31.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Hiiraan: Guddoomiye ku-xigeen hore oo weerar afka ah ku qaaday DF

Baladweyne(Caasimada Online) Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee maamulka gobalka Hiiraan, ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Axmed Inji guddoomiye ku-xigeenkii hore ee maamulka gobalka Hiiraan, oo  la hadlay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe la isaga horkeenaayo dadka ku dhaqan gobalka iyo maamulka waqtigiisa dhammaaday ee gobalka Hiiraan.

Axmed Inji ayaa waxaa kaloo uu sheegay in wafdi dhawaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka u soo dirtay Baladweyne ay yihiin kuwa aan matalin gobalka Hiiraan, wuxuuna ku tilmaamay mas’uuliyiintaas kuwa carruur ah oo diyaarado iska soo raacay oo aan lagala hadli Karin masiirka gobalka Hiiraan sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda ma ahan in carruur in ay gobalka u soo dirto kuwaasoo diyaarado ka soo raacay Muqdisho, anniga ma sameen karo in aan Puntland aado  halkaas in maamul aan ka soo sameeyo” ayuu yiri Axmed Inji.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobalka Hiiraan ayaa tilmaamay in wafdiga dowladda ay u soo dirtay Baladweyne uu ku jiro hal xildhibaan oo ka soo jeeda gobalka, kaasoo ah Daahir Amiin Jeesow, balse xubnaha aysan u dhalan gobalka.

Si kastaba, waxaa maalmahan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo aggaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo xubno xildhibaanno ah oo ka socda guddiga ammmaanka  ee baarlamaanka.

Wafdigan ayaa kulamo la qaadanaya bulshada qaybaheeda kala duwan iyo siyaasiinyiinta gobalka Hiiraan, waxaana wax laga weydiinaya bal maamulka loo dhisaayo maadama maamulka hadda dhisan uu waqtigiisa dhammaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: DF oo Hal arin lagu dhaliilay eedeyna loogu daray (Sabab)?

Muqdisho (Caasimada online) Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf , oo ka mid ah  Mudanayaasha Baarlamaanak Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlay Khilaafka Maamulka Jubba iyo Dowlada Soomaaliya iyo  inay diidaan ka qeyb galka Shirka Muqdisho Shanta Bishan ka furmaya.

Wuxuu sheegay in arintan markii hore la marin habaabiyay Madaxda Dowlada Soomaaliya waxaana uu tilmaamay in  ay ku qaldan tahay inay oofin weyso axdi ay hore  ula soo saxiixatay Maamlka uu hogaamiyo Axmed MADOOBE ee Jubba Kadib Heshiis ka dhacay Adis Ababa , Ethiopia.

Xildhibaanka ayaa sheegay in balantu ay hayed in Maamulka Jubba uu uu tago Shirka Wajigiisa 1-aad oo Muqdisho lagu qabatay Dowladuna markeeda laga sugayay inay ka qeyb gasho Shirka wajigiisa labaad oo laga sugayo inuu Kismaayo ka dhoco .

Arintaas wuxuu sheegay in Maamulka Jubba  sidii loo baahnaa ay uga soo bexeen Axmed Madoobana uu yimid Muqdisho si uu uga dhabeeyo Balantii ay wada galeen Balse Wuxuu Xukuumada iyo Madxda dowlda ku dhaliilay inay ka gabiyeen qodobadii lagu soo heshiiyay .

Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah Gudii dowlada Soomaaliya ay u xilsaartay Dhex Dhexaadinta Beelaha dega Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga fadhiyo inay la timaado wado cad oo lagula shaqeyn karo ayna ka dhabeyso waxyaabihii lagu soo heshiiyay.

Shanta Bishan waxaa lagu wdaa inuu Muqdisho ka furmo kulan looga hadlayo aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo lagu heshiisiinayo Beelaha halkaasi wada dega , Inkastoo maamulka Jubba oo hogaan u ah goboladaas uu diiday ka qeyb galka Shirkaas.

Halkaan ka dhageyso Codka Xildhibaan Cabdi Barre

Halkaan ka Dhageyso Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Madoobe Nuunow: Maamulka Axmed Madoobe waa xoog, 6-da gobolna…

Baydhabo (Caasimada Online) Madoobe Nuunow Maxamed oo horey u soo noqday xildhibaan baarlamaan ayaa ka warbixiyay halka uu marayo maamul gobaleedka koonfur-galbeed Somalia.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho, ayuu Madoowe Nuunow uu sheegay in dhawaan lagu dhawaaqi doono qaabka loo dhisaayo maamulka ay ku mideesan yihiin lix gobal oo ku yaalla koonfur-galbeed.

Wuxuu weerar ku qaaday maamulka ku-meel gaarka ee Jubba oo madaxda uu ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wuxuu kaloo sheegay in maamulkaas uu ku yimid si xoog ah, oo aan dadka deggan gobalada uu sheegto aysan raali ka ahayn.

Madoobe Nuunow ayaa tilmaamay in maamulka loo dhisaayo gobaladan in lagu casuumay dhammaan beelaha degga kuwaasoo gaaraya ilaa 30-beel.

