31.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

RADDIN SHUBAHA: NABI MUXAMMAD (NNKH), muxuu u guursaday Ca’isha?

Sida laga dheehan kara su’aasha caynkan ahi ma ahan mid badanaa ka timaadda dadka maankoodu taamka yahay, ama leh iimaanka dhabta ah ee rumeysan towxiidka Alle iyo Islaannimada, balse waa su’aal in badan mulxidiinta Nasaarada ay umadda Islaamka ku fasahaadiyaan dhankoodana ay mar weliba naga soo gasha.

Waxaan ku jirey barta youtube ee internetka anigoo daawanayay mid kamida video-yada diiniga ee kujira youtube-ka. Waxaan bal fiiri is dhahay fikradaha video-gaas laga dhiibtay, laakiin qacdii horeba waxaan arkay hadalla uu nin Soomaali murtad ah soo qorey, isagoo weliba kusoo qoraya afka Soomaaliga.

Hadallada uu qofkaasi sooqorey waxaa kamid ahaa adinku ma naartii Muxammad idiin sheegay 14 qarni ka hor ayaad ka cabsanaysaan? Wuxuu misna daba dhigay, haddii aad maskax leedahiin sidee buu qof caqli leh u yeeli karaa Muxammad oo 53 jir ah inuu guursada Caa’isha oo 9 jir ah? Sideed ugu rumeyneysaan Nebi ahaan qof sidaas falay?Kaas oo qura ma ahan midka aan ka arkay shubbahada noocan ah ee foosha xun, balse waxaa dhacday inaan horey ula kulmay dad waddama Islaam udhashay oo shubbahadaasi la wareegaya, intooda badan qaar aan sheekeysannay waan ka shaafiyey, xaqiiqda ayaanna uga sharxay arrinkaasi, laakiin dhowr mar waan is dhahay bal shubbahadaasi maqaal raddin ah ka diyaari, taasina maantay igusoo sintay.

Waxaa yaab iyo fajac igu noqday in fikradaha video-gaas aan aqrinayay dadka intooda badan hal qof oo si cilmiyeysan ugu jawaabay aanay kujirin dadkii meesha ka dhiibtay aaraadooda, balse badankoodu waxay ugu jawaab celiyeen, murtad, gaal, iyo ereya lamida.Haddaba maanta waxaan jecleystay inaan soo gudbiyo raddintan, si umadda Soomaaliyeed haddii arrinkaasi wax laga weydiiya ay si degen uga jawaab bixiyaan jawaabta xaqa ah ee su’aashaas ay leedahay.Inta badan waxayaabaha ay weydiiyaan Masiixiyiinta faafiya diinta masiixiyadda marka ay tegaan waddamada Islaamka ama ay fasaahidinayaan umadda caamada ee Islaamka ah ayaa waxaa kamid ah su’aasha caynkaan ahMuxammad (NNKH) haddii uu Nebi yahay muxuu u guursaday gabar ka yar (Caa’isha)? Sida la isu weydiiyey uma adka labadan su’aal iyo wixii la halmaala ee shubbahaatka ah, balse dadka caamada ah ee aanan haba yaraatee fikirin ama wax is weydiinin ayay ku adkaanaysaa, kadibna shaki iyo laab ciriiryoon la boodaakaca oo dacaayaddaasi ay saamayn weyn maskaxdoodu ku yeelataa, roonaanse lahaydaa inay diinta masiixiyadda ama Baybalkuba wax ka yaqaannaan, waayo xaqiiqda dhabta ah iyo inuu xaq yahay guurka Caa’isha bay ku garaabi lahaayeen.Ka warramada haddii Baybalku qeybta cahdiga hore (Old Testment) uu tilmaamaya in Nebiyullaahi Isxaaq uu jirey markuu guursanayay Refqah ina Bethubeel 40 sanadood, iyana ay jirtay 3 sano oo quran?Baybalku wuxuu sheegayaa inay dhalatay Refqah markay dhimanaysay Saarah oo ahayd hooyada dhashay Isxaaq, Saarana waxay ku dhimatay da’da 127 jir, (eeg Genises/ Billawgii 23: 1d.

