30.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

DEG DEG: Shir MUHIIM u ah Somalia oo ka furmay magaalada Brussels

0

Brussels (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium uu ka furmay shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Wariye Cabdiqaadir Nuur, oo ka tirsan Talafishanka Somali Chenel oo ku sugan goobta shirka ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in shirka uu furmay, waxaana uu sheegay in ay ka qaybgalayaan wafuud ka socda, Midowga Yurub, Afrika, dowladda Soomaaliya, iyo bulshadda caalamka.

Shirkan oo ah kii iskaashiga Midowga dowladaha Yurub, ayaa wax yaabaha looga hadlaayo waxaa ka mid ah siddii loo qalabeen lahaa ciidamad adowladda iyo kuwa AMISOM.

Wafdiga Soomaaliya uga qaybgalaya shirkaas waxaa hoggaamineysa Raysal wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Shirka ayaa socon doona muddo seddax cisho, waxaana gabagabadiisa laga soo saari doonaa war-murtiyeed looga hadlaayo wax yaabaha looga hadlay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Rotterdam| Netharlands

[email protected]

Dhageyso: QM oo ka hor timi qorshihii Kenya ay ka damacsaneyd Soomaali..!

0

Nairobi (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa mar kale  sheegtey in dib u celinta qaxootiga Soomaalida lagu saleyn doono sida uu dhigayo heshiiskii dhowaan ay wada gaareen Somalia, Kenya iyo laanta qaxootiga ee UNHCR.

Heshiiskaasi ayaa dhigaya in dib u celintaasi ay noqoto mid khiyaari ah oo aan qaxootiga la qasbin.

Wasiirka Amniga ee Kenya Joseph Ole Lenku oo ay soo xigteen warbaahinta Kenya ayaa amar ku bixiyey in dhamaan xeryaha qaxootiga ee dalka ku yaala la soo xiro, qaxootigana ay dib dalkooda ugu laabtaan.

Afhayeenka UNHCR ee dalka Kenya Kitty McKinsey oo wareysi siisay weriyaha VOA Maxamud Ibrahim Cali,  ayaa waxay sheegtay inaanu jirin qorhse lagu xirayo xeryaha qaxootiga.

Halkan ka dhageyso wareysiga

 

Mareykanka oo ka hadlay weriyayaal ku xiran magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka, waxay markii ugu horeysay ka hadashay wariyaal ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar iyo xarunta CID-da ka dib markii lagu soo eedeeyay arrimo la xiriira kufsi.

Wariyaasha xiran waxaa ku jira Agaasimaha Idaacada Shabeelle , Wariye Maxamed Bashiir oo la sheegay inuu wareystay gabadha sheegatay in la kufsaday oo iyana qudheeda xiran .

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxaa lagu sheegay in baaq ku aadan arintaas kufsiga loo dirayo dowlada Somalia si baaritaan qoto dheer ay arintaasi ugu sameeyaan .

Mareykanku wuxuu sheegay in loo bahan yahay in Taxadar dheeraad ah laga muujiyo arintan kusfiga ah ee loo heysto wariyaasha magaalada Muqdisho ku xiran, waxaana xukuumada washiton ay shaacisay in si qoqto dheer ah loo weydiiyo gabadha sheegatay in la kufsaday.

“Waxaan uga digeynaa hay’adaha garsoorka dowladda federaalka Soomaaliya inay caburiso saxaafadda, isla markaasna ay ku degdegto xukun ku ridida wariyaasha hadda ku xiran Muqdisho ee loo heysto arrimo la xiriira kufsiga gabadha wariyaha ah ee sheegtay inay kufsadeen wariyaal ka howlgala raadiyaha afka dowladda ku hadla” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda Mareykanka.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inay haboon tahay in hey’adaha sirdoonka iyo kuwa garsoorka inay si gooni gooni ah u wareytaan Gabadha wariyaha ah ee sheegaty in la kufsaday, iyo wariyaha wareystay si loo helo xog rasmi ah kadibna go’aan laga qaato.

Shalay maxkamadda gobolka Banaadir waxay amar ku bixisay in xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho la dhigo agaasimaha Idaacadda Shabeelle iyo wariye Maxamed Bashiir oo isna ka howlgala isla Idaacadda Shabeelle iyo gabadhii sheegtay inay kufsadeen wariyaal ka tirsan Idaacadda afka dowladda Soomaaliya ku hadasha kadib dhageysiga dacwadaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: IDAACAD nuuceeda aan horay loo arag oo Muqdisho laga furay.

0

Caasimada Online:  Tan iyo burburkii Dowladii Dhexe ee Somalia waxaa Magaalada Muqdisho laga furayay Idaacado Madax Banaan oo si yaabo kala duwan uga howl gala Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Idaacadan ayaa ka duwan idaahihii Muqdisho, waayo waxa ay gaar u tahay oo kaliya dumarka Soomaaliyeed, oo ay codkooda ku hadli doontaa, waxaana soo dhoweeyey dadweyne fara badan ee nala daawo muuqaalkani Video-ga ah ee laga soo duubay Idaacadaasi.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

EU-da oo qalabeysay ciidamada S/L

0

Hargeisa (Caasimada Online) Horaantii bishaan midowga Yurub aya howlgalo ka bilaabay xeebaha maamulka Somaliland, iyadoo horay ciidamada Midowga Yurub ay howlgalka la dagaalanka bucad badeeda ee Atlanta ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Midowga Yurub ayaa gaarsiiyay shan gaadiid kuwaasi oo loogu tala galay in lagu taageero waxqabadka ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland, sida lagu sheegay war kasoo baxay midowga Yurub. Waxaana gaadiidkaasi laga soo qaaday dekada magaalada Jibouti iyadoo laga soo dajiyay dekeada Berbera.

Markii gaadiidkaasi laga dajiyay dekada magaalada Berbera waxaa lagu wareejiyay taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Cabdi Xersi Ducaale, sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada Midowga Yurub.

Xiriirka wada shaqeyn ee dhexmaraya Somaliland iyo midowga Yurub ayaa ka dambeeyay markii 10 saraakiil sar sare ah oo ka mid ah ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ay ka qeyb galeen tababar ku saabsan ka hortaga dambiyada dhanka xeebaha ah oo ay siinayeen ciidamada Midowga Yurub.

