28 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Daawo: Ma is laheyd Muqdishaa Sidan loogu damaashaadayaa + Maqal

0

Muqdisho  (Caasimada Online) Halkaan hoose ka daawo Sawirada Sida Maalmaha Fasaxa ah loogu dal xiis tago Xeebta Degmada Cabdi Casiis ee Liido oo  noqotay goob loo dalxiis tago .

Dhageyso qaar ka mid ah Shacabka reer Muqdisho ee usoo dabaal tagay Xeebta oo cabiraya dareenkooda ku aadan sida ay ugu faraxsan yihiin Damaashaadka Maalmaha Fasaxa ee Xeebta Liido .

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Liido

Halkaan ka dhageyso Codka Liido

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 14 15 16 17 18 19 20 21

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Farriin Madaxweyne Xasan ka timid

0

Muqdisho  (Caasimada Online) – Wareysi uu Siiyaya TV-ga dowlada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu kaga waramay Dhbaatooyin dalka Talyaaniga ku heysta Dhalinyaro Soomaali ah .

Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomalaiya wuxuu sheegay inay Jiraan Dhibaatooyin Soomaalida kala duwan ay halkaasi ku hheystaan isla-maraana ay u baahan yihiin id dib u celin loo sameeyo .

Waxa uu ugu baaqay dhalinyarada ku daacdareysan Magaalada Roma iyo Gobolada Kale ee dalkaasi  inay dib ugu soo laabtaan Dalkooda Hooyo , waxaana uu sheegay in hadii ay yimaadaan ay heli karaan nolol u dhaanta mida ay iminka ku jiraan.

EDhalinyarada Soomaalida ah ee ku dhibaateysan Talyaaniga ayuu sheegay inay heystaan Fursad  ay dib udhiska dalkooda uga qeyb geli karaan dib u dhiska iyo nbadeynta dalkooda hooyo .

Mar wax laga weydiiyay Maamulada dalka ka jira ee dhaliilsan Shirka Brussels , ayuu tilmaamay in dowlada Soomaaliya aysan kaligeed isku koobin balse latashi iyo xuuraansi badan ay sameysay.

Maamulada dalka ayuu sheegay in dhamaan laga qeyb galiyay isla markaana wuxuu tilmaamay in dhaqaalaha caalamku ay soomaaliya ka hesho in loo simanyahay.

Halkaan ka dhageyso Madaxweyne Xasan Maxamuuuuud

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Guddoomiyihii Bankiga dhexe oo qiray warkii Caasimada Online ee 13-kii Sep.

0

Nairobi (Caasimada Online) Iyadoo ay 13-kii bishan ay Caasimada Online qortay in shaqada laga ceyriyay guddoomiyihiin Bangiga dhexe ee Soomaaliya, ayaa warkii Caasimada Online waxaa xaqiijiyey guddoomiyaha.

Halkan ka arag xogtii Caasimada Online ee toddobaad ka hor iyo sidoo kale gabadha lagu beddelay guddoomiyaha

Isagoo la hadlaayay wakaalada wararka Reuters ayuu Cabdisalaan Cumar Hadliye oo ahaa guddoomiyihii Bangiga dhexe ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in uusan ilaa hadda ka warqabin sababaha loo qaaday xilka.

Mar la weydiiyay in xilka uu ku waayay warbixin bishii July ay soo saareen kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eriteria ee QM, kuwaasoo sheegay in lacago badan oo yaalay bangiga dhexe loo is-ticmaal si shaksi ahaan, wuxuu beeniyay in arrintaas aysan waxbo ka jirn, wuxuuna cadeeyay in lacagaha inta badan ka baxay Bangiga ay ahaayeen kuwa si sharci loo bixiyay.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa xog ku heysa in dowladda Soomaaliya guddoomiyaha cusub ee Baanka dhexe u magacowday haweeney in ka badan 30-khibrad u leh arrimaha maaliyadda kuna nool dalka Maraykanka, oo lagu magacaabo Yussur Abraar.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada ugu horeeya ee musuq-maasuqa adduunka, waxaana lixdii sanno ee la soo dhaafay ku jirtay kaalinta koobaad.

Beesha caalamka ayaa dooneysa in si hufan ah loo maareeyo dhaqaalaha ay ku deeqdo Soomaalida.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

ETHIOPIA oo ku xumeysay Somaliland una weecatay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu shaaciyay Safiirka cusub ee Dowladda Ethiopia u fadhiya Muqdisho, Ambassador Wondimu Asaminew shirkadda duulimaadka Ethiopian Airlines waxay dib ugu bilaabeysaa duulimaadyo garoonka Muqdisho, xili ay shirkadaasi gabi ahaanba joojisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay Somaliland.

Ambassador Wondimu Asaminew wuxuu sheegay in Dowladda Ethiopia ay go´aansatay xiligan iney dib u bilowdo duulimaadyo rasmi ah oo shirkadooda ku imaan doonto Muqdisho, si bulshada Soomaaliyeed iyo dadka kale loogu fududeeyo safarka mudada dheer qaadan jiray.

Wuxuu ka hadalyay Safiirka go´aanka ay shirkadda Ethiopian Airlines ay ku joojisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay Hargeysa wuxuuna sheegay in taasi ay ku timid howlaha garoonka Hargeysa oo weli qabyo ah oo aan xamili karin diyaaradaha waaweyn iney soo caga dhigtaan.

Laakiin wuxuu tilmaamay in taasi badalkeeda ay u fududaatay iney duulimaad ka bilowdo garoonka weyn ee Muqdisho oo buuxiyay shuruudihii caalamiga ahaa ee caalamka ka jiray, sidaasi darteedna ay shirkadda ka howlgeli doonto.

Go’aanka Ethiopia ayaa waxaa dhaliilay maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Somalida Holland oo ay soo wajahday arrin aysan raali ka ahayn (Warbixin)

0

Amsterdam (Caasimada Online) Waxaa soo badanaya walaaca ay muujinayaan Soomaalida ku dhaqan dalka Holland, kaddib markii raaf lagu sameeyay dhallinyaro Soomaali kuwaasoo si qasab ah looga celiyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Toddobaadkan ayey ahayd markii wiil dhallinyaro ah oo ka tirsanaa jaaliyadda Soomaalida ee dalka Holland xoog looga dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ka xirnaa gamcaha, waxaana halkaas geeyay boolis.

Wariyaha qaarada Yurub ee Shabakadda Caasimada Online, ayaa soo sheegaya in shaley dib loo dhigay koox Soomaali ah oo la rabay in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya.

Arrintan soo baxday markii la sheegay in heshiis ay gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Netherlands, kuwaasoo isku raacay in Soomaalida sharci darada ku jooga dalka Holland dib loogu soo celiyo dalkooda.

Dowladda Holland ayaa dhowr jeer ku dhaqaaqday tallaabadan oo kale balse, hey’addaha xuquuqda aadanaha iyo kuwa qoxootiga ayaa is-hortaagay, maadama ay sheegeen in weli Soomaaliya ay tahay goob khatar ah.

Dowladda Holland ayaa ku adkeesaneysa in ay dib u celin doonto Soomaalida ku nool dalkeeda, maadama Soomaaliya ay tahay dal nabdoon oo dowlad rasmi ah ay ka jirto.

Dalka Holland waxaa ku nool Soomaalida badan kuwaasoo qoxooti ah ku tagay, waxaana la soo sheegayaa in qaar badan ay weli helin sharciga dalka.

Qaar badan oo ah Soomaalida marka ay tagaan dalka Netherland waa ay ka sii tagaan oo waxa ay galaan waddamada kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

 

 

Video: Weli ma aragtay howlaha cusub ee ka socda garonka Aadan Adde

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Adde Airport oo shaqadiisa ay isku badashay qaab aan horay loo arag kadib markii garoonka ay ka bilaabatay howlo diyaarado caalami ah oo waaweeyn kuwaa oo isugu jira Cargo iyo Diyaarada wada Dadweynaha.

Marka aa daawato muuqaalka laga soo duubay isma dhaheysid halkaan waa Garoonkii Aadan adde waxaad ka arkeysaa in Garoonka uu haatan bilaabay howlo balaaran oo aad loogu farxo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DOOD: Maxay kula tahay arrintan?

0

Washington DC (Caasimada Online) Jimco wanaagsan dhammaan akhristayaasha Shabakadda Caasimada online ee kala jooga adduunyada oo dhan.

Doodda toddobaadkan waxaan uga hadli doonaa shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Brussels ee looga hadlaayay arrimaah Soomaaliya.

Sida intiina badan ay la socdaan waxaa toddobaadkan magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ka dhacay shirweyne looga hadlaayay dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 50-dowladood iyo hey’aaddo caalami ah, kuwaasoo goobta ku yaboohay dhaqaale badan.

Shirkan marka laga soo tago beesha caalamka, waxaa kaloo ku sugnaa qaar ka mid ah madaxda maamul gobaleedyada dalka sida Puntland iyo maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Jawaab ma u heysaa su’aalahan?

Akhristow, haddaba shirkaas muxuu uga badalnaa shirarkii horey loogu qabtay Soomaalida?

Ma islee dahay dhaqaalaha lagu ballan qaaday waa lawada heli doonaa?

Dowladda iyo maamulada ka jira dalka siddii ayey u qaybsan doonaan?

Soomaalida siddee ayey uga faa’ideesan doonaan taageerada beesha caalamka?

Beesha caalamka ma ka dhabeen doonaan bixinta dhaqaalaha ay u ballan qaadeen dowladda?

Maxaa ku dhaqan waddamada carabta oo dhaqaalaha shirka looga dhawaaqay ay wax yer ku lahaayeen, inta badana waxaa bixiyay waddamada Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

Warbixin iyo Video: Maxaa TARZAN iyo wasiirka caafimaadka Puntland ku kala qabsaday shirkii New Deal?

0

Brussels (Caasimada Online) – Shirkii ka dhacay magaalada Bruxsell ee waddanka Biljamka oo ahaa shir loogu hadlayey sidii beesha caalamku uga caawin laheyd dowladda Soomaaliya sii ambaqaadida dedaaladda dhinaca nabadda, arrimaha bulshadda & dib u dhiska dalka,  ayaa mid ka mid ah fadhiyadii qaddada ahaa intii uu shirkaasi socday waxaa iska dhex taagay wasiirka caafimaadka maamul goboleedka Puntland Cali Cabdullaahi, oo u arkay fursad in madaxda beesha caalamka uu ka gado horumarka bulshadda ah ee Puntland ay ku tillaabsatay sida Cali Cabdullaahi uu warka u dhiga.

Waxaan markii wasiirka maamulka Puntland uu hadalka dhammeystay, hadalkii qaatay Guddoomiyahaa Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxéd Nuur Tarzan oo sheegay in shirku uu yahay shir loo qabtay dowladda Soomaaliya & beesha caalamka, loogana hadlayo waxyaabihii dowladda u qabsoomay & qorshaha mustaqbalka ay dowladdu tiigsaneyso, oo aaney wax boos ah uga bannaaneyn in looga hadlo arrimo Puntland si gaar ah u quseeya, Puntland-na ay hoos tagto dowladda Soomaaliya, ayna ku gowracan tahay in dowladdeeda uga dambeyso xalinta & jaangoynta siyaasadeed ee dalka.

Tarsan wuxuu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay ku dhisan tahay hanaan ay iska dhex arki karaan dhammaan maamulada dalka ka jira, ayna Puntland qeyb ka tahay maamuladaasi dalka ka jira, oo aaney jirin wax fadli ah oo ay maamuladaasi dheer tahay.

“Wax la aqbali karo ma ahan, in shirkii looga hadlayey arrimaha Soomaaliya in mowduucyo ka baxsan kuwii loogu talogalay in laga barbar furo, waxaana si buuxsada uga soo horjeednaa in ergada Puntland ay isla soo mutaxaan wax aan meeshaba oolin, shirkani ajnadayaashiisu waa kuwa aaney ciddina caad ka saarneyn wuxuuna u dhexeeya dowladda Soomaaliya & beesha caalamka, waxaana halkan jooga madaxdii Qaranka” ayuu yiri Tarzan.

Taageerayaasha Puntland ayaa si weyn ugu carooday hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Tarzan, waxaana muddadii uu shirkaasi socday hadal heynta ugu badani ay noqotay sida uu Tarzan u xagal daaciyey qorshihii wasiirka caafimaadka maamulka Puntland, halka ay jiraan dhinaca kale dad u arkayey Tarzan halyeey waddani ah oo aan runta la gamban, kana soo horjeeda in Puntland oo dowladda qeyb ka ah, dhinacna in xubno xilal muhiim ah haya ay dowladda ku yeelato, haddana dhinaca kale in ay mar walba u taagan tahay in ay dowladda ula macaamisho sida in ay tahay dowlad kale oo la siman, halkii Puntland looga baahnaa in ay la mid noqoto maamulada dalka ka jira sida Galmudug, Jubba-land & Ximin & Xeeb.

Tarzan waxa uu ka mid yahay shaqsiyaadka aaminsan in Puntland & madaxdeena runta loo sheego, laguna yiraa waxaad tihiin maamul beeleed la mid ah maamulada kale, waxaadna dowladda ku leedihiin xubno idin metela waa in dowladdu ay wakiilo u soo dirsataa dhammaan ilaha dhaqaalaha Puntland si loola socdo miisaaniyada gobolada Puntland.

Halkan ka daawo Dhacdadii Tarzan iyo Madaxa caafimaadka Puntland

Caasimada Online

Xafiiska London

[email protected]

Sawirro iyo xog dheeri ah: Dhibaatadii maanta ka dhacday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan meydadka 13-qof ayaa laga soo saaray caawa goob laga qodo dhagxaanta guryaha laga sameeyo oo ku soo duntay duleedka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa waayay gurmad, waxaana in muddo ah ay ku hoosjireen kaawada soo duntay, waxaana la waayay baabuur lagu soo baad-baadiyay.

Waxaa goobta gaaray markii dambe mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo ganacsato, kuwaasoo isku day sameeyay ku aadan siddii loo badbaadin lahaa dadka ku hoos jira kaawada.

Nasiib daro waxaa la soo badbaadiyay afar qof kuwasoo qaar ka mid ay dhaawacan yihiin.

Dadka deeganka waxa ay lee yihiin weli kooxaha gurmadka oo aan wadan baabuur iska roga ah, ayaa baadigoob ugu jira soo badbaadinta dad kale oo ku hoos jira kaawada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dad ay ku dhintaan kaawo ku soo duntay degmada Kaaran waana goob dhagxaanta guryaha.

Dhacdan ayaa waaca si weyn looga hadalhayaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dadka xaafadda oo goobta tagay ayaa sheegay in aad looga naxay kaawada ku soo duntay shaqaalihiii ka shaqeenaayya goobta.

Sawirrada dhibkii dhacay

kaawo 1kaawo 2kaawo 3kaawo 4kaawo 5kaawo 6kaawo 7

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawir gacmeedka Amiin Caamir & wixii Faroole ku qabsaday shirka New Deal

0

Brussels (Caasimada Online) – Sida aan shalay qornay Midowga Yurub, ayaa go’aansaday in khudbad uu Faroole ka jeediyey shirkii Brussels ka dhacay ee New Deal aan la baahin, lana duubin oo kaamirooyinkii laga dansaday. Halkan ka aqri

Sidoo kale farshaxamiistaha Soomaaliyeed ee Amiin Caamir, ayaa sawir gacmeed qosol leh ka sameeyey fowdadii uu Faroole ka sameeyey shirkaas iyo wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia, oo ahaa qofkii inta uu socday shirka xalinayey kuna qancinayey Faroole inuusan madasha ka dhigin mid fowdo ah.

Waxaa sidoo kale sawirka uu muujinaya Faroole oo wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia ka codsanaya inuu khudbad uga qal qaaliyo Midowga Yurub

Halkan hoose ka arag

19_SEP_2013

 

Dhageyso: DF oo gacanta ku dhigtay nin gacanyare u ahaa Masnur Al-amriki

0

Muqdisho (Caasimada online) Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaaliya ayaa maanta kulankooda todobaadlaha ah waxay kaga warameen arimo ay ka mid yihiin Shirkii Brussels kusoo dhamaaday, qabashada degmada Mahadaay iyowaliba  qabashadii rag  Xoghayihii Al-amriki uu ku jiro.

Ridwaan  Xaji Cabdiwali, Afhayeenka xukuumada Soomaaliya oo ka warbixinayay kulankii maanta gollaha Wasiirada ayaa sheegay in gacanta kusoo dhigeen dhowr qofood oo kamid yahay Xoghayntii Abu Mansuur Al-amiriki sida uu sheegay Afhayeenka.

Ridwaan wuxuu  sidoo kale sheegay in Ciidamadda dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha dhexe taas oo uu ky sheegay inay tahay guul usoo hoyatay Bulshada Soomaaliyeed iyo dowladaba.

Kulanka gollaha wasiirada inta uu socday waxaa lagu magacaabay Labo Safiir oo loo kala magacaabay dalalka Ciraaq iyo Imaaraadka Carabta kuwaas oo halkaasi ka howlgali doona sida qorshaha uu yahay.

Shirkii Dhawaan kusoo dhamaaday ayaa golohu wuxuu ku tilmaamay mid guul usoo hoyatay soomalaiya ahaa, waxaana ay ka dalbadeen shacabka Soomaaliyeen inay ku fakaraan sidii ay kaga faa’iideysan lahaayee dhaqaalaha loo yaboohay Soomaaliya kuwaas oo lagu hor marin doono adeegyada aas aasiga ah.

Kulankii gollaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir Guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr oo kamid yihiin ammanka dalka .

Halkaan  ka dhageyso Codka Shirka golaha wasiirada 

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Geel hadlaayo oo qosolka kaa dhameeynaya

0

Caasimada Online:  Xayeysiin loo sameeyay shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Geico ayaa noqotay tan ugu qosol badan oo loogu daawasho badanyahay bishaan, kadib markii ay soo bandhigeen geel hadlayo oo qashqashaadayo saaxiibidiis xafiiska la jooga asigoo soo xasuusinayo maalinta arbacada oo loo yaqaano Hump Day.

Waxaa filimkani daawatay Milyuumaad ayagoo aadna u hadal haya ilaa wali. Waxaa iidhehdani ay noqotay mid ay dadka ku madadaalaan xiliyada ay doonayan qosolka iyo baashaalka iyadoo si cajiib ah loo sameeyay dhaqdhaqaaqa afka ratigan ama geelkaan goorta uu hadlayo, iyadoo shirkadaha arimaha iidhehda qiimeeya ay siiyeen xayeysiinta ugu wanaagsaneyd.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:  

Axmed Madobe oo tagay Copenhagen

0

Copenhagen (Caasimada Online) Magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Denmark waxaa ku sugan wafdi uu hogggaaminaayo hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Axmed Madoobe oo xubnaha la socda uu ka mid yahay Prof Gaandhi, oo horey u soo noqday wasiirka gaashandhigga  ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Copenhagen.

Axmed Madoobe ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha, waxaa halkaas ku sugaayay boqolaal qof oo ah taageerayaasha Jubba iyo jaaliyadda reer Jubbaland iyo Gedo.

Wariyaha qaaradda Yurub ee Shabakadda Caasimada Online,ayaa soo sheegaya in wafdiga Axmed Madoobe ay la hadli doonaan jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Copenhagen.

Axmed Madoobe ayaa jaaliyadda Soomaalida uga warbixi doona dhismaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba iyo heshiiska dowladda uu la gaaray dhawaan.

Axmed Madoobe waa markii ugu horeysay oo uu soo gaaro dalka Denmark, waxaana uu ka mid ahaa madaxdii ka qaybgashay shirkii New Deal ee ka dhacay Brussels.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

[email protected]

Xoghayaha Xizbul Islaam oo ka hadlay sabab yaab leh oo ay DF u xirtay + Cod

0

Muqdisho (Caasimada online) Xoghayihii ururka Xizbul Islaam, Sheekh Maxamed Macalin oo maalin ka hor ay dowlada Soomaaliya Xabsiga u taxaabtay ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay waxyaaha xilligan keenay in dowladu ay xirto.

Wuxuu sheegay in hal habeen uu ku jiray xarunta hey’ada nabad sugidda Soomaaliya ee Guriga Habarqadiijo ee degmada Cabdi casiis halkaas oo lagu xiray kadib  Shirkii Jaraa’id ee uu Muqdisho ku qabtay 16-kii Bishan.

Sheekh Maxamed Macalin, wuxuu sheegayin wax laga weydiiyay Shirka jaraa’id ee aayaha Xizbiga looga hadlayay ee uu Muqdisho ku qabtayoo uu tilmaamay inaysan dowladu waxba kala socon .

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay inay u xirtay sababta Shir aysan ka warheyn uu ugu qabtay Muqdisho , waxaana arin shaki dhalisay uu ku tilmaamay in Xizbul islaam oo lagu ogaa urur hubeysan yihiin inay Muqdisho Kulan ku yeeshaan .

Maxamed Aadan Koofi, Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Banaadir ayuu farta ku goday inuu ka dambeeyay Xariga loo geystay , waxaana uu sheegay in inta uu xirnaa uusan la kulmin wax dhibaato ah .

Ugu dambeyn wuxuu ka warbixiyay qaabka uu mar kale Xuriyadiisa ku helay isagoo sheegay in Su’aalo dhowr ah lga waydiiyay arimaha Xizbigooda iyo kulankii 16-kii Bishan eee Muqdiho ka dhacay kadibna la iska soo daayay sida uu tilmaamay .

Si kasto Xizbul Islaam oo uu hogaan u yahay wali Xasan Daahir Aweys  sida ay sheegeen madaxda Xizbigaas oo dowlada  u xiran ahaana xizbi hubeysan ayaa iminka labo u kala jabay kadib markii Shalay Sheekh Ismaaciil oo ah Xoghaya guud ee Xizbiga horena  u ahaa Afhayeenka Xizbigaas uu sheegay inay xilka ka qaadeen Sheekh Maxamed Macalin oo ay tilmaameen inuusan matali karin Xizbiga.

Dowlada Soomalaiya ayaa maalin ka hor Xabsiga dhigtay Sheekh Maxamed Macalin oo ahaa Xoghayihii Xisbul Islaam kadib markii 16-kii bishan uu Shir jaraa’id uu qabtay uu kaga waramay arimo dhowr ah sheegayna inuu xibigoodu wali yahay mid dhisan inkastoo uu sheegay inuu yahay mid siyaasadeed.

Halkaan ka dhageyso codka Sheekh Maxamed Macalin

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: Beesha Ceyr oo dhaaratay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dilal kala duwan oo ka dhacay qaybo kamid ah Gobolka Galguduud gaar ahaan dhulka ay dagaan beesha Ceyr, ayaa sabab u noqday in uu siyaado wal walka iyo cabsida laga qabo in aano qabiil ay timaado.

Dilkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolka, gaar ahaan kii ugu xanuunka badna aaya aahaa kii ka dhacay matabaan waxaana arrintaasi ilaa maalintii uu dhacay ila ahada fadhiyo kala duwan ka lahaa mamaulka Gobolka, Ugaaska iyo qaybaha dhaqanka oo ay kamid yihiin nabadoonadu , waxaana la isla qaatay in gacanta lagu soo dhigo cidkasta oo kulugyeelata dilalkaasi lana horkeno sharciga.
Kullanka ayaa waxa ay beesha Ceyr ku dhaaratay inay iska qaban doonta dadka dilalka ka wada beesha dhexdeeda.

Halkaan Hoose waxaad ka akhrisataa qoraal ka soo baxay Jaaliyada Besha Cayr ee ku nool daafaha caalamka.
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Dalalka mid ah qaarada yurub ayaa, waxaa ay baaq u dirayan waxgaradka Gobolada Dhexe gaar ahaana Gobolka Galgauduud, halkaas oo baryihii ugu danbayay ka jirtay kala aragti duwaansho u dhaxaysa Maamulka Dowladda Soomaaliya dhawaan u magacowday iyo Maamulka Ahlusuna oo ayagu horay gacanta ugu haayay Gobolka.?Baaqaan oo ay soo saareen kuna saxiixanyiiin gudi ay ku midaysanyihiin Jaaliyadaha Gobolada dhexe ee ku kala nool 6-Wadan oo ka tirsan Qaarada yurub , Waxaana Baaqaan jeedkisu yahay joojinta khilaafka iyo kala aragti duwanshiyaha soo kala dhexgalay Siyaasiyinta Gobolada dhexe waxa uuna u qorna sidaan.
 Ujeedo BaaqAnaga oo ah qurba joogta Soomaliyeed ee ku nool 6-wadan oo ka tirsan Qaarada Yurub kuwaas oo kale ah Belgium, Germny, Nederland, Sweden, Finland iyo Norwey, kana soo jeeda Gobolladda Dhexe ee Soomaaliya ( gaar ahaan deegaannadda Xarardhere, Dhusamareeb, Guriceel iyo Matabaan) ayaan waxaan halkaan baaq guud uga dirayaan Dadka isku haya Siyaasadda ee ka soo jeeda, kuna nool Degmooyinka aan kor ku soo xusnay. Jaalliyaduhu waxay ka digayaan in uu sii balaarto ama sii weynaado is fahamwaaga isla markaana uu gaaro Meel aan wax laga qaban karin ama aan la xalin karin.

Hadaba si taas looga hortago waxaan si gooni ah uga codsanaynaa Ugaaska, Aqoonyahanada, Nabadoonada, Cuqaasha, Siyaasiyiinta, Dumarka,Dhalinyarada iyo guud ahaan Bulshada qaybaheeda kala duwan in ay u istaagaan sidii looga gudbi lahaa khilafka keeni kara Gacan kahadalk, waxeynu si adag u codsaneynaa in wax walba oo jira loogu Xaliyo miiska dushiisa iyo wadahadal.

Waxaan Codsanaynaa in si looga gudbo Arimaha taagan in la Magacaabo guddi Farsamo iskugu jira qaybaha kala duwan ee Ixtiraamka ku leh Bulshada Dhexdeeda sida Nabadoono, siyaasiyiin, Aqoonyahano, iyo saraakiil Mamaul, kuwaas oo ku xeeldheer sida Xalinta khilaafaadka iyo Arimaha Bulshada isla markaana u dhexeeya Dadka siyaasad-ahaan iska soo horjeed.

Ujeedkeenu Maahan in aan cid gooni u Tageerayno ama Diidanahay,laakin waxa na dhibaysa oo aan ka Damqanaynaa in aan Maqalno hadalada Xanafta leh ee sheegaya in la is khilaafsanyahay taasi oo nagu abuuraysa Niyad jab iyo kalsooni daro.

Hadaba waxaan idinka codsanaynaa in Qolo kasta oo wax Tabanysa ay Timaado Miiska wadahadalka si wax walba loogu dhameeyo wadahadal.
Waxaan Codsaneynaa In loo daneeyo Dadka Taagta iyo tabarta Daran , Waxaana Maanta lajooga Xiligii si wada jir ah looga shaqeyn lahaa Hormarka Maamul Wanaaga iyo Samata bixinta Bulshada.

Hadaf keeno waa Isku duubni, wadajir iyo gacmaha oo la is qabsado Si loola tartamo Gobolada kale ee Dalka.
Ugu danbayn waxaan Rajaynaynaa in aad qbali doontaan Baaqeena isla markaana Dhago Nugul u dhigi doontaan.
Waxaan Allah ka baryeynaa in uu Heshiis, Islaax iyo Hormar na gaarsiiyo Anaga iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]