaa qaadan doonta muddo seddax sanno ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

SOMALILAND oo xafiis diplomaasi ka furaneysa Ankara (Xog cusub)

0

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in uu xafiiska diplomaasi uu ka furan doono magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Hadalkan ayaa laga sheegay magaalada Hargeysa kaddib shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Kamaal.

Wasiir Biixi ayaa tilmaay in danjiraha Turkiga oo shaley soo gaaray Hargeysa in uu maanta la kulmay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradda maamulkiisa.

Danjiraha ayaa la kulmay Madaxweynaha Siilaanyo , waxayna ka wada hadleen mashaariic laga fuliyo Somaliland.

“Annigoo halkan la taagan safiirka Turkiga oo ay la socdaan niman badan oo ah ganacsado Turki ah waxaana ka wada hadalnay siddii loo xoojin lahaa xiirka labada waddan iyo siddii iskaashi ballaaran oo dhinaca ganacsiga iyo dhaqaalaha ku saabsan, waxaanu go’aansanay qunsilyad Turkigu in uu halkan ka furto annagana Turkiga ayaan ka furaneynaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in danjiruhu ay ka wada-hadleen siddii loo sii wadi lahaa wada-hadalada Somaliland iyo dowladda Soomaaliya.

Danjire Kamaal ayaa isna yiri  “Waxaa ka mid ah ujeedada socdaalkeyga Somaliland sidii loo sii wadi lahaa wadahadaladii Turkigu martigelinayay ee u dhaxeeyay maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, inkastoo ay jirraan mawduucyo siyaasiya ah haddana waxaan rajeynaynaa in la sii wadi doono wada hadaladan” ayuu yiri danjiraha Turkigu, safiirku waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa Somaliland, waxaanu xusay in wadankiisu kala shaqeyn doono horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqaalaha.

Turkiga ayaa wada hadalo u wada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland waxaana bishan lagu waday in ay yeeshaan kulan kale, balse waxaa dib loogu dhigay bisha na soo aaday ee December.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Xasan iyo Saacid oo furaya Albaabkii Isbedelka !! (Sheeko xiiso badan)

0

Mar aan  booqdey mid ka mid ah Hotelada Muqdisho ayaa waxaa ku arkey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo Shan Shan iyo Laba laba u fadhiya mid ka mid oo I garanayey ayaa intuu soo istaagey igu yiri “Wariye Raiisul Wasaare Saacid waa u Dhamaatey “ markaas baan ku iri “ oo sidee ayey ugu Dhamaatey “ markaasuu I yiri” inta Jeebka Warqad kala soo baxay oo i yiri” Fiiri Inta Xildhibaan ee ku saxiixan “ waxaan ku iri” oo maxay yihiin Xildhibaanada halkaan ku Saxiixan “markaasuu i yiri “Waa Xildhbiaanadii ridi lahaa Raiisul Wasaaraha “ inta yaabey ayaa waxaan iri “Waa yahay Mudane “ Warqadda uu I tusey  waa magacyo keliya ,kuma Xusna Sababaha loo ridiyo Raiisul Wasaaraha marka waxaa ii soo baxadey in Xildhibaanada ay weli wax ka qaldan yihiin , waxaa ka sii yaab badan in Xildhibaanadii la is lahaa  waa ugu roon yihiin in Siyaasadii Baarlamaanka ay ku lafa gurayaan  Hoteelada Dhexdooda.

Xidhibaanadii hore ayaa  Shacabka waxay u bixiyeen “Fadlan ku Shubo” maanta waxaa muuqata in Xildhibaanada jira  maanta ay la soo baxeen Dhaqamadii hore ay u lahaan jireen Xildhibaanadii hore waxaana ka mid ah Kulamadii ka dhacay Hotelada, Warbaahinta oo laga hadlayo, is Xulufeysi, iyo qaab Qabiil oo loo shirayo marka waxaa Dhab noqon rabta in Xildhibaanadu aaney wax isbedel ah la imaan, waxaaba yaab leh markii la maqley in Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha ayaa is Khilaafey ayaa waxaaba Durba soo yeerey Mooshin baa laga geeyey Wasaaraha , Hadaba in Mooshin laga geeyo Raisul Wasaaraha ma Xuma hase yeeshee Waxaan arrinkaan wax ka weydiiyey mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo diidey Magaciisa in la sheego waxaa uu yri “Sharci ma aha in Xildhibaanadu yiraahdaan Mooshin baa laga geeyey Raiisul Wasaaraha , waxaa ii muuqata in Khilaafka labada Masuul in looga faaiideysanayo Mooshin waxay ahayd in Xildhibaanadu Dhexdhexaad ka noqdaan Khilaafka taagan ama Xal ka gaaraan waxa ay isku hayaan Labada Masuul islamarkaan ay si qota dheer u ogaadaan waxa keeney Khilaafkal.

