30.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Wararkii ugu dambeeyay ee maamul gobaleedka koonfur-galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in maalmahan magaalada ay soo gaarayeen ergooyinka soo dooranaya maamulka koonfur-galbeed Somalia.

Wariye ku sugan Baydhabo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa noo sheegay in magaalada  ay soo gaareen odayaal iyo siyaasiyiin, kuwaasoo ka qaybgalaya maamulka u sameenta lix gobal oo ku yaalla koonfur-galbeed dalka Soomaaliya

Wariyaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah ergooyinka gobollada maamulka loo sameynayo ay soo gaareen magaalada Baydhabo.

Waxaa kaloo uu sheegay in guddi dhawaan lagu magacaabay Baydhabo ay billaabeen inay sameeyeen guddi odayaal dhaqameed ah oo loo xil saaray qabanqaabada qabsoomidda shirka.

Si kastaba, waxaa maamulkan hor boodaya siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaan dhowaan shir Baydhabo ka dhacay oo uu ka qeyb-galay guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaa lagu go’aamiyay in maamul goboleed loo sameeyo gobollada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Gedo.

Ma cadda sida uu maamulkan u hirgali doono, iyadoo qaar ka mid ah gobalada ku jiray ay lee yihiin hadda maamul kumeel gaar ah oo ah Jubba.

Marka laga reebo guddoomiyaha golaha baarlamaanka iyo xildhibaannada ka soo jeeda gobaladan madaxda kale ee dowladda sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kama hadlin maamulka loo sameenaayo lixda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Madaxa Ciidamada Nabad Sugidda ee Maamulka JUBBA oo lagu dhawaaqay

0

Kismaayo (Caasimada online) Maamulka Jubba ee uu hogaamiye Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Kana dhisan Deegaanada Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maanta Si rasmi ah  waxay u magacabeen Madaxa Ciidamada Nabad Sugidda ee deegaanada Maamulkaas Ciise Kambooni oo ka tirsanaa Saraakiisha Sar Sare ciidamada maamulkaas.

Sarkaalkan ayaa waxaa lagu magacaabay Wareegto ka soo baxday Xafiiska General C/laahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, Taas oo Muujjinaysa in Ciise Kambooni uu yahay Wixii xilligan ka bilawda Hogaanka Nabad sugidda Maamulka Jubba.

Wareegtadan kasoo baxday Xafiiska  General Fartaag oo ka mid ah Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Jubba ayaa laga aqriyay Radio Kismaayo uu ku hadla afka maamulka Jubba

Sidoo kale Wareegtada waxaa lagu sheegay in Ciise Kambooni uu la wareegi doono Dhamaan Ciidamada Nabad Sugidda Deegaanada Jubbooyinka, Hubka iyo Gaadiidkooda  u gaarka ah..

Ciise Kaambooni Wuxuu hore kaga mid ahaa Ururkii Bur buray ee uu Axmed Mdoobe Qeybta ka ahaa ee Xizbul Islaam , wararka qaarnma waxay sheegayaan in Sarkaalkan maanta loo magacaabay xilkan uu qaraabo dhaw la yahay Axmed Madoobe Hogaamiyaha Maamulka Jubba.

Warar ayaa sheegaya in Ninkaan uu mar hogaan u ahaa Ciidamadii Kambooniyiinta la oran jiray ee ka dagaalami jiray Gobolada Koonfurta Soomaaliya ee uu tababaray Sheekh Xasan turki .

Si kasto Hogaankan Cusub ee Maamulka Jubba ay u idmadeen inuu Hogan u noqdo ciidamada nabad sugidda maamulka Jubba waxa hor yaala howl adag oo ay ka mid yihiin ka hortaga dilal iyo falal amni xumo oo xilliyada qaar ka dhaca deegaanada maamulka Jubba.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Subxanallah: Mucjiso xalay lagu arkay meelo badan oo ka mid ah SOMALIA

0

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa xalay meelo badan oo ku yaalla Soomaaliya lagu arkay arrin mucjiso ah, taasoo ah wax daruur u muuqda oo hawada ku jirta.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan gobalada Hiiraan, Galgaduud, Shabeellaha Hoose, iyo Muqdisho ayaa xalay arkay wax goobaabo camal ah oo Ifaya ama nuuraya, oo dhowr daqiiqo hawada ku jira kaddibna la waayay.

Goobjooge ku sugan deeganka Xalane ee Muqdisho ayaa sheegay in uu arkay wax gooboobo yer leh oo ifaya, kuwaasoo uusan horey u arkin.

