28.1 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Puntland: DF ayaa ka dambeysay inay EU-da bah-disho C/raxmaan Faroole

0

Brussels (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland, ayaa dowladda federaalka ah ee Somalia ku eedeeyey inay mas’uul ka ahayd in khudbad Faroole uu ka jeediyey shirii New Deal aan marnaba la baahin, taasi oo ula muuqatay bah-dilaad.

Saraakiil ka tirsan maamulkaasi ayaa sheegay in dowladda Somalia ay ka codsatay Midowga Yurub in la damiyo dhammaan kaamirooyinkii duubayey munaasabadda, markii la gaaray khudbadda Faroole.

“Shirka waxaa hogaaminayey madaxweynaha Somalia iyo Midowga Yurub, isagaana amray inaan la baahin khudbaddii madaxweyne Faroole”, waxaa sidaas lagu yiri hadal qoraal ah oo lasoo dhigay website-ka dowladda Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in CD-yo loo qeybiyey ka qeyb galayaashii shirka, markii uu dhammaaday kadib, aan sidoo kale lagu soo darin khudbadda Faroole, taasi oo sidoo kale ay ka dambeyso Dowladda.

Wiil uu dhalay Faroole ayaa khudbadda aabihiis kaga duubay taleefoonka gacanta, sida aadka arki kartaan hoos, waxaana ay soo baxday markii lagu kala tagay shirka kadib.

Si kastaba xubno ka tirsan waftiga Dowladda ee ka qeyb galay shirka ayaa sheegay inaanay waxba ka ogeyn xanibaadda lagu sameeyey khudbaddii Faroole, taasina ay mas’uul ka yihiin Midowga Yurub.

“Innaga maba ogeyn in Faroole uu khudbad ku lahaa shirka, waayo ajnedahaba kuma jirin, mana naqaan xilli lagu soo daray, waxaanaba ka war helnay isaga oo hadlaya” ayey tiri DF Somalia.

Ajendaha shirka oo Caasimada Online ay ahayd warbaahintii ugu horeysay ee heshay ka hor inta aanu shirka dhicin, waxaad ka arki kartaan halkan Ajendaha shirka New Deal

Prof. Axmed Cabiraxmaan, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo jooga London, ayaa Caasimada Online ay wax ka weydiisay waxa lagu macneyn karo xanibadda EU-da ay saareen Faroole iyo khudbaddiisa.

“Aniga waxa ay iila muuqataa EU-du waxa laba shimbir ku dileen hal dhagax” ayuu yiri.

“Waxay doonayeen inay qanciyaan Faroole, oo sida aan maqlay codsaday khudbad, maadaama uu ajendaha ku jirin, sidoo kalena ma aysan dooneyn in caalamku arko rag sheeganaya madaxweyne oo ka dhinac hadlaya madaxweynaha Somalia, sidaa darteed kaamirooyinkii ayey ka damiyeen, waana wax u muuqda nasiib xumo oo sharaf dhac, waxaa Faroole loo qaatay in wax kasta oo uu qabo uu qoraal ku gudbiyo” ayuu sii raaciyey.

Khudbaddii Faroole

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

WAR-CULUS: Jawaari oo beeshiisa ku taageeray qorshaha ay waddo

0

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa maalintii labaad ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Jawaari oo ay la socdaan in ka badan 60-xildhibaann, wasiiro iyo siyaasiyiin ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee shaley ay gaareen.

Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka, waxa ay durba la kulmeen odayaasha iyo wax-garadka ku dhaqan magaalada, waxaana ujeedadooda ay ku sheegeen ka jawaabida baaqa odayaasha Digil iyo Mirifle.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka oo la hadlay odayaasha Baydhabo wuxuu sheegay in wixii ay rabaan Odayaasha Digil iyo Mirifle loo sameen doono.

Wuxuu sheegay in maamulka ay doonayaan odayaasha in la sameen doono cid laga heebeysanaayo ama looga cabsanaayo in uusan jiri doonin balse wuxuu yiri waa inuusan noqom mid laab lakac ah.

“Waxaan halkan u nimid ka jawaabida baaqiina, waxaan idiin ballan qaadayaa in wixii aad rabtaan la idiin sameen doono, laakin ogaada annaga waxaan rabnaa siddii loo sameen lahaa qorshe lagu soo celinaayo qaranimadii ee lawaayay” ayuu yiri.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay 7-Xildhibaan kuwaasoo ka dhawaanahan ku maqnaa gobalka Gedo, waxa ay sheegeen in dadka ku dhaqan gobalka Gedo ay u baahan yihiin maamul loo dhiso.

Si kastaba, wafdiga uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golaha baarlamaanka ayaa kulamo iyo wadatashiyo la yeelan doona odayaasha iyo wax-garadka ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

Daawo Video: AXMED Madoobe oo ku niyad jabay shirkii New Deal, Sabab?

0

Brussels (Caasimada Online) – Hogaamiyaha KMG ah ee Jubba oo ka mid ahaa wafdigii ka qaynbgalay Shirkii Brussels, ayaa sheegay in aanu rajo badan ka qabin lacagaha la sheegay in loo yaboohay Soomaaliya in ay sidii loogu talo galay u fulayaan.

Waxaa uu ku tilmaamay Shirka Brussels mid aan waxba Soo kordhinaynin oo la mid ah Shirarkii horey loogu qaban jiray Caalamka , waxaana ka doorbidayaa ayuu yiri Shirarka Dibadaha loogu qabanayo Soomaalida mid iyadu gudaheeda ay ku qabsato kuna xalisato arrimaheeda.

“Wax waa la yaboohay, laakiin waxa la yaboohay maxay noqonayaan” ayuu yiri Axmed Madoobe, oo intaas raaciyey.

Si kastaba su’aasha ayaa ah “Muxuu Axmed Madoobe uga qeyb galay shir uu saluugsanaa ama aanu ku qanacsaneyn, mise markii uu shirka ka qeyb galay kadib, ayaa uu arkay wax uusan jecleyn?”.

TV-ga Somali Channel, ayaa barnaamij ka diyaariyey waxyaabihii ka dhacay shirkii New Deal ee Brussels, waxaana barnaamijka qeyb ka ah codadka Madaxweyne Xasan Sheikh, Catherine Ashton, ayada oo wareysiga Axmed Madoobe-na uu ka billaabanayo daqiiqadda toddobaad.

Halkan ka daawo barnaamijka

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Soomaalida ku nool dalka Holland oo walaac uu lasoo darsay, Sabab?

0

Muqdisho (Caasimada online) Somalida ku dhaqan dalka Holland aya xilligan waxay walaac xoogan ka muujinayaa Dib usoo celin ay bilaawday dowlada dalkaas .

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Dalkaas ayaa tilmaamaya in amarka kasoo baxay dowlada Holland uu sameyn weyn ku yeeshay Soomaalida ku nool Holland waxaana ay sheegayaan inay rajo xumo muujinayaan.

Mahdi Ibraahim Geedi, wuxuu ka mid ah Somali ku nooleyd dalka Holland Balse haatan dib  loogu Soo celiyay Soomaaliya , waxaana uu warbaahinta u sheegay inuusan garanayn waxa loo soom masaafuriyay.

“ si qasab ah ayaa liigu soo celiyay dalka Soomaaliya mana garan karo waxa aan galabsaday” ayuu yiri Mahdi Ibraahim Geedi.

Afhayeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Holland ayaa  sheegay in walaaca iminka Soomaalida ay ka muujinayaan dib u celinta ay ku billaawday dowladda Holan xilli Soomaalida dalkaasi ay u tageen in ay ka helaan Nolol ka wanaagsan tan Somalia ay uga tageen .

Hey’adaha xuquuda aadanaha ayaa dhawaan dowlada dalkaasi waxay ka dalbatay inay joojiso daaabulka ay ku heyso soomaalida sida magan galyo ahaanta ah ugu nool dalkaas iyo Ajaaniibta kale ee sharci la’aanta dalkaas ku jooga.

Inkatoo arintan ay jirto aya ahadan waxaa jira dhalinyaro badan oo u hanqal taagayaa aadista iyo kunoolaanshiyaha dalkaas iyo waliba dalalka kale ee qaaradda yurub.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Tv-ga Somali Channel: Midowga Yurub ayaa xannibay khudbaddii FAROOLE

0

London (Caasimada Online) – Sida aan shalay qornay, khudbad oo Cabdiraxmaan Faroole ka jeediyey shirkii New Deal, ayaanay jirin cid daawatay, illaa uu kaso baxay muuqaalka khudbaddaasi oo uu taleefon ku duubay wiilka Faroole.

TV-yada Soomaalida ayaa dhalleecan kala kulmay maamulka Puntland, oo ku eedeeyey inay xaqireen Faroole,oo ay si ula kac ah uga tageen baahinta khudbaddiisa.

Haddaba TV-ga Somali Channel, ayaa ka jawaabay sababtii loo sii deyn waayey khudbadda Faroole.

Weriye Cabdi Kariim Cali Kaar oo ka mid ah weriyayaashii Somali Channel ee ka qeyb galay shirka New Deal ayaa sheegay in ayagau aanay wax shaqo ah ku lahayn dhacdadaas, oo mas’uuliyadda uu qaadayo ururka Midowga Yurub.

“Annaga waxaan joognay meel banaanka ah, oo shaashad baynu ka daawaneynay khudbadaha oo idil, hase yeeshee markii la gaaray khudbadda Faroole, ayaa la damiyey dhammaan kaamirooyinkii shirka” ayuu yiri weriyaha.

Halkan ka daawo Kaar oo faah faahinaya dhacdadaas

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Video: Qoys Soomaaliyeed oo ay arrin mucjiso ah ku heysato Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) –   Wiil yar oo ku dhashay magaalada Kismaayo ayaa qoyskiisa ay sheegeen in markii uu dhalanayay uu ku dhashay gabar ahaan, balse 2 sano kadib la arkay inuu wiil yahay oo xubintii gabarnimadii isu badashay xubin rag.

“Maalintii ay dhalatay Idil ayaa loo bixiyay, maantana waa Idiris, ilaah abuurtiis ayeyna ku timid ” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah ehelada wiilkan yar oo gabar ahaan ku dhashay.

Wiilkan yar ee markii hore reerkiisa u haysteen gabar ayaa hada la ogaaday iyadoo uu u baahan yahay qaliin dibada ah oo lagu sameeyo maadaama xaniintiisa gudaha ay ku jirto.

Arintan mucjisada ah ayaa waxay ka mid tahay abuurista Eebe loona baahan yahay in lagu shukriyo abuuristiisa, waxayna qoyska wiilkani ay codsadeen kaalmo bini´aadanimo maadaama aysan awoodin dhaqaale wiilkooda lagu qalo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA 

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Sacuudi oo dhaqaale u yaboohday DF

0

Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay inay Soomaaliya ugu yaboohdaylacago wax looga qabanayo kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ah , kuwaas oo dhibaato ba’an ku haya sida caalamku ay sheegaan Marin Biyoodka Mashquulka badan ee Badda Cas iyo Bdweynta Hindiya.

Turki bin Mohame  Bis Saud  al-Kabeer, oo ah Kuxogeenka agaasimaha Guud ee  Wasaarada Arimaha  Dibada Scuudiga ayaa si rasmi ah u iclaamiyay in Sacuudigu uu Soomaaliya ugu deeqay (300,000 US$) Seddex Boqol oo kun oo doolar.

Wuxuu ka sheegay in lacagahaan wax looga qaban doono Kooxahha Burcada Badaha Soomaaliya ee ka qowleysta Xeebaha Soomaaliya , Si awoodooda loo wiiqo sida uu tilmaamay .

Kuxigeenka Agaasimaga Guud ee Wasaarada Arimaha Dibada Sacuudiga wuxuu intaasi ku daray inay jiri doonaan Tababaro dheeri ah o la siin doono dhalinta Soomaaliyeed si wax looga qabto Dhibaatada Kooxaha Burcada Badaha Soomaaliya.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa Caqabad ku noqday maraakiibtii isaga kala gooshi jiray xeebaha Soomaaliya iyo gacanta cadan, waxaana ay geysteen weeraro badan oo maraakiib ay ku afduubteen.

Waxaase sanadihii ugu dambeeyay yaraaday weeraradii ay geysan jireen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Sawirada Fatahaada Webiga Shabeele

0

Jowhar (Caasimada online) Halkaan ka daawo Sawirada Fatahaada Wabiga Shabeele uu ka geystay deegaano hoostaga Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe.

1 2 3 4 5 6 7 8 9

Caasimada online

Xafiiska Jowhar

[email protected]

Dad loo xiray dagaalka Gal-gaduud

0

Muqdisho (Caasimada online) Maamulka Gobolka Galgaduud ee dowlada Soomaaliya aya waxay gacanta ku dhigeen Afar Ruux oo lagu eedeyay inay ka dambeeyeen dagaal Beeleedyo dhawaan ka dhacay Gobolkaas.

Xuseen Wehliye Cirfo, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo ku sugan degmada Matabaan ee gobolkaas ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalo ay sameeyeen kadib ay kusoo guuleesteen inay gacanta kusoo dhigeen rag sida uu sheegay qeyb ka aha dagaal beeleedyada gobolkaas.

Ragan lasoo qabtay oo tiro ahaan gaarayay ayaa loo heystaa dagaal beeled dhawaan ka dhacay gobolkaas, waxaana iminka ay gacanta ugu jiraan maamulka dowladaSoomaaliya ee gobolkaas.

Gudoomiyaha Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo, Wuxuu tilmaamay inay sharciga horkeeni doonaan ragan ay gacanta kusoo dhigeen , waxaana uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgal;ada nuucani ah.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Gudoomiyaha Galgaduud in guud ahaan degmooyinka iyo deegaanada gobolkaas ay nabadeen doonaan isla-markaana ay ka shaqeyn doonaan nabadda gobolkaas.

Dhawaan deegaanada iyo degmooyinka gobolkaas waxaa ka dhacay dagaal beeleed salka ku haya aano qabiil taas oo aan wali xal laga gaarin.

Halkaan ka dhageyso codka Gudoomiyaha Galgaduud

Halkaan ka dhageyso Codka Galgaduud

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Kulan Baydhabo ka Socda

0

Muqdisho (Caasimada online) Sida wararka aan ka heleyno magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ay shaagayan waxa magaaladaas ka furmay Kualan wada tashi ah oo ay isugu yimaandeen odayaasha, Siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo waxgaradka Beeshaas.

Ujeedka kulankaas ayaa sida la tilmaamay wuxuu ku qotoma sidii looga wada arinsan lahaa in maamul mideysan loo sameeyo gobolada Koonfureed ee Soomaaliya , qorshahaas oo ay wadan Siyaasiyiin qaar kood xilal kala duwan kasoo qabtay Dalka iyo waxgarad kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Milifle.

Shalay waxaa Beydhabo gaaray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo qaar uu hogaaminayay Kusomaha Madaxwynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Waxaana Soconaya Sidii looga arainsan lahaa sida aga yeelayo mamulka ay dowlada Aqoonsatay ee Jubba ee uu Axmed Madoobe Hogaamiyo inkastoo warar ay tilmaamayaan in Jawaari Qudhiisu uu qorshahaas ku taageeray Odayaasha  Beeshaas.

Xildhibaan Maxamed Isxaaq Cismaan, oo ka mid ah Xildhibanidii shalay garay Beydhabo gaaray ayaa sheegay in Arimaha ay ka arinsanayan ay qeyb ka taahy in la taageero qorshaha ay odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Digil iyo Milifle ay wadan iyo sidii laga yeeli laha maamulka Jubba, waxaana uu tilmaamay inay u hogaaansameen markii odyaasha beelahooda sidaasina ay Bedhabo kusoo gaareen.

Kulanka oo ah Mid Goor dhaw Beydhao ka furmay ayaa  Waxaa la filayaa inay kasoo baxaan go’aano rasmi ah oo ku aadan Maamulka ay siyaasiyiinta iyo Waxgaradka digil iyo milfle ay baadi goobayaan , oo lagu ideynayo Lix gobol oo gobolada dalka ah oo ay ku jiraan Maamulada iminka uu ka arimiyo Maamulka Jubba.

Malaaq Axmed Aadan Dhaamoow oo ka mid ah waxgaradka Beelaha Dega gobolada Baay iyo Bakoo, ayaa sheegay in ujeedka kulanakas inuu yahay Sidii dowlada looga dhaadhicin lahaa Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya oo uu sheegay inay noqoneyso Dowlada Goboleed Sida uu sheegay .

Wuxuu sheegay inay la shaqeynayaan dowlada Soomaaliya hadii ay aqoonsato Maamulka ay doonayaan inay u magacaabaan Lid gobol oo ka mid ah gobolada dalkeena Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in arintaas ay wadaan dadka deegaanka goboladaas sida uu tilmaamay.

Si kasto odayaasha Beelaha Digil iyo Milifle aya dhawan waxay shaaciyee inay kalsoonidii kala laabteen dowlada Soomaaliya , waxaana siyaasiyiinta u matala dowlada Soomaaliya ay ku amreen inay Muddo laa Maalin ah ku gataan taas oo dhalisay in Xildhibaanada yo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay Halkaasi gaaraan.

Malaaq Axmed Adan Dhaamow

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Faroole oo si xun loogu bah-dilay shirkii New Deal ee shalay

0

Brussels (Caasimada Online) – Dad badan ayaa isweydiiyay sababta Khudbaddii gaabneyd ee la sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu ka jeediyay shirkii shalay ee Brussels oo caalamka dhan lagaga daawanayay si toos ah aan loo arag.

Midowga Yurub ayaa damiyey dhammaan kaamirooyinkii TV-gooda ee sida tooska ah u tabinayey shirka, si aan loo daawan khudbadda Faroole.

Wiil uu dhalay Faroole oo wafdiga ka mid ahaa ayaa waxaa qasab ku noqotay inuu Mobile-kiisa ku duubay khudbadii Aabahiis, iyadoo aan la ogeyn sababta loo soo saari waayay shaashadihii ay ka baxayeen khdubadihii kale ee Madaxda Midowga Yurub iyo Madaxda Dowladda Feederaalka.

Muuqaalkaan oo tayo ahaan aad u liito ayaa lasoo dhigay barta Youtube-ka taasoo lagu sheegayo iney tahay khudbadii shalay uu Faroole ka jeediyay shirkii Brussels.

Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow xafiiska Faroole wuxuu caro ka muujiyay qaabka loola dhaqmay ee xanibaada la saaray khudbadiisa taasoo dad badan isweydiinayaan iyo mudo 10 daqiiqo ah oo la siiyay, waxaana la garab fadhiisiyay Axmad Madoobe oo labadooda ku hadlayay qaab maamul gobol ahaan.

Faroole wuxuu khudbadiisa shalay uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin faragelin uu sheegay in lagu sameeyay Dasrtuurka iyo in qodobo kale.

Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, Faroole ayaa sameeyey dadaallo daqiiqadihii ugu dambeeyey ahaa oo uu kaga codsaday in loo ogolaado inuu shirka ka hadlo, isaga oo baar lagu cunteeyo intii lagu jiray break time ku qabtay madaxweynaha Yurub Manuel Borosso iyo u qeybsanaha arrimaha dibedda EU-da Catherine Ashton, sida aad ka arki kartaan sawirka hoose oo uu qaaday weriyaha Caasimada Online ee shirka.

Waxaa sawirka Faroole kula jira wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia oo ah qofka taagan dhinaca midig, oo Faroole uu ka codsaday inuu Midowga Yurub ku cadaadiyo in khudbad loo ogolaado, waayo ajendaha shirka iyo khubadaha kuma uusan jirin Faroole, sida ku cad qoraalkii EU-da ee ajendaha. HALKAN DHAG SII SI AAD U AKHRISATO JADWALKA SHIRKA

far3

Midowga Yurub, ayaa khudbadda Faroole waqti yar uga dhex raadiyey waqtiga loogu talay galay break-time-kii qadada, ayada oo sida ku cad video-ga markii khudbadda Faroole ay dhacday kadib loo kala kacay qado.

Weli dadka qaar ayaa shaki ka muujinaya sax ahaanshaha in khudbadda Faroole ay dhacday intii uu shirka socday, sababta ah oo shirka wuxuu ahaa mid live uu u tabiyey TV-ga Midowga Yurub, mana jirto qof aragto khudbaddaasi.

Faroole ayaa xubno ku dhow waxaa laga soo xigtay inuu sheegay in Midowga Yurub ay aad u bahdileen.

Waxaa sidoo kale uu ka carreysan yahay, sababta shirka dhan ay madaxda Yurub u inkireen in xittaa ay la hadlaan, oo ay intooda badan ku mashquuleen la macaamilka madaxda dowladda Somalia, taasi oo Faroole ku qasabtay in dhammaan intii uu socday shirka uu la socday wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia.farta5

mad far

Waxaa xusid mudan in website-ka TV-ga Midowga Yurub, oo lsoo dhigay dhammaan dhacdooyinkii iyo khudbadihii shirka aan lagu soo darin tan Faroole, haddiiba sida loo sheegay ay sax u tahay. Halkan ka arag

Waxaan idin soo lifaaqeynaa khudbadda Faroole iyo tii madaxweyne Xasan Sheikh oo guddoominayey shirka, waxaadna dareemi kartaan farqiga u dhaxeeye labada tayo ee video ee hoos ka arag.

Khudbadda Faroole

Khudbadda Madaxweyne Xasan

Caasimada Online

Xafiiska Brussels

[email protected]

DF iyo Yurub oo billaabay arrin aysan ku farxin doonin Somalida Yurub

0

Muqdisho (Caasimada Online) Illo-Xog-Ogaal oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah waddamada Yurub in ay bilaabeen in ay dalka dib ugu celiyaan Soomaalida sharci darada ah ee ku nool Yurub.

Arrintan ayaa la ogaaday, markii maanta oo Talaado ah, garoonka diyaaradaha Muqdisho si qasab ah looga dajiyay wiil dhallinyaro ah oo laga keenay dalka Netherlands.

Wiilkan oo magaciisa ku sheegay Mahdi Axmed, wuxuu sheegay in isagoo gacmaha ka xiran xoog looga soo waday dalka Netherlands oo uu in muddo ah ku noolaa.

Wuxuu sheegay Mahdi in tan iyo sannadkii 2003-dii oo uu tagay dalka Netherlands in uusan helin sharci, isla markaana isaga iyo dhallinyaro kale ay bilaabeen in mudaaharaad ay ka dhigaan dalkaas, arrintaas darteedna looga soo waday dalka Netherlands.

“Anniga waxaa si qasab ah la iiga soo waday dalka Netherlands, waxaa la isoo marsiiyay dalka Turkiga, iyadoo lix boolis ah ay gacmaha iga soo xireen kuwaasoo maanta iga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana la igu wareejiyay IOM iyo laanta socdaalka” ayuu u sheegay Mahdi VOA-da.

Mar la weydiiyay wax yaabaha loo sheegeya intii loo soo waday Soomaaliya, wuxuu yiri “ Waxaa la ii sheegay in heshiis uu dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo waddamada Yurub kuwasoo isku raacay in dalka dib loogu soo celiyo Soomaalida sharci darada” ayuu yiri markale Mahdi.

Dhinaca kale, arrinta heshiiska dowladda iyo waddamada Yurub oo wax laga weydiiyay Taliyaha laanta socdaalka dowladda Soomaaliya, Cabdulaahi Gaafow Maxamuud, wuxuu sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah.

Isagoo intaas ku daray in ninka maanta laga soo dajiyay Muqdisho iyo kuwa kale oo badan oo maalmahan la keenay garoonka diyaaradaha ay ahaayeen Soomaali soo qortay in Voluntary ama ay jecleesteen in dalkooda dib loogu soo celiyo.

Wuxuu beeniyay in dowladda Soomaaliya iyo waddamada Yurub aysan go’aan ku gaarin heshiis ah in Soomaalida sharci darada dib loogu soo celiyo waddankooda.

Wuxuu kaloo sheegay in qaar badan oo dadkaas ah oo qasab looga soo waday waddamo ay ka mid yihiin Netherlands dib loogu celiyay meeshii laga keenay.laakin kuwa badan oo waxaa jira ayuu sheegay markii la keeno Muqidsho, waalidkooda ama qaraabadooda yiraahda yaan la celin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

FADEEXAD: Saraakiisha AMISOM oo arrin ceeb ah ay kusoo baxday

0

Kampala (Caasimada Online) Qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ayaa baahiyay, warar fadeexad ah ku ah saraakiisha ciidanka AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya.

BBC-da, AFP iyo wargeyska sida gaarka loo lee yahay ee Daily Monitor oo ka soo baxa dalka Uganda, ayaa baahiyay maanta oo Talaado ah, in dowladda Uganda ay shaqada ka joojiyay 20-sarkaal oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Uganda, kuwaasoo ku sugan dalka Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa qaab suuq-madow shidaalka iyo cuntada loogu talagalay ciidanka Uganda ee ku jira howgalka AMISOM uga iibin jiray shirkado si gaar ah loo lee yahay.

Qaar ka mid ah ciidamada Uganda oo la hadlay warbaahinta dalkooda waxa ay cadeeyeen in hal waqti la siiyo cunto.

Uganda waa Soomaaliya ka jooga in ka badan 6,000 oo askari, waa dalka ciidamada ugu badan ku deeqay howgalka AMISOM.

Dowladda Uganda, waxa ay lee dahay waxaan billownay baaritaan ku saabsan saraakiisha shaqada laag joojiyay.

Ciidanka AMISOM oo ka badan 18,000 oo askari waxaa dhaqaalaha ugu badan siiya Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay

Dhinaca kale, ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin wararka sheegaya in la iibsan jiray shidaalka iyo cuntada ee loogu talagalay ciidanka Uganda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Fanaanad caan ahayd oo geeriyootay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) Allaha ha u naxariisto waxaa maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku geeriyootay fannaanada caanka ah ee Sahra Ileeye Cabdi.

Fannaanada ayaa la sheegay in ay u geeriyootay xanuun dhinaca carabka, waxaana markii hore loo qaaday Isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.

Nuur Axmed Nuur Jaangow oo wiil ay dhashay marxuumada Sahra Ileeye ayaa sheegay in hooyadiis ay ku geeriyootay Isbitaal ku yaalla Addis Ababa, halkaasoo loo geeyay siddii looga daween lahaa xanuun in muddo ah la jiiftay oo carabka kaga dhacay.

Wuxuu sheegay in hooyadiis ay ka tirsaneed kooxda Horseed ee ciidanka xogga, waxaana uu sheegay in ay qaaday heeso u badan wadani.

Allaha ha u naxariisto fannaanada ayaa la sheegay in ay ifka uga tagtay 7-carruur ah, kuwaasoo lix ka mid ah dalka jooga.

Fannaanada waxaa horey uga geeriyooday fannaankii caanka ah ee Axmed Nuur Jaangow.

Haddaba, dhammaanka shaqaalaha iyo maamulka Shabadda Caasimada Online, waxa ay la qaybsanayaan tacsida reer Axmed Jaangow oo hooyadood Sahra Illeeye oo maanta ku geeriyootay Addis Ababa, waxaan lee nahay marxuumada Samir iyo Iimaan allaha ka siiyo wixii qaraabo iyo asxaab ay ka baxday, mamada ay ahayd fannaanad qaran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Warbixin: Axmed Madoobe oo ku sii jeeda dalka Denmark + Ujeedka

0

Copenhagen (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariyaha qaaradda Yurub  ee Shabakadda Caasimada Online, waxaa ka socota magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark qabqaabada wafdiga hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee  Jubba Axmed Madoobe, kaasoo ka qaybgalay shirkii hiigsiga cusub ee New Deal oo lagu soo gunaanaday Brussels.

Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa la hadli doona jaaliyadda beeshiisa iyo beelahaPuntland ee ku dhaqan Denmark gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Jubbooyinka.

Axmed Madoobe ayaa jaaliyaddiisa ku dhaqan Copenhagen uga warbixin doona qorshaha maamulkiisa iyo waxybaaha ilaa hadda u qabsoomay.

Sidoo kale, wuxuu ka codsan doonaa in ay taageero hiil iyo hooba ay siiyaan maamulkiisa oo wajahaya dhibaatooyin waaweyn sida ammaanka.

Waa markii ugu horeysay oo Axmed Madoobe uu tago dalka Denmark tan iyo markii loo magacaabay maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

[email protected]

Muxuu Wasiirka arrimaha gudaha DF u joogaa dalka carbeed ee…?

0

Sana’a (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee dalka Yemen, waxaa magaalada Sana’a ee xarunta dalka Yemen, ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka iyo xubnaha la socda ayaa garoonka diyaaradaha Sana’a waxaa ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalka Yemen Gen Cabduqaadir Maxamed Qaxdaan iyo hubno ka tirsan laamaha ammaanka.

Labada wasiir ayaa kulan qaatay labo saac ku yeeshay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Yemen, waxaana ay labada mas’uul ay ka wadahaleen arrimo badan, gaar ahaan siddii ay hal meel uga soo horjeesan lahaayeen la dagaalanka argagixisada iyo burcad-badeeda.

Sidoo kale, waxa ay ka arrinsadeen siddii loo yareen lahaa qoxootiga Soomaalida ee ku soo qulqulaya dalka Yemen.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya oo kulankaas kaddib saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in booqashadiisa ay la xiriirto heshiis Isniintii la soo dhaafay uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya la gaaray madaxda dalka Yemen.

Wasiirka ayaa sheegay in uu dhiggiisa dalka Yemen uu uga mahadceliyay martigalinta dad lagu qiyaasay hal milyan oo Soomaali ah kuwaasoo qoxooti ku ah dalka Yemen.

Wasiir Cabdikariin ayaa sidoo kale tilmaamay in uu booqan doono xerada ugu weyn ee qoxootiga dalka Yemen, ee Al-Qaras halkaasoo Soomaali badan ay ku nool yihiin.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa muddo seddax cisho joogi doona dalka Yemen, waxaana inta ay joogaan ay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka Yemen iyo jaaliyadda Soomaalida ee Yemen.

Waa wafdigii labaad oo ka socda dowladda Soomaaliya kuwaasoo muddo toddobaad ah booqasho ku taga dalka Yemen, Isniintii la soo dhaafay ayey ahayd markii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay socdaal shaqo ku tageen Yemen.

Caasimada Online

 Xafiiska Wararka Cairo

[email protected]

Dhageyso: Jawaari iyo 60 Xildhibaan oo u hogaansamay amarka beeshooda

0

Muqdisho (Caasimada online) Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxaa ay iyana dhankooda gaareen magaakada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Jawaari iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee tagey Baydhabo, oo dhamaantood kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle, ayaa waxay ka jawaabayaan, fariintii kama dambeysta ahayd, ee shalay kaga timid Odayaashooda.

Sidoo kale Mudanayaa ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo tiro ahaan gaarayay ilaa 60- kana soo jeeda Beelaha Digil iyo Milifle oo badankood ay Muqdisho ka ambabaxeen ayaa gaaray Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xildhibaanada maanta Bedhabo gaaray waxaa ka mid ah 11 Mudane oo ka ambabaxay Degmooyinka Luuq iyo dooloow , aintan ayaa ka dambeysa Amar shalay kasoo baxay waxgaradka iyo odayaasha beelahaas oo ku aadan in mudo laba maalin ah ay beysho ku yimaad xubnaha dowlada Soomaaliya beelahaas u matala.

Shariif Aadam Xasan, oo ka mid ah Waxgaradka Gobolada Baay iyo Bakool oo warbaahinta la dahlay wuxuu sheegay in Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdigiisa ay Beydhabo u gaareen kadib amarkii shalay kasoo baxay Odayaasha ee ahaan in mudoo laba maali ah ay ku yimadaan magaalada Beydhabo Siyaasiyiinta Digil iyo Milifle u matala dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay qorsheynayaan in Gudoomiye Jawaari nay ka dhaadhiciyaan fikir ah in Lix gobol oo ay kun jiraan gobolada Maamulka Jubba uu ka jiro in hal maamul loo sameeyo.

Su’aal aheyd hadii uu diido gudoomiyaha waxa ay sameynayaan ,waxaa uu kaga jawaabay “wuxuu noola mid noqonayaa Madaxweyne Xasan Sheekh”

Si kasto dowlada Soomaaliya aya laga sugayaa qorshaha ay ku wajahdo cabashada odayaasha Digil iyo Milif .

Halkaan ka dhageyso Codka ujeedka Socdaalka Jawari ee Baydhabo

Halkaan ka dhageyso Shariif Aadan Xasan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Xusuusin qiimihii Dowladnimo (Daawo muuqaal aad la ilmeyn doonto)

Caasimada Online:  Warbixn kooban oo Muuqaal ah ayaan jaceyl nahay in aan idiin la wadaagno taas oo ka hadleyso Qiimaha Dowladnimo & sida uu ahaan jiray Wadankeena muddo 23 sano ka hor.

Muuqaalkani waa mid ku qiiro gelinaya marka aad aragto sharafka iyo awooda Ciidan ee aanu la heynay oo ahaa waagaa Shabell geeska africa oo idil laga baqo Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO:

R/W Saacid oo sheegay waxyaabaha lagu qabanayo dhaqaalaha New Deal

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si weyn u soo dhaweeyey shirka taariikhiga ahaa ee Hiigsiga Cusub (New Deal) oo shalay lagu soo gaba-gabeeyey magaalda Brussels ee dalka Beljamka.

Shirka (New Deal) ayaa muhiimad gaar ah u lahaa dalka Soomaaliya, waxaana ka soo qayb galay wakiilo ka kala socda in kabadan kotan wadan, waxaana shirkaas looga yaboohay deeq gaaraysa 1.8 bilyan Euro, oo u dhiganta 2.4 bilyan doolar, waxaa sidoo kale si buuxda loola qaatay dowladda Soomaaliya barnaamijkii ay la tagtay shirka oo ay ku cadaayeen waxyaalaha ay mudnaanta siinayso sadexda sano ee soo socota.Shirka New Deal waaa shir la doonayo in wax looga qabto arrimaha bulshada, dib-u-dhiska dalka, dib u soo celinta amniga, iyo hormarinta kaaba yaasha dhaqaalaha.

“Shirkii lagusoo gaba-gabeeyay Brussels waa talaabo horay loogu qaaday dib-u-dhiska dalka, waana qorshe Soomaaliyeed. Waxaa dadaal loo galay bilihii ugu danbeeyey in laga qayb galiyo barnaamijkan la-tashigiisa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa kale oo farxad noo ah in caalamku garwaaqsaday in dowladda Soomaaliya ay awood u leedahay maaraynta dhaqaalaha loogu deeqay, taas oo tusaale loogu soo qaadan karo habkii casriga ahaa ee dowladdu u dajisay deeqdii ka timid dalka Norway ee loo qoondeeyey in lagu bixiyo mushaaradka shaqaalaha rayidka ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in sadexda sano ee soo socota qorshaha dowalda u yaala aysan ku filnayn yabooha hada la sameeye, balse ay ka filayaan caalamka gacan taas ka weyn.

Hiigsiga cusub wuxuu ahmiyad siinayaa in dhaqaalaha loogu yaboohay Soomaaliya lagu hormarinayo dhamaan gobolada dalka, iyadoo wax looga qabanayo dib-u-dhiska wadooyinka, horumarinta beeraha iyo xoolaha, arrimaha waxbrashada, iyo caafimaadka,” Aad ayaan ugu farax sanahay dadaalda kala duwan ee dowladu ugu jirto sidii looga fa’idaysan lahaa qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya, kaas oo ahmiyad gaar ah siinaya xasilinta dalka, habaynta garsoorka, sare u qaadida maamulka iyo maareynta lacagaha iyo dib u soo kabashada ilaha dhaqaalaha” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Saacid

—DHAMAAD–

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

Jowhar iyo Muqdisho oo kala xirmay

0

Jowhar (Caasimada online) Sida warar aan ka heleyno magalada JOWHAR ee Xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ay Sheegayaan , waxaa Xiran Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya gaar ahaan  wadada Muqdisho iyo Jowhar u dhexeysa .

Xasan Maxamed Cismaan, oo ka mid ah Dhalinayada reer Jowhar ayaa warbaahinta u sheegay in Maanta wadadaasi ay tahay mid hakad ku jirta kadib markii Meel u dheeysa Tuuleeyinka Koongo iyo Garaash, oo ah Tuulooyinka Wadada Muqdisho iyo Jowhar ku yaala Isla-markaan qiyaastii Ilaa 5 KM u jira magaalada ay Biyo Buux dhaafiyeem .

Gadiidka isasga kala gooshi jiray Jowhar iyo Muqdisho ayuu tilmaamay in la isugu geeyay Tuulada Koongo , halkaas oo uu sheegay in dadka Jowhar ka socdaalaya ee Muqdisho aadaya ay ka baxayaan isagoo shaaciyay in dadkaas ay sii dhex jiirayaan Biyo uu sheegay inay gaarayan ilaa Jilibka .

Sidoo kale Dadka ka socdaalaya Muqdisho ee Jowhar gaaraya ayuu tilmaamay inay ku egyihiin Gaadiidka Muqdisho kasoo qaada Tuulada Koongo halkaas oo iyana dhankooda kasoo lugeynaya iyagoo Biyahaas wadada gala ay dhe jiirayaan si magaalada Jowhar ay u gaaran .

Gudoomiyaha Guddiga Maareynta Musiibooyinka Gobolka Shabeelaha Dhexe  Cismaan Maxamed Baareey, oo dhankiisa warbaahinta la hasdlay wuxuu sheegay in aan Biyaha Wadada Soo galay aan lagu tilmaamai karin in ay wadada gooyeen balse wuxuu sheegay in wadada hakad yar uu soo galay dadaal xoogana ay ugu jiraan sidii arintaas ay uga hortagi lahaayeen .

Wuxuu sheegay in ka gudi ahaan ay wax badan ka qabteen Fatahada webiga Shabbeele Gaar ahaan Fatahaadaha Webigaas uu ka sameeyay Tuulooyin dhowr ah oo hoortaga degmada Jowhar .

Mudooyinkii dambe waxaa jirtay Cabsi xoogan oo laga Muujinayay Fatahaadda Webiga Shabeelle Gaar ahaan deegaanada ku dhaw dhaw Magaalada Xarunta u ah gobolkaas ee Jowhar , Waxaana jirta in Dadaal xoogan oo ay dhalinta reer Jowhar ay sameeyee ay kaga bad baadiyeen Dhowaan Fatahad Webigaas uu ka sameyn lahaa Magaalada .

Halkaan ka dhageyso Codka Xasan Maxamed ee Jowhar

Halkaan ka dhageyso Xasan Maxamed Cismaan

Caasimada online

Xasfiiska Muqdisho

[email protected]