“Maamulka koonfur-galbeed dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa, waxaana aan casuumaad u dirnay dhammaan beelaha degga lixda gobal sida :- Shiikaal, Murasade, Dir, Abtisame, Daarood, Majeerteen, Gaaljecel, Baajuun, reer ow Xasan, Xawaadle, digil iyo mirifle.” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.

Si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo maamulka loo dhisaayo gobaladan oo kala ah:- Shabeellaha Hoose, Baay, Baydhabo, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Waxaa qorshahan hor-boodaya siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan guddoomiyaha golaha baarlamaanka iyo mudanayaal baarlamaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SIILAANYO oo aaday Turkiga, siina hor dhacay go’aanka maamulka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta oo Talaado ah u ambabaxay dalka Turkiga kaddib markii ay ka heleen casuumaad rasmi ah.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo ay wafdigiisa ka mid ahaayeen wasiiraddda arrimaha dibedda, iskaashiga caalamiga iyo dhaqaalaha, ayaa inta aysan ka bixin garoonka diyaaradaha Hargeysa waxaa warbaahinta la hadlay Siilaanyo.

Waxa uu sheegay in dalka Turkiga ay u tagayaan kulamo ay la soo qaadan doonaan madaxda dalkaas isla markaana ay uga hadli lahaayeen xoojinta xiriirka labada dhinac.

Waxaa kaloo uu sheegay Siilaanyo in Turkiga iyo Somaliland uu ka dhexeeyay xiriir soo jireen ah, kaasoo ah mid saaxibtimo.

Madaxweyne Siilaanyo mar uu ka hadlaayay wajiga 3-aad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo dhawaan ka dhacay Turkiga wuxuu sheegay in wadahadalladaas haddii ay sii socdaan ama istaagan qadiyada madax banaanida Somaliland aysan waxbo ka badali doonin.

Wuxuu hoggaamiyaha maamulka Somaliland jawaab siiyay madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in wax kasta oo ay tabanayaan walaalaha Somaliland laga qancin doono si loo soo celiyo Somaliweyn.

Siilaanyo ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid dhalalnteed ah oo la mid ah riyo, wuxuu sheegay gooni isku taaga Somaliland in uu yahay lama taabtaan, maadama ay dadka reer Somaliland oggolaadeen in ay ka go’aan Soomaaliya, iyagoo ka tabanaya dhib badan.

Wuxuu yiri laba dal oo kala madax banaan ayaanu nahay.

Si kastaba, Turkiga ayaa tiro ka labo jeer dhex-dhexaadin u sameeyay wafuud ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

KASHIFAAD: Dhaqan cusub oo ay la soo baxeen ciidamada DF (Shaxaad isii ama Cali Gaab ayaan kuu geynayaa)

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo labadii sanno ee la soo dhaafay ka soo kabaneysay dagaaladii sokeeye isla markaana ay si tartartiib ah ku soo labaanaya sharcigii iyo kala dambeentii oo ay ka mid tahay ciidamada wadooyinka ee Taraafikada.

Wadooyinka waxaa ka shaqeeya ilaa xilliga habeenii askar boolis ah, kuwa nabad sugida iyo kuwa taraafikada ee kala haga baabuurta.

Haddaba wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, oo dhawaan booqday magaalada Muqdisho, ayaa halkaas ku soo arkay dhaqamo aad looga naxo oo ay la soo baxeen ciidamada dowladda.

Dowladda waxa ay ciidamo badan oo boolis, taraafik iyo kuwa nabad sugid ah ay ku baahisay wadooyinka magaalada Muqdisho.

Wariyaha oo hadda ku soo laabtay Nairobi, ayaa sheegay in dhowr toddobaad ka hor magaalada Muqdisho uu kula kulmay arrintan fedeexada ah.

Wuxuu yiri “Anniga iyo sxbkeey ayaa baabuur aan wadano oo ku sii jeednay xeebta Liido, waxaa waddada KM4 nagu istaajiyay askari taraafik, wuxuu na weydiiyay leesinkii baabuurka iyo in uu baabuurka lee yahay Taargo. Waxaan u sheegnay in baabuurka taargo uu lee yahay, laakin leesinkii uu saaxiin ka soo takay, intaas markii aan niri, wuxuu noo sheegay in aan dambi ku jiro oo dacwad naloo heesto”

Wariyaha warbixintan soo qoray ee ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in markii uu na dhahay askariga dacwad ayaa ku jirtaan, waxaan ku niri na gee xarunta Taraafikada, soo baxa ayuu na dhahay, baabuurka ayaan ku soo qaadnay, markii aan mareyno waddada KM 0 ee degmada Cabdicasiis ayuu nagu yiri, “Xarfaaneey biyo cabitaal isiiya waa idinku ciyaareynay””

Wariyaha ayaa yiri “ Waxaan askariga ku niri soo taad lahayd Cali Gaab iyo xarunta Taraafikada ayaan idiin geenayaa maan isla aadno, markaas ayuu yiri xarfaaneey kuwa cajiib ayaad tihiin marka iga bootiya ee dhowr kun oo shilling ha la iitaago” .

Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ayaa tilmaamay, in billaabay siddii uu ogaan lahaa dhaqankaas in uu yahay mid cusub iyo mid horey u jiray.

Wuxuu sheegay in dhaqankan uu yahay mid dhowr kii sanno ee la soo dhaafay uu ka bilaabtay Muqdisho, oo waxaan la hadlay ayuu yiri dhowr darawal kuwaasoo noo sheegay siddan  ayaan uga badbaadnay in taraafiko iyo leesin aan qaadano.

Wariyaha ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ku soo bateen baabuurta gaarka loo lee yahay oo ay wataan dadka caadiga ah, kuwaasoo aan leesin iyo taargo badanaa aan lahayn, sidaas oo ay tahay haddana wadooyinka waxaa taagan ciidamo shaqadooda ay tahay in ay baaraan baabuurtaas balse waxaa la siiyaa shaxaad ayuu yiri wariyaha.

Isku soo duub, wariyaha warbixintan soo qoray wuxuu lee yahay, Muqdisho waa magaalo kobceysa oo waxaa ka socda horrumar balse, meelaha qaar dadku matagaan oo inta badan waxaa dadka ka yimaada qurbaha iyo waddamada gobalka ay ku kooban yihiin waddada Makah Al-Mukaramah, KMG iyo xarumaha dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Baarlamanka Kenya oo go’aan ka dhan ah Somalida laga filayo, muxuu yahay?

Nairobi (Caasimada Online) – Guddi ka tirsan baarlamanka dalka Kenya, ayaa lagu wadaa inuu ku baaqo in la xiro dhammaan xerooyinka qaxootiga Soomaalida ee dalkaas ku yaalla, sababo la xiriira dhacdadii West Gate.

Ndung’u Gethenji oo ah madaxa guddiga difaaca ee baarlamanka Kenya, ayaa sheegay inay hayaan warbixino ku saabsan in meelo ka mid ah xerooyinka qaarkood loo adeegsaday in lagu tababaro wax uu ugu yeeray argagixisada.

In ka badan Shan boqol oo kun oo qof oo Soomaali ayaa ku nool xerooyinkaasi, oo uu saameyn doonaa go’aankan, haddii la qaato.

Mr. Gethenji ayaa sheegay in Kenya ay u baahan tahay inay dib uga fakarato beer jileeca ay u sameyso Soomaalida oo ay ku taageerto xerooyinka qaxooti, sida uu hadalka u dhigay.

Xerada qaxooti ee Dadaab ayaa la rumeysan yahay inay tahay tan ugu weyn caalamka, ayada oo 30 kun oo Soomaali ahna sidoo kale la rumeysan yahay in ay ku nool yihiin magaalada Nairobi.

Dad badan oo Kenyan ah ayaa sidoo kale iminka jeclaanaya in Soomaalida joogta Nairobi ay dalkooda ku laabtan, sababo dhinaca amniga la xiriira.

Si kastaba, go’aanka lagu celinayo Soomaalida ayaa waxaa diidan hay’adda UNHCR, oo xerooyinka maamusha, waxaana tallabo kasta oo Kenya ay qaado ay ka hor iman doontaa xeerarka caalamiga ah.

Caasimada Online
Xafiisa Nairobi
[email protected]

Dhageyso: Aabe Afar Caruur ah oo uu dhalay dilay (Dhacdo Naxdin leh)

Baladweyne (Caasimada online)  Cumar Shire Xasan, waan Aabo Soomaaliyeed wuxuu Afar Caruur ah uu dhalay ku dilay Xalay deegaan qiyaastii 25 KM ujira Magalaada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ,waxaana jira warar arintaas kasoo baxaya.

Caruurtan Afarta ah ayaa dhamaantood ahaa Wiilal Waxaana Dhacdadan ay ka dhacday deegaanka Galxamur oo ku dhaw Deegaanka Baardheere ee Gobolka Hiiraan,waxaana latilmaamayaa in Aabahan uu Caruurtiisa ka kexeeyay dhowaan Magaalada Beledweyne.

Cumar Shire, ayaa markii uu falkan geystay isku soodhiibay ciidamada Booliska ah ee magaalada Baladweyne,waxaana uu  u sheegay sida latilmaamay inuu dilay caruur uu isagu dhalay oo gaaraya afar, taas oo keentay in deegaanka falka uu kadhacay loodiro ciidamo arintan soobaara.

Qadro Xuseen Maxamed , oo ah hooyada dhashay caruurta oo ku sugan Muqdihso waxay sheegtay inay kanaxday arintan markii loosheegay balse amarka Ilaaheey aan laga weyneyn waxa dhacayna ay yihiin wax xag rabi ka qornaa inkastoo ay ilmeyneysay xilliga ay wareysiga bixineysay.