“Boqolkiiba Sagaashan iyo Sagaal labada Masuul waxay isku hayaan oo Khiaalfkoodu uu ka dhashey Liis uu Raiisul Wasaaraha uu u Gudbiyey Madaxweynaha oo ahaa isku Shaandheyn uu  Golaha Wasiirdu uu ku sameeyey Raiisul wasaaraha taasoo u Cuntamiweysey Madaxweynaha markii uu liiska ka waayey Rag isaga ku dhow Dhow” ayuu yiri Xildhinaan ka tirsan Baarlamaanka  mar uu ii waramayey diideyna in aan Magaciisa sheego waxaa uu sii daba dhigev  “ Waxaa Xaqiiqo ah in Raiisul Wasaare Saacid uu yahay nin Af Gaaban markuu hadlayana si Qurux badan u hadlaya marka hadii uu Madaxweyne Xasan meesha uu ka saaro Saacid uu keeno nin kale waxaa Dhab ah in hadii uu mar kale Khilaaf yimaado  in meesha uu banayenayo Xasan Shiikh marka waxaan ku talinayaa in Khilaafka si hoose loo dhameeyo taasoo ummada Soomaaliyeed dan ugu jirata”

Marka Caalamka loo fiiri Khilaafka Labada Masuul waxay sheegeen raga Siyaasada Oodorsa  in  uu Sabab u noqon karo  in wixii ka soo baxay Shirkii Brussels ee ay Dowladda Hanti fara badan looga yaboohay in ay meesha ka  baxda oo Caalamku uu u arka Dowladda maanta jirta mid aan ka shaqeyneyn Danaha Ummada Soomaaliyeed islamarkaana aan ka Duwanayn Dowladhii Ku meel gaarka ahaa ,sidoo kale Siyaasiyiintaan waxay leeyihiin Khilaafkaan waa u jirey markii horeba waayo Wasiiradii Madaxweynah uu keeney ayaa waxay la shaqeyn waayeen Raiisul Wasaaraha ,waxaana jira warar sheegaya in Shirka Wasiirada ay inta badan aaney soo xaadirin Wasiiradaas, iyadoo dadka u kuur gala Siyaasada Soomaaliya ay leeyihiin Raisuul Wsaaraha waa uu Dul qaatey waayo Dastuurka ayaa u saamaxaya in wasiirkii aan Gudan Shaqadiisa uu Raiisul Wasaaraha uu eryi karo,hase yeeshee taasi ma sameyn Raiisul Wasaaraha ee waxay ahayd  arrintu in Raiisul Wasaare Saacid ee ragaas meesha ka saaro Amaamusnaatiisi iyo Dulqaadashadiisa waxay keentey in markii uu damcay in uu bedelo  uu Madaxweynaha uu ku Gacansayro oo isagiiba la yiraahdo Iscasil”.

Sida ay Shacabka hore u sheegeen mar ay ka hadlayeen Khilaafka Labada Masuul ayaa yiri “waa Malkiilayaal iyo Shaqaale waxa is haya waayo Kursiga Koox ayaa lacag badan ku bxisey marka oo meesha iskama imaan marka Kooxda Saacid waa Shaqaale marka Malkiilayaal iyo Shaqaale is qabtaan waxaa meesha ka baxay Shaqaalihii sidaa Darteed dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay iska suga marka ay Timaado Doorasho Xalaal waxaana Xaqiiqo ah in Dowladaan ay raacdey wadadii kuwii ka horeeyey Suurta galna ma aha in labada masuul inta heshiiyaan sidaa loo wada shaqeeyo, sidoo kale Baarlamaankii ayaa isna marey mid la mid ah Wadadii  kuwii ka horeeyey oo waqtigoodii ku dhamadey is qab qabsi Dhexdooda ah , Qolo kale ayaa qabta in Iscasilaada laga Dalbadey Raiisul Wasaare Saacid ay tahay mid la doonayo in lagu baabi’yo Fadeexadii lagala kulmey Gudoomiyihii Banki-ga Dhexe Yusur Abraar ka dib markii ay is Casishey maalmo ka dib iyadoo sheegtey in Sababah ay isku Casishey ay tahay Hanjaabdyo ugu yimid Rag ku dhow Dhow Madaxtooyada .

Bulshada Rayidka oo iyadu Kulan ka qaadatey Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo Raiisul wasaare Saacid waxayna Codsadeen in marka hore Bulshada loo Cadeeyo waxa la isku Khiaafey ,waxay kaloo soo jeediyeen in Xildhibaanada Baarlamaanka ay Dhexdhexaad ka noqdaan Khilaafka Labada Masuul, waxay  sidoo kale ay soo jeediyeen in Hantida Ummada Soomaaliyeed ee ay hayaan aan loo istcmaalin Danno gaar ahaaneed , waxay Bulshada ka Codsadeen Golaha Wasiiradaay ay sii wadaan Howsha ay Bulshada Soomaaliyeed u hayaan , sidoo kale  waxayna Bulshada  ay Khilaafkaas u saareen Laba Guddi oo mid uu yahay La Xaajoodka Labada Dhinac iyo Guddi loogu magacdarey Guddiga  Wacyigelinya  hadaba maxay ka bedeli karaan Bulshada  rayidka Khilaafka labada Masuul iyadoo la og yahay in aaney horey u dhiicin Khilaaf la xaliyey si loo wada shaqeeyo.

