28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Siyaasiga Yassin Maaxi oo Fariin u diray Madaxda Dalka Soomaaliya.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Mudane Yassin Maaxi Macalin oo si kooban uga hadlay Khilaafka xoogeestay ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh & Ra’isul Wasaare Saacid ayaa si ka duwan siyaasiyiinta Soomaaliyeed kaga hadlay khilaafka ka dhex taagan Labada mas’uul ee dalka ugu sareeysa.
Mudane Maaxi waxuu ka sheekeeyay aqoonta labada mas’uul ee is haya waxuuna yiri.

“Madaxweyne Xasan & Ra’isul Wasaare Saacid waxaan ku aqaanay in ay yihiin Saaxiibo ka duwan madaxdii dalka soo maray waxaan aaminsanahay in arinka meesha la geynaya in uusan jirin ee waxaan dhihi la haa Madaxdii Dalkood ogaada adinkuu shacabka idiin sugayaa ee xaliya khilaafkiina”

“Xaqiiqdii waa wax laga xumaado in mar kale ay dhagaheena maqlaan arinka ah khilaaf baa u dhaxeeya Madaxdii dalka ugu sareysay taa oo aan ka gudubnay in an dib ugu noqono waa nasiib daro ee waxaan dhihi la haa Madaxweyne Xasan & Ra’isul Wasaare Saacid in ayaga dhexdooda ay dhameeyaa waxii khilaaf ah ee dastuuriga ah sida hada muuqata”

Gudoomiye Maaxi waxuu kaloo tilmaamay mar uu ka hadlayay arinkani in Madaxweyne Xasan & Ra’isul Wasaare Saacid ay ka duwan yihiin Dowladihii dalka soo maray oo ay shacabka u dhaga taagayaan dowlada rasmiga ah ee u dhalatay hana qaadkeeda ee ma sugayaan shacabka is qabqabsi iyo dagaal siyaasadeed ee madaxda dalka u dhaxeeya waxuuna yiri mar kale Mudane Maaxi

“Madaxdii Dalkoow Anaga iyo Shacabka adinka ayaan idiin sugeynaa ee aan maqalno hadal wanaagsan oo aan kaga gudubno qalqalka siyaasadeed ee taagan waxaana dhihi la haa Siyaasiyiinta kale in aysan hadalku buun buunin ee ay xal raadiyaan waana ka daalnay xaqiiqdii burbur iyo dagaal iyo Madax farqaha is heysata”

“Xalka ugu fiican waa in la isku tanaasulaa si Horumarka iyo isbadalka taagan uu u sii socda ee hala fiiriyo Hamiga Shacabka u bislaaday Dowladnima” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Mudane Maaxi.

isku soo wada duub hadalkaan ka soo yeeray Gudomiyaha Xisbiga SSUP Mudane Yaasiin Maaxi ayaa ka duwan dalada Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee si kale uga hadlay arintani ayagoo i kala saftay Madaxweyne Xasan & Ra’isul Wasaare Saacid balse Mudane Maaxi waxuu si cad ugu sheegay Labada Mas’uul ee dalka ugu sareeysay in ay fiiriyaan Xaalada dalka ee maanta oo maraya halkii ugu fiicnaa oo aanan dib ugu noqon wax aan waa hore ka soo gudubnay ayuu ku sheegay hadalkisia Mudane Maaxi.

- Advertisement -

Read more

Local News