“Waxaan arkay wax sida Bululeerka camal oo iftiimaya, anniga iyo dad badan ayaan istusnay waa mucjiso rabaani ah” ayuu yiri Daahir Faradar oo ah Oday la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee Muqdisho.

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah culimada Soomaalida oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa sheegay in waxyaabahan la arko qarnigii mar.

Sheekha ayaa sheegay in muddo 30 ama 40-sanno ka hor la arkay gaar ahaan Soomaaliya.

“Waxaan qarnigii mar ayaa la arkaa, oo NNNK allaha yeele ayaa xadiis laga soo wariyay wuxuu sheegaya in haddii la arko wax Camuud ah ama afka muduc ka ah isla markaana ifaya waxa uu yiri Keydsada raashinkiina waa qarni abaar muujinaya” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif.

Sheekha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaalida in ay is-dajiyaan oo ay ka warsugaan sida uu illaah wax ka dhigi doono.

Wuxuu sheegay in wax yaabahan oo kale aan lagu arkin dalka Soomaaliya 4o-kii sano ee la soo dhaafay sida uu hadalka u u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Dowladda Turkiga oo Muqdisho ka biillowday ballan qaadkeedii

0

Caasimada Online:  Barnaamij muuqaal ah oo laga diyaariyay Qorshaha lagu mataaneeynayo Magaalooyinka Istanbul Iyo Muqdisho kaas oo haatan ka bilowday hirgelintiisa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Dhismooyinka iyo hirgelinta Balanqaadka Dowlada Turkiga waxaa laga dareemayaa Bilicda Magaalada Muqdisho oo haatan si xowli ah ku so noqoneyso kadib dhismooyinka Magaalada ay ka hir geliyeyn Shirkadooyinka dhismaha ee laga lee yahay Wadanka Turkiga.

HALKAAN KA DAAWO

DHAGEYSO: Wasiirka Arimaha Gudaha oo ballanqaad u sameeyey maamulka..

0

Kadib Kulan ay isugu yimaadeen Magaalada Muqdisho , Siyaasiyiinta ,Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada degta deegaanada Maamulka Galmudug, ayuu Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya wuxuu sameeyay Balan qaad ku aadan Horumarinta Deegaanada Maamulkaas.

C/kariin Xuseen, wuxuu sheegay in Horumarinta Deegaanadas uu kaalin weyn ka qaadan doono waxaana uu tilmaamay in Mashaariicda Goboladkaas la qersheynayo in laga hir galiyo  gaar ahaan qeybta Caafimaadka  qarashaadka ku baxaya qeyb ka mid ah uu isaga Jeebkiisa ka bixin doono sida uu ka dhawaajiyay.

“Waxa ugu muhiimsan waa caafimaadka, dhisitaanka isbitaalka Magaalada aniga ayaa kala bar qaatay oo bixinaya”ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha oo si hoose ula hadlayay dadka degaanka Galmudug State.

Hadalkan kasoo yeeray wasiirka ayaa waxaa si aad ah ugu riyaaqay Bulshada degta deeganada Maamulkaas oo u haraad qaba Helitaanka adeegyada aas aasiga u ah bulshada .

Dad qaar ayaa sheegaya in arintan ay tahay mid uu taageero iyo magac kaga raadsanayo Beesha uu kasoo jeedo asal ahaa oo deegaanadaaasi qeyb ka mid ah dega , waxana jira warar la isla dhexmaro oo arintan ku aadan .

Halkaan ka dhageyso Codka Wasiirka 

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Xaliimo Cali” Aabeheey ayuu moodayay Ruuxa uu Gubay Balse manoqon ( Dhacdo Naxdin leh)

0

Muqdiho (Caasimada online ) Sida aan Todobaadkii hore idiin Soo daabacnay waxaa Dhacdo naxdin leh  ay ka dhcday Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banadir, Taas oo ku aadaneyn in Nin uu Gubay Gabar sida ay sheegtay ay kala tageen iyo Nin ay hore Ilmo ugu soo dhashay.

Xaliimo Cali Carab , waa gabadha ay dhacdadan ku dhacday Vod-da qeybta Afka Somaliga ayay uga warbixisay waxa ku dhacay iyo sida uu dhibka ku soo gaaray .

Iyadoo ka warameysa Xiriirka ninka Gubay iyada , iyo ninka la gubay , iyo waliba waxa arintan keenay ayaa  waxay sheegtay in ninka iyada iyo ninka kale gubay ay dhowan kala tageen Hal Gabarna ay u dhashay sida ay tilmaamtay.

Sidoo kale waxay sheegtay in Ninka kale ee la gubay ay isna hore ugu soo dhashay lix Caruur ah isla-markaana muddo ay kala maqnaayeen balse habeenka la gubi doono uu yimid inuu caruurtiisa soo eegto xoogaa lacag ahna uu u keenay.

Xaliimo waxay sheegtay inay heyso 7 – Caruur ah oo lix ay isku bah tahay midna uu dhalay aabaha wax gubay iyo sidoo kale aabaha iyada dhalay oo ay sheegta inuu yahay aabe da’ ah .

Khilaafkan keenay heerkan Gubniinka ah ayay sheegtay inaysan garaneyn balse kaliya ay og tahay ka hor inta uusan falkan sameyn inuu xaday sida ay sheegtay Dhar iyo Kabo uu aabehed lahaa habeekaas uu wax gubayana uu qofka uu gubayay uu moodayay iyada aabeheed .

Ninkan la gubay ayaa jiifay Sariir u gaar ah , waxaana uu huwaaa Kubeyrto weyn uu dhaxanta kaga gabanayay , waxaana mar qura uu ka war helay dab ka olalaya sariirtii u saarnaa iyo waliba kubeystadii uu huwanaa, taas oo sahashay inuu si dhaqsi ah u waxyeeleeyo dabka, sida ay sheegtay Xaliimo.

Waxay sheegtay  inay kusoo toostay qeylada ninkan oo  aheyd ” Alla waan gubanayaaye i damiya” waxaana durba ay isku dayda inay caawiso hayeeshii waxaa durba sida ay sheegta albaabka laabiisa kasoo baxay ninka falka geystay oo isku dayay inuu iyadana gubo hayeeshee, sheegtay inaysan u noqon heerkii uu la damacsanaa inkastoo ay xaqiijisay inuu dab xoogan soo gaara kadib markuu Basiin iyo Taraq iugu daray.

Saraakiisha Ciidamada booliska Soomaaliyeed waxay sheegeen inay ku dabo jiraan ninkii falkan geystay sharcgana ay horkeeni doonaan

Hadaba nala hageyso Xaliimo oo ka shekeyneysa sida ay wax u dheceen.

Gabar dhibaateysan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: Ciidamo dagaal doon ah oo ku wajahan magaalada Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Tan iyo markii laga saaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxa ay saraakiisha ku xiran Barre Hiiraale ay sheegayeen inay dib u qabsan doonaan magaaladaas, kana saari doonaan maleeshiyada iminka haysata ee Raaskambooni.

Saraakiishan oo iminka ku sugan deegaanka Goobwayn ee duleedka magaalada Kismaayo, ayaa sheegay inay dhowaan u ruqaanasan doonaan gudaha magaalada Kismaayo kadib markii sida ay sheegeen dhibaato loo gaystay dadkii shacabka ahaa.

Waxa ay tani imaneysa ayada oo magaalada Kismaayo ay maalmahan ka socdaan dilal qorsheysa oo la sheegay in salka ku hayaan is ugaarsi beeleed.

Waxa ay shaacaa ka qaadeen inay ayaga oo wata ciidamo tira badan oo dhammaantood raacsan Barre Hiiraale ay weerar ku yihiin Kismaayo.

Col Daahir Maxamed Xirsi oo saraakiisha ka tirsan ayaa ka warramay qorshahooda iminka

Halkan ka dhageyso Wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Khilaaf soo shaac baxay oo u muuqda inuu hakin doono maamulkii….

0

Baladweyne (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa beeniyay in wafdi shaley gaaray magaalada Baladweyne oo uu hoggaaminaayay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudahaay u tageen halkaas siddii ay u badali lahaayeen maamulka hadda ka dhisan gobalkaas.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka arrimaha bulshadda ee maamulka gobalka Hiiraan ayaa qiray in maamulkooda uu waqtiga ka dhammaaday, balse wafdiga shaley soo gaaray Baladweyne aysan u socon siddii loo badali lahaa maamulka kumeel gaarka.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in wafdiga oo ay ku jiraan xildhibaanno ka soo jeeda gobalka Hiiraan ay kala hadleen siddii dadka reer Hiiraan ay u soo dooran lahaayeen maamul loo dhan yahay.

