29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Maxaa Maanta ka Cusub KISMAAYO?

Kismaayo (Caasimada online) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta goboka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada, Ciidamo lixaad lehna lasoo dhoobay .

Wadooyika muhiimka u ah magaalada ayaa waxaa lagu soo daadiyay ciidamo badan oo ka tirsan maamulka KMG ah ee jubba Axmed Madoobana uu hogamyaha u yahay .

Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo xalay ku hoyday Magaalada Caasimada ah ee Nairobi Kenya ayaa iminka dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo

Isgaarsiinta Magaalada ayaa hawada laga saaray , iyadoona ay adgtahay inaad xog dheeraad ah ka hesho sida maanta ay wax u jiraan , waxaana jira Feejignaan iyo Cabsi dadka deegaanku ay muujinayaan

Saaka magaalada waxaa ka dhacay qarax miino nuuca dhulka lag aaso ah kaas oo haleelay gaari Iska-roge ahaa sababayna geerida laba ruux iyo dhaawca afar kal taas oo keenntay in ciidamada heegan buuxa ay galaan .

Maamulka magaalada Kismaayo wali wax faah faahin ah oo ku aadan Qaraxii saaka muusan bixi, sidoo kale kama ayasan hadlin  qaban qaabada ku aadan imaatinka hogamigha maamulkaas , waxaase jira howlgal lagu doonayo in lagu soo qabto dadkii saaka qaraxa qasaaraha dhaliyay geystay.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Dhageyso: Jubba oo ka hadashay bah-dilkii ay kula kaceen Abaanduulaha

Kismaayo (Caasimada online) Maamulka Jubba ee ka arrimiya Magaalada Kiamaayo ayaa ka jawaabay sababta abaan duulaha ciidamada xooga dalka Generaal C/Risaaq Khliif Cilmi ay ugu diiddeen in gudaha Kismaayo uu usoo tilaabo .

Cabdi Barre , oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Jubba ayaa sheegay in Abaanduulaha ciidam,ada xooga dalka iyo mas’uuliyiintii ka socotay AMSIOM in ka hor socdaalkooda Kismaayo aan laga war qabin isla markaana aysan kusoo war galin maamulka magaalada .

Wuxuu sheegay in ujeedka Abaanduulaha inuu ahaa in magaalada uu dib ugu soo celiyo ciidamadii dhowaan laga saraay Kismaayo , isagoo sheegay in arintaas aan lagu war gelin maamulka Jubba.

Arinta dib usoo celinta ciidamada dowlada ee magaalada Kismaayo ayuu sheegay inuu aheyd mid qeyb ka ah heshiiskii Adis ababa balse qaabka iminka ay wax ku doonayaan iyo wixii lagu soo heshiiyay ay kala fog yihiin .

Wuxuu sheegay in lagu soo heshiiyay in si wada jira ah dowlada iyo maamulka Jubba in ciidamada Kismaayo laga Saaray si waan waan iyo nabad galyo ah in dib loogu soo celiyo magaalada maadaama Maamulka Jubba uu iminka aqoonsi ka hesyto dowlada Soomaaliya.

Abaanduulaha iyo saraakiil kale ayuu tilmaamay inay arintaas baalmareen ayna doonayaan in iyadoo aan maamulka jubba lasoo marsiin in Kismaayo lagu soo celiyo ciidamadii laga saaray taasi oo uu ku sheeegay mid aan la aqbli Karin

Genral  C/Risaaq Khliif Cilmi abanduulaha iidamada xooga dalka ayaa haatan dib ugu soo laabtay Muqdisho wali arintan dowladu kama aysan hadlin hayeeshee maamulka Jubb ee KMG ah ayaa sheegaya in dowlada Soomaaliya ay abuureyso iminka khilaaf dhexmaray dowlada iyo iyaga sida ay shaaciyeen

Halkaan ka dhageyso Cabdi Barre

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Baarlamanka oo ku dheggan SAACID

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa lagu wadaa inuu baarlamaanka hor tago toddaadka soo socda, si loo waydiiyo su’aalo la xiriira waxqabadka iyo qorshayaasha xukuumaddiisa.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ka warbixiyay fadhi uu shalay baarlamaanka ku yeeshay Muqdisho, ayaa xaqiijiyay in la qorsheeyay inay ra’iisul wasaare Shirdoon iyo wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan hor tagaan golaha shacabka si su’aalo looga waydiiyo miisaaniyadda xukuumadda ee sanadka 2014-ka.

Dhinaca kale, fadhiga waxaa xildhibaannada loogu qeybiyay qorshe-howleedka baarlamaanka ee labada bilood ee ka hartay sanadka 2013.

Mudaneyaal kormeeray qaar ka tirsan gobollada dalka ayaa sidoo kale kulanka warbixin looga dhageystay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xildhibaannada fasaxa ku maqan ka codsaday inay dib shaqada ugu soo noqdaan wixii ka dambeeya 20-ka bishan October, wixii markaas ka dambeeya ciddii maqnaaatana loo arki doono inay iskeed u maqan tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

TV caan ah oo laga mamnuucay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ceydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay in Xeer ilaalinta qaranka iyo Maxkamada gobolka Banaadir uu u gudbiyay waarankii lagu xiri lahaa TV-ga Somali Channel

Tv-ga ayuu ku eedeeyay Gudoomiyuhu inuu baahiyay  war qaldan oo ku aadanaa in Maxkamadu ay fulisay xukun sharci darro ah , waxaana uu tilmaamay in warkaas uu gaar siiyay guud ahaan aduunka dacaladiisa.

