31.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Dhageyso: Muqdisho: Beel kalsoonida kala laabaneysa DF, hal gabar darteed

Muqdisho (Caasimada Online) Nuur Cabdi Maxamed , wuxuu ka mid yahay Ehelada Gabar Soomaaliyeed oo dhawaan la sheegay inay Ciidamo AMISOM, ah kufsi kula dhaqaaqeen inkastoo ay beeniyeen , wuxuu sheegay in xilligan xalka gabadhaasi ay tahay mid aad u liidata .

Wuxuu sheegay in Haatan Gabadhaasi ay tahay mid u dhexeysa Nolol iyo Geeri , waxaana intaasi uu kusii daray in marka loo eego noloha hatan gabadhaas ay ku jirto inay u dhaami laheyd inay iska Geeriyooto.

Gudigii dowlada Soomaaliya ay arintan u xilsaartay ayuu shaaciyay inay la kulmeeen balse wuxuu sheegay in waxba aan arinteeda laga qaban , waxaana uu sheegay in howshu ay aheyd kaliya qawda ma qashii waxna ha u qaban sida uu tilmaamay.

Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Gabadha ayuu tilmaamay inay go’aan waa jir ah gaareen , waxaana uu sheegay hadii dowlada Soomaaliya arintan ay kala xajoon weyso kalsoonida ay kala laaban doonaan sida uu shaaciyay .

“Dowlada Somalia waxaan leenahay arintaan nagala soo xaajooda , hadii taasi  ay dhici weysana kalsoonidii dowlada aan u heynay dib ayaan ula noqoneynaa , dad karo arintaas oo karti  lehna waan nahay, aniguna waxaan ahay nin wax qaban kara ayuu yiri” Nuur Cabdi Ibraahim

Dowlada Soomaaliya kama aysan jawaabin arintan , sidoo kale wali Gudigii baaritaanka gabadhaas loo xilsaaray war ku aadan muusan soo saarin kaas oo ah xalka ugu dambeya ee wax u qabasha gabahaas io cidda sida rasmiga ah kaga dambeysa Kufsiga loo geystay .

Gabadhan la sheegay in la kufsaday ayaa la tilmaamay inay aheyd Hooyo Seddex Caruur ah leh , taas oo iminka xaalkeeda uu yahay mid laga deyrinayo .

Halkaan ka dhageyso Nuur Cabdi Maxamed

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Muuqaalka Muqdishada cuusb

Caasimada Online:  Magaalo Madaxda Muqdisho waa magaalo weyn oo miisaan culus ku leh dalkeena mudadii dowlad la’aanta aheyd waxaa gaaray jab xoogan oo burbur iyo barakicin labaduba watay balse haatan Muqdisho waxeey noqotay Muqdisho Cusub ee aan idiin baro.

Muuqaal ahaan Muqdisho ma moodid Muqdishadii 23 sano lagu dagaalamayay balse waxaa haatan arkeysaan waa NEW MUQDISHO oo aan idinku tusinaya magacaa cusub in ay timid Muqdisho Cusub oo kaa yaabin doonto muuqeeda iyo quruxdeedaba.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Warbixin & Sawirro: Jidadka Muqdisho oo lagu dhejiyey nalalka samaafaraha

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhawaan Shaaciyay in uu Nalalka Samalfaraha sida ugu dhaqsiyaha badan u keeni doono Muqdisho ayaa hada bilaabay Mashruucaas.

Waxaa la dhahaa: Kun Tilaabo oo la Talaabsado waxeey ka Bilaaabataaa Hal Tilaabo, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho ku Tijaabinaya Samalfarayaal ku shaqeenayo Qoraxda.

Tijaabadaas oo bilaabatay Asbuucaan ayaa lagu Rakibay Isgoysyo lagu tijaabinayo, waxaana la filayaa in dhawaan lagu rakibo Isgoysyada ugu waaweyn ee Muqdisho.

Caasimadda Soomaaliya ayaan hadda laheyn samalfalaha waddooyinka, balse dowladda hoose ayaa bilowday in 54 isgoys ay ku rakibto kuwo cadceedda ku shaqeeya. Waqti xaadirkan, askarta bilayska ayay tahay in ay gawaarida iyo baabuurta kale ku hagaan isgoysyada muhimka ah.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Rakibaadda nalalka ay Shiinuhu sameeyeen qaadan doonto Seddex bilood.

Calaamadaha ugu horeeya ayaa waxaa laga taagay ama laga taagi doonaa Isgoysyada ugu mashquulka badan Muqdisho ee Kiiloomitir 4, kiiloomitir 5, Sayidka iyo Jubba.

Mashruuca ayaa waxa uu shaqo abuuris u samayn doonaa 100 dhalinyaro ah oo loo xil saari doono rakibidda calaamadaha.

Darawalada aan aqoonta u lahayn sharciyada waddooyinka waxa ay heli doonaan tababar gaaar ah oo ku aaddan sida loola macaamilo nalalka cagaaran, kuwa gaduudka ah iyo kuwa basaliga ah si ay sharciga u raacaan, ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Yuusuf.

Taliyaha Bilayska Ammaanka Waddooyinka Jeneraal Cali Xirsi Barre ayaa sheegay in nalalka ay horseedi doonaan waddooyin kuwan ka ammaan badan oo ka maamul fiican.

“[Samalfalaha waddooyinka] waxa ay isbedel wayn ku keeni doonaan dadaaladeennaa aan ugu jirno ammaanka caasimadda, maadaama gawaarida yar yar ay ku soo badanayaan waddooyinka Muqdisho ayna abuurayaan cidiidhi gawaarida ah,” ayuu yiri. “Tani waxa ay bilayska waddooyinka siinaysaa in ay waqtiyo nastaan, iyaga oo hadda isgoysyada jooga 24-ka saac.”

samf

Isha: KON

DHAGEYSO: Dib u dhici ay sameysay DF iyo wixii laga kala yiri

Muqdisho (Caasimada online) Xilli dib u dhac uu ku yimid shir lagu wday in shanta Bishan uu ka furmo Muqdisho , kaas oo lagu madal sanaa in looga hadlo aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa waxaa Soo ifbaxaya baaqyada arintaas ku aadan ee loo jeeedinayo maamulka Jubba iyo dowlada Soomaaliya.

Suldaan Cabdi Casiis Cumar Daad Beyle wuxuu ka mi yahay Waxgaradka kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo Dib u dhaca Shirkaas , waxaase uu sheegay in loo baahan yahay in maadaama waqtiga shirka dib loo dhigay la isku sii diyaariyo wax wanaagsan oo kiro dhal ah ay uga soo baxaan .

Wuxuu sheegay inuu talo ahaan usoo jeedinayo in la raadiyo guddi arintan dhex dhexaad ka ah oo Maamulka Jubbana wax u sheegi kara dowlada Soomaaliyada dhankeeda wax u sheegi kara sida uu tilmaamay  .

Suura galnimada in shirkaas ay kasoo baxaan wax mira dhal ah mid wali muran uu ka taaganyahay waxaana jira kala qeybanaan ku saleysan dhanka Odayaasha iyo Waxgaradka goboladaasi dega , xukuumaduna waxay sheegtay in ka hor shirkaas laga sii baaran dagi doona isagoo loo diyaar garoobayna uu bilaanmi doono.

Afhayeenka Xukuumad Soomaaliya wuxuu sheegay in lama maar maan ay yahay ka qeyb galka Shirkaas, waxaase uu sheegay in hadii shirkaas Muqdisho lagu qabto iyo hadii Kismaayo lagu qabto uusan Micno weyn u arkin males muhiimada uu tahay in shirkaas uu dhaco

Suldaan daad beyle wuxuu xaaraan ku tilmamay Heshiiskii Adis Ababa ku dhexmaray dowlada Soomaaliya, waxaana uu qeyb ka yahay dadka dhaliilsan siyasada Maamulka Jubba hayeeshe , wuxuu sheegay in lagama maarmaan ay yahay si xal buuxa arintan loogu helo in la helaa guddi dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubba ka madaxbanaan .

Maamulka Jubba waxay hore u diideen ka qeyb galka Shirka Muqdisho ee Shanta Bishan lagu balansanaa hayeeshee xukuumadu ay shaacisay inuu furmi doono 21-Bishan  inkastoo sababta rasmiga ah aan la ogeen .

Xukuumadu waxay sheegtay in arintan ay ula jeedo in loo sii diyaar garoobo shirka , hayeeshee Warar ayaa sheegaya in diidmada maamulka Jubba uu salka ku hayo baaqasha iyo dib udhaca shirka aayaha Jubooyinka iyo Gedo.

Arinta Jubbooyinka iyo Gedo oo Muran dheeday kadib xal Adis Ababa looga soo gaaray ayaa imika waxaa muuqanaya in mar kale ay ka dhex tafatay , Maamulka Axmed Madoobe ayaa ku dacwoonya in shirkii Jubbooyinka ee Muqdisho uu hore usoo dhacay waxa la sugayana uu yahay wajigii labaad ee shirkaas oo kismaayo ka dhaco.

Halkan ka Dhageyso Suldaan daad beyle

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Warbixin gaar ah: Dagaalkii Gen. Caydiid iyo USA maanta oo kale

Washington DC (Caasimada Online) – Maanta oo kale 20 sano ka hor, waxaa dagaal dhex maray ciidanka Maraykanka iyo Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid, ka dib markii kooxo Soomaali ahi ay dileen 24 ka mid ah askarta dalka Pakistan oo qeyb ka ahaa hawlgalkii UNISOM.

Dagaalkaasi, ayaa qaatay magacii uu ku caan baxay ee Balckhawk Down, oo ahayd diyaarad nuuca qumaatiga u kaca ah oo Mareykanka laga soo riday.

Ku dhowaad 1000 qof oo Soomaali ah iyo 18 askari oo Mareykan ah ayaa ku naf waayey dagaalkaasi, waxaana kadib ciidamada Mareykanka iyo kuwii huwanta ay isaga baxeen Somalia.

Dad badan ayaa rumeysan in dagaalkaasi uu sabab u noqday in caalamku ka jeesto Somalia, dhibka Somalia-na uu soo gaaro heerka uu maanta uu joogo, inkasta oo dadka qaarna ay dagaalkaas u arkaan guul Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dagaalkaas ay ku lug lahaayeen kooxo Islaamiyiin ah oo waagaas soo hana qaadayey sida kooxdii Al-itixaad Al-islaami.

Idaacadda VOA, ayaa warbixin gaar ah oo xiisa badan ka diyaarisay dhacdadaas.

Halkan ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Washington DC

[email protected]

Arag Sawirrada: Soomaalidii ku la’day dooni ku rogmatay xeebaha Italy

Roma (Caasimada online) Ugu yaraan 95-Qof oo Muhaajiriin ah ayaa ku dhintay tiro kale oo gaareysa ku dhawaad 250 Kooxaha gurmadka ayaa wali waxay ugu jiraan baadi goobkooda ka dib markii Dooni ay saarnaayeen Muhaajiriintaasi ay kula qalimatay meel u dhow Jazeerada Lampedusa ee dalka Talyaaniga,sidaasi waxaa baahiyay warbaahinta Talyaaniga.

Shilka ayaa dhacay aroortii hore saakay oo Khamiis ah.

Kooxaha Badbaadiyaasha ayaa shaaca ka qaaday inay biyaha ka soo badbaadiyeen 25,sida uu sheegay Afhayeenka Xeebta Talyaaniga.

Ilaa iyo hada Dowlada Talyaaniga ma cadeyn wadamada ay u dhasheen Dadkaan Masiibado soo gaartay,waxaana dhacdadaan Noqoneysaa ugu danbeysay ee ka dhacda meel ku ku dhow xeebaha Talyaaniga.

Wararka ka imanaaya dalka India gaar ahaan Waqooyi Galbeed ee dalkaasi ayaa waxay sheegayaa in Ugu yaraan 28-qof oo ay ku jiraan 18-Carruur ah ay dhinteen ka dib markii uu shil galay Gaari Xamuulka Qaada.

Sidoo kale 20- kale ayaa dhaawacyo ay ka soo gaareen Shilkaasi,kuwaasi oo Qaar ka mid ah Xaaladooda caafimaad laga deyrinay.

Shilka ayaa ka danbeeyay ka dib Gaariga Xamuulka siday 10- ka mid ah lugihii uu ku socday ay baxsadeen,waxaana dhacdadaan ay ka dhacday Magaalada Gauhati,ee caasimada Gobolka Assam.

Boliiska Magaalada Gauhati, ayaa sheegay in Tirada dhimashada intaasi ay ka sii badan karto sabab lala xiriiriyay dadka dhaawacyada qaba oo Qaarkooda Qatar ku jirta.

Sawirrada

sawir 1sawir 2sawir 3sawir 5sawir 6sawir 7sawir 7sawir 8sawir 9

Caasimada online

Xafiiska Roma

[email protected]

DF oo qorshaheedii dib u dhigtay (Ma Axmed Madobe ayaa ku qasbay mise?)

Muqdisho (Caasimada Online) Kadib kulan golaha Wasiirada ay Muqdisho ku yeesheen ayaa arrimihii  ay kaga hadleen waxaa qeyb ka ahaa , Warbixin ku aadan Heshiisyadii dalka Turkiga oo laga dhageystay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdiin Saacid , arimaha amniga Bini’aadanimada iyo dib u dhigista Shirkii aayaha gobolada Jubbooyinka .

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta Si rasmi waxay isugu raaceen dib  u dhigista Shir Shanta Bishan lagu waday inuu ka dhco Muqdisho kaas oo looga hadli lahaa aayaha gobolada Jubbooyika iyo Gedo iyo Heshiisiinta Beelaha halkaasi wada Dega.

Shirkaas ayaa la tilmaamay inuu qabsoomi doono 21-ka bishan October, waxaana inta ka horeysa jiri doona sida la tilmaamay diyaar garow buuxa oo ku saabsan qaban qaabadda shirka guud ahaan.

Maamulka Jubba ayaa dhawaan si cad wuxuu u diiday ka qeyb galka Shirka Muqdisho lagu wado inuu ka dhaco , ee looga hadlayo arimaha Jubbooyinka iyo Gedo Sabab la xiriirta in dowladu ay jabisay qodobadii lagu soo heshiiyay sida ay sheegeen .

Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye wuxuu sheegay in hadii ay yihiin Xildhibaanada kasoo jeeda Jubbooyinka aysan xal u arkin in Magaalada Muqdisho lagu qabto shir looga hadlayo arimaha Jubbooyinka, maadaama buu yiri shirar Jubbooyinka looga hadlayo uu Muqdisho ka dhacay.

“Axmed Madoobe ayaa Muqdisho yimid oo shan cisho ku sugnaa shirar kala duwan ayaa ka dhacay magaalada oo arimaha Jubbooyinka looga hadlay marka baahi shir kale inuu Muqdisho ka dhaco majirto”Ayuu yiri Xildhibaan Shuuriye.

Inkatoo ay jiraan dhaliilo iyo diidmo ay aritan ka muujiyaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka Jubbooyinka iyo gedo kasoo jeeda hadana waxaa jira qaar iyana dhankooda soo dhaweynaya.

Arrinta ku aadan shirka Muqdisho lagu qabanayo, ayaa khlaafyo hor leh ka dhex dhalisay xukuumadda iyo maamulka Axmed Madoobe, oo sheegay in arrintan uu ka dambeeyo ra’iisul wasaaraha oo ay ku eedeeyeen inay beeshiisa gadaal ka riixeyso, laakiin xaqiiqda jirta ay tahay in shirkan uu qeyb ka ahaa heshiiskii labada dhinaca.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Xildhibaan laba kamid ah ilaaladiisa dil lagu xukumay (Sababa)?

Muqdisho (Csaasimada online) Eedeysanayaal gaaraya laba ruux ayay maanta Maxkamada ciidamada Qalabka sida waxay ku xukuntay xukun Dil ah kadib markii sida la sheegay hore dil ay ugu geysteeen Askar ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Afhayeenka Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya C/laahi Maxamed Muuse (Keyse) wuxuu sheegay in kadib markii dhowaan askarn ka tirsan ciidamada dowlada auy ragan dil kula dhaqaaqeen in maanta iyana lagu xukay dil toogasho ah.

Raga la dilay waxay ilaalo u ahaayeen Mudane ka tirsan Baarlamaanka SOOMAALIYA oo lagu magacaabo Xildhibaan Nuur Maxamed Xuseen sida uu sheegay C/laahi Maxamed Muuse (Keyse) Afhayeenka Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya

Askarka labada ah ee ay ragaan hore u dileen ayaa la sheegay in dilkoodu uu ka dhacay Degmada Warta Nabadda gaar ahaan dhabarka dambe ee madaxtooyada Soomaaliya ee magalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Maxkamada qalabka sida ayaa sheegay in ragani ay qirteen dilalka ay geysteen,kuwaasi oo sababta dilka ay geysteen ay ku sheegeen in horay ciidan ka tirsan Booliiska ay uqash-qashaadeen.

Ragan ayaa la filaya ain loo toogto qaab ka duwan sidii hore waxaana la qorsheynayaa in qaab sii jeed ah loo toogto sida uu Afhayeenka Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya sheegay .

Halkaan ka dhageyso Codka Maxkamadda

Codka Maxkamada qalabka sida

Caasimada online

Xafiisa Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Nolosha Muqdisho iyo xilliyada habeenkii (Jawi degan iyo farxad)

Caasimada Online:  Tan iyo Biloowgii Sanadkaan waxeey magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka soo kabaneysay Burbur Xoogan iyo 23 sano oo colaad ah waxaad moodaa in haatan ay ka haahaabaneeyo dhibaatadii xooganeyd ee gaartay magaalo madaxda ee Muqdisho.

Xiliga Habenkii Muqdisho ma moodid meel burbur saneyd 23 sano dadkuna ay guryahooda ku jiri jireyn waloow aad arkeyso muuqaal kaa farxin doono marka aa daawato hadane isma dhaheysid Muqdisho ayaa sidaa ah ee nala daawo Video-ga.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Muqdisho: Khilaaf gacanta la isu la tagay iyo R/W Saacid oo xal raadiyey

Muqdisho (Caasimada online) Qilaafkan ayaa yimid kadib markii Dhisme ka socda Safaarada Mareykanka  ee Soomaaliya uu ubaahday qalab dhismaahisi Muhiim u ahaa in laga soo Dejiyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Shirkada Favori oo Dhawaan garoonkaasi gacan ku heyntiisa la wareegtayna ayaa sheegtay in 3 Bilood kadib ay keeneyso qalabka alaabtiisi lagu soo dejin lahaa .

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo dhismaheedu uu ka socdo Xarunta Xalane ayaa qandaraaskaas waxay siisay Shirkadii dhowaan xilka Garoonka diyaaraha laga qaaday ee SKA .

Shirkada SKA ayaa soo dajisay shalay qalabkii lagu soo dejinlahaa qabaka Dhismaha Safaarada  Mareykanka ee Soomaaliya waxaana Mar qura Shirkada Favori oo xilligan mas’uuliyada Garoonka Diyaaradaha heysa ay ka war heshay shaqaale labisan Dareeska SKA oo ka shaqeynaya halkaas.

Madaxa Shirlkada Favori oo lagu magacabo Maxamuud ayaa Shaqaalaha SKA ku amray inay qaataan hadii ay Garoonka howl ka qabanayaan Dharka Shirkada Favori, Taasi oo ay ka biyo diideen Shaqaalaha SKA.

Intasi kadib waxaa gacanta iskula tagay markii Muranka Shaqaalaha Labada Shirkadood uu batay John oo ah madaxa SKA Somalia iyo Seddex kamid ah Shaqaalaha Favori taas oo keentay in si xun loo garaaco Madaxii SKA Somalia John.

Madaxda SKA ayaa qadka Telphone-ka waxay kula hadleen madaxa Shirkadaasi ugu sareeya oo sida la tilmaamay ku sugan dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta , kadibna waxaa sida la sheegay uu dhankiisa arintan kusoo war galiyay Madaxda dowlada Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia.

Daqiiqado kadib murankii oo loo maaro la’yahay waxaa halkaasi gaaray Ra’sul wasaare Saacid oo dhex dhexaadiyay qilafkii gacan ka hadalka sababay ee ka dhacay garoonka Muqdisho, waxana la sheegay in SKA lagu qanciyay inay howsheeda gudato iyadoo Dharkeeda wadato kadib wada hadal waqti qaatay .

Favori ayuu ra’isul wasaare Cabdi Faarax ku qanciyayb inay samirto inta howshaasi ay kadhamaaneyso SKA,  waxaana uu amar ku bixiyay in ciidamo boolis Somali ah oo amniga suga inta hoshooda ay SKA ka gudaneyso halkaasi la geeyo .

Xigasho SKY FM

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

HARGEYSA: Waxaan yaab aragnaba ma dhacdadan cusub ayaa billaabatay?

Hargeisa (Caasimada online) Sida wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ay sheegayaan kooxo hubeysan ayaa  gowracay ruux shacab ahaa, kaas oo sida la sheegay lagu magacaabi jiray Mustaf Cabdi Xasan

Mustaf ayaa la rumeysan yahay ay dileeen Afar nin oo dhalinyaro ah kuwaas oo dilkiisa u adeegsaday Tooreey , inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in dhagax lagu dilay, Kooxihii dilka geystayna waa ay ka baxsadeen halka ay wax ku dileen .

Dilka ayaa ka dhacay Xaafada loo yaqaan Boqol iyo Kontonka ee ku yaala Xaafada Waqooyi ee Magaalada Hargeysa.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka Mustaf hayeeshee xilliga la dilayay waxa la socotay Gabar , taas oo sheegtay inaysan graneyn ragga dilay Marxuunka iyo ujedka loo bar tilmaameydsaday .

Maydka marxuunka la dilay waxaa la geeyay Saldhiga ciidanka booliska ee ku yaala Xaafadda Ibraahim Kood-Buur ee Magaalada Hargeysa, waxaan jira baaritaan arintaas ku aadan oo wali soconayo .

si kasto waa dhacdo xanuun badan sida ay sheegayaan shacab badan oo reer hargeyso ah , waxaana ay tilmaamaya inay tahay mid ku cusub deegaanada mamulka Somaliland.

Caasimada online

Xafiiska Hargeisa

[email protected]