28.5 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Somalia oo lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in goordhow lagu dilay xaafadda Buulo-Xubeey ee degmada Wadijir xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online in xildhibaanka la dilay lagu magacaabo Xuseen Cabdisalaan.

Xildhibaanka ayaa la sheegay markii la dilaayay in uu ka soo baxay xarunta Jaamacadda Muqdisho ee xaafadda Buulo-Xubeey.

Ma jirto koox sheegatay dilka xildhibaanka, mana jirto cid ilaa hadda ka hadashay dilka xildhibaankan.

Wixii warar ah ee ku soo kala soco Shabakadda Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Faroole: DFS ayaa ka dambeesay wixii igu qabsaday shirkii New Deal

0

Nairobi (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa si kulul u weeraray madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Isagoo la hadlaayay galabta BBC-da ayuu sheegay Foroole in dowladda Soomaaliya ay qash-qashaad ku sameesay khubadii uu ka jeediyay shirkii Heshiiska cusub ee New Deal.

Wuxuu sheegay in markii la soo gaaray khubadiisa uu madaxweynaha ka baxay goobta shirka, isla markaa sarakiishii la socotay ay saxaafadda Soomaalida ee goobta sida tooska warka uga tabinayay ay ku amreen in khudbadiisa aysan tabin karin sida uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay sida uu arko hadal uu sheegay xog-hayaha arrimaha dibedda Maraykanka John Kerry oo la kulmay madaxweynaha Soomaaliya in la heshiiyaan maamulada Puntland iyo Somaliland, wuxuu sheegay in uu soo dhaweenaayo hadalkaas, balse dowladda hadda jirta oo sida uu yiri ku kooban Muqdisho aysan arrintaas u soojeedin.

Sidoo kale, waxaa la weydiiyay sida uu yahay xiriirka dowladda iyo maamulkiisa, wuxuuna sheegay in xiriirka labada dhinac uu muujinaayo sida loo arbushay khudbadiisa, wuxuuna sheegay in uu maamulkiisa diyaar la yahay siddii uu u la shaqeen laha dowladda Soomaaliya.

Wuxu dowladda ku eedeeyay in wax badan ay ka badashay dastuurkii kumeel gaarka ee dalka loo sameeyay, isagoona sheegay in uu ka dambeeyo raggii wax ka sameeyay dastuurka.

Ugu dambeen wuxuu sheegay dowladda hadda jirta in ay ku tumatay dastuurka dalka u yaalla, wuxuuna tilmaamay in baarlamaanka Soomaaliya asyan xaq u lahayeen in ay wax ka badalaan dastuurka maadama ay soo dhiseen lixdii saxiixayaasha Roud-Map-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Mooshin la hor geeyey Baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Mooshin ka dhan ah Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya qaarkood u gudbiyay Barlamaanka Soomaaliya oo dhawaaan uu u furmey kalfadhiyadooda Caadiga ahaa.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinkaas gudbiyay oo Saxaafadda u waramay ayaa sheegay in ay ku Dhaliilayaan Wasaaradaha ay Mooshinka ka gudbiyeen Hawl gudasho la’aan.

Xildhibaanka ayaa farta ku fiiqay in wasaaradaha Xilkodii gabay in ay ka mid yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

Xildhibaan Mahad ayaa labadaas Wasaaradood oo Xilkoodu ahaa Amniga Dalka iyo sugiddiisa ku eedeeyay in ay Gudan waayeen Waajibaadkii loo igmaday isla markaana ay ka gaabiyeen in ay wax ka qabtaan Hawlaha amniga Dalka.

Xildhibanadaan oo maalmihii dambaba ka hadlayay Xaaladda Amni ee Dalka ayaa ugu dambayntii waxa ay isla garteen in Mooshin ka dhan ah Wasaaradahaas ay u gudbiyaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la filayo in maalmaha soo socda uu Barlamaanku ka doodo.

Horey ayaa Barlamaanka Soomaaliya wuxuu u yeeray Wasiirada Wasaaradahaas Mooshinka laga keenay kuwaas oo wax badan laga weeydiiyay Su’aalo ku aadan dhinaca Ammaanka kuwaasoo ka jawaabay Su’aalihii la weydiiyay in kastoo Xildhibaanadii fadhiyadaas ka qayb galay ay sheegeen in aysan ku qancin Jawaabaha ay bixiyeen Wasiirada labadaas Wasaaradood ee Mooshinka laga keenay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada2live.com

Daawo Video: Nairobi oo lagu qaaday weerar dad badan lagu laayey

0

Nairobi (Caasimada Online) – 30 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhimatay, 100 kalenao kalena waa ay ku dhaawacmeen is-rasaaseyn ka dhacday gudaha xarun caan ah oo laga dukaameysto oo ku taalla bartamaha caasimadda Kenya taas oo lagu magacaabo Westgate Shopping Mall.

Boolisku ayaa sheegay inay tuhusan yihiin in weerarku yahay fal burcadnimo, balse waxaa warar kale ay sheegayaan in weerarku yahay mid argagixisanimo

Taliyaha ciidanka booliska Kenya David Kimaiyo ayaa hoggaaminaya howlgalka lagu badbaadinayo dadka ku dhex jira xarunta, isagoo sheegay in ciidanka booliska ay ku hareereysan yihiin xarunta.

Dableyda ayaa wali ku sugan qeybo ka mid ah dhismaha, rasaas goos- goos ay ayaa mar marka qaar la maqlayaa oo ay is-waydaarsanayaan booliska iyo dableyda.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay sidoo kale dableyda ay isticmaaleen bambaano.

Ciidanka milatariga Kenya ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta soo gaareen si ay u joojiyaan laammaha ammaanka ee halkaasi ku sugan.

Xarunta Westgate waxaa badanaa fadhiista Kiinyaanka ladan iyo dadka ajnebiga ah.

Halkan ka daawo dhacdada

Universal oo jawaabtay P/L: Annaga ma xanibin khudbadii Faroole ee waa EU

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada warfaafinta Puntland oo uu ku saxiixan yahay wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Shiikh Jamac Yusuf ayaa waxaa gebi ahaan shaqadii ay Puntland ka hayeen looga joojiyey warbaahinta Universal TV.

Waxaana Puntland ay ku sheegtay sababta ay shaqada uga joojiyeen Universal oo aan si cadaalad ah usoo tabin khudbadihii madaxdii ka hadashay shirkii Somaalida ee Belguim ka dhacay 16-kii bishan. Iyagoona qoraalka kasoo baxay  ku sii sheegay inay Universal hishiis arrintaasi ku aadan la soo galeen  xafiisyo la sheegay inay ka jiraan Muqdisho, balse aan la sheegin cida ay u shaqeeyaan.

Maanta oo ah 21-09-2013 ayaa si cad loogu sheegay  warsaxaafadeedkan inaysan Puntland ka shaqeyn karin Universal ilaa iyo amar danbe.

Haddaba Universal TV ayaa ka jawaabtay hadalkaasi, iyagoona shaaca ka qaaday sababta khudbadaasi loo siideyn waayey inaysan iyaga amarkooda aheyn oo ay ka timid dhinaca EU. Waxaana  arrintaasi si faahfaahan uga hadlay Abdiweli Garyare oo ah wakiilka Universal ee dalka Holland balse maalintaasi shirka uga soo waramayey Universal.

Abdiweli Garyare ayaa waxaa uu sheegay in warbaahinta Soomaalida guud ahaan iyo midii kale ee dalalka kale midkoodna loo ogolaan inay galaan gudaha meesha uu shirka ka socday oo la geeyey goob kale oo loo diyaariyey dhamaan warbaahinta inay warka ka qaatana. Waxaana uu sheegay inay khudbadaha iyo waxa ka socda goobta uu shirka ka socday ay laftooda ka daawanayeen SHAASHADAHA la iska arko  iyo Computero loogu diyaariyey meesha ay joogeen.

” Waxaa nasiibdaro inagu noqotay markii shirkii aan usoo qalab-qaadanay ee aan rabnay in aan warkiisa dadka ka haqab-tirno naloo sheegay in aanan gudaha u galeyn balse nala siinayo meelo muuqaalada iyo sawirada naloo soo marsiinayo. Kaamarada loo ogolaaday inay ka dhex shaqeyso meesha ay khudbadaha ka socdaan ayaa aheyd mida EU iyo mida Dowlada Soomaaliya ee TV-Qaranka. ” ayuu yiri Abdiweli Garyare.

Waxa uu intaasi ku sii daray inay dhibaatada ugu weyn dhacday markii la gaaray khudbada Dr, Abdirahmaan Faroole  kaasi oo gebi ahaan laga xanibay inay khudbadiisa dibada goobta shirku uu ka socday uga baxdo.

” Waxaana  qolada EU ee u qaabilsaneyd Media sameeyeen inay inaga joojiyaan soo gudbinta khudbadaasi. Lafteena ma aanan fahmin in la joojiyey khudbadaasi, sababtoo ah shaashadaha naloo sameeyey waa ka daawaneynay, balse markii khudbadu ay dhamaatay ayaa waxaan helnay Telefoono dibada inooga yimid oo sheegayey inaysan bixin khudbadii Faroole. Markaasi ayaan iskudaynay in aan haddana bogga loo sameeyey in lagu keydiyo dhamaan khudbadaha shirkaasi laga jeediyey ka baarno, haddana halkaasi waanu ka weynay. Waxaana inoo soo baxday in waxa markii horeyba goobta shirka naloo geyn waayey ay tahay EU oo rabtay inay khudbadaha qaarna fasaxdo inay baxaan qaarna ay joojiso. Taasi oo aan dhici laheyn haddii aan gudaha ku jiri laheyn” ayuu yiri Abdiweli Garyare oo ka tirsan Universal TV.

Universal waxaa kale oo ay sheegeen inay la xiriireen qolada EU u qaabilsaneyd Media si ay arrintan xalkeeda u helaan balse xafiiskaasi waxa uu sheegay inuusan wareysi bixineyn balse ay  la soo xiriiraan wixii dood ka qaba arrinta khudbadaasi iyo waxa loo joojiyey. Isagoona Abdiweli Garyare ugu baaqay maamulka Puntland inay halkaasi la xiriiraan si ay wax u hubsadaan.

Ugu danbeyntii waxaa uu Abdiweli Garyare  wax lala yaabo ku tilmaamay in warsaxaafadeedka hadda kasoo baxay Puntland ee shaqada looga joojiyey  Universal  tahay arrin aan cadaalad ku dhisneyn, isagoona tusaale usoo qaatay in warbaahin badan oo  Soomaali iyo ajanabi lehba ay meesha joogeen balse aan shaqadii ay Puntland ka hayeen laga joojin. Waxaase quman ayuu yiri in arrintaasi dhankooda wax laga weydiiyo maadaama aysan laftooda khudbadii Faroole soo gudbin.

HALKAN KA DAAWO JAWAABTA UNIVERSAL

Caasimada Online

Xafiiska London

[email protected]

PUNTLAND oo ku ciil baxday Universal TV soona ceyrisay “Maxaad Khudbadii Faroole ee Brusels u tabin weyseen?”

0

Garoowe (Caasimada online) Sida wararka naga soo gaaraya deegaamada Maamulka Puntland ay shegayaan waxaa guud ahaan la xiray xafiiyadii TV-ga Univessal uu ku lahaa deegamada Maamulka Puntland .

Kadib Bayaan kasoo baxay Axmad Shiikh Jaamac,  wasiirka warfaafinta Puntland ayaa lagu sheegay in Si rasmi ah shaqadii looga joojiyay Tv-ga Universal ilaa amar dambana uusan ka shaqeyn karin deegaamada Maamulka Puntland.

Sababta Shaqada looga joojiyay Universal ayaa lagu sheegay in si bareer ah ay ula dagaalameen wafdigii uu madaxwaynaha Puntland hoggaaminayay ee ka qayb galay Shirkii New Deal 16-ka bishaan ku qabsoomay magalada Brussels.kaasoo Somalia yabooh dhaqaale loogu aruurinayay.

Shirkaasi ayaa waxaa khudbad ka jeediyey Faroole, balse majirin id tabisay, taasi oo ka carreysiisay Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sida tan

”Wasaaraddani waxay aragtaa in mulkiilayaasha Tv-gaasi ,falalkooda gurracan ku raalligelinayeen.xafiisyo ku yaal Muqdisho, kagana rabeen cunto rakhiis ah iyagoo xafiisyadaas horay ula sii galay heshiis gobannnimada ka fog, markii xafiisyadda Tv-gaas gaar u siyeen soo tebinta wararka shirkaasi”.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay xogo badan oo ay haleen dhanka shacabka iyo dowladaba,inay garowsadeen in shaqada Universal laga joojiyo,.wuxuna yiri”Sidaas darteed,wasaaraddani, iyadoo difaacays shafarta iyo xaquuqda shacabka reer Puntland, laga bilaabo saacadda 8:00-subaxnimo ee taariikhdu tahay -sabti 21/09/2013, waxay joojisay oo mamnuucday dhammaan howlgalladii Tv-ga UNIVERSAL ee gudaha Dowladda Puntland(Illa war danbe).

”Shacabka reer Puntland meel kasta oo ay dunida ka joogan way yaqaanaan tallaabooyinka habboon ee uu ka qaadayo Tv-gaas xagxagtay sharaftiisa”. ayuu hadalkiisa raaciyay

Inkastoo la sheegay in Baahin la’aanta Khudbadii faroole la rumeysan yahay inay wax ka ogaanyeen midowga Yurub ayaa hadana waxaa ay noqotay mid muran badan keenta isla markaana maanta Tv-gii Universal howshii uu ka hayay Puntland looga joojiyay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Prof: Jawaari oo Beeshiisa u hiilayay iyo Koonfur Galbeed oo lagu heshiiyey

0

Beydhabo (Caasimada online) Sida wararka aan ku heleyno waxaa magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ka dhacay kulan u dhexeeyay odayaasha, waxgaradka Beelaha Digil iyo Milifle iyo sidoo kale Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka aya waxaa looga hadlayay sidoo loo sameyn lahaa Maamul ay ku mideysayihiin Gobola ee kala ah Sh/hoose, Baay, Bakool , Gedo iyo Labada Jubbo waxaana la sheegayaa in la isku afgartay arintaasi .

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Goboladaas  ay midoobayaan isla-markaana waxgaradka goboladaas ay ku heshiiyeen inay Maamul ay dhistaan kaas oo ay ku mideysan yihiin .

Prof: Jawaari oo kulanka markii uu soo dhamaaday kadib war baahinta lahadlay wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha Baladn loo soo dhisi doono maamul goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya waxaana taas ay muujineysaa inuusana qoonsaneyn maamulka Jubba

Shiif Xasan Cali Ibraahim oo ka mid ah waxgaradka kulanka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin taageerada uu u muujiyay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaiya ayna soo dhaweynayan , waxaana uu sheegay in iminka maamulkoodu uu aqoonsi ka heysto  madaxda dowlada uu oo matalayo gudoomiye Jawaari.

Sidoo kale Afahyeenka Maamulka Jubbland ee Barre Aadan Shire Hiiraale, Xasan Maxamed Qaasim ayaa sheegay inay taageersan yihiin aabulka iyo kulamada Beydhabo ka socontayoo ee lagu dhisayo maamulka goonfur galbeed Soomaaliya

Wax garadka gobolada Baay iyo Bakool ee Beelaha Digil iyo Milifle ayaa hore waxay u sheegeen inay kasoo horjeedaan maamulka Jubba ee Axmed  Madoobe uu hogaanka u hayo , waxaana ay sheegeen inay deeganada uu ka arimiyo ay maamulkooda gaarsiin doonaan .

Maamulka Jubba ayaanan wali ka hadlin kulamada beydhao ka soconaya iyo aqoonsiga Gudoomiye Jawaari ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Halkan ka akhriso mar-murtiyeedka shirka kasoo baxaybaydhabo-war3baydhabo-warBaydhabo-war2

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

VIDEO: Muqdisho: Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Saandkaan dhacay

Caasimada Online: Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho sanadkaan wax yaabihii ka dhacay waxaa ka mid ahaa Qasaarooyin naf iyo maalinba leh hadii ay ahaan lahaayen Qaraxyo xoogan oo is biirsaday oo Shacab Soomaaliyeed ku naftaayeyn iyo Horumarka Caasimadda oo xowli ku socda.

Muqdisho ma moodid Magaalo ay hareeyeyn Dhibaatooyin 23 sano balse marka aad aragto sida ay tahay dhinac waa ka magaalo dhinac waa ka qarax dhinacna waa ka dagaal xaaladu ma’ahan mid mar walba dagan wax kastana waa la filan karaa ee nala daawo Muuqaalkani laga diyariyay wax yaabihii ugu waaweynaa ee dhacay Sanadkaan.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

KASHIFAAD: Yaa maleegay Fadeexadii Faroole ku qabsatay shirkii New Deal?

0

London (Caasimada Online) – Xassan Shirwac oo ka mid ahaa xubnihii ka socday Jaaliyadda UK ee ka qeybgalay shirkii Brussels ee waddanka Biljamka, ayaa sheegay in siyaasiga C/raxmaan Jurille uu ahaa shaqsigii ka dambeeyey fashilkii shirka ka soo raacay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Sida Shirwac sheegay Jurille, ayaa abaabulay in uu madasha shirka ka hadlo Faroole isaga oo aan ku jirin liiska dadka loogu talogalay in ay shirkaasi ka khudbeeyaan, wuxuuna tilmaamay in Juriile ujeedada uu ka lahaa in ay tahay in beesha caalamka uu tuso shaqsiyada dhabta ah ee Faroole, oo ah nin u dhaqmaya sida in Soomaaliya uu madaxweyne ka yahay.

Jurille oo fadeexeeyey Faroole
Jurille oo fadeexeeyey Faroole

“Shirku ma aanu aheyn shir ay Soomaali abaabushay, shirka waxaa ajandihiisa & cidda ka hadleysa soo diyaariyey EU, waxaa lagu soo daabacay shabakadda EU, wuxuuna ahaa shir horay loo sii ogaa dadkii ka hadli lahaa, Faroole wuxuu garan waayey in halkaasi aan boos uga bannaaneyn, C/risaaq Jurille oo ka shidaal qaadanayey baahida xooggan ee Faroole u qabay inuu shirka ka hadlo ayaa fursadaasi ka faaídeystay, ceebta meesha ka dhacdayna waxey aheyd markii odayga looga maaro waayey hadalka ayaa wixii kaamiro ahaa inta laga damiyey, saxaafaddana lagu wargeliyey in aysan maqal & muuqaal u duubi karin ayaa la yiri hadal, muuqaalka laga duubay ee website-yada la soo geliyey waxaa ka muuqata in taleefanka gacanta (mobile) laga duubay” ayuu yiri Shirwac.

Shirwac wuxuu sheegay in Faroole uu doonayey inuu madaxweynaha u sii raaco dalka Talyaaniga, taasina ay u suurtageli weysay markii madaxweynuhu ka cudur-daartay.

“Wuxuu doonayey inuu soo dabo galo madaxweynaha oo uu Talyaaniga la yimaado, iskana dhigo in ay dowladda Talyaaniga casuuntay, waxaa si toos ah loogu yiri annaga kuma casuumin ee dhinac nooga bax, annaga madaxweynaha Soomaaliya ayaan casuunay, haddaan maamul goboleed casuumeyno madaxda maamulada oo dhan ayaan casuumeynaa, ayaa si toos ah loogu yiri” ayuu yiri Shirwac, wuxuuna intaa ku daray in madaxweynaha si aan horay loo arag loogu soo dhoweeyey dalka Talyaaniga, wuxuuna xusay in dowladda Talyaaniga aysan u kala harin soo dhoweyntaasi.

Caasimada Online

Xafiiska London

[email protected]

Beesha Majeerteen oo dibad-bax ugu diyaarisay madaxweyne Xasan Ohio

0

Columbus (Caasimada Online) Xubano kasoo jeeda beesha Majeerteen, oo ku sugan magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isku diyaarinaya inay ku mudaaharaadaan madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, oo tagaya gobolka.

Mudaaharaadka beesha Majeerteen oo qeyb ka ah kuwa sidan oo kale ay kaga dhigeen meelo badan oo caalamka ka mid ah oo Soomaalida ay qaxooti ku yihiin, ayaa waxa uu dhici doonaa axadda, 22-ka bishan.

Ma jirto wax u jeedo cad ah oo loogu mudaaharaadayo madaxweynaha Somalia, marka laga reebo naceyb ku dhisan qabyaalad.

Mudaaharaadyadii hore ee beesha Majeerteen ku sameysay madaxweynaha, ayaa waxaa qiil looga dhigi jiray arrinta Jubaland, oo iminka xal laga gaaray, islamarkaana isku soo dhowaanshaha Muqdisho iyo Kismaayo uu marayo in tabeelaha sawirka madaxweyne Xasan laga taagay bartmaha Kismaayo. Halkan ka arag.

Si kastaba 99% Soomaalida Ohio, ayaa isku diyaarinaya inay si kalgaceyl usoo dhoweeyaan madaxweynahooda, ayna ka hor tagaan mudaaharaadkaas qabyaaladeysan, sida dadka abaabulaya soo dhoweynta madaxweynaha ay ku warramayaan. Halkan ka daawo.

Maamulka Puntland iyo beesha uu ku abtirsado, ayaa mucaaradsan dowladda Somalia, sababo la xiriira xubinta ra’iisul wasaaraha Somalia, oo ay qaadatay beesha Sade oo ay ku wada abtirsadaan Daarood, balse Puntland ay rumeysan tahay inay mar kasta ayada mudan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Columbus
[email protected]

FROOLE oo ka hadlay xannibaadii lagu sameeyey khudbaddiisii New Deal

0

Brussels (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Faroole oo hogaamiya maamulka Puntland,ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khudbad uu ka jeediyey shirkii New Deal, balse Midowga Yurub ay xannibeen in la daawado.

Faroole oo la kulmay jaaliyadda beeshiisa ee Brussels, ayaa shaaca ka qaaday inaanu ka warheyn in khudbaddiisa la daawaday iyo in kale oo uu ka maqlay dadka, markii uu shirka kasoo baxay kadib.

Waxa kale oo uu sheegay in muhiim aysan ahayn in khudbaddiisa loo daawaday si toos ah, inkasta oo uu jeclaa, haddana muhiimadda ay tahay in farriintiisa uu u gudbiyey Midowga Yurub

“Aniga iyo wafdigayga waa nimi shirka New Deal, waxaana u sharaxnay Beesha Caalamka Xaalada Soomaaliya ay ku jirto iyo tan Puntland, waxaana Beesha Caalamka u sheegay qorshaheena 5 ta sano ee soo socota , qoraalna waanu hordhignay wax nagu seegana ma jiraan hadii la baahiyo khudbadeena iyo haddii kale, idinku ka jaaliyado ahaan idinku baara waxa loo siidayn waayey Khudbada” ayuu yiri Faroole oo la hadlayey jaaliyaddiisa.

Faroole, oo ay jaaliyadda su’aalo ka weydiisay wararka ka jira in Midowga Yurub ay xannibeen khudbadda iyo in kale, waxa uu si carro leh u yiri inaanu ka jawaabi karin su’aalo ceynkaas ah.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Video: Muuqaaladii ugu dambeeyay ee bilicda magaalada Muqdisho (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) –   Barnaamij cajiib ah oo Kooxda Naughty Nomad oo booqatay Magaalada Muqdisho ay ku soo aruuriyay Bilicda Qurxoon ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo Nolosha Shacabka ku nool Caasimadda Muqdisho.

Muuqaalkani waxaad ku arki kareysaa sida dhaqsida ah ay isku badashay Caasimadda Dalkeena Somalia ayadoo aad dareemeeysid in Muqdisho dib u istaagtay 23 sano kadib oo ay haatan ka kabaneyso waxii gaaray.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Beesha Sade oo soo saartay go’aan la xiriira sodaalka A/Madobe ee Denmark

0
Copenhagen (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Haweenka iyo ururada Dhalinyarada ee Jaaliyada Beesha Sade ee dalka Denmarka ayaa waxa ay ka soo saareen war-saxaafadeed ay ku muujinayaan Moowqifkooda, ku aadan socdaal uu Axmed Madoobe ku tagay dalkaas.
Jaaliyada beesha Sade ee dalka Denmark waxa ay cadeenayaan bay yiraahdeen in ay soo dhaweeyn soona dhaweyn doonin Axmed Madoobe oo maalmihi la soo dhaafay booqasho ku joogay dalka Denmark.
Waxa ya sheegeen in Axmed Madoobe uu tagay kulana la qaatay Ragg aan matalin, mas’uulna ka ahayn Jaaliyada beesha Sade ee Dalka Denmark iyo gabi ahaan beesha Sade, sida ay hadalka u dhigeen, islamarkaana waxa ay kula hadleena amaba kula heshiiyeen kulnakkoodaas ka dib iyaga ayay gaar u tahay, mana ahan wax quseeya Jaaliyada Beesha Sade ee dalka Denmark.
Jaaliyada beesha Sade ee dalka Denmark waxa kale ay sheegtay inay cadeenayaan inay ku moowqif yihiin taageero hiil iyo hooba lehna la garab taagan yihiin go’aanka ay qaateen Odayaasha Dhaqanka Beesha Sade ee ku sugan Gobolka Gedo, Gudiga odayaasha dhaqanka ee Waamo iyo Saraakiisha ciidamada ee ku sugan Duleedka magaalada Kismaayo.
Beesha ayaa nasoo gaar siisay liiska rag ay sheegeen inay la kulmeen Axmed Madoobe, balse aan ayaga matalin
1. Axmad Cabdulle Yuusuf
2. C/kaafi Cawil Issaaq
3. Shiikh Axmad Ibraahim
4. Rooble Maxamad Aaadan
5. Cilmi Nuunow
6. Cabdi Yuusuf Faadaco
War-saxaafadeedkan Waxaa Si Wadajir Ah U Soo Saaray Guddiga Jaaliyada Beesha Sade Ee Denmark.   
1. G/Sare Cabdi Cali Nuur
2. G/Sare Maxamad Aadan Dhoore
3. Said Isaxaaq Warfaa
4. Axmad Maxamad Cismaan
5. Ibraahim Salaad
6. Jaamac Shire Cigaal
7. Cali Saddexle
8. Cabdi Maxamuud Xirsi
9. Maxamad Aadan Carab
10. G/Sare Maxamuud Cilmi Rooble
11. Muusse Cali Madaw
12. Nuur Cabdiqaadir Ugaas
13. Daahir Cismaan Kaynaan
14. C/llahi C/qaadir Cigaal
15. Xassan Hiire
16. Baashi Aden Diini
17. Jamaal Cabdi Dhoorre
18. Xusseen Xassan Muuse
19. Cabdi Xassan Nuur
20. Cabdi Aadan Ashkir
21. C/wahaab Xusseen Gudinle
22. Aadan Jaamac Ololaa
23. Cabdi Axmad Carab
24. C/casiis Xassan Dafar
25. Maxamuud Aadan Carab
26. C/salaan Maxamad Ashkir
27. Muqtaar Carab Maxamuud
28. Axmad Shire Cigaal
29. Cabdi Xassan Nuur
30. Saciid Cismaan Nuur
31. Mahad Caanogeel
32. C/qaadir C/salaan Cumar 
33. Cali Diini Maxamed
34. Xabiibo Cali Gurxan
35. Nasro SH. Faarax
36. Saciido Xaashi Dalab
37. Xaawo Maxamad Shire
38. Xalimo Maxamuud Xalane
39. Deeqo Cali Caynab
40. Cureeji Maxamad Muqtaar
41. Foos Xussen Diirshe                                                     
42. Nuuro Cali Shirdoon
43. Canab Cumar Aw Xasan
44. Xaawo Keyf Cabdikarin Muse
45. Cudbi Axmad Xaashi
46. Layla Dhooyo
47. Farxiyo Cumar Aw Xasan
Wabilaahi Towfiiq
Guddiga Jaaliyada Beesha Sade Ee Denmark
Copenhagen, Denmark

Muqdisho: 20 qof oo noloshooda ay halis ugu jirto arrin si lama filaan ah….

0

Muqdisho (Caasimada Online) In ka badan 20-qof ayaa la dhigay Isbitaalka Daaru-Shifa ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay ku sumoobeen caano ay cabeen.

Cabdi Mahad oo ah afhayeenka ciidanka naafada Soomaaliyeed ee ku jira Isbiala Martiini ayaa u sheegay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho, in dadkan ay cabeen caano iyagoo joogay goob amuur ay ka socotay ama Sab oo ku taalla gaudaha Isbitaal Martiini.

Wuxuu sheegay afhayeenka in dhammaan dadkii cabay caanaha ay ku xanuunsadeen, kuwaasoo hadda loola cararay Isbitaalka Martiini oo lagu daweynaayo.

Mar la weydiiyay dadka ku xanuunsaday caanaha sumeesan wuxuu sheegay in dadkaas ay isugu jiraan dad waaweyn iyo carruur.

Qaar kood wuxuu sheegay in xaaladood ay halis tahay.

M ahan markii ugu horeysay oo dad ku xanuunsaday caano sumeesan oo ay cabeen lageeyo Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Inta badan waxaa loo aaneeyaa weelka lagu soo shubo caanaha in ay soo raacaan sunta xoolaha, taas ayaan dhakhaatiirta ay sheegaan inta badan ka dhalato xanuunada.

Dad badan ayaa u dhinta kuwa kale xanuuno aan la oqoon ayaa kau dhaca kuwa kale waa ay ka soo kacaan markii ay qaataan dawooyin.

Isbitaalka Martiini wuxuu hooy u yahay ciidankii xoogga ee ku naafoobay dagaalkii ay dalka ku difaacayeen sannadkii 1977-dii.

Dhageyso: Ku Xigeenka Afyeenka Nafafa Isbitlka sibitalka Martiini Cabdulaahi Maxamed Ducaale

Ku Xigeenka Afyeenka Nafafa Isbitlka sibitalka Martiini Cabdulaahi Maxamed Ducaale

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay John Kerry, Washington DC

0

Madaxweynha Somalia Xasan Sh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay shalay galab soo gaadheen caasimadda Washington ayaa waxaa uu kulan kula yeeshay xaruunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Xogahayaha aariimaha dibadda John Kerry.

labada mas’uul waxay si kooban ula hadleen saxaafadda waxaana ugu horrayn xogahaya arrimaha dibadda ee maraykanka John Kerry uu soo dhaweeyay madaxweynaha Somalia, waxaana uu faahfahin ka bixiyay sida ay dawladda maraykanku ugu niyad santahay isbedelda ka dhacay Somalia, isaga oo xusay in dawladda Maraykanku taageersantahay dadaalka ka socda Somalia.

Kerry ayaa tilmaamay in hawl wanaagsan la soo qabtay waxaana uu ku baaqay in la sii wado dadaalka nabadaynta iyo dib u heshiisnta iyo meel marinta dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh Mxamuud oo intaas kadib saxaafadda la hadlaya ayaa waxa uu ka warbixiyay xaaladda Somalia iyo arrimaha hor yaalla dawladd federaalka ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in socdaalkoodu yahay mid tala ururin ah oo ku aaddan sida lagu gaadhi karo higisaga Somalia.

Qaybta hoose ka daawo kullanka

Daawo Video: Adeeg aan Muqdisho 22 sano lagu arag oo uu Turkey hirgeliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo Turkiga uu weli sii wado caawimaadda shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxa ay iminka magaalada Muqdisho ka hir geliyeen adeeg 22 sano aan Muqdisho lagu arkin.

Adeegaan oo ah mid shacabka Soomaaliyeed aysan arkin mudo 22 sano ah, ayaa waxaa hirgelintiisa iska leh Hay’addaha dib u dhiska iyo howlaha kale ka wada Muqdisho ee dalka Turkiga, kaasoo dadka u sahlaya iney ku noolaadaan meel nadiif ah.

Adeegaan oo ah mid dadka xaafadaha ay qashinka dibada ugu soo saarayaan, kadibna ay ku shubayaan Haan loogu talagalay in raashinka haray iyo qashinka lagu shubo.

Waxaa ka arkeysaa Muuqaalkaan dad guryaha kasoo saaraya qashinka kadibna ku shubaya haanta loogu talagalay oo xili cayiman u imaanaya gaadiid loogu talagalay in uu qaado.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlaha nadaafadeed ee dowladda Turkiga ka hirgelisay Muqdisho, waana markii ugu horeysay burburkii kadib oo Muqdisho yeelato goobo cayiman oo qashinka la dhigo.

Halkan ka daawo howlaha ka socda Xamar

Isha: Warfaafiye.com