Markay Isxaaq dhalaysayna Saarah waxay jirtay 90 sanadood, sidaa darteed markay dhimanaysay wiilkeeda wuxuu jirey 37 sanadood. Taa haddaynu ka wareegno Maryama Calayhssalaam wuxuu Baybalku qabaa inay jirtay markay dhalaysay Ciise 11 sano. Waxaa markaa is weydiin mudan Maryama haddii ay kudhashay da’da 11, immisa jir oo kale ayaa lagu guursaday baala is oran lahaa haweeneyda da’daas oo kale ku dhasha? Dabcan 9 ama 8 ama 10 jir. Maxaa diidaya markaa Caa’isha in lagu guursada da’da 9 jirka?

Intaa haddaynu ka gudubno, guurka gabadha yaraanta lagu guursada ma wax caalamka ku cusub baa? Mise yahay wax qaaradda Yurub iyo galbeedka ay dhakafaar immika ka qaadaan oo aanay horey u aqoon? Miyaydaan ogayn in qarnigii dhawaa ee 18d hablaha boqorrada ay ku guursan jireen 8, 9, 10, 12, iwm iyadoonan weliba la gaarin 14 qarni kahor. Maxay tahay waxa aan ula yaabna wixii dhacay 14 qarni kahor, oo aynaan ula yaabahayn waxa dhacay labo qarni kahor? Mise hablaha labo qarni jirey kahor baa ka joog iyo jamaal dheer hablihii jirey 14 qarni kahor? Maya maya, umadba umadday ka horreysa ayay ka joog iyo jamaal dheertahay. Matalan waxaa dhici karta ayeydaa in lagu guursaday 13 jir, hooyadaana 18 jir, walaashaana 24 jir, adiguna laga yaaba in aad guursata gabadh 30 jir ah.

Waxaan jecelahay inaan iftiimiya 2 qarni kahor siday boqorrada reer galbeedka gabdhaha u guursan jireen.

Waqti kastaahiba guurka jawigiisa ayuu la jaanqaadaa, sidaa daraaddeed Willam of Tyre oo kamid ahaa madaxdii Roomaanka ee Qustantiine ayaa wuxuu gabadh yar ku guursaday da’da 8 jir, taasoo la oran jirey Iniyas (Agnes). Boqorkii Jeruselam ee Baldwin-kii saddexaad isaguna wuxuu guursaday gabadha la yiraahda Manuel oo xilligaasi ahayd 13 jir. Margret Maria oo ahayd gabadh 9 jir, una dhalatay dalka Majar (Hungary) ayaa waxaa guursaday boqorkii la oran jirey Isac (Isak) Angeles, Boqorkii Besanta ee la oran jirey Theotra markuu guursanayay xaaskiisa Marita reoll waxay jirtey 13 sano.

Waxaa cad xagga culuumta casriga iyo xagga diinta Islaamkuba in gabadhu hadday qaan gaarta ay diyaar u tahay inay qaadda uur, waxaanna ogsoonnahay illaa iyo immika inay jiraan habla ku qaangaara da’da 8 iyo 9. Hablihii jirey labo qarni kahor marka ay jiraan da’da 9 jirka, way ka bidhaan iyo joog dheeraayeen hablaha 9 jirka ah ee qarnigan jooga. Sidaa oo kale kuwii 14 qarni kahor jireyna iyana aad bay uga joog iyo bidhaan dheerayeen kuwa maanta jooga.

Si aan su’aashan shubbahada ahi u gablaminna, waa inaan is weydiinnaa Yuhuuddu iyagu sidey wax ku guursan jirtey?

Safiyah ina Xuyay ina Akhtab waxay ahayd gabadhii uu dhalay Xuyay bin Akhtab oo ahaa ugaaskii Yahuuddii reer Nadiir ee daganayd magaallada Madiinah. Sanadkii 1d ee hijriga markuu Nebiga (NNKH) usoo haajirayay magaallada Madiina waxay ahayd gabadh yar oo aabbaheed markay usoo roorta uu dusha ku qaadi jirey. Toddoba sano kadib sanadkii 7d ee Hijriga, markuu Nebiga (NNKH) guursanayay kahor waxaa horey usoo guursaday Kinaanah bin Abil Xuqayq, oo kamid ahaa madaxdii Yahuudda iyo maalqabeennadoodii. Safiyah waxaa lagu guursaday magaallada Madiinah, reerkooduna waxaa magaallada laga raray sanadkii 2d ee hirjiga. Haddii marka Safiya ay jirtay sanadkii 7d markuu Nebiga (NNKH) guursanayay 14 jir, magaallada Madiinah markuu Nebiga (NNKH) usoo haajireyay sanadkii 1d ee hijriga immisay jirtay? Hijrada kadib toddobo sano ayuu Nebigu guursaday, siddaa daraaddeed 14 kajar 7, waa 7 jir. Nebigu (NNKH) markuu Madiina imanayay waxay jirtay 7 sano, iyana Madiinuu ku guursaday Kinaanah.

Labo sano kadib soo galootigii Nebiga (NNKH) ee Madiinah waa ay ka guureen Madiina reerkeeda. Haddaba immisa jir ayuu ku guursaday Kinaanah iyada….? Dabcan waa labo middood, 8 jir ama 9 jir (maadama laguursaday intii u dhaxaysay markay jirtay 7 sano ilaa 9 sano). Yahuud oo ahlu kitaab ahayd oo Towraadda wax ka haysay baa sidaas samayn jirtay, maxaanay ula yaabayn oo ay guurka Nebi Muxammad (NNKH) ee Caa’isha ula yaabahayaan?Qodobadan ayaa jawaab u ah Su’aasha shubbahada?

1. Gaaladii Qureesheed, Yahuuddii Madiina, iyo Munaafiqiintii iyo kuwii adiga kaa necbaa Nebiga wax waliba oo ay Nebi Muxammed (NNKH) ku dacaayadeyn karayeen way faleen, waxay yiraahdeen waa beenaale, waa faalloow, waa gabyaa, waa saaxir, waa waalanyahay iwm. Laakiin ma aanay oran gabar ka yar buu guursaday? Xataa tobankii qarni ee ugu horreeyay cidna ma ku dacaayadeyn arrinkaas oo ma oran gabar kayar oo ilma ah buu guursaday. Halkaas waxaad ka garan kartaa in arrinkaasu ahaa wax caada ah oo dhici jirey, dadkii waqtigaasina ay isku guursan lahaayeen. Ma mooddaa in haddii arrintaasi ceeb ahaan lahayd Muxammed (NNKH) loo aamusi lahayn ee lagu dacaayadeyn lahaa?Maxaa keenay inaad adiga arrinkaasi ku dacaayadaysa Nebiga (NNKH) ama ay tashwiish kugu furta maanta?

2. Haddii Nebi Muxammed (NNKH) aad leedahay wuxuu ku dhacay fal dembi ah oo gabar kayar buu guursaday, jaalle waalooga horreeyay Caa’isha soo doonisteeda oo intaanu Nebiga (NNKH) guursan kahor waxay udoonanayd nin la oran jirey Jubayr bin Mudcim. Taasoo markale kuu caddeyneysaa in arrintu ahayd wax dhici jirey oo hablaha lagu guursan jirey da’ yar.

3. Guurkii Caa’isha ee Nebi Muxammed (NNKH) wuxuu adkeeyay xiriirkii Abii Bakar oo meel wanaagsan Islaamka u taagnaa iyo Nebiga (NNKH), xikmaddaas ayaana kujirtay in Nebigu (NNKH) uu guursada.

4. Guurka Caa’isha ee Nebiga (NNKH), wuxuu ahaa amar Rabbaani ah, sida axaadiis saxiix ah ay tilmaamayaan, Jabriil maa muuqaalka Caa’isha Nebiga (NNKH) dhowr habeen riya ugu keenay asagoo oranaya waa afadaadii adduunka iyo aakhirada, markaas kadib ayuuna doonay Nebiga (NNKH). Xikmadda arrinkaasi kujirtayna waxay ahayd Caa’isha gabadh maskax fiican bay ahayd, cilmiga iyo axaadiistana iyada ayaa inta badan inasoo gaarsiisay, waxayna kujirtaa shanta qof ee saxaabada Nebiga (NNKH) ugu soo axaadiis werin badan. Dhanka kale waxay umadda Islaamka bartay habladhaqanka sowjka iyo sowjada iyo qaabka qoyska u wada noolaada, iyadoo casharra badan umadda Islaamka ka siisay dhaqankii suubbanaa ee Nebiga (NNKH). Waxay soo werisay in kabadan 2 kun oo axaadiis, oo u fiqi iyo axkaam ah, iyadoo ay jiraan boqollaal xadiis oo kaligeed laga soo weriyey oo saxaabi la wadaaga uuna jirin. Cilmiga ay Caa’isha keentay iyo axaadiista ay naga soo gaarsiisay xagga Nebiga (NNKH) haddii uuna guursan lahayd mana soo gaari lahayn, waayo xaasaskii Nebiga marka laga reebo Caa’isha tan ugu badan ma aanay soo werinin wax dhan 10 xadiis. Xikmaddaasi Rabbaaniga ayaana kujirtay amarkii Eebbe ee Nebigu uu ku guursaday Caa’isha.

5. Waxaa dhici karta in Mulxidiintu qaarkood ay yiraahdaan waala qasbay Caa’isha, waxaad tiraahdaa Caa’isha sida ay Nebi Muxammed (NNKH) ujecleyd cidna uma aanay jecleyn. Ayada ayaa ina bartay habka ugu wanaagsan ee sowjka iyo sowjada ay u jili karaan maxabbada iyo kalgacalka. Ayada ayaa umadda Islaamka casharra badan ka siiyay hab dhisna qoyska iyo nolasha wanaagsan ee reerka. Wixii ugu dambeeyay ee Nebiga (NNKH) intaanu dhiman afkiisa galay waxay ahayd raxiiqdii (candhuuftii) Caa’isha, waayo waxay u calaajisey caday oo inta ujilcisay udhiibtay si uu ugu cadayda, wayna ku faani jirtay arrinkaas.

Haddii arrinta guurka Caa’isha ay ahaan lahayd wax ceeb ah ama dhegaha u daran amaba aanan dhicin, jaalle boqorkii Room ee Hiraqal, iyo boqorkii Faaris ee Kisraa, iyo Abuu Jahal, iyo Abuu Lahab, iyo Cabdillaahi ibnu Salool (munaafaqii weynaa), Lubayd ibnu Acsam (Yahuudigii Nebiga sixray) iyo cadawgii Nebiga oo dhan ayaa ku dacaayadeyn lahaa. Laakiin waan ka xumahay, macal asaf arrinku wuxuu ahaa wax iska caadi ah, balse adiga su’aashaasi ay saamaynta kugu reebtay diintaadiina shakiga kaa gelisay ayaa caqligaga lagaaga dhacay wax iska caadi ah.

Si su’aashaas aad xal ugu hesho intaadan qoraalkaan dhan aqrinin, waxaa habboonaan lahayd inaad soo hubiso ayeeydaa inta sanee lagu guursaday.. Hubaashii waxay u dhawaan lahayd in lagu guursaday qayaasteyda da’da 13 jir ama kudhaw.

Allaahuma Salli wassalim Calaa cabdik wanabiyk Muxammed, wacalaa aalihi wassaxbih Ajmaciin. 

_____________________________________________
WQ: Mohammed Dahir Abdi
Email: [email protected]
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan kara idan la’aan

DAAWO: Hooyayadii dhashay caruurtii lagu gowracay B/weyne oo hadashay

Caasimada Online:  Qadra Hussein Cawaawe Hooyadii dhashay afartii caruur ee lagu gowracay magaalada baladweyne ee Gobolka Hiiraan oo ka sheekeyneysa markii ay maqashay in ciyaalkeeda uu gowracay aabihii dhalay sida uu noqday dareenkeeda ayaa si qaracan iyo naxdin badan uga hadleysa.

Dhaqa ah in aabbe dhalay afar caruur ah uu ku gowracay Magaalada Baladweyne markii la maqlay waxeey aheyd arin qof walba uu ka argagaxay balse Aabbaha gowracay ciyaalkiisa oo lagu magacaabo Cumar Shire oo ka yimid Wadanka Canada.

Hooyo Qadra waa hooyo iimaan leh waxeey lee dahay Allahii isiiyay ciyaalkaa ayaa maantana iga qaaday balse waxaa laga dheehan karay muuqaal leh dareen naxdin iyo murugo badan ee nala daawo Video-ga.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

R/W Saacid oo jawaab ka bixiyey Sawir gacmeedkii Amiin Caamir (Facebook)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Dr Cabdi Farax Shirdoon Saacid ayaa waxaa uu marki ugu horaysay ka hadlay sawir  uu  farshaxamiiste Amin camir ka sameyay Ra’ iisulwasaare Saacid Farax Garaad, oo si aad ah loogu weeraray ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Saacid Farax oo qoraal jawaab ah ka bixinaya sawirkasi ayaa waxaa uusoo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, Isaga oo  ay ka muuqato inuu aad uga xun yahay muuqaalka laga sameeyey siyaasadiisa hogaaminta dalka ee isaga iyo madaxweynaha.

25_SEP_2013

Qoraalka Saacid ayaa u qoran sida hoos aad ka arki kartaan:

“Xoriyadda tacbiirka macnaheedu ma aha in shaqsi lagu xad gudbo. Fadlan Aanu iska ilaalino ku xad gudubka shaqsi. Waxaanu xor u nahay in aanu fikirkayaga ku soo bandhigno hadal, qoraal sawir iwm inagoo aanan shaqsi ku xad gubeeynin”.

Waxaan sidoo kale ka qaadnay sawirk jawaabtaasi  uu Facebook soo dhigay Ra’iisul Wasaare Saacid Farax Garaad si haddii laga saaro  jawaabtaasi  facebook aan cadeyn ahaan ugu heyno. Waxaana dhanka kale ugu talogalnay in Somalida aan isticmaalin Facebook ay laftooda arkaan qoraalka uu Saacid Farax ugu jawaabay Amin Caamir.

saacid facebook

 

Isha: Kismaayo.24.com

Kismaayo: Odayaasha Beesha Absame oo qarax lala eegtay ayaga oo shiraya

Kismaayo (Caasimada online) Sida wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay sheegayaan waxaa magaaladaasi qarax miino  lagu la eegtay Goob ay ku shirayeen odayaasha dhaqanka beesha Absame,.

Qaraxa ayaa sida la sheegay ka dhacay Xaafada Siinaay ee deegaanka Farjano ee magaalada Kismaayo gaar ahaan goob ay ku shirsanaayeen Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Absame ee halkaasi dega.

Geed qurac ah oo inta badan ay hoos Fariistaan odayaasha ayaa la sheegay in la hoos galiyay qaraxa ,taas oo tusaale u ah sida la tilmaamay in qaraxaas lala damacasa odayaasha halkaaasi ku shirsanaa ee kasoo jeeeda Beesha Absame.

lama oga khasaaraha dhabta ah ee kharaxaasi ka dhashay , waxaase jira warar la isla dhex marayo , oo ku aadan qaraxaas , kuwaas oo qaarkood ay sheegayaan in qaraxaas uusan sababin wax khaare ah halka wararna ay sheegayaan in qaraxa uu geystay khasaaro inkastoo aan la shaacin .

lama oga ilaa iminka cidda sida rasmiga ah kaga dambeysay qaraxa maanta lala beegsaday odayaasha.

sidoo kale kama hadlin wlai mas’uuliyiinta Maamulka Jubba ee ka arimiya magaalada Kismaayo .

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

VIDEO: Wariye caan ka ahaa Muqdisho oo la yaab lasoo laabtay… “Daawo”

Caasimada Online:  Wariye si weyn u yaqaanan Shacabka reer Muqdisho caana ka ahaa oo aan magaciisa idiin sii qarinaya ayaa mar qura muddo kadib ka soo muuqday Warbaahinta Muuqaalka asagoo sameynayo ruwaayad cusub.

Wariyahaan oo muddooyinkii damba aan la maqal oo si kadis ah ku noqday Jilaa balse dad badani oo markii ay arkeyn ka yaabay oo yiri “Tana waa dhacdaa” waxuuna jilayaa Ruwaayad cusub oo la yiraahdo Hiigsiga 2035:

HALKAAN KA DAAWO:

 

Guddoomiyihii la sheegay inuu Yurub iska dhiibay oo soo hadlay sheegayna.

Muqdisho (Caasimada online) Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, oo warar Soo baxayay maal mahan ay shegayeen inuu iska Dhiibay qaaradda Yurub gaar ahaan dalka Jarmalka ayaa arintaas war kasoo saaray.

Gudoomiye Siidii, oo warkiisa la waayay wixii ka dambeeyay markii uu magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka u kaga qeyb galay shirkii aayaha Soomaaliya looga hadlayay ee dhalqaalaha loogu raadinayay , ayaa warar soo ifbaxayay waxay sheegayeen inuu dalka Jarmalk-ka iska dhiibay.

Siidii, wuxuu Cadeeyay inuu joogo Jarmalka hayeeshee halkaasi uusan iska Dhiiibin Balse Howlo Caafimaad uu u joogo Madaxda dowlada Soomaaliyana ay ka warhayaan Maqnaanshiyihiisa.

” Waa Been Wararka la buun buuninayo ee sheegaya inaan aniga Jarmalka iska dhiibay, Aniga Caafimaad Dartiis ayaan u imi Jarmalka sidaas Darteed Xitaa Madaxda Dowlada Soomaalya Wey ka war qabaan Aniga ayaana arintaas Cadeynaya” Ayuu Yiri C/qaadir Sidii.

Gudoomiye Siidii ayaa dhawaan ka dagi doonoo xilka Gobolka Shabeelaha Hoose  hadii mar kale aan loo dooran gobolkaas oo uu ka arinayay Tan iyo 2007-dii , waxana dhawaan warar qaar ay sheegayeen inuu Jarmalka Iska dhiibay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Khilaaf cusub oo soo kala dhex galay DFS iyo Maamulka Axmed Madoobe

Nairobi (Caasimada Online) Warar lagu kal soonaan karo oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in uu jiro khilaaf xoggan oo ka billowday dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka kumeel gaarka ee  Jubba.

Afhayeenka maamulka Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax oo saakay la hadlay BBC-da isagoo ku sugan Nairobi wuxuu sheegay in maamulka Axmed Madoobe uusan ka qaybgali doonin shirka dib-u-heshiisiinta ee arrimaha Jubbooyinka oo shanta bishan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Mar la weydiiyay sababta aysan uga qaybgaleynin shirka Muqdisho, wuxuu sheegay in maamulkooda sida ballanta ahayd uu ahaa in ay tagaan magaalada Muqdisho, waaynu tagnay ayuu yiri.

“Heshiiskii Addis Abaaba ee aan gaarnay annaga iyo dowladda fedaraalka wuxuu ahaa in Muqdisho aanu tagno waanu tagnay oo madaxda dowladda iyo salaadiinta beelaha degga gobaladaas ayaan la kulanay, waxa dhimman kaliye waxa weeye siddii gogol nabadeed aanu ugu qaban lahayn magaalada Kismaayo” ayuu yiri Seeraar.

Waxaa kaloo uu sheegay Afhayeenka Maamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar, in qoddobka dhigaya in shirka lagu qabto dowladda uu ka soo baxay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, mana ahan ayuu yiri qoddob annaga naquseeyo.

Seeraar ayaa wax laga weydiiyay in sannad ay ka soo wareegtay markii maamulkooda iyo ciidanka Kenya ay ka qabsadeen magaalada Kismaayo, haddana dadka ku dhaqan magaalada ay cabsi heesato.

Wuxuu ku jawaabay in arrintaas aysan ahayn mid hadda bilaabatay, balse wuxuu yiri intii aan Kismaayo joognay waxa ay dad badan noqdeen kuwa xor ah.

“Kismaayo waxa ay ahyad xabsi kor ku xiran “ ayuu yiri Seeraar.

Dhawaan xukuumadda Soomaaliya waxa ay magacowday guddi wasiiro iyo danjirayaal isugu jira kuwaasoo qabanqaabinaya shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

XOG: DFS oo wadda qorshe FAROOLE looga adkaanayo doorashada P/land

Minneapolis (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegeysa in wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowlada Federaalka Soomaaliya Faarax Cabdiqaadir, uu booqasho lama filaan ah ku tegay magaaladda Minneapolis ee cariga Maraykanka, intii waftiga madaxweyne Xasan Sheekh ay ku sugnaayeen Mareykanka, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaatay Soomaalida ku dhaqan.

Wuxuu kala hadlay Dadkii uu la kulmay Guulaha ay gaartay Dowladda Federaalku, Qorshayaasha ay damacsan yihiin iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in lala shaqeeeyo Dowladda.

Kulan gaar ah

Markii uu soo dhamaaday kulankii guud oo ka dhacay Hotel Double Tree, Wasiirku wuxuu kulan gaar ah la yeeshay xubno isugu jiray Ganacsato iyo Siyaasiyiin kuwaas oo ka soo jeeday Puntland isagoo kala hadlay doorashooyinka soo socda ee lagu wado inay ka dhacaan Garoowe .

Sida aan xogta kaga helnay mid ka mid ah xubnihii ka qayb galay kulankaas, Wasiir Faarax wuxuu codsaday in gacan lagu siiyo sidii loo bedeli lahaa Xukuumada Madaxweyne Faroole oo uu ku tilmaamay mid aan la jaan qaadi karin Dowladda dhexe ee Muqdisho caqabadna ku ah soo celinta qaranimadii Soomaaliyeed.

“Kulankaas aniga wa la igu casumay runtii dadka loo yeeray waxay ahaayeen dad xul ah oo gaaraya ilaa 20 qof Wasiirkuna wuxuu nagala hadlay doorashooyinka soo socda ee Puntland isaguu nagu booriyey in aanu ku taageerno dadaalada ay ugu jiraan sidii loo bedeli lahaa Xukuumada Madaxweyne Faroole” Sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dadkii ka qayb galay kulankaas oo ka cudur daartay in la soo xigto magaciisa.

Wuxuu balan qaaday inay Taageero Dhaqaale iyo mid Siyaasadeed u fidin doonaan siyaasiyiinta loolanka ugu jira doorashada Madaxtooyada 8 Jan, 2014 si ay u noqdaan kuwo awood u leh inay la tartamaan Xukuumada Faroole oo iyadu dadaal ugu jirta sidii mar kale xafiiska loogu dooran lahaa.

“Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya waxaanuna jecelnahay in aanu la yeelano xiriir fiican laakiin Faroole kama turjumayo taas, runtiina wuxuu caqabad ku yahay soo celinta qaranimadii Soomaaliyeed idinkana horumar idiin ma horseedi doono” Ayuu ku yiri Wasiir Faarax Xubnihii uu la kulmay .

Isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu yiri “Anagu dan gaar ah kama lihin Puntland, laakiin waxaanu doonaynaa inay halkaas ka dhalato Xukuumada xiriir iyo wadashaqayn fiican nala wadaagta oo wax ka bedesha hab dhaqanka Xukuumada hada jirta”

5 Aug, 2013 ayey Dowlada Puntland joojisay guud ahaan xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka kadib markii ay sheegtay in dastuurka la beddelay.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

DHAGEYSO: DF oo ku dhowaaqday war farxad leh oo ah dib usoo nooleynta…

Muqdisho (Caasimada Online) – Horaantii bishii September ee sanadkan Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada Dawlada Federaalka Somaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatey Munaasabad lagu daah furayay Olole loogu Magac darey Aada Dugsiyada kaas oo ay ka
faa’iideysanayaan Hal Milyan oo Carruur Soomaaliyeed ah iyadoo sidoo kalena dib loo soo Nooleynayo Jaamacada Umada Somaliyed ee dawlada ay Maamuleysey.

Hadaba waxaa maalmahii la soo dhaafey Gobolka Minesota gaar ahaan Jaamacadaha halkaas ku yaala soo booqdey Gudoomiyaha Jaamacada Umada Somaliyed Dr Maxamed Axmed Jimcaale.

Idaacadda VOA-da ayaa Telefonka kula xiriirey ayaa ugu horeyn Weeydiiyey inuu faah faahiyo waxa uu la xiriiro Socdaalkooda ay ku Joogaan Gobolka Minesota.

Halkan dhageyso wareysiga

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Fowsia oo dhiggeeda Canada la kulantay iyo lacag loo yaboohay DF

Ottawa (Caasimada Online) – Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha  dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Marwo Fowzia Yuusuf Xaaji Aadam iyo wafdi ay hogaaminayso oo shalay gaaray dalka Canada ayaa  la kulantay madax ka tirsan dowlada Canada oo uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada ee Canada Jown Baird  iyo wasiirka  socdaalka iyo jinsadaha ee dalka Canada  iyo xildhibaano ka  tirsan dowlada federaalka ee Canada,

Wafdiga Marwo Fowzia Yuusuf Xaaji Aadam waxaa wafdiga la socda ka mid ah Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Mrs Yusur Aadan Abraar ,danjiraha Soomaaliya ee Kenya Amb Mohamed Cali Americo,iyo Diplomaasiyiin kale oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Soomaaliya,

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labad dal iyadoo dowlada Canada ay ku dhawaaqday dhaqaale ay Soomaalida ugu deeqday kuwaasoo amaanka wax lagaga qabanayo. Lacagtaasi ayaa waxa ay gaareysaa 6 milyan oo dollar

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidoo kale la dagaalanka amaanka gobolka si looga adkaado kooxaha aragagixisada ah ee weli gobnlka geeska Africa dhibaatada ku haya iyagoo tacsi wada jir ah u diray dowlada iyo shacabka Kenya oo dhowaan weerar argagixiso lagu qaaday,

Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliiuya  Marwa Fowzia Yuusuf Xaaji aadan ayaa dalka Canada ku joogta booqasho rasmi ah oo qaadan doonta mudo sadex cisho ah waxaana lagu wadaa in ay la kulanto  jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalooyinka Torornto iyo Ottawa kuwaasoo lagu qiyaaso 300,000(Sadex boqol oo kun).

Sawirrada kullanka

fow 1fow 2fow 3fow 4fow 5fow 6fow 7

Xog csub oo ku saabsan dhameystirka maamulka Juba & sida loo qorsheeyey

Kismaayo (Caasimada Online) Saraakiil ka tirsan maamulka ku-meel-gaarka ee Jubba ayaa sheegay in dhawaan la la soo dhammeestiri doono maamulkaas.

Hilowle Aadan Maxamuud, oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Axmed Madoobe oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa caawa u sheegay Idaacadda Goobjoog, in marka uu dib ugu soo laabto Kismaayo Axmed Madoobe in la dhammeestiri doono maamulka qaybaha ka harsan sida golaha wasiirada iyo kuwa baarlamaanka.

Waxa uu sheegay sarkaalkan Axmed Madoobe oo hadda ku sugan Nairobi marka uu soo gaaro gobalka wax yaabaha ugu horeeya ee uu qaban doono ay yihiin siddii u soo dhammeestiri lahaa xubnaha ka harsan maamulka Jubbaland.

Hillowle Aadan ayaa xaqiijiyay Axmed Madoobe in uu markii hore rabay golle fulin oo ka kooban 10-wasiir balse wadatashi dheer uu u badalay qorshahaas 15-wasiir oo seddax ka mid ah ay yihiin ku-xigeenadiisa sida madaxweyne ku-xigeen.

Wuxuu kalo sheegay sarkaalkan in la soo dhisi doono golaha sharci-dajinta (Baarlamaan) kuwaasoo iyana loo bixiyay aqalka golaha Jubbland.

Mar wax laga weydiiyay sida ay u arkaan maamulka loo dhisaayo gobalada koonfur-galbeed, wuxuu sheegay in shakhsi ahaan uusan diiddaneen go’aanka ay qaateen beelaha degga qaar ka mid ah gobaladan sida Baay iyo Bakool.

Balse Hillowle Aadan wuxuu yiri “ Annagu maamul la aqoonsaday ayaanu nahay, marka maamul eber ah oo hadda lee billow ah siddee ayuu u sheegan karaa gobalo maamul u sameesan waa arrin riyo ah, waa In ay soo maraan dhibka aan soo marnay”

Wuxuu sheegay in maamulka Jubba uu soo maray marxalado kala duwan sida, markii hore waxaa loo yaqaan ayuu yiri Azania, waxaan kaloo soo qabanay ayuu yiri in aan mideenay dhinacyadii isku heestay seddaxda gobal daba-deedna waxaanu magacaabnay maamulka Jubbland.

“Islama jaan-qaadi karno maamulka hadda la dhisaayo iyo annaga, waayo afar sanno ayaan soo dhiseenay maamulka hadda jira mana yeeleyno si fudud halugu dumiyo” ayuu yiri markale Hillowle Aadan Maxamuud.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in maamulka Jubba uu lee yahay dastuur, isla dastuurkaasna lagu doortay laguna dhaariyay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]