30.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

SOMALIA oo Xeer ilaalin ka ah Finaalka Ciyaraaha adduunka ee FIFA…

0

Muqdisho (Casimada online) Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ahna xubin ka tirsan guddiga FIFA beach soccer, isla markaana ah guddoomiyaha guddiga tartamada ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA Mr Cabdi Qani Saciid Carab ayaa FIFA u magacawday in uu maamulo cayaarta kama dambeysta ah ee FIFA beach soccer world cup taas oo dhex mari doonta wadamada Spain iyo Ruushka.

Cayaarta ayaa bilaabaneysa saacadu markay tahay 8:30-ka fiidnimo xiliga dalka Tahiti oo ku beegan maanta barqadii xiliga Muqdsiho.War saxaafadeed uu maanta soo saaray afhayeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Shaafici Muxuyadiin (Islow) ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si kal iyo laab ah ugu mahad celineyso madaxweynaha ururka kubada cagta Aduunka Joseph S Blatter iyo guddiga FIFA beach soccer doorashadii ay mudanahan Soomaalyeed u doorteen in cayaarta finalka ah uu ka madexeeyo.
Waxaa tani ay noqoneysaa markii ugu horeysay taariikhda kubada cagta Soomaaliya oo muwaadin Soomaaliyeed uu xeer ilaaliye ka noqdo cayaar Final ah ee FIFA beach soccer world cup.Intii tartanku socday waxaa uu Mr Cabdi Qani Saciid Carab xeer ilaaliye kasoo noqday sadex cayaarood oo kala ahaa: Match Number 11 Ivory coast VS Russia, Match Number 18 Iran VS Ukraine iyo match Number 21 UAE VS USA iyadoo cayaarta Spain VS Russia ay tahay tii afaraad ee uu xeer ilaaliye ka noqdo waana qofka keliya ee guddigiisaka tirsan oo ilaa iyo hada 4 cayaarood loo magacaabay inuu maamule ka noqdo.
Laakin cayaarta Finalka ah ayaa muujineysa in uu Cabdi Qani Saciid Carab uu noqday qofka loogu kalsoonida badan yahay laguna qancay khibrada iyo awoodiisa xaga maamulka ah taasina ay keentay in cayaarta Finalka oo hadana aad u adag uu xeer ilaaliye ka noqdo.
“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubaaada cagta aad ayuu uga mahad celinayaa ururka FIFA magacaabista uu Mr Cabdi Qani Saciid carab u magacaabay maamulida cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka aduunka—tani waxaa ay sumcad weyn u tahay Soomaali oo dhan gaar ahaana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo Xogyahihiisa Cabdi Qani , waxaana sidoo kale ay dhiiri gelin u noqoneysaa in Soomaaliya ay mustaqbalka dhow ka dhex muuqato cayaaraha kubad xeebeedka aduunka”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri afhayeenka xiriirka Soomaaliyeed Shaafici Muxuyadiin Islow.
Talaabadan uu hroay u qaaday Mr Cabdi Qani Saciid Carab ayaa waxaa ay soo nooleyneysaa rajadii dalka Soomaaliya waxaana ay si weyn u farxadgelisay shacbaka dagaaladu la dageen ee Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana taageerayaasha kubada cagta dalka.Sida lagu sheegay war saxaafadedka tan iyo markii Mr Cabdi Qani Saciid Carab uu howshiisa ka bilaabay tartanka FIFA beach soccer world cup Tahihi 2013, waxaa xafiiska xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Soo gaarayay dhambaalo hambalyo iyo mahad celin isugu jira halka dadweynaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku noolna ay fariimo hambalyo ah kusoo dirayeen emailka qeybta warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta: [email protected]

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mr Cabdi Qani Saciid Carab waxaa uu ka mid yahay shaqsiyaad geesiyaal ah oo naftooda u huray in ay ka bad baadiyaan kubada cagta Soomaaliya in ay bur burto mudadii dalku dowlad la’aanta ahaa.

Shaqsiyaadkaas aanay taariikhdu ilaawi doonin waxaa ka mid ah guddoomiyaha talada haya Cali Saciid Guuleed Rooble, iyo hogaamiyihii hore eeXiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Saciid Maxamuud Nuur oo sidoo kalana ahaa shaqsi sama fale ah oo lagu yaqiinay taakuleynta dadka tabaaleysan. Waxaan leenahay Alle ha u naxariisto xusuustisuna marnbaba kama go’i doonto quluubta umada Soomaaliyeed.

Somali Football Federation Media Department
abdi qani1
3rd from right and in the black shirt FIFA beach soccer committee member Abdi Qani Said Arab at the prematch meeting
From right  3rd  and in the black shirt FIFA beach soccer committee member Abdi Qani Said Arab at the prematch meeting
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

VIDEO: Qoomaal oo Muqdisho tagay kadibna sameeyey ficil duwan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fannaanka Maxamed Axmed “Qoomaal” oo Sabtidii dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ayaa si duwan fannaaniinta kale muujiyay, isagoo markii uu diyaaradda ka degay Carada ama dhulka shumiyay.

