30.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Kontorool la’aanta DFS oo mugdi ku sii wadda mustabalka Soomaaliya

0

Tirada jaamacadaha ku yaal Soomaaliya ayaa sii koraya, haseyeeshee maqnaanshaha kontoroolka xukuumaddu ku leedahay qaybtan tacliinta sare ee uu ka jiro tartanka sii badanaya ayaa abuuray welwel, sida ay ku doodayaan cilmi-baarayaasha iyo saamileeyda waxbarashada.

Inkasta oo ay dalka ka jiraan dhibaatooyin ammaan, ayaa haddana in ka badan 50,000 oo arday waxa ay dhigtaan ku dhowaad 50 hay’adood oo bixiya tacliinta sare kuwaa oo kala leh baaxad iyo awoodo kala duwan kuna kala yaal Soomaaliya oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland, sida lagu qoray cilmi-baaris dhowaan uu soo saaray Machadka Daraasaadka iyo Cilmi-baarista ee Heritage (HIPS).

Warbixinta soo baxday Ausut 2013 ee cinwaanka looga dhigay “Xaaladda Tacliinta Sare ee Soomaaliya: Ganacsiyeeyn, koboc degdeg ah, iyo baahida sharciyeeynta”, ayaa sheegaysa in 34 illaa 44 jaamacadood oo tirakoob lagu sameeyay la furay intii u dhexeeysay sannadihii 2004-tii iyo 2012-kii. Jaamacadahaas 44-ka ah, ayaa kaliya dhowr ka mida waxa ay bixiyaan waxbarashada ka sarreeysa darajada koowaad ee jaamacadda.

“Koboca qaybaha waxbarashada sare ee uu waddanku ku tillaabsaday, xilli ay jiraan dhibaatooyinkii colaadeed iyo dagganaansho la’aantii muddooyinka dheer soo maray qaybo waddanka ka mid ah, ayaa ka hor imaanaysa fikrad aad loo aaminsan yahay oo oranaysa hoos u dhac iyo curyaannimo ayaa ku yimaadda horumarka dhaqaale iyo midka bulsho markii ay maqan tahay dawlad dhexe oo awood leh,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Maqnaanshaha dawlad dhexe oo leh awood xooggan iyo dowlad goboleedyo ayaa waxayba dhiirri galiyeen in la helo waxbarasho sare oo madax-bannaan si gaar ahna loo leeyahay.”

Laakiin warbixinta ayaa ka digtay in “maqnaanshaha kormeer iyo indha ku hayn xooggan oo dawladeed ee dhammaan saddexda deegaan ee dalka iyo tayada hoose ee shaqaalaha barayaasha ah, ay sababeen in midda waxbarasho ay aad hoos ugu dhacdo”.

Guulo iyo khataro

Heerka ay hay’adaha tacliinta sare ee Soomaaliya uga korayaan Soomaaliya oo dhan waa mid lala yaabo, ayuu yiri Timothy Kiambi Maburi, oo ah la-taliye dhinaca waxbarashada oo Kenyan ah oo hadda ka hor u shaqeeyay Jaamacadda Golis ee Hargeysa haddana ah agaasimaha daraasaadka ee Jaamacadda Savannah ee Muqdisho.

“Dalka waxa ay xukuumadda dhexe ka maqneeyd muddo ka badan 20 sano sababtoo ah dagaallada sokeeye ee socda, laakiin tacliinta sare ee Soomaaliya way shaqeeynaysay sababtoo ah kaalinta wayn ee ay qaateen shakhsiyaad, bulshooyin maxalli ah iyo hay’adaha aan dawliga ahayn,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, maadaama ay xiliyadii tagay maqnayd xukuumad dhexe oo shaqeeynaysa, ayuu kobaca warxbarashada sare ee Soomaaliya wuxuu la yimid wax xoogaa khatar ah, ayuu Maburi yiri.

Halkii la rabay in lagu aamino khubaro dhinaca waxbarashada ah, ayaa tacliinta sare waxa la wareegay dad ganacsato ah oo daneeynaya sidii ay macaash ku sameeyn lahaayeen, ayuu sheegay.

Qaar kamida jaamacadaha waxaa furay xubnaha bulshada qurba-joogta ah, hay’ado diini ah oo aan dawli ahayn ama qaybo kale oo khaas loo leeyahay, sida lagu sheegay warbixinta HIPS. Intaa waxaa dheer, macallimiinta warbixintu sheegtay ee 2,501-da ah, 39% ayaa haysta darajada heerka koowaad ee jaamacadda, 50% waxay haystaan darajada heerka labaad ee jaamacadda ee masterka halka 11% soo hartayna ay haystaan darajada sare ee cilmiga ee PhD-da. Warbixintu ma ayan sheegin in shahaadooyinkaas laga soo qaaday jaamacado la aqoonsanyahay iyo inkale.

“Waxay hoos u dhigeen kharashaadkii [jaamacadda] kadib markay shaqaaleeyeen dad aan takhasus ku haysan maaddooyinka ay dhigayaan, khatartaasina waxa looga gudbi karaa marka ay xukuumaddu ka soo dhalaasho kaalinteeda,” ayuu yiri Maburi.

Dr. Ciise Maxamuud Xalane, oo Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee ay dalwaddu lahayd ka dhigi jiray xannaanada xoolaha iyo caafimaadka ka hor dagaalladii sokeeye haddana casharro ka bixiya qaar ka mida jaamacadaha khaaska loo leeyahay ee Muqdisho, ayaa sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo heerka ay ku kobcayeen jaamacadaha Muqdisho iyo tayada koorsooyinka iyo duruusta halkaa laga bixiyo.

Sifo kor loogu qaado tayada tacliinta sare, ayuu Maburi sheegay in xukuumadda ay la gudboon tahay in ay biloowdo jaamacado dheeri ah oo ay dawladdu leedahay, isla markaana ay dhaqan-galiso sharci lagu maamulayo jaamacadaha isla markaana jaangooyooyin u sameeya duruusta.