Wuxuu sheegay inay jiraan Warbaahino kale oo warkan faafiyay hayeshee TV-ga uu kaga duwan yahay , waxaana arintaas lagu Micneeyay in TV-ga uu yahay mid Maqal iyo Muuqaal ah isla markaana gaaraya meel ka fog halka warbaahinada dalka ay gaarayaan .

Dacwada ayaa aheyd mid dhuleyd oo ay isku heystaan Agoonta Reer Cali Shire iyo shirkad lagu magacaabo Beddar , inkastoo markii dambe dhulkaas loo xukumay Beddar , t

Ilmaha reer Cali Shire ayaa Maxkamada sare ee dalka ku eedeeyay inay qaadatay laaluusha inkastoo Ceydiid Ilka Xanaf uu sheegay in ay taasi tahay mid been abuur ah iyaguna ay doonayeen inay wax Laaluushaan balse aysan dhicin.

“Iyaga ayaa la wareegayay lacag marka waxay moodaan sidaas oo kale in lacag wax lagu raadinayo waxaan ka dabanay hadii ay doonayaan dhulkaas in looga baahan yahay inay keenan sabar loog balse ay keeni waayeen” Ayuu Yiri  Ilka Xanaf .

Si kasto dhowaan war qad kasoo baxday Maxklkamada sare ee dalka waxaa lagu sheegay inaan la baahin Karin dhulkas Reer Cali Shere ee dacwadiisu ay soo daba dheraatay , waxaana la shaaciyay in cidii baahisa ay ka jawaabi doonto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Dowladda Japan oo soo wadda arrin dunida maanta ka yaabin doonto

Caasimada Online:  Caalamka Maanta waxuu gaaray Horumar dhan walba ah balse Qofka Bini’aadamka ah waxuu soo jeediyaa Talo, Fikir iyo Qorsho lagu soo kordhin karo Caalamka oo aan jirin Balse haatan waxaa soo baxay Arin ka yaabin doonto qof walba oo Dunida maanta ku nool.

Arintani yaabka badan ee Dowlada Jabaan soo wado ayaa ah mid aan marnaba  ku soo dhici karin Maskaxdaada marka aa daawato Video-gaan waxaan la yaabi doontaa fikirka nuucaan ah qofka keenay iyo sida uu ku suura galayo marka arinkaan dunida lagu soo kordhiyo ee nala daawo Muuqaalka Arintani yaabka badan.

HALKAAN KA DAAWO

 

Maxaa caawa ka socda Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa ka socda magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Buulo Xuubey howlgal ballaaran oo ay si wada jir ah ugu qeyb qaadanayaan ciidamada Alfa Group, Nabadsugida, Booliska iyo ciidamada Booliska AMISOM .

Howlgalkan oo ah mid guri guri ayaa waxaa lagu qabqabtay in ka badan 100 dhalinyaro ah, kuwaasi oo baaritaano ay ku wadaan ciidamada iskaashanaya ee ka qeyb qaadanaya howlgalkan qorsheysan.

Sida uu kusoo waramayo Wariyaheena Muqdisho oo soo sheegayo in howlgalkan uu ka gedisan yahay kuwii horay ugu dhici jiray Muqdisho, walow xiligii danbe ee caawa uu yara gaabtay.

Howlgalkan ayaa wuxuu kusoo beegmay xili habeen hore kooxo aan la garaneyn ay Wadaad caan ka ahaa deegaankaasi ay ku dileen kaasoo lagu magacaabi jiray Macallin Qaasim.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada Online

Maxaa ka cusub fadeexaddii ciidanka Kenya ka raacday dhacdadi Westgate?

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa raadinaysa macluumaad iyo caddaymo taageeraya eedaymaha ah in Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ay bililiqaysteen suuqa Westgate xilligii hawlgalka badbaadada, Daily Nation-ta Kenya ayaa warisay.

Xoghayaha Wasaaradda Difaaca Raychelle Omamo ayaa sheegtay in wasaaraddeedu ay eedaymahaas si xoog leh u qaadanayso ayna ka go’antahay in “arrinatn ay salkeeda gaadho”.

“Arrintan, waxaan ka codsanaynaa dadwaynuhu in ay ka qayb galaan iyaga oo na siinaya macluumaad sheegaya in qof ka tirsan shaqalaaha KDF uu ku hawlanaa anshax aan haboonayn xiligii go’doominta suuqa,” ayay bayaan ku tiri. “Fadlan ku kalsoonaada in dhammaan wixii macluumaad ah oo nala siiyo loola dhaqmayo si qarsoodi ah oo heersarreeysa.”

Omamo ayaa difaacday shaqada ciidamada ee Westgate, iyada oo sheegtay in “tixgalin badan iyo taxadarkii loo baahnaa ee xaaladaha qafaalashada ee noocan oo kale ah la sameeyay”, laakiinse waxay ka digtay in akhlaaq darrada aan loo dul qadaanaynin.

“Dhammaan shaqaalaha KDF ee lagu helo in ay arrintan ka mas’uul yihiin waxaa loola dhaqmayaa sida uu sharcigu qabo,” ayay tidhi.

Xildhibaannada ayaa sheegay in askarigii dambi lagu helo lagu ganaaxo ilaa toban sano oo xadhig ah.

Guddiga Baarlamaanka ee Difaaca iyo Ammaanka ee baadhaya weerarkii iyo xaalado kale oo xidhiidh la leh oo ay ku jirto eedaymo ka dhan ah shaqalaha KDF, ayaa la rajaynayaa in ay warbixintooda ku soo gudbiyaan muddo 30 maalmood ah.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Kenya oo ku Wareersan Weerarkii West Gate & Magacyo Cusub

Nairobi (Caasimada online) Weerarkii lagu qaaday dhowan Xarunta Ganacsiga ee Westgate Mall, ayaa Baaritaano ay sameeyeen Taliska Ciidamada Difaaca dalkaas waxay ku bandhigeen Magacyada Seddex nin oo la rumeysan yahay in rasmi ahaan weerarkaas ay Hormuud u ahaayen

Magacyada Seddexdaan Nin waxaa lagu sheegay 1:Abuu Barre Al-Suudaani, 2:Cumar Al-Nabhaan 3: iyo Al-daab iyo Al-kayni. Waxayna seddexduba la sheegay inay ka yimaadeen Muqdisho oo caasimada Soomaaliya ah

Cumar Al-Nabhaan, ayay sheegeen Saraakiishu inuu ku soo barbaaray, oo uu wax ku bartay Magaalo Xeebeedka dalka Kenya ee Mombaza.

Hayeeshee Saraakiishu waxaysan Cadeyn, Rasmi ahaan dalalka ay u kala dhasheen raggan iyo waliba Baasaboorada Kenya ay ku soo galeen , ka hor inta aaney Fulin Weerarkii  mashaqa badan dhaliyay ee daarta Westgate Mall lagu qaaday 21-kii Bishii hore.

Kenya ayaa wali baadi goob ugu jirta dadkii ka dambeeyay weerarkii dhowaan dalkeeda ka dhacay , waxaana jira dadaalo ay wadaan Sirdoonka dalkaas inay arintaas ku ogaadaan inkastoo hadba dhan ay wax usoo bandhigayaan.

Wali Kenya Raq iyo Ruuxba uma aysan soo bandhigin ragii Gudaha u galay daarta westgate , Waxaana jiray warar sheegayay inay baxsadeen inkastoo dowlada dalkaas ay beenisay

Shaki badan ayaa jira Dadkuna walaac xoogan ayaya muujinayaan ciidamaduna baaritaanada ayay sii laba jibaraayaan , waxaana Kenya weerarkkii westgate ka dib ay gashay jawi cabsiyadeed.

 Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

 

R/W SAACID OO KA XUN WIXII DHACAY

Muqdisho (Caasimada online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ka tacsiyeeyey geerida dad tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Aadbaan uga naxay runtii dhimashada ka dhalatay doonta ku degtay xeebaha Lampadusa, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska, iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, waxaana alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale u tacsi u diray dawladdaha dadkii kale ee afrikaanka ahaa ee ku geeriyooday doontaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka waantoobaan inay dalkooda ka cararaan, isla markaana si macno darri ah ay ugu le’daan badaha caalamka, wuxuuna xusay in xukuumadda Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad siin doonto waxbarashada iyo shaqo abuurka dhalinyarada si ay dalkooda ugu nagaadaan.

“Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha, qurbajoogtii Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabanaya dalkooda si ay ug qeyb qaataan dib u dhiska, mana haboonna in xiligan loo haajiro dalal kale” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Saacid..

-Dhamaad-

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka oo loo diiday inuu galo Kismaayo

Kismaayo (Caasimada online) Wararka aan ka heleyno magaalo Madaxda gobolka Jubbada Hoose eee Kismaayo waxay sheegayaan in Garoonka Diyaaradaha ee magaaladaasi laguxabinay Abaanduulaha ciidamada xooga Dalka General C/risaaq Khaliif Cilmi .

Generalka ayaa la sheegay inuu doonaya inuu u gudbo gudaha magalada Kismaayo balse waxaa lasoo warinayaa inay ciidamada amaanka Maamulka Jubba ay u diideen inuu u gudbo inkastoo sababta aan wali shaacin.

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Jubba uu amar buuxa ku bixiyay in aanu garoonka kasoo bixin abaanduulaha, islamarkaana uu meeshiisa ku laabto.

Maamulka Jubba ayaa Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka , Waasiirka Gashandhigga Somaliya, Talaiyaha ciidamada Xooga iyo xubno kale waxay ku eedeynayaan inay abaabuleen Dagaalkii Kismaayo  ka dhacay.

Arintan wali kama aysan hadlin  Maamulka Martida loo yahay ee Jubba ee la sheegay inay abaandulaha gudaha magaalada u diiden inuu u gudbo.

Sidoo kale saraakiisha iyo madaxda dowlada Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin , waxaana la sheegay in General C/risaaq wali uu ku sugan yahay Garoonka diyaarada Kismaayo oo Duleedka ka ah magaalada.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Maxaa kala qabsaday XASAN SHEEKH iyo Faroole? (Maanso Madaxnimo)

Maansadan waa maanso aan ku cabbirayo kala fogaanshaha aragtida Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxa Maamul Goboleedka Puntland  Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Maansadan ayaa ah mid qaab maamuurin ama curis ah u samaysan oo aan kaga hadlinayo labada mudane mid weliba mawqifka uu ka taagan yahay kan kale. Haddaba ka bogasho wacan. 

Xasan Shiikh. 

Indhaweydba Miinleey

Maan curinnin maansoo

Murtideeda waan dhigay

Mashquul aawadiisiyo

Masuuliyadda igu raran.

 

Bal aan mariyo maantoo

Galo moosinkeediyo

Minankeeda Suugaan.

 

Waa mid iga su’aalee

Maqla oo ka miirsada

Muudsada macaankiyo

Miisaanka sheekada

Ha masuugin abidkaa

Adigoon macnaha garan

Minka iyo ujeedada.

 

Magaca iyo madaxnimo

Midna maanan xoogine

Waa martabad Ilaahay

Ila maagay anigoo

Iyadoo la mudan yahay

Raggu wada majilan yahay

Sawnigii mudh soo idhi

Ma cidbaan ka xoogoo

Madfaciyo rasaasiyo

masaakiin miyaan dilay?

Miyaan qixiyey maatida

Maxaa lay mucaaradi?

Mayada iyo murankiyo

Xaqa loo maldahayaa?.

 

Faroole:

 

Miinleeyada maansiyo

Geeraar muc weynliyo

Aan mariyo suugaan

Dadku wada maqsuudaan.

 

Maqaloo warkaygoo

Madaxweyne ila dhugo

Mar haddaabad Maandeeq

Muftaaxeeda haysoo

Kursigiina midigtiyo

Mulkidaada uu galay

Waan mucaaradaynaa

Mukhlis iyo haddaad tahay

Mufti aan dadkaba dhibin

Mahlik baanu kaa dhigi

Haddii aad macsuum tahay

Ruux magan Ilaahiyo

Mawlicii wadaadana

Mujrim baanu kaa dhigi

Inta ila mabda’a iyo

Inta ila maqaamka ah

Mawqifkeenu wuxuu yahay

Maya maya yeeli mayniyo

Ma aqbalayno xaajada

Midhkaasaan ku leeyahay

Madaafiic haddaad ridi

Ama Mootarrada weyn

Amaad Miino noo xidhi

Naga dhigi maxaabiis

Ama aad ma quustiyo

Noogu yeeri mooryaan

Mabda’eenu waa kaas.

 

Xasan Shiikh.

 

Cabdiyoow Masuulnimo

Madaxnimo ninkii raba

Ha ka tuugo Mawlaha

Magac iyo wanaaggiyo

Midnimiyo iskaashiga

Ha ka dhigo majarihiis

Ha mooreeyo xaajada

Maan iyo cilmiga guud

Ha ku mooso taladiis

Horta Mayada mooyee

Yeeli mayno mooyee

Macne kale ma haysaa?

Arrin lagu maqsuudoo

Dadku kaa maqlaanoo

Waxna lagu mucaarado

Caree Miiska soo saar

Ha laguu Mashxaradee.

 

Faroole

 

Xasanoow Muraadkani

Maaha sheeko curadee

Madax kaa horreysaa

Ku muquunshay murankaas

Marti inaan noqdaayoo

Maareeynta taladiyo

Majlisyada adduunyada

Layga reebo madalaha

Maaha midaan aqbali karo.

 

In markaan ku soo waco

Mashquul weeye lay oran

Maqalkaaga aan gabo

Maaha midaan aqbali karo

 

In wixii muraadiyo

Mucaawino na soo gala

Midhba layga weydiin

Maaha midaan aqbali karo

In miskiin la ii mudo

Ama laygu maadsado

Muuqaalka wararkiyo

Maqalkiyo wargeysyada

Laga waayo magacay

Maaha midaan aqbali karo.

 

Manhajkeena guudiyo

Federaalka Maabka ah

Masiirkiyo ujeeddada

Yaa ku mudan Naftaydoo

Oo ku maran dareenkoo

Madaxweyne iga maqal.

 

Marka iyo Shabeeliyo

Maanyada Kismaayiyo

Muqdishiyo Hiiraan

Mudugiyo Bakooliyo

Magaalooyinkii idil

Haddii Maamul iyo talo

Arrinkood la maareyn

Mawduuca laga rabo

Iyo Magacyo bixintood

Marna kama maqnaan karo?

 

Xasan Shiikh.

 

Cabdaw waad mirqaantaye

Marinkiina seegtaye

Maqal oo ujeeddada

Maskaxdaada haw dhaco

Dalka madax anaa ka ah

In mareykan aan tegay

Masallaha la dhigay Yurub

Mashaariicna aan furey

Cabdiyoow ma moogide

Inaan Madasha anigiyo

Madaxdii adduunyadu

Ku mashquulsanayn talo

Mashaqada dalkeeniyo

Midnimadeena Soomaal

Cabdiyoow ma moogide.

Waataan macangageyse

Lagaa oodey marinkee

Inaad maqasho mooyee

Midh inaad tidhaahdiyo

Lagaa diiday Murankii.

 

Mashqriq iyo qarbiga iyo

Afrikada Madoowbiba

Marag waxay ku furayaan

Madaxweyne caanoo

Loo wada maqsuudiyo

inaan ahay ma dhaafaan.

Adna laba magaalood

Wakiil li metela iyo

Madaxoodii baad tahay.

 

Ha maroojin xaajada

Madaxweyne beeniyo

Magac bixinta qaladka

Mereg yeysan kugu noqon

Maqaamkaaga yey lumin

Moosku yaanu kugu jebin.

Moolku yaanu kula deign.

 

Maqal maanta dabadeed

Mudanaha guddoomiya

Magaalooyinkaa Bari

Magacaagu weeyaan

Marsadiyo garoomada

Malkadiyo dhaqaalaha

Maalkiyo Cashuuraha

Mashruucii yimaadaba

Anigaa Masuul ka ah

Hadalkuna mid weeyaan

Anigaa wax maanici

Anaa Maaha odhan kara.

Dalka madax anaa ka ah.

 

Nin kastoo Mucaaradoo

Mabda’a iyo xisbi lahayn

Mawduuc aan la soo bixin

Sharciga Maxkamadayn

Muran iyo makeekiyo

Is maqiiq la soo mood

Umadduna mid weeyaan.

 

La soco Qaybaha dambe.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

MUQDISHO: QARAXYO lagu weeraray BaalayaashaCadceeda ku shaqeeya

Muqdisho (Caasimada online) Sida wararku ay sheegayaan Qaar kamid ah baalayaasha ku shaqeeya ileyska cad-ceeda ayaa saaka lagu qarxiyay Magaalada Muqdisho, kadib markii lagu xiray waxyaabaha qarxa.

Waraku waxay sheegayaan in Aroornimadii hore ee saaka qaraxyo laga maqlay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu qarxiyay baalayaasha, iyadoo aan la ogeyn rasmi ahaan qaraxyada baalayaasha cida ka dambeysa.

Labo kamid ah baalayaasha la qarxiyay ayaa waxa ay ku yaaleen nawaaxiga Isgoyska KPP gaar ahaa halka loo yaqaan Labaajada Taleex Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

waxarku waxay intaas ku si ndarayaan in Baalo kale isna lagu qarxiyay isgoyska Geed Jaceyl ee Degmada Warta Nabadda, halkaasi oo isna saaka qaraxa laga maqlay.

Horay ayaa loo qarxiyay qaar kamid ah baalayaasha ku shaqeeya ileyska cad-ceeda Magaalada Muqdisho, iyadoo baalayaasha horay loo qarxiyay ay gaarayaan ku dhawaad sideed bale.

Maamulka Gobolka Banaadir wali kama  uusan hadlin sidoo akle ma jirto cid sheegatay mas’uulida qarxinta baalayaashan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faallo: Muqdisho & Maalin Roobaad

Muqdisho (Caasimada online) Magaaladu Waa Muqdisho,  Maalintuna waa Sabti, Roob ayaa Da’aya Cirka Waxaa ku xeendaaban Daruur Madoow, waxaa Dhinacyada kaa soo galaya Hawo yar oo Qabow Macaan ah, qofna ma jecla in maalintaa oo kale uu Shaqo u baqoolo aniguna qeyb ayaan ka ahay dadkaa, waxaase jiri kara kuwo badan oo iga fikir duwan.

“Alle ayaa Mudan in looga mahad celiyo nicmadiisa” Maanta oo kale qaar dadkeena kamid ah iyo guud ahaan caalamka waxay xiiseeyaan inay ku qubeystaan Biyaha Dhibcda  roobka caruurtuba ha u badnaadeen .

Waxaase jira kala fikir duwanaan ku saleysan Basharitada ama Bini aadanimada ah isku aragtina maaha Bulshada oo Idil, maanta oo kale dad ayaa Jecel inay sii dheereystaan Hurdada aniguna qeyb ayaan ka ahay.

Salaadii Subax ka dib waxaa sii xogeystay Roobkii  Waxaan Bilaabay inaan Jiifa Sii Dheereysto anigoo ku fikiraya mar hadii maalin Roobaad ay tahay  inay tahay mid Fursad ah , hayeeshee Miriro ka dib waxaa maankeyga ka guuxay inaan midaasi Mudneyn Nolol maalmeyd iyo Gudashada Waajibaadkeyga Shaqo la iga Sugayo .

Waxaa ila dheeraaday Waaga Waxaana wali Socda Roob umuuqday mid Gaba gabo ku dhaw ama qayoonaya, Saacudu waxay is gurto wlai anigoo Jooga Hoygaan ku noolaa waxaa la gaaray 07:35 Taas oo Murug  Cabsi  igu Beertay .

Rasmi ahaan Roobka ayaa istaagay 08:00 AM xilligaas oo  aan u baqoolay Socdaalkii n ku gaari lahaa Shaqada, Hayeeshee Soomaalidu waxay dhahdaa , “Adigoo Xumaa Xuun haku Qaniino wa dhibaato” Anigoo Daahsan ayaan la kulmay Wadooyinka qaar gaar ahaan tii aan Shaqad ku gaari lahaa oo Xiran.

Wadada Laamiga ah ee Gawaarida Isticmaasho  waxaa kugadaanaa Ciidamo Labisan Dareeska Booliska Somalia iyo Gawaarida u qaaska ah, qofna ma garan karo waxa wadada loo xitay qaar keen ayaa siyaab kala duwan u midneynayay arinta inkastoo xogta Xirnaan shiyaha wadada Ogaanshiyaheeda uu ahaa mid aad u adag.

Ciidamada Dareeska  ay xirnaayeen waxaa u dheeraa Jaakado Biyaha Celiya oo wata Koofiyado , taas oo muujineysa inay ogaayeen arintan una soo qalab qaaten , laakiin rakaabka gaariga aan saarnaa qofna ma wadan xitaa Daladda Roobka laga galo.

Amar ku aadan inuusan gaariga halka ay joogana soo dhaafin kari ayay Bixiyeen wadihii gaarigana wuu u hogaansamay waxayse arintaasi qasabtay in intaasi kadib aan cagaheena maalno .

Wadooyinka laamiga ah waxaa buux dhaafinayay Biyaha ka yimi Dhibacda Roobka hayeshee dadka ayaa ahaa ku isku ciriirinaya Qeybaha Marsha Biyoodiyada ah oo qaarkood dhawaan Turkiga uu dhisay.

Waxaan isku dayay inaan arintan ogaadoo hayeeshee iima aysan suura galin intii aan socdaalkeyga kaga soo gaarayay xaruntaan ka shaqeynayay,intaan wadada soo socdaalayay waxaa yimi roob yar Soomaaliduna ay u taqaan Fashiiq ama Xagaa .

Maadaama Ciidamada ay isku gadaameen Degmada Xamar weyne Wadooyinka Soo gala iyo ka baxa ayaan Taliyaha Booliska Degmada Xamar Weyne Maxamed Dahir,  wax ka weydiiyay waxaana uu ii sheegay inuu socdo howlgal lagu xaqiijinayo amniga , hayeeshee intaas iima uusan Dhaafin.

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Maamulka Col. Barre: ONLF & Raaskamboni ayaa nasoo weeraray

Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiisha Maamulka Col, Barre Hiiraale ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar ay maanta ku qaadeen Ciidamadda maamulka KMG ah ee Jubba duleedka degmada Kismaayo gaar ahaan deeganka ay ku suganyihiin Ciidamadda Barre Hiiraale.

Afhayeenka dhanka Ciidamadda ee Col, Barre Hiiraale Xasan Qaasim Warsame ayaa u sheegay warbaahinta k24 inay maanta soo weerareen Ciidamo ka tirsan sida ay sheegeen Jabhada ONLF iyo Malayshiyaad ka tirsan Raaskambooni.

“Waa jirtaa qolooyinkii jabhadii ONLF iyo Raaskambooni oo wada socda ayaa weerar kusoo qaaday deegaanka Goobwayn oo ku sugnaayen Ciidamadeenu, nasiib wanaag waxaa ku baxay unug ka tirsan Ciidankeena kuwaasi oo khasaare u gaystay dhimasho iyo dhaawacna waa kala tageen meesha” ayuu yiri Xasan Qasim.

Afhayeenka Col, Barre Hiiraale, ayaa sidoo kale ku warramay dib inay deegaanadii ay weerarka kasoo qaadeen ugu laabteen Ciidamadii maamulka Jubba, isagoona tibaaxay Khasaare xoogan maanta inay gaarsiiyeen sida uu hadalka dhigay Ciidamadii weerarka kusoo qaaday.

“Weerarkaasi inaga dhankeena wax kasoo gaaray ma jiraan balse waxaan kuu xaqiijinayaa Ciidankeenu inay leeyihiin xiriiro badan oo lamid ahayn kuwa ONLF ee iska soo socda tababarkana aan haysan”.

Dhanka kale wuxuu sheegay Ciidamadoodo imika inay ku suganyihiin deegaanadii ay horay u daganaayeen isagoona gaashaanka u daruuray wararka sheegaya in laga saaray deeganadii ay horay ugu sugnaayeen.

Wuxuu sheegay Xasan Qaasim Warsame Ciidamadoodu inay iska celin doonaan cid walba oo isku dayda inay weerar kusoo qaado isagoona tibaaxay Ciidanka Barre Hiiraale inay dhawaan qorshaynayaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen degmada Kismaayo.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Isha: Kismaayo24

Carrada & Mucjisada Islaamka (Maxay reer galbeedka iminka ogaadeen?)

Bismillaah, Alxamdulillaah, Allaahumma salli calaa Muxammad.

Dunida aynu ku noolnahay waxay maraysaa casrigii tiknoloojiyada iyo horumarka. Cilmiga waxaa laga gaaray heer. Reer galbeedka oo iyagu xagga daraasaadka iyo iktishaafiddooda ku horreeya ayaa waxay mar waliba soo bandhigaan xaqiiqa sida la moodo dunida ku cusub, balse aanan ku cusbeyn umadda Islaamka ah.

Arrimaha imminka la ogaanaya ayaa ay ku gaareen teleskoobyada iyo qalabka loo adeegsada il ma aragtada iyo waxyaaba kalooyaan aqoon, laakiin xaqiiqada soo baxda ayaa durba waxaad ka dhex heleysaa Quraanka kariimka ama xaddiiska nebiga aanan ku hadlin hawadiisa ee ku socda waxyigii loo waxyoodday, nabadi iyo naxariis dushiisa Eebbe ha yeelee.

Waxyaabaha sanaddadan dambe la ogaaday, amaba la iktishaafay ayaa ka mid ah cilmi iyo daraasad ku saabsan carrada. Culima aqoonyahanno ah oo kamid ah kuwa Yurubiyaan iyo Maraykan ah ayaa iktishaafeen in carradu ay leedahay maaddo wax walba nadiifin karta. Waxay ku sheegeen maaddadaasi inay awood u leedahay noocwalba oo bakteeriya inay baabi’in karta, ayna ka awood badan tahay.

Haddii aad si u fiiriso, aqriste bal isweydii, sababta aynu mowtideenna u aasno marka ay dhintaan? Waxaa dhici kari lahayd in cudurro aanan la aqoonin ay ka dhalan lahaayeen haddaynu mowtida ku dayn lahayn dhulka dushiisa, oo aynaan u adeegsan lahayn inaanu carrada ku aasno. Bal’ee khilaayaadka bini-aadamka iyo jirkiisa oo marka ay ruuxdu ka baxdo aanan wax kabad 10 casho oolli karin meel aanan carrada hoosteeda ahayd iyadoo laga nabad helaya bakteeriya, cudurro iyo ur intuba, ayaa nagu kallifeysa inaanu qaadanno sunnadii hore ee dad aasidda.

Taasu waxay ina tusineysaa caddeymaha waaweyn iyo awoodda ay leedahay carrada. Dhanka kalena marka aynu eegno xaqiiqadan cusub ee ay immika uun heleen dadkani reer galbeedka ah, ayaa waxaad soo xasuusanaysaa in cilmigani uu 1400 sano kahor uu Islaamka agtiisa yaallay, waayo nebi Muxammad (NNKH) oo ahaa mid aanan hawadiisa ku hadlin, ahaana nebi ummi ah oo aanan waxba qorin waxna aqrinin, kaasoo Eebbe uu ku galladaystay caalamka, si uu nuur iyo raxmad ugu noqda ayaa daraasaddan horey inooga warramay, markii uu xaddiis saxiixa ku yiri amar ahaan sida tan:

”(إذا ولغ الكلب في الإناء فاغسلوه سبع مرات وعفروه الثامنة في التراب) [رواه مسلم].”

”Haddii eeygu uu weel afka la galo (yacni uu wax ku cabbo ama uu ku cuno), dhaqo (maydha) 7 mar, marka 8d-na ku qallajiya carrada”. Waxaa weriyey Muslim.

Nebi Muxammad (NNKH), xilligaasi mugdiga ee aanay jirin tiknoloojiyada maanta jirta iyo horumarka la gaaray, ayuu aqoontani durugsan ee sida cad u qeexeysa in carradu ay leedahay awood intaa la eg ayuu koonkan ula yimid, saa badi waxay yiraahdeen ”Beenloow baad tahay, nebi Allaah ma imid”, iwm. Markaasay misna ga gaabiyeen inay gaaraan mucjisadaas iyo aqoontaasi uu ula yimid, iyadoo maanta oo ay dunida horu martay ay dhib iyo rafaad kadib intay adeegsadaan aaladahan casriga ah ay iktishaafayaan xaqiiqa cilmiyeed oo horey uu Quraanka uga warramay, amaba uu nebi Muxammad (NNKH), inoo sheegey.

Xumaan waxaa ka hufan, Rabbigii inaga dhigay ummad Islaam ah, ee nagu galladaystay nebi Muxammad rasuul iyo nebi ahaan (NNKH).

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
__________________________________________________________
Afeef: Qormadani, waxay gaar u tahay qoraha, iyo webka caasimada.net, lama daabacan karo idan la’aan.

Maxaa Hiba Nuura mustaqbalka dalka Somalia uga muuqda? (Wareysi)

Heesaa iyo mu’allifad Hiba Maxamed Huddon, oo ku magac-dheer Hiba Nuura, ayaa Soomaaliya ku soo noqotay bishii hore kadib maqnaan jiitantey wax ka badan labaatameeyo sano.

Dhammaadkii 1980-tameeyadii, Hiba waxa ay qayb ka ahayd Waaberi, oo ahayd koox Soomaali ah oo caan ku ahaa bandhigyadii ay ka sameeyn jireen Tiyaatarka Qaranka Muqdisho iyo sidoo kale heesihii iyo riwaayadihii waddaniga ahaa ee khaaska u ahaa.

Dhammaadkii sannadkii 1990-kii, ayay Hiba u dhooftay dibadda iyada oo markaa wali dalka ka maqnayd bishii January ee sannadkii xigay markii ay burburtay xukuumaddii Soomaaliya, taasoo Waaberi ku khasabtay in ay koox ahaan u burburto xubneheediina ay ka carareen dalka.

Hiba, oo hadda ku jirta sannadkeedii 60-dameeyada, ayaa Muqdisho ku soo noqotay 10-kii September iyada oo ka timid Germany, halkaa oo ay u guurtay dagaalladii kadib.

Waxa ay bixisay ay uga hadasho booqashadeeda isla markaana dadka ula qaybsato dareenkeeda ku saabsan Soomaaliya iyo rajadeeda mustaqbalka.

Su’aal: Maxaad dareentay markii aad aragtay Muqdisho?

Hiba Nuura: Dareenkayga ma qiyaasi karo, maxaa yeelay Muqdisho waxaan ka tagay iyadoo qurux badan, maantana waad u jeedaan sida ay tahay.

Haddii sideedii ay ku socon laheyd, Yurub oo kale ayay noqon laheeyd. Haseyeeshee Ilaahay ma qaddarin. Muqdisho inay burburto ayaa u qorneeyd, waxaase iminka jirta astaamo wanaagsan oo ah inay magalaadu sideedii ku soo laaban doonto.

Su’aal: Markii aad aragtay goobihii aad ka heesi jirtay sida Tiyaatarka Qaranka, hoteeladii Jubba iyo Curubba, iyo meelaha kale oo hadda burbursan, sideed noqotay?

Hiba: Aad ayaan u beddelmay markii aan arkay burburkan ka muuqda dhismayaashii caanka ahaa, balse waxaan isku qanciyay goobo kale oo badan ayaa la dhisay [dhawaan], sida dhismooyin dhaadheer iyo waddooyinka hadda la dhisayo.

Marka [magalaada] dhib waa ka dhacay waxaase ku iloowbayaa waxaa soo socoda ee wanaagga ah.

Su’aal:  Waa maxay qorshahaaga aad halkan u joogto?

Hiba: Waxaa ii qorsheysan in aan sameeyo heeso badan oo ummadda Soomaaliyeed loogu buraarujinaayo sidii ay horumar u sameyn lahaayeen, isla markaana aan u soo bandhigo, haddii Alle yiraahdo.

Su’aal: Tan iyo intii aad Muqdisho ku soo noqtay laba jeer ayaad bandhig sameeysay, laakiin dadka Muqdisho waxay kaa sugayaan bandhigyo dheeraad ah. Maxaad u haystaa dadkaa fankaaga jecel?

Hiba: Waxan doonayaa in aan bandhigyo badan sameeyo inta aan joogo Muqdisho. Waxaa soo socda bandhig faneed cusub toddobaad gudihii, sida qorshuhu yahay, oo aan doonaayo in dadka Soomaaliyeed aan u soo bandhigo heeso lagu dhiirri-gelinaayo horumarka dalka.

Su’aal:  Heesaha aad qaadi doonto ma kuwo cusub baa mise waa heesahaagii hore?

Hiba: Kuwo cusub iyo kuwii hore ayay isugu jiri doonaan hees, iyada oo sidoo kale ay igala qeybgali doonaan bandhig faneedyadaasi fanaaniinta kale ee Muqdisho ku nool.

Su’aal:  Yaa kaa caawinaya qabanqaabada baranaamijyadan?

Hiba: Aniga waxaa Muqdisho igu martiqaaday maamulka Gobolka Banaadir ayagaana gacan igu siiya wax kasta oo aan sameeynayo. Waxaana si gaar ah ugu mahadcelinaayo duqa magaalada Muqdisho oo sabab u ahaa in aan Muqdisho imaado.

Su’aal: Kaalin caynkee ah ayuu fanku ka qaadan karaa dib u dhiska Soomaaliya?

Hiba: Fanka sida la ogyahay waa uu ballaaranyahay waana wax dadka kicin og.

Xaaladda Soomaaliya waqtigan la joogo fanka kaalin muhiim ah ayuu ka qaadan karaa in dalku horukac uu sameeyo. Haddii dadka maalin kasta looga sheekeeyo arrimaha hormarka leh isla markaana qalabka warbaahinta loo mariyo farriimo dhiirri-gelinaayo hormarka dalka, dadka niyaddooda ayaa dhismaysa si wanaagsana waa ay u fekerayaan

Su’aal:  Maxaad ugu baaqi lahayd dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadda ee aaminsan in aan Soomaaliya lagu soo noqon karin?

Hiba: Umadda Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan waxaan u sheegayaa in dalka uu iminka yahay ammaan, inta ka dhimanna waxaa loo baahanyahay in si wadajir ah looga shaqeeyo. Dalka dib-u-dhis ayuu u baahanyahay muddo 20 sano ah ayaan dib u dhacnay.

Waxaa wareysigan qaaday Sabahi

Sawirro + Video: Xuseen Cayaar-Jecel oo si kalgaceyl loogu qaabilay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online0) – Fanaanka Soomaaliyeed ee  Xuseen Shire Ciyaar Jecel oo kamida kooxda qeyladhaan ayaa maanta soo gaaray magaalada muqdisho,waxaana garoonka caalamiga ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey xildhibaano ka tirsan barlamaanka soomaaliya , ururada haweenka degmooyinka gobolka,bahda fanka oo isugu jiray fanaaniin iyo abwaano.

Dadka soo dhaweeyay fanaanka Xuseen Shire Ciyaar jecel ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqaneeysay sida ay ugu farxsan yihiin imaansha fanaankan,iyadoo dhankiisa fanaanku uu aad ugu faraxsanaa imaanshaha dalkiisa iyo waliba sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey muqdisho..

Abwaan Maxamed Xussen Owliyo oo kamid ahaa abwaaniintii soo dhaweneysay fanaan Xuseen Shire ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu farxsanyahay imaanshaha fanaanka,isagoo sheegay in imaanshaha fanaaniinta iyo abwaanada ee muqdisho ay muujineeyso nabadda ka dhalatay dalka.

Sidoo kale fanaan Xuseen Chire Ciyaar jecel oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in mudo ka dib uu dalkiisa hooyo dib ugu soo laabto isla markaana uu dhibka la qeybsan doono shacabka soomaaliyeed.

Fanaanka ayaa sheegay in uu doonayo in uu tuso cadwaga wax ma garatada ah ee dalka ku duulay in aan ka dagaalamo gobollada dalka si aan cadawga uga xureeyno dalka.

Nabadda ka dhalatay magaalada muqdisho ayaa sababtay in ay dalka dib ugu soo laabanayay abwaanada iyo fanaaniinta soomaaliyeed oo dalka dibadiisa in mudo ah ku noolaa,waxaana laga tilmaami karaa fanaanita dalka timid Hiba Nuura,Maxamed Axmed Qoomaal,iyo Hibaaq Maxamed C/laahi,waxana la filayaa in dalka yimaadaan kuwo kale.

shire 1shire 2shire 3shire 4shire 5shire 6shire 7shire 8shire 9shire 10

Sawirro: Kacdoonka Mombasa oo ay dad ku dhinteen, kadib Sheekh la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadaad caan ah oo lagu magacaabo Shiekh Ibrahim Amor, oo Kenyati ah iyo saddex qof oo kale ayaa xalay lagu dilay magaalada Mombasa.

Dilka afartan qof ayaa sababtay dibadbaxyo iyo rabshado maanta ka dhacay magaalada salaadii jimce kadib.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in dadka rabshadaha sameeyay ay gubeen kaniisad.

Dhalinyaro magaalada Mombassa dagan oo ka cadheysan dilka Sheekha ayaa waxay maanta dab qabadsiiyeen kaniisad.

Shuyuukhda gobolka ayaa dilkan ku edeeyay dowladda Kenya inay ka danbeyso.

Laba todobaad ka hor waxa la weeraray Suuqa Westgate ee magaalada Nairobi kaasi oo sababay dhimashada 70 qof iyo dhaawaca ku dhowaan 200.

Taliyaha booliska Mombasa ayaa sheegay in 24 ruux u qabteen falkan oo lala xiririnayo inay ka danbeeyeen kicinta rabshadahan.

Boolisku waxay beeniyeen inay gacan ku leeyihin dilka Shiikha ee xalay, hase yeeshee caddeymaha soo baxaya ayaa muujinaya in ciidanka Kenya ay u dhaqmeen sida maleeshiyo oo kale, oo ay dileen Sheekha.

 

 

 

 

VIDEO: Bilicda iyo quruxda MAGAALO Xeebeedka KISMAAYO ee Soomaaliya

Caasimada Online:  Magaalo Xeebeedka Kismaayo waa magaalo xurun u ah Gobolka Jubba Hoose waa magaalo leh kheyraad fara badan oo dadka ku nool ay aad uga faa’ideestaan Bilic ahaan magaalada waa magaalo dhisan oo qurux badan.

Hadaba Muuqaal dusha sare ah oo laga duubay magaaladaasi ayaan idiin soo gudbineynaa kaas oo ku tusinaya quruxda iyo Bilicda Magaalo Xeebeedka Kismaayo oo doog iyo biyo ku hareereeysan Magaalada.

HALKAAN KA DAAWO: