29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Mooshin la horgeeyay Baarlamaanka iyo xukuumadda R/W SAACID oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka waxa ay iskumari waayeen mooshin ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka usoo gudbiyeen Golaha, kaasi oo la xiriiray in Xeer Hosaadka lagu kordhiyo qodob ogolaanaya in Wasiirrada, Wasiiru dowlayasha iyo Wasiir ku xigeennada codka kalsoonida loogu qaado mid mid

Fadhiga Baarlamaanka ee maanta waxaa shir gudoominayey Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka waxaana ay Xildhibaannada Golaha Shacabka sii ambaqaadeen mooshin ay maalinnimadii shalay aheyd ka doodayeen oo la xiriiray in xeer hoosaadka Baarlamaanka lagu daro qodob ogolaanaya in Wasiirrada,Wasiirudowlayaasha iyo Wasiir ku xigeennada codka kalsoonida loogu qaado mid mid.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa codeyn gacan taag ah u sameeyey mooshinkaasi ayadoo codeyntana ay ka qeybgaleen 157-Xildhibaan waxaana 115ka mid ah tiradaasi ay u codeeyeen “Haa” in mooshinkan lagu daro xeer hoosaadka, halka ay 33-Xildhibaannada kasoo horjeesteen oo ay codkooda ku yiraahdeen “Maya” sidoo kalena Sagaal Mudane ayaa ka aamustay.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ku dhawaaqay natiijada codeynta ayaa sheegay in qodobkii mooshinka ahaa ee lasoo jeediyey uu jabay, maadaama sida uu qabo Qodobka 84aad ee Xeer hoosaadka Baarlamaanka , farqadiisa Labaad oo oraneysa hadii waxka bedel lagu sameynayo xeer hoosaadka Golaha waa inay mooshinkaasi soo jeediyaan 10-Xildhibaan ayagoo cod caqlabiyad lehna ka helay 50+1tirada guud ee Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Xildhibaannadii ka qeybgalay amaba goobjoog ka ahaa shirarkii kala duwanaa ee ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa laga doonayo iney shirarkaasi iyo heshiisyadii ay goobjooga u ahaayeenba ay horkeenaan Golaha Shacabka, si looga dhageysto warbixinadooda.

Sidoo kale Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa kulankoodii maanta uga hadlay arimmo ay ka mid tahay ammaanka Xildhibaannada iyo sidii ay iskugu taageeri lahaayeen dhibaatooyinka lasoo dersa, ayadoo kulankana uu ka hadlay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise oo hada ah Gudoomiyaha gudiga difaaca ee Baarlamaanka, kaasi oo sheegay in ay lagama maarmaantahay in ammaanka Xildhibaannadu la siiyo ahmiyad gaar ah.

Keenista mooshin hala diido ama hala ogolaadee waa qeyb ka mid ah howl maalmeedka Xildhibaannada Golaha shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Dhacdo Xanuun badan oo qoys ku qabsatay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada online) Waa dhacdo xanuun badan oo ka dhacday mid ka mid ah Degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Cabdi Casiis ee magaalada Muqdisho .

Arintan ayaa waxaa geystay  nin magaciisa lagu sheegya Cabdi oo hore u qabi jiray Xaliimo Cali carab , hayeeshee marii dambe ay kala tageen , waxaana sida la sheegay ay u dhashay hal Cunug .

Cabdi, ayaasida la tilmaamay dab qabad siiyay Haweeneydii iyo nin ay wada joogeen gurigeeda oo lagu magacaabayay Maxamed Ibraahim Xaaji sida uu ku dhawaaqay Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Maxamed Yuusuf Cumar Madaale Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaiyeed oo shirjaraad’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ruuxii falkan geystay.

Madaale wuxuu sheegay ka hor inta uusan ninkaan gubin uu basiin ku shubay isgoo hurdaya ninka naagta ay wada joogeen  kadibna uu Kabrid ku qabtay, waxaana intaasi kadib haweeneydii oo isku dayday inay qeyliso uu ku shubay  basiin soo haray iyadiina uu sidaasi ku gubatay

Wuxuu sheegay in labadii dhibane ee uu dambku haleelay in iminka xaalkooda caafimaad lagu baxnaaninayo mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho, waxaana sababta dhacdhadaan ay u shacday uu ku sheegay inay tahay maseer galay ninkan  naagta hore u furay.

