28 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Xog iyo sawirro caddeynaya sababihii ay isugu dhaceen Faroole iyo EU-da

Brussels (Caasimada Online) – Sida aan shalay qornay Midowga Yurub, ayaa go’aansaday in khudbad uu Faroole ka jeediyey shirkii Brussels ka dhacay ee New Deal aan la baahin, lana duubin oo kaamirooyinkii laga dansaday. Halkan ka aqri

Haddaba Caasimada Online ayaa maanta heshay xog iyo sawirro ku saabsan muran dhex maray Faroole iyo Midowga Yurub, wax yar un ka hor inta aanu billaaban shirka, taasi oo iminka la sheegayo in EU-da ay ku qasabtay inay ku xumeeyaan Faroole.

Muranka ayaa billaabmay, kadib markii Midowga Yurub ay Faroole u qoondeeyeen inuu fariisto kursi ka dambeeye kan madaxweynaha Somalia (Sawirka hoose eeg waa Faroole oo fadhiya madaxweyne Xasan gadaashiisa) , ayada oo go’aankuna ahaa in dhammaan xubnaha Soomaalida ay ku gadaal feelaan dowladda Somalia.

faroole xasan gaashiisa

Sida ilo-xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, Faroole ayaa fariistay kursiga isaga oo carreysan, kadibna wax yar markii uu fadhiyey ayuu u hanjabay Midowga Yurub, taasi oo buuq ka dhalisay madashii shirka (Sawirka Hoose eeg waa Faroole oo sii jeeda, una hanjabaya saraakiil EU ah).

buuq

Waxa uu ku goodiyey inuu shirka ka baxayo, qabanayana shir jar’aaid, sidaa darteed ayaa Midowga Yurub oo diidanaa in la carqaladeeyo shirka, islamarkaana dareenka muhiimaddiisa la weeciyo, waxay aqbaleen dalabkii Faroole, oo ay fariisiyeen kursi kale (Sawirka Hoose eeg, waa Faroole oo la qanciyey lana fariisiyey kursi aan ka dambeyn madaxweyne Xasan).

far

Daqiiqado kadib ayuu haddana Faroole, oo aaminay in wax kasta oo uu doono uu ka sameysan karo EU-da, waxa uu u yeeray wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia, kuna wargeliyey inuu qabanayo shir jaraa’id, uuna mucaaradayo shirka haddii aan loo ogolaan khudbad (Sawirka hoose eeg, waa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia oo ku qancinaya Faroole inaanu fowdo billaabin).

mad far

Intaa kadib ayaa sida aan xogta ku helnay EU-da, oo la yaaban fowdada iyo dhibka Faroole, waxaa ku qasbanaataay inay aqbalaan dalabkii labaad ee Faroole, si aan shirka loo carqaladeyn, una ogolaadeen khudbad.

Si kastaba, markan EU-da waxa ay ayagana cayaareen cayaar ka weyn tan Faroole, waxaana ay farsamayaqaanadooda ku amreen in dhammaan kaamirooyinka laga damiyo Faroole, marka uu khudabadeynayo, si aanay cidna u daawan.

Waxaa sidoo kale khudbaddii Faroole laga reebay CD taariikhi ah, oo ku saabsanaa dhacdooyinkii shirka oo dhammaan suxufiyiinta iyo ergooyinka loo qeybiyey, taasi oo khudbaddii Faroole ka dhigtay mid aan meelna laga arag.

Diblomaasiyiin reer Yurub ah ayaa sheegay inay ku qasbanaadeen ogolaanshaha dalabka Faroole, sababta oo ah ma aysan dooneyn in fowdo meesha ka dhacda, oo weecisa darreenka iyo muhiimadda shirka.

Xuquuqda sawirrada: WehelMedia

Caasimada Online

Xafiiska London

[email protected]

XOG: Reer Muqdisho oo laga siibay far in muddo ah ku taagneyd

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Reer Muqdisho, ayaa laga siibay far in muddo ah ku taagneyd, kadib markii Ciidamada Nabadsugida Dowladda Federaalka Somalia ay gacanta ku dhigeen Madaxii Amniyaadka Gobolka Banaadir ee isku dubaridi jiray dilalka ka dhanka ah shacabka Muqdisho.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Liibaan Gaagaale ayaa waxaa qabashadiisa ay ka danbeysay markii dabagal iyo xog la helay la dabagalay, laguna guuleystay in gacanta lagu soo dhigo.

Liibaan Gaagaale ayaa Habeenimadii Arbacada xili saqdhexe ah lagu weeraray guri ku yaal xaafada Taleex, gaar ahaan dugsiga Osama Bin Zeyt ee degmada Hodan, halkaasi oo ilaalo la joogtay ay iska caabin kala kulmeen ciidamadii Nabadsugida, balse lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo.

Ciidamada waxay kaloo ku guuleysteen iney Sarkaalkan lasoo qabtaan labo kale oo mid ka mid ah uu ku dhaawacmay rasaastii la isweydaarsanayay, labadaasi nin oo looga la sheegay iney ahaayeen kuwii shalay dilay Nabadoon Faarax Shire isla markaana ahaa nin Ganacsade ah, waxaana la dhigay xarunta dambi baarista ee CID.

Libaan Gaagaale waa Madaxa ciidamada amniyaad ee dilalka qorsheysan ka fuliya magaalada Muqdisho, wuxuuna horay si dirqi ah ugu baxsaday ciidamada Nabadsugida, xiligaasi wixii ka danbeeyay waa lagu raad joogay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: US: Dhacdo xanuun leh: Hooyo Somali ah oo gurigeeda lagu jir dilay

0

Caasimada Online:   Dhacdo xanuun badan oo ka mid ah Dhacdooyinka ay la kulmaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida ayagoo la kulmaya falal cunsiriyad leh oo aad looga xumaado taas oo keeneeysa in aad la ilmeyso dhibaatooyinka muuqaalka ah ee aad daawato.

Hooyo Soomaali ah ayaa lagu weeraray Hoygeeda oo ku yaala Gobolka Minnesota hoyadaasi oo jir dil xoogan loo geestay waxaadna muuqaalka ku arkeysaa dhibaatooyinka ka muuqda Wajigeeda iyo sida ay u galeyn 5 ruux oo 2 dumar ay tahay seddexda kalan ay yihiin ragg.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Dhageyso: Soomaalida Koonfur Africa oo uu xaalka kusii xumaanayo

0

Cape town (Caasimada online) Koon fur Africa waxa wali ka taagan Boob iyo Dhac baahsan oo loo geysanayo Soomaalida Sida ganacsi ahaanta ah ugu nool dalkaas ,

Asad Caaase, waa ganacsade Soomaali ah wuxuu walaac xoogan ka muujiyay dhibaatada iminka ka taagan dalka koonfur Africa isagoona rajo xumo ka muujiyay nolosha Koonfur Africa.

Xilli uu u waramayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ka warbixyay Boobkii ugu damebeeyay ee dalkaasi ay ka geyteen Koonfur Africanka dalkaasi u dhashay , isagoo sheegay in markan Beegsiga goobaha ganacsi ee dalkas laga geysatay ay ka sinaayeen guud ahan ajaaniibta ku nool .

Asad, ayaa sheegay in arintu ay tahay mid faraha ka baxday waxaana uu tilmaamay in iminka ay ka gudubtay heeerkii wax ka qabashada Booliska dalkaaas , waxaana uu shaaciyay in xilliyada qaar ay Boolisku ay qeyb ka yihiin dhibaatada dalkaas iminka ka jirta .

Wuxuu daaha ka qaaday in xilliyada qaar la arkayo ciidamo labisan Dareeska ciidamada Booliska dalkaas oo qeyb ka qaadanaya boobka iyo dhaca oo geysanayo Dukaamada Soomaalida ah ee dalkaasi ku yaala .

Hadii aan arintan aysan ka fariisan madaxda dalkaas isla markaana  laga aamuso looguna simo booliska dalkaas ayuu shaagay in arintu ay noqoneyso mid xadka kasii baxda kana sii fogata heerka ay iminka mareyso .

Inkastoo ay jiraan ku dhawaad 70 qof oo loo heysto dhibaateynta soomaalida dalkaas laguna wado in dhawaan maxkamad lasoo taago ayuu sheegay in taas aysan wax maco ah kordhineyn .

Markaan dhuuxdo hadalka Mas’uuliyiinta dalkaas ee ku aadan dhibaateynta Soomaalida iyo baaqyada nabada ah ay dirayaan iyo boobka iyo dhibatada lagula kacayo waxaa kuu muuqanaya in xaajadu ay u egtahay Qawda maqashii waxa ha uqaban.

Halkaan ka dhagyso codka Asad Cabaase Gnacsade Soomaali ah

Halkaan ka Dhageyso Asad cabaase

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Muqdisho: In ka badan 30 ruux oo ku hoos jira carro kaawo kusoo duntay

0

Muqdisho (Caasimada online) Sida wararka aan ka heleyno degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ay sheegayaan waxaa maanta ay kaawo ku taalo degmadaasi ay ku duntay ilaa inka badan 30 ruux oo halkaasi ku sugnaa .

Dadka kaawada ay ku duntay ayaa la sheegayaa inay tiro ahaan gaarayaa ilaa 35 ruux sidoo kalana waxaa carradaasi kaawada ah lagu la’yahay ilaa Seddex gaari oo ah nuuca Soomaalidu ay u taqaan iska rogaha.

Dadkaan ayaa ah shaqaalihii qodaayay caro kaawada, isla-markaana waxaa dhamaantood la xaqiijiyay inay ka hoos mareen caro kaawada , waxaana soconaya dadaalo lagu doonayo in carada lagasoo saaro si look ala qaxiijiyo Tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo kuwa bad baaday.

Dadka ka hoos maray caro kaawada, ayaa waxaan jirin gurmad ballaaran oo ay helayn, marka laga reebo dadka Deegaanka oo la tacaalaaya, sidii ay caro kaawada uga soo saari lahaayeen.

Cali Maxamuud Macalin , Gudoomiyaha shaqaalaha caro kaawada, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay  gurmad deg deg ah, oo ay ka helan dowlada Soomaaliya iyo waliba ciidamad a Soomaaliya nabad ilaalin ahaanta u jooga ee AMISOM.

Wuxuu sheegay inay jiraan dad ku dhintay caro kaawada iyo dad aan weli dhiman, isla-markaana wuxuu shaaciyaya in loo baahan yahay in la bad baadiyo kuwa ku hoos nool carada kusoo duntay hoosteeda..

 Si kasto dowlada Soomaaliya AMISOM iyo hey’adaha ku sugan muqdisho ayaa laga war sugayaa sida ay arintan iyo codsigan loo jeediyay ay uga jawaabaan .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Yemen iyo Somalia oo heshiis gaaray

0

Sana’a (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee dalka Yemen, waxaa maanta magaalada Sana’a xarunta dalka Yemen ka dhacay kulamo kala gooni-gooni ah, kuwaasoo yeeshay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo madaxda dalka Yemen.

Kulanka hore, madaxweynaha dalka Yemen Cabdirabuu Mansuur Haadi, ayaa aqalka madaxtooyada Yemen ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maalmahan ku sugan dalka Yemen.

Labada dhinac ayaa si weyn uga hadlay xiriirka labada waddan iyo Yemen in ay diyaar la tahay siddii u garab istaagi lahayd Soomaaliya oo 22-sanno dagaalo sokeeye ka socday.

Madaxweynaha Yemen, ayaa ballan qaaday in dalkiisa uu is barbar istaagi doono gacan siinta dadka iyo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Yemen ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonaan khibradaha ay u lee yihiin la dagaalanka argagixisada iyo burcad-badeeda.

Intaa kaddib wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale booqday xafiiska ra’iisal wasaaraha dalka Yemen, Maxamed Salaami Basanduwa.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amnig, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ra’iisal wasaaraha uga mahadceliyay martigalinta dad lagu qiyasaasay hal milyan oo Soomaali ah kuwaasoo gaaray dalka Yemen.

Ra’iisal wasaaraha Yemen ayaa isna sheegay in ay sii wadi doonaan soo dhaweenta qoxootiga Soomaalida ee ku soo jabay dalkooda ilaa inta dalkooda uu xasilayo.

Ugu dambeen, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya ayaa booqday xarunta dhexe ee ciidanka qaranka dalka Yemen, wuxuuna isaga iyo wafdigiisa ay soo arkeen 1,000 askari oo ah kuwa loogu talagalay xaaladaha degdega ah.

Wasiirka ayaa ugu dambeen heshiis dhinaca ammaanka la saxiixday dhiggiisa dalka Yemen, Gen Maxamed Cabduqaadir Al-Qaxdan.

Waxaana labada dhinac ay sheegeen in ay iska kaashan doonaan la dagaalanka argagixisada iyo burcad-badeeda oo labada dal ay ragaadiisay arrintaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Cairo

[email protected]

Sawirro: Jawaari oo la kulmay Beelaha Digil & Milifle, (Maxaa kasoo baxay?)

0

Beydhabo (Caasimada online) Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya ahna Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan wada tashi ah wuxuu maanta la qaatay beelah Digil iyo Milifle.

Beelahan oo mudooyinka ku kacsanaa dowlada Soomaaliya dhawaana shaaciyay inay kasoonidii kala laabteen dowlada Soomalaiya ayuu Proff: Jawaari wuxuu kala hadlay qaabka ugu macquulsan oo gobolada Koonfureed ee Soomaaliya maamul loogu sameyn karo .

Kulanka maanta oo ahaa mid wada tashi ah isla-markaana ay fikrado is ku dhaafsanayeen Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada iyo Odayaasha beelaha Digil iyo Milifle ayaa waxa diirada ku saareen sida ugu macquulsan ay maamul dowladu ay aqoonsan tahay ay u samneysan lahaayeen.

Kulanka markuu soo idlaaday kadib waxaa warbaahinta la haday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana uu sheegay in kulanka maanta uu Odayaasha Dhaqanka ee Digil iyo Milif uu la qaatay inuu ahaa mid wada tashi ah .

Jawaari, wuxuu meesha kasaaray inuu jiro khilaaf u dhxeeya dowlada Soomaaliya waxgaradka gobolkaasi kasoo jeeda iyo waliba dowlada Soomalaiya waxaaana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin qancinta iyo sida ugu macquulsan ee maamul loo wada dhan yahay deegaanada ay degaan beelahaas maamul loogu sameyn lahaa .

Gudoomiye Jawaari, wuxuu sheegay in Odayaasha, waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Milifle marnaba aysan kalsoonida kala noqon Karin dowlada Soomaaliya balse dowlada ay kalsoonida kala laaban karaan oo qura Xildhibaanada iyo Wasiirada dowlada .

Ugu dambeyn wuxuu rajo ka muujiyay wada hadalka uga soconya magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay isaga iyo xildhibaana Baarlamaanka ka tirsan ee socdaalkaas ku wehliya iyo wlaiba waxgaradka iyo odayaasha beelaha digil iyo milifle.

Waxgarad iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda beelaha Digil iyo Milifle ayaa wada qorshe ah in hal maamul loo smaeeyo Lix gobol oo ay ku jiraan gobolada maamulka Axmed Madoobe ee Jubba uu ka arimiyo kaas oo ay dhawaan dowlada Soomaaliya aqoonsi buuxda siisay.

2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

Dhageyso: Xizbul Islaam oo kala jabay

0

Muqdosho (Caasimada online) Waxaa soo if baxaya Khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay hogaanka ururka Xizbul Islaam , kaas oo ku aadan qaabka maamulida iyo hogaaminta ururkaas kadib markii Xabsiga ay dhigtay dowlada Soomaaliya hogaamiyihii Ururkaas.

Maalin ka hor  waxaa Muqdisho Shir Jaraa’id kuqabtay Xoghayada Dhanka arimaha Dibadda ururkaas Sheekh Maxamed Macalin , waxaana  uu ka hadlay arimo ay ka mid yihii Xirnaanshiyaha Xasan Daahir iyo Mustaqbalka iyo qorshaha Xizbul Islaam .

Kulan, kaasi kasoo horjeedo laguna dhaliilayay, ayaa waxaa goordhow saxaafada kaga warbixiyay Xoghayaha guuud ee Xisbul islaam ahaana afhayeenkii Xisbigaasi Sheikh Ismaaciil Xaaji Maxamed, isagoo sheegay in shirkaasi uu yahay mid shaqsi uu wato.

Wuxuu  in xisbiga uu leeyahay nidaam iyo kala dambeyn hadii uu shir ufurmayana nidaamka xisbiga loo marayo, waxaana uu tilmaamay in  Sheekh Maxamed Macalin uusan matalin danaha xisbiga,kadib markii uu sida uu sheegay ku fashilmay arimaha xisbiga.

Guddoonka Guddiga shuurada ahna xoghayaha Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Xaaji Cadoow ayaa dhanka kale ka hadlay xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuuna sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys ay umarayaan wado waliba oo lagu siideyn karo.

Xariga Sheekha ayuu sheegay inay aad uga xun yihiin iminkana ay ku dadaalayaan sidii loosii deyn lahaa Sheekh Aweys oo gacanta Dowladda ku jira.

Si kasto arinyan ayaa mid Shacab iyo Siyaasinyiinba ay maanta hadal ahayaan .

Halkaan Hoose ka Dhageyso Coodka Shirka Jaraa’id ee Sheekh  Ismaaciil

Hoghayaha guud ee Ururka Xizbul islaam

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Shaqsi Soomaali ah oo maanta taariikh cusub u dhigay dalkeena

0

Muqdisho (Caasimada online) Ururka Kubada Cagta Afrika ee CAF ayaa agaasimaha xafiiska wax barashada Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Maxamed Axmed u magacaabay in uu noqdo Qiimeeye Garsooreyaasha CAF.

Magacaabistan ayaa waxaa ay ka dhigantahay in Mr Cali Maxamed Axmed uu noqonayto qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo masuuliyad noocan oo kale ah ay CAf u magacawdo, sida lagu sheegay war saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.“Sida ku cad documentiga magacaabista ee CAF, garsoorahan hore ee heerka caalami Cali Maxamed Axmed wuxuu qiimeyn ku sameyn doonaa garsooreyaal ka socda BurkinaFaso oo qabanaya cayaaraha CAF Confederation CUP Group Stage-kooda, cayaartaasina waxey ka dhaceysaa addis ababa maalinta Axadda 22 September 2013 waxeyna dhexmareysaa kooxaha St. Georges (Ethiopia) Vs E.S.S. (Tunisia)” ayaalagu yiri war saxaafadeedka uu maanta soos aaray madaxa xafiiska warfaafinta xiriirka Soomalaiyeed ee kubada cagta ahna afhjayeenka xiriirka Shaafici Muxuyadiin Abukar (Islow).Labdan kooxood ayaa ka mid ah kooxaha ugu adadag qaaradda Afrika isla markaasina usoo gudbay wareegga ugu danbeeya ee group stage-ka Hadaba waa markii ugu horreysay taariikhda ee CAF u sameyso Referee assessors cayaaraheedasanadkan iyadoo xubnaha loo xulay inay ka mid noqdaan pannel-kaan laga soo dhex xulay xubnihiika qeybgalay FUTURO III course 2012 iyadoo la qaatay xubnihii ugu sarreeyay imtixaan adag oo laga qaaday aana nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo.

“Cali Maxamed Axmed waa macallin soo saara garsooreyaasha soomaaliyeed (Technical Referee instructor) waxaana sidoo kale isaga iyo laba macallinoo Soomaliyeedoo kala ah Aweys Axmed Jimcaale iyo Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) ka qeybgeli doonaan kooraska FUTURO III course oo loo qabto macalimiinta garsooreyaasha ee wadama adduunka laguna qaban doono Addis ababa 5-10 October ee sandknaan”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka maanta kasoo baxay xafiiska warfaafinta xiriirka Soomalaiyeed ee kubada cagta.

Cali Maxamed Axmed waxuu sidoo kale masuul ka yahay dhinaca aqoonta, waxbarashada iyo seminaarada xiriirka Kubadda cagta isagoo ah ama madaxa waxbarashada xiriirka isagoo qeyb muhiima ka ahaa horumarkii ballarnaa ee xiriirku ku tallaabsaday 6dii sano ee ugu danbeysay taasoo ahayd dhinaca aqoonta iyo seminaarada dibadda iyo gudaha dalka ee loo qabtay garsooreyaasha, tababarayaasha, maamulayaasha iyo caafimaadka isboortiga ee xiriirka K/Cagta.

“Magacaabistan ayaa imaaneysa iyadoo xoghayaha xiriirka Sooamaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab uu hada ku sugan yahay dalkla Tahiti isagoo xubinka ah gudiga sare ee FIFA ee maamulaya tartanka FIFA beach soccer world cup ee maanta daklka Tahiti ka furmaya”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri afhayeenka xiriirka Sooamlaikyeed Shaafici Muxuyadiin Islow oo intaana sii raaciyay in ka mid noqsohada masuuliyiinta xiriirka ee FIFA iyo CAF ay muujineyso guul weyn oo usoo hoyatay shacbka soomaaliyeed maadama dalkan oo bur bursan ay hadna Soomaalidu si weyn uga dhex muquanayaan maamulka kubada cagta ee Afrika iyo kan aduunka.

Horay Soomaaliya laba xubnood ayay ugu lahay guddiga xeer ilaalinta Ururka kubada cagta Afrika ee CAF kuwaas oo kala ah Garsoore hore Xasan Maxamed Maxamuud (Farey) iyo Caamir Cabdi Xasan. Caamir sidoo kale waa madaxa dhaqaalaha ururka kubada cagta bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

DHAGEYSO: Beesha Habar-Gidir oo jawaab kulul siisay Cali Max’ed Geedi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Habar-Gidir, ayaa si kulul uga jawaabtay hadal dhowaan kasoo yeeray Cali Maxamed Geedi, oo ka mid ah hogaamiyayaasha kooxda qas-wadayaasha Nairobi, ee lacagta badan ku qaatay bur-burinta dowladda Somalia oo ka dhan ahaa beeshaas.

Suldaan Mahdi Suldaan C/risaaq Colow, oo ka mid ah salaadiinta Geedi, ayaa wareysi uu siiyey idaacadda SKY FM ee Muqdisho, wax laga xumaado iyo gef ka dhan ah beesha ku tilmaamay hadalkii Geedi.

Geedi, ayaa dhowaan sheegay in Beesha Habar-Gidir ay dhib umadda Somalia ay qabtay ay ka qabatay, kadib markii ay soo qabteen Xasan Daahir Aweys una gacan geliyeen dowladda Somalia.

“Waxaan maqlaayay habeen dhexdaasa Cali Maxamed Geedi oo leh, Odayaasha Habargidiraa Xasan soo xiray, dhibaatadiisee dadka ka soo xirayn. Waxa noocaasoo Kheyrul Masuulnimada in lagu hadlo hadlo maaha. Xasan Daahir nin odaya, oo Madaxa, oo Siyaasiya oo Wadaaduu ahaa.” ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan C/risaaq Colow.

“Dhulkiisuu joogay, anaga ma’aanu doonin, asagu nooma soo cid dirsan. Dowladaa noo dirtoo tiri keena, si sharaf leh iyo wanaagaa ku keenay. Waxaanu islaheyn Soomaaliya halooga faa’iideysto dib u hesiisiintii iyo wada hadaladii. Marka in arrintii caksi lo-bedelow, xumaan loo bedelow, colaad loo bedelow, dad dhan taariikhdoodii la baaba’iyo. Ummad dhan in sumcadoodii, mustaqbalkoodii, taariikhdoodii, jiritaankoodii lagu ciyaaro. Hadana weli la’iskula quman yahay, adeeroow wax dhici kara maaha, wax la dhageysan karana maaha.”

Mar la weydiiyay eedeynta ka soo yeertay Raa’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, ayuu ku sheegay wax iska daacayad ah.

“Waa iska dacaayad raqiisiyo, Soomaaliya waxaa weeyaan Cali Maxamed Geedi, dhibaataduu Soomaaliya u geystay, waa ninkii Amxaaro dalkaan keenay. Ku baaba’iyay shacabkii Muqdisho. Kumanaan iyo boqolaal ku dilay weeye Cali Maxamed Geedi. Markaasuu rabaa intuu qof kale naagoowdow wax ka sheego. War waxaan la xisaabtaminee dadkii dadkaan laayay Magaaladee jooggaan, waa sharfan yihiin. Hoteeladee jooggaan, dibadahee jooggaan, meel kastee maraan.? ayuu yiri.

“Runaa leesku sheegin mooyee, Soomaaliya hogaamiye kooxeedyadii iyo nimankii Siyaasada ku laayay kuligood waa jooggaan. Maxaa kan gaar ahow dambiyow uu dhimay Wadaadkaan. Waa wax lagu gardaroonaayo u jeeddo.” ayuu yiri Suldaan Mahdi.

Hadalka ka soo yeeray Cali Maxamed Geedi, ayaa wuxuu ku macneeyay mid ka baxsan Cadaalada iyo dadnimada, iyadoo la rabo sida uu sheegay in dib dagaalka loogu soo celiyo, dad iska ilaaway.

“Waan Cadaalada la fiirineynin, Waan dadnimada la fiirineynin. Colaad dadeed ayaa la rabaa, oo la rabaa in la faag faago. Dad ka siibtay colaadoow iska dhaafaa la rabaa, dib in colaada loo geliyo.” ayuu sii raaciyay Suldaanka.

Halkan ka dhageyso Suldaan Mahdi

Isha Warka: Dhacdo.com