Warbixin iyo Video: Maxaa TARZAN iyo wasiirka caafimaadka Puntland ku kala qabsaday shirkii New Deal?

Brussels (Caasimada Online) – Shirkii ka dhacay magaalada Bruxsell ee waddanka Biljamka oo ahaa shir loogu hadlayey sidii beesha caalamku uga caawin laheyd dowladda Soomaaliya sii ambaqaadida dedaaladda dhinaca nabadda, arrimaha bulshadda & dib u dhiska dalka,  ayaa mid ka mid ah fadhiyadii qaddada ahaa intii uu shirkaasi socday waxaa iska dhex taagay wasiirka caafimaadka maamul goboleedka Puntland Cali Cabdullaahi, oo u arkay fursad in madaxda beesha caalamka uu ka gado horumarka bulshadda ah ee Puntland ay ku tillaabsatay sida Cali Cabdullaahi uu warka u dhiga.

Waxaan markii wasiirka maamulka Puntland uu hadalka dhammeystay, hadalkii qaatay Guddoomiyahaa Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxéd Nuur Tarzan oo sheegay in shirku uu yahay shir loo qabtay dowladda Soomaaliya & beesha caalamka, loogana hadlayo waxyaabihii dowladda u qabsoomay & qorshaha mustaqbalka ay dowladdu tiigsaneyso, oo aaney wax boos ah uga bannaaneyn in looga hadlo arrimo Puntland si gaar ah u quseeya, Puntland-na ay hoos tagto dowladda Soomaaliya, ayna ku gowracan tahay in dowladdeeda uga dambeyso xalinta & jaangoynta siyaasadeed ee dalka.

Tarsan wuxuu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay ku dhisan tahay hanaan ay iska dhex arki karaan dhammaan maamulada dalka ka jira, ayna Puntland qeyb ka tahay maamuladaasi dalka ka jira, oo aaney jirin wax fadli ah oo ay maamuladaasi dheer tahay.

“Wax la aqbali karo ma ahan, in shirkii looga hadlayey arrimaha Soomaaliya in mowduucyo ka baxsan kuwii loogu talogalay in laga barbar furo, waxaana si buuxsada uga soo horjeednaa in ergada Puntland ay isla soo mutaxaan wax aan meeshaba oolin, shirkani ajnadayaashiisu waa kuwa aaney ciddina caad ka saarneyn wuxuuna u dhexeeya dowladda Soomaaliya & beesha caalamka, waxaana halkan jooga madaxdii Qaranka” ayuu yiri Tarzan.

Taageerayaasha Puntland ayaa si weyn ugu carooday hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Tarzan, waxaana muddadii uu shirkaasi socday hadal heynta ugu badani ay noqotay sida uu Tarzan u xagal daaciyey qorshihii wasiirka caafimaadka maamulka Puntland, halka ay jiraan dhinaca kale dad u arkayey Tarzan halyeey waddani ah oo aan runta la gamban, kana soo horjeeda in Puntland oo dowladda qeyb ka ah, dhinacna in xubno xilal muhiim ah haya ay dowladda ku yeelato, haddana dhinaca kale in ay mar walba u taagan tahay in ay dowladda ula macaamisho sida in ay tahay dowlad kale oo la siman, halkii Puntland looga baahnaa in ay la mid noqoto maamulada dalka ka jira sida Galmudug, Jubba-land & Ximin & Xeeb.

Tarzan waxa uu ka mid yahay shaqsiyaadka aaminsan in Puntland & madaxdeena runta loo sheego, laguna yiraa waxaad tihiin maamul beeleed la mid ah maamulada kale, waxaadna dowladda ku leedihiin xubno idin metela waa in dowladdu ay wakiilo u soo dirsataa dhammaan ilaha dhaqaalaha Puntland si loola socdo miisaaniyada gobolada Puntland.

Halkan ka daawo Dhacdadii Tarzan iyo Madaxa caafimaadka Puntland

Caasimada Online

Xafiiska London

Caasimada@live.com