Tababarkaasi ayaa waxaa la siiyay saraakiisha maamulka Somaliland intii u dhaxaysan 10 ilaa 13 kii Bishan November, waxaana diirada lagu saarayay dambiyada iyo maxkamadeyntooda, iyadoo ujeedada ay aheyd sidii ciidamadaasi ay kaga hortagi lahaayeen dambiyada ka dhaca xeebaha maamulkasi.

Jean-Eric Troubat, oo ah sarkaal boolis Faransiis ah ahna hogaamiyaha howlgalka loogu magacdaray EUCAP Nestor ayaa sheegay in tababarka uu ahaa mid ay ku guuleysteen ayna u mahad celinayaan dadkii ka qeyb galay.

Admiral Cabdi Xersi Ducaale, ayaa mahad celin u jeediyay ciidamada midowga Yurub, isagoo sheegay in tababarka iyo agabka la siiyay ay ka saacidi doonaan sidii ay kaga hortagi doonaan dambiyada ka dhacaya xeebaha maamulka Somaliland.

Waxaan rajaynayaa in tababaro kale oo badan aan ka heli doono midowga Yurub”ayuu hadalkiisa kusii daray taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland.

Inkastoo dowlada Somalia ay midowga Yurub iyo QM ay ka dalbatay in la tayeeyo Ciidamada bada ee Somali sidoo kalana qalabeyn lagu smaeeyaa ayaa hadana waxaa muuqan wax arintan ay ka qabteen dhinacyada ay quseyso .

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horeu sheegay in Dhaqaalaha faraha badan ee lagu bixiyo xeebaha dalkeena ay  haboon tahay in lagu tayeeyo ciidamada ilaalada bada Si iyaga howlgalkaas ay ula wareegaan .

Caasimada Online

Xafiiska Hageisa

[email protected]

Muqdisho oo kasoo baxday kaalinteda islamarkaana boqolaal kun oo dollar…!

0

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay in ay caasimada Soomaaliya ku deeqday $270,822 oo lacagta Mareykanka ah, dadkii ku wax yeeloobay Fatahaada Wabiga Shabeelle iyo duufaantii ku dhuftay Puntland .

Haddaba maalmahan waxaa degmooyinka magaalada Muqdisho, ka socday olole la doonayay in gargaar loogu uruuriyo dadka ku dhibaateesan musiibooyinkaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Nuur “Tarsan” ayaa ku dhawaaqay lacagta deeda ah ee laga soo uruuriyay degmooyinka Muqdisho, isagoona shacabka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka uga mahad-celiyay deeqda.

Tarsan ayaa tilmaamay lacagtan inay tahay gurmad ay u sameeyeen walaalahooda dhibaataysan ee ku nool Shabeellaha Dhexe, Barri iyo Nugaal.

Waa gargaarkii ugu horreyay oo degmooyinka Muqdisho laga aruuriyo kaasoo loogu talagalay dadka ku barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle iyo duufaanta Puntland ku dhufatay..

Marka laga soo tago deeqda, waxaa jira dhar, teendhooyin iyo raashiin ay shacabka magaalada ururiyeen taas oo sidoo kale deeqda qayb ka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Magaalada Kismaayo oo caawa xaalad kale gashay iyo askar la weerarray

0

Kismaayo (Caasimada Online) Xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa caawa ka duwan habeenadii la soo dhaafay, kaddib markii galabta uu halkaas ka dhacay qarax lagu weerarray ciidamada Axmed Madoobe.

Magaalada ayaa lagu soo rogay bandow, waxaana la arkayaa ciidamo fara badan kuwaasoo taagan xaafadaha iyo wadooyinka magaalada sida uu noo sheegay goobjooge diidday magaciisa in aan soo xiganno.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxa in ka badan siddeed kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa oo ahaa mid meelaha fogfog laga haggo ayaa ka dhacay wadadda jay ah cadaha oo kala qeybisa xaafadaha Shaqaalaha iyo Guul-wade ee magaalada Kismaayo.

Qaraxa kaddib waxaa goobta qaraxa ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Jubba, kuwaasoo dhowr qof qabqabtay.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay qaraxa galabta ka dhacay Kismaayo, oo aad looga maqlay dhawaqiisa magaalada oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wabixin: Yuu Saacid u aqoonsan yahay wasiiradda ugu shaqada badan DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdifaarax Saacid Shirdoon ayaa maanta booqday labo ka mid ah xurumaha wasaaradaha xukumadiisa, wuxuuna sheegay in ay yihiin kuwa ugu shaqada badan wasaaradaha jirra.

Raysal wasaaraha oo ay la socdaan qaar ka mid ah wasiiradiisa ayaa booqday Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasaaradda Kheyraadka.

Raysal wasaaraha ayaa halkaas kulamo kula qaatay labada wasiir ee madaxda ka ah wasaaradaas, dabadeedna wuxu la hadlay saxaafadda.

Wuxuu sheegay raysal wasaare Saacid in labadan wasaaradood ay yihiin kuwa ugu shaqada badan wasaaradaha xukuumadiisa.

Wuxuu kaloo sheegay in loo aqoonsaday labadan wasaaradood kuwa ugu wax-qabadka badan xukuumadda sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ku ammaanayaa wasiirka warfaafinta tallaabooyinka ay qaadday wasaaraddiisa ee dib loogu howl-gelinayay hay’adaha dowladda, sida boostadii dalka, shirkadda duullimaadka Somali Airline, soo celinta maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde,” ayuu war qoraal ah ku yiri raysul wasaare Shirdoon.

Wasiirka warfaafinta, Cabdulaahi Cilmooge Xirsi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta ay qabatay shaqooyin badan, wuxuuna tilmaamay in ra’iisal wasaaraha uu ku saxan yahay in uu labadan wasaaradood uu ku tilmaamo kuwa ugu wax-qabadka badan xukuumadda.

Ma cadda wax yaabaha uu kala jeedo raysal wasaaraha hadalkan, balse waxaa meesha ka muuqata in uu jirro khilaaf ka dhex jirra ra’iisal wasaaraha iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradda.

Wasiiradda ka soo horjeeda ra’iisal wasaaraha ayaa la safan madaxweynaha,waxaana ay u oleenayaan in meesha laga saaro.

Wasiiradda aysan isku fiicneen raysal wasaaraha waxaa ka mid ah, arrimaha dibedda, arrimaha gudaha, gaashandhigga iyo wasiiru dowlaha madaxtooyadda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

PROF. Laba-Garre: Waxaan lee yahay Saacid xilka ha isku dhejin ee ka deg

0

Guddoomiyihii hore ee Ahlusunada gobollada dhexe Prof, Laba-Garre ayaa kusoo biiray madaxda  ka hadashay khilaafka Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Saacid Farax Garaad kuwaasi oo hadda u ballansan inay baarlamaanka lagu kala baxo.

