28.5 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

VIDEO: Muqdisho oo dib looga furay Goob Muhiim ah oo 23 sano xirney?

Caasimada Online:  Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxeey dib u heleysaa Sumcadii iyo sharafkii Caasimadnimo waxeeyna dib isaga jafeysaa colaadii iyo buburkii 23 sano saarnaa Magaalada.

Muuqa iyo isbadalka muuqan ee Muqdisho waxuu ku tusinayaa in Somalia ay dib u heleyso Nidaamkii Dowladnimo waxaana haatan dib loo furayaa Goobihii Dowlada ee adeega Bulshada waxaana arinkani aad ugu farxay Shacabka Shaqa doonka ah ee ilaabay Nidaamka Dowladnimo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Danjire America oo dhiig ugu deeqay dhaawacyadii Westgate. “Sawirro”

0

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka kenya Maxamed Cali America  ayaa ugu deeqay dhiigiisa dadkii waxyeelada ama dhaawacyada ka soo gaaray weerarkii maalintii shalay niman hubeysan ku qaadan barta ganacsi Westgate ee ku taala Magaalada Nairobi ee dalka kenya.

Weerarka Westgate lagu qaaday oo ilaa iyo maanta oo axad ah socda ayaa waxaa ku dhintay ka badan 40 ruux iyadoo dhaawacyadana ay gaarayan in ka badan 16o ruux.Ciidamada dalka kenya ayaa cadaadis saaraya kooxaha hubeysan oo weli ku jira dhismaha Westgate.

Sawiro la soo qaaday ayaa muujinaya Safiir Maxamed Cali America oo dhiig u shubaya dadkaas ku dhaawacmay weerarkaas.

ameri

Danjire Maxamed Cali ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyed ee ku nool guud ahaan kenya iyo gaar ahaan Magaalada Nairobi inay is dejiyan isla markaana ay caawiyan dadka soomaalida ee wax ka soo gaaray weerarkaas iyadoo shalayna la soo sheegay in dadkii ku dhintay weerarkaas uu ka mid ahaa nin lagu magacabo Yaasiin oo ka tirsanaa hay’ada Iida.

Dhinaca kale Danjire Maxamed Cali America ayaa ugu tacsiyeeyay dadka reer kenya mashaqada ka soo gaartay weerarkaas waxaa uu sheegay in weerarka uu ahaa fal argigixiso ah oo fulinimo ah.

“Anigoo ku hadlaya Magaca Dowladda Soomaaliyed waxaan Tacsi u diray dadka kenya”ayuu yiri Danjire Maxamed Cali America oo hadlay wax yar kadib markii dhiig u shubay dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.

Danjire America ayaa noqday diblomaasigii ugu horeeyay oo dhiigiisa ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate.

ameri1

KASHIFAAD: Afhayeenkii & Xogheyntii Faroole oo iska dhiibay dalka Sweden

0

Stockholm (Caasimada Online) – Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Garoowe waxaa caasimada dalka Swedan ee Stockholm iska dhiibay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) iyo labo xubnood kale, kuwaasi oo kala ah Xoghayenta Faroole Aadan Doolar iyo Xasan Shire oo ah Agaasimaha maamulka lacagta ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Libaax Joore ayaa kusoo baxay Fiiso uu C/raxmaan Faroole ka codsaday Safaaradda Swedan in la siiyo Afhayeenka Madaxtooyada Garoowe si uu ugu qeybgalo xafladda sanadguuradii 15-aad ee Puntland ee ka dhacday 14-ka bishan dalka Swedan.

Markii ay xafladda dhacday kadib ee la filayay in Libaax Joore uu ku laabto Puntland ayuu sheegtay xanuun iyo in laga helay cudurka Macaanka iyo Dhiig kar, sidaasi darteedna uusan ku laaban karin Puntland, wuxuuna iska dhiibay Swedan.

Weli wax sharci ah ma helin Libaax Joore iyo Labada mas’uul ee Xoghayaha Faroole iyo Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Dhamaan Fiisaha ay raggaasi ku tageen Swedan waa mid uu Safaaradda Swedan ee Nairobi uu ka codsady Faroole in la siiyo xubnahan oo maalmo kala horeeyay.

Arintan ayaa waxay muujineysaa in xubnahani aysan rajo ka qabin maamulka Faroole ee ay ka tirsanaayeen inuu sii jiri doonin maamulka C/raxmaan Faroole oo doorashada dhici doonto Janaayo dib ugu soo laaban doonin, waxayna door bideen in ay Yurub nolol ka raadsadaan.

Isha: Warfaafiye.com

Dhageyso: Puntland “DF Somalia lama aamini karo” (Sababtu maxay tahay?)

0

Garoowe (Caasimada online) Waxaa wali taagan muran ku aadan qaabka loo mareynayo dhaqaalaha Soomaaliya ay ka heshay beesha caalamka , kadib shirkii 16-kii Bishan ka dhacay magaalada Brussels ee dalkaas Belgium-ka.

Dowladu waxay sheegtay in guud ahaan bulshada Soomaaliyeed uu ka dhexeeyo dhaqaalada dowlada Soomaaliya loogu yaboohay waxna looga qabanayo dhamaan adeegyada muhiimka ah ee loo baahan yahay , oona maareynayo qaab wanaagsan .

Inkastoo balan waadka dowlada ee dhaqaalaha Brussels uu sidaas yahay hadana waxaa jira Dhaliilo ay muujinayan Maamulada qaar oo ku aadan shirkaas iyo balan qaadka beesha caalamka .

Axmed Sheekh Jaamac wasiirka Warfaafinta Puntland wuxuu sheegay in dhaqaalahas qeyb ka mid ah ay waajib tahay inay iyadu maamusho , maadaama sida uu sheegay dowlada Soomaaliya aan lagu aamini karin .

Dowlada uu hogaamiyo Xasan Sheekh ayuu sheegay in lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin Musuq maasuq , Sidaasi darteedna dhaqaalahaas  ay Puntland u heleyso si ka madax banaan dowlada Soomaaliya .

Wuxuu sheegay inaan loo soo marsiin karin dowlada Soomaaliya dhaqaalaha Shirka Brussels Soomaaliya loogu yaboohay , balse si siman ay u qeybsanayaan sida uu hadalka u dhigay .

Hore ayuu Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha maamulka Jubba wuxuu niyad xumo ka muujiyay shirkii Brussels 16-kii bishan kusoo idlaaday , waxaase uu sheegay in laga maar maan ay tahay in caalamku uu ka dhabeeyo balanqaadka Shirka Brussels.

Halkana hoose ka dhageyos Codka Eedeynta Puntland

Hlakaan ka Dhageyso Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Sheekh Jaamac

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: Maamulka Juba oo shirka Baydhbaba ku tilmaamay daandaansi

0

Kismaayo (Caasimada online) Maamulka KMG ah ee Jubba hogaankana uu u hayo Axmed Maxamed Islaam Axem Madoobe, ayaa Jawaab wuxuu ka bixiyo Kulamada Beydhabo ka soconaya iyo qorshaha lagu doonayo in lagu soo dhiso maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maamulka Jubba ayaa Maamulkaas la qorsheynayo in Beydhabo looga dhawaaqo ku sheegay uu yahay mid Daan daansi iyo dagaal lagula jiro deegaanada Maamulka Jubba  uu ka arimiyo ,waxaana uu ka digay Shirka Beydhabo ka soconaya.

Cabdi Barre Ibraahim, wuxuu ka mid yahay saraakiisha Maamulka KMG ah ee Jubba waxaana hore uu kaga tirsanaa mudanayaasha Baarlamaankii dowladii KMG aheyd, wuxuu shaaciyay in qorshaha maamulkaas uu yahay mid lala soo daahay xilligana ayan macquul aheyn .

Wuxuu sheegay in hadalka kasoo yeeshay dadka reer beydhabo uu yahay mid abuuri kara colaad iyo dagaal dhex mara dadka dega gobolada koonfur Galbeed Soomaaliya isagoona Mas’uuliyad xumo ku tilmaamay Tilaabadii Gudoomiye Jawaari ee Aqoonsiga Maamulka Goboleedka Koonfiur galbed Somalia.

Wuxuu shaaciyay inay nasiib darro tahay in dad ka tashtay aayahooda in xilligan la isku dayo in lakala geeyo maamul ayan raali ka aheyna laga hirgaliya waxaana uu intaasi ku sii daray inwaxa Beydhabo ka socda aysan saameyn ku yeelan dooninn deegaanadooda .

Beydhabo waxaa ka soconaya Maamul lagu donayo in lagu mideeyo lixda gobol ee Sh/hoose Baay, Bakool,  iyo deegaanada maamulka jubba ee Gedo iyo labada Jubbo, waxaana arintaas  soo dhaweeyay Saraakiisha Maamulka Jubbaland ee Barre Hiiraale oo dagaal kal soo horjeeda maamulka Jubba .

Halkaan hoose ka dhageyso codka Jawaabta Maamulka  Jubba

Dhageyso Jawaabta Maamulka Jubba

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

 

Dhageyso: Saacid oo Swizerland aaday

0

Muqdisho (Caasimada online) Ra’isul wassaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Sherdoon Saacid iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka amba baxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyagoona kusii jeeda dalka Swizerland.

Waxaa socdaalkiisa ku wehliyay ra’isul wasaare Saacid xubno ka mid ah gobiliihi wasiirada oo ay  ka mid yihiin Wasiirka adeega Bulshada Xukuumada Soomaaliya , wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka , Wasiirka cadaalada iyo waliba xubno ka tirsn labada gole ee dowlda Soomaaliya.

Wuxuu dalka Swizerland kaga qeyb gali doonaan ra’isul wasaraha iyo wafdigiisa kulan looga hadlayo arimaha xuquuqda aadanaha oo dalkaasi dhawaan ka dhici doona.

Ridwaan Xaaji Cabdi wali, Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta wuxuu sheegay in Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Sidoo kale uu tagi doono dalka turkiga halkaas uu kaga qeyb gali doono shir ku aadan iskaashiga labada dal.

Safarka ra’isul wasaare saacid ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dal yurub ka tirsan uu ku tago tan iyo markii uu xilkan la qareegay.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Ridwaan XAAJI

Rdiwaan-Xaaji-Cabdiwelli

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

Somali hor leh oo laga soo celinayo Holland, Intee loo soo wadaa?

0

Amsterdam (Caasimada Online) Idaacadda VOA-da ayaa caawa wereysatay wiil dhallinyaro ah oo ka mid ah siddeedl qof oo ku xiran xabsi ku yaalla dalka Netherlands kuwaasoo la rabo in maalinta khamiista ah ee toddobaadkan lagu soo celiyo.

Wiiilkan oo lagu magacaabo Cawil Maxamed, wuxuu sheegay in muddo lix bil ah uu ku jiray xabsi ku yaala dalka Holland, wuxuuna intaas ku daray in isaga iyo dhallinyarada la xiran oo ay ku jiraan dumar iyo carruur ah in loo keenay Tikitkii ay ku raaci lahaayeen diyaaradda Turkish Arline.

“Waxaa heesanaa tikitkii aan ku raaci lahayn, waxaana booliska ay noo sheegeen in Turkiga nala sii marsiin doono maalinta Khamiistana nalaga dajin doono Muqdisho, waxaa naloo sheegay oo kale in dowladda Netherlands ay heshiis la gaartay dowladda Soomaaliya kaasoo ku saasan in Soomaalida dib loogu soo celiyo dalkooda” ayuu sheegay Cawil Maxamed.

Mar la weydiiyay wax yaabaha ay ku diiddan yihiin in waddankooda ay ku laabtaan, wuxuu sheegay in xaaladda Soomaaliya aysan hadda weli ahay mid la isku haleen karo.

Wuxuu kaloo sheegay wiilkan in dhammaan qoyskiisa ay deggan yihiin dalka Netharlands, Vissana uu ku soo galay markii hore balse laga qabtay wadooyinka dalkaas.

Ugu dambeen Cawil ayaa sheegay in wiil dhawaan si qasab ah looga dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho uu ku jiray xabsiga ay ku xiran yihiin.

Wuxuu kaloo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso heshiiska ay la gashay dowladda Holland kaasoo ku saabsan in Soomaalida dib loogu soo celiyo dalkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

XASAN SHEEKH oo sheegay sababtii hogaaanka Bankiga dhexe isu-bedelay

0

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sabtidii difaacay guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Somalia Cabdisalaam Cumar, oo laga beddlay jagadaas.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Cabdisalaam uu iska casilay jagadaas, si uu u dhowr sumacadda Bankiga Dhexe, balse aanu isku casilin warbixintii musuq maasuq ee kooxda Qaramada Midoobe.

“Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe waxa uu ahaa qof nadiif ah” ayuu madaxweyne Xasan ku sheegay wareysi, isaga oo intaas ku daray “Waxa uu doorbiday inay tahay wax u wanaagsan bankiga in shaqada uu la wareego qof kale”.

“Tani macnaheedu ma ahan in Cabdisalaam uu ka baxay dowladda oo idil…..waxaa suurta gal in dhowaan uu la wareego mas’uuliyad kale” ayuu Madaxweynaha Somalia ku yiri wareysiga uu siiyey wakaaladda wararka ee Reuters.

Cabdisalaam waxaa lagu beddelay Yussur Abraar, oo ah haweeney sanado badan kasoo shaqeyneysay hanaanka maaliyadda ee hay’ado badan oo American ah.

Madaxweynaha Somalia ayaa ku warramay in baartiaano ay sameeyeen hay’ado badan lagu ogaaady in eedeynta kooxda QM ay ahayd mid aan jirin, sidaa darteedna aysan u muuqan sabab uu taas darteed qof xil uga qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

Ohio: Beelihii sanad kahor u heshiiyey Xasan Sheekh oo maanta is-wajahaya

0

Columbus (Caasimada Online) – Sanad ka hor, waxaa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ka dhacay dibad baxyo looga soo horjeeday madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay dhigeen beelo ay isku diidanaayeen siyaasad.

Waxaa beelahaas ka mid ah kuwa la abtirsada hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe iyo kuwa kasoo jeeda deegaanada Puntland, oo doonayey in dowladdu ay aqoonsato maamulkii Jubaland.

Maanta xaaladda sidaas waa ay ka duwan tahay, waxaana labadaas dhinac ay kala aadeen laba jiho oo kala duwan.

Waxaa shalay magaalada Minneapolis ka baxay laba koox oo kasoo kala jeeda isla labadaas beel, ayaga oo tagay magaalada Columbus ee gobolka Ohio, halkaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh lagu wado inuu maanta kula hadlo Soomaalida.

Xubanha la abtirsada Axmed Madoobe, waxa ay Ohio u tageen inay soo dhoweeyaan oo ay dibad bax ku taageeraan madaxweynaha, halka kuwa kasoo jeeda Puntland ay dibad bax mucaarad ah dhigi doonaan.

Kuwa hore ayaa ku faraxsan in dowladda iyo Jubba ay xal gaareen, islamarkaana la aqoonsaday maamulkii, taasi oo soo afjartay arrintii muddada cakirneyd, halka kuwa dambena ay weli mucaaradsan yihiin dowladda, maadaama markii horeba aysan jirin sabab cad oo ay ku diideen.

Waxa ay tani ku tuseysaa siyaasadda Soomaalida ee ku dhisan in qof walba marka uu waayo sida uu jecel yahay uu mucaarad noqday.

Dhinaca kale dad ayagana kasoo horjeeda heshiiskii dowladda iyo Jubba, ayaa laga yaabaa inay ku biiraan dibad baxa, inkasta oo inta badan Soomaalida Mareykanka ay isku diyaarinayaan inay kalgaceyl kusoo dhoweeyaan madaxweynaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Columbus
[email protected]

Raysal Wasaaraha SOMALIA oo lagu warramayo inuu is casilayo dhowaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) Idaacadda SKY fm ee magaalada Muqdisho ayaa xalay sheegtay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid in uu maanta u amba bixi doono qaaradda Yurub.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah dalalka Switzerland iyo Turkiga.

Waxa uu Switzerland uga qaybgali doono Shir looga hadlayo arrimaha Xuquuqda Addanaha iyo ka hortagga askaraynta caruurta.

Idaacadda ayaa sheegtay in marka uu tago dalka Turkiga, uu kula kulmo halkaas uu ku qaadan doono madaxda dalkaas.

SKY FM ayaa sidoo kale sheetay in marka uu soo dalka ku soo laabto madaxweynaha Soomaaliya oo hadda ku sugan dalka Maraykanka in uu ra’iisal wasaare Shirdoon uu is-casli doono.

Haddaba dowladda Turkiga oo ah saaxibka kaliye ee dowladda Soomaaliya, ayaa arrintan aad ugu ololeeneysa, waxaana la sheegay in xukuumada Ankara ay u ballan qaaday ra’iisal wasaare Saacid haddii uu shaqada ka tago in uu la dajin doono dalka Turkiga halkaasna uu ku noolaan doono isaga iyo qoyskiisa.

Si kastaba, waxaa maalmahan caasimada Muqdisho ka socday kulamo gaar-gaar ah, waxaana ra’iisal wasaaraha loogu baaqay in uu shaqada isaga tago maadama ay soo bateen dadka leh waa in ra’iisal wasaaraha uu is-casilaa.

Xiriiro aan la sameenay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo aan wax ka weydiinay arrintan waa ay ka gaabsadeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

KASHIFAAD: Dhibaatadii maalmo kahor Xamar ka dhacday, yaa ka dambeeyey?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog Hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhacdaadii dhawaan ka dhacday duleedka dhegmada Kaaraan ee ay ku naf waayeen dad  kor u dhaafaya 15-Ruux tiro intaasi ka badana ay dhawacyada kasoo gaareen ay aheyd mid siyaasad laga lahaa .

Caasimada Online oo daba gal iyo Xuuraansi arrintan ku samaysay ayaa ogaatay in dumitaanka Kaawadu ay ka dambaysay ka gadaal markii halkaasi walxaha qarxa  lagu xiray halkaasi.

Qarxinta kaawadan waxay salka ku heysaa sida aan waraka ku heleyno is qabqasi dhanka dhulka ah oo ka jira dhulka xeebta ah ee ku yaala duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho oo ah dhul xeebeed aad u baaxad weyn.

Cali Maxamuud Maxamed Gudoomiyaha iskaashatada dhagaxa ayaa sheegay in xiisadu ay u dhexeyso dadka muruq maalka ah iyo sidoo kale ganacsato uu sheegay inay xoog ku doonayaan inay dhulkaasi kula wareegaan.

Dhulkan kaawada ah ayuu sheegay inay Milkiyad ahan u leeyihiin dadka Muruq Maalka ah sida uu sheegtay isagoo intaasi ku daray inay heystaan cadeymo muuiinaya lahaan shiyaha dhulkaas.

Ujeeedka ganacsatada ay dhulkaasi kaleeyihiin ayuu sheegay in maadaama uu yahay dul xeebeed Quruxbadan  inay kasameyntaan Hotelo iyo in Milkiyada dhulkaas ay  kala wareegaan si qasab ah sida uu shaaciyay.

Rag ku labisan dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya ayuu sheegay in dhowr jeer oo hore loo soo kireystay balse ay iska caabiyeen waxaana uu tilmaamay in howshooda ay in muddo ah iska soo daba jiitameysay.

Guud ahaan lamaha amniga ayuu tilmaamay inay gaarsiiyeen arintan si wax loogu qabto balse wuxuu sheegay inaan dhag jalaq loo siin, waxaana uu qiray in dhacdadii maalin hore inay aheyd mid ula kac loo sameeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Ciidankii sugi lahaa ammaanka XAMAR oo tababar xoogan qadanaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa ka soconaya Magaalada Muqdisho tababar xoogan oo la siinayo Boqolaal ciidan oo boolis Soomaali ah kuwaa oo la doonaya in ay qeyb ka noqdaan Ciidamada Amaanka sugaya ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Tababara nuucaan ah oo waagii hore wadamada dariska ah loo aadi jiray ayaa waxaa sanadkaan lagu bixinayaa gudaha Magaalada Muqdisho taa oo macnaheedu yahay in Xaalada amaan ay ka soo hagaageyso sidii hore waxaana tababarka siinayao Taliska Amisom ee Muqdisho.

Hadaba nala daawo Video-gaan waxaad arkeysaa awoodii qaran ee dalkeena oo dib u soo ifeysa waadna qiiroon doontaa marka aad aragto Askar Soomaali ah oo tababar xoogan qadanaya.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

Caasimada Online 

Xafiiska Muqdisho

[email protected]