 Fannaan Qoomaal oo in ka badan 20 sano dalka ugu maqnaa qurbaha, gaar ahaan Ingriiska ayaa wuxuu sheegay in uu hilow u qabo dalkiisa isla markaana uu ku faraxsan yahay imaanshahiisa.

Soo laabashada Qoomaal ayaa qeyb ka ah barnaamijka nabadeynta Muqdisho oo Fannaaniin ay ka mid tahay Hiba Nuura ay dib ugu laabatay Muqdisho, ilaa haddana ku sugan, iyadoo bandhigyo lagu hormarinayo nabadda iyo iftiinka Muqdisho kusoo bandhigay tan iyo markii ay tagtay Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

KASHIFAAD: Idaacad ku taalla Xamar oo dhaqan adoonsinimo uu ka jiro

0

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacadda Xurmo ee magaalada Muqdisho oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online,ayaa sheegaya  in muddo sagaal bil aan mushaar la siin isla markaana lagu wargaliyay in Idaacadda la xiray oo la joojiyay shaqadii.

Wariyaashan ayaa sheegay in muddo sagaal bil ah aan la siin mushaarkii ay xuquuqda u lahaayeen, isla markaana lagu wargaliyay in howshii Idaacadda la joojiyay.

Idaacaddan oo  ka duwan kuwa sida gaarka loo lee yahay ee ku yaala Muqdisho, ayaa waxaa maamusha hey’adda xuquuqda aadanaha ee INXA, waxaana maalgaliya hey’ad laha lee yahay dalka Norway sida ay lee yihiin shaqaaladaha xuquuqda ay ka maqan tahay.

Shaqaalaha ayaa kuu dooddaya in lacagtooda ay cuneen maamulka hey’adda INXA waayo waxa ay lee yihiin muddada sagaalka bil waxaa naloo sheegayay in lacagta la isku dari doono oo qof walba hal mar la siin doono wixii xuquuq ee uu lahaa.

Ma ahan Idaacadan oo kaliye, kuwa ku tunta xuquuqda shaqaalaha wariyaasha, badanaa Idaacaddaha sida gaarka loo lee yahay ee dalka ku yaala ayaa shaqooyin badan u dira qofka wariyaha, waxaana la sii yaa mushaar yer mararka qaarna waa loo diddaa ama waa ay ka daahdaa.

Wariyaasha ka howlgala Muqdisho waa kuwa u badan dhallinyaro,waxaana ay da’dooda u dhexeesaa 18 ilaa 20-sano ma heestaan aqoon ku filan, balse waa kuwa hami u haya xirfada saxaafadda.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu khatarta badan aduunka oo ay ka howgalaan suxufiyiinta Soomaaliya, sannadkii la soo dhaafay 18-suxufi ayaa lagu dilay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Beel ka soo horjeestay guddi loo xulay shirka dib-u-hushiisiinta Jubbooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo wax-garadka beelaha Biimaal ayaa si weyn uga soo horjeestay guddi dhawaan xukuumada Soomaaliya ay u magacowday qabanqaabada shirka dib u-heshiisiinta beelaha Jubbooyinka oo bisha soo socota ka dhacaya Muqdisho.

Odayaasha iyo wax-garadka Biimaal ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho, waxa ay dowladda ku eedeeyeen in ay indhaha iska tireyso awooda beesha Biimaal oo ka mid ah beelaha Dir isla markaa dagga qaybo badan oo ah gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Qaar ka mid ah odayaasha beeshaas ayaa dowladda ku eedeeyay in si ka fiirsi la’aan ay ugu dhawaaqeen guddigaas, waxaana ay sheegeen in marka loo eego qaabka loo xulay guddigaas laga tagay uun beesha Biimaal.

Waxa ay ku baaqeen in dib loo eego guddigan ka hor inta aan la qaban shirka dib-u-heshiisiinta, haddii kalena wixii ka yimaada ay madaxa saaran doonto dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, odayaashan ayaa si kulul u weeraray wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya, kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay wax ka qaban weysay kooxaha jidgooyooyinka sharci darada u taalo deegannada gobalka Shabeellaha Hoose.

Waxa ay amaaneen wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, kuwaasoo ay sheegeen in dhex-dhexaadin ka bilaabeen beelaha ku dagaalamaya gobalka Shabellaha Hoose.

Dhawaan ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha waxaa lagu magacaabay guddi soo qaban qaabiya shirka dib-u-heshiisiinta, kaasoo wajigiisa koobaad uu ka dhacayo Muqdisho halka wajiga labaadna uu ka dhacayo Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

VIDEO: Sidaan ma ku Ogeyd Xiliga Habeenkii Magaalada Muqdisho?

Caasimada Online:  Shacabka ku nool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo 16 degmo ee Magaalada isaga yimaado ayaa habeenkii u soo doonta Kafe bartamaha Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayagoo aan wax walwal ah qabin.

