Sawir: Somali geeriyooday isaga oo u dagaalamaya mucaaradka Syria
Toronto (Caasimada Online) – Wiil Soomaaliyeed oo haysta dhalashada dalka Canada ayaa ku dhintay dagaalada Siiriya xili uu ka barbar dagaalamayay kooxaha mucaaradka.
Wiilkaan oo lagu magacaabo Cali Maxamed Diiriye ayaa waxaa geeridiisa Warbaahinta dalka u xaqiijiyay dowladda Canada, iyadoo ay sidoo kale sheegtay in wiilkaani uu hore uga mid ahaa dhalinyaro hore isugu dayday in ay weeraro ka geysato dalka Canada, kuwaasoo loogu magac daray “Toronto 18” maadaama ay ahaayeen 18 dhalinyaro Muslimiin ah.

Wiilkaani ayaa sidoo kale waxaa lagu qabtay xuduuda Canada iyo Mareykanka xili uu Canada soo gelinayay hub sharci daro ah, iyadoo xiligaasi xabsi la dhigay lana sii daayay sanadkii 2011-kii wixii ka danbeeyay wuxuu u wareegay dalka Siiriya.
Dowladda Canada ayaa dhalinyaro ku qiyaastay 100 dhalinyaro oo da’doodu u dhaxeyso 20 ilaa 27 sano jir ay u soo safreen dalka Siiriya si ay ugu barbar dagaalamaan kooxaha mucaaradka oo qaab Islaami ku dagaalamaya.
Horay waxaa magaalada Dimishiq ku lagu dilay Labo wiil dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaasi oo garab siinayay mucaaradka.
Caasimada Online
Xafiiska Toronto
RW Saacid: Waan aamini waayey wixii la iigu sheegay shirkii Switzerland
Geneva (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdifaarax Shirdoon Saacid oo hadda isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay ku sugan yihiin dalka Turkiga ayaa sheegay in xukuumadiisa ay wax badan ka qabatay ku xad-gudubka dhinaca aadana ee laga soo wariyo Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in shirkii looga hadlaayay xuquuqda aadanaha ee ka dhacay Geneva in si weyn halkaas dowladda Soomaaliya loogu amaanay.
Wuxuu sheegay in dowladda ay shirkaas la tagtay rikoor fiican oo ah xagga horrumarinta xuquuqda aadanaha isla markaa lagu amaanay.
“Rikoor fiican ayaan la tagnay shirka Geneva, si fiican ayaa naloo dhageestay, waxa ay muujiyeen madaxdii ka soo qaybgashay in Soomaaliya ay heer fiican ka joogto dhanka xuquuqda aadanaha” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.
“Waan aamini waayey wixii la iigu sheegay shirkii Switzerland iyo sida na loogu amaanay xuquuqda aadamaha” ayuu yiri
Ra’iisal wasaaraha ayaa wax laga weydiiyay wax yaabaha ay ka qaybteen cadaalada ama garsoorka.
Wuxuu sheegay in shirkii Geneva ka dhacay xubnaha hoggaaminayay uu ku jiray wasiirka garsoorka xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Abyaan Nuur.
Ra’iisal wasaaraha ayaa ku celceliyay in dowladda ay Muqdisho ku qabatay shir looga hadlaayo siddii loo tayeen lahaa garsoorka dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in qoddobadii ka soo baxay shirkaas qaar ka mid ah la dhaqangaliyay.
Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in wasaaradda garsoorka ay ka mid tahay wasaaradaha sida weyn loola soo socdo dhaqdhaqaaqeeda isla markaa dowladda ay u taageerto.
Si kastaba, dhowr jeer oo hore ayaa la sheegay in goobaha ay maamusho dowladda ka dhacaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana ka mid ahaa warbixin dhawaan ay soo saartay hey’adda HRW, kuwaasoo dowladda ku eedeeyay in ay si qasab ah uga barakicisay dhismooyinka dowladda.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
Sheekadii ugu xiisaha badneed Jaceyl iyo Maseer oo ka dhacday BOORAMA
Boorama (Caasimada Online) – Wiil ku nool Borama ayaa ku dhiiraday sheekadii ugu xiisaha badneed kadib markii ay wajaheen Jaceyl iyo Maseer isbaheystay.
Sheekadaan xiisaha badan oo Wariye Omar AlBashiir ka soo diray Borama waxay ku bilaabatay sidaan:-
Wiil ayaa gabadh si kal iyo laaba u caashaqay,kaba sii darane sheekadu waxay aheyd habeen iyo maalin laakiin bilooyin macaan badan kadib ayey gabadhii isbarteen wiil afmiishaara oo ku xeeldheer haasawaha jaceyl iyo sida hablaha qalbigooda loo hanto.
Maalintii ay telefoonada kala qaateen habeenkeedii ayuu wiilkii gabadha hore ula socon jiray sidii caadada aheyd garaacay telefoonkii guriga ee lacag la’’aanta ahaa hasse yeeshee nasiibdaro laba saacadood wuxuu sheegayay mashquul.
Wiilkii oo garwaaqsaday in gacalisadiisa uu gacan gashay afmiishaarkii saacada ka hor la bartay wuxuu qaatay go-aan qosol badan oo qof ku nool Borama laga filan Karin inuu ku fikiro.
Wiilka jaceylkiisii afmiishaarka afduubtay wuxuu ku lebistay dharka ay ku shaqeeyaan qolada Shirkadaha Isgaarsiinta kadibna wuxuu istaagay daaqada gurigii gacalisadiisa ku nooleed”CAJIIB WUXUU MAQLAYAA GABADHII OO QOSOLKEEDA BAXAYA,SHEEKADA ADUUNKA KU JIRTA”
Markii uu xaqiiqsaday inay la hadleyso wiilkii ay baratay ayuu fuulay derbigii guriga ,wuxuuna jaray fiiladii telefoonka.
Wiilkii oo faraxsan ayaa dib ugu laabtay gurigiisa maadama uu afmiishaarkii iyo gacalisadiisii kala jaray haasawahii u socday hasse yeeshee taasi waxaa ka raacay weri iyo qoomamo.
Walaaca ugu weyn iyo shalaaytadiisu waxay noqotay inuu waayay meel uu kala xiriiro gabadhii maxaa yeelay habeenkaas waxay ahayd jimca,waxayna danta ku qasabtay inuu sugo ilaa sabtiga.
Wiilka wuxuu yiri “ HADII AAN ISKA SUGI LAHAA MASHQUULKA MAR UNBEEY KA BIXI LAHEYD LAAKIIN GO-AANKEEYGII WAXAA KA DHASHAY INAAN SUGO 48 SAACADOOD OO IIGA BADAN 48 SANO”
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Daawo Sawirro: Muuqaal cajiib ah oo garoonka Aadan Cadde yeelan doono
Muqdisho (Caasimada online) Shirkada dhawaan lagu warejiyay gacan ku heyta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxay soo bandhigtay naqshada qaab dhismeyda garoonka diyaradaha ay ka damacsan tahay inay u dhisto .
Shirkadan oo ah mid laga leeyahay dalka Turkiga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ayaa shaacisay in sida ugu dhaqisyaha badan ay dib u dhis balaaran ku sameyn doonto garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Arrintan ayaa timid kadib markii dhawaan si buuxda maareynta Garoonka diyaaradaha Muqdisho loo wakiishalay iyada lagana wareejiyay shirkad fadhigeedu uu aha dalka Koonfur Africa ee SKA .
Waxay soo bandhigtay Sawiro ay ku muujinayso Qaabka uu noqonayo garoonka kuwaas oo u muuqanayay kuwo aad u bilic wanaagsan, wasaaxe laga sugayaa in muddo Sedeed bilood ah ay la timaado is badal muuqdo sida heshiiska dowlada iyo shirkada uu ahaa .
Halkaan hoose ka daawo Sawirada Garoonka Diyaarada Muqdisho
Caasimada online
Xafiiska Muqdsho
Somali-American Community Center Condemns the Westgate Attack
Somali American Community Center, Inc
436-D N. Indian Creek Dr.
Clarkston, Ga. 30021
Tel. 404-296-1308. Fax. 404-296-1309
We, the Somali American Community Center, are horrified by the recent terrorist act at Westgate Mall in Nairobi, Kenya, which resulted in the destruction of innocent lives. We express our deepest sympathies and sorrow. In the strongest terms we condemn this act, which is against our values as Muslims, as Somalis, and as Americans.
The Somali community of Atlanta stands in solidarity with the Kenyan government and the people of Kenya in this hour of grief. We send our heartfelt condolences to the bereaved families and pray for full and speedy recovery for the injured.
The terrorist group behind this shameful act does not represent or speak for all Somalis, who are a peace-loving people. We reject this kind of terrorism, which is against our culture, our religion, and our way of life.
For many years Kenya has given refuge to Somali men, women, and children fleeing violence and persecution. We are very grateful to the Kenyan people for the humanitarian assistance and support that has been provided to Somali refugees in Kenya.
Again we send our deepest condolences to the victims, their families, and their loved ones, and we wish those injured a speedy recovery.
Sincerely,
Omar Shekhey
President of SACC
VIDEO: M/weyne Xasan oo la hadlay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ohio, USA
Caasimada Online: Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mahamud oo la hadlayay jaaliyada Soomaalida ku nool Wadanka Mareykanka gaar ahaan Gobolka Ohio.
Madaxweynaha ayaa jaaliyada kala hadlay arimo badan oo ku aadan xaalada dalka iyo sida ay muhiim u tahay in la helo daawada dalka oo ah Dowlad, Waxuu kaloo soo hadal qaaday Dowladii kacaanka iyo Dowladihii dalka soo maray.
Qudbada madaxweynaha oo arimo fara badan taabaneyso oo ay jaaliyadu si fican u dhageesteyn halkaan hoose ka daawo.
HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:
Dhageyso: Qorshe Saacid damacsan yahay oo la diiday iyo muran taagan
Kismaayo (Caasimada Online) Qaar ka mi d ah Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta maamulka Jubba ayaa waxay si cad uga soo hojeesteen hadal ra’iisul wasaare Saacida kasoo yeeray oo ku aadaa in dowlada Soomaaliya ay guddi u xilsaartay shir Shanta bisha soo aadan ka furmaya Muqdisho.
Ujeedka shirka oo ay dowlada Soomaaliya ku sheegtay in lagu heshiisiinayo beelaha dega gobolada jubbooyinka iyo Gedo isla markaana uu qeyb ka ahaa heshiis maamulka Jubba iyo dowladu ay kusoo wada gaareen magaalada adis ababa ee dalka Ethiopia.
Axmed Maxmed Abuukar (Axmed Ugaas) wuxuu ka mid yhay siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada jubbooyinka iyo gedo wuxuu sheegay in xilligan wax laga xumaado inay thay in dowlada Soomaaliya ay ka dhawaajiso inay sheegto in Shir-ka aayaha Jubbbooyinka iyo gado inu furmayo wajigiisii koowaad ee Muqdisho.
Wuxuu tilmaamay in shirkaas uu hore uga dhacay Muqdisho waxa la sugayayna uu ahaa inuu wajigiisii labaad uu ka bilowdo kismaayo balse aan la joogin meel uu shaaciyay in mar hore laga soo gudbay sida hadalka uu u dhigay .