Waxay sheegtay in ninkan ay kalatageen caruurtana ay uga soor tagtay gabar isaga walaal la aheyd oo caruurta Eedo u aheyd Balse uu kakexeystay arintaana uu waxka ogaa isaga walaalkii, kadib markii ay kawar heleen inay dooneyso in caruurteeda  soo aragto sidaay sheegtay .

Ciidamada booliska gobolka Hiiraan ayaa wada baaritaano arintaan ku aadan waxaana jira warar sheegaya in Aabaha caruurtan dilay uusan waalneyn sida ay kadhawaajisay Qadro Xuseen hooyada dhashay caruurta.

Maamulka iyo saraakiisha gobolka gaar ahaan kuwa Baladweyne wali kama aysan hadlin arintan .

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Maama Qadro Xuseen

Qadra Xuseen Maxamed

Caasimada online

Xafiiska Baladweyne

[email protected]

VIDEO: Dhibaatada Heysata Qaxotiga Somalida Holand. “Arin Naxdin Badan”

Caasimada Online:  Wadanka Holland oo ka mid ah Wadamada ay Soomaalidu weydiistaan Magangalyo ayaa waxuu waayadaan dambe la soo baxayay dhaqano aad looga naxo kuwaas oo ah in maalin cad uu bahdilo Qaxootiga Soomaaliyeed iyo kuwo Ajinabi ah ee u soo nolol doontay si ay u helaan nabad galyo.

Warbaahinta Calaamka ayaa sii deyneysa Muuqaalo laga naxo oo ah Soomaali aan heysan hoy iyo cuno oo si xoog ah looga bixinayo daaraha Qaxootinimada ay ugu noolaayeyn ee Wadanka Holland.

HALKAAN KA DAAWO:

Guddoomiye gobol oo la la’ yahay iyo warar ah inuu iska dhiibay Yurub

Muqdisho (Caasimada online) Sida wararaka aan ku heleyno Waxaa wali  la la’yahay gudoomiyihii gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii kadib markii Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka uu uga qeyb galay Shirkii  New Deal ee Soomaaliya dhaqaalaha loogu raadinayay.

Siidii, oo qeyb ka ahaa ka qeyb galayaashii Shirkaas ayaa lasheegayaa inuusan dib  ugu Soolaaban Gobolkii uu gudoomiyaha ka ahaa ee Sh/Hoose , Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolkaasna waxay sheegayaan inaysan ka war heyn wax xiriir ahna uusan lasoo sameyn.

Waxaa lasheegay in dhamaan kaqeyb galayaashii Shirkaas ay dib dalka ugu soolaabteen balse Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose uu kasoooharay, waxaana jira tuhunah inuu iska dhiibay Yurub.

Qaar kamidah ragii ay isku dhawaayeen gudoomiyaha iyo sidoo kale Mas’uuliyiin Maamulka gobolka ka tirsan ayaa sheegaya wax war ah aysan kaheyn halka uu jaan iyo cirib dhigay , balse warar ayaa sheegaya inuu dalka Jarmalka kala soohadlay qaar kamid ah Asxaabtiisa.

Gudoomiye Siidii,ayaa xilka gudoomiye ee gobolka Shabeelaha Hoose qabtay sanadkii 2007-dii ,waxaana dhawaan gobolkaas kadhacay dagaal beeleed udhexeeyay beelo halkaasi wada dega.

Dhowaan gobolkaas waxaa gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo,kuwaas oo kulamo kala duwan laqaatay qeybaha kala gadisan ee bulshada gobolkaas, kuwaas oo dalbaday isbadal dhanka hogaanka ah

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaanada Somalia oo loo sheegay in aysan guryahooda kasoo bixi karin

Muqdisho (Caasimada online) Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf , oo ka mid ah Mudanayasha Baarlamaanka Soomaaliya , ayaa eedeyn kulul u jeediyay Sarakiisha nabad Sugidda Soomaaliya iyo Hey’adaha amniga dalka

Wuxuu sheegay Xildhibaanku in hey’adaha Amnigu ay caga jugleen iyo Cabsi galin joogto ah ku hayaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Xildhibaanada lagu amray inaysan guryahooda ka bixin ilaa amar dambo.

Wuxuu sheegay in Fariin qoraaleedyo Xildhibaanada loogu soo dirayo Taleefoonadooda, kuwaas oo ku aadan inaysan jirin meel ay kaga bixin karaan Guryahooda, waxaana uu sheegay in markii ay arintaas weydiiyeen loo sheegay in amnigooda lagu xaqiijinayo balse wuxuu sheegay inay arintu sidaas ka duwantahay.

Cabdi Barre Wuxuu sheegay in Hey’ada Nabad Sugida Somalia ay sheegtay inay ka war heleen in ladoonayo in la dilo Todobadkan Gudihiisa 3 mudane oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan , taasina wuxuu sheegay hadii ay dhacdo in lagula xisaabtami doono dadkii arintaas sheegay.

Wuxuu sheegay in Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo maalin ka hor doonayay inay aadaan Baladweyne gaarigii ay saarneeyeen lagu xabadeeyay sida uu sheegay , waxaana uu taas u sababeeyay in la doonayo sida uu sheegay in la kiciyo shacabka .