“Wafdiga waan la kulanay waxaana u soo bandhignay waxyaabaha noo qabsoomay lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo wax yaabaha aan noo hirgalin, waxaana u sheegnay sababta, marka waxa ay noo sheegeen in magaalada ay u yimaadeen siddii ay wadatashiyo ula qaadan lahaayeen odayaasha, siyaasiyiinta iyo wax-garadka ku dhaqan gobalka Hiiraan” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobalka Hiiraan.

Wuu sii hadlay “Waxa ay noo sheegeen in wixii hadda ka dambeeya maamul aan laga soo dhisi doonin magaalada Muqdisho, madaxweynaha Soomaaliya markii uu halkan imaanayay wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan digreerto maamul aan laga soo diri doonin Muqdisho ee dadka gobalka Hiiraan ay dooran doonaan maamulka ay doonayaan” ayuu yiri markale Xuseen Cismaan Ciise guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshadda.

Isku soo duub, wafdigan ayaa markii ay shaley gaareen magaalada Baladweyne waxa ay kulamo la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana ay sii joogi doonaan magaalada dhowr cisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Muqdisho: Waxaa jawaabtay Idaacaddii lagu eedeeyey addoonsinimada

0

Muqdisho (Caasimada Online)  Madaxa Xuquuqul insaanka Hey’ada Inxa Maxamed C/raxmaan Maxamuudoo ka jawaabayay eedeyn kaga timid Mas’uuliyiinta iyo Wariyaasha ka howl gali jiray Radio Xumro , taas oo ku aadaneyn in hey’adu ay musuq maasuqay Mushaaraadkoodi Muddo 9 Bilood ah ayaa aritaas wuxuu ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah.

Wuxuu sheegay in arintan ku aadan Radio Xurmo iyo Mushaar  la’aanta Shaqaalaha iyo Xirnaanshiyaha Idaacaduba ay yihiin qorshe lasoo abaabulay , waxaana uu tilmaamay in arinta sida loo buun buuniya inaysan aheyn.

Wuxuu qiray in xilliyada qaar ay dhici karto in Mushaaraadka Shaqalaha ay soo daahaan balse taas micnaheeda aysan aheyn in laga musuq maasuqay Xaquuq ay iyagu lahaayeen , waxaana carabka uu ku adkeeyay in Xaqooda ay helayaan taasna ay tahay mid waajib ah .

Hey’ada inxa ayuu tilmaamay in iyada qudheedu ay sii hoostagto Hey’ad kale oo la yiraahdo Novid oo Africa oo dhan u qaabilsan dhanka gar gaarka bini aadabimada , waxaana uu shaaca ka qaday in shaqsi uusan wax sameyn balse arintu ay tahay mid guud.

Abshir Maxamed Aadan oo Muddo Bil ah Agaasime ka ahaa Radio Xurmo ayaa sheegay in xiliigii halkaas uu agaasimaha ka ahaa  uu la kulmay dhibatooyin Dhanka Bini Aadanimada ah Xilli uu la hadlayay Radio SKY FM .

Wuxuu sheegay in nolosha ay ku jireen raggii idaacadaas ka shaqeyay ay kasii hooseysay kuwa gumeysagi ku hoos nool sida uu hadalka u dhigay , Waxaana bur burka idacadaas uu ku tilmaamay mid qorsheysnaa Xuquudii shaqaalahana la lunsaday.

Radio Xurmo ayaa ahaa Radio inta badan ka hadlay isla-markaana diirada Saara arimaha Bini Aadanimada inkastoo iminka al-baabada la isugu laabay Arimo la xiriira dhaqaale la’aan shaqaalaha idaacadaas soo food saartay waayihii dambe.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Arin Shacabka uwanaagsan una Daran Ciidamada DF oo laga dhawaajiyay

0

Muqdisho (Caasimada online) Sida ay shaasciyeen Saraakiisha Ammaanka maamulka Gobolka Banaadir , Ciidamada dowlasda Soomaaliya ayaa wajihi doona Tilaabo adag oo sida la sheegay laga qaadi doono Askarigii lagu arko isagoo dhibaateynaya Shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka Gobalka Banaadir Warsame Maxamed Xasan (Warsame Joodax) oo laha dlay warbaahinta ayaa tilmaamay  in ciidanka Dowladda qaarkood ay dhibaato ugeystaan dadka shacabka ah, Balse arintaas aan la isaga hari doonin Sida uu shaaca ka qaada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayuu sheegay inuu haatan ku mashquulsan yahay sidii uu Tilaabo adag kaga qaadi lahaa Ragga Labisan dareeska Ciidamada dowlada Soomaaliya ee dhaca u geysta Shacabka reer Muqdisho , waxaana uu sheegay in Isbadal badan oo arimahan ku aadan inay wadaan maamulku.

Qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho Shacabka ku nool ayaa inta badan Muujiya Cabasho ku aadan, dhac iyo Dhibaatooyin ay u geystaan rag dareeska ciidamada dowlada ku labisan , waxaana dhowaan arintaas mar qaati ka caya Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowlada ee Degmada Hodan , oo sheegay inay Cabasho badan soo gaartay .

Wuxuu sheegay in askarta Degmada Hodan ay dadka dhacaan, sidoo kalena ay dilaan oo aan waxba laga qaadin, taasi oo muujinaysa sida ciidanka ay dadka u dhibaateyaan , Inkastoo Maamulka gobolka Banaadir  gaar ahaan kuwa dhanka amnigu ay sheegeen inay wax ka qabanayaan.

Dhibaateynta Shacabka iyo dhaca Ciidamada dowlada ay kula kacayaan Shacabka ayaa loo sababeeyaa inta badan Mushaaraadka Ciidamada oo soo daaha iyo dhaaqaalaha ay ku shaqeeyaan oo aan kaafin  noloshooda sida dad badan ay aamin san yihiin.

 

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro laga qaaday kooxdii Westgate oo toogasho fulineysa oo soo baxay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dhacdadii West Gate, ayaa noqotay mid ay saameynteeda weli taagan tahay, ayada oo maalinba ay soo baxayaan dhacdooyin iyo faah faahinno cusub oo la xiriira.

Waxa amaanta markii ugu horeysay soo baxay sawirro ay qaaday kaamirada CCTV (Closed-circuit television), oo ku dhaganeyd xarunta West Gate. Closed-circuit television, haddii aadan weligaa maqal waa kaamirooyinka lagu xiro goobaha ganacsiga, ee duuba dhammaan muuqalada goobtaas iyo hareeraheeda, kadibna u gudbiyey TV yar, oo goobta dhex yaalla, si hadhow dib looga eego muuqaalada.

Muuqaallada CCTV-ga West Gate, ayaa muujiyey qaar ka mid ah kuwii weerarka geystay oo fulinaya toogasho iyo dadkii ay meel isugu geeyeen oo ay la heestayaal ahaanta u haysteen.

Arag Sawirrada:

cctv 1wald-collect-mall6.JPGwald-collect-mall4.JPG

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Daawo Video: Dhismooyinka ka socda Magaalada Muqdisho & Xiliga Habenkii

Caasimada Online:  Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sharaxaya sababaha xili habeen ah lo dhisaya wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo maalmihii dhismooyinka looga joojiyay.

Sababaha habeenkii loo dhisaya ayaa lagu sheegay in maalmihii aad loo isticmaalo wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Muqdisho Xiliga habeenkii waa wada nuur iyo nal waxaa caadi ah in holwaha ganacsi iyo adeegyada kale ay caadi ku socdaa marka loo fiiriyo sanadihii hore oo amaan ahaan ka wanaagsan sanadkaan.

HALKAAN KA DAAWO: 

Kenya oo ceeb & bah-dil dhex fadhida: Sawirro: Kooxdii West Gate oo dhuun hoose ku baxsaday iyo xog cusub

0

Nairobi (Caasimada Online) – Miyey kuwii ka dambeeyey weerarkii West Gate baxsadeen saacad un kadib markii ay billaabeen weerarka? Miyey kuwii kale ee haray ayaguna markii ay laayeen dad badan si hoose uga dhex siibteen goobta, ayada oo aanay ciidamada ammaanka ogaan?

Xagee ayey ku dambeysay xaaladda dadkii la sheegay in goobta lagu heystay? Maxaa sababay burburkii West Gate, ma ciidanka ayaa bom gareeyey, yaase bililiqeystay goobta?

Kuwaasi waxa ay ka mid yihiin su’aalaha adag ee dadka Kenya ay jawaabaha u raadinayaan, xilli ilo-wareedyo dhinaca amniga ah ay shaaca ka qaadaayaan arrimo dowladda ay isku dayeyso inay qariso.