Arinta farxada ah waxey tahay in Shacabka uu ka hadlayo Dareenkooda dhanka habenkii iyo sida ay Magaalada u shidan tahay waxeyna ka hadlayaan sida ay u arkaan isbadalka haatan ka dhacay magaaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Sirdoonka UK oo shaaciyey sir ay ka hayeen Somalia tan iyo 1960-kii (Aqri)

0

London (Caasimada Online) – Qoraal xasaasi ah oo taariikhi ah oo ay horey u diyaariyeen Sirdoonka Ingiriiska bilo kahor markii Soomaaliya xoriyada qaadatay ee 1960kii ayaa markii ugu horeysay loo shaaciyey shacabka dalka Ingiriiska.

Qoraaladan ayaa waxaa kamid ahaa xog aruurin ay sirdoonka Ingiriiska 1960kii ka sameeyeen wadanka Soomaaliya iyo waxa la filayey kadib marka Soomaaliya xoriyada qaadato.

Warbixintan ayaa waxyaabaha lagu qoray kamid ahaa “..Midnimada Soomaaliya oo mid aan cago adag ku taagneyn, bulshada Soomaaliyeedna waa kuwo aan wadaniyiin ahayn balse taageerada ugu weyn u haya Qabaa’ilkooda iyo reerahooda…”

Qoraalkan sirta ah ee la qoray 1960kii waxaa diyaariyey guddiga Guddiga Sare ee Sirdoonka Ingiriiska [the joint intelligence committee] waxayna sanadkii 1960kii kasii digeen in dalka Soomaaliya la filayo inay ka dhacaan dagaalo sokeeyo oo qabaa’il salka ku haya.
“…Walow midnimada Soomaaliya ay jirto “Qiiro” xoogleh oo loo qabo, hase yeeshee Soomaalidu waxay wax walba ka hormariyaan Qabiilka iyo Danaha reerahooda…”

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Beelaha Soomaalida sida Daaroodka, Hawiya iyo Digil-Rahanweyn ay yihiin kuwo awoodleh, waxaana dhici karta in qaar kamid ah beelahan ay dagaal u horseedaan dalka Soomaaliya.

The report noted three key tribal groupings, the Hawiye, the Darod and the Digil-Rahanweyn.

“The posssibility should not, however, be discounted that one of the three groups might resort to violence, and that Somalia might lapse into anarchy and tribal warfare.”

Waxaa sidoo kale qoraalkaasi la shaaciyey ku qornaa in dowlada ka dhalan doonta Soomaaliya la filayey xiligaasi inay qaadato Siyaasada ah Soomaali-Weyn ama Wadaniyad, marka loo bar bardhigo maalmulkii xiligaasi jiray.

“Any successor Government would be likely to be more nationalistic in character than the existing regime,” the report noted.

Qoraalada sirdoonka Reer Galbeedka ayaa waxaa inta badan la shaaciyaa marka wakhti dheer laga soo wareego, waxaana inta badan sharciyada wadamada Qaarkood u yaal ay tahay in qoraalada la qoray 50 sano kahor ee sirta u ahaa in shacabka loo shaacin karo, balse waxaa qoraaladaasi la mariyaa kahor intaan la shaacin tafaftir xoogan.

Kaydka qaranka (National Archive) ee dalka Ingiriiska ayaa ah goobta xaquuqda loo siiyo keydinta xogta ay gadaal ka shaaciyaan hay’adaha dowlada sida sirdoonka.

Isha: HM

XOG & GORFEYN: Madaxweyne Xasan & Jawaar oo uu khilaaf ka dhex curtay

0

27 Bishii Agoosto ee Sannadkaan ayaa Magaaladda Adis-Ababa waxaa Heshiis ku kala Saxiixey Maamulkii Axmed Madoobe iyo Dowladda Fedeeraalka taasoo Dowladu Sheegtey in lagu soo Afjareyo Colaad Muddo ka taagneyd Magaaladda Kismaayo , hase yeeshee Heshiiskaa waxaa markiiba ka Hor yimid inta badan Beelaha Degga Gobolada Jubooyinka iyagoo Sheegey in Heshiiskaas uu ahaa mid aan lagala tashan Dadka Deegaanka sidoo kale waxaa Heshiiskaas ka Horyimid Beelaha Digil iyo Mirifle oo Odoyaashoodu oo ay Sheegeen in Dowlada ay Heshiis kula gashey Deegaan ay leeyihiin Qowmiyadaasi Digil iyo Mirifle.

Odayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa Kulan Deg Deg ah isugu yimaadeen Magaaladda Baydhabo waxayna si Cad u sheegeen in ay Kalsoonidii kala laabteen Dowladda Federaalka waxayna Xldhibaanadda iyo Wasiirada Beelaha Digil Mirifle ku jira Dowladda u soo jeediyeen in ay Deg Deg ku soo gaaraan Magaalada Baydhabo si looga arrinsado Heshiiskii ay wada gaareen Dowlaada Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe waxayna Sheegeen in Heshiiskaas wax badan oo Xaquuqa oo ay lahaayeen Beelaha Digil iyo Mirifle lagu Duusiiyey, waxaana Magaaladda Baydhabo lagu qabtey Banaanbax Looga soo horjeedo Heshiiskii Magaaladda Adis-Ababa.
Codsigii ka soo yeerey Odoyaasha Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxaa u Hogaasamey inta badan Xildhibaanadii iyo Wasiiradii Dowladda Federaalka ku lahaayeen waxaana Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay gaareen Magaaladda Bayadhabo halkaas oo ay si weyn ugu soo Dhaweeyeen Odoyaasha ,Waxgaradka & Maamulka Gobolka isagoo mar la hadlayey Dadkii soo dhaweeyey ayaa yiri “Waxaa Farxad noo ah inagoo isku Duuban in aan soo hor Fariisano Odayaasha Dhaqanka ee soo Xulay Xidhibaanada iyo Wasiiradda waxaana Muhiim ah n Odayaasha Dhaqanku ay yihiin kuwa iska leh go’aanka ugu Dambeeya”
Dhowr Maamlmood oo uu joogey Ku Simaha Madaxweynaha Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari Magaaladda Baydhabo ayaa waxaa Odoyaasha iyo Masuuliyiintoii Dowladda ay si Wadajir ah u soo saareen Qodobadaan 1. In la dhiso Dawlad G oboleed ka kooban lix da Gobol l kuwaasoo kala ah : Shabeeladda Hoose Jubada Hoose, Jubadda Dhexe , Bay, Bokool iyo Gedo. sida ugu Dhaqsiyaha badana loo Dardar galiyo Dhisida Dawlad Goboleed ka Koonfur Galbeed .
2. In Heshiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay la gashay Ergadda ka socotay Kismaayo ee ay kula gashay Magaalada Add is Ababa Bishii Ago osto 2 7 , 2013 uu yahay mid Xaaraan ah oo aan la aqbali Karin, kaasoo ah mid aan Waafaqsaneyn Dastuurka iyo Shuruucda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, isla markaana Xuquuq – Duudsi Bareer ku ah Shacbiga Deegaanada Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Sidaa daraadeedna si toos ah loo diido Xukuumaddana lagula Taliyo in ay dib ugu fiirsato.
3. In Beesha Caalamka iyo Dowldaha Deriska ah ee Goobjooga ka ahaa Gorgortanka Heshiiskan kor ku xusan waxaa laga codsanayaa iney fiiro gaar ah u yeeshaan Baaqa Qowmiyadan iyo iney Dib u eegis ugu noqdaan Heshiiskan oo aan ka Turjumeynin Xuquuqda Dadka Deegaanka.
Warar aan a helney Rag SIiyaasiyiin ah oo ku Dhow Madaxtooyada waxay in sheegeen in Heshiiskii ka dhacay Magaaadda Adis-Ababa ee u dhaxeeyey Dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe uu Khilaaf ku dhex Abuurey Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyadoo inta uusan u Ambabiixin Mudane Jawaari Magaalada Baydhabo uu Madaxweynaha uu ka Codsadey Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu sii joogo Magaalada Muqdisho inta uu ka soo laabanayo , waxayna Siyaasiyiintaas ay sheegeen in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu diidey isagoo si cad Jawaari u sheegey in ay u Hogaansamayaan Amarka Odayaasha
Ku Simaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa Warar aan ka helney Siyaasiin ku Dhaw Dhaw Madaxtooyada wuxuu Warqad u direy Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud taasoo ku saabsan sida ay uga soo horjeedaan Heshiiskii Magaaladda Adis-Abab ee Dhex marey Dowladda Federalkaa iyo Maamulka Axmed Madoobe isagoo Warqadiisa ku sheegey in Heshiiskaas uu ahaa mid dad gaar ah Heshiis ku gaareen islamarkaan waxaa lagu sheegey Qoraalkaas in ay u Hogaansamyaan Qododbadii sida Wadajirka Baydhabo uga soo saareen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle kaasoo Nuxurkiisu ahaa in laga soo Horjeesto Heshiiskii Adis-Ababa islamarkaana Lix Gobol loo sameeyo Maamul Goboleed la Magac baxay Koonfur Galbeed taasoo la sheegey in Madaxweyne Xasan Shiikh uu ka Caroodo.
Isku soo duuboo Qayla Dhaantu keliya kama eka Odoyaasha Dhaqanka ee Beelaha Digil Mirifle waxay taas mid la mid ah ka soo yeertey Dadka Degan Gobolada Jubooyinka iyo Gado waxayna Heshiiskaas ku Tilmaameen mid Cadaaladarro ah oo Xaquuqdoodii lagu Duusiiyey inta badan Beelaha Dega Goboladda Jubbiyinka hase yeeshee Khilaafka la sheegeyn in uu u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la ogeyn halka uu ku Dambeyn Doono  walow hadii garguurte dantiisa kasi waayo ay u badan tahay in dowlada ayada oo dhan la rido laakiin madaxweynaha ayaa ku fekeraya in ciidanka dowlada la geeyo oo ay xoog ku tagaan ilaa Bu-aale kadib Axmed Madoobe uu yiraahdo WAAN KA BAXAUY HESHIISKII EE XAGEED HEYSATAA OO AAN KUGULA GORGORTAMAA.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahn tan Caasimada Online

DHAGEYSO: Somalia iyo Turkey-ga oo saxiixday heshiis lagu farxo + Sawirro

0

Istanbul (Caasimada Online) Magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga waxaa Jimcihii shaley ka dhacay heshiis muhiim ah oo ay kala saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen wasaaradaha Arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Turkiga, waxaa goobjoog ka kala ahaa ra’iisal wasaarayaasha Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in heshiiskan uu la xiriiro siddii wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ay uga caawin lahayd wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya dhinaca is-gaarsiinta iyo Farsamada casriga ee (Tiknoolajiyada).

Wasiiro-dowlaha ayaa muujiyay in Turkiga uu ka caawin doono wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya siddii ay xiriir toos ah u sameen lahaayeen safaaradaha Soomaalida ee ku yaala caalamka.

Waxaana marka hore la sheegay in mashruucan lagu billaabi doono 10-safaaradood oo ku yaala caalamka kuwaasoo la isku xiri doono wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Sido kale, wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya Mr. Gacal ayaa sheegay in la soo nooleen doono Machadkii lagu tabbabari jiray shaqaalaha wasaaradda iyo diblomaasiyiinta.

Wuxuu tilmaamay in Turkiga uu tabbabar siin doono shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo kuwa ka shaqeeya safaaradaha Soomaalida ee caalamka.

Si kastaba, heshiiskan ayaa yimid iyadoo dalkaas ay booqasho ku joogaan wafdi uu hogggaaminaayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdifaarax Shirdoon Saacid.

Si la mid ah bishii December sannadkii hore ayaa wasaaradaha gaashandhigga Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay Istanbul ku kala saxiixdeen heshiis dhinaca ciidamada, waxaana halkaas booqasho ku joogay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkan dhageyso Wareysiga Gacal

Sawirrada

OLYMPUS DIGITAL CAMERAsomalia yo turkey 2somalia yo turkey 3somalia yo turkey 5somalia yo turkey 4somalia yo turkey 6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Ciidanka KENYA oo howgallo billaabay iyo Soomaalidii oo ka bara kaceysa…

0

Mandheera (Caasimada Online) Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobalka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan howlgalo ay wadaan ciidamada ammaanka Kenya.

Howlgalka ayaa xiriir la leh markii weerar lagu qaaday saldhig ciidan oo halkaas ku yaala, waxaana ciidamada ammaanka ay qab-qabteen dhowr qof.

Habeenkii xaley waxaa magaalada laga maqlayay rasaas xooggan oo ay ridayaan ciidamada ammaanka Kenya.

Ciidamada ayaa saakay oo Sabti ah xaafadaha ku yaala magaalada Mandheera gurguri u galaya, waxaana ay raadinayaan kooxaha ammaanka lidka ku ah.

Waxaana arrintaas ay saameen ku yeelatay isku socodka dadka iyo gaadid ee gudaha magaalada, Dadka ayaa cabsanaya oo waxa ay ku sugan yihiin guryahooda.

Wariyaasha ku sugan magaalada ayaa sheegay in dhallinyaro badan oo ku noolaa magaalada ay bilaabeen in ay ka barakacaan guryahooda, ayaga oo ka cabsanaya in argagixiso ahaan loo xiro.

Si kastaba, waxaa heegan la galiyay ciidamada dhammaan magaalooyinka dalka Kenya wixii ka dambeeyay weerarkii bilowgii toddobaadkii hore ka dhacay xarunta ganacsiga Westgate ee Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Ilaalada Hormuud oo qof rayid ah ku toogtay xaafadda Sanco

0

Muqdisho (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya isgoyska sanca ee degmada KAARAAN ayaa sheegaya in ilaalada shirkada isgaarsiinta Hormuud ay halkaasi ku dileen ay sheegeen inuu doonayay inuu si qasab ah gudaha ugu galo.

Mid ka mid ah ilaalada Shirkada oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in ruuxa ay dileen uu lebisnaa dhar cadi ah isla-markaana uu watay qoray taas oo sida uu sheegay shaki xoogan ku abuurtay , waxaana uu tilmaamay inuu doonayay inuu gudaha u gudbo .

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inay ku amren in qoriga uu reebo hadii uu doonayo inuu gudaha u tilabo balse uu ka dhago adeegay waxaana uu shaaciyay inuu hanjabaad u jeediyay sida uu shaaca ka qaaday .

“ Waxaanu ku dhahnay iska reeb qoriga hadii aad gudaha dooneyso balse wuxuu noogu jawaabay waan idin qaan adinkoo kale Caloosha ayaad u weyntihiin laakiin waan idiin gaabinayaan kadibna wuxuu isku dayay qasab inuu ku gudbo sidaas ayayna ku dhacday in halkaas lagu dilo” ayuu yiri ruuxan shirkaa u hadlay .

Waa markii ugu horeysay oo dhacdo nuucani ah ay ka dhaco muqdisho ,waxaana jira nag badan oo aan wadan dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya oo xiliyada qaar iyagoo hubeyan dhex mushaaxaya magaalada .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada @live.com

Fadeexad ka dhalatay socdaalkii R/W Saacid oo gilgishay Jaaliyadda Z/Land

0

Waxaa dhowaan booqasho ku tegay magaalada  Geneva ee waddanka Zwitzeland wafdi uu hogaaminayey R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo ay ku jiraan Wasiiro, Xildhibaano & diblumaasiyiin, waxaana ujeedka socdaalka wafdigu ahaa,  ka qeybgalka shir caalami ah oo looga hadlayey daryeelka xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Jaaliyadda Soomaalida ee magaalooyinka waddankaasi, ayaa si weyn isugu diyaariyey in ay soo dhoweyn u sameeyeen wafdiga R/wasaaraha, marka uu dhammeysto shirka Geneve, hasse ahaatee waxaa qorshahaasi hor istaag ku sameeyey  Yuusuf Ismaaciil oo loo yaqaan (Yuusuf Bari Bari), oo horay uga tirsanaa Afhayeenadii Cabdullaahi Yuusuf, kuna magacownaa xilka Ergayga dowladda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda aadanaha.

Cabdullaahi Cali Faarax oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida, oo shalay saxaafadda la hadlayey ayaa sharaxay sida ay isu seegeen wafdiga R/wasaaraha  & Jaaliyadda, waxaana uu xusay in Yuusuf Bari-Bari ku guuleystay qorshihii uu ku taamayey ee ahaa in aaney is arag oo   wax kulamo ah  yeelan Jaaliyada & R/wasaaraha, in ay sidaa wax u dhacaanna wuxuu eedeeda dusha ka saaray Jaaliyadda oo aan ka dhiidhiinin hab dhaqanka qabyaaladeed ee Yuusuf bari-bari iyo R/wasaaraha oo fududeystay in uu arrinta wax ka qabto inta ay goori-goor tahay.

“Intii aanu wafdigu imaan Magaalada Geneva, waxa ay Jaaliyada Soomaalida ee magaaladaasi degan  shir la qaateen Yuusuf baribari oo uu la soo xiriiray Axmed Cali oo horay uga tirsanaa Jaaliyadda Zwitzerland, haatanna u qaabilsan  Xafiiska R/wasaaraha (Protocol-ka). Bari-bari  wuxuu ka aqbalay in R/wasaaraha aan loo kala harin soo dhoweyntiisa, annagu markii aan u tagnayna si toos ah oo aan leexleexad laheyn ayuu inoogu yiri  aniga shaqo kuma lihi haddii soo dhoweyn loo sameynayo R/wasaaraha, Jaaliyaddu waxey isu xilsaareen in ay is abaabusho, kadibna wuxuu isbaaro dhigtay hoteeladii” ayuu yiri Cabdulaahi Cali Faarax wuxuuna intaa ku daray in wafdiga R/wasaaraha uu ka soo hormaray Cali yare oo Xafiiska Raysul wasaaraha u qaabilsan abaabulka & kicinta, markii uu howshiisa guda galayna uu dareemay in Yuusuf bari-bari uu xagal-daacin ku sameynayo qorshaha is araaga Jaaliyadda & R/wasaaraha.

“Baribari wuxuu adeejiyey  2 nin oo ay qaraabo yihiin oo u soo diray dhammaan hoteeladii uu is lahaa Jaaliyadu waxey ka kireysan karaan hool ay R/wasaaruhu ku qaabilaan, waxeyna ku yiraahdeen milkiilayaashii hoteelada waad ogtihiin balaayada maalmahan Nairobi  (Westgate mall)  ka socota, R/wasaaruhu na waa nin (target) ah in cadow na soo weeraro ayaa dhici karta, marka waa in aydnaan hoteeladiina ka kireyn R/wasaaraha,  hoteeladii ayuu uga dhigay R/wasaaraha nin  la raadsanaayo, waxaana ay rumeysteen beentiisa” ayuu yiri Cabdulaahi,  wuxuuna intaa ku daray in xittaa Raysul wasaaraha & Madaxweynuhu ay ka wadahadleen dibin-daabyada uu maleegayo Barbari, ayna isku afgarteen in Jaaliyadda Soomaalida laga hor-wareejiyo.

`Halkan safiir ma joogo, Yuusuf Baribari wuxuu ahaa ergay,  R/wasaaraha bacdamaa ay aheyd safarkiisii ugu horreeyey ee Yurub uu ku yimid, runtii ahmiyaddii ay laheyd inuu siiyo safarkan weliba dhinaca la kulanka Jaaliyadaha Soomaalida, mana aanu siin, waxaan dhihi karaa wuu fududeystay, laakiin wuu jaclaa inuu la kulmo“ ayuu yiri Cabdullaahi, wuxuuna xusay in barbari ku haboon yahay inuu xil u qabto Puntland ee aanu ku habooneyn xil Qaran,  maadaama hab-dhaqanka ay ka arkayaan Jaaliyadu ay tahay hab dhaqan beeleed.