Dhab ahaantii, 14-kii November ayuu golaha xukuumadda Soomaaliya waxa uu cod buuxa ku taageeray qorshe dib loogu dayac-tirayo looguna furayo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, mashruucaas oo lagu qiyaasay in ay ku kaceeyso $3.6 milyan.

Ardayda oo qiimeeynaya jaamacadaha Soomaaliya

Jirteeyoo ay kobcayaan fursadaha waxbarasho ee dalka, ayay aradayda Soomaaliyeed ku faraxsaneeyn tayada barnaamijyada tacliinta sare ee ay haystaan. Ismaaciil Samatar, oo sannadka saddexaad ee saxafadda ka dhigtaa Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay in ay “nuqsaani” ku jirto waxbarashadiisa. Qaar kamida macallimiintiisa ayaa waxa ka maqnaa xirfadda waxbaridda ama kaliya waxay heeysteen shahaadooyinka heerka koowaad ee jaamacadda, ayuu sheegay.

Dhiniciisa, ayuu Cabdi Maxamed Axmed, oo sannadka afaraad ee caafimaadka ka dhigta Jaamacadda Banaadir, waxa uu sheegay in isaga iyo saaxiibadii ay waxbarasho iska liidata helaan marka la barbar dhigo ardayda jaamacadaha ka dhigta dibadda.

“Ardayda jaamacadda caafimaadka ka dhigta adduunka waxay leeyihiin isbitaallo wax lagu barto oo ay ku tababaran karaan, waxay khibraddooda ka qaataan isbitaalka jaamacadda marka laga bilaabo sannadka ugu horreeya, laakiin innagu fursaddaas ma haysanno,” ayuu yiri.

Isaga oo ka jawaabaya welwelka ku aaddan kormeer la’aanta, ayuu Maxamed Cabdulqaadir Nuur, oo ah madaxa qaybta waxbarashada ee Wasaaradda Horumarinta iyo Arrimaha Bulshada, waxa uu sheegay in xukuumaddu qorsheeynaysay in ay ansixiso sharci bilaha December ama January kaas oo lagu maamulayo hannaanka tacliinta sare.

“Waxaan diyaarinaynaa shuruucdii, siyaasaddii waxbarashada iyo manhajkii loo isticmaali lahaa jaamacadaha dalka,” ayuu yiri Nuur.

Warar dheeri ah oo ka soo kordhay dib u soo celinta Soomaalida Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) –  Hayada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in xerada Dhadhaab ay sii jiri doonto xitaa haddii lagu dhaqaaqo qorshaha dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed.

Wakiilka Hayada UNHCR ee dalka Kenya Raouf Mazou ayaa sheegay in qorshaha dib u celinta qaxootiga ay qaadanayso ku dhawaad 10 sano si loosoo gabogabeeyo soo celinta qaxootiga doonaya inay dalkooda kusoo laabtaan.

“Tani ma ahan wax hal maalin dhici kara waxay qaadanayso waqti dheer in la qaado dhamaan qaxootiga Soomaaliyeed, Xerada Dhadhaab way soo weynaanaysaa”ayuu sheegay wakiilka UNHCR ee dalka Kenya.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray hishiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya uu yahay mid ku salaysan in la celinayo kaliya dadka doonaya.

“Waxaa muhiim ah inla ogaado inaysan jirin hal ruux oo Soomaali ah oo si qasab ah looga kaxeeyo dalka Kenya”ayuu u sheegay Mr Mazou wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya.

Wakiilka hayada UNHCR ee dalka Kenya ayaa sheegay in ku dhawaad 474,483 ruux oo qaxooti Soomaaliyeed ay ku nool yihiin xeryaha dalka Kenya.

Hadalkan ayaa u muuqanaya mid u jawaabaya hadal Sabtidii kasoo yeeray wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku kasi oo ku aadanaa in xerayo xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

QM oo cambaareysay hadal ka soo yeeray wasiirka arr. gudaha Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Kenya, kaasoo sheegay in si degdeg loo rari doono qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Warbixin ka soo baxday hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa lagu sheegay hadalka uu sheegay Joseph Olelenko wasiirka arrimaha gudaha Kenya in uu dhallin karo cawaaqib xun.

Madaxa hay’adda UNHCR ee dalka Kenya Raouf Mazou oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qorshaha dib loogu celinaayo qaxootiga Soomaalida uu qaadan doono muddo tobban sanno ah isagoo tusaale u soo qaatay dalka Liberia oo ay dagaalo sokeeye ka dhaceen.

“Sidii Liberia oo kale, qorshahaani ma noqon doono wax hal maalin lagu dhameeyo, wuxuu qaadan doonaa 10 sano” ayuu yiri Raouf Mazou.

Mas’uulkan ayaa ku celceliyay in heshiiskii sadex geesoodka ah ee toddobaadkii hore ku gaareen Nairobi dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR inuu ahaa mid qaxootiga ay si iskood ah ay u noqayaan.

Si kastaba, hadalkan ayaa jawaab u ah, hadalkii uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph ole Lenku oo ka dhawaajiyay inaan laga noqon doonin go’aanka lagu heshiiyay.

Wasiirka ayaa sidoo kal hay’adaha gargaarka ee ka howlgala xeryaha Dhadhaan faray inay u guuraan gudaha Soomaaliya, si ay u caawiyaan qaxootiga noqonaya.

Wuxuu sheegay inay tahay waqtigii ugu wanaagsanaa ee ay guryahooda ku noqon lahaayeen, isla markaana ay ka qaybqaadan lahaayeen dib-u-dhiska dalkooda.