Prof, Laba-Garre   ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisul wasaare Saacid Farax ugu baaqayo inuu xilka isaga dego oo uusan isku dhejin kursiga, waxaana uu taasi sabab uga dhigay in Madaxweynaha uusan la shaqeyn karin.

Laba-Garre” Saacid Farax waxaan leeyahay kursiga isaga deg oo waxba ha isku dhejin sababtoo ah maslaxada dalka ayaa ku jirta, maxaa yeelay adiga iyo madaxweynaha ma wada shaqeyn kartaan oo waa isaga kaa dalbaday inaad xilka isaga degto.” ayuu yiri Prof, Laba-Garre oo intaasi ku sii dray :

” Farmaajo sidan oo kale markii iscasilaad laga dalbaday waa uu diidi karay laakiin qaranka iyo ummada ayuu u turay, marka Saacid oo xukuumadiisa aysan wax badan qaban waa ila haboon tahay inuu xilka isaga dego oo uusan baarlamaan waxba aadin” ayuu yiri Prof, Laba-Garre.

Dhinaca kale waxaa wariye Axmednuur weydiiyey bal baaqa uu jeedinayo ee ah inuu iscasilo in dastuurka ku qoran yahay iyo inay tahay mid rabitaanka Madaxweyne Xasan Shiikh un ku saleysan.

” Waa xaqiiqo inaysan dastuurka ku qorneyn in madaxweynaha iscasil ka dalbado Ra’iisul wasaaraha laakiin mid waa inaad la socotaa haddii wada shaqeyn iyo isfaham jirin, waxaan qabaa in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha uu fudud yahay Ra’iisul wasaaraha inuu meesha ka baxo.Marka hadalkeyga waa sidaasi” ayuu yiri mar kale ku celiyey Prof, Laba-Garre.

Waxaana uu sheegay in xukuumada Saacid Farax wax ka qaban ammaanka iyo maamul u sameynta gobollada dalka taasina ay ku riixeyso raga uu ku jiro inay talo kusiiyaan inuu xilka ka dego haddiiba laga dalbaday.

Hadalka Prof, Laba-Garre ayaa imaanaya xilli  baarlamaanka Soomaaliya shalay loo qeybiyey mooshin ka dhan ah Saacid Farax Garaad kaasi oo ay soo gudbiyeen 168 xildhibaan oo dalbanaya inay kalsoonida kala noqdaan xukuumadiisa.

Waxaana hadda baarlamaanka la balamiyey inay dib isugu soo noqdaan sabtida soo socota oo laga doodi doono mooshinkaasi  islamarkaana cod la gelin doono kalsooni kala noqoshada Xukuumada Saacid Faraax Garaad.

Dhinaca kale Prof, Laba-Garre waxa kale oo uu wareysigisa uga hadlay maamul u sameynta laga wado gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso wareysiga guddoomiyihii hore ee Ahlusunada gobollada dhexe Prof, Laba-Garre

Xigasho: Kismaayo24.com

VIDEO: Muqdisho hadii aad shalay ku ogey burbur Maanta waa Sidaan…?

0

Caasimada Online:  Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa gawaari nuucyadii ugu dambeeyay ee caalamka laga isticmaalo kuwaa oo aad ugu soo madanaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Shacabka Muqdisho ayaa ku damaashaadaya Wadooyinka waaweyn ee halboowlaha u ah isu socodka Gawaarida iyo Dadweynaha taa oo amcnaheedu yahay in amaanka Magaalada ay soo hagaageeyso.

Amaanka Mqudisho waxuu ka soo hagaagayaa siduu uu ahaan jiray ayadoo xoogaa cabsi dhanka in gawaarida laga iska dhaco ay taa meesha ka baxday oo haatan uu jiro ilaada wadooyinka iyo ciidamo boolis ah oo daadsan wadooyinka Muqdisho ee nala daawo Damaashaadka Shacabka Muqdisho iyo Wadooyinka waaweyn ee Magaalada.

HALKAAN KA DAAWO:

Maxkamad amartay in xabsi lagu hayo milkiilaha Idaacadda Shabeelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha maxakamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuure ayaa amar ku bixiyay in loo wareejiyo xabsiga dhexe Milkiilaha Idaacadda Shabeelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud iyo Wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo wareystay gabar suxufiyad ah oo sheegtay in la kufsaday.

Seddaxdan qof ayaa ku jiray xarunta dambi baarista ee CID-da waxaana maanta la soo taagay maxkamad, si rasmi ah looma furin dacwadooda.

Go’aankan ayaa soo baxay, markii maxkamadda gobalka Banaadir maanta la horkeenay seddaxdan qof, waxaana su’aalo la weydiiyay wariyaha Wareystay gabadha sheegtay in la kufsaday.

Wariye Maxamed Bashiir oo wareysiga ka qaaday gabadha sheegtay in la kufsaday ayaa maxkamadda ay weydiisay in caddeymo muujinaya in gabadhan ay ku fasadeen shaqaale ka tirsan Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho.

Wariyaha ayaa sheegay in uusan heynin wax caddeemo sidaas darteedana waxa ay maxkamadda codsaday in wariyaha, gabadha iyo mulkiilaha Idaacadda Shabeelle Cabdimaalik Yuusuf loo wareejiyo xabsiga dhexe.

Maxkamadda waxaa kaloo joogay wariyaasha lagu eedeeyay in ay kufasadeen gabadha wariyaha oo lagu magacaabo Faadumo Abuur oo ah 19-jir.

Maxkamadda kama hadlin sababta keentay in seddaxda qof kaliye loo gudbiyo maxkamadda lana sii daayo labadii wariye ee la soo eedeeyay kuwaasoo kala ah, Cabdicasiis Afrika iyo JIbriil.

Guddiga u doodda difaaca suxufiyiinta caalamiga CPJ ayaa toddobaadkii horre ku baaqay in la sii daayo wariyaasha iyo gabadha dhibanaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: C/raxman Faroole oo isbaheysi la furtay Gen. Cadde Muuse

0

Garoowe (Caasimada Online) Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in uu madaxweynaha maamulka Puntland uu billbaabay isbaheesi cusub oo ku aadan siddii uu markale ugu guuleesan lahaa doorashada maamulkaas oo dhaceysa horaanta sannadka na soo aadan.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay Axadii shaley madaxweynihi hore ee maamulka Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirse (Cade-muuse)oo ay isku kacsanaayeen waayahan dambe.

Kulanka oo ka dhacay Garoowe waxaa looga hadlay siddii uu Cadde Muuse taageero u siin lahaa Faroole oo hadda wajahaya loolan aad uga tan weyn.

Waxaa kaloo labada nin la sheegay in ay ka hadleen siddii ay u qabsoomi lahayd doorashadda maamulka Puntland oo ay hadda u taagan yihiin raag caan miisana ku leh reer Puntland.

Sidoo kale Faroole ayaa u sharraxay Cadde Muuse sababta keentay in uu magacaabo guddiga khilaafaadka, taasoo dad badan ay shaki weyn ka muujiyeen.

Si dhab ah looma ogga in kulanka dhexmaray Faroole iyo Cadde Muuse in la isku afgartay iyo in kale.

Cadde Muuse oo ka yimid magaalada Qardho ee Gobalka Karkaar ayaa dhowr ka soo horjeestay qorshaha Farooel, taasoo keentay in labada ay dagaalamaan ciidamo kala tageersan.

Doorashooyinka Maamulka Puntland ayaa la shegayaa in isbadal ku keeni doonto xaaladda Puntland, waxaana musharrixiin farabadan ay hadda ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

4 qodob oo sabab u ah in xukuumadda R/W Saacid mooshin laga keeno

0

Siyaasadda Xukuumaddu: Socon Weynaye aan Orodno?

Dabacan Socon weeynaye ma Orodnaa Su’aashaas cid kasta ee mufakir ah ama Dareen garashaba leh wey dareemi kartaa in Ruux Socodkiiba gabay sida uu Orod u Hollin karo ama isugu dayi karo inuu Ordo.

Socon Weynaye aan Orodno marka aan hoos ugu daadago waxaa arrintaa iminka ka dhigan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xiligan isku hawleysa is bedelo Siyaasadeed ee la sameeyo. Xukuumadda Federaalka oo haatan Sanad iyo Maalmo Siyaada ah jirtay ayaa ugu horeynba waxaa is weeydiin mudan Hal Sano iyo Dheeraad maxaa uga qabsoomay Ballan qaadkeedii ahaa in ay wax ka qaban doonto Arrimahan.

Xukuumadda ayaa markii la dhidibada loo taagayba isla soo taagtay in ay wax ka qaban doonto.-

A- Dhamaystirka Dastuurka qabyada ah.

B-Hirgelinta Maamul Goboleedyada

C-Sugidda Ammaanka.

D-la Dagaalanka Musuq Maasuqa iyo arrimo kale oo ay Xilkeeda dusha u ridatay.
Wax qabadka iyo Fulinta Barnaamij Siyaasadeedkaas ay Xukuumaddu soo ban dhigtay maxaa uga qabsoomay dhamaana Qodobada aan kor ku soo sheegnay, si arrintaa aan wax uga ogaanana bal aan qodobayno.

A- Dhamaystirka Dastuurka Qabya Qoraalka oo ahaa barnaamijkii Siyaasadeed ee Xukuumaddu ballan qaadday ayaa wax badan ka qabsoomin iyadoo ay soo baxeen Warar sheegayay in Dastuurkii Dalku la lahaa la gac gacmeeyay isla markaana dastuurku uusan ahayn kii ay wada saxiixeen Saxiixayaashii Road-Mapka arrintaas oo ka caraysiisay Maamulka Puntland oo isagu ka mid ahaa Saxiixayaashii Dastuurkii qabya Qoraalka iyo Road Mapkii.
Arrintaas waxa ay keentay in Maamulka Puntland oo ka mid ah Maamul Goboleedyada Soomaaliyeed in ay Xiriirkii u jaraan Xukuumadda Soomaaliya ka gadaal markii uu mad madow soo kala dhex galay sida ay Maamulka Puntland ku doodayaan in la hareer maray Heshiiskii lagu Saxiixay Dastuurka.

B- Dhismaha Maamul Goboleedyada iyo Hirgalinta Nidaamka Federaalka

Ballan qaadkii Xukuumadda waxaa ka mid ahaa in inta ka horeysa 2016ka ay dhamaystiri doonto Nidaamka Federaaliisimka iyadoo Maamulo loo samaynayo Gobolada Dalka si ay u gaaraan Doorasho ugu dambayn Dadka Gobolada ay u soo dhistaan maamul ay u dhan yihiin ama u soo doortaan, taasina waxa ay noqotay mid shaqayn weyday.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay waqti badan ku lumisay Gobolada Jubbooyinka oo si aad ah ay ugu mashquushay iyadoo iska ilowdey Dalka intiisa kale iyo sidii maamul Goboleedyadu u noqdaan kuwo si isku mid ah looga hawl galo xilkaasina way gabtay Xukuumadda illaa Dal ka mid ah Dalalka Deriska ay ku qanciso Xukuumadda Soomaaliya in ay oggolaato Heshiis ku meel gaar ah kaddib markii wax xal ah ay u heli weydey Maamul u Sameynta Goboladaas.

Oggolaanshaha Xukuumaddu ay Oggolaatay Heshiiskaas ku meel gaarka ah waxa ay ka careysiisay qaar ka mid ah Gobolada Dalka oo iyaguna ku dhaqaaqay in arrintaa ay ka gadoodaan isla markaana ay ku dhawaaqaan in Kalsoonidii ay kala noqdeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya isla markaana ay samaysan doonaan Maamul Goboleed ka madax banaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya tanina waa fashil mar kale soo wajahay Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Dr Saacid oo ku fashiliantay Ballan qaadkeedii ahaa in Maamul Goboleedyada ay diyaariso iyadoona tafaraaruq hor leh oo sii kala fogeynaya Goboladii Dalka uu halkaa ka abuurmay.

C-Sugidda Ammaanka.- Qodobkan ayaa ahaa midka ugu muhiimsan loogana fadhiyay Xukuumaddu inay wax badan ka qabato isla markaana ay soo af jarto Colaadihii Gobolada dalka ka jiray. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaan la oran 100% waa mid sugan waxaana dhacda mararka qaarkood Qaraxyo, Dilal, Tacaddiyo iyo xad gudubyo loo gaysto qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxaa dib uga bilowdey Gobolada dalka Dagaalo inta badan lagu Eedeeyo in Xukuumaddu ay ka dambeysey sida dagaalkii ka dhacay Gobolka Jubada Hoose, Dagaalkii Shabeelaha Hoose, Dagaalkii Shabeelaha dhaxe iyo Dagaalada ka soconaya Gobolka Hiiraan. Dagaaladaas dhamaantooda ayaa eedeeda waxaa loo soo jeediyaa Xukuumadda oo la sheego in ay abaabulayso Dagaaladaas isla markaana Rag ay iyadu taagaareeyso ay ka dambeeyaan dagaalaas arrintana waxay Indhaha ku godeysaa sida ay Xukuumaddu ugu guul daraysatay wax ka qabashada ballan qaadkeedii ahaa Sugidda ammaanka.

D-La Dagaalanka Musuq Maasuqa.- Qodobkani wuxuu ka mid yahay ballan qaadkii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hore ugu ballan qabatay markii la dhisay, Runtii horaa Suugaanyahan Soomaaliyeed u yiri “Musuq Maasuq waa Soomaali Meheradeeda” Arrintan wax iska weeydiin ma laha dhacdadii ugu dambaysey waxa ay ahayd Is Casilaaddii Guddoomiyihii Bankgiga Dhaxe ee Soomaaliya iyadoona is casilaadeeda sal dhig uga dhigtay Maamul Xumo iyo wax is daba maryeen ka jirta Bangigaas sidaa darteedna ay ka door bidday Xilkaas in ay faraha kala baxdo.

Musuq Maasuqa waa mid baahsan gaar ahaana marka aynu fiirino Shaqaalaha Dawladda oo marka aad la sheekaysato kuu sheegaya in muddo dhowr bilood ah aysan helin wax Mushaar ah oo ay heleen, dhinac kale kale Diiradda saar Ciidamada dawladda oo aad arkayso Dariiq walba in ay taagan yihiin isla markaana Gaadiidka halkaa maraya Gacmaha u taaganaya. Ciidamada ayaa ka cabanaya in wax Mushaar ah aysan helin muddo taasina waxaa loo aanayn karaa sababaha Xukuumadda ku kaliftay in ay wax ka qaban weeydo Musuq maasuqa la sheegay inuu ka jiro inta badan Hay’adaha Dawladda.

Socon weynaye ma Orodnaa Dhinac kale marka aan u fiirino Xukuumadda oo muddo Sanad iyo dheeri ah wax ka qaban weeydey qodobadaas aan soo sheegnay bay misana waxa ay hollinaysaa isku shaandheyn la sameeyo iyo Wasiirada oo la kala qaad qaado, taasoo iyaduna ka dhigan “Timirtii Horeba Dab Loo Waa” maadaama Wasiiradii hore u jirayba aysan wax qabad muuqda la imaan Mudadii sanadka iyo Siyaadada ahaa.

Khilaafkan soo kala dhax galay Labada mas’uul ayaa sida la sheego waxa u sal dhig ah qodobada aan kor ku soo sheegay oo badanaaba ah marka xukuumad ay meesha ka bixi rabto waxyaabaha ay Ersato ama sababsato.Bal Dib u Raac Sababihii bur burka Xukuumadaha keeni jiray maxa ay ka bilaaban jireen Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaarihiisa oo is qabta dabeetana is jiid jiid badan kaddib uu meesha ka baxo Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisa.

Dhinac kale marka aan eegno Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xiligan Taageero aad u wanaagsan ka haysata Beesha Caalamku haddii ay Rumowdo Eedeymaha Xukuumadda lagu Eedeynayo in ay ku Fashishay wax qabadkii looga fadhiyay maxay noqonaysaa Kalsoonida Beesha caalamka ee Soomaaliya.

Aan ku soo af jaro Maqaalkeygan aan hal ku dhigga uga dhigay Siyaasadda Xukuumadda ma Socon weynaye aan Orodnaa marba haddii Gaabis badan uu jiro, wax qabad yari ay jirto Musuqu uu weli taagan yahay, is qab qabsigii uu bilowdey oo astaan u ahaa dhicidda Xukuumad, maxaa u haray Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Dr Saacid in ay sii xajisataa Maqaamkeeda mise waa in ay meesha isaga baxdaa, taasi jawaabteeda dad weynaha ayaan u deynayaa.

W/Q. Ustaad Aadan Macalim Aadaamo

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Dhageyso: Barre Hiirale oo walaacsan xilli ergooyn isugu tageen Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ergadii ka qeyb gali lahayd shirka dib uheshisnta wajigiisa labad oo magaalad kismaayo la qorshenayo inuu ka dhaco ayaa wax ay ku sii qul qulayan kismaayo waxaana halkaasi loogu soo dhaweayay si heer sara ah.

Waxaana la qor shenayaa in maamlmaha soo socdo  uu ka furmo shirkaasi magaalada kismaayo, sidoo kale  magaalada ayaa waxaa lagu dhex arkay qaar ka mid ah beelihii ka baxay shirka markii uu ka soconayay wajigiisa kowaad muqdisho ayaa hada garay kismaayo..

Nabadoon C/rixmaan Santuur oo kamid ah Odayaasha shirka ka qayb galaya ayaa  sheegay dhawaan inuu bilaaban doono shirka isla markaana ay magaalada gaareen inta badan Ergada ka qayb galaysa.

Sidoo kale waxaa lag rabaa kismayo  inay garaan wafdi  la socdo dowlada faderaalka ah oo laga rabo hogaanka shirkasi inay qabto  madaamo ay horey garwadeen oga ahayd shirka wajigiisa kowaad.

Ammaanka Kismaayo ayaa siwayn loo adkeyay labadii maalin ee u danbeeyay waxaana dhinaca kale dhawaan halkaasi lagu dilay Nin Caanka ahaa gudaha magaalada Kismaayo oo lagu magacaabi jiray  Nabadoon Abdiladif Ahmed Nur Hassan Samatar Baadi.

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Maamulka Barre Hiiraale ayaa walaac ka muujiyay ka qayb galka Shirka Kismaayo inta lagu guda jiro Khilaafka u dhexeeya Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona uu xusay Afhayeenkaasi wali inaysan fulin qodobadii ka horeeyay shirka Kismaayo ee lagu gaaray wajigii koowaad ee shirka Muqdisho.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga

Wareysi-Nabadon-Cabdiraxman-Santur-Macalin-Ibrahim-24-11-2013

Isha: K24

Saacid oo helay xildhibaano cusub iyo rajo mar qura usoo muuqatay “Xog”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa rajo weyn ka qaba inuu ka bad baado mooshinka la doonayo in lagu rido ee hor yaalla baarlamanka Somalia, sida ay sheegeen xubno isaga ku dhow.

Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan jirin tirada 168 xildhibaan ah ee la sheegay inay saxiixday mooshinka ka dhanka ah Saacid.

Xafiiska Saacid ayaa sheegay in 168 ay tahay un kaliya tiro, balse aan la hayn illaa iyo hadda 168 magac, oo saxiixday mooshinka, sida shalay ku cadaatay kullankii baarlamanak Somalia.

Xog-hayayaasha Saacid, ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay inay jiraan xildhibaano badan oo horey loo maleeyey inay u taageersanaayeen Xasan Sheekh, balse iminka dhinaca Saacid soo xigsaday.

“Waxaa jiro xildhibaano laga been abuurtay iyo kuwa maskaxdooda beddelay oo iminka diyaar u ah inay taageeraan Saacid” ayuu yiri mid ka mid ah kaaliyayaasha Saacid.

Tagaeerayaasha Saacd, ayaa iminka ku doodaya inay doonayaan inay arkaan magacyada rasmiga ah ee saxiixay mooshinka, oo aanay ku qanceyn oo kaliya tiro.

Dhinaca kale xafiiska madaxweynaha ayaa aaminsan inay xittaa haddii tirada aysan dhameyn 168, loo baahan yahay oo kaliya 139 si mooshinka u hir-galo, taasina ay aad ugu kalsoon yihiin inay heystaan.

Wixii kusoo kordha arrintan haka dheeraan Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mooshinka Saacid oo mugdi galay iyo kooxda Xasan Sheekh oo jawaabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah Xildhibaanada taageersan madaxweynaha Somalia  ayaa ka jawaabay eedeyn kaga timid mudanayaasha barlamaanka Somalia ee siyaasad ahaan dhaliilsan keenista Mooshinka ra’isul wasaare Saacid.

Wasiirkii hore ee Dastuurka dalka ee dowladii KMG aheyd C/raxmaan Xoosh Jabriil , oo ka jawaabayay eedeynta uga timid Xildhibaano saluugsan mooshinkan ay ra’isul wasaare Saacid ka keeneen ayaa sheegay in mooshinkan uu yahay mid ansax ah lagana doodi doono maanta.

Wuxuu shaaca ka qaaday in xilligan aysan munaasib aheyn dastuurkana aysan qeyb ka aheyn in magacyada dadka mooshinka wado in lasoo bandhigo balse maalinta Sabtida ah lasoo bandhigi doono.

Inkastoo dhowaan ay beeniyeen Mudanayaasha Baarlamaanku in arintan ay la xiriirto khilaafka madaxda sare ee dalka ayaa hadana Xildhibaan Xoosh  wuxuu cadeeyay inay jiraan galaangal siyaasadeed oo madaxda sare ee dalka ka dhex wadaan Baarlamaanka Somalia .

Isagoo u waramayay laanta Afka Somaliaga ee VOA-da ayuu tilmaamay in xukuumada intii ay jirtay aysan waxba qaban waajibna ay tahay in kalsooi ay weydiisato baarlamaanka Somalia  go’aanka mooshinkooduna uu yahay mid aan ka noqosheo laheyn.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia wuxuu sheegay in qaabka Mooshinka ay u wadaan Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ay tahay mid qalad ah waxaana uu tilmaamay in lasoo bandhigo magacyada iyo saxiixa mudanayaasha baarlamaanka ee wada Mooshinkan

Mooshinka ra’isul wasaare Sacid ayaa dib loo dhigay kadib markii kulankii shalay uu buuq ka dhashay waxaana la wada sugayaan waxa uu kusoo dhamaado mooshinkan xilli  khilaafkii madaxda sarana uu halkiisii taagan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faroole oo ka hadlay arrin la sugayey oo sameeyn weyn ku yeelan doonta…!

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr: C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud “Faroole”  wuxuu faah faahin ka bixiyay qaabka loo maareynayo  soo xulista Mudanayasha  cusub ee Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Iyadoo la marinayo nidaamka Maamulka Puntland ayuu sheegay Madaxweyn Faroole in Mudanayaasha cusub loo soo xulayo qaabkii hore ee beelaha sida uu shaaca ka qaaday.

Xilli si rasmi ah lagu wado in lagu dhawaaqo Xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya Baarlamaanka Puntland ayaa odayaasha iyo waxgaradka deegaanada Puntland waxa ay wadaan soo xilista xubnaha baarlamaanka Maamulkaas.

Wareegatada Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa u qorneyd sidan

Kenya: Dhulka ay Soomaalida ku nool yihiin waa naag dhalmada joojisay

0

Dhadhaab (Caasimada Online) Wasiirkii horre ee gaashandhigga Kenya ayaa hadal lala yaabo sheegay kaddib markii dhawaan ay tageen xeryaha qoxootiga gobalka Waqooyi Bari Kenya wafi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga dalkaas.

Isagoo ka hadlaayay goobta ayuu Mohamed Yussuf Hajji uu shegay , dhulka ay qaxootiga tiga Soomaaliyeed 23 sanno kusugnayeen uu noqday naag dhalmada joojisay.

Sida uu u sheegay Shabakadda Caasimada Online wariye ku sugnaa shirkaas wuxuu uu kala jeeday wadanka waa la xaalufiyay.
a
Mas’uulkan oo laga soo doorto gobalkaas ka codsaday hey’addaha gargaarka in ay wax u qabtaan dadka ku nool deeganka Dhadhaab oo ka tirsan Gaarissa.

Wuxuu ku celceliyay Yuusuf Xaaji, martigallinta ay u fidiyeen muddadaas badan taas badalkeedana ay ubahan yihiin in wax loo qabto.

Si kastaba, waxaa muuqata in Kenya ay dhibsadeen qoxootiga Soomaalida ee ku nool dalkeeda, waxaana ay hadda doonayaan in dib loo celiyo qoxootiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Xog iyo Gorfeyn: Dowladda minay bir tahay waan ka leexaheynaa, minay bac tahayna waa bajeynaa! (Maxaa socda?)

0

Ciyaarta legdinta ayaa xeeladaheedu waxay ku qotomaan in Labada Ruux oo legdamaayo midba Xeelad adeegsado si uu uga gacansareeyo kan kale, ha noqoto dibir, darro, ama Qonof oo weliba la raaciyo sinsaaryo iyo xambaarogudub.

Legdanka waxuu leeyahay Shuruuc iyo Qaanuun sida inta aan ciyaarta loo guda gelin in xag la isa siiyo oo kala aha: kor iyo hoos. Siyaasaduna kama foga xeeladaha legdinta loo isticmaalo, oo waxay labaduba natiijadu kuwada biya shubanayaan in qofba qofka kale ka guuleysto oo legdintu malaha araarayn  iyo kala qabasho ilaa ruux dhinaciisa dhulka la dhigo.

Inkastoo Soomaalidu badankeedu yihiin reer miyi u qaabeysan iska dhicinta ayaa waxaan ku qaada dhigeynaa taariikhdii loolanka siyaasadeed ee kursiga hoggaanka ee taariikhda ku soo noq-noqday. Waxaa haboon in taasi dib loo milacsado legdamihiii siyaasadeed ee ee tegay si aanu u xuusano ugana faa’ideysano.

Haddabo Legdenka Ciyaareed waa bowdaqaawis oo guntiga laysku giijiyoo, dadka daawanayana u kala safta legdamayaasha oo caraadis iyo xamaasad dhiirigelin ah ku garab istaago illeyn ninba waa nin kiisa. Waxaa intaa sii dheer dadka danaaniyo qaarkiis baa ku insaaraxo qofkiisa, yiraahdana: “libin mooyee bar-bardhac ha yeelin.” Qaar kalena waxay ku bogaaddiyaan: “iska dhici oo hebel yuusan mar kale kula bocola guranine.” Si kastaba ha ahaatee waxaa soo maray legdin Siyaasadeed waxaana ka soo qaadaneynaa oo ka mid ah dhacdooyinka soo socota:

April 9, 1978 ayaa waxaa dhicisoobay inqilaab lala maaganaa Siyaad Barre, dawladii militeriga ahayd. Maruu Siyaad ku guuleystay legdantii buu wuxuu Siyaad Barre amar ku bixiyey in qoorta loo dheereeyo Ragii lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen inqilaabkii dhicisoobay, intiii carrartay mooyaan.

Siyaad xeelada legdenka ee xambaaro- gudubka ah wuu ka badbaaday, wuxuuna hoggaanka hayey legdintaa ka dib 13 Sanno.

Maarso 17, 2005 Barlamaanka DKM oo markaas ku sugnaa dalka Kenya, Nairobi ayaa gaacan iskula tegay oo halkaas qaar ka tirsan xildhibaanada Soomaaliyeed dhiig badan uga daatay. Inkastoo ay shuruudaha legdenka waafaqsaneyn, gareexeed garbaduub laysku qabto oo misane dhiig layska daadsho taasina Somalidu waxay ku noqotay arrin ugub ah.

May 2, 2000  Shirkii dib u  heshiinsiinta Somaliya ka bilowday Carta, Jabuuti, ka dibna lagu doortay mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan. Nasiib darro Madaxweyne Cabdiqaasin wuxuu loolanka legdintu kala dhaxeeyay Mudane Xasan Abshir oo ay wehliyaan Dagaal oogayaashii u faadhiyey shiraysigii hilibka Maandeeq ee loog iyo sadaqo midna loo bixiniaynin hase yeesheee markaas  xoog iyo xeelaad legdan usku qaabeeyey sida Muuse Suudi waxuuna ku tannaagooday: Dawladdu manay bir tahay waan ka leexaheynaa, minay bac tahayna waaa bajeyna. Mudane Cabdiqaasim baa qonof iyo darro wada socda looga tuuray dawladii uu madaxda ka ahaa.

Oct 10, 2004  Waxaa legdankii Siyaasadeed masraxa isku soo taagay Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, durbadiiba ku goodiyey in uu sinsaaryo farafootan u isticmaalayo Mudane Nuur Cadde. Haseyeeshee Mudane Nuur Cadde ayaa dibir sintaag ah dhulka la dhigay Mudane Cab/llahi Yusuf Axmed, xukunkiina isagoo dib u soo jalleecayo ka hayaamay.

Sep, 10, 2012 waxaa la doortay Mudane Xasan Shiiq Maxamuud wuxuuna ku ribeeyay uu la looltamayo Mudane Cabdi Farax Shirdon (Saacid), wuxuuna si bareer ah u iclaamiyey inuu si sahllan uga guuleysanayo, laakiin Mudane  Saacid oo garmaama-ciyaar la soo gole tagay baa ku ribeeyay in uu difaacayo heybaddiisa iyo sharaftiisa.

Arrintaana ma aha bushma-tuur iyo caraatan toona, laakin waa legdin Siyaasadeed. Waxaase la mala awaali karin Qofka ku raynayo legdanka Siyaasadeed ee Maanta ka aloosan Muqdisho. Looba joogee ciddii ku badiso.

Cumar Axmed, USA – Keydmedia Online

Kontorool la’aanta DFS oo mugdi ku sii wadda mustabalka Soomaaliya

0

Tirada jaamacadaha ku yaal Soomaaliya ayaa sii koraya, haseyeeshee maqnaanshaha kontoroolka xukuumaddu ku leedahay qaybtan tacliinta sare ee uu ka jiro tartanka sii badanaya ayaa abuuray welwel, sida ay ku doodayaan cilmi-baarayaasha iyo saamileeyda waxbarashada.

Inkasta oo ay dalka ka jiraan dhibaatooyin ammaan, ayaa haddana in ka badan 50,000 oo arday waxa ay dhigtaan ku dhowaad 50 hay’adood oo bixiya tacliinta sare kuwaa oo kala leh baaxad iyo awoodo kala duwan kuna kala yaal Soomaaliya oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland, sida lagu qoray cilmi-baaris dhowaan uu soo saaray Machadka Daraasaadka iyo Cilmi-baarista ee Heritage (HIPS).

Warbixinta soo baxday Ausut 2013 ee cinwaanka looga dhigay “Xaaladda Tacliinta Sare ee Soomaaliya: Ganacsiyeeyn, koboc degdeg ah, iyo baahida sharciyeeynta”, ayaa sheegaysa in 34 illaa 44 jaamacadood oo tirakoob lagu sameeyay la furay intii u dhexeeysay sannadihii 2004-tii iyo 2012-kii. Jaamacadahaas 44-ka ah, ayaa kaliya dhowr ka mida waxa ay bixiyaan waxbarashada ka sarreeysa darajada koowaad ee jaamacadda.

“Koboca qaybaha waxbarashada sare ee uu waddanku ku tillaabsaday, xilli ay jiraan dhibaatooyinkii colaadeed iyo dagganaansho la’aantii muddooyinka dheer soo maray qaybo waddanka ka mid ah, ayaa ka hor imaanaysa fikrad aad loo aaminsan yahay oo oranaysa hoos u dhac iyo curyaannimo ayaa ku yimaadda horumarka dhaqaale iyo midka bulsho markii ay maqan tahay dawlad dhexe oo awood leh,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Maqnaanshaha dawlad dhexe oo leh awood xooggan iyo dowlad goboleedyo ayaa waxayba dhiirri galiyeen in la helo waxbarasho sare oo madax-bannaan si gaar ahna loo leeyahay.”

Laakiin warbixinta ayaa ka digtay in “maqnaanshaha kormeer iyo indha ku hayn xooggan oo dawladeed ee dhammaan saddexda deegaan ee dalka iyo tayada hoose ee shaqaalaha barayaasha ah, ay sababeen in midda waxbarasho ay aad hoos ugu dhacdo”.

Guulo iyo khataro

Heerka ay hay’adaha tacliinta sare ee Soomaaliya uga korayaan Soomaaliya oo dhan waa mid lala yaabo, ayuu yiri Timothy Kiambi Maburi, oo ah la-taliye dhinaca waxbarashada oo Kenyan ah oo hadda ka hor u shaqeeyay Jaamacadda Golis ee Hargeysa haddana ah agaasimaha daraasaadka ee Jaamacadda Savannah ee Muqdisho.

“Dalka waxa ay xukuumadda dhexe ka maqneeyd muddo ka badan 20 sano sababtoo ah dagaallada sokeeye ee socda, laakiin tacliinta sare ee Soomaaliya way shaqeeynaysay sababtoo ah kaalinta wayn ee ay qaateen shakhsiyaad, bulshooyin maxalli ah iyo hay’adaha aan dawliga ahayn,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, maadaama ay xiliyadii tagay maqnayd xukuumad dhexe oo shaqeeynaysa, ayuu kobaca warxbarashada sare ee Soomaaliya wuxuu la yimid wax xoogaa khatar ah, ayuu Maburi yiri.

Halkii la rabay in lagu aamino khubaro dhinaca waxbarashada ah, ayaa tacliinta sare waxa la wareegay dad ganacsato ah oo daneeynaya sidii ay macaash ku sameeyn lahaayeen, ayuu sheegay.

Qaar kamida jaamacadaha waxaa furay xubnaha bulshada qurba-joogta ah, hay’ado diini ah oo aan dawli ahayn ama qaybo kale oo khaas loo leeyahay, sida lagu sheegay warbixinta HIPS. Intaa waxaa dheer, macallimiinta warbixintu sheegtay ee 2,501-da ah, 39% ayaa haysta darajada heerka koowaad ee jaamacadda, 50% waxay haystaan darajada heerka labaad ee jaamacadda ee masterka halka 11% soo hartayna ay haystaan darajada sare ee cilmiga ee PhD-da. Warbixintu ma ayan sheegin in shahaadooyinkaas laga soo qaaday jaamacado la aqoonsanyahay iyo inkale.

“Waxay hoos u dhigeen kharashaadkii [jaamacadda] kadib markay shaqaaleeyeen dad aan takhasus ku haysan maaddooyinka ay dhigayaan, khatartaasina waxa looga gudbi karaa marka ay xukuumaddu ka soo dhalaasho kaalinteeda,” ayuu yiri Maburi.

Dr. Ciise Maxamuud Xalane, oo Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee ay dalwaddu lahayd ka dhigi jiray xannaanada xoolaha iyo caafimaadka ka hor dagaalladii sokeeye haddana casharro ka bixiya qaar ka mida jaamacadaha khaaska loo leeyahay ee Muqdisho, ayaa sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo heerka ay ku kobcayeen jaamacadaha Muqdisho iyo tayada koorsooyinka iyo duruusta halkaa laga bixiyo.

Sifo kor loogu qaado tayada tacliinta sare, ayuu Maburi sheegay in xukuumadda ay la gudboon tahay in ay biloowdo jaamacado dheeri ah oo ay dawladdu leedahay, isla markaana ay dhaqan-galiso sharci lagu maamulayo jaamacadaha isla markaana jaangooyooyin u sameeya duruusta.

Dhab ahaantii, 14-kii November ayuu golaha xukuumadda Soomaaliya waxa uu cod buuxa ku taageeray qorshe dib loogu dayac-tirayo looguna furayo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, mashruucaas oo lagu qiyaasay in ay ku kaceeyso $3.6 milyan.

Ardayda oo qiimeeynaya jaamacadaha Soomaaliya

Jirteeyoo ay kobcayaan fursadaha waxbarasho ee dalka, ayay aradayda Soomaaliyeed ku faraxsaneeyn tayada barnaamijyada tacliinta sare ee ay haystaan. Ismaaciil Samatar, oo sannadka saddexaad ee saxafadda ka dhigtaa Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay in ay “nuqsaani” ku jirto waxbarashadiisa. Qaar kamida macallimiintiisa ayaa waxa ka maqnaa xirfadda waxbaridda ama kaliya waxay heeysteen shahaadooyinka heerka koowaad ee jaamacadda, ayuu sheegay.

Dhiniciisa, ayuu Cabdi Maxamed Axmed, oo sannadka afaraad ee caafimaadka ka dhigta Jaamacadda Banaadir, waxa uu sheegay in isaga iyo saaxiibadii ay waxbarasho iska liidata helaan marka la barbar dhigo ardayda jaamacadaha ka dhigta dibadda.

“Ardayda jaamacadda caafimaadka ka dhigta adduunka waxay leeyihiin isbitaallo wax lagu barto oo ay ku tababaran karaan, waxay khibraddooda ka qaataan isbitaalka jaamacadda marka laga bilaabo sannadka ugu horreeya, laakiin innagu fursaddaas ma haysanno,” ayuu yiri.

Isaga oo ka jawaabaya welwelka ku aaddan kormeer la’aanta, ayuu Maxamed Cabdulqaadir Nuur, oo ah madaxa qaybta waxbarashada ee Wasaaradda Horumarinta iyo Arrimaha Bulshada, waxa uu sheegay in xukuumaddu qorsheeynaysay in ay ansixiso sharci bilaha December ama January kaas oo lagu maamulayo hannaanka tacliinta sare.

“Waxaan diyaarinaynaa shuruucdii, siyaasaddii waxbarashada iyo manhajkii loo isticmaali lahaa jaamacadaha dalka,” ayuu yiri Nuur.