Wali laahama amnida dowlada Soomaaliya kama aysan jawaabin hadalkan kasoo yeeray mudanahan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo eedeynta uu u jeediyay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Beesha Habargidir oo soo saartay war ka dhanka shirka ka socda Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) Imaamka Beesha Habar Gidir, Imaam Cabdulaahi Khaliif , oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay aragtidiisa ku aadan shirka ka soconaya magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyo maamulada kale ee la qorsheynayo in laga hirgaliyo Somalia, Waxaana uu  sheegay in kulamadas ay yihiin kuwo amniga Somalia Wax u dhimaya.

Wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay in maamul la sameeysto balse wuxuu sheegay inay jirto wado loo maro Sameysashada maamulka, waxaana uu tilmaamay intaasi aysan isaga u muuqan sida uu shaaca ka qaaday.

Imaam C/laahi wuxuu sheegay inay tahay wax laga xumaado in beel waliba ay sheegato inay maamul u gaar ah sameysaneyso, taas oo uu sheegay inay keeni karto kala qoqobnaan iyo khilaaf horleh oo bulshada Soomaaliyeed soo kala dhex gala.

Shirka ka soconaya Beydhabo ayuu sheegay inuu yahay mid “hala ‘iga sheega ah” maadaama sida uu sheegay aan lagala tashan xitaa Beelaha Dega Sh/Hoose , isagoo sheegay in Sh/Hoose awooda ugu weyn ay iyaga leeyihiin, waxaana uu shaaciyay in Magaca Sh/hoose ay maamulkaas raga wada afka uun ay ku buuxsanayaan .

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay in looga fadhiyo inay dar dargaliso Soo celinta amniga iyo xureynta Deegaanada Gacanteeda ka maqan si dalka dhaqsi ay u gaarsiiso doorasho xur ah .

Wuxuu sheegay in dowlada Xasan Sheekh Maxamuud uu hogaamiyo looga fadhiyo inay dajiso qorshe doorasho afti dadweyne ah taas oo uu sheegay inay tahay mid looga gudbi karo in qolo waliba ay si gaar ah isku abaabusho.

Beydhabo waxaa wali ka soconaya kulamada ladoonayo in lagu soo dhiso maamul goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya kaas oo ay horboodayan Siyaasiyiin xilal Somalia hore uga soo qabtay iyo Kuwo iminka Xildoon ah Sida dad badan ay tilmaamayaan.

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

Badda Soomaaliya oo duulaan culus lagu soo qaaday iyo qatar soo fool leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hotelka Kuwait Plaza ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50-Aqoonyahanada Badda Soomaaliya, kulankaasi oo ujeedadiisu ahayd isbarasho, is Wareysi iyo Aqoon isweydaarsi. Aqoonyahanada Badda Soomaaliya ee kulanka ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa khubarro, Xeel dheerayaal, Madax iyo Badmaaxiin dhinaca Badaha horay uga soo shaqeeyay, waxaana ka mid ahaa: Eng. Cadde oo ah Bare dhinaca Badda iyo howlaha Kalluumeysiga Soomaaliya.

Madaxda kale ee iyagu ka soo qeyb galay Kulanka waxaa ka mid ahaa:- Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Jan. Faarax Qare, Axmed (Faarax Qare), Eng. Cabdi Jiinow Calasow, Eng. Yaasiin, Axmed Cabdi Xasan (Wataac), Kabtan Mooge, Kabtan C/qaadir iyo xubno kale. Sidoo kale xubnaha ka soo qeyb galay waxaa ka mid ah Aqoonyahanada Badda Soomaaliya ee iyagu ka yimid Dalka dibadiisa, waxaana isbarasho kaddib la guda galay ujeedada kulanka, waxaana khudbad furitaan ah ka jeediyay Guddoomiyaha qabanqaabada kulanka Axmed Xasan Cabdi (Wataac).

Waxa uu sheegay Guddoomiye Wataac in ujeedada kulankan ay tahay sidii Boorka looga jafi lahaa Aqoonyahanada Badda Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay inay yeeshaan guddi ka shaqeeya Dhismaha Urur ama Hay’ad ay ku Mideysan yihiin Aqoonyahanada Badeed ee Soomaaliya.

Eng. Cadde oo ka mid ah Barayaashii Dugsiyada iyo Khabiir ku Takhasusay Badda Soomaaliya ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay in kulankani uu yahay mid muhiim u ah Horumarinta Badda Soomaaliya, isagoona sheegay in aqoonyahanada Badda Soomaaliya ay yeeshaan Hoggaan iyo Maamul ka Madax bannaan Dowladda.

“Mar haddii ay isku yimaadeen intaan oo aqoonyahano Badeed ah, anigu waxaan isleeyahay inta kale ee maqanna inay yihiin kuwo Geeriyooday iyo kuwo Dalka Dibadiisa ku maqan” ayuu yiri Eng. Cadde oo sheegay in kulankani yahay mid rajo gelinayaa Xirfadleyda Badda inay dib boorka uga jafaan sidii ay Aqoontooda uga faa’iideysan lahaayeen.

