28.1 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Xasan Sheikh iyo wafdi gaaray Roma

0

Roma (Caasimada online) Madaxweynaha DowladA Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Roma ee Caasimada Dalka Talyaaniga.

Kadib markii madaxweyne Xasan uu Magaalada Brussels uu ugu soo idlaaday shirkii Hiigsiga Cuseb ee New Deal  ayuu madaxweynuhu  u ambabaxay Talyaaniga, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxda Talyaaniga iyo  Safiirka cusub ee Soomaaliya , iyo madaxda qeybaha kala duwan ee jaaliyada  Magaalada Roma.

Ujeedada Safarka Madaxweynaha ayaasida la sheegay  waxa ay la xiriirtaa Casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalkaas , waxaana inta uu Talyaaniga joogo uu la kulmi doonaa ra’isul wasaaraha Dalka Talyaaniga Enrico Letta, iyo wasiirka arimaha dibada ee Talyaaniga Emma Bonino, iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Talyaaniga, iyo waliba qaar ka mid ah hay,adaha caalamiga ah ee ee Magaalada Roma ku leh xarumaha.

sida  uu warbaahinta  u sheegay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Mr. Kamaal Xasan, Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doono inta uu talyaaniga joogo Hey’ado caalami ah iyo madaxda dalkaas.

Ra’isul wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya  C/xakiin Macalin Fiqi, Wasiirka  Maaliyada iyo Qorsheynta caalamiga  Maxamuud Xasan Suleymaan, iyo Xubno kale ayaa qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha ee gaaray Roma.

Madaxweynaha ayaa mudo laba cesho ah ku sugnaan doona talyaaniga ka dibna waxa uu u ambabaxayaa magaalada New York ee  Xarunta Qaramada Midoobay sida la qorsheynayo.

Caasimada onlie

Xafiiska Roma

[email protected]

IGAD oo ka walaacsan dhibaato kusoo wajahan Somalia, sida ay sheegtay

0

Muqdisho (Caasimada online) Qorshayaha bankiga Barclays uu ku doonayo inuu ku joojiyo la shaqeynta xawaladaha Soomaalida lacagaha loogu soo diro ayaa waxaa digniin kasoo saaray urur goboleedka IGAD.

Bankiga Barclays ayaa sanadkaan ku dhawaaqay in 30 bishan uu xerayo lacagaha Somalida Ingiriiska ay usoo diri jireen dalka Soomaaliya iyo gobolka, iyadoo ay ugu wacan tahay sababo dhanka amaanka ah.

Madaxa urur goboleedka IGAD Mahboub Maalim ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka heli jireen xawaaladaha Somalida ee dalka ingiriiska fursad ah in dhaqaalaha ay usoo mariyaan dadka qurbo joogta ah.

Mahboub Maalim, ayaa sidoo kale sheegay in arintaasi ay horseedayso in dib ay usoo laabato falalkii burcadnimada, sida uu hadalka u dhigay.

War qoraal ah oo kasoo baxay urur goboleedka IGAD ayaa looga dalbaday bankiga Barclays in xawaaladaha Somalida uu ugu daro 12 bilood oo kale, si xal buuxa looga gaaro arimaha xawaaladaha.

“Inka badan 40 boqolkiiba shacabka Somalia ayaa luminaya qiyaastii 1.2 bilyan oo doolar sanadkii oo iyaga soo galayay, ku dhawaad 500 milyan oo doolar oo ka imaanaysay dalka Ingiriiska, ayaana ka mid ah lacagta la weynayo haddii la joojiyo shaqadaasi”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay urur goboleedka IGAD.

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Nabadoo Xasan Daahir ka keenay Cadaado oo la dilay

0

Muqdisho (Caasimada online) War Hadda soo dhacay oo ay heshay Caasimadda Online wuxuu sheegayaan inmagaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah odayaashii Magaalada Cadaado ka kenay Sheekh Xasa Daahir Aweys oo Dowlada Soomaaliya minka u xiran .

Wararka waxay sheegayan in Kooxo ku hubeysan Bistoolado ay nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Faarax Shidane (Faarax yare) ay dileen xilli uu kasoo degenayay Gaarigiisa, Xaafadda Taleex ee degmada Hodan ayaa lasheegay inuu dilku ka dhacay.