Arintan ayaa noqotay mid dad badan ay hadal hayaan waxaana ay noqoneysa dhacdo xanuun io saameynteeda wadata .

Halkaan hoose ka dhageyso Madaale 

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Jahwareerka siyaasadeed ee Jubba iyo Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada online) Beydhabo waxaa ka soconaya abaabulka dhismaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya , kaasoo lagu mideynayo gobolada kala ah Baay, Bakool Sh/hoose labada Jubba iyo Gedo , waxaase jira kala aragti duwaansho ku aadan dhismaha maamulkaas.

Dowladu waxay dhawaan aqoonsatay mamulka jubba oo ay ku mideysan yihiin gobolada  Jubada dhexe Jubada hoose iyo Gedo , kaas oo hogaan uu u yahay Axmed Madoobe , kadib  heshiis dowlada iyo maamulkaas Adis Abaab ku dhexmaray.

Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeedo gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya aya horboodaya dhismaha maamulka  hirgalintiisu uu ka socdo Beydhabo , waxaana dhismaha maamulkaas ku kala qeybsan madaxda dowlada Soomaaliya .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cusman Jawaari oo dhawaan beydhabo tagay ayaa tageeray qorshaha ay wadaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beydhabo ku kulan san fikirkaasn waxaa la wadaaga mudanayaal Baarlamaanka ka tirasan inkastoo ay jiraan kuwo badan oo dhaliilsan.

Shanta bisha nagu soo aadan waxa lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo shir looga hadlayo aayaha gobolada jubbooyinka iyo gedo taak oo qeyb ka aha heshiis adis-ababa ay kusoo wada gaareen dowlada Iyo maamulka Jubba .

C/risaq Cumar Maxamed Wasiirka qeyraadka dalka ahna kusimaha ra’isul waaaraha soomaaliya ayaa ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta gobolada jubbooyinka iyo gedo kaas oo gudoomiye looga dhigay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed

Madaboobe nuunoow waxa uu ka mid ahaa mudanayaashii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa haatana waxa uu ka mid yahay raga horboodaya in maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ee uu qorshihiisu beydhabo ka socdo .

Waxaynu weydiinay su’aal aheyd maadaama qilaafka dowlada iyo maamulka jubba uu soo jiitamayay ku dhawaad sanad haatana xal laga gaaray, iminka qilaaf iyo isjiid jiid cusub sow arintan ma keeni karto.

Wuxuu sheegay in waxa qilaafka iyo kala qoqobka keenaya ay tahay dowlada Soomaaliya oo uu sheegay inay aqoonsi siisay maamul aan loo dhameyn sida uu sheegay .

Xildhiban  Cusmaan Xaaji Cali wuxuu ka mid yahay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ka waramayaa aragtidiisa ku aadan kulamada beydhabo ka soconaya iyo ogolaanshiyaha gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in arintan ay tahay mid aan soconeyn isla markaana aan loo dhameyn isagoo sheegay in gudoomiye jawaari markii uu Beydghabo aadayay uu sameeyay heyb sooc ku aadan dhanka qabaa’ilka xildhibaada raacaynaay yihiin kuwo ku heyb tirsada isaga .

 Siyaasi Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ayahy siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada jubbooyinka , waxaynu wax ka weydiinaya arintan Beydhabo kasoo cusboonaatay iyo sida uu u arko

Wuxuu qabaa fakir ah in arinta beydhabo ka socoto ay tahay mid loo baaha  yahay in qof wal;iba oo muwaadin soomalaiyed ah inuu taageero sida uu sheegay dhankiisan uu soo dhaweynayo.

Isbad badalka siyaasada Soomaaliya oo ah mid saameynteeda wadata ayaa xilligan waxay u muuqaneysa mid sii cakirmeysa  sida siyaasiyiin badan ay aamin san yihiin

Halkaan hoose ka dhageyso warboxinta oo Maqal ah

warbixin

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

VIDEO: Derbi jiif Mareykan oo taajir ku noqday daacadnimadiisa darteed

0

Nin derbi jiif u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Glen James ayaa mudo saacado ah kadib ku noqday Taajir nolol wanaagsan u bilaabatay, taasoo gaarsiisay daacadnimadiisa, kadib markii uu meel Suuq ah uu ka helay lacag 40 Kun oo Dollarka Mareykanka, wuxuuna siduu u waday uu farta ka saaray Booliska.