“Bari-bari sow ma ahan ninkii 2002-dii xilligii uu Cabdullaahi Yuusuf madaxda ka ahaa Puntland dhalinyaro tahriibiyaal ah Gaalkacyo inta ku qabtay, madaxana ka xiiray  taleefishin Talyaani ah ku yiri waa argagixiso, arrinta kale ee Soomaalidu in ay ku baraarugto loo baahan yahay waxey tahay waxaa jirta oo caddeynteedana la hayaa  isagoo ka soo dhexmuuqday xilligii 1991-dii dagaaladii sokeeye bari-bari  oo    dad meyd ah ku kor taagan, ninkaas maxaan ka filan karaa.? isagii ayaa la yiri maanta dowladda Soomaaliy ayuu wakiil uga yahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, qofkii ummadda in lag qabto ay aheyd ayaa la yiri halkii lagu dacweyn lahaa isaga madax ha looga dhigo”  ayuu yiri Cabdullaahi wuxuuna intaa ku daray;

“Yaan lala yaabin ninkaan waa la yaqaan qofka uu yahay, haddii aaney Jaaliyaddu meel uga soo wada jeesan waxaas iyo wax ka liita ayaa laga filan karaa”

Cabdulaahi wuxuu sheegay in sida keliya ee ay wax uga qaban karaan Jaaliyadu in ay tahay in iyaga oo mideysan dareenkooda ku muujiyaan in aaney dooneyn, sababtuna ay tahay in aanu Soomaali wakiil u aheyn ee uu wakiil u yahay beeshiisa.

W/Q: Sucaado Cali Jaabiri Geneva Switzerland

E-mail: [email protected]

XOG: Hey’adda sirdoonka somalia oo saraakiil hor leh kala baxday saldhig ku yaalla magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa caawa sii deysay war ku saabsan in hey’adda nabad-sugida Soomaaliya ay maanta soo xirtay saraakiil iyo askari ka tirsan ciidanka Asluubta.

Saraakiisha la xiray ayaa waxaa ka mid ah nin magaciisa lagu soo gaabiyay Timacadde, wuxuuna ka mid ah kal-kaliyaasha caafimaadka ee Xabsiga dhexe.

Sidoo kale, waxa ay hey’adda nabad-sugida soo xirtay Kabtan ka tirsan ciidanka asluubta, sida ay sheegtay Idaacadda saraakiishan ayaa lagu eedeeyay sii deenta nin maxbuus ahaa oo lagu eedeeyay in uu dili rabayabaanduulihii ciidanka millitariga Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhagga-badan).

Ninkan ayaa la sheegay in si dhuumaaleysi ah looga sii daayay xabsiga dhexe, waxaana la sheegay in sii deentiisa ay door ku lahaayeen saraakiil ciidan oo la siiyay lacago laaluush ah.

Waxaa horey ay hey’adda nabad-sugida u soo xirtay taliyihii ciidamada asluubta iyo lix askari oo kale, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay door ku lahaayeen siideenta ninka oo ku xukunaa dil.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Puntland oo dib uga laabatay go’aan horey ay u qaadatay oo ay….

0

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa maanta oo Jimco ah dib uga noqday go’aan hore oo uu qaatay islamarkaana dib shaqadooda ugu oggolaaday seddax idaacadood kuwaasoo lix bil ka hor shaqada laga joojiyay.

War-qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta ee maamulka Puntland oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay xafiiska Caasimada Online ee Garoowe ayaa lagu sheegay in ujeeddada hadda loo fasaxay saddexda idaacadood ay tahay in idaacadaha ka shaqeeya deegaannada maamulka Puntland ay ka helaan waaya-aragnimo, biseyl howl-aqooneed iyo iskaashi, si loo gaaro horumar dhinaca warbaahinta ah.

Sidoo kale, warka qoraalka ayaa wasaaradda waxa ay ku wargalisay milkiilayaasha idaacadaha ku yaalla Puntland inay diiwaangeliyaan idaacadaha aan xarumaha ku laheyn gudaha Puntland kuwaasoo doonaya in ay ka shaqeeyaan.

Si kastaba, lix bil ka hor ayaa maamulka Puntland wuxuu shaqada ka joojiyay Idaacadaha Bar-kulan, Ergo iyo Hirad, kaddib markii ay wasaaradda warfaafinta ay sheegtay inaysan heysan ruqsad shaqo.

Puntland waxa ay ka mid tahay deegannada ay saxaafadda kala kulmaan caburin dhowr jeer oo hore ayaa la xiray xarumi idaacado iyo wariyaal.

Wariyaal badan oo ka howgali jiray Puntland ayaa dalka isaga tagay qaar badan waxa ay aadeen waddamada caalamka sida Kenya kuwa kalena waxa ay hadda ka shaqeeyaan Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Dhageyso: 83 Sano jir xiligan billaabay barashada qur’aanka kariimka, Sabab?

0

Hargeisa (Caasimada Online) In wax la bartaa kuma xirna Da’da Qofka ,hayeeshee waxay ku xiiran tahay qaabka Qofka tacliinta raadinaya uu u wajaho , isla markaana uu ugu dadaalo, dulqaadna uu ugu sameeyo .

Arintaas waxaa marqaati ka ah Xasan Cismaaciil Maxamed  oo ah Oday Da’ah balse xilligan baranaya Qur’aanka Kariimka kadib  markii sida uu sheegay Caruurnimadiisi uusan ka faa’iideysan.

Da’diisu wuxuu ku sheegay 83 Sano  waxaana iminka uu dadaal xoogan ugu jiraa sidii uu uga guul gaari lahaa barashada Qur’aanka Kariimka iyo culmta islaamka sida uu shaaca ka qaaday .

Xasan Cusmaan ayaa ku nool magaalada Hargeysa waxaana wax uu ka bartaa dugsi Qur’aan Jiingad kasameysan oo halkaasi ku yaala, waxaana ay wax isla bartaan Arday aad u da’yar kuwaas oo la iigu sheegay inay Da’doodu u dhxeyso 4 sano jir ilaa 15 Sano jir.

Xasan wuxuu sheegay inyy Faa’iidey wax badan tan iyo markii uu bilaabay barashad Qur’aanka Kariimka oo uu sheegay in markii hore si Aqris ah uun uu ku baran jirat balse iminka uu loox ku qurto isla markaana wax badan uu iska dareemay .

Isagoo warbaahinta lahadyaya ayuu sheegay in markii hore xitaa bilowga qur’aanka uu dhib ku ahaa balse iminka uu yahay mid waxbadan fahmay imbadana Qur’aanka ka garanaya taasna uu ilaah uga mahad celinayo .

Arintan ayaa Tusaale waxay u noqoneysaa inaab laga waayeeloobin waxbarashada balse ay ku qiran yahay Qof waliba iyo dadaalkiisa  iyo waliba sida uu uwajaho Culeesaadka noloshiisa .

Halkaan ka dhageyso Warbixin ku aadan arintan

warbixin dugsi qur’aan

Caasimada online

Xafiiska Hargaisa

[email protected]

Beesha Daguuro oo eedeysay Wasiiru dowlaha arrimaha dibeda DF Somalia

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay kulan balaaran oo ay ka soo galeen qeybaha kala duwan ee Beesha Daguuro sida waxgarad, aqoonyahano dhalinyaro iyo qaar kale, waxaana kulankaas looga soo horjeeday wasiiru dowlaha arrimaha dibeda Somalia Maxamed Nuur Gacal.

Beesha Daguuro oo ka mid ah beelaha Murusade ayaa kulankooda waxay maanta diirada ku saareen cadaalad daro ay ka tirsanayaan wasiiru dowlaha arrimaha dibeda Somalia oo ay ku eedeeyeen inuu fara gelin iyo khas ka dhex wado maamulka degmada Dayniile.

Waxaa kulankaas ka hadlay waxgarad kala gedisan oo ay ka mid ahaayeen, Saciid Mire Maxamed, Xasan Raage Koojaan, C/llaahi Casir Kulmiye, Maxamed Joodax Cali iyo qaar kale.

Waxgaradkan ayaa waxay sheegeen in beesha ay metelaan ee Daguuro ay tirsaneyso cadaalad daro ka dib markii la duudsiiyey xilka xoghayaha maamulka degmada Dayniile oo ay iyagu xaq u lahaayeen taasoo la siiyey bay yiraahdeen beel kale.

Odayaasha ka hadlay kulanka ayaa sheegay in arintaas uu ka dambeeyo wasiiru dowlaha arrimaha dibeda Somalia Maxamed Nuur Gacal oo ay sheegeen inuu ka shaqeeyey xubintii beesha Daguuro in loo magacaabo qof beeshiisa ka tirsan isagoo adeegsanaya awooda xilka dowladnimo ee uu hayo.

Qaar ka mid ah odayaashan ayaa sheegay in beesha wasiiru dowlaha ay horey u qaadatay xubnaha kale ee maamulka degmada Dayniile ayna ku darsatay xubintii ay laheyd beesha Daguuro, iyagoo isweydiiyey waxaa wasiirka faraha u geliyey maamul sameynta degmada dayniile maadaama arintaas ay shaqo ku leeyihiin wasaarada arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banadair.

“Arintan cadaalad darada ah ee uu sameeyey Maxamed Nuur Gacal waa mid cadaalad daro ah oo la doonayo in la isaga horkeeno dagaal iyo fitno aan loo baahneyna looga dhex abuuro beelaha Murusade” ayuu yiri Saciid Mire Maxamed oo ka mid ahasa waxgaradkii ka hadlay kulankaas oo ka codsaday dowlada Somalia iney soo fara geliso waxna ka qabato cadaalad darada beeshooda lagu sameeyey.