Ugu Dambeeyn Khilaafka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ayaa la ogeyn halka uu ku dambeyn doono iyadoo dadka qaar ay leeyihiin Raiisul Wasaare Saacid uu yahay nin aan dheg jalaq u siinin wararka  maalmahaan la isla dhex marayey oo ay wadeen qaar ka mid Xildhibaanada oo ah in Mooshin la keeney markii lagala Quustey in uu Iscasilo taasina waxay ku tusineysdaa in Raiisul wasaare Saacid  uu u muuqda nin aan sidaa ku tageyn sidoo kale Madaxweynaha ayey leeyhiin Dadka qaarkii in ay dani ugu jirto in Raiisul Wasaare Saacid uu sii Shaqeeyo   waayo haddii maanta la furo Wadada lagu Bedelayo Masuuliyiinta Dowlada in ay iyana Qolada maanta u Durbaan Tumineysa in iyana markooda la eryi doono marka waxaa Qoraalkaan ku soo Gabagabeynayaa  Xasan iyo Saacid oo Furaya Albaabkii Isbedelka. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail [email protected]

E-Mail  [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

   

War Farxad leh: Ciyaariyahan KENYAN ah oo diinta Islaamka qaatay + Cod

0

Muqdisho (Caasimada online) Mid kamid ah Ciyaarhanada u ciyaara Kooxda kubada cagta ee Banaadir Super Sports Clup  oo u dhashay dalka Kenya heystayna Diinta Kristanka ayaa maalinnimadii shalay waxa uu qaatay Diinta Islaamka.

Marshal Simson oo imika la baxay Magaca Muxamed ayaa Shalay qaatay Diinta Islaamka qaatay, isagoona Kooxda uu u Ciyaaro ee Banaadir Telecom u qaata Numberka 12-aad.

Mar aan la xiriirnay Muxamed ayaa saaxiibkii oo ay Kooxda uwada Ciyaaraan waxa uu inoo sheegay in uu ku maqan yahay Masaajidka oo uu u aaday tukashada Salaada Duhur.

Abuukar Maxamed Sheekh “Afweyne” Waa gudoomiyaha Kooxda kubada cagta ee Banaadir Super Sports Clup,  waxa uu faah faahin ka bixiyay qaabka uu usoo Islaamay Marshal Simson oo imika la baxay Muxamed.

Maxamed ayaa tan iyo markii uu kusoo biiray Kooxda asxaabta ay wada ciyaaraan u sheegi jiray inuu jeclaan lahaa inuu diintooda ku biiro isla-markaana ay tahay diin wanaagsan .

Gudoomiyaha Kooxda Banaadir Super Sports Clup  ayaa sheegay inay ku dadaaleen sidii Maxamed uu Diinta islaamka ku qadan lahaa ugu dambeyna ay ku guuleysteen .

Ciyaariyahanka Maanta diinta Islaamka qaatay ayaa ah Ciyaariyahankii ugu horeeyay ee Kenyan ah ee Horyaalka heerka 1-AAD ee dalkeena gool ka dhiya waana ciyaariyahan weerarka ka ciyaara .

Halkaan  Hoose ka dhageyso  Abuukar Maxamed Sheekh

Milkiilaha kooxda Banaadir

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO iyo qoraal cajiib ah: JASIIRADDA Carbeed iyo Mucjisada Nebiga NNKH

0

Bismillaah wa kafaa, wal xamdulillaah, Allahumma salli calaa Muxammad.

Aqristahayaga qiimaha badanow, mowduuca aynu icjaazka Islaamiga maanta kusoo qaadan doonno, waa arrin aanan cusbeyn laakiin aan is oran karno dadka qaar bay ku cusbaan doontaa, taasoo muujineysa mucjiso aad u weyn oo kamid ah mucjisooyinka Nebigeenna suubban Muxammad bin Cabdillaahi nabad iyo naxariisi Eebbe ha u siyaadiyo’e.

Wax badan waxaynu soo aragnay howlaha caafimaadka isagoo ina baraya, halkaasina wuxuu kaga dheereeyay dhaqaatiirka, tolow ma dhakhtar buu ahaa? Waxaynu soo aragnay isagoo ina baraya hab taariikheed hore, inoogana qisoonaya arrima dhacay oo aanan si sahal ah lagu ogaan karin, tolow ma taariikhyahan buu ahaa? Waxaynu soo aragnay isagoo ina baraya habka la isu difaaco iyo qidaha iyo taatikada dagaal, tolow ma Jeneral buu ahaa iyo khabiir waayo usoo joogay? Wax kastoo cilmiga iyo tiknoloojiyada maanta joogaahi ay ka qeyb qaateen amaba ay sii kobciyeen, oo ay adkeyd in muddo 14 qarni iska daaye xataa aanan la ogaan kari lahayn hal qarni kahor xilliga aynu maanta joogno, baa uu Muxammad (NNKH), ina baray amaba uu inooga qisooday waxyaaba maanta lagu helaya aqoonta casriga.

