29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

VIDEO: Soomaali ku dagaalameyso Boqashadii M/weyne Xasan ee USA:

0

Caasimada Online:  Soomaalida ku nool Wadanka MAreykanka ayaa ku dagaalamay hotelka uu dgaan yahay Madaxweynaha Somalia hortiisa ayagoo ku kala qeyb sanaa in lagu banaan baxo iyo in la soo dhaweeyo waxaana arinkaasi fara geliyay oo dhex galay Ciidamada Boliska ee wadanka Mareykanka.

Arinta fool xumada ah oo Tv-yada laga sii deynaya ayaa ah in Soomaali badan ay doonayaan in madaxweynaha ay soo dhaweeyaan halka tiro kalana ay ku qeylinayana erayo aad looga naxayo ama ku tusinayo boorarka ay wataan in aysan ku cajab gelineynin.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Siyaasi caan ah oo shaaca ka qaaday in R/W Saacid is-casili doono

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Ismaaciil Maxamed Hure Buubaa oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” uu geyn doono Xafiiska Madaxweynaha warqad istiqaalad ah oo ku sheegayo inuu iska casilay xilkii uu xukuumadda ka hayay.

Sidoo kale Caasimada Online ayaa 22-kii bishan qortay in Saacid is casili doono, sida xog la helay ay muujineyso.

Mr. Buubaa oo wareysi siiyay Wargeyska Haatuf ee kasoo baxa magaalada Hargeysa ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in xilkaasi ay daneynayaan Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland iney qabtaan jagada Ra’iisul Wasaarenimo ee Somalia.

Siyaasigaan kasoo jeeda Somaliland, balse aaminsan midnimada Soomaaliweyn ayaa mar la weydiiyay maadaama oo Axmed Ismaciil Samatar oo hore Somaliweyn u aaminsanaa uu ka tanaasulay, quusna uu ka Istaagay Siyaasada Somalia, waxa isaga Ismaaciil Buubaa ahaan ku dhajiyey Mawqifka Somaliweyn ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Anigu waxaan ogsoonahay ama xogta aan hayo Axmed Ismaaciil ma oga, anigu ilaa halgankii SNM ama dhalashadii Somaliland cidi igama sheekaynayso waxa jirana waan ogahay markaa aniga iyo Axmed waan kala aragti dheernahay waxaan qabaa danta Somaliland waxay ku xiran tahay midnimada umada Soomaaliyeed sidaasi bay wax ku noqon kartaa Somaliland waxna ugu qabsoomayaan caalamkuna soo dhawaynayaan aniguna guntaan ka eegayaa in midnimadu danta ugu wayni Somaliland ugu jirto”.

“Gooni isutaag baan rabaa waxaa uu ku maah mahay doqoni haddii lays dilo waxay moodaa in lagu kala tagay dadka Somaliyeedna maaha mid sidaa ku kala tegi kara, markaa waabaa xasuuq nalagu sameeyey micno ma samaynayso waxa loo baahan yahay in Soomaali hore u socoto oo dib wax loo eegin gocashadana layska daayo”ayuu yiri Ismaaciil Buubaa oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdihii KMG iyo Dowladdii C/qaasim ee Carta lagu soo dhisay.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Kismaayo oo is-ugaarsi beeleed uu ka bilowday (Yaa is raadsanaya?)

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan ugu dhacay xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.

Kooxo hubeysan ayaa madaxii sirdoonka Maamulka Jubba ku dilay xaafada Calanleey, iyadoo dilkiisa la rumeysan yahay iney salka ku hayso aano qabiil oo maalmahan xiisado qabiil ka taagneyd.

Sarkaalka la dilay ee dhinaca Sirdoonka u qaabilsanaa Axmad Madoobe oo lagu naaneesi jiray Ganay ayaa maliishiyo ku heyb ah waxay xalay iyagana dileen labo qof oo ku heyb ah maliishiyadii geysatay dilka Ganey.

Sidoo kale habeenkii Isniinta ayaa weerar lagu qaaday guryaha ay Kismaayo ka degan yihiin C/llaahi Raadeer iyo Yaasiin Qaldaan oo labadooda ka mid ah saraakiisha Kismaayo.

Dhamaan arrimahani ayaa waxay yihiin kuwo ka dhashay dad lagu dilay Kismaayo maalmihii lasoo dhaafay, kuwaasi oo isu badalay arrimo qabiil.

Jen.Cllaahi SH. Ismaaciil “Fartaag”ayaa beeniyay in dilalka ka socda Kismaayo ay ku lug leeyihiin aano qabiil, wuxuuna meesha ka saaray wararka sheegaya in arrimo qabiil loo dilay dadkii ugu danbeeyay ee xalay la dilay.

Isha: Warfaafiye.com

Sheekh Cabdirashiid Suufi “Qur’aanka waxaan kudhameeyey bil gudaheed”

0

Qaariga Soomaaliyeed, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, ayaa ku qabtay muxaadaro qiimo badan  magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qatar 20/11/13,taas uu kugooni yeelay  jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaas.

Muxaadaradan oo aheyd tii ugu horaysay ee uu u jeediyo sheekhu jaaliyada, ayuu kaga hadlay Quraanka, taariikhda Qur’aanka Somalia iyo waana guud.

Sheekhu wuxuu kufurfurtay muxaadaradiisa xusuusin uu dhagka xusuusiyay in ay ku fakaraan heererka uu qof walbo soo maray, laga soo bilaabo maalintii uu galay uurka hooyadii, sidoo kale wuxuu ku booriyay inay ilaah u mahadiyaan, tala saartaan “Ilaahii kugu  irsaaqey caloosha hooyadeen- madhicirka iyo dhiiga dhexdoodana kugu quudiyay, ma umalaynaysa inuu ku quudin waayo adigoo aduunyada joogno?”

Dadku ilaah kuma mahadiyaan, waligaa ma maqashay madaxwaynayaasha aduunka oo intay isku yimaadeen  u mahadinaya ilaahii abuuray, sanad walbo way isku yimaadaan madaxda dawladaha aduunka waxayna ku kala tagaan ayagoon xitaa shukran kudhihin Allaahii ka abuuray candhuuf iyo xinjir” ayuu yiri sheekhu goor uu ka hadlayey inaan Allah ku mahadino siguud iyo sigaar ah.

“Sheekhow ii ducee candhuufta ayaa iga tagtaye”

Goor uu ka hadlayey nimcada Allah teeda yar iyo teeda weyn ayuu sheekhu kasheegeyey nin hada ka hor ka codsaday inuu u duceeyo kadib markii uu kudhacay af-angag oo uu waayay nimcada  candhuufta. “Oo candhuuftu maxay kuu tari jirtey?” Ninkii ayaa cabaar  intuu aamusay ku jawaabay “Marka aad waydo, oo afku ku angago ayaad ogaan kartaa faa’idadeeda. Waxaan cuni karo majiraan oo  waa inaan biyo isku dhaafiyo, dhadhan iyo calalin intaba ha sheegin”

Wuxuu sidoo kale sheegey sheekhu waxa ugu weyn ee Allah ugu abaal sheegtey nabigiisa Muxammad inuu ahaa Qur’aanka kariimka, waana tan ugu goodiyey inuu kala laabanaya haddii uusan wadada kutoosin “Haddii aan doona waxaan kaala laabanaynaa wixii aan kuu waxyoonay” Israa, Aayah 86.

Intaa ka dib sheekhu wuxuu kuguubaabiyay dadka inay kudhagaan Quraanka, dadka baraan, maalin walbana uu qofka aanu ka tagin akhriska wardiga Quraanka. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in quraanka hadaadan akhrin uu kaa haajirayo “qofkii maalin ka haajiro 10 maalin uu ka haajirayo, qofkii taban cisho ka haajirana bil uu ka haajirayo, qofkii bil ka haajirana uu sannad ka haajirayo”.  Ayuu yiri sheekhu isagoo si gooni ah ula hadlayay dadka Qur’anka xifdiyay, dabadeedna uu kafogaada.

Taariikhda Qur’anka ee Somalia

Sheekhu wuxuu ka sheekeeyey taariikhda Qur’anka ee Somalia iyo dadaalka culimadii hore gaar ahaan Sheekh Cali suufi oo colaad badan kala kulmay faafinta Qur’anka qiraa’adkiisa kala duwan. “Sheekh cali Suufi wuxuu iiga sheekeeyey in ay jirtey barashada Qiraa’aadka Qur’anka iyo weliba cilmiga rasmiga(qorista Qur’anka) waayo musxafka maanta meelkasta yeela ma jirin”.

Sidee buu  sheekhu Qur’anka ku bartay?

Sheekh Cabdirashiid wuxuu sheegey inuu Qur’anka ku dhameeyey bil gudaheed markii uu hikaada bartay haseyeeshe waxaa ka horaysay dadaal kale. “Aabahay waxaan xasuustaa isagoo ikeeno masjidka oo dadka hortooda ifariisiyo, inta salaada lagu jiro, waxaana filaya inaan kayaraa sanadka salaada lagu tukado(7sano). Waxaan dhagaysan jirey xalaqaadka lagu akhriyo Qur’anka oo maalin walbaa lagu akhrin jiray laba jus, jus aroortii ah, iyo jus maqribka. Sanadka oo dhan wax fasax ah ma jirin. Markii aan hikaada bartay, waxaan arkay iyadoo Qur’anku ii sahlanyahay maadama aan dhagaysan jirey in badan, waana taas mida keentey inaan ku dhameeyo Qur’aanka bil gudaheed, oo maalin walbo la ii dhagaysan jiray jus, anigoo hor ujeed ah”

Qisadaas kadib, Wuxuu Sheekhu  dadka ku booriyey in ay tiknooliga kafaa’idaystaan, taas oo Qur’anka barashadiisa cudur daar la’aan kadhigayso.