Jan. Faarax Qare ayaa isna khudbad dhinacyo badan taabaneysay kulanka ka jeediyay, isagoona si weyn ugu Mahadceliyay Guddiga qabanqaabada ee kulankaan soo abaabulay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aqoonyahanada Badda ee kulanka ka qeyb gelaya wax badan ka qaban karaan dhibaatooyin ka jira Badda Soomaaliya. Waxa uu sheegay Taliyaha Badda Soomaaliya in meelaha ugu weyn ee dalka looga soo duulay ay ugu weyn tahay Badda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay si dhibaatadaas looga baxo ay muhiim tahay in la kordhiyo kulamada noocaan oo kale ah.

“Badeena waa lagu soo Duulay, waana in aan noqon dad wax loo yeeriyo maalin kastana ay warqado u soo diyaariyaan shaqsiyaad sheeganaya inay ka socdaan Beesha Caalamka” ayuu yiri Jan, Faarax Qare oo sheegay in dhibaatada lagu hayo Badda Soomaaliya aanay ahayn mid halkaan lagu soo koobi karo.

Eng. Cabdi Jiinow Calasow oo ka mid ah khabiirada dhinaca Badda, horayna Maareeye uga soo noqday Dekedda Muqdisho isla markaana hadda ah Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe ayaa daboolka ka qaaday in kulani aanu noqon mid lagu kala tago oo aan ka soo bixin wax natiijo ah.”Aniga waxaan qabaa in la magacaabo Guddi soo diyaariya Dhismaha Urur ay ku Mideysan Aqoonyahanada Badda Soomaaliya” ayuu yiri Eng. Cabdi Jiinow Calasow oo sheegay in kulankaan uu yahay mid ka soo daahay xilligii ku habooneyd.

Dhinaca kale Eng. Muuse oo ah khubarada Badda Soomaaliya isla markaana gacanta ku hayay Dugsiga Badda muddo dhowr Sanadood ah, ayaa Madasha ka sheegay in qabashada kulanka Aqoonyahanada ay isugu yimaadeen uu isagu ka mid ahaa xubnihii isku duba riday. Eng. Muuse ayaa sheegay in maanta uu ku faraxsan yahay marba haddii aqoonyahanadii Badda Soomaaliya ay ku dhan yihiin looga baahan yahay inay ka soo saaraan go’aano dhaxalgal ah, isla markaana si degdeg ah loo meel mariyo Go’aanada ay isku raacaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

XOG: Dacwad ka dhan ah madaxweyne Xasan oo loo gudbiyey maxkamadda..

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dacwad la sheegay in xubno ka tirsan Guddiga adeega garsoorka ee Soomaaliya ay u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka taas oo ku saabsan in go’aan ay soo saartay Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya ay horisataageen qaar ka mid ah madaxda sar sare ee dowladda Soomaaliya.

Sida warku sheegayo xubno ka mid Guddiga adeegga garsoorka ayaa ku eedeeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha Soomaaliya inay is-hortaageen go’aan Maxkamadeed oo ka soo baxay maxamadda sare kaas oo lagu kala saaray labo shirkadood oo isku heystay maamulidda garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa waxa ay ku lug leedahay shirkaddii garoonka laga ceyriyey ee SKA iyo shirkadda cusub ee ka socota dalka Somalia sida aadka ah u caawinaya ee Turkiga oo lagu magacaabo Favori.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in xubno ka tirsan Guddiga adeegga garsoorka Soomaaliya ay dacwadda ka dhanka ah madaxda sare ee ay u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ku dalbadeen in Baarlamaanku wax ka qabto arrintaasi oo sida ay sheegeen ah jabin toos ah oo lagu sameeyay sharciga dalka Soomaaliya u yaala.

Ma cadda tallaabada uu arrintani ka qaadandoono baarlamaanka Somalia oo aan la aogeyn in wali uu guddoonku u guadbiyey ,iyadoo warar kale ay sheegayaaan in arrintani ay si hoose ugu jiraan dhameynteeda xubno kale oo dowladda ka tirsan mana cadda in hadda la dhameeyay iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo guul sheegatay: Beesha caalamka waan ogoleysiinay in DFS…

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa ku celiyay in si madax-banaan loogu soo wareejin doono dhaqaalaha beesha caalamka uu siiyo Soomaaliweyn.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Yoonis Biixi oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay  in wixii hadda ka dambeeya dhaqaalaha beesha caalamka si madax banaan loogu soo wareejin doono oo aan loo soo marsiin doonin dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland oo aan ictiraaf helin tan iyo sannadkii 1991-dii haddana ay si fiican u maali doonto dhaqaalaha beesha caalamku uu siiyo.

Waxa kaloo uu sheegay haddii dhaqaalaha la soo dhiibo ay u baahan tahay in si haboon loo maamulo sida uu hadalka u dhigay.