Waxa kani oo dhami ma ahayn wax agtiisa ka yimid, ee waxay ahaayeen wax kusuurtoobay waxyi Rabbaani ah, iyo risaala xagga Rabbi uga timid basharka, taasoo isagu looga soo wakiishay toddobada sama dushooda.

Wax kastoo aynu soo aragnayba, waxaanu maanta arki doonnaa in nebi Muxammad, uu inoo sharraxaya 14 qarni immikan la jooga kahor, waxa uu yahay cilmiga Geology-ga.

Aqoonta Geology-ga oo kobacday teknoloogiyadan cusub kadib, oo ay adkeyd daba galkeeda iyo in wax badan laga ogaado kummanaan sano oo hore oo jiri jiray, baa nebi Muxammad (NNKH) uu wax inooga sheegayaa casri aanay jirin qalab uu u adeegsanaya arrinkaas.

Nebi Muxammad (NNKH) waxaa uu yiri xaddiis saxiixa oo laga soo weriyey Abii Hureerah oo uu soo werinaya iimaam Muslim dhexdiisa sida tan

 يرويه لناأبو هريرة رضي الله عنه، أن رسول الله -صلى الله عليه وسلم- قال(لا تقوم الساعة حتى يكثر المال ويفيض، حتى يخرج الرجل بزكاة ماله فلا يجد أحدا يقبلها منه، وحتى تعود أرض العرب مروجا وأنهارا) رواه مسلم.

”Saacadda Qiyaamuhu dhici mayso jeer uu bato maalka, oo ay dhacdo in nin uu lasoo baxo zakaatka, oo uu waayo cid uu siiya ama ka aqbasho, iyo illaa uu dhulka Carbeed (waa gasiiradda iyo hareeraheeda) kusoo laabto maruuj iyo webiyo”. Waxaa weriyey Muslim.

Kalmadda maruuj, mustalix ahaan waxaa loola jeedaa dhulka geedaha iyo dhirta iyo daaqa badan leh ee barwaaqada ah ee xayawaannadu ay xaggiisa usoo hayaamaan.

Xaddiiskani waxaanu ka fahmaynaa in halkaasi meesha gasiiradda Carbeed iyo hareeraheeda, waa dhulka maanta ah angeegga ee yaabiska ahe, inay ahayd beri hore meel maruuj iyo webiya badan lahayd. Waxaa taas inoo caddeyneysa oraahda nebiga (NNKH) ee ah illaa ay lusoo ”laabato”. Sidaynu ognahay laabasho waa wax dhacay oo muddo kadib sidii oo kale u dhacaya. Haddii aanay wuxu horey u dhicin, lama oran karo laabasho, waayo taasu waa markii koowaad. Sidaa darteed baanu ka fahmaynaa hadalka nebiga ama xaddiiskiisa in ay dhulkaasi ka jiri jirtay webiyo iyo cagaar iyo barwaaqo aad u baaxad weyn.

Waqtiga uu nebi Muxammad (NNKH) sidaasi oranaya ma jirin fikrad kale oo arrinkaasi ayyideysay amaba jirtay xilligaas, mana jirin cid kale oo la qabtay arrinkaasi, waayo dhulkaasu xilliga uu ahaa sida uu nebigu tilmaamaya waa waqti aad u fog oo kumanaan sano ah sida immika ay culimada Geology-ga ku ogaadeen baaritaanno baaxad leh.

Xaqiiqada arrinkani ayaad mooddaa inaynu maanta arkayna ayadoo si cad u muuqato, waxaana cajiib ah, in culimada cilmiga Geology-ga haba ugu badnaadeen kuwa reer galbeedka ahe (maaddaama ay yahiin kuwa ugu horreeya) ay immika soo bandhigayaan caddeyma ah in dhulka Carbeed iyo gasiiradduba ay ahaayeen dhul aad barwaaqo sooran u ahaa oo dugaaggu uu si aad ah ugu noolaa.

Haddii aad gasha maqtacaan yar ee youtube-ka, waxaad arkaysaa Drs British ah oo xubin ka ah Jaamacadda Bristol oo sharraxaysa cusuurtii ay Jasiiradda Carbeed iyo bariga dhexe ay ahaayeen dhul barwaaqo sooran ah. 25 000 oo sano kahor, waxaa ay leedahay dhulka Sacuudi Carabiya wuxuu ahaa dhul barwaaqo sooran ah oo dugaaggu uu aad ugu badnaa.

Dhankaasi waxaa ka rummoobay oraahda xaddiiska ee tilmaamaysa in dhulka gasiiradda iyo Carbeed uu beri hore ahaa dhul maruuj iyo webiyo badan.

Dhanka kale waxaa xaddiiska ka muuqatay arrin shardi ahaan u muuqato oo ahayd ”Qiyaamuhu dhici mahaya jeer uu dhulka Carbeed kusoo laabto siduu macnaha ahaa oo ah maruuj iyo webiyo. Shuruudda ay Qiyaamuhu ku dhacaysaahi waxaa kamid ah in marka hore ay gasiiradda iyo dhulalka u dhaw dhaw ay noqdaan barwaaqo oo balliyo iyo webiyo iyo haro ay yeeshaan oo ay noqoto barwaaqo sooran.

Inkastoo Qiyaamuhu dhiciddeedu ay leedahay ashraat badan ama calaamada caddeynaya goorta la gaari doono, oo ay arrintanina kamid tahay, in badan oo calaamadahaasi kamid ahina aynu maanta arkayna, haddana maanta inoosoo bidhaamaya muuqaalkii calaamaddan kamidka ah calaamadaha Qiyaamaha. Waxaa rummoobaya shardi kamid ah shuruuddii ku xirneyd dhicidda Qiyaamaha.

Maalmahan gasiiradda Carbeed waxaa ka da’ayay roobab baaxad leh, oo dhaliyey shallaalaat iyo buxeyrooyin waaweeyn. Shallaalaat waa biyaha meelaha sare kasoo shubma, waxayna ku badan yahiin meelaha barwaaqa sooranka ah ee dhirta bidan. Roobabkani ayaa sababay in dhulku uu yeesho buxeyrooyin iyo haro waaweeyn oo aad moodeyso kuwa horey u jiri jiray.

Si aad u daawato mucjisadaan, fadlan ka daawo video-ga ku jira page-ka akhbaarta caalamiga ee Al Carabiya ee hoos kamuuqdo.

Halkan ka arag

Intaa kadibna, ma hanan karayno inaanu wax kale oranno, oo aynaan ka ahayn Subxana-Allaah. Tani waa mid kamid ah mucjisooyinka nebigeenna suubban (NNKH) ee Allaah sarreeye uu siiyey.

Yaa nebi Muxammad (NNKH) 14 qarni kahor u sheegey in dhulkaasu uu ahaan jiray dhul maruuj (barwaaqo ah oo balliyo, haro iyo shallaalaat leh) iyo webiyo badan? Yaase u sheegey inuu sidaasi kusoo laaban doono? Kumuu ogaan teknoloogi iyo qalab casri ah, balse arrinku waa waxyi Rabbaani ah. Alla may ku waantoobaan oo ay rumeeyaan kuwa dhoohani, Xabiibka uu Rabbi xaggooda raxmad ahaanta ugu soo diray.

Tani waxay muujineysaa dhawaanshaha Qiyaamaha, waana astaan kamid ah astaamaha dhicidda Qiyaamaha.

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]

11 khasaare oo khilaafka Xasan Sheikh iyo Shirdoon Saacid laga dhaxli doono

0

Muranka madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Somalia wuxuu niyad jab iyo dib u dhac ku yahay dalka. 11 arimood oo muhiim ah ayay dhici kartaa in khasaare laga faa’iido, waxaana ay kala yihiin.

1. Soo celinta ammaanka iyo la dagaalanka Argagixisada

2. Dib u heshiisiitna iyo is cafinta

3. Heshiiskii Jubba oo ahaa in muddo 6 bilood ah maamul loo dhanyahay la dhiso, dekadda iyo garoonka dowladda dhexe lagu wareejiyo

4. Dhismaha Ciidanka Soomaaliya

5. Caalamka oo isku raacaya in dadka Soomaaliyeed aysan ku heshiin karin xita agaasine waaxeed.

6. Lacagtii New Deal oo sida caada aheyd aan soo dhaafi doonin Nairobi haddiiba la soo diro.

7. Midnimada iyo wada hadalladii Somaliland oo dib u dhac ku imaan doono.

8. Haddii ay dhacdo in Raisul Wasaare kale uu yimaado muddo 6 bilood ah ka yar kuma fahmi karo sida ay shaqeyso Villa Somalia iyo OPM iskaba dhaaf inuu dalka iyo dadka wax u qabto, markuu fahmana sida ku qoran dastuurka la dhihi doonaa -iska bax mudane howshaadiisii waa gudan weysay.

9. Murankeena iyo qab-qabsigeenu wuxuu guul iyo farxad u yahay dalalka deriska ah, hey’adaha ku qaraabra magaca Soomaaliya iyo AMISOM ee taa ha la ogaado.

10. sagaalkaas qodob markii ay dhacaan waxaa ku xiga in max miyad ama UN trust-ship si toos ah naloo galiyo, awood aan isku dhaqaajino ma imaan doonto markaas, waayo ciidan AMISOM oo 20-kun ah ayaa dalka jooga, kaddibna waxaa talada dalka loo dhiibi doonaa nin African ah oo xitaa aan ingiriis ku hadlin.

11. Wax kasta oo nagu dhaca inagaa masuuul ka ah, ee aan hadda is qabano Soomaaliyeey, aan Rabbi u tooba kenno, isku oggolaano inaan iscafino, wada shaqeyno, wada noolaanno, is xushmeyno, is aaminno, is farno wannaaga.

Hassan Sheekh iyo Shirdoon Saacid ma loo kala dab qaadi waayay? ma qilaafka iyo waji dadabka ayaan ku qanacsannahay? Ragga hala heshiisiiyo.

W/Q: Faarax Maxamed Cali Blue

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Maxaa Maanta ka cusub Jowhar ?

0

Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas saacadaha na soo aadan ay tegi doonaan wafdi ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wafdigan oo isugu jira wasiiro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa soo arki doona dhibaatada uu geestay Wabiga Shabeelle oo fatahaad xooggan ka sameeyay gobalka iyo dadkii ka soo barakay dagaal beeleed ka dhacay duleedka magaalada Jowhar.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, gaar ahaan garoonka kubadda cagta magaalada, halkaasoo hadda si kumeel gaar ah ay ku soo degaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helekobtarka loo yaqaano.

Maamulka Gobalka iyo shacabka ayaa ku eedeeyay dowladda in aysan waxbo ka qaban dhibaatooyinka gobalka ka dhacay.

Faah-Faahin goordhow naga filo

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Faah-Faahin : Ciidamada ammaanka DFS oo xabsiga dhigay Wariyaal lagu eedeeyay in ay kufsadeen gabar

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta xabsiga dhigay labo wariye oo u shaqeeya Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho, kuwaasoo la sheegay in ay kufsadeen gabar suxufiyad iyana ah.

Wariyaasha xabsiga loo taxaabay ayaa kala ahaa Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika iyo Sawir Qaade Jibriil.

Ciidamada ammaanka ayaa labadan wariye ka soo qabtay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho, waxaana ay hadda ku xiran yihiin xarunta dambi baarista ee CID-da sida ay noo sheegeen Wariyaal ay isla shaqeeyaan.

Waxaa kaloo ku xiran xarunta CID-da Gabadhii la kufsaday iyo wariyaha Wareystay kuwaasoo dhowr cisho ay soo xireen ciidamada ammaanka.

Gabadhan ayaa wariyaha la xiran u sheegtay in labo weriye oo hubaysan ay kufsadeen kuwaasoo sharafteeda ay meel uga dhaceen”

Faah-Faahin : Ciidamada ammaanka DFS oo xabsiga dhigay Wariyaal lagu eedeeyay in ay kufsadeen gabar

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in baaritaan socdo oo wax walba sharciga la waafajin doono

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya  ayaa codsatay in arrintan baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.

Billawgii sannadkan ayaa sidan okale loo xiray gabar sheegtay in la kufsaday iyo welibo weriyihii warkeeda tebiyay balse mar dambe ayaa la sii daayay.

Soomaaliya arrimaha la xiriiro kufsiga ayaa si qarsoodi loo xalliyaa, iyadoo ay naadir tahay in gabdhaha la kufsaday soo shaac bixiyaan dhibaatadooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ma la socotaa su’aasha ugu weyn ee maanta la is-weydiinayo Soomaaliya?

0

Baarlamaanka ma noqon doonaa madaxii 2-da garab u dhaxeeyay?

Dalkeenna waxaa soo maray xukun askareed (military regime) oo soo jiitamaayay muddo 21 sannadood ah, kaasoo taliskii ku soo uruuriyay gacanta keligii-taliyahii Maxamed Siyaad Barre oo wuxuu go,aansado cid ka dabahadli kartay aysan jirin ilaa 11kii Janaayo 1975tii uu Garoonka Kubbadda Cagta ee Cons Stadio, yiraahdana: “Rubuc ma jiro, sumun ma jiro, suddus ma jiro”, looguna sacbiyay, diidayna inuu si nabad ah xafiiska uga tago.

Taliskii nuucaasi ahaa, markii xoog lagu eryay, waxaa laga dhaxlay burbur, dagaallo sokeeye iyo dagaaloogayaal aan wax naxariista ummadda u haynin, waxaaana dhib noqday sidii waddanka loogu dhisi lahaa dowlad karti leh oo soo celin karto qarannimadeenii 10 sannadood kaddib taliskii Maxamed Siyaad.

Xukuumaddii Cabdulqaasim Salaad Xasan oo Carte ee dalka aan walaala nahay ee Jabuuti lagu soo dhisay 2000, waxay ka bixi weyday isqabqabsi oo 4 sanno gudahood waxaa xafiiska ra,iisul wasaaraha isaga dambeeyay: Cali Khaliif Galaydh, Xasan Abshir Faarax, Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Cusmaan Kalluun, taasoo xukuumaddaasi baday inay soo dhaafi waydo Degmada Hodan oo xarun u ahayd.
Xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf oo tii Cabdulqaasim ku xigtay, waxaa isqasaday Geeddi iyo Cabdullaahi Yuusuf, waxaana Geeddii lagu baddalay Nuur Cadde oo khilaaf dhaxmaray Cabdullaahi Yuusuf oo beesha caalamka u aqoonsatay inuu khilaafka sabab u yahay, kana diidday inuu keeno Ra,iisul wasaare saddaxaad, kuna qasabtay inuu xafiiska banneeyo.

Sheekh Shariif oo ku xigay, 3 sanno gudahood wuxuu isku baddalay, Cumar Cabdirashiid, Farmaajo iyo Cabdiweli, taasoo dhaxalsiisay in Baarlamaankii la hareer maro, xeerkii (charter) meel layska dhigo, Kampalana ku amartay Road Map awooddii dalka 7 nin oo midkood Mahiiga ahaa gacanta u gelisay, halkaasina waxaa ku wiiqmay awooddii uu Sheekh Shariif waddanka ku xukumi lahaa, doorashadii uu galayna sidaasuu ku waayay.

Haddaba, markii Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay inuu dalka madaxweyne ka noqdo, ku-meel-gaarnimadiina laga baxay, ummadda waxay rajaynaysay in khilaaf dambe uusan dhici doonin. Hase yeeshee riyadaas waxaa beeniyay Xasan Sheekh oo sannad kaddib soo wado Riisul wasaarahiisii 2aad, mid 3aad inuu keenana sida caadadeenu ahayd meesha lagama saari karo.

Khilaafkaan soo ifbaxay wuxuu qalbi jabiyay ummadda Soomaaliyeed meel kastaabas ha joogtee, siiba ayadoo aan loo soo bandhigin sababa xilka looga qaadaayo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dala intiisa badani u arkaan nin deggan, daacad ah, siyaasiinta haatan joogana ku dhax ah tuke garab cad, isla markaana hawshiisa ka adag, waxaa la barbardhigi karaa Aadan Cadde iyo Maxamed Ibraahim Cigaal.

Haddaba, xubnaha Baarlamaanka oo ku dhaartaay kitaab quraan inay caddaalad ku shaqayn doonaan, dhaxdhaxaad maka noqon doonaan khilaafka u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo ra,iisul wasaaraha, kana celin doonaan Saacid in Xafiiska sabab la,aan looga eryo? Mase sida arday macallinkoodii amar siiyeey washamsi ku qaaadi doonaan?

Su´aasha uu qof walbo Soomaali ah oo maanta isweyddiinaayo waa `Baarlamaanka ma noqon doonaa madaxii 2da garab u dhaxeeyay? Waxaad naftaa u jeceshay, tan walaal u jecloow, xildhibaanku ma jeclo in shaqda laga eryo, kolkaa yuusan ku degdegin inuu ruux shaqada ka eryo ayadoo aan la hor keenin asbaab macquul ah oo muujinayso xilgudasho la,aanta ruuxa shaqada laga eryaayo.

Waxaa intaa sii dheer, inay u dhaga nuqlaadaan baaqa ka soo yeeraay ummaadà Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto, kaasoo ah inaan khilaaf danbe loo baahnaynin.

W/Q: Axmed Moxamed Axmed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Degmo ka tirsan gobolka Banaadir oo laga mamuuncay dawashada aflaamta

0

Muqdsho (Caasimada online) Degmada Kaxda ee gobolkan banaadir isla-markaana ah degmadii ugu dambeyay ee Muqdisho kusoo biirta ayaa haatan waxaa laga bilaabay qorshe lagula dagaalamayo Daawashada dhalinta ee Filimaanta hindiga ah iyo Ciyaaraha.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Shaneemooyinka degmadaasi laga furay ay dhibaato ku hayaan waxbarashada caruurta , waxaana ay tilmaameen in hadii ay sii shaqeeyaan ay dhibaato ku tahay  horumarka dhalaanka degmada.

Nabadoon C/naasir Cali oo kamid ah Odayaasha Degmada Kaxda ayaa wuxuu  inay Degmada ka bilaabeen howlgal lagu bur-burinayo dhalooyinka laga daawado aflaanta gaar ahaan kuwa yaala goobaha shaneemooyinka ah ee dhawaan Degmadaasi laga furay.

Wuxuu sheegay in arinta degmada kusoo korartay ay kulan ka yeesheen waxgaradka iyo odayaasha degmada isla-markaana ay go’aan mid ah ku gaareen inay ka hortagaan.

Bur-burinta goobaha Shaneemooyinka ah ayuu shaaca ka qaaday in iminka yagoo iskaashi la sameynaya Maamulka degmada inay bilaabeen haatana dhow  xabo ay bur buriyeen walin a ay ku howlanyihiin .

Inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa aad  xiiseeyaa daawashada Aflaanta hindiga ah iyo sidoo kale Ciyaaraha kubada cagta ah .

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Siigeysashada iyo caafimaadka qofka!

0

Siigeysasho ama waxa loo yaqaanno “masturbation” waa in qofku uu biyo iska keeno isagoo ku falaadayo xubnihiisa taranka.

Caadeysiga siigeysashada waxay keentaa dhawr dhibaato oo caafimaad darro ah oo ay ka mid yihiin:

1- Daal iyo tabardarri joogto ah
2- Xanuun dhabarka qeybtiisa hoose ah
3- Timaha oo yaraadaan ama daataan
4- Kacsi la’aan iyo biyo-bax degdeg ah (Hawlgabka kacsiga ee dhalinta)
5- Aragga oo caad yeesho
6- Bisqinleyda iyo xiniinyaha oo xanuuna
7- Xanuun iyo casiraad laga dareemo moqor miskeedka iyo dabaqanaanta.
8- Qofku wuu ku walfi karaa oo dhib ayay hadhowdii ku noqoneysaa in uu iska gooyo caadadaan.
9- Wuxuu kaloo keenaa waxa loo yaqaano “Semen leakage” oo ah in biyuhu soo dareeraan iyadoo wax dareen kacsi ah uusan jirin.
10- Dhibaato nafsaani ah sida hilmaamidda iyo xifdin la’aanta.

 

Xiriirka Caafimaadka Somaaliyeed

somalidoc

SARKAAL lagu weeraray gurigiisa oo xaalad kale gelisay Kismaayo xalay

0

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose, waxaa habeenkii xaley ka dhacay howgalo dad badan lagu soo qabqabtay.

Howlgaladan ayaa ka dambeeyay markii bam gacmeed lagu tuuray gurru  uu daggannaa sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka Jubba kaasoo ku yaalla xaafadda Farjanno.

Sarkaalka la weerarray ayaa lagu magacaabaa Cabdi Maxamed Qaarib, balse wax khasaaro ah kama soo gaarin qaraxa

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in dad badan ay soo qabqabteen kuwaasoo lagu tuhmaayo qarxa.

Ma ahan weerarkii ugu horreeyay oo kooxo hubeysan ay ku qaadaan sarkaal ka tiran Maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Xaaladda magaalada ayaa saakay deggan, waxaana caadi ah isku socodka dadka iyo gaadidka, sidoo kale waxaa furay goobaha ganacsiga iyo waxbarashada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Maxamed Sugow

 

Aadan Madoobe oo ka hadlay halka uu maraayo shir koonfur galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa ka socda shir looga hadlaayo maamul cusub oo loo sameenaayo lix gobal oo ku yaalla koofurta Soomaaliya.

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, oo ka mid ah ragga u ololeenaya in uu maamulkan hirgalo ayaa ka hadlay halka uu shirka maraayo iyo qorshaha maalamaha soo socda la lee yahay.

War uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegya in maamlaha soo socda Baydhabo uu ka furmi doon shirkaas, oo ay ka soo qaybgali doonaan odayaal, waxgarad, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe .

Isagoo arrimahaas ka hadlaya ayuu yiri: Waxaa idin xasuusinaya in si rasmi ah u furmi doono maalamaha soo socda shirweynaha Baydhabo oo larabo in lugu dhiso Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo mudo badan la sugayay  in ay wada yimadaan dadka gobaladaas wada dega ee talada kadhaxeysa madaama dadka inta badan ay yimadeen inta kalana lafilaayo maalmaha fooda nugu soo haya annagana wan ku socnaa maalmaha soo socoda hadii allaha awooda leh inoo oggolaado” Mahadsanidin.

Si kastaba, shirkan ka furmaya Baydhabo ayaa la rabaa in maamul cusub looga dhawaaqo, waxaana gobalada uu maamulkaas ka arrimin doono ka mid ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, gobaladan waxa ay hadda lee yihiin maamul kumeel gaar ah oo la dhaho Jubba.

Maamulkan la iskuma raacsano dad badan oo u ololeenaya maamulka cusub ayaa ka soo horjeeda belse dowladda dhexe waa ay aqoonsatay oo heshiis ay la gashay Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa.

Waxaa la sugaaba waa maalmaha na soo aadan iyo wax yaabaha ka soo baxa shirkan iyo sida dowladda ay uga jawaabto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG AH: Askar iyo dad rayid ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku toogteen degmada Hiliwaa askari ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Goobjooge ku sugan xaafadda Masjidka Sheekh Xasan Kabaweyne, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in labo nin oo ku hubeysan bastoolado ay toogteen askari watay Mooto ama dhugdhugleey dabadeedna ay ay is rasaaseeyeen askar kale.

Wuxuu kaloo qofka goobjoogaha uu sheegay in rasaas ay fureen ciidamada dowladda in ay ku dhimmatay haweeney goobta mareysay.

Kooxda dishay askariga ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo hadda baaritaano ka wadan xaafadda lagu dilay askariga.

Ma ahan markii ugu horreysay oo askari ka tirsan dowladda lagu dilo degmada Hiliwaa oo ka mid degmooyinka ugu amniga daran Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]