Kenya ayaa martigaliyay qoxooti nus-malyuun ah kuwaasoo ka soo cararay dalka Soomaaliya 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Kenya, Soomaaliya iyo hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa horraantii bishan saxiixay heshiis muddo saddex sano ah ay qaxootiga dib ugu noqonayaan Soomaaliya, si aan qasab ahayn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

AMISOM oo ka hor timid MAAMULKA gobolka Hiiraan qorshe uu watay

0

Baladweyne (Caasimada online) Taliska AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay amar dhowaan kasoo yeeray maamulka gobolkaas oo ay ku tilmaameen mid aan habooneyn raalina aysan ka aheyn.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee kusugan gobolka Hiiraan Korneel Cusmaan Dubad, ayaa ka horyimid amarka kasoo yeeray maamulka gobolka Hiiraan ee ku aadan in magaalada Baladweyne laga saaro dadka aan u dhalan.

Wuxuu sheegay inaysan suurta gal ahayn arinta kusaabsan in degmada Baladweyne laga saaro dadka an u dhalan asal ahaan waxaana uu shaaca ka qaaday in dadku ay Somali wada yihiin waxa la diidan yahayna ay yihiin kaliya dambiilayaasha.

” Anigu ma qabo raalina kama ihi in dad Somali ah laga masaafuriyo gobolka waxaa loo baahan yahay in kaliya laga hortago dhibaatada amni la iskana ilaaliyo dadka amni xumada wada maaha in shacab dhan la yiraah naga guura” ayuu yiri Cornel Dubad.

Dhanka kale wuxuu ka warbixiyay  baaritaano dad badan lagu soo qabtay oo laga sameeyay xaafadaha magaalada Baladweyne, waxaana uu tilmaamay in dadkii lagu soo wabtay wali ay ku socdaan su’aalo laga weydiinayo tuhunka loo heysto.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow  oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa sidoo kale dhowaan  arintan kasoo horjeestay inkastoo maamulka gobolka Hiiraan ay arintan ku sheegeen mid amniga gobolka ay ku sugayaan.

Caasimada online

Xafiiska Baladweyne

[email protected]

Saxafiyiin ka dhawaajiyay Qiimaha uu lee yahay saxafiga la dilayo + Video

0

Caasimada Online:  Wariyaasha ku nool wadanka Holland oo muujiyay ficil ka duwan wariyayaasha kale ee Soomaalida ee ku nool Daafaha Dunida hadii ay ahaan laheyd Gudaha Dalka iyo Dibadda waana arin ku dayasho mudan.

Hadii sidaan loo sheego runta waa hubaal in wax badan iska badali doonaan dilalka loo geysanaya Saxafiyiinta waana laga hor tagi karaa waa hadii la qaato talada ay muujiyeyn Saxafiyiintani ee aad ka dareemi kartid xaqiiqda hadaladooda ee daawo muuqalkani..

HALKAAN KA DAAWO:

Video: Yaa dila dadka ugu caansan Soomaaliya, Maxaase loo dilaa ?

0

Haddii aad maqasho magaca Soomaaliya waxaa durba maskaxdaada kusoo dhacaya dilal joogta ah oo loo geysto dadka ugu magaca dheer dalka Soomaaliya  waliba kuwa aan dhihi karno waa hal door loo baahan yahay.

Dadkaasi waxaa ka mid ah dhaqaatiirta, saraakiisha, culumada iyo wariyayaasha. Waase kala  daran yihiine waxaa baryahan soo batay in sanadkii dhashaba lagu soo dhaweeyo dilka wariyayaal dhowr ah ama lagu sii sagootiyo sanadkaasi dilal naxdin inagu reeba.

Haddaba waxaa la sheegaa in wariyayaashaasi la dilay aan la aqoon cidii dishay taasina ma ahan jawaab ay fahmeen ummada Soomaaliyeed iyo dunida kale.

Wariyayaasha Soomaaliyeed ee degan wadanka Netherlands ayaa farriin ay dirayaan uga hadlaya cida disha wariyayaasha, sababta loo dilo iyo talada shacabka ee ku aadan ilaalinta suxufiga.

HALKAN KA DAAWO FARIINTAASI MUHIIMKA U AH WARGELINTAADA.

XOG: Mooshinka RW Saacid waxaa ku jira magacyada xildhibaanno laga been abuurtay iyo kuwa doonaya wasiirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan ayaa noo xaqiijiyay in uu jiro muran iyo ismaan dhaaf la xiriira mooshinka laga keenay RW Saacid ee maanta oo loo qaybiyay mudanayaasha baarlamaanka.

Waxaa la ogaaday in qaar badan oo ah xildhibaannada saxiixay mooshinka in laga been abuurtay.

Yaa arrintaas sameeyay?

Sida uu saxaafadda u sheegay markii uu soo dhammaaday kulankii maanta, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, wuxuu caddeeyay in mudanayaasha hor boodaya mooshinka qaar kood ay doonayaan in ay wasiir ka noqdaan xukuumadda cusub.

Xildhibaanna ayaa caddeeyay in xildhibaanadda qaar laga been abuurtay, oo waxaa taas caddeen u ah ayuu yiri, maxaa loo waayay magacyada 168-mudane ee la sheegay in ay mooshinka ka keeneen Raysal Wasaaraha.

“Anniga iyo xildhibaanno badan waxaa shaki nooga jira mooshinkan, waayo waxaan ahayn dhexdhexaad oo waxaan dooneynaa in la dhammeeyo khilaafka, balse waxaa soo baxaya in ay jiraan xildhibaanno doonaya in ay wasiiro noqdaan iyo kuwa laga been abuurtay” ayuu yiri xildhibaann Jeesow.

Marka laga soo tago hadalka xildhibaanka, waxaa la isweeydiiyay sababta keentay in la waayo hal magac xittaa oo ka mid ah 168-mudane ee sheegay in mooshinka ka keenay Raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Siddoo kale , waxaa jirta in saxaafadda madaxa banaan loo diidday kulanka in ay goobjoog ka noqdaan fadhiggii maanta.

