Somalia oo kaalinta 1-aad ka gashay FIFA Futuro III + Sawirro

Muqdisho (Caasimada online) Gabagabadii tababarka caalamiga ah ee FIFA u qabato macalimiinta garsooreyaasha ee loo yaqaano FIFA Futuro III Course ayaa Soomaaliya waxaa la siiyay kaalinta 1-aad kaddib markii Cali Maxamed Axmed oo ka socda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta la siiyay abaal marinta kaalinta 1-aad isagoo noqday qofkii ugu dhibcaha badnaa imtixaankii khubarada FIFA ay qaadeen.
Sharaf weyn ayay u ahayd Soomaaliya in dhacdadan caalamiga ah laga garaacay musikada astaanta calanka Soomaaliya iyadoo meesha ay ku sugnaayeen wufuud ka kala socotay dalal aad u farabadan kuwaas oo aan nasiib u yeelan in astaanta calankooda meesha laga tumo, balse mar qura goobta laga maqlay astaanta calanka Soomaaliya.
Munaasabadii gabagabada ayaa lagaga dhawaaqay in Cali Maxamed Axmed oo ka socday Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu galay kaalinta 1-aad halka kaalimaha 2-aad iyo 3-aad ay kala galeen ABASI oo ka socday Uganda iyo GIZETE oo ka socday dalka Itoobiya oo koorsadana lagu marti geliyay.
Waxaa tani ay ahayd talaabo kale oo guul xambaarsan oo usoo hoyatay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo dhawaana ku guleystay in markii ugu horeysay dalka Soomaaliya lagu qabto tababarka noociisu yahay FIFA Grassroots course oo Soomaaliya waligeed aanay horay u helin.
Cali Maxamed Axmed oo saxaafada hadal siiyay ayaa sheegay in dhacdadani ay tusaale weyn u ahayd in horumar weyn oo xaga kubada cagta ah uu ka jiro dalka Soomaaliya oo soo maray dagaalo kuwii ugu xumaa  ee dunida ka dhaca dhwoir iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay.
Cali Maxamed Axmed oo ka mida macalimiinta garsooreyaasha dalka Soomaaliya waxaa l oo aqoonsaday hormuudka koorsada waxaana isla goobta lagu gudoonsiiyay abaal marin heer caalami ah.
Astaanta calanka Soomaaliya garaacitaankeeda ayaa lagusoo beegay markii wakiilkan ka socday xiriirka Soomaaliyeed uu guddoomayay abaal marinta caalamiga ah.
Soomaaliya ayaa waxaa barnaamijkan heerka caalami ah ku matalayay sadex ka mida macalimiinta ugu sareysa ee garsoorka dalka Soomaaliya kuwaasoo kala ahaa: Ali Mohamed Ahmed, Abdi Abdulle Ahmed (Baasaale) iyo Aweys Ahmed Jimale.
Halkaan hoose Ka Daawo Sawirada
DSC08402 DSC08403 DSC08404 DSC08405 DSCF4220 DSCF4220[1] DSCF4294 DSCF4312
Somali Football Federation Media Department
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com