“Inagu muqdisho sab umeynaan tagin,aroosna kagama aynan qeyb galeen,waxaan madaxweyneheyna u kexeynay waxay aheyd,ka qeyb galka shirka arimaha jubbooyinka iyo gedo,madaxda dowladnuna wey ogeed weyna nagu soo dhaweeyeen “ ayuu yiri Axmed Maxmed Abuukar (Axmed Ugaas)
Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “ masheegin hadii dowlada ujeedkeedu uu ahaa inay kaliya muuji inaan heshiis nahay maadaama dowlada lagu cadaadiyay in dhamaan maamulada dalka ay shirka Brussels kasoo qeyb galiyaan , marka waxaan moodayaa in markii horaba aan hishiiskaas daacad laga aheyn balse shirka uun nagula tagayay “
Shanta Bisha fooda nagu soo heyso waxaa lagu wadaa in Muqdisho wajigiisa koowaad inuu ka furmo shir looga hadlayo aayaha beelaha dega gobolada Jubbooyinka iyo Gado kaas oo ay gar wadeen ka tahay dowlada Soomaaliya.
Halkaan ka Dhageyso Codka Axmed Ugaas
Caasimada online
Xafiiska Kismaayo
Sawirro iyo Video: Madaxweyne Xasan oo la kulmay Clinton, Guul & Al Thaani
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shalay kulamo gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda caalamka. Madaxweyne Xasan ayaa la kulmay Madaxweynaha Turkiga Mudane Cabdulah Guul, Amiirka Qatar H.H. Sheikh Tamiim Bin Xamad Al Thaani iyo Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen guud ahaan amaanka Soomaaliya iyo Caalamka.
Madaxweynaha ayaa u mahad naqay Madaxweynaha Turkiga taakulaynta aan hagarta lahayn ee shacabka iyo Dowladda Turkigu ay siiyaan Soomaaliya “Soomaaliya marnaba Iloobi mayso walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen” wuxuu kaloo Madaxweynuhu dhigiisa u sheegay dhibaatooyinka Argagaxisadu ay ka wadaan Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale wuxuuna u sheegay baahida loo qabo in Amniga Soomaaliya kor loo qaado, si buuxdana loo tayeeyo hay’adaha Amniga ee Soomaaliya si loo gaaro nabad waarta oo ka siman dhamaan Bariga Afrika.
Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Turkiga
Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay Amiirka dowladda Qadar Amiir SH. Tamim Bin Hamad Al Thaani Wuxuuna u sheegay “Kooxaha argagixisada markii laga adkaado, waxay isku dayaan inay waxyeeleeyaan shacabka caam ahaan, Naf iyo Maal ahaanba, waxaana looga hortagi karaa dhisitaanka ciidamada xoogga dalka”
Amiirka ayaa sheegay in Dowladda Qatar aysana marnaba ka seexan doonin taageerada Soomaaliya ay u hayso, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Qatar ay sii wadi doonto la shaqaynata dowladda Soomaaliya.
Kulanka Hillary Clinton
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Hillary Clijnton, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Amniga, Waxbarashada iyo Dhaqaalaha Dalka.
Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri “Aqoonsiga dowladda Soomaaliya la aqoonsaday maanta waxaanu ku helnay taakulayn Bankiga Aduunka, Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF), Bankiga Horumarinta Afrika. Waxaanu Saxiixnay ayuu yiri madaxweynuhu Heshiiskii Cotonou. Soomaaliyana horay ayey u socotaa gadaalna eegi mayno”
Ugu danbeyn maalinta berri ah ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qudbad ka jeedin doonaa xarunta weyn ee Qaramadda Midoobay.
Isha: RBC Radio
Kenya oo ceebeysan: Xubinihii fuliyey weerarka West Gate oo baxsaday
Nairobi (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah raggii fuliyey weerarkii West Gate, ayaa ka baxsaday xarunta intii weerarka uu socday, warbixinno sirdoon ayaa sidaas sheegay.
Saraakiil dhinaca amniga qaabilsan oo Mareykan ah, ayaa laga soo xigtay in ka hor inta aan weerarka la qaadin ay kooxda weerarka fulisay keensadeen dhar aan ahayn kuwii ay xirnaayeen, si ay ugu baxsadaan.
Markii weerarka uu dhacay oo inta badan dadkii la dilay maalinkii u horeeyey, ayaa qaar ka mid ah kuwa weerarka geestay waxay ay isku dhex qariyeen dadkii goobta ka baxsanayey.