Magaalada waxaa caawa ilaa galabta ka socday kulamo xasaasi oo ay lee yihiin xildhibaanadda kala taageersan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha, waxaana kulamadaas lagala socday Villa Soomaaliya oo ay isla joogaan labada mas’uul ee dalka ugu sareeya.

Dhinaca kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa muujinaya in guddoomiyaha golaha baarlamaanka uu laali doono mooshinkan la doonayo in lagu rido xukuumadda ra’iisal wasaare Saacid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

KASHIFAAD: QM oo shaaca ka qaaday in la musuq-maasuqo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray madaxa xafiiska arrimaha bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya OCHA, Justin Brady.

Shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu uga hadlay arrimo badan.

Ugu horreyn wuxuu ka hadlay khasaarasha ka dhashay fatahaada Wabiga Shabelle uu ka sameeyay deeganno badan oo ku yaalla Gobalka Shabeellaha Hoose iyo duufaantii ku dhufatay gobalada Bari iyo Nugaal ee Puntland.

Mr. Justin Brady ayaa shaaciyay in dad badan ay ku dhinteen duufaantii ku dhuftay Puntland horaantii bishan, isagoonta intaa ku daray in dad badan ay ku barakaceen.

Wuxuu sheegay oo kale in hey’addaha gargaarka ay billaabeen in ay caawiyaan dadka wax ku noday duufanta iyo fatahaada Wabiga Shabelle.

Dhinaca kale, mas’uulkan ka socday OCHA ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay meelo nabadoon dajiso dadka barakacayaash ah ee ay dib-ugu celinayso gobolladooda, isagoo tilmaamay inay ka cabsi qabaan inay dayacmaan, haddii la dajiyo meelo aysan dowladdu ka war qabin.

Dhinaca kale, madaxa xafiiska arrimaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa soo hadal qaaday dib-u-celinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay inay ka caawin doonaan dhinacyada dib-u-dajinta, dhaqaalaha iyo adeegyo kale.

Ugu dambeyn wuxuu muujiyay in ay jiraan kooxo la shaqeeya hey’addaha gargaarka kuwasoo dhaca ama musuqmaasuqa gargaarka loogu talagalay dadka soo barakacay, wuxuuna sheegay in dabagal ku sameen doonaan kooxahaas cadaaladdana ay hor keenin doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dilal ka dhacay magaalada KISMAAYO iyo xaaladda oo aad u kacsan

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas maanta ay ka dhaceen dilal loo geestay dad rayid ah.

Dadka la dilay waxaa ku jirra nabadoon caan ah ka magaalada sida ay noo xaqiijiyeen dad rayid ah.

Dilka kaddib waxaa magaalada ka billaabatay xiisad dagaal, taasoo keentay in magaalada ay khalkhal xagga ammaanka soo gasho.

Nabadoonka la dilay oo ka mid ah beelaha degga Kismaayo ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay nin kale oo ay boos isku qabsadeen.

Maamulka kumeel gaarka ee Jubba ilaa hadda kama hadlin shaqaaqada ka taagan magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa mararka qaar waxaa ka dhaca iska hor imaad ka dhasha isqabqabsi la xiriira lahaanshaha dhulka, taasoo sababta aakhirka dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Goormee la iclaamiyay Mooshinka RW Saacid oo maanta dib u dhacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Axad ah shaaciyay, xilliga laga dooddi doono mooshinka laga keenay Raysal Wasaare Saacid, kaasoo maanta loo qaybiyay mudanyaasha baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in muddo shan cisho ay heestaan baarlamaanka in ay ku soo akhriyaan mooshinka laga keenay Raysal Wasaaraha, waxaana la filayaa in maalinta Sabtida ee toddobaadka dambe laga dooddi doono.

Kulanka maanta oo saxaafadda loo diidday in ay goobjoog ka noqdaan waxaa la sheegay in oo ay ka soo qaybgaleen 211 mudane .

Guddoomiye Jawaari ayaa fadhiggii maanta ka sheegay in lagu soo wareejiyay mooshin laga keenay xukuumadda uu hoggaamiyo RW Saacid , wuxuuna caddeeyay in ay soo gudbiyeen 165-mudane.

Si kastaba, kulanka inta uu socday buuq iyo muran ayaa ka dhacay, taasoo markii dambe keentay in la soo gabagabeeyo.

Markii uu kulanka soo dhammaaday, ayaa waxaa kulamo gaar gaar ah xarunta golaha shacabka ku yeeshay mudanayaasha baarlamaanka kuwaasoo kala taageerayay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shirkii Baarlamanka oo buuq iyo qaylo ku soo idlaaday, Maxaa ka soo baxay?

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo dhammaaday kulankii baarlamaanka Soomaaliya uu ku lahaa xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay saxaafadda bannaanka ka joogtay,marka laga reebo Raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari, waxaa uu ku dhammaaday buuq iyo qaylo sida ay noo sheegeen xildhibaanno ka qaybgalay.

Sida qorshaha uu ahaa waxaa loo ballansanaa in loo qaybiyo mudanayaasha mooshin laga keenay Raysal Wasaaraha Soomaaliya, balse dhowr saacood oo buuq uu ka socday xarunta golaha shacabka , waxaa guddoomiyaha Baarlamaanka uu go’aan ku gaaray in shirka maanta uu dib ugu dhacay ilaa Sabtida soo socoto, fadhiggan uu xiran yahay.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha keenay in fadhigga maanta oo ay joogeen xildhibaannadii ugu badnaa in dib loo dhiggo.

Warar lagu kal soon yahay ayaa muujinaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu laali doono mooshinka laga keenay RW Saacid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dowladda Kenya oo si jees jees leh u diiday codsi uga yimid Soomaalida

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa gaashaanka u daruurtay codsi ay qaxootiga Soomaalida ee ku nool xeradaha Dhadhaab ku dalbadeen in muddada saddexda sano ah loo kordhiyo inta ay sii joogayaan halkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph ole Lenku oo shaley booqday xerada Dhadhaab oo martigalisay Nus-Malyiin qof oo Soomaali ah ayaa sheegay inaan laga noqon doonin go’aanka ay bishan kala saxiixdeen Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku warigaliyay hay’adaha gargaarka ee ka howlgala xeryaha qoxootiga inay u guuraan gudaha Soomaaliya, si ay u caawiyaan qaxootiga noqonaya.

Wuxuu ayaa ku celceliyay inay tahay waqtigii ugu wanaagsanaa ee ay guryahooda ku noqon lahaayeen, isla markaana ay ka qaybqaadan lahaayeen dib-u-dhiska dalkooda.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegay inta aan la saxiixin heshiiskan in ay ka fikireen dowladda Kenya, wuxuuna sheegay in Kenya ay qaati ka taagan tahay qoxootiga Soomaalida.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay weerarkii bishii September lagu qaaday suuqa laga dukaameesto ee Westgate waxaa soo baxay Kenya in aysan diyaar u ahayn in ay sii joogaan qoxootiga Somaalida dalkeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DEG DEG AH: Shir Xasaasi oo ka socda Xarunta Baarlamaanka Somalia

0

Muqdisho ( Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in shir xasaasi ah uu iminka ka socdo xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay saxaafadda bannaanka ka joogto, ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo ku sugan xarunta baarlamaanka ayaa soo sheegay in shirka looga hadlaayo mooshin ay xubno baarlamaanka oo kor u dhaafaya 160 ay ka soo gudbiyeen Raysal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Warar lagu kal soon yahay ayaa muujinaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu laali doono mooshinka laga keenay RW Saacid.

Faah-faahinta goordhow la soco oo isha ku hay Shabakadda Caasimada Online

Wariyayaal dhaqaale ugu yaboohay qoysaska wariyayaal geeriyooday

0
kulan ku yeeshay magaalada Denhaag ee waddanka Holland qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Holland, waxaana kulanka oo uu soo agaasimay suxufiga C/weli Ibraahim (Garyare) looga wadahadlay tayeynta isku xirnaanta suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Holland & sidii taageero & talo mideysan looga geysan lahaa dhibaatooyinka soo gaara suxufiyiinta Soomaalida gaar ahaan kuwa ka shaqeynaya gudaha dalka.
Kulankan suxufiyiintu yeesheen wuxuu ka dhacay xarunta (Dalmar Media) waxaa ugu horreyn warbixinno looga dhageystay C/weli Garyare oo ka warbixiyey ujeedada uu kulanka u iclaamyey, isaga oo sheegay in ujeeddadu tahay hagaajinta xiriirka suxufiyiinta & in si mideysan loo taageero qoysaskii ay ka tageen suxufiyiintii lagu dilay Muqdisho billihii u dambeeyey.
“Mihnadda saxaafadd waa mid kugu xireysa suxufi kasta, gaar ahaan kuwa aad isku dalka tihiin, luqada keliya ee aad isku fahmeysaana ay tahay shaqadda saxaafadda ee idinka dhexeeysa, marka aad howsha saxaafadda ku jirtana waxaad suxufi kasta ku qiimeyn kartaa howsha uu bulshadda u hayo“ ayuu yiri Garyare, wuxuuna intaa ku daray in kulankani uu yahay mid kaalmo dhaqaale loogu uruurinayo qoyskii uu ka tegay ALLAHA u naxariistee suxufi Maxéd Maxúud Timacadde.
wariyayaasha1
 “Annagu inta aan halkan (Holland) joognay waxaa ku dhintay dalkii, gaar ahaan magaalada Muqdisho saaxiibo badan. Ujeedada isku imaatinkeena waa inaan isweydiinno sow waajib naguma aha inaan taageerno qoysaskii ay ka tageen saaxiibadeen “ ayuu yiri Garyare, wuxuuna xusay in suxufiyiinta Holland ku dhaqan oo ka mid ah kuwa tiro ahaan ugu badan ee hal waddan ku nool, in baddan oo ka mid ahna ay ka soo wada shaqeeyeen qeybaha kala duwan ee warbaahinta in lagu ammaani karo sida ay ugu xiran yihiin saaxiibada gudaha dalka ku sugan, oo ay ula xiriiraan shaqsi shaqsi ama koox koox, balse hadda ay doonayaan in iyaga oo isku xiran ay gacan ka geystaan taageerada la siinayo suxufiyiinta, gaar ahaan qoysaskii ay ka tageen suxufiyiintii Muqdisho lagu dilay.
“Waxaan u soo jeedinayaa saaxiibadeey inaan u istaagno sidii aan u caawin laheyn qoysaskii & caruurtii ay ka tageen walaalaheen“ ayuu yiri Garyare.
Tallo soo jeedinta C/weli Garyare waxaa si weyn u soo dhoweeyey suxufiyiintii kulanka ka soo qeybgashay, waxaana markaa kaddib la guda galay dooday ku saabsan sida ugu fudud ee loo waajihi karo talada uu soo jeediyey Garyare.
Waxaa la isku soo qaaday qoddobo dhowr ah, waxaana la dhageystay aragtida ay ka qabaan suxufiyiintii kulanka joogtay oo aaraa´dooda soo bandhigay.
C/maalik Yuusuf oo ka tirsan maamulka Idaacadda Dalmar, wuxuu soo sheegay in saxaafaddu leedahay awood mug weyn oo isbeddel dhinac kasta ah ay ku curin karaan, wuxuuna tilmaamay in horumar kasta oo ay saxaafaddu tiigsaneyso in ay ka horreyso midowga suxufiyiinta dhexdooda ah.
“Waxaan soo jeedinayaa in la joogo xilli suxufiyiintu meel kasta oo ay joogaan ay cod dheer ku diidaan gumaadka maalin kasta loo geysanayo, gumaadka ma ahan mid joogsanaya haddii aysan suxufiyiintu u midoobin, waa in la isweydiiyaa horta maxaa loo dilayaa suxufigu ee uu galabsaday. suxufigu wuxuu u dhimanayaa waxeey tahay maxaad runta u sheegeysaa,C/maalik wuxuu kaloo sheegay in saxaafadda lafteedu leedahay galdaloolo waaweyn, oo wax u dhibaya sumcadeeda, wuxuuna tilmaamay in wadajirka saxaafadu keeni karo in ay dhexdooda isi saxaan, taasina ay wax iman karto marka ay sameystaan guddiyo qabta howlaha kala duwan ee lagama maarmaanka ah.
23
Saalax Xassan Cumar (Saalax dheere), Cali Muxuddiin & Sayid Cali oo ka mid ahaa suxufiyiintii kulanka ka hadashay waxey muujiyeen in wadajirka suxufiyiintu macno weyn uu sameyn karo marka la fahmo in dalka, wuxuuna Saalax soo jeediyey in labaddii suxufi ee u dambeeyey ee Muqdisho ku geeriyooday (Ibraahim & Timacadde) qoysaskii ay ka tageen taageero loo diro, kaddina la qabto kulamo caalami ah oo ay ka soo qeybalayaan dhammaan hay´adaha caalamiga ah ee saxaafadda, lana furo dooda dilalka & gumaadka suxufiyiinta.
“Xuquuqda ay leeyihiin suxufiyiinta Afrika ma helaan kuwa Soomaalida, sababta ugu weynna waxey tahay qaska & jahwareerka dalka ka jira oo saameyn weyn ku yeeshay saxaafadda“ ayuu yiri Cali Muxuddiin oo ka mid ah suxufiyiintii kula ka hadashay.
Cabdixakiin Cabdi Ismaaciil (Ilka-dhagax) oo ah Wakiilka Holland ee TV-ga Qaranka wuxuu dhiniciisa dhiirageliyey in kulamada suxufiyiinta la ballaariyo, gaar ahaan kuwa ay dhexooda yeelanayaan, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in kaalinta saxaafaddu ay tahay mid baylah ah oo laga faa´ideysan, isaga oo ugu baaqay suxufiyiinta in ay meel qura ka soo wada jeestaan.
CabdiraxmaanNuur oo ah wakiilka Somalichanel ee Holland ayaa dhankiisa waxaa uusoo jeediyey in la qabto bandhig faneed dhaqaale loogu aruurinayo dhamaan wariyayaashii ku geeriyooday Soomaaliya kuwaasi oo ka tagay qoysas u baahan inay  garab ka helaan warbaahinta kale ee Soomaaliya,isagoona baaqiisa u jeediyey wariyayaasha  u damqanaya saaxiibada ay waayeen inay taasi badelkeeda ka shaqeeyaan isku gurmadka.
33
Gabagabadda kulankan ay yeesheen suxufiyiinta waxaa lagu doortay Guddi 4 xubnood ah oo loo xilsaaray in ay dhaqaale ka soo uruuriyaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaaliyeed ee Holland, waxaana lagu balamay in yaboohaasi la gaarsiiyo qoysaskii ay ka tageen suxufiyiinta, waxaana lagu ballamay in la joogteeyo kulamada suxufiyiinta Holland.
Gudiga la doortay ayaa waxaa ay kala yihiin.
Abdishakuur Cilmi Xasan   : Guddoomiye
Salax Dheere                            : Lacag haye
Sayid Ali Caseyr                     : Xubin
Cali Muxyadiin                       : Xubin
wariye
Saxafiyiinta oo is taageera ayey uga gudbi karaan dhibaatada hadda gaarka u noqotay ee leh dilka iyo dhaawaca joogtada ah. Waxaana ay farxadgelin doontaa qoysaska ay walaalahaasi wariyayaasha ah ka baxeen oo u arki doona inay wehel heystaan.

 

Dhageyso: Sir aysan dad badan ogeyn oo khilaafka Saacid & Xasan la socota

0

Washington DC (Caasimada Online) – Iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya, kaasoo ka dhashay markii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu ka codsaday ra’iisal wasaarihiisa in uu is casilo ayaa arragtiyo kala duwan laga bixiyay.

Haddaba Idaacadda VOA ayaa wareysatay Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo macalin ka ah jaamacadda Qadar kaasoo marti ku ahaa barnaamijka Martida Makrafoonka ee Toddobaadkan.

Prof. Afyare wuxuu ka hadlayaa muranka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul-wasaare Saacid iyo halka uu saldhiggan doona.

Door intee la eg ayey waddamada gobalka ku lee yihiin arrintan.?

Siddee dastuurka uu kala qeexaayaa awooda Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.?

Haddii uu meesha ka baxo RW Saacid, madaxweynaha siddee ayuu wax u maareen doonaa.?

Su’aalahaas iyo kuwa kale oo badan ayuu ka jawaabayaa Prof Afyare oo ah nin siyaasadda gobalka iyo caalamka ku xeel dheer.

Wareysiga oo dhammeestiran Halkan hoose ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

Mooshinka R/W Saacid oo maanta hor yaalla BFS iyo xogtii ugu dambeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah waxa loo qaybin doonaa mooshin ka dhan ah Raysal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, kaasoo loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka.

Fadhigga baarlamaanka ayaa maanta looga hadi doonaa labo qoddob oo kala ah horrumarinta Baanka Soomaaliya iyo mooshinka ka dhanka ah RW.

Fadhigga maanta waxaa guddoomin doona guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo dhawaan ka soo laabtay shirkii hoggaamiyaasha Afrika iyo Carabta ee ka dhacay dalka Kuwait.

Sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah, fadhigga mudanyaasha baarlamaanka maanta wuu ka duwan kii kal horre, waxaana loo wacay dhammaan xildhibaannada fasaxa ku maqan iyo kuwa aan imaan jirin kulamada baarlamaanka.

Mooshinka marka loo qaybiyo xildhibaannada waa ay soo akhrisan doonaan, kaddibna maalin kale ayaa cad loo qaadi doonaa sida sharciga uu yahay.

Ma cadda ra’iisal wasaaraha mooshankan oo ay ka keeneen ku dhawaad 160 mudane in uu ku bixi doono iyo in kale.
Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog cusub oo aan horey loo ogeyn oo laga soo saaray weerarkii West Gate

0

Nairobi (Caasimada Online) Afar ruux oo kamid aheyd dadkii weeraray dhismaha Westgate ayaa la sheegay in dalka Kenya ay kasoo galeen dhanka dalka Uganda, iyagoo aan soo raacin wax gaari ah oo lugeynaya.

Labo kamid ah afartaasi waxaa lagu kala sheegay Maxamed CabdiNuur iyo Xasan Cabdi Dhuxulow, waxaana booliska ay xaqiijiyeen in Dhuxulow oo 28 sano jir ah uu ahaa ruux heysta dhalashada dalka Norwey.

Hayada Dambi baarista ayaa u dirtay dowlada Uganda inay su’aalo weydiiso wade taxi kaasi oo la sheegay in afartaasi ruux uu kasoo qaaday garoonka diyaaradaha Kampala ee Entebbe airport islamarkaana uu keenay xuduuda dhanka Malaba, iyagoo kadib lugta ku galay dalka Kenya, sida CID-da Kenya ay sheegtay.

Booliska ayaa la sheegay inay ka hortagaan cadeymaha ku wajahan wadaha Taxi ee u sahlay dadkaasi inay soo galaan dalka Kenya.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in afarta ruux ee weeraray dhismaha Westgate inay ka tageen dalka Soomaaliya ayna ku galeen Kenya diyaarad deegaanka bishii June 22 ee sanadkaan iyagoo diyaarada lagu joojiyay garoonka JKIA, iyadoo dadkaasi ay dileen 67 ruux oo ku sugnaa dhismaha Westgate.

Hayada amaanka ee booliska Uganda ayaa sheegtay Talaaladii lasoo dhaafay inay xaqiijinayaan in mid kamid ah dadkii weerarka ka geystay Kenya uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo Norwey ku sugnaan jiray.

Horaantii bishaan afar ruux oo Soomaali ah ayaa lagu soo eedeeyay weerarkii Westgate iyadoo lasoo taagay maxkamad, waxaana ay kala yihiin Mohammed Ahmed Abdi, Omar Liban Abdulle, Adan Mohammed Ibrahim iyo Hussein Hassan Mustafa iyadoo ay beeniyeen dambiyadii loo heystay.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Arrin dad badan ka yaabisay oo meelo ka mid ah Muqdisho ka billaabatay!!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo degmooyin ka tirsan gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka tirsan degmooyinka ay ka socdaan howlo aysan ku qancin dadka ku dhaqan degmada .

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad degan degmada Shibis ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen in degmadaas dadka ku dhaqan lagu amaray in ay si xoog ah u bixiyaan lacago Sadaqo ah oo lagu kaalmeenayo dadka ku waxyeeloobay daadadka Puntland.

Maalintii shalay eheyd ayaa waxaa degmada ka dhacday in ciidamo ka tirsan degmada ay guri guri u galeen xaafada iyaga oo ku amrayay in qofkasta ay dhiibto 100 oo sh.so ah ama  $ 5  doolar hadii kale xabsiga la geyn doono.

Dadka qaar,  ayaa sheegay in ay la yaaban yihiin in lagu amro sadaqo xooga ah iyaga oo sheegay in aysan kalsooni ku qabaan waxa ay dhiibaan in dadka dhibaateysan la gaarsiinaayo.

Dhanka kale maamulka degmada Shibis ayaa waxa la sheegay in sababaha ay arinkaan u sameenayaan ay tahay in iyaga oo doonayo in ay noqdaan degamada lacagaha ugu badan dhiibtay waxa ayna ka ordayaan hadal ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobalka.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa si cad u sheegay in degmadii lacag badan keni weyso ay u aqoon sanayaan in dadkeeda aysan taageersaneyn.

Si kastaba maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa Massjidyada degmooyinka laga aruurinaayay lacago tiro badan ,balse dadka reer Shibis ayaa la yaaban sababta ay sadaqada xoog ku noqotay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sidee Soomaalidu dhulka u daganeyd ka hor Gumeystayaashii reer Yurub?‏

0
Waxaa waayadani caadi iska noqday in laga been sheego Taariikhda Umadda Soomaaliyeed sidoo kalena aan laga xishoon beenta iyo jahawareerinta Jiilasha soo koroyo,taasoo mararka qaar aad isweydiineyso kaalay Soomaalidu miyeysan ogeyn in beentu ka mid tahay Calaamadaha Munaafiqiinta.Waxa aan daawaday  ama aan dhageystay dhowr iyo Tobankii Sano ee la soo dhaafay Siyaasiyiin badan ka soo jeedo gobolada Waqooyi-galbeed ee Soomaaliya oo meel walba la taagan waxa aan ahayn Labo gobol oo isu tagay,Iyagoo iska indho tirayo sida ay Soomaali u deganeyd dhulka ka hor imaashadii Gumeystayaashii reer Yurub,Waxa ayna ku waasheen Xaduud beenaadii uu sameyeyey Gumeystihii reer yurub.Markii ay dhacday Dowladdii dhexe waxaa looga dhawaaqay gobolada Waqooyi-galbeed ee Soomaaliya maamul loogu magacdaray Soomaaliland kaas oo la sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale,waxa ayna Siyaasiyiintii horboodayey Maamulkaasi sheegeen in markii horeba ay Soomaliya ka koobneyd koonfur iyo Waqooyi sidaa daraadeena hadda go’aansadeen in ay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale.

Hadaba si aan loo marin habaabinin Jiilasha soo koroyo iyo Soomaalida ku korto Qurbaha ayaa waxa aan go’aansaday bal inaan wax ka qoro sida ay Soomaalidu u daganeyd dhulka ka hor imaashadii Gumeystayaashii reer Yurub.

Sida aan ka wada warqabno dadka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen intooda badan dad Xoolodhaqato ah,kuwaas oo dhaqdo Sedexda nooc ee Xoolaha ee ay Maantaba dhaqdaan,Waxa ayna Xoolahooda u daaq geyn jireen meel alaale iyo meeshii uu roob ka da’o oo ka tirsan dhulka ay Soomaalidu ka degto Geeska Africa Iyada oo aysan jirin wax soohdin ah oo kala celisa.

Sida ay sheegaan Taariikhyadanadu,Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad sida Hal qoys oo kale ah,maadaama diin,dhalasho iyo dhaqan ahaanba wadaagaan waana sababta keentay in aysan ilaa Maanta aqoonsan xaduud beenaadkii uu sameeyey Gumeystihii,halkaas oo dhulkii midka ahaa u qeybiyey ilaa Shan qeybood sida Koonfur,Waqooyi,Jabuuti Soomaali-galbeed iyo NDF.

Sida aadba ka dhegeysan doontaa Video-yadan soo socda degaanada ay Soomaalidu ka degto Geeska Africa waxa ay ahaayeen mid inta aysan imaan Nimankii reer Yurub mana jirin wax soohdin ah oo u dhaxaysay dadka Soomaaliyeed,mana jirin wax la yiraahdo Koonfur iyo Waqooyi laakiin nasiibdaro markii la qabsaday ayaa waxa loo qeybiyey ilaa Shan qeybood.
Qeybsashadii Africa la qeybsaday waxa ay dhibaato xoogan u geysatay guud ahaan Qaaradda Africa gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed sababtoo ah waxaa dhulkoodi la siiyey dalalka Ethiopia iyo Kenya Iyada oo aan waxba laga weydiinin sida aadba ka dheysan doonaa Warbixinta soo socoto ee  ay diyaarisay Idaacadda BBC-da.

Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye maxaysan Soomaalidu u aqoonsaneyn kala qeybintii lagu sameeyey dhulkeeda iyo waliba soohdintii loo sameeyey Konfur iyo Waqooyiga ?.Jawaabtu waa iska caddahay maxaa yeelay kala goyntaasi ma’ahan mid ay raali ka ahaayeen dadka Soomaaliyeed tusaale ahaan haddii beerta aad leedahay uu Nin yimaado ka dibna uu beertii kala qeybiyo qeybna ku siiyo qeybtii kalena uu siiyo Ninkii dariskaaga ahaa ma yeeleysaa?, Waa maya tan kale waxaa jirta tusaale ay isticmaalaan Culimada Islaamka kaas oo oronayo wixii baadhil lagu dhisaa Isagana waa baadhil.Waxa aan codsanayaa in la dhegeyso Warbixinadan maqalka ah ee soo socda maxaa yeelay waxa ay xanbaarsan yihiin macluumaad muhiim ah oo ku saabsan Taariikhda Soomaalida.waxa diyaasisay BBC-da.

Halkan ka dhageyso

Sida aan soo sheegnay Soomaalidu inta uusan imaan Gumeystihii reer Yurub waxa ay ahayd mid mana jirin wax soohdin ah,Sidoo kalena ma jirin waxa Maanta loo yaqaano Koonfur,Waqooyin iyo Jabuuti sidaa daraadeed ma’ahan in Maalin kasta la taagnaadaa waxa aan ahayn Labo gobol oo isu tagay.waa in laga heshiiyaa wixii dhacay.
Hadaan wax ka iraahdo wixii loo geystay Walaalaheena reer Waqooyi runtii aad iyo aad baan uga xumahay waana Taariikh madow oo soo martay Shacabka Soomaaliyeed,Waxa aana rajaynayaa in Maalin un laga abaalmarin doona kuwii geystay dhibkaasi inkasta oo qaar badan oo Iyaga ka mid ah dhinteen.
Gaba gabadii waxa aan leeyahay Walaalayaalow yaan laga been sheegin Taariikhda Umadda,Sidoo kalena yaan la marin habaabinin Jiilasha soo koroyo,Ogaadana in aysan Soomaali kala go’i Karin wax kastaaba ha dhaceen.Waxa aan soo jeedinayaa talooyin dhowr ah
1-Waa in la balaariyaa wada hadalada lala leeyahay Maamulka Soomaaliland lagana qeyb geliyaa Maamulada kale ee ka jira Wadanka sida Puntland iyo Khaatumo State.
2-Waa in ay Soomaalidu ku wada hadashaa gudaha Wadanka sida Magaalooyinka Hargaysa,Boorama,Garawa,Muqdisho iyo Baydhabo-Janaay
3-Waa in dhinacyadu isu tanaasulaan lana saxa wixii khaldamay si looga baxo dhibaatada ka jirta Wadankeena.4-Waa in laga fogaadaa markasta gacan ka hadal keeni karaa in uu daato dhiig Soomaaliyeed.5-Waa in laga wada shaqeeyaa dhinacyada Waxbarashad,Caafimaadka iyo Ganacsiga xitta haddii aan heshiis buuxa la gaarin.

6-Waa in la isu gurmadaa marka ay yimaadaan Masiibooyin dabiici ah sida tii ka dhacday gobolka Barri.

W/Q: Cabdullahi Ibarhim
[email protected]