28.1 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Xog: Shariif Xasan oo qorshe culus ka billaabay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horey u soo noqday afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, uu billaabay hirgalinta qorsho uu wato oo ah in uu maamul gobaleed u sameeyo gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Gedo iyo Jubbada Dhexe.

Maamulkan cusub ee darawalka uu ka yahay Shariif Xasan, waxaa lagu magacaabaa maamulka (Koonfur-Galbeed).

Qorshahan isaga kaligiis ma wado, ee waxaa la wada xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar wasiiro iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobalada maamul gobaleedka loo sameenaayo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu hadda ku sugan yahay Muqdisho, oo dhowr cisho ka hor uu soo gaaray, waxaana la lee yahay mardhow wuxuu u ambabixi doonaa magaalada Baydhabo, halkaasoo hadda uu ka socdo shir looga hadlaayo dhismaha maamulka cusub ee iyo sida loo qaybsanaayo saamiga.

Shariif Xasan wuxuu kaloo ergo u diray gobalada maamulkan loo sameenaayo, waxaana halkaas hadda ku sugan xildhibaanno iyo wax garadka ka soo jeeda.

Dhinaca kale, Shariif Xasan wuxuu caqabad ku noqday fadhiyada baarlamanka, iyadoo dhawaan uu furmay kalfadhigii seddaxaad ee baarlamaanka, baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii uu u booqday kooram la’aan, waxaana sabab u ah ayaa la lee yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xildhibaannada hadda shirar iyo kulamo gaar-gaar la leh.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

VIDEO: 160 sano jir Itoobiyaan ah oo noqday qofka ugu weyn caalamka

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dhaqabo Ebba oo sheegtay inuu jiro 160 sano una dhashay Qowmiyada Oromada ee dalka ka mid ah qowmiyaha ugu tirada badan dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu dhashay sanadkii 1853-kii, kaasoo noqonaya qofka adduunka ugu weyn ee xiligan nool.

Dhaqabo Ebba, waxa uu ku nool yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Oromiya, waxaana waraysi uu siiyay telefishanka Oromiya Tv ayaa wuxuu ugu hadlay taariikh dheer oo ku saabsan qarnigii 19-aad iyo wixii uu u soo joogay.

Odaygan weli da’da uu sheegtay ka muuqan ayaa wuxuu ka waramay duulaankii ciidamadii Talyaaniga kusoo qaadeen dalka Itoobiya, xiligaasi uu uu sheegay inuu lahaa Labo Xaas, wiilkiisa ugu weyna uu ku dhowaa Xoolo raac.

Dhaqabo Ebba ayaa haysan wax caddeynaya da’da uu sheegtay ama warqadaha dhalashada, inkastoo xiligaasi ay adkeyd in la helo shahaadada dhalashada maadaama uu ku dhashay dhul buuraley ah.

Dhaqabo Ebba ayaa da’da uu sheegtay waxaa uu ka weynaanayaa 38 sano haweeneydii loo aqoonsaday iney adduunka ugu cimri dheereyd qarnigii tegay, ee u dhalatay dalka Faransiiska oo lagu magacaabi jiray jeanne calment, taasoo ku dhimatay 122 sano jir iyadoo aheyd.

HALKAN KA DAAWO

Caasimada Online

Xafiiska Addis-Ababa

[email protected]

SHIRKA BRUSSELS: AFKA BAARKII

0

Shrarka In badan lagu Ururriyo Dhqaalaha loogu tala galey Dalalka ay Aafeeyeen Dagaalada Sida Soomaaliya ayaa sidii uu u Dhamaadey Dagaalkii Qaboobaa waxaa uu ku soo Ururey Afka Baarkii waxaana inta badan aad arkeysaa Dalal aad uga Cabanayaa Lacagihii lagu Yaboohey oo aan la soo Gaarsiinin ,

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu ka qab galey Shir Soomaaliya Dhaqaale loogu yaboohayey waxaana uu ka dhacay Wadanka Biljam Magaalo Madaxdiisa Bruselles waxaana Xiligaas Dowlada Soomaaliya loogu yaboohay ilaa 250 Milyan oo Doolar taasoo ay si aad ah ugu farxeen Shacabka Soomaaliyeed hase yeeshee Shiikh Shariif intii uusan Xilka ka degin ayuu Afka labadii yeerey isagoo sheegey in Dhaqaalhii loogu Yaboohay Soomaaliya Shirkii Belgium ay ka heleen ilaa Sedex Milyan oo Doolar “Inta la Fidhiyo Shirka ayaa Dal waliba waxay ku Dhawaaqaysaa Lacagtii Soomaaliya ugu Yaboohday waxaana markiiba Saxaafadda la gelinayaa Soomaaliya oo Malaayiin Doolar ka heshey Beesha Caalamka marka waxaan leeyahay Yabooh kasta waxaa uu ku Biya Shubanayaa Afka baarkii “ayuu yiri Nin Siyaasi ah oo si aad ah ula Socda Yaboohyada ay ku Dhawaaqaan Dowladaha Adduunka

Hadii uu Dagaalkii Qaboobaa uu jiri lahaa Dadka Siyaasada Odorosa waxay leeyihiin Dhaqaalahaasi waa u soo Xaroon lahaa hase yeeshee Quwadiihii Loolanka uu ka Dhaxeeyey waxay Noqotey Mid kaliya marka ha sugin Dhaqaale inta laguu soo Ururiyo faraqa laguugu Shubayo,Hadaba Muxuu kaga Duwan Shrka haatan lagu Balansan yahay ee ka Dhacaya Wadanka Belgium waxaa Dhab ah in Shrkaasu la mid yahay Shirarkii hore ee Soomaaliya Lacagaha badan loogu Yaboohay oo markii Dambe noqdey ka soo Xarootey lacag aad u yar.

Markii aad Baryaha ka Badiso oo Waraaqaha Codsiga uu kaa Dhamaado ayaa waxaa marka dambe laguu soo Tuurayaa Xogaa aad u yar markaad Weydiisana waxay Dowladu ku leedaha intaa baan kuu heli karaa ee ma qaadaneysaa , Markiiba Shafkaad kula Carareysaa marka Dunida maanta Joogta waxay Yabhoodu uu Noqdey ‘Qowada Ma Qashii waxna ha u qaban

Odey Dhaqameed ka Tirsan Beelaha Soomaaliyeed isagoo ka Hadlaya Yaboohyada ama Qaaraanka Beesha Caalamka ayaa waxaa uu yiri isaga oo la mid Dhigaya Qaraamada Beesha marka ay Ururineyso ee la isugu yimaado Madasha Shirka“ Marka la fadhiyo Madasha Beesha oo ay shirka ka soo Qayb galaan Raga ugu Tunka Weyn Beesha iyo Jeeb Weynayaasha waxay markiiba iyagoo Beesha is ka gadaya yiraahdaan Intaa igu Qor waxaa markiiba lagu Tuurayaa Duca waxaana leeyahay Xoolahaada Ilaah ha kuu Barakeeyo ,markii ay Bilaabanto Ururinta Qaaraanka ayaa waxaa Dhaca in Jeeb Weynihii lacagta Balan qaadey marka ay Kabaha kaa Dhamaadan ayaa wax aan la Fileyn kuu soo tuuraa , markii aad Tiraahdid war waxaan ma Aadan Balan qaadin ayuu waxaa uu ku leeyahay Saaxiib meeshaa kuu Camirayey oo ma Run baad moodey Balan qaadkeygii marka Qaaraan Beesha Caalamka waxaa la mdi Dhigayaa ururinta Qaaraanka Beesha Caalamka “

Dhinaatadii Soomaaliya ka Dhacdey ma jirto Dowlad reer Galbeed ama Mareykan oo Soomaaliya lacago ugu Deeqey hase yeeshee Dowladaha Carabta ayaa la dhihi karaa waa Dowladaha Dadka Soomaaliyeed Siiyey waxa ay u balan qaadeen welibana Mar walibana Gacansiiya Dowladda Xiligaas Jirta hase yeeshee Sidii ay u dhacdey Dhacdadii 11 September 2001Dalalka Carabta waa ay yareeyeen kaalamadii ay Soomaaliya Siin jireen ka dib markii uu Cadaadis uga yimid Dowladaha Xoogga is bidaya.

marka Ciddii Sugeysa in Dhaqaaale ay kasoo Helayaan Brussels Candhuufta Dib ha u liqaan waxayna arrintu Yabooha Dhaqaalaha Beesha Caalamku uu ku soo Uruurey Afka Baarkii, weliba waxaa laguu sii raacinayaa Aflagaado oo waxaa lagu leeyahay Lacaghii aan Soomaaliya ugu Deeqney waa la Musuqmaasuqey waxaana arrintaa ka Hadley Madaxweynihii hore Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo yiri” Iyaga oo aan wax bixin ayey Hadana ku Eedeynayaan” marka waxaan ku soo Gunaanadayaa Qoraalkeeda Soomaalida waxay Tiraahdaa “Kuu Dhaamimaa Dhagar waa ka Roon tahay”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

Video: Madaxweynaha oo faahfaahiyey shirka New Deal ee maanta

0

Brussels (Caasimada Online) – Shir loogu talo galay horumarinta Somalia ayaa maanta oo isniin ah ka furmaya magaalada Brussels ee dalka Belgium oo hadda madaxda Soomaalida qaarkood ay gaareen.

Shirkan ayaa waxa ka qeyb galay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamulada Puntland, Galmudug, iyo Maamulka KMG ee Jubba. Waxa sidoo kale ka qeyb galay guddoomiyeyaasha gobolada qaarkood.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Brussels ku qabtay shir jaraa’id oo ay warbaahinta su’aalo ku weydiiyeen, waxaana uu kaga hadlay ujeedada shirka iyo kaalinta dowladda Somalia iyo maamulada kale ee ka qeyb galaya.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

Caasimada Online
Xafiiska Brussels 
[email protected]

Dhageyso: Brussels oo maanta uu ka furmayo shirka New Deal

0

Muqdisho (Caasimada online) Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka waxaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo shir looga hadlayo aayaha Soomaaliya , kaa oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka caalamka , Hey’ado caalami ah iyo walibba dowlada Soomaaliya oo shirkaas ay ku wehliyaan Mas’uuliyiin dhankooda matalaya maamulada gobolada dalka .

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar Waa mudane ka tirsan gudiga arimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya dhanka kalena ka mid ah xubnihihii u ololeynayay in qorshaha New Deal laga hirgaliyo gobolada dalka Soomaaliya waxaynu wax ka weydiinay waxa uu  yahay ujeedka shirka  maanta ka furmaya Magaalada Brussels.

Wuxuu sheegay In shirkaas uu yahay mid soomaaliya lagu taagerayo isla-markaana dhaqaale loog u raadinayo maadaamad sida uu sheegay soomaaliya xilligan ay ka gudubtay Marxaladii Kmg aheyd.

Muxuu yahay qorsha dowlada Soomaaliya ay la hortageyso shirka Brussels maanta ka furmayo Su’aashaas waxaynu hordhiganay  xildhibana Maxamed Nuuraani baker, waxaana uu sheegay in la qorshaha dowlada Soomaaliya ee ku aadan shirkaas inuu yahay mid degan , kaas oo sida uu tilmamay dowladu ay ka shaqeynaysay mudo 5 bilood ah .

Wuxuu tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay degisay qorshe ku aadan shirkaas , waxaana uu shaaca ka qaaday inay qorshayaashaas ay qeyb ka yihiin adeegyada Bulsgada amnga iyo dhaqaalaha .

Dowlada Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay qaabka loo maareyanyo dhaqaalaha ka soo xarooda shirka Brussels oo sida la tilmaamay dhaqaalo loogu raadinayo Soomaaliya ,

Xildhibaan maxamed Nuuraani wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku quus qaadaneyso shirarkiihore dhinacyada Soomaaliya loogu qaban jiray qaabka loo maamuli jiray isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay qaabka loo maamulayo dhaqaalah shirkaas kasoo xarooda ..

Dhanka kale Aqoon yahay C/qaadie cabdule cali wuxuu ka mid yahay aqoonyahana somaaliyeed isgoo ku sugan magaalada Muqdisho ayaynu wax ka weyndiinay waxa shirkan uu ka badali karo shirarkii hore soomaalida loogu qaban jiray dalalka caalamka .

Aqoonyahanka ayaa sheegay in tan iyo dowladii Cabdi Qaasim Salaad Xasan Dhinacyada Soomaalida Shirar loogu qaban jiray dalalka Caalamka isla-markaana in shir laoo qabtaa Soomaaliya uusan ahayen mid micno sameynsa balse muhiimada ay tahay in dowlada Soomaaliya ay a hortagto qorshe cad oo degan .

Aqoon  yahan C/qadir Cabdule ayaa  qaba fikr ah Inuu jiro iska war qab la’aan ka dhexjira dowlada iyo maamulada dalka , waxaana uu sheegay inuu jir is bar baryaac maamulada dalka iyo hogaanka ugu sareeya dalka.

Ugu dambeyn aqoon yahan C/qaadir Cabdule ayaa sheegay in loo baaha yahay id dowlada Soomaaliya looga fadhiyo inay la timaado is badal dhab ah  iyo in wax laga bado awooda dhanka hogaanka ugu sareeya dalka sida uu tilmaamay.

Halkaan ka dhageyso Dood Ku aadan Shirka Brussels

Halkaan ka Dhagyso Dood Ku aadan Shirka Brussels

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Madaxweynaha Muxuu ka yiri shirka Brussels ka furmaya?

0

Muqdisho (Caasimada online) Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka warbixiyay xilli uu lahadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da rajadiisa ku aadan shirka Maanta ka furmaya Magaalada Brