Sawirro iyo xog dheeri ah: Dhibaatadii maanta ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan meydadka 13-qof ayaa laga soo saaray caawa goob laga qodo dhagxaanta guryaha laga sameeyo oo ku soo duntay duleedka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa waayay gurmad, waxaana in muddo ah ay ku hoosjireen kaawada soo duntay, waxaana la waayay baabuur lagu soo baad-baadiyay.

Waxaa goobta gaaray markii dambe mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo ganacsato, kuwaasoo isku day sameeyay ku aadan siddii loo badbaadin lahaa dadka ku hoos jira kaawada.

Nasiib daro waxaa la soo badbaadiyay afar qof kuwasoo qaar ka mid ay dhaawacan yihiin.

Dadka deeganka waxa ay lee yihiin weli kooxaha gurmadka oo aan wadan baabuur iska roga ah, ayaa baadigoob ugu jira soo badbaadinta dad kale oo ku hoos jira kaawada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dad ay ku dhintaan kaawo ku soo duntay degmada Kaaran waana goob dhagxaanta guryaha.

Dhacdan ayaa waaca si weyn looga hadalhayaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dadka xaafadda oo goobta tagay ayaa sheegay in aad looga naxay kaawada ku soo duntay shaqaalihiii ka shaqeenaayya goobta.

Sawirrada dhibkii dhacay

kaawo 1kaawo 2kaawo 3kaawo 4kaawo 5kaawo 6kaawo 7

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com