Mid ka mid ah ehelada Nabadoonka Maanta Muqdisho lagu dilay ee qeybta ka ahaa Wafdigii dowlada Soomaaliya ay u dirtay Cadaado Si Xasan Daahir ay Muqdisho u keenaan ayaa sheegay in Ragga dilka geyray ay ku hubeysnaayen Bistoolad.

Kooxihii dilka geystay ayaa Goobta isaga Baxsaday , lamana oga Sababta ka dambeysa dilka Nabadoonkan oo sida la sheegayna ah Ganacsade caan ah oo si weyn magaalada Muqdisho looga yaqaan .

Mudooyinkii ugu dambeysay Waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanayay Falalka Dilalka ah oo ay fuliyaan kooxo ku hubeysan Bistoolado, waa Markii ugu horeysay oo Nabadoon Kamid ah Odayaasha Cadaado ka keenay Xasan Daahir la dilo iyadoon arintan dad badan ay su’aalo iska weyndiinayaan .

Saraakiisha Ciidamada dowlada Soomaaliya wali arinta kama aysan hadlin , sidoo kalana ma jirto cid ila iminka sheegatay dilka nabadoonka.

Halkaan ka dhageyo Codka ehelka odayga la dilay

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

KASHIFAAD: Saacid iyo Taliyihii nabad sugida oo xulufeysi cusub sameystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Sida ay lee yihiin, dad ku dhow-dhow taliyihii nabad sugida Axmed Macalin Fiqi oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho, waxaa heshiis gaaray ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi oo ra’iisal wasaaraha ka soo raacay dalka Yemen oo dhawaan safar shaqo uu ku tagay, ayaa magaalada Muqdisho ka wada olole lagu doonayo siddii loo baajin lahaa mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan ra’iisal wasaaraha oo lagu eedeeyay in uu shaqadiisa gabay.

Axmed Macalin Fiqi ayaa la sheegay in uu la kulamo la qaatay xildhibaannada mooshinka ka dhanka ra’iisal wasaaraha wada, kuwaasoo uu ku dhaadhicinayo in ka laabtaan mooshinkaas.

Axmed Macalin fiqi oo markii xilka la qaaday uu tagay waddamo dhowr ah sida Yemen, Sudan iyo Kenya, ayaa la sheegay in uu wado qorshe uu ku doonayo in uu ku dhawaaqo xisbi siyaasi ah taasoo uu ku doonayo in uu isku soo taago xilka doorashada madaxweynaha sannadka 2016-ka.

Taliyihii hore ee nabad sugida, wuxuu ku celceliyay in dowladda hadda jirta ay ku guul dareesatay arrimo badan sida Ammaanka.

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho aad looga hadal-hayaa warar sheegaya in marka uu madaxweynaha ka soo laabto dibedda in qorshaha ugu horeeya ee uu sameen doono uu yahay is-badal xagga xukuumada, waxaa la ballaarin doonaa tirada wasiiradda iyadoo wararka qaar ay lee yihiin waxaa  la badeli doonaa ra’iisal wasaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

XOG: Shariif Xasan oo Baydhaba kusii jeeda & qorshe uu wato oo billabanaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Illo Xog-Ogaal ah, oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegaya in xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi xildhibaanno ah ay maanta oo Talaado ah, ay u ambabixi doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Shariif Xasan oo dhawaan ka soo laabtay dibedda, ayaa maalmahan olole iyo barnaamijyo gaar u ah ka waday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wuxuuna doonayaa in uu ku dhawaaqo maamul gobaleed lagu magacaabo Koonfur galbeed, kaasoo ay ku mideesan yihiin ilaa lix gobal.

Qorshahan ma’ahan mid hadda soo billowday, waxaana la waday tan iyo markii dowladda hadda dhisan dhidibada loo taagay.

Si kastaba, qorshahan waxaa la wadaa Shariif Xasan Sheekh Aadan xildhibaanno iyo qaar ka mid ah madaxda dowladda sida Afhayeenka baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Waxaa dhawaan qaybo ka mid ah gobalka Shabeellaha Hoose gaaray xildhibaanno halkaas ka soo jeeda kuwaasoo dowladda ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ku dhaqan halkaas.

Sidoo kale, waxaa hadda ku sugan gobalka Gedo xildhibaanno kale kuwaasoo dadka deeganka ka dhaadhicinaya in ay u gurbaan tumaan qorshaha Shariiif Xasan Shee Aadan oo ah siyaasi wajiyo badan.

Shaley magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo shirkii Brussels ku soo dhammaaday, sidoo kale dhawaan waxaa magaalada Baydhabo loo diidday wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, arrimahaas oo dhan waxaa la lee yahay waxaa ka dambeeya Shariif Xasan.

Waddamada gobalka sida Ethiopia aad ayey ula socotaa qorshaha Shafiir Xasan, sidoo kale waxaa arrintaan la dhacsan maamulka Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Faroole.

Xarunta ADC-da ee Baydhabo waxaa ku qulqulaya odayaal iyo wax garad kuwaasoo la doonayo in ay taageeraan maamulka uu wato Shariif Xasan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: Maamulka Juba oo qirtay wixii laga sheegay in muddo ah

0

Kismaaayo (Caasimada Online) – Xili Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ay ka dhacayeen dilal qorshaysan iyo falal kale oo amaan xumo ah ayaa arintaas waxaa kahadlay Saraakiisha Maamulka Jubba, oo qirtay in ciidankooda ay ka mas’uul yihiin qaar ka mid ah dhibaatooyinkaas.

Iimaan Raashiid Gurre Gudoomiyaha gudiga Nabadeynta Maamulka Jubba ayaa qiray in ciidamada amaanka ay xiliyada qaar dhibaato ka gaystaan magaalada Kismaayo, taasi oo ah mid in muddo ah ay dad badan oo magaalada degan ay ka cabanayeen.

Waxaa uu sheegay in gudi loo saarayo sababaha keena in ciidamada Maamulka Jubba ay gaystaan dhibaatooyinkaas lagu waxyeelaynayo dadka shacabka ah.

Qaar kamid ah waxgaradka Kismaayo ayaa ku eedeeyay ciidamada Maamulka Jubba inay ka danbeeyeen dilka dad rayid ah iyo odayaal caan ka ah magaalada.

Halkan ka dhageyso codkiisa

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

DHAGEYSO: Khilaaf DF iyo Jubba soo kala dhex galay kadib markii Jubba ay diiday qodob horey loogu heshiiyey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa khilaaf xoogan soo kala dhex galay kadib markii Maamulka Jubba ka biyo diiday ka qayb galka Shirka Bisha soo socota ka dhici doona magaalada Muqdisho ee Iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Cabdi Shirdoon (Saacid).

Saraakiisha Maamulka Jubba ayaa sheegaya shirka dhawaan ka dhici doono Magaalada Muqdisho inuusan ahayn mid ay dowladdu si rasmi ah u iclaamisay isla markaana yahay mid Xafiiska Ra’iisul Wasaare Shirdoon laga soo abaabulay.

Xildhibaan Hore Cabdi Ibrahim Cabdi (Cabdi Barre) oo kamid ah Saraakiisha Dhinaca Axmed Madoobe dhawaana kamid ahaa ergadii Muqdisho usoo raacay Hogaamiye Axmed Madoobe, ayaa sheegay inay heshiis la galeen beelaha daga Jubbooyinka isla markaana aysan muuqan baahi xiligani keenaysa in markale shirwayne lagu qabto Muqdisho.

Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday Ra’iisul Wasaare Shirdoon inuu kasoo horjeedo heshiiskii Addis Ababa isla markaana uu doonayo Jubbaland inuu carqalad horleh galiyo.

Dhanka kale wuxuu sheegay marka uu kasoo laabto Hogaamiye Axmed Madoobe shirka New Deal in la dhamaystiri doono Xubnaha maamulka KMG ah ee Jubba.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Isha: K24

VIDEO: Haweeney Soomaali ah oo 9 sano lagu xukumay, Australia, Sabab?

0

Caasimada Online:  Asha Abdalla waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Wadanka Australia waxeey weerar ismiidaamin ah ku qaaday sanadkii 2008 Diyaarad ayadoo dooneysay in ay qarax sameyso balse la qabtay oo xabsiga la dhigay.

Muddo 5 sano kadib waxaa la soo taagay Maxkamad waxaana lagu xukumay 9 sano oo Xarig ah waaana hooyo Soomaali ah oo Wadanka Qaxooti ahaan loo keenay Sanadkii 1996 ee nala daawo Video qaabkii Maxkamada loo soo taagay.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Soomaali ku dhimatay dal carbeed

0

Sana’a (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen ayaa sheegaya in labo qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen waqooyiga dalkaas.

Dadkan ayaa la sheegay in ay qaadeen daadad ka dhashay roob ka da’ay dalkaas labadii cisho ee la soo dhaafay.

Wariye ka tirsan VOA-da ayaa sheegay in  labadan qof ay ka mid ahaayeen 15-tahriibayaal Soomaali ah, kuwaasoo doonayay in ay ka dhuuntaan booliska.

Labada qof ayaa geeriyootay oo ah rag, waxaa la sheegay in ay soo adeen magaalada si ay cuno ugu soo gadaan kooxda kale, balse waxaa qaaday daadad xooggan.

Waxaana meydadkooda laga helay buuraha deeganka Xaraf oo ku yaala waqooyiga Yemen, waxaana halkaas kasoo helay dadka deeganka.

Wariyaha ayaa sheegay in dadka deeganka ay soo badbaadiyeen 13-ka kale oo dhow cisho ku jiray meel howd ah.

Waxaana dadkan oo ay ku jiraan dumar loo qaaday Isbitaal maadama ay dhowr cisho ay qadan yihiin

Si kastaba, warbixin ay soo saartay hey’adda QM u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in lixdii bilood ee sannadan 75% ay yaraadeen tahriibayaasha Soomaalida, balse wixii ka dambeeyay bishii Ramadaan waxaa soo badatay tahriibayaasha Soomaalida ee gaarta dalka Yemen.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Dhageyso: Wararkii ugu dambeyay Xaalka Somalida K/Africa

0

Port Elizabeth (Caasimada online) Koonfur Africa waxaa Markale kasoo Cusboonaaday Falalka Dhaca iyo Boobka ah oo loo geysanayo Soomaaliyda Sida ganacsi ahaanta ah ugu nool dalkaas kuwaas oo xilligan ay cabsi xoogan lasoo daristay.

Ismaaciil Maxamuud waxa uu ka mid yahay Soomaalida ku ganacsata magaalada Port Elizabeth oo wareysi Siiyaya Laanta Afka Soomaaliga ee BBc-da ayaa sheegay in xilliga ay boob xoogan ay ku ahayaan Burcad Koonfur African Madow ah.

Wuxuu sheegay in Arintu ay ka dameysay markii weerar ay soo qaadeen Koonfur african doonayay inay dhac u geystaan dukuaamo Soomaali ah ay lahaayeen uu Wiil Soomaaliyeed mid ka mid ah Kooxahaas uu ka dilay .

Wuxuu sheegay in arintaas ay sameyn ku yeelatay Guud ahaan Soomaalida ku ganacsata Magaaladaas , waxaana uu daaha ka qaday xitaa Booliska dalkaas ay u sheegeen inay xilligan aysan waxba u qaban karin balse ay iyaga iska difaacaan .

Dhanka kale Todobo ruux oo koofur African ah ayaa loo xiray xatooyo iyo gubis loo geystay dukaamo ay leeyihiin dad Somali ah oo ku yaalay magaalada Port Elizabeth, ee gobolka Eastern Cape sida Boolikas gobolka ku sugan ay sheegeen.

“Waxaan xaqiijin karnaa in todobo ruux oo laga shakiyay in la xeray laguna eedeeyay inay sameeyeen dhibaato ka dhan ah bulshada, dhamaan dadkaasi laga shakiyay waxay ku jiraan da’da labaatanaad”ayuu yiri Afhayeen ciidamada booliska u hadlay oo lagu magacaabo Sibongile Soci.

Waxaa uu sheegay afhayeenkaasi u hadlay ciidamada booliska in dhamaan dadkaasi la qabtay lasoo taagi doono maxkamad ku yaala dalkaasi, maanta oo talaado ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada u hadlay ayaa sheegay in ilaa iyo iminka aysan jirin falal kale oo waxyeelo loogu geystay shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ciidamada booliska ay qiimeynta xaalada sameyn doonaan.

Ku dhawaad 10 dukaan oo ku yaala deegaanka Kwazakhele iyo New Brighton ayaa la sheegay in la weeraray oo dadkii ku jiray waxyeelo loo geystay.

Afhayeen kale oo lagu magacaabo Miranda Mills ayaa sheegay in labo dukaan oo goobta ku yaala la bililiqeystay lana gubay, halka dukaamo kale la weeraray, sida uu sheegay.

Dukaamo kale oo ku yaala dalkaasi ayaa malintii Axada la weeraray, iyadoo muwaadin Soomaaliyeed uu toogasho u geystay mid kamid ah dadkii soo weeraray maqribnimadii Sabtida.

Halkaan ka dhageyo Codka Boobka Somalida K/AFRICA

Halkaan ka dhageyso Codka Ismaaciil Maxamuud

Caasimada online

Xafiiska Port Elizabeth

[email protected]

Khaatumo oo dibadbax ka dhan ah DF ka goobta shirka New Deal

0

Brussels (Caasimada Online) Sida uu soo sheegay wariyaha Qaaradda Yurub ee Shabakadda Caasimada Online, oo hadda ku sugan xarunta Midowga Yurub ee Brussels halkaasoo maanta oo lagu soo gabagabeeyay shirka hiigsiga cusub, waxaa halkaas dibad-bax ka dhigay jaaliyadda Khaatumo Sate.

Wariyaheena ayaa ku soo warramaya in uu arkay dhowr boqol oo qof, kuwaasoo watay boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ka dhan ah shirka Brussels ee halkaas lagu soo gabagabeeyay.

Qaar ka mid ah dadka dibad-baxa ka qaybgalayay ayaa la hadlay saxaafadda, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin shirka (New Deal) in aan laga qaybgalin maamulkooda Khaatumo State oo ah maamulka kaliye ee taageersan dowladda.

Waxa ay eedeen u jeediyeen madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in uu soo xulay uun dadka ay isku baheesi yihiin.

Sidoo kale, Jaaliyadda Khaatumo ee Brussels ku nool, waxa ay lee yihiin haddii madaxweynaha uusan arrintaas raaligalin ka bixin in ay go’aan ka qaadan doonaan dowladda Soomaaliya.

Ma jirto cid la hadashay dadka dibad-baxyada ka dhigyay xarunta shirka uu ka socdo ee Brussels.

Maamulka Khaatumo waa maamulka kaliye ee taageersan dowladda Soomaaliya, waxaana shirkan ka qaybgalaya dhammaan maamulada ka jira dalka marka laga reebo Somaliland kuwaasoo sheegay in shirkaas uu gaar u yahay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Brussels

Daawo Shirka New Deal oo furmay iyo khudbaddii madaxweyne Xasan Sheikh

0

Waxaa goor dhow xarunta Midowga Yurub ka furmay Shirka Hiigsiga Cusub ‘New Deal for Somalia’ , Shirkan oo ay si wada-jir ah u marti-galinayaan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Midowga Yurub Mr Hermen Van  Rompuy  ayaa furay shirka wuxuuna  sheegay in shirkan uu yahay mid xoogga lagu saarayo sidii Soomaaliya loo caawin lahaa, islamarkaana looga taageeri lahaa in ay gaarto mustaqbal ifayo oo ka wanaagsan kan ay hadda taagan tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna furitaanka shirka hadlay, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay u baahan tahay in laga caawiyo dhismaha ciidamada, taasoo uu xusay in haddii ciidanka la dhiso la heli doono amni buuxa oo waddanka xasiliyo.

“Shirkan wuu ka duwan yahay shirarkii hore ee London ama kii Tokyo”, waayo waa mid Soomaaliya waji cusub u furayo.” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Somalia.

200 wafuud caalami ah oo ka kala socda dalalka caalamka, Midowga Yurub iyo  hay’ado horumarineed iyo kuwa  deeq-bixiyeyaasha ayaa kasoo qeybgalay.

Halkan ka daawo khudbadda madaxweynaha

Dhageyso: Khudbaddii Maryam Qasim

0

Brussels (Caasimada online) Xaalada dhaqaalaha iyo arimaha bulshada dalka Somalia  wuxuu na tusinayaa calaamad ku aadan horumar laga gaaray, ayna dib usoo laabanayaan, marka loo eego labaatan sano oo dhibaatooyin lagu jiray, waxii ka dambeeyay dhicitaankii dowladii dhexe ee dalka,

La qabsiga dastuurka casriyaysan, hergelinta wakiilada baarlamaanka federaalka Somalia, doorashadii madaxweynaha Soo magacaabida ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada ayaa soo cusboonaysiiyay mustaqbalka Soomaaliya, waxayna abuurtay fursado lagu keenay nabad iyo xasilooni, dib u dhis iyo horumar ilaa heer gobol ah.

Wasiirada lasoo magacaabay iyo dowladaan cusub ee dalka Soomaaliya, ayaa si weyn u qaaday masuuliyada  shacabka iyo dib u dhiska dhaqaalaha ee wadanka, waxyaabaha suuro galka ah ee wasiirada dowlada ay ku taxluujin karaan awoodooda ayaa ah in la maamulo, la  isku duwo, lasoo saaro lagana qeyb galo soo saarista arimo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed labaatan sano oo ay la dhibaateysnaayeen arimo dhowr ah , waxaa iminka ay yihiin kuwo kasoo kabanaya dhibatooyinkaasi, waxaana la gaarayaa adeegyo horumarineed oo dhanka bulshada ah.

Somalia oo aan ka mid aheyd dadka is dila laakiin Somali u qeyb sanaysa macdanta ku jira dalka si isku mid ah oo cadaalad ah iyo Somalia oo xubin muhiim ah ka ah bulshada caalamka, taasi waa Somalida aan doonayno dhamaan inaan aragno, Mahadsanidiin dhamaan.

Halkaan ka dhageyso codka Maryam Qaasim

Halaan ka dhageyso codka Maryam Qaasim

 

Caasimada online

Xafiiska Brussels

[email protected]

Maxaad u baahan tahay inaad shirka Brussels ka ogaato + Aragtidaada

0

Brussels (Caasimada Online) Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, waxaa maanta oo Isniin ah ka dhacaya shirweyne muhiim ah, oo looga hadlaayo hiigsIga cusub ee Soomaaliya (New Deal).

Shirkan waa kii ugu horeeyay ee Soomaaliya loo qabto in ka badan 20-sanno, waxaa shir loogu talagalay in Soomaalida ay soo bandhigaan wax yaabaha ay u baahan yihiin.

Shirkan waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo, sidoo kale waxaa ku sugan madasha shirka madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, waxaa kaloo lagu arkay Brussels oo shirka isna ka qaybgalaya Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba, sidoo kale waxaa ku sugan qaar ka mid ah maamulada ka jira dalka sida, Shabeellaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Gedo, Baay iyo Bakool.

Shirka marka laga tago dadka Soomaalida, waxaa kaloo ka qaybgalaya beesha caalamka iyoo waddamada galaangalka u leh arrimaha Soomaalida sida Ethiopia, Uganda, Kenya iyo Djibouti.

Shirkan waxaan ka qaybgaleynin Somaliland.

Shirkan yaa Soomaaliya u hadlaya?

Shirkan waxaa loogu talagalay in uu dhaco hal maalin, waxaa afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya ahna la taliyaha dhinaca warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayuu sheegay in shirka Brussels Soomaaliya uu u hadli doono madaxweynaha Soomaaliya

Puntland arrintaas qorshe ka duwan kan dowladda Soomaaliya ayey la tagtay shirka?

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland, Axmed Sheekh oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Puntland, wuxuu sheegay in shirka Brussels Puntland ay la hortageyso qoshe u gaar ah oo ka duwan kan dowladda Soomaalida sida uu hadalka u dhigay.

Isku soo duub, Akhristow.-

1- Shirkan maxaa faa’ido ah oo dowladda ugu jira?

2-Ma islee dahay maamulada ka qaybgalaya shirka Brussels waxa ay madasha ka sheegi doonaan qorshe ka duwan dowladda?

3-Ma islee dahay caalamka wuxuu hadda diyaar la yahay siddii uu u gacan qaban lahaa Soomaalida

4-Dowladda siddii ayey uga faa’ideesan doontaa dhaqaalaha ka soo xarooda shirka (New Deal)

———————————————————————————————————————————–

Aragtidaada noo soo gudbi akhriste adigoo ku qotominaya waxan aan soo qornay? Mahadsanid