Somaliland kama qaybgalin shirkii caalamiga ee Brussels, waxaana ay sheegtay in shirkaas uu gaar u yahay Soomaaliya, balse waxaa la lee yahay si madax banaan ayaa arrinteeda shirkaas looga hadlay dhaqaalaha lagu deeqayna si madax banaan ayaa loo siinayaa.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland tiro ka labo jeer ayey ku kulmeen dalka Turkiga balse, wax natiijo ah oo aan ka ahayn in ay kulmaan kama soo bixin labada jeer.

Somaliland waxa ay ku celcelisaa in ay Soomaaliya ka go’day sidaas oo ay tahay haddan ma helin aqoonsi caalami ah muddadaas 22-ka sanno.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Dhageyso: Maxamuud Sayid Aadan oo weeraray ragga la safan A/Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – La taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya Ex Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo maanta hadal ka jeedinayay Xaflad ka dhacday Muqdisho oo looga hadlayay arimaha Midnimada Beesha Sade ayuu ka sheegay inay jiraan siyaasiyiin ka tirsan beesha oo ku howlan shaqo aan loo dirsan.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa yiri “Qofka aysan umadiisu waxba u dirsan, Wakiilan, laakiin meel walba magaca ummada la taagan oo yiraahda reer hebel baan u dhashay talada wax ha la iga siiyo annaa  wakiilka ah rer hebel qofka leh oo cid soo wakiilatayna aynan jirin horta ha la ogaado cadkuu qaadanayo waa cad uu masaariif ka rabo, laakiin qofka raba inuu bulshada u shaqeeyo marka hore wuxu raadiyaa Midnimadeeda ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo hadlayay.

“Waayahaan danbe waxaa nagu batay meeshii dab laga shido oo qoloba iskugu tagto in qolo aan la dirsan u tagto waxan leenahay war ilaahay ka baqoo shaqo kale raadso umada magaceeda wax haku raadine”

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Gedo ayuu ku amaanay kaalinta uu ka qaadanayo isku soo dhawaynta bulshada gobolka Gedo isagoona tilmaamay in loo baahanyahay dadku inay yeeshaan Hogaan midaysan.

‘hadii ay arini xumaato ragii saman kaas joogay baa la eedeeyaa hadii ay Hogaan dhaqan yihiin iyo hadii ay hogaan siyaasadeed yihiin maanta xaalad adag baan ku jirnaa maanta deeganadeenii heerka ay marayaan qaar cadowbaa inaga haysta oo loo baahanyahay inaan ka xorayna oo Jaamacado iyo wax walba u samayno, qaar dad ay wax inagala dhexeeyaan ayaa doonaya inay iyagu siday doonaan ka yeelaan”ayuu mar kale yiri Siyaaasiga Maxamuud Sayid Aadan.

Hoos ka dhagayso hadalka Maxamuud Sayid Aadan

Axmednuur Maxamed

Muqdisho, Soomaaliya

Kismaayo24.com

VIDEO: Farriin ka timid DF kuna socota shacabka magaalada Muqdisho

Caasimada Online:  Fariin Nabadeed oo muhiim ah oo ku socoto Shacabka reer Muqdisho taas oo wax badan looga qabanayo dhanka ammaanka iyo soo celinta Nabaddii ka luntay Caasimadii Muqdisho 23 sano ee la soo dhaafay.

Hadaba ma tahay Reer Muqdisho waa muhiim in aa daawato Video-gaan si aad u aragto Fariinta lagu hayo iyo waxa ay tahay waxeeyna ku socotaa Shacabka reer Muqdisho ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

AXMED Madoobe oo diiday qorshihii DF iyo khilaaf laga cabsi qabo mar kale

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in maamulka kumeel gaarka ee Jubba ee uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe aysan ka qaybgali doonin shirka dib-u-heshiisiinta ee dowladda ku qabaneyso magaalada Muqdisho shanta bishan October.

Si dhab ah looma oga sababta keentay in maamulka Axmed Madoobe uu qaadaco shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka.

Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud oo ah madaxa jabhada Raaskambooni oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa si cad ah u sheegay in maamulka Axmed Madoobe uusan ka qaybgali doonin shirka shanta bishan ka dhacaya Muqdisho.

Ma sheegin wax khilaaf ah oo soo dhex-galay maamulka Axmed Madoobe iyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Waxaa jira warar sheegaya in soo if-baxay khilaaf hor leh oo soo dhex-galay maamulka Axmed Madoobe iyo dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu dilay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cawil Guure kaasoo la sheegay in ay dileen ciidamada maamulka Axmed Madoobe sida uu yiri walaalkiis Faaraax.

Wiilkan ayaa la sheegay in uu shaqeen jiray shirkadda isgaarsiinta Olympic ee Kismaayo, waxaana loo badinayaa in loo dilay aano qabiil.

Magaalada maalmahan waxaa ka socday dilal abaabulaan oo qaar kood ay ku lug lee yihiin ciidamada maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Yaa ka dambeeyey sawir gacmeedkii uu Amiin Caamir ku weeraray Saacid?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ku dhowdhow xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegaya in ay soo baxayaan eedeymo loo jeedinayo xubin ka tirsan howl-wadeenada xafiiska R/wasaaraha, oo la leeyahay waa maskaxdii ka dambeysay sawir gacmeed ku soo baxay shabakadda Aminarts, oo lagu muujiyey dowladdii oo dhaqaaqday & R/wasaarihii oo hurdaya, waxaana lagu eedeeyey sarkaalkaasi ka tirsan xafiiska inuu dhaqaale ku bixiyey in sawirkaasi lagu soo daabaco shabakadda Aminarts.

Ujeedada laga leeyahay sawirka ayaa lagu sheegay si indhaha bulshadda looga jeediyo waxqabadka & horumarka ay ku tillaabsatay xukuumadda muddadii ay jirtay taasoo aaney ciddina caad ka saarneyn, waxaana sidaasi qaba mid ka mid ah saraakiisha xafiiska, wuxuuna xusay in nasiib wanaag laga war-hayo wax uu ku sheegay dhilqaha ku dhex jira xafiiska, ee gacanna xafiiska kula shaqeynaya, gacanta kalena mucaaradka ku marxabeynaya.

25_SEP_2013“Wararkan dicaayadaha ah ee lagu faafiyey shabakadda Aminarts waxaa markii hore lagu tuhmayey mid ka mid ah howl-wadeenada xafiiska inuu ka dambeeyo, balse hadda tuhunkii wuxuu isu beddelay xaqiiq, waxaana la soo ogaaday in isaga oo ay isticmaalayaan dhinacyo mucaarad ah in uu la xiriiray Aminarts, uuna ku bixiyey dhaqaale in sawir gacmeed mala-awaal ah laga sameeyo R/wasaaraha” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Xafiiska Saacid oo codsaday inaan la magacaabin.

“Waxaad moodaa in bulshada Soomaalidu ay sida muraayadii u arki karaan waxqabadka xukuumadda & horumarka ay ku tillaabsatay, dadka shirqooladaasi maleegayana waa 2 kooxood, koox ay dhibeyso in ay arkaan cid aan iyaga aheyn oo shaqada sidii loogu talogalay u wada & kuwa ka maseyrsan xilka uu hayo Saacid oo kursigaasi iyagu caashaqsan, waxaana runtu tahay in 2-daas qolo ay u baahan yihiin in ay dadkooda soo raacaan oo aaney ku habsaamin dicaayad & hal abuur qabali ah” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah howl-wadeenada xafiiska R/wasaaraha, wuxuuna intaa ku daray in shaqsiyaadka dicaayada faafinaya in ay doonayeen in ay jilbaha dhulka ugu dhuftaan R/wasaaraha, hasse ahaatee wixii hadda ka dambeeya si weyn looga digtoonaan doono”.

Warbixin: FAO & WFP oo dhibaatooyin lixaad leh ku haya beeralayda Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah beeralayda Soomaalida ayaa ku eedeeyay hey’adda FAO iyo WFP in ay dalka Soomaaliya ka wadaan dhibaatooyin xooggan oo lagu curyaaminaayo bulshadda Soomaalida mustaqbalkooda.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah shir jaraa’id ku qabtay qaar ka mid ah beeraleyda iyo dad iskaleh shirkadaha wax soo saarka dalka, kuwaasoo ku muujiyay war-saxaafadeedkooda sida ay uga xun yihiin dhibaatada baaxda leh ee labadan hey’adood ku hayaan dalka.

Sarkaal u hadlay hey’adda FruitSom oo Muuska dibadda u dhoofiya ayaa sheegay in hey’adda FAO ay keentay dalka waxyaabo aan wax tar u lahayn beeraleyda isla markaana lagu curyaaminaayo wax soo saarka dalka.

Wuxuu ka codsaday cid kasta oo wax ka qaban kara hey’addahan in ay joojiso dhibaatada ay dalka iyo dadka ku hayaan.

“Waxa ay noo keeneen dawooyin aan wax tar lahayn, waxa ay wax qaybiyaan xilliyada ay dadka beeran u soo ga’aan si loo niyad jabiyo qofka beeraleyda ah”

Wuu sii hadlay ” Dhammaan dadkii Soomaalida waxa ay ku soo gureen magaalada Muqdisho, mid ah xero wax ku siiyaan mid ay dawo dhacday ku cabaan ayey ka dhigeen dadkii beeraha tacban jiray iyo kuwii xoolaha dhaqan jiray” ayuu yiri.

Si kastaba, dad badan oo yaqaana dhaqaalaha Soomaaliya waxa ay lee yihiin Soomaaliya wax yaabaha dib u dhaca u keenay waxaa ka mid ah hey’adda gaarka kuwaasoo dadka mucaawino iyo wax yaabo aan wax tar lahayn siiya, waxaana dadkaas ay ka yimaadeen gobalada dalka iyagoo beer ama xoolo lahaa markii hore.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi