110 Qof oo Soomaali ah (30 Dumar + 20 Caruur) oo halis ku sugan (Warbixin)

Roma (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa doon ay la socdaan tahriibayaal Soomaali ah kuwaasoo ku go’doonsan xeebaha u dhexeeya Libya iyo Talyaaniga.

Doonta waxaa la socda 110-qof oo ay ku jiraan 30 dumar iyo 20-carruur ah, kuwaasoo tan iyo shaley ku go’doonsan xeebaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Libya.

Gabar la dhalatay mid ka mid ah dumarka la socda doontan ku go’doonsan oo ku sugan xerada IFO ee dalka Kenya ayaa BBC-da u sheegtay in ogaadeen in ay ka mid tahay dadka la socda doonta.

Sahro Nuur Cabdulaahi Faarax ayaa sheegtay in markii ay ka maqleen Idaacadda warka ku saabsan doon ay la socdaan dad Soomaali ah oo ku go’doonsan xeebaha u dhexeeya Liibya iyo Talyaaniga, waan naxnay ayey tiri.

Mar la weydiiyay wax yaabaha ku kalifay in walaasheed ay u bareerto khatartaas, waxaa ay sheegtay in waxyaaba ku kalifaya dhallinyaro badan oo isaga taga dalka ay sabab u tahay sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastaba, Soomaalida la socota doonta ku go’doonsan xeebaha u dhexeeya Libya  iyo Talyaaniga ayaa wax gurmad ah helin tan iyo shaley markii ay ka soo baxeen dalka Libya.

Labo toddobaad uun ayaa laga joogaa markii doon ay la socdeen in ka badan 500 oo qof oo Afrikan ay ku degtay xeebaha Talyaaniga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

Caasimada@live.com