28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Gar-gaar laga qeybinayo PUNTLAND

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Sabti ah ka billaanaya qaybinta gargaarka loogu talagalay in la gaarsiiyo dadkii wax ku noqday dabeylaha iyo roobabka xoogga ee ku dhuftay deeganada Bariga ee dalka Soomaaliya.

Wariyaha Caasimada Online ee Garoowe ayaa soo sheegaya in magaalada ay ka socoto diyaar garow ku aadan siddii gurmadka loo geen lahaa deegannada ay musiibada ku dhufteen.

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in ka badan 500,000 oo qof ay ku wax yeeloobeen dufaantii iyo roobabkii ku dhuftay deegannadii Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka mahadceliyay deeqaha gargaarka ee ka yimid Itoobiya iyo Jabuutu wuxuuna sheegay in ay abaal u hayaan waddamadaas.

Faroole ayaa tilmaamay inay wali sugayaan gurmadkii ay ballan qaadeen waddamada kale ee caalamka, isagoo ku celceliyay Puntland inay ka go’an tahay sidii gurmadka loo gaarsiin lahaa dadka dhibaataysan ee u baahan in la caawiyo.

Gargaarka oo gaaraya 23 tan oo isugu jira daawo, dhar iyo cunto ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay waxyeellaysay duufaanta ku dhufatay deegaanno hoos taga maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News