Muxaadaradaas oo dhamaystirin, waxaan soo galinaynaa inshallah websiteka sida ugu dhaqsaha badan.

Intaan markale kulmi doona waxaan idinleenahay ‘Salamu Calaykum”

Adam Abdi Abuzuhri, Qatar

[email protected]

XOG: Dhaqaale badan oo DF Somalia ay ka heli lahayd CARABTA oo lagu waayay Fowsiyo Yuusuf Xaaji darteed

0

Washington DC (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kal soonaan karo oo ka tirsan xafiiska wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in waddamada carabta dhaqaalo badan oo ay siin lahaayeen dowladda fedaraalka ee Soomaaliya lagu waayay xilka ay heeso Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan.

Sababatu maxay tahay?

Dadka xog-gaalka ah ee la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in sababta ay tahay, waddamada carabta waxa ay saluugsan yihiin xilka ay heeso Marwo Fowsiyo, oo ulama jeedaaan wax-qabadkeeda ee waxa weeye waxaaba ay ka soo horjeedaan in qof dumar ah loo dhiibo xilkaas culus, waxa ay ka jecelaan lahaayee in qof rag ah loo dhiibo .

Waddamada Carabta ma jecle in ay dumarka xilal u dhiibaan. Taa macnaheedu maha in madaxda Carabta ay ku dhaqmaan diinta, balse waa haweenka oo aan agtooda qiimo weyn ka joogin.

Dowladda halkaas waxa ay ku weysay dhaqaale badan oo ay ka heli lahayd waddamada Carabta, waxaana la lee yahay dhaqaalaha iyo taageerada dowladda ay heshay inta badan waxaa bixiyay waddamada reer galbeedka.

Dowladda waxaa loo sheegay farsamo ay dhaqaale ku heli karto, maxay tahay?

Sida ay lee yihiin dadka aan ka soo xiganay warkan, dowladda markii ay ogaatay in dhaqaale badan oo ay ku weysay xilka wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, waxa ay billowday la tashiyo, iyo sida ay farsamo u heli lahayd ay dhaqaalaha uga hesho waddamada carabta.

Waxaa dowladda loo sheegay in wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Abuukar Gacal loo diro waddamada Carabta balse arrintaas madaxda carabta waa ay ku fahmeen dowladda.

Dhawaan waxaa dowladda ay dalka Sucuudiga heshiis kula soo saxiixatay Bangiga Islaamka waxaa halkaas dowladda u saxiixay wasiiru-dowlaha arrimaha dibeddda.

Sidoo kale heshiis ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Yemen waxaa loo diray wasiiro-dowlaha arrimaha dibadda.

Dad badan oo odorasa siyaasadda Soomaaliya, waxa ay lee yihiin wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waa wasiirka kaliye ee shaqadiisa sida haboon uga soo baxay marka loo eego 10-ka wasiir ee xukuumadda Saacid.

Waxa ay aqoonsiyo caalami ah ka keentay waddamada reer galbeedka, iyo Qaramada Midoobay, waxaa Soomaaliya loo qabtay shirar caalami ah oo uu ugu dambeeyay kii ka dhacay Brussels ee New Deal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

[email protected]

Maxaa caawa iyo galabta ka dhacay magaalada Kismaayo?

0

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya halkaas caawa iyo galabta lagu dilay ugu yaraan seddax askar.

Sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha, ciidamada la dilay waxa ay ka tirsanaayeen maamulka kumeel gaarka ee Axmed Madoobe.

Falka dilka ee galabta iyo caawa ka kala dhacay Kismaayo ayaa la sheegay in loo aaneenaayo aanooyin qabiil kuwaasoo maalmahan ka taagnaa magaalada.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dilal ka dhacay Kismaayo, dilka kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba.

Waxaa caawa kacsan xaaladda magaalada, sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan Kismaayo, waxaa caawa bandow ah magaalada oo waxaa la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadidka.

Magaalada waxaa ka dhacayay maalmahan dilal iyo qaraxyo, iyadoo gacabta ku heynta magaalada ay ku jirto maamulka kumeel gaarka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho 

Dhageyso: Galayr oo ka sheekeenaya wixii uu ku dhex qabsaday West Gate

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Qaliif galeyr waa mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxaana hore uu usoo noqday ra’isul wasaarihii dowladii KMG aheyd ee Cabdi khaasim salaad Xasan uu Madaxweyne ka ahaa wuxuu ka warbixiyay qaabkii uu uga bad baaday weerarkii Westgate Mall.

Ma jirin cid ogeyd balase Galayr, ayaa laba maalin ku dhex jiray xarunta West Gate, waxaana uu kasoo fakaday maanta

Wuxuu sheegay in wali uusan galin halis nuucaan oo kale ah tan iyo inta uu noolaa , isagoo sheegay intaariikh-da ay xusi doonto waxa uu halkaasi ku soo arkay, waxaana uu aga sheekeeyey wareysi.

Halkan ka dhageyso Galayr

Caasimada Online

Xafiiska Naiorbi

[email protected]

 

Dhageyso: Kenya: Waa la bad baadiyey dhamaan laheystayaashii Westgate

0

Nairobi (Caasimada online) Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday inay ad baadisay guud ahaan dadkii lagu heystay xarunta ganacsga Wegtgate ee magalada Nairobi oo ay wali ku jiraan ragii hakaasi weerarray maalintii sabtida.

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga dalkaas ayaa sheegay in guud ahaan dadkuu lagu heystay xaruta Wegtgate iminka ay yihiin kuwo bad qabo si nabad galyo ahna ay ku nool yhiin ,.

Wuxuu sheegay kadib dadaal dheeri ah oo ay sameeyeen ciidama dlakaasi oo iskaashanaya inay u suura gashay inay  bad baadiyaan dadkii halkaasi lagu heystay ciidamaduna ay laoran karo inay la wareegeen gacan ku heyta halkaasi.

Wairka arimaha gudaha ayaa yiri sida tan xilli saxaadafu ay arinta westgate su’aalo ka weydiisay

Dadkeena wey badqabaan, dadka la heystayaasha ah waa lasoo daad gureeyay mana u malaynayo inay ku sugan yihiin dhismaha, waxaan idinka dalbanaynaa inaad noo ogolaataan inaan dib u laabataan si aan shaqadeena u gudano,

Ciidamdeena ayaa si rasmi u maamulaya xaalataani aad ayaan idiinkuiugu mahad celinaynaa, goobta dabka uu ka kacay waa gudaha keydka ee Nakumatt, waxaan u malaynaynaa in dabka ay kiciyeen argagxisada,

Waxaan sheegnay shalay oo aan xaqiijinayay in argixisada ay ka kooban yihiin 10-15, ma doonayno inaan hadda ku mashquul jinsiyadaha ay u kala dhasheen iyo waxay yihiin, aad ayayna u cadahay in dhamaan rag ay yihiin, qaar kamid ah ragg ayaa soo xertay dharka dumarka, taasi oo xaalada qastay, laakiin dhamaan argagixisada waa rag ayaan idiin xaqiijinayaa.

Labada dhinac ciidamada amaanka iyo dadka la heystayaasha ah waa la badbaadiyay , laakiin sidaasi daraadeed ma doonayo inaan ka warbixiyo, laakiin waxaan sameynaynaa wax walbaa oo suurto gal ah,

Anaga ayaa maamulayna dhamaan biyaanooyinka dhismaha, taasina waa muhiim, ciidamadeena ayaa maamulaya dhamaan dhismaha, argagixisada waxay ku carareen oo ay isku qarinayaan meelaha qaar ee keydka iyo suuliyada, laakiin dhamaan dhismaha iminka annaga ayaa gacanta ku hayna, waxaan sidoo kale xaqiijinayaa inaan si buuxda u maamulayno dhismaha dhan, sidaasi daraadeed ma jiro dhisme naga maqan.

Waxaan sheegnay  shalay in howlgalka ay sameynayaan ciidamadeena qaranka  hayadaha ciidamada amaanka ee dalka, ciidamada booliska qraanka iyo hayadaha qaranka ee amaanka, kuwaasi waa dadka ku lugta le howlgalka sidoo kale waxaan helnay caawinaad dheeri ah oo saaxiibadeena ah

Shacabka Kenya iyo Ajaaniibta dalkaas ayuu sheegay inay iska ilaaliyaan iskana yareeyaan wal walka ku aadan arintan uu oo sheegay inay fuliyeen qolyo waxmagato ah sida uu hadalka u dhigay

Inkastoo dowladu ay sheegtay inay bad baadisay dakii lagu heystay Westgate ayaa hadana waxaa jira in wali Diyaaradaha dagaalka ay dul hee habayaan oogada sare ee daarta Westgate .

Dhanka kale ciidamada dalkaas ayaa gacanta ku dhigay xilli uu qorsheynayay inuu ka duulo dalkaas ruux sida la sheegay looga Shakiqabo inuu ku jiray kooxihii wetgate dadka badan  ku laayay .

Wiilkan oo hayetay Baasaboor Britain ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Abdu Risak , waxaana xilliga la qabanayay la tilmaamay inuu ahaa ruux dhaawac ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii westgate .

Wararku waxay sheegan in ay jiraan rag badan oo werarkaas qeyb ka ahaa inay isku soo dareen dadkii bad badada sidaasina ay ku baxsadeen kadib markii ay iska dhigeen Hubkii ay ku dagaamayeen  taas oo reer Kenya cabdi xooga kusii abuureysa.

Halkaan hoose ka dhageyso Codha Xoghaya Arimaha gudaha Kenya

Wasiirka  Arimaha Gudaha Kenya

Caasimada online
Xafiiska Nairobi

[email protected]

Maxaa kala heysta maamulada Jubba iyo Koonfur Gabeed Somalia?

0

Beydhabo (Caasimada online) Magaalada Beydhabo waxaa ka soconaya kulamo lagu doonayo in lagu soo dhiso maamul goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya , kaas ay yeelanaya gobolada Baay, Bakool, Shabeelaha Hoose, Labada Jubbo iyo Gedo.

Qorshahan waxaa ku howlan Waxgarad , Siyaasiyiin iyo madax ka tirsan dowlada Soomaaliya oo intooda ugu badan matala beelaha Digil iyo Milifle , waxaana fikirkan ah dhismaha maamulka koonfur galbeed Soom aaliya ku raacsan gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya .

Gobolada la doonayo in laga hir galiyo Nidaamkan dowlad goboleedka ah waxaa ku jira gobolada uu ka arimiyo maamilka Jubba ee uu hogamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe , inkastoo waxa Beydhabo Ka soconaya ay riyo ku tilmaameen .

Saraakiisha ciidamada Barre Adan Shire Hiiraale waxay wax lagu farxo ku tilmaameen arinta ka soconeysa Beydhabo , waxana ay shaaca ka qaadeen inay soo dhaweynayaan go’aanka Beelaha dega gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya.

Ibraahim Cabdi waa mudane ka tirsan Baarlamaanka dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya , wuxuu sheegay in waxa Beydhabo xilligan ka soconaya inay tahay mid riyo ah , isgoona daaha ka rogay in Beelaha dega gobolada Gedo iyo jubbooyinka ay ku heshiiyeen inay maamul I gaar ay sameystaan .

Wuxuu sheegay in Beydhabo dadka isugu tagay aysan matali karin guud ahan gobolada Koonfur Galbeed Somalia, waxaana uu tilmaamay in ay wanaagsaneyd kol hore in lagu dhaqaaqo maamulka iminka qorshihiisa uu ka socdo Beydhabo  balse markii lala soo dahay ay bulshada jubbooyinka iyo gedo ay maamul u gaar ah sameysteen .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo xilligan ah ku simaha Madaxweynaha Somalia ayaa dhawaan socdaal uu ku tagay Beydhabo wuxuu kula soo kulmay ragga wada qorshaha maamulka koonfur galbeed Soomaaliya oo Siyaasiyiin , Waxgarad iyo Aqoon yahano isugu jira.

Proff: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaawi, ayaa la sheegay in odayaashu ay ax ka badaleen qorshihii uu halkaas u tagay oo ahaa in odayaashu ay joojiyan qorshaha arintan , hayeeshee Jawaari aya shaaciyay inuu ku taageerayo dhisidda maamulka ay doonayaan inay ku dhaqaan.

Arintan waxay muujinaysaa isk war heyn la’aan madaxda dowlada Soomaaliya ah maadaama Maamulka Jubba ay si buuxda u aqoonsatay dowlada Soomaaliya kadib qilaaf soo jiitamayay in ka badn hal sano .

Dhismaha Maamulkan wuxuu caqabad ku yahay Maamulka ka ira iminka Deeganada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee uu madaxda u yahay Axmed Mdoobe .

 Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

Dhacdo aan nooceeda oo kale la fileyn oo 2 gabdhood ku qabsatay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qiso aad loola yaabay, ayaa waxay ka dhacday isgoyska Sanca ee ku yaalla magaalada Muqdisho kadib markii labo haween ah oo dhalinyaro ahi ay soo mareen waddada iyagoo xiran dhar aad u qafiif ah oo jirkoodu ka muuqdo.

Haweenkan, ayaa xirnaa dharka laga isticmaalo waddamada reer galbeedka sida saraawiil iyo funaanado ku yar yar jirkoodana sawiray, waxaana ku kacay dadweynihii suuqa ka tukaameysanayay iyo kuwii boosteejada gaadiidka ku sugayay.

Si aad ah ayaa loo dhagxiyay labada gabar, waxayna lafahooda kula carareen PHARMACY goobta ka dhowaa, halkaasi oo dadweynihii ay damceen inay xoog ku galaan, si ay ugala soo baxaan labadaasi gabdhood, waxaana u soo gurmaday ciidan booliis ahaa oo goobta ka dhowaa, kadib markii uu ka difaaci waayay milkiiliha PHARMACY-gii ay magan sadeen sida uu idaacada DALSAN ee Muqdisho u sheegay Maxamad Xuuti Cismaan oo goob jooge ka ahaa dhacdadaasi.

Waxaa haweenkaasi markii dambe dharkii looga badalay gudaha goobtii ganacsi ee ay magan galeen, kadib markii haween kale oo ay ehel ahaayeen ay dhar u keeneen, waxaana si dirqi ah lagu saaray gaari iyada oo dadweynihiina ay sii tuuryeynayaan.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo martay xili haweenku ay uga labisan jireen sida reer galbeedka iyagoo sarawiil xiran madaxuna uu qaawan yahay sida dadka caadiga ahna wadooyinka u mari jiray sanadihii todobaatanaadkii iyo sideetanaadkii, taasoo marka dib ay u xusuustaan qaar ka mid ah haweenkii xiligaasi oo hada da,ahi ay aad uga shalaayaan.

“Waa talaabo aad loogu farxo in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysnaadaan dhowrista dhaqankooda iyo diintooda” ayuu yiri nin oday ahaa oo kusoo baxay qeyladhaantii iyo sawaxankii dadweynaha ee goobtaasi ka dhacay .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixin: Magacaabis khilaaf cusub ka dhex abuurtay Xasan Sh. iyo Saacid

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Khamiistii 19 Sep, 2013 Golaha Wasiiradda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u magcaabay Safiir cusub Dalka Imaaradaka Carabta kadib markii ay u soo gudbisay soo jeedintiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadu .

Gen. Maxamed Sheekh Xasan ayaa loo magcaabaya safiirka cusub ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta isagoo bedeli doona Cabdulqaadir Shiikhey Maxamed oo horay xilkaas u hayey sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha kadib Shirkii Golaha Wasiiradda .

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ku maqan Dalka dibadiisa ayaa ku gacan sayray magcaabida safiirka cusub,  sida uu Sarkaal sare oo ka tirsan Safaaradda Soomaalidu ku leedahay magaaladda Abu dhabi u sheegay Caasimada Online.

“ Madaxweyne Xasan Shiikh kama war haynin go’aanka Golaha Wasiiradu lagalamana tashan sidaa darteed wuxuu ku wargeliyey safiirkii hore inuu sii wato shaqadiisa mar ay sameeyeen xiriir xaga isgaarsiinta ah ”  Ayuu yiri sarkaal ka tirsan Safaaradda Abu Dhabi oo ka gaabsaday in magaciisa la soo xigto .

Sida uu noo xaqiijiyey sarkaalkaas Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu u cadeeyey Safiirka inuusan aqbali doonin go’aanka Golaha Wasiirada uuna yahay mid aan waafaqsanayn sharciga .

Marka loo baahdo in la magcaabo Safiir ama Qunsul cusub waxaa soo jeedintiisa iska leh Wasaaradda Arrimaha Dibada kadibna waxay soo hordhigaysaa Golaha Wasiiradda kuwaas oo hadii ay isku raacaan u gudbinaya Madaxweynaha si uu ugu soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dowladda uguna gudbiyo hadba Dalka loo magcaabay, sida uu dhigayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Khilaafkan cusub ee soo kala dhexgalay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ka dhex curta labada masuul.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
[email protected]

VIDEO: Hooyo Soomaali ah oo qosol jooga uga ridday madaxweyne Xasan

0

Caasimada Online:  Hooyo Soomaali ah oo ku nool Wadanka Taliyaaniga oo ka qoslisiisay Madaxweyne Hassan Sheekh ayadoo uga warantay Xaalada Nololeed Wadanka Italy iyo sida Nolosha tahay.

Hooyadaan oo waayeel ah ayaa ka yaabisay Madaxweynaha waxeeyna ka codsatay arimo fara badan ayadoo guubaabo iyo hadal isugu dartay madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

HALKAAN KA DAAWO:

War kasoo kordhay Xildhibaankii lagu dilay magaalada Muqdisho caawa

0

Muqdisho (Caasimada Online) Xafiiska Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho ayaa xiriiro kala duwan la sameeyay qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo uu wax ka weydiiyay ilaa hadda waxa laga ogyahay xildhibaanka galabta lagu dilay xaafadda Buulo-Xubeey ee Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah xildhibaannadaas oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Kulalihi ayaa  u sheegay Shabakadda Caasimada Online in xildhibaanka la dilay lagu magacaabi jiray Xuseen Cabdisalaan Maxamed (Xuseen Dheere).

Xildhibaanka ayaa waxaa toogtay rag hubeysan oo watay baabuur nooca Rooneedka ah, waxaana inta aysan toogan ay baabuurkiisa ku gooyeen kii ay wateen waxaana markiiba soo baxay labo dhallinyaro ah kuwaasoo toogtay xildhibaanka isla markaana goobta ka baxsaday.

Xildhibaanka la toogtay ayaaa loola cararay Isbitaal Madiina,wuxuuna geeriyooday intii loo sii waday Isbitaalka.

Xildhibaanka ayaa la sheegay markii la tooganayay in uu ka soo baxay Jaamacadda Muqdisho xarunta ay ku lee dahay Xaafadda Buulo-Xubeey ee degmada Wadajir, waxaana baabuurka uu watay la saarnaa arday ka tirsan Jaamacadda Muqdisho.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ku jiray sannadkii ugu dambeeyay ee Wax-barashadda Jaamacadda Muqdisho.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka iyo dhammaan xildhibaannada baarlamaanka ayaa si kulul u cambaareeyay dilka xildhibaanka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xildhibaan lagu dilo magaalada Muqdisho waxaa horey loo dilay xildhibaan Sodog u ahaa madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Beesha Mudullood oo ku dhawaaqday Urur ay ku mideysan yihiin + Sawirro

0

Shirweyne aad u ballaaran oo ay ka qeybgaleen dad aad u badan oo ka soo jeeda Beesha Mudullood ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Örebro ee dalka Sweden, iyadoo gunaanadkii shirkana lagu sameeyay Urur ka shaqeyn doona horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada ay beeshu degto.

Shirweynaha ayaa wuxuu soo af-meeray shirar in muddo ah soo socday oo looga arrinsinayay sidii ay beesha Mudullood ku yeelan lahayd hoggaan ka shaqeeya horuminta deegaannadeeda oo ah kuwa ugu muhiimsan Soomaaliya, marka la hadlo kheyraadka bad iyo birriba.

Ururka Shirweynaha looga dhaweeyay ee ay beesha yeelatay ayaa wuxuu magaciisu yahay ASAL, waxayna guddigii ka soo shaqeeyay sameynta ururka ay sheegeen in ay magaca ASAL u qaateen sabab la xiriirta in beesha Mudullood ay asal u tahay Soomaalida oo dhan, marka taariikhda dib loo eegana la heli karo wax badan oo caddeynaya in ay beeshu ASAL u tahay Soomaalida oo dhan.

Howl kasta oo najaxda Allaah SWT ka sokow waxaa loo tirayaa dad, sidaas darteed ayaa shirweynaha lagu soo bandhigay magacyada dadkii ka soo shaqeeyay dhismaha Ururkan, kuwaasi oo in muddo ah ku howlanaa, waxaana xubnahaas ka mid ah: Axmed Maxmed Calasow, C/llaahi Muuse Xuseen, Dr. Cali Axmed Hiraabe, Prof. C/llaahi Axmed Qudde, Xasan Muuse Cali (Qoslaaye), Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad), Ibraahim Qalinle iyo xubno kale oo iyana bud-dhigga ururka qeyb weyn ka qaatay.

Ergooyinkii shirweynaha ka qeybgalay oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo dalka Sweden ka tirsan ayaa waxaa loo bandhigay magaca Ururka iyo dastuurkiisa, kaddibna waxay si saraaxad leh uga doodeen qodobbo ku jira dastuurka ururka oo qaarkood iftiimin u baahnaayeen, ugu dambeyntiina waxaa la ansixiyay dastuurka ururka, iyadoo ergooyinka dhammaantood ay ku dhaarteen in ay meelmarin doonaan hadafyada uu ururka tiigsanayo oo ay ugu weyn yihiin in uu wax ka qabto dhibaatooyinka siyaaso-dhaqan-dhaqaale iyo kuwa bulsho  ee ka jirta deegaannada ay degaan dadka beesha mudullood laga soo billaabo Galgaduud illaa Shabeelaha Hoose.

Waxaa xusid mudan in ergooyinka ay ansixiyeen in Ururka uu yeelan doono 59 xubnood oo isugu jira 18 xubnood oo gole dhexe ah iyo 13 xubnood guddiga fulinta ah, 25 xubnood oo marjic ah iyo 3 xubnood oo hanti-dhowr ah. Mas’uuliyiinta ururka ayaa waxaa ay  xilka heyn doonaan muddo 2 sanadood ah, iyadood sanad kasta marka uu dhammaadana la qaban doono shir sanadeedka ururka.

Waxaa intii uu shirka socday ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan, sida Shiikh C/raxmaan Shiikh Muxyaddiin Celi oo isagu noqday qofkii ugu horreeyay oo  caddeeyay inuu ururka ka mid yahay, isla markaana uu si daacad ah ugu adeegi doono bulshadiisa. Shiikh C/raxmaan wuxuu mahadceliyay dadka deggan magaalada Örebro ee fidiyay gogosha shirka lagu qabtay, weligoodna horay u qaban jiray, kaddibna wuxuu hoosta ka xariiqay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in la dhisay urur ay leeyihiin dadka beesha Mudullood, kaasi oo magaciisu asal yahay, wuxuuna ururka u rajeeyay guul iyo horumar.

Waxaa kale oo shirka C/llaahi Muuse Xuseen (Duqii hore ee magaalada Muqdisho), wuxuuna si faahfaahsan uga warramaya dhibaatooyinka ay beesha qabtay laga soo billaabo markii xornimada la qaatay illaa maanta oo deegaannada beesha dhibaatooyin baaxad leh ay ka jiraan, kuwaasi oo isagu jira kuwo amni iyo kuwo bulsho.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in qaar ka mid ah ergooyinkii shirka ka soo qeybgalay ee magaalooyinka kala duwan ka yimid ay iyaguna soo jeediyeen hadallo ay ku taageerayeen ururka, iyagoo ballanqaaday in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin ururka ASAL ee ay sameysatay Beesha Mudullood. Ururka Asal ayaa lagu baahin doonaa  shanta qaaradood ee Adduunka oo ay ku kala baahsan yihiin dadka beesha Mudullood.

 Ugu dambeyntiina Guddiga fulinta ee Ururka ayaa waxaa loo dhisay qaabkan.

Hassan Qoslaaye             Guddoomiye

Asha Omar                         Guddoomiye kuxigeen

Ibrahim Nur                       Xoghaye guud

Ali Abuukar                        Qasnaji

 

Xoghayayaal

1.      Abdullahi Hasaan Moalim

2.      Baarlin Mohamud Adawe

3.      Ismail Mohamud Shire

4.      Muktar Mohamed Yusuf

5.      A/samad Shiiq

6.      Ise Yuusuf Nuur

7.      Guuleed Cali Sabriye

8.      Abdulqadir Muhumad Ahmed

9.      Abas Ibrahim

DSC_0006DSC_0016DSC_0019DSC_0048DSC_0063DSC_0075DSC_0104DSC_0110DSC_0130DSC_0151DSC_0157DSC_0162DSC_0257DSC_0264DSC_0269DSC_0272DSC_0276DSC_0284DSC_0322DSC_0325

Sawirro: Wararkii ugu dambeeyay ee Weerarka Westgate + Video Cusub

0

Nairobi (Caasimada Online) Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay Magaalada Nairobi Gaar ahaan  xarunta Suuqa Westgate ee Magaaladaas oo ilaa hada ay ku sugan yihiin kooxihii weerarka geystay.

Kenya Joseph ole Lenku , Wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya wuxuu sheegay in howlgal si taxadar leh loo fulinayo, walina uu socdo ujeedkuna uu yahay in lasoo bad baadiyo dadka lagu haysto xarunta ganacsiga Westgate .

Dhaawacyada ayaa lasoo warinayaa inay iminka gaarayaan ilaa 200 sida uu xaqiijiyay Cabbaas Guuleed. ,xog-hayaha guud ee ururka laanqeyrta cas ee Kenya,

Dadka dhintay waxaa la sheegayaa inay gaarayaan ilaa inta la xaqiijiyay 59-ruux waxaana sidaas warbaahinta u sheegay saraakiisha caaafimaadka ee dalkaasi Kenya oo tirakoob arintan ku sameeyay.

Dableyda ayaa lagu hareereeyay qeybaha hoose ee dhismaha, waxaala la tilmaamayaa in in ciidanka ay la wareegeen dabakha afaraad ee dhismaha,sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas.

Raga la wareegay dhismaha Westgate ayaa ilaa hada ku jira qeybaha sare ee dhismaha, iyadoo Booliiska iyo ciidanka Milateriga ay isku dayayaan in si xasilooni leh ay dadka uga soo bad-baadiyaan burcadana ay gacanta ku dhigaan.

Daawo video cusub

Wixii warar kusoo kordha ka daalaco www.caasimada.net

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]