Ilo-wareedyo dhowr ah oo ay ku jiraan saraakiil booliis, ayaa xaqiijiyey in kooxdii ugu horeysay ee weerarka qaadday ay saacad gudaheed ku baxsadeen.

Qaar ayaa waxaa la sheegay inay dharka bedesheen iskuna dareen shacabkii argagaxsanaa. Dowladda ayaa si joogto ah u beenineysay in cid ka mid ah kuwii weerarka ka dambeeyey ay baxsadeen, laakiin caddeymaha soo baxaya waa kuwa aan la qarin karin.

Sidoo kale, dagaal yahannada kale ee ku haray goobta ayaan tiradooda la ogeyn illaa iyo hadda, taaasi oo keeneysay su’aal ku saabsan tirada rasmiga ah ee fulisay weerarka.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph ole Lenku, waxa uu sheegay in kooxdii qaaday weerarka West Gate ay ahaayeen qiyaastii 10 illaa 15, ayna afduub ahaan u heysteen 30 qof.

Waxa uu goor dambe sheegay in shan ka mid ah la dilay, balse illaa iyo hadda kama hadlin halkii ay geeyeen meydadkooda iyo aqoonsigooda, taasi oo sheegashooyinkiisa mugdi gelisay. Waxaan sidoo kale caddeyn halkii ay ka baxeen 10-kii kale ee soo haray, haddii loo raaco tirada 15-ka ah ee uu sheegay.

Sidoo kale lama yaqaan halkii ay ku dambeeyeen 30-ka qof ee la sheegay in raggii weerarka qaaday ay haysteen.

Faah-faahinno cusub oo kasoo baxay qaabkii ay u baxsadeen kuwii soo haray ayaa arrinta sii murjinaya.

Saraakiil amni, ayaa wargeyska Sunday Nation u sheegay in dagaal yahanada weerarka qaaday ay ku baxsadeen dhuun biyaha wasaqda ah qaada oo dhulka hoostiisa marta, kana baxda meel West Gate u jirta 100 mitir.

“Dhuunta hoose waa ay ku filan tahay in qof uu ugu socdo si xarago leh” ayuu yiri sarkaal la hdlay Sunday Nation.

Waxaa sidoo kale been u muuqday hadalkii hore ee Lenku ee ahaa in haweeney British ah oo magaceeda la yiraahda Samatha Lewthwaite, laguna naaneeso “Carmalada Cad”, ay weerarka ku lug lahayd.

Si kasta oo ay ahaataba, waxaa muuqda in dowladda Kenya ay qarineyso wax badan oo xaqiiq ah, balse weerarkii West Gate uu fadeexad dhaliyey, islamarkaana bah dilaya awoodda dowladeed ee Kenya.

tune 1tune 2

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Beledweyne: Dhismaha maamul cusub oo la diyaarinayo iyo mas’uuliyiin yimid

0

Baladweyne (Caasimada Online) Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan , waxaa maanta gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliyaiyo sidoo kale Siyasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobolkaas.

Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ayaa la tilmaama in wafdigan Si  heersare ah loogu soo dhaeeyay iyagoona ka kicitimay  markii hore garoonka diyaaradaha Muqdsisho .

Waxaa Wefdigaan  horkacaayay Cali Abtidoon Xalane,  Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Waxaana goor dhow loo galbiyay xarunta maamulka gobolkaas , waxaana  jira warar socdaalka wafdigaas kasoo baxaya.

Wararka qaar waxay sheegayaan in Ujeedada ay u taggeen Magaalada Baladweyne, ay salka ku heysaa, sidii dadka Deegaanka ay u soo dooran lahaayeen Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan.

Sida qorshuhu uu yahay Xubnhan ayaa kulamo la qaadan doona  Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka, Culimada, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo weliba Masuuliyiinta Dowladda ee Gobolka, waxaana la qorsheynayaa in la magacaabo gole Deegaan.

Golaha deegaanka ee lagu wado in lasoo xulo ayaa dhankooda soo xuli doona habka beelaha gobolkaasi dega ay u qeybsan lahaayeen maamulka cusub ee la qorsheynayo in Hiiraan laga hirgaliyo .

Maamulka iminka magaalada ka arimiya oo ahaa mid KMG ahaa ayaa la shaaciyay inuu ka idlaaday waqtigii loo idmaday inay gobolkaas hogaamiyaan waxaana jira qorshe lagu doonayo in maamul Cusub Gobolkaas laga hirgaliyo.

Caasimada online

Xafiiska Baladweyne

[email protected]