Arintan cajiibka ah ayaa waxay ka dhacday magaalada Boston, waxayna lacagta iyo alaabo kale oo qaali ah ay ka dhacday nin Shiinees ah, oo Booliska dib ugu celiyay.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Aqriso magacyada Guddi uu SAACID u magacaabay shirka Jubbooyinka

0

Warsaxaafadeed-Iyadoo laga amba-qaadayo Heshiiskii 27-kii August 2013 ku dhex maray magaalada Addis Ababa Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba, oo ahaa tallaabo horumar leh oo loo qaaday dhinaca Federaaleynta, Xasilinta Dalka iyo kalsooni-dhisidda dadka Soomaaliyeed;

Si loo fuliyo, loogana gun-gaaro dhamaan qodobbadii ku xusnaa heshiiskaas;

Iyadoo la cusksanayo Qodobka Afraad ee Heshiiska ee khuseeya Dib-u-Heshiisiinta iyo Kalsooni-dhisidda;

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ahna Wasiirka Khayraadka Dalka, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar wuxuu magacaabay guddi heer sare ah oo qaban-qaabin doona wejiga koobaad ee Shirka Dib-u-heshiisiinta oo lagu qaban doono Muqdisho 5-ta bisha Oktoobar 2013, iyadoo qeybta labaad ee nabad-dhisidda ahna  lagu qaban doono magaalada Kismaayo.

Magacyada Xubnaha Guddiga:-

1.    Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo  Amniga Qaranka/Guddoomiyaha Guddiga

2.    Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi

Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka

3.    Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi

Wasiirka Gaashaandhigga

4.    Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir

Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada

5.    Mudane Cabdishakuur Cali Mire

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta,  Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka

6.    Mudane Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga

 

7.    Mudane Axmad Cabdisalaam Xaaji Aaden

Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya dalka Itoobiya

8.    Mudane Aaden Ibraahim Aw Xirsi

La-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Dhinaca Siyaasadda/Xoghaynta Guddiga

Waxaa ay xukuumada Federaalka ee Soomaaliya u mahad-celineysaa dhamaan dhinacyadii ka qeyb-qaatay fududeynta heshiiskii Addis Ababa ee 27, August 2013, gaar ahaan Guddoonka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee IGAD.

Sidoo kale, Xukuumada Soomaaliya waxay dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaaqaysaa in ay af iyo addinba ku taageeraan dhaqan-galka heshiiskan taariikhiga ah, xubnaha guddigana waxaa la farayaa in ay si hawlkarnimo leh uga soo dhalaalaan hawshan muhiimadda weyn qaranka u leh ee fulinteeda loo igmaday.

Mahadsanidiin,

Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya,

Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar

Muqdisho – Soomaaliya

Faroole oo DF ku dacweeyey Yemen, maxaase jawaab ah oo la siiyey?

0

Sanca (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay 24 Sep, 2013 gaaray magaalada Sanca ee xarunta Yemen halkaas oo ay kulamo kula qaateen madaxda Dalkaas .

Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan, Caafimaadka Cali Cabdulaahi iyo sarakiisha guriga looga arrimiyo Puntland, ayaa wehelinaya Faroole, waxana soo dhoweeyay wasiirka arrimaha gudaha Yemen, diblumaasiyiin iyo saraakiisha amaanka.

Kullankii ugu horeeyey ee Faroole uu la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Yemen, ayaa looga hadlay xaaladda Puntland iyo tan guud ahaan dalka Somalia.

farta yemenFaroole, ayaa dowladda Yemen uga cowday dowladda federaalka ah ee Somalia, oo uu ku eedeeyey inay beddeshay dastuurkii dalka Somalia, sida uu in muddo ahba sheegayey.

Dowladda Yemen, ayuu ku codsaday inay cadaadis saarto dowladda Somalia, si buu yiri ay ugu hogaansato ku dhaqanka dastuurka.

Waxyaabaha uu soo jeediyey waxaa ka mid ahaa in taageerada iyo xiriirka ay u gaabiso, taasina ay ku qasbi karto DF inay is-beddel sameyso.

Waxa uu saraakiisha Yemen u sheegay inuusan wax wada hadal ah la geli doonin dowladda, illaa ay dastuurka ka hagaajineyso, sida uu hadalka u dhigay, inkasta oo dowladda Yemen aysan wax wada hadal ah usoo jeedin.

Madaxda dalka Yemen wax jawaab ah kama aysan bixin cabashada iyo soo jeedimaha Faroole.

Socdaalka Faroole ee Yemen ayaa imanaya ayada oo labadii toddobaad ee tagay ee laba wafti oo ka socda dowladda Somalia ay booqdeen dalka Yemen, halkaasi oo heshiisyo waa weyn lagu soo kala saxiixday.

Caasimada Online
Xafiiska Sanca
[email protected]

Daawo: Muqdisho: Turkey oo billaabay mataaneynta Muqdisho iyo Istanbil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga, ayaa magaalada Muqdisho ka wadda howlo dib u dhis ah, oo dadka deggan magaalada ay aad ugu farxeen, kuwaasi oo la xiriira mataaneynta Muqdisho iyo Istabul.

Turkiga ayaa iminka dhisaya jid laami aad u dheer, oo gala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International ee magaalada, ayaga oo adeegsanaya qalab casri ah,waxaana dhismaha jidka uu yahay tallaabadi ugu horeysay ee qorshaha mataaneynta Muqdisho iyo Istanbuul.

Haddaba waxaan idinla wadaageen muuqaal video ah oo Taleefishinka qaranka Soomaaliyeed uu halkaas kasoo duubay.

Halkan ka daawo

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Haweeneydii la sheegay inay weerartay West Gate oo hadashay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Markii weerarka lagu qaaday xarunta West Gate, waxaa jiray warar ku saabsan in dadka weerarka fulinayey ay ku jirto haweeney British ah oo lagu magacaabo Samantha Lewthwaite.

Hase yeeshee waxaa iminka soo baxay warar kuwaas ka duwan oo sheegaya in xaqiiqida ay tahay in aysan jirin Samantha, balse ay jirto Henna.

Henna waa gabar Kenyan carab ah, oo ka dukaameysaneysay West Gate, markii weerarka lagu qaaday halkaas, balse nasiib u yeelatay inay soo baxsato,waxaana jira sawir muujinaya ayada oo bad baadineysa qof kale.

henna

Henna oo ah hooyo leh laba caruur ah, ayaa iminka ka hadleysa sidii ay wax u dhaceen iyo sababtii loogu qalday haweeneyn kale.

Halkan ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

“DF iyadoo danteeda fiirineysa ayey la heshiisay Axmed Madoobe” waa yiri..

0

Baydhabo (Caasimada Online) Siyaasiga Madoobe Nuunow Maxamed oo hadda ka mid ah dadka ugu cad-cad ee u ololeenaya dhismaha maamul gobaleedka Koonfur-Galbeed oo loo dhisaayo lix gobal oo ku yaalla Soomaaliya, ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Madoobe Nuunow, oo sannadkii hore isku soo taagay xilka guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena soo qabtay xilka guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka iyo mudane baarlamaan ayaa sheegay in dowladda iyadoo eegeysa danaheeda ay heshiis la gashay shakhsi aan u dhalan ama aan ka soo jeedin gobalada Jubbooyinka iyo Gedo sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo la hadlaayay Madoobe Nuunow, Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale cadeeyay in dowladda ay abuuraneyso dhibaato iyo mucaaradad xooggan, taasoo uu yiri khatar weyn ayey ku tahay.

Wuxuu dowladda ugu baaqay in ay taageerto go’aanka dadka ku dhaqan lixda gobal ee doonaya in ay dhistaan maamul gobaleedka Koonfur-Galbeed.

Wuxuu ku tilmaamay xadgudub heshiiska dowladda ay la gashay maamulka Axmed Madoobe.

Ugu dambeen wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan dhismaha maamul gobaleedka Koonfur Galbeed.

Maamulkan oo loo dhisaayo gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Gedo,Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxaana looga soo horjeedaa maamulka kumeel gaarka ee Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Video: Universal tv oo barnaamij cajiib ah ka diyaariyey booliiska London

0

Caasimada Online – Wariyaha oo lagu magacaabo Cabdi Xafiid Maxamuud Jaamac oo ah madaxa barnaamijka Arimaha Bulshada ee ka baxa Tv-ga caalamiga ah ee Universal si weyna loo xiiseeyo barnaamijkiisa isagoo markasta kusoo qaata arimo muhiim ah oo Soomaalida Xiiseeso isla markaana lagu wacyi geliyo Bulshada Soomaaliyeed ayaa todobaadkani idin soo wada barnaamij ka duwan kuwii hore.

Wariyaha ayaa la arkayaa Booliska oo xeraya iyadoo jeebada gacmaha loogu xerayo wuxuuna marka danbe ka soo dhex muuqanayaa xabsi laba mitir ah oo sariiri taalo taasi oo walaac kale ku abuuraya ehelada dadka Soomaaliyeed ee caruurtooda ku xeray magaalada London.

Si aad u aragto Arimaha cajiibka ah ee wariyahan qabsaday ama uu arkay nala daawo video-ga.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

SAWIRRO: Wasiirka arrimaha Gudaha Somalia oo booqanaya dalka Ciraq

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane C/kariim Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa kulamo muhiim ah la qaatay  Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Ciraaq Mudane Nuuri Al-maaliki oo ay kawada hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada wadan oo dhinacyo badan taabanaayo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa sidoo kale la kulmay dhigiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq Mudane Cadnaan Al-haadii Al Asadii waxeyna ka wada hadleen iskaashi labada wasaaradood ee xaga amniga,in dowlada ciraaq ay si buuxdo soomaaliya uga taageerto sidii loo xoojin lahaa  hay’adaha amniga iyo inay is-weydaarsadaan macluumaadka amniga iyo waxyaabo kale oo badan.

guuleed ciraq 1guuleed ciraq 2guuleed ciraq 3guuleed ciraq 4guuleed ciraq 5

Jahwareer siyaasadeed oo ka taagan Somaliland iyo xaaladda oo kacsan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey Xeerka Horumarinta Wadooyinka oo horay Wasaaradda Madaxtooyadu ugu soo gudbisay kaas oo canshuuro dheeri ah ku soo rogaya Gaadiidka iyo Xoolaha laga dhoofiyo Dekeda Berbera.

58 Xildhibaan ayaa u codeeyey xeerkaas waxaana diiday 8 mudane halka 3 kalena ka aamuseen taas oo meesha ka saaraysa rajadii laga qabay in mudanayaasha Golaha Wakiiladu dib ugu celiyaan xeerkaas  Aqalka Madaxtooyada.

Inta badan Bulshada reer Soomaaliland, Xisbiyada mucaaradka, Xubnaha matasha wadatashiga  iyo Xildhibaanadii ka soo horjeeday waxay ku doodayaan in xeerakani dhabar jab ku haya dhaqaalaha iyo  dadka danyarta ah hadii uu hirgalo maadaama uu canshuuro xad dhaaf ah ku soo rogayo .

Mudaharaad dhici soobay.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID & Wadani ayaa ugu baaqay taageerayaashooda inay qabtaan mudaharaad looga soo horjeedo xeerkaas maanta oo ku taariikhaysan 24 Sep, 2014 .

Warqad ay si wada jir ah ugu qoreen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayey kaga codsadeen in loo ogolaado inay qabtaan mudaharaad nabdeed kaas oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan xeerkaas .

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa ku gacansayray dalabka uga yimi Xisbiyada mucaraadka isagoo ku sheegay warqad qoraal ah oo uu u diray inaysan qaban karin wax mudaharaad ah.

Markii aan eegay Dastuurka Somaliland Qodobkiisa 32aad iyo Xeerka ilaalinta Nabadgelyada guud qodobkiisa 10aad farqadihiisa 1, 2 iyo 3aad waxaa noo cadaatay in aanu mudaharaadkiinu waafaqsanayn qodobadaas kor ku xusan sidaa darteed Wasaaradda Arrimaha Guduh idiin ma ogolaan doonto wax mudaharaad aha,Aayaa lagu yiri qoraalka Wasiir Warancade.

Hanjabaad cusub

Xisbiyada Somaliland ayaa maanta ku goodiyey inay qaadi doonaan talaabo kasta oo suurtagal ah hadii Madaxweyne Siilaanyo saxiixo xeerka horumarinta wadooyinka iyagoo sheegay inay Tuulo, Degmo iyo Magaalo kasta ka oogi doonaan banaanbaxyo .

Waxay ku eedeeyeen shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Hargaysa in Madaxweyne Siilaanyo markii uu ahaa mucaraadka uu maalinkasta mudahaaryo soo abaabuli jiray halka uu markii xafiiska loo doortay uu bilaabay cago juglayn iyo caburin joogta ah .

Mucaaradka Somaliland ayaa si weyn u ugu eedeeya Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inay tahay mid ay daashadeen musuq maasuq baahsan iyo waxqabad la’aan taasina ay horseeday in qadiyadii gooni u goosadku fashil ku dhowaato .

Caasimada Online

Xafiisa Hargeysa

[email protected]