Warbixinadan, ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey dad goobta kasoo baxsaday oo sheegay in xubno ka mid ah weerarayaashii ay shacabka isku dhex qariyeen.
Waxaa la rumeysan yahay in kuwa baxsaday ay ahaayeen raggii sar sare, ayada oo kuwii hoosena looga tagay xarunta, si ay weerarka u dhameys tiraan.
Dhinaca kale waxaa shaki laga muujiyey in ciidamada Kenya ay gacanta ku hayaan xubnihii weerarka fuliyey, waxaana soo baaxaya warar sheegaya in kuwii goobta ku haray ay geeriyoodeen.
Ciidanka Kenya, ayaa qiray in saddex dabaq oo ka mid ah West Gate ay bur bureen, waxaana la sheegayaa inay ugu wacneyd inay isku qarxiyeen kuwii weerarka soo qaaday.
Dadka la sheegay inay ciidamada Kenya hayaan, ayaa warbixinno sirdoon waxa ay sheegayaan inay yihiin kaliya kuwa la tuhunsan yahay, balse aanay ahayn raggii dhab ahaan weerarka fuliyey.
Haddii warbixinadan sirdoon ay sax noqdaan, waa fashil iyo ceeb kale oo soo wajahay Kenya, oo markii horeba waji gabax kala kulantay in koox yar oo dhowr iyo toban qof ah ay dalkeeda qasaan 4 maalmood.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]
FASHIL: Kenya waa ogeyd in xarunta Westgate la weerarayo (Daawo Video)
Nairobi (Caasimada Online) – Senator-ka laga soo doorto magaalada Nairobi ee Mike Sonko, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Kenya uu ku war-geliyey inuu jiro qorshe lagu weerarayo xarunta West Gate Mall, ka hor inta uusan dhicin weerarka.
Sonko, ayaa ku warramay in haweeney asal ahaan kasoo jeeda dalka Pakistan, ay xafiiskiisa ugu timid una sheegtay inuu jiro shirqool loo maleegayey meel ay ka mid tahay West Gate, kadibna uu u gudbiyey digniintaas booliiska iyo sirdoonka.
Mike Sanko, ayaa haya muuqaal iyo cod uu ka duubay haweeneyda weerarka uga digtay, waxaana uu tusay taleefishinka Nation ee dalkaasi.
Haweeneyda ayaa u sheegtay Sonko in argagixisadu ay qorsheysay inay bartilmaameed ka dhigtaan saddex dhismo midkood, kuwaas oo kala ah West Gate, xarunta Baarlamanka iyo xarunta KICC.
Daawo warbixin arrintaas ku saabsan
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]
Video: Geesigii Mashaqadii Westgate oo bixiyey Wareysi muhim ah
Caasimada Online: Wiil uu dhalay Wasiirkii hore ee Difaaca keyna Yusuf Haji oo lagu Magacabo Abdul Haji ahna Soomaalida dagta Wadanka Kenya ayaa waxaa lagu dhex arkay sawiro dhowr ah oo uu ku badbaadinayay dadkii lagu heystay Mall-kii Westgate.
Hadaba Tv-yada dalka Kenya ayaa la yeeshay wareysiyo kala duwan iyagoo weliba ku tilmaamay geesi ka dhex muuqday Mashqadii xanuunka badneyd ee Wastgate.
HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:
Intee ayuu marayaa qorshaha maamul gobaleedka Koonfur Galbeed?
Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo dhismaha maamul-gobaleedka Koonfur Galbeed.
Malaakh Yacquub Maxamed Deerrow, oo ah afhayeenka u hadlay odayaasha dhaqanka Baaydhabo ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay xiriir la sameeyeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda lixda gobal ee loo dhisaayo maamulkan.
Malaakha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in ay ku rajo weyn yihiin hirgalinta maamulkan la doonayo in looo sameeyo beelaha degga gobaladan.
Mar wax laga weydiiyay in ay heshiis la sameeyn karaan maamulka Axmed Madoobe maadama maamulka ay wadaan uu ku jiro gobalada uu maamulo?
Wuxuu sheegay in odayaasha dhaqanka haddii ay yihiin markasta diyaar ay u yihiin wada-xaajood iyo dib u heshiisiin ay la galaan cid kasta oo ka soo horjeeda.
Si kastaba, waxaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ka socda olole loogu jiro dhismaha maamul gobaleedka Koonfur Galbeed oo loo dhisaayo lix gobol oo kala ah: Baay, Bakoo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhex, Gedo iyo Shabellaha Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Maxaa ka cusub Baladweyne?
Baladweyne (Caasimada online) Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generral C/xakiin Daahir Saacid ayaa maanta waxay gaareen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay .
Garoonka diyaaradaha ee Ugaas Qaliif ayaa wafdiga taliyaha si heer sare ah loogu soo dhaweeyay iyadoona loo soo galbiyay gudaha magaalada Baladweyne halkaas uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada Booliska gobolkaas .
Isxaaq Cali Cabdule taliyaha qeybta booliska goboljkha Hiiraan oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in taliyuhu uu u keenay qalab ciidan oo dhameys tiran si wax looga qabto baahiyaha ay ciidamada Booliska gobolku ay qabaan .
Wuxuu sheegay in qalab isugu jira Hub iyo Dares ciidan uu taliyuhu u keenay isla-markaana ay kaga mahad celinayaan isagoo sheegay in taas ay ka saacideyso dib u qalabeynta ciidamaba booliska Soomaliyeed gaar ahaan kuwa reer Hiiraan .
Sidoo kale 50 ka mid ah ciidamada Booliska ayaa waxa loo soo qaaday Muqdisho si tababar ciidan ay u qaataan waxaana la barayaa sida la sheegay hab dhaqanka ciidsamada Booliska iyo qaabka ay u howlgalaan si ay wax uga badalaan qaababka ay iminka u howlgalaan .
Waa markii ugu horeysay ee uu taliye Saacid gaaro Hiiraan gaar ahaan baladweyne waxaana tani ay qeyb ka noqoneysaa tilaabada dowlada Soomaaliya ay ku dooneyso horumarinta iyo tayeenta ciidmaada dowlada Soomaaliya.
Caasimada online
Xafiiska Baladweyne
Kadib Westgate, Kenya oo mar kale la weeraray caawa (Warbixin)
Wajeer (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi-Bari Kenya.
Sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaal ah qaraxyada ayaa laga maqlay bartamaha magaalada Wajeer, waxaana mid ka mid ah lagu weeraray askar ka tirsan Kenya.
Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhaawacmay kuwaasoo loo qaaday Isbitaalka Wajeer oo hadda lagu daweynayo.
Sido kale, kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday dad rayid ah oo ku caweynayay gurigooda hortooda, waxaana la sheegayaa in qaraxaasi uu geestay khasaaro balse ma cadda inta uu la egyahay.
Ciidanka ammaanka ayaa goobta tagay kuwaasoo hadda baaraya, sida ay wax u dhaceen, waxaana bandow lagu soo rogay magaalada Wajeer.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha guda iyo amniga qaranka ee dalka Kenya Joseph Ole lenku oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in hawlgalkii muddada afarta cishi ka socotay xarunta Westgate la soo afjaray,
Wasiirka ayaa sheegay in ay dileen 10 ka ka tirsanaa kooxdii hubeysneyd ee soo weerartay.
Joseph Ole Lenku ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaan ku saabsan dhalashada koooxda ay ku dileen howl galka, wuxuuna intaas ku daray in ka caawinayaan arrintaas khuburo ka socda waddamada Britain, Maraykanka, Cannada iyo Israel.
Dalka Kenya waxaa maanta ka billaabatay saddex maalmood oo baroor diiq ah oo lagu muujinayo sida looga xun yahay dadkii ku dhintay weerarkii xarunta ganacsiga ee Westgate.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi










