29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

VIDEO: Haweeney Qiso Mucjiso ah ay ku haysato dalka Sucuudiga (Daawo)

Caasimada Online:  Wadanka Baqortooyada Sacuudi Arabiya ayaa waxaa ka dhacay Qiso naxdin badan oo ka yaabisay Caalamul islaam kadib markii Tv laga lee yahay Wadankaasi uu sii daayay in Haweeney Sacuudiyaan ah oo Marwo la qabo ah in ay ku dhib qabto Jinni doona in uu kufsado.

Abdiladiif waa Xaajiga qaba Haweeneydaan dhibaatada ku qabta Jiniga doonaya in uu kufsada ayaa ka sheekeynaya qaabka ay wax u dhacayaan xiliyada uu doonaya Jiniga in uu kufsado marwadiisa.

Muuqaalkani xitaa waxaad arkeysaa haweneyda oo qeylineysa iyo jinniga doonaya in uu kufsado oo aa dareemeyso.

HALKANA KA DAAWO:

 

KASHIFAAAD: Faroole & xubno Axmed Madobe ku dhow oo wada qorshe lagu fashilinayo heshiiskii Addis-Ababa

Kismaayo (Caasimada online) Gudoomiyaha Gudigii  Doortay hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Maddoobe marna soo ahaa Gudoomiye ku xigeenka ururka Raaskambooni Macalin Maxamed Ibaraahim, iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa yeeshay kulan xasaasi ahaa, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arimha maamulka Jubba iyo dowlada Ssoomaaliya ,halka uu iminka xaalku marayo , iyo waliba qilaafka labada dhinac soo kala dhexgalay, kadib markii labada dhinca ay isku af  fahmi waayeen qaar ka mid ah qodobadii ay kusoo wada heshiiyeen .

Qilaafka dowlada iyo maamulka Jubba ayaa cirka isku sii shareeray kadib Markii dowlada Soomaaliya ay ka dhawaajisay in shir aayaha Jubbooyinka looga hadlayo lagu qabana Muqdisho , waxana maamulka Jubba ay sheegeen in shirkaas uu wajigiisii Koowaad Muqdisho ka furmay waxa la sugayaana ay yihiin in wajigiisa labaad uu Kismaayo ka furmo .

Maamulka Puntland ayaa hore u jaray cilaqaadkii kala dhexeeyay dowlada Soomaaliya taasi oo keeneysa in iminka Madaxweynaha Maamulkaas uu is xulafeysi la sameysto Mas’uuliyiinta maamulka Jubba , waxaana kulankii labada mas’uul ay si isku mid ah ugu wada hadleen arinta shirka dowlada ee Muqdisho iyo waliba qodobadii heshiika Adis ababa.

Faroole ayaa Macalin Maxamed Ibraahim ku qanciyay in maamulka Jubba looga baahan yahay inay go’anka aayahooda iyaga gaaraan , waxaana uu shaaciyay in heshisii Adis, uu yahay mid shirqool ah balse looga fadhiyo maamulka Jubba inay jawaab arintaas ka bixyaan.

Maamulka Jubba ayaa iska diiday ka qeybgalka shirka dowlada ay sheegta inuu ka furmayo Muqdisho 21-ka bishan kaas oo looga hadlayo aayaha Jubbooyinka iyo Gedo ,  waxaana Macalin Maxamed Ibraahim uu si cad u sheegay in Jubba marna aysan aqbali doonin arin aanan u qalmin sida la tilmaamay.

Dowlada iyo maamulka Axmed Madoobe oo siyaasad ahaan kala fogaa muddo ku dhaw sanad, dhawaana kusoo heshiiyay ayaa iminka waxaa muuqanaya in qilaafkooda uu cirka isku sii shareerayo, waxana Dhowaan wafdi uu hogaaminaya abaanduulaha ciidamada xooga dalka loo diiday inuu gudaha Kismayo u galo  iyadoona garoonka Diyaaradaha laga soo celiyay.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Xiriirka kubada cagta Somalia oo ganaaxay macalimiin & ciyaartooy

Muqdisho (Caasimada online) Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa ganaax saaray afar ka mid ah ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya oo laga ganaaxay dhamaan cayaaraha gudaha iyo dibada muddo hal sano ah oo ka bilaabaneysa maanta oo Axad ah bishuna tahay October 6, 2013.

Sidoo kale laba ka mida guddoomiye yaasha naadiyada dalka ka jira oo kala ah Maxamed Daahir maxamuud (Xuurshe) guddoomiyaha naadiga Saxafi FC iyo Cabduillaahi Cilmi Warsame, guddoomiyaha naadiga FC Banaadir ayaa iyagana la saaray ganaax maanta dhaqan galay.Ganaaxn la saaray labada guddoomiye ayaa qeexaya in muddo laba sanadood ah ay mamnuuc ka yihiin ka qeyb qaadashada howlaha kubada cagta oo dhan.Go’aankan adag ayaa lagu qaatay shir muddo saacado ah socday oo maanta uu yeeshay guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, kaddib markii uu dhageystay guddiga fulintu warbixintii guddiga tartamada iyo warbixin uu isna soo gudbiyay xeer ilaaliyihiin cayaar dhex martay naadiyada Saxafi iyo FC Banaadir 30-kii bishii hore cayaartaas oo tirsigeeduna ahaa number 50 kana dhacday garoonka jaamacadaha ee Muqdisho.Afrta cayaaryahan ee la ganaaxay oo ka tirsan xulka qaranka una cayaara naadiga Saxafi ayaa waxaa ay kala yihiin: Maxamed Xaashi siyaad oo loo yaqaano Duufaan, Cali maxamed Cali (Cali Madexeey) IIkar Daahir Amiin, iyo Cabdullaahi Cabdi Salaan Sheekh oo loo yaqaano Colow.Cayaartoydan ayaa iyagana laga ganaaxay dhamaan howlaha kubada cagta ee gudaha iyo dibada taas oo macneheedu yahay in ay xitaa waayi doonaan fursadohoodii ay Soomaaliya ku matali jireen cayaaraha caalamiga ah.“Iyadoo la tix raacayo warbixintii guddiga tartamada iyo warbixintii xeer ilaaliyaha cayaartaas dhex martay FC banaadir iyo Saxafi FC ayaa guddiga fulintu uu qaatay go’aankan adag, waxaana dhamaan cayaartoyda iyo madaxda la ganaaxay aan loo ogolaan doonin in ay rac-faanka qaataan go’aanka lagu ganaaxay oo ay tahay in ay dhameystaan mudadaas ganaaxa ka saaray”ayaa lagu yiri wareegto maanta kasoo baxday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.Waxaa sidoo kale la baabi’iyay dhibcihii cayaarta, iyadoo sababtuna ay tahay qaladaad ka dhan ah qawaaniinta kubada cagta caalamiga ah iyo xeerka tartanka oo ay galeen labada kooxood.

Guddoomiyaha Naadiga Saxafi Maxamed Daahir Maxamuud (Xuurshe) iyo guddoomiyaha naadiga FC Banaadir Cabdullaahi Cilmi Maxamuud ayaa lagu helay dambi ah in ay ku dhaqmeen wax-yaabo ka dhan ah qawaaniinta kubada cagta, halka afarta cayaartoy ee la ganaaxay iyagana lagu helay in ay si cad uga qeyb qaateen fulinta qaladaadkaas ay madaxdu ku dhiiri geliyeen.

Madaxda la ganaaxay ayaa lagu helay dambi ah is afgarad ku aadan in fursado la isi siiyo si looga baaqsado in koox ay hoos ugu dhacdo heerka sadexaad, halka cayaartoyduna ay garoonka gudihiisa ku fuliyeen arrinkaas .

Guddiiga fulinta xiririka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa amaan balaaran usoo jeediyay Macalinka naadiga Saxafi FC Macalin Cali Maxamed Absuge (Cali Buu) oo ah macalin khabiir ah horayna dhowr jeer u hogaamiyay xulka qaranka oo lagu amaanay in uu si hufan ugu dhaqamay xeerka kubada cagta uuna dhowray shuruucda u dagsan ee lagu maamulo horyaalka dalka Soomaaliya.

Waaxda Warfaafinta Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

FAYSAL Cali Waraabe oo sir kashifay: Wadahadallada Somaliland & DF waxay saameeyeen madaxbannaanida S/L

Hargeysa (Caasimada Online) Guddoomiyaha mucaaradka UCID  ee Somaliland Eng Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay arrimo badan isagoona eed u jeediyay madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Feysal Cali Waraabe oo la hadlay Talafishanka Universal ayaa sheegay in Somaliland ay dhibaato kala kulantay wadahadalladii ay la gashay dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in waddamada caalamka iyo kuwa dariska ay billaabeen in ay ula dhaqmaan maamulka Somaliland sidda maamul gobaleed qaatay nidaamka fedaraalka.

“Annigu waxaan ka mid ahaa dadkii dhisay Somaliland, sidaas oo tahay haddana waxaa ogaaday in Somaliland ay hadda ku socoto wado aad looga naxo, waayo waddamo dhowr ah oo aan soo maray waxaaba ay na lee yihiin Somaliland haddii aad tihiin ma dhaqan galiseen nidaamka fedaraalka”

“Waa la yaab annagu dal ka go’ay Soomaaliya ayaan nahay oo madax banaani raadinaya” ayuu markale yiri Feysal Cali Waraabe.

Wuxuu kaloo sheegay hoggaamiyaha mucaaradka UCID in deeqihii iyo gargaarkii Somaliland ay ka heli jirtay waddamada caalamka hadda ay ku xiran yihiin in ay qaadato nidaamka fedaraalka Soomaaliya oo ay rabto in ay meel mariso dowladda Soomaaliya.

Wuxuu kaloo soo dhaweeyay Feysal Cali Waraabe heshiiska u bilowday Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Sidoo kale Feysal Cali Waraabe ayaa ka dhawaajiyay in wafuudii caalamiga ee imaan jirtay deegannada Somaliland ay yaraadeen markii dalka Soomaaliya uu yeeshay dowlad rasmi ah.

Ugu dambeen hoggaamiyaha mucaaradka UCID ee Somaliland wuxuu weerar kuq aaday madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna ku eedeeyay in maamulkiisa uu ku soo koobay dad ay isku reer yihiin sida uu hadalka u dhigay, isla markaana isaga laga reebay wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

 

KISMAAYO oo lagu dhaawacay Xaaska sarkaal Axmed Madoobe maamulkiisa..

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas lagu dhaawacay haweeney u dhaxda mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee maamulka Axmed Madoobe

Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Shabakadda Caasimada Online, haweeneyda ayaa la sheegay in ay ku dhaawacantay bam gacmeed lagu tuuray guri ay dagantahay oo ku yaalla xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo.

Si dhab ah looma oga dhaawaceeda inta uu la egyahay, waxaana la geeyay Isbitaalka guud ee Kismaayo.

Dhinaca kale, magaalada Kismaayo waxaa ka billowday kulamo looga hadlaayo dhammeestirka maamulka kumeel gaarka ee Jubba, waxaa magaalada shaley dib ugu soo laabtay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Magaalada waxaa ku soo qulqulaya ergooyin, siyaasiyiin iyo dad doonaya in ay xubno ka noqdaan maamulka Jubba.

Ammanka magaalada ayaa loo adkeeyay gaar ahaan xarunta Jaamacadda oo uu ka dhacayo shirka lagu dhammeestiraayo maamulka kumeel gaarka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Jawaari oo digniin jeediyay iyo kulamo xasaasi ah oo u billaabanaya

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudanayaasha baarlamaanka ee ka maqan fadhiyada ku wargaliyay in ay ugu dambeen soo xaadiraan ilaa 20-ka bishan, maadama ay billaan doonaan shaqooyin aan caadi ahayn.

Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in xitaa xildhibaannada fasaxa ku maqan in ugu dambeen ay ku soo xadiraan fadhiyada baarlamaanka 20-ka bishan.

Wuxuu sheegay in baarlamaanka uu yeelan doono kulamo joogto ah oo looga hadlaayo xukuumadda Soomaaliya iyo isku shaan dheen la sheegayo in lagu sameenayo golaha wasiiradda.

Si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka socda mooshin la doonayo in lagu rido ra’iisal wasaaraha ama golaha wasiiradiisa.

Waxaa jira xildhibaanno fara badan oo arrintan u gurbaan tumanaya, kuwaasoo doonaya in xilka laga tuuro ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, balse mar uu maanta dadka warfidiyeenka la hadlayay uu cadeeyay in ay jiri doonto isku shaandheen balse wax xil ka qaadis dhiniciisa aysan jiirn isla markaana uu xafiiska sii joogayo ilaa 2016-ka.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Muqdisho meel qaali meelna raqiis “Madaxda DF oo la eedeeyey”

Caasimada Online:  Qaar ka mid ah gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa weerar culus ku qaaday Wasiirada Dowlada Somalia, Xildhibaanada Iyo Madaxda Qarka ayagoo ku eedeeyay in ay Lacago badan ku bixiyaan Hotelo iyo Goobo u dhow Xarunta Villa Somalia.

Warbixintani laga diyaariyay arinkani ayaa ah mid dhinacyo badan ka hadleyso waxaana eedeymahaasi ka jawaabaya Madaxdii loo soo jeediyay in ay deegaano ama xafiisyo aysan ka dhigan Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay isku koobeyn hal goob ama hal degmo waxeyna ka jawaabayaan eedeymahaasi.

HALKAAN KA DAAWO:

Beydhabo: Ergadii dhisi lahaa Koonfur Galbeed oo 15 cesho loo qabtay

Beydhabo (Caasimada online) Qaar ka mid ah Odayaash iyo Waxgaradka ka soo jeeda beelaah Digil iyo Milif oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxay shaaciyeen waqtiga rasmiga ah ee Baydhabo laga sugayo Ergada soo dhiseynsa maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Kulanka odayaasho oo ka dhacay xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo, ayaa waxay ku go’aamiyeen in muddo 15 cesho gudohood ah ay ku yimaadaan magaalada Beydhabo Ergada wax kasoo dhiseysa maamulka qorshihiisa uu Baydhabo ka socda.

Malaaq Cali Shiine , oo ka mid ah qaban qaaabiyaasha Hirgalinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaan odayaasha dega gobolada maamulka Koonfur Galbeed laga hirgalinayo gaar ahaan kuwa dega  Jubbooyinka iyo Gedo iinay 15 cesho gudohood Baydhabo ku yimaadaan .

Wuxuu sheegay in 20-ka bishan ay tahay waqtiga ugu dambeya ee laga doonayo guud ahaan Ergada ka kala socota Lixda gobol ee la doonayo in maamulka Koonfur Galbeed  laga hirgaliyo inay Beydhabo kusoo gaaaraan .

Odayaashu waxay sheegeen inay diyaariyeen halkii ay Ergadu degi lahaayeen iyo wixii ay ku noolaan lahaayeen inta ay joogaan magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, inkastoo aaney shaacin cida ka gacan siineysa.

Dhanka kale Waxgarad kasoo jeeda Gobalka Shabeelaha hoose ayaa si adag kaga soo horjeestay qaabka uu usocdo shirka maamul usameynta Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya oo hada Baydhabo ka socda.

Qaar kamid ah waxgaradka waxa ay sheegeen in shirka Baydhabo kasocda aan loo dhameyn, sidaasi awgeedna ay kasoo horjeedaan qorshaha ku aadan sameynta maamulka Koonfurta dalka Soomaaliya.

Si kasto baydhabo waxaa ka soconaya maamul la doonayo in laga hir galiyo gobolada Koonfur Galbeed Somalia inkastoo ay jiraan dad siyaasad ahaan mucaaradsan maamulkaasi qorshihiisa Beydhabo uu ka socdo , waxana gobolada maamulkaas loo sameynao ka mid ah gobolada maamulka Jubba uu a arimya.

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

Banaanbax ka dhacay Sh/Hoose

Marko (Caasimada online) Banaana baxan oo ah mid lagu taageerao waxqabadka Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta wuxuu kadhacay deegaanka Ceel Wareegoow ee gobolka Shabeelaha Hoose .

Dibad baxa waxaa ka soo qeyb galay Gudooyimyaasha Maamulada Nambar Konton, Ceelwareegow iyo Marka iyo Boqlaal dad weyne ah oo ka kala yimid Tuulooyinka ku dhaw dhawa deegaanka Ceel Wareegoow iyo waliba dadka degaanka Dibad baxa uu ka dhacay  .

Ceel Wareegoow ayaa dhacda duleedka Magaalada Marka ee xarunta gobolka shabaaleha dhexe waxaana dadkii kasoo qeyb gakay Banaanbaxaasi ay ku dhawaaqayeebn Ereyo ay ku muujinayana sida ay u taageersan yihiin xukuumada Ra’isul Wasaare Saacid .

Gudoomiyaha Degmada Marka ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cismaan Cali “Yariisow”, ayaa wuxuu sheegay in dadkiisu taageersan yihiin Dowladda sida uu sheegay .

Sidoo kale Gudoomiye-yaasha Ceelwareegow iyo Namber Konton oo iyana ka hadlay banaanbaxa, ayaa waxay dadkoodu ugu yeereen inay la shaqeeyaan Maamulada iyo Ciidanka Dowladda soomaaliya

Xukuumada Soomaaliya ayaa Sanad jirsatay waxaan dad badan ay Aaminsanyihiin insayn wax is badal ah la imaan, Inkastoo dadka qaarna ay kuu Sheegayaan in mudadii ay jirtay ya la timid isbadal muuqda .

Waa markii ugu horeysa oo Dibad bax nuucani ah oo lagu taageerayo Xukuumada Saacid uu ka dhaco deegaanka ceel wareegow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada online

Xafiiska Marko

[email protected]

Maamulka Somaliland oo mamnuucay Baasaboorka Somalia ee E Passaport

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay shaqaale ka tirsanaa xafiis lagu bixiyo baasaboorka E Passport oo ay dowladda Soomaaliya bixiso.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa BBC-da u sheegay in la xiray raggan kaddib baaritaan ay maamulkooda wadeen maalmahan.

Wuxuu sheegay in raggan ay ku bixanayeen deegannada Somaliland basaboorka E Passport.

Wasiirka ayaa tilmaamay in baasaboorka E Passport in aan looga dhoofin Karin Somaliland isla markaana la oqoonsan doonin.

“Annaga qaran madax banaan ayaanu nahay, basaboorkaas halkan kama shaqeen doono, waayo ma aqoonsanin, waxaa halkan looga dhoofi karaa baasaboorkii hore ee Soomaaliya.” Ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Mar la waydiiyay maadama baasaboorkooda la aqoonsaneen isla markaana dad badan oo Somaliland  ay doonayaan in ay ka qaybgalaan Xajka .

Wuxuu sheegay wasiirku in xujeyda ka tagaysa Somaliland ay ku safri karaan baasaboorka Somaliland iyo kii hore ee Soomaaliya lahaan jirtay.

Isku soo duub waxaa hubaal ah in xujeey badan iyo dad badan oo reer Somaliland ah oo doonaya dibedda in ay si dhuumaaleysi ah ku yimaadaan magaalada Muqdisho, halkaasna ay ka qaataan baasaborka E Passport oo caalamka laga aqoonsan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Shir looga hadlayo shidaal laga soo saarayo Somalia oo berri ka dhacaya..

London (Caasimada Online) Magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska waxaa maalinta berri ah ka furmaya shir looga lahadlaayo shidaal laga baarayo dalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa qabanaya shirkada Soma Oil and Gas, oo ah shirkad laga lee yahay dalka Ingiriiska taasoo dhawaan heshiis lagashay dowladda Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalaya khubarro ka kala socda Canada, Somalia, Saudi Arabia iyo kuwa kale oo badan, kuwaasoo ka tala bixin doona sida shidaal iyo gaas looga soo saari karo dalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo shirka ka qaybgalaya wafuud ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in shirka looga hadlo qaabka shidaal looga baari kari Soomaaliya.

Dad badan oo odorasa arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay lee yihiin waxaa Soomaaliya ka buuxa shidaal iyo gaas badan, balse waxaa adkaan doona sida loo qaybsan doono.

Puntland iyo Somaliland si yaabo kala duwan ayey u billaabeen shidaal baaris, dowladda heshiis ay la gashay shirkad ajinabi.

Waxaa kalooo jiray shirkado kale oo shidaalka baara kuwaasoo heshiis la galay dowladii hore ee Maxamed Siyaad Barre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

[email protected]

Dhageyso: R/W Saacid oo ka hadlay Is-casilaadda iyo isku shaandheynta

Muqdisho (Caasimada online) Rai’isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa wuxuu ka hadlay war maal mahan la isla dhexmarayay oo sheegayay in Ra’isul wasaaraha Somalia uu qorsheynayo in  xilkaas uu  ka dego

Cabdi Faarax ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah isla markaana aan Sal iyo Raad toona laheyn, waxaana uu sheegay inuusan garanayan halka rasmi ahaan warkaas laga soo xigtay.

Wuxuu sheegay in uu ka war hayo wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan Iscasilaadiisa balse uu cadeynayo inuusan waxba ka jirin warkaas, qorshahana uusan ugu jirin inuu xilka uu iminka hayo isaga dago.

Sidoo kale Ra’isul wasaaradha Soomaaliya ayaa maanta ku dheeraaaday ka hadalka xukuumada uu hogaaminayay Mudada Sanadka ah ee ay jirto isagoona ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoonmay intuu hayay xilkan.

Arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Dhaqaalaha iyo xiriirka Caalamga ayuu sheegay inay xukuumadiisu xooga saartay isla markaana is badal wanaagsan iyo horumar ay ka gaartay .

Xukuumada Soomada uu hogaamiyo Cabdi faarax Shirdoon Saacd Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa sanad jirsatay, waxaana ra’iisul wasaaraha uu sidoo kale sheegay in isku shaandheyn lagu sameyn doono golaha wasiirada.

” Isku shaandheyn ayaan ku sameyneynaa xukuumada iyo ballaaran. Maxaa yeelay waxaa naloo kordhiyey dhaqaalihii ay beesha caalamka ina siin jireen. Sidaasi darteed waa in xukuumada xoojisaa howlaha looga fadhiyo, kadib marka aan isku shaandheyntan sameyno” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid Farax Garaad.

Halkaan ka dhageyso Ra’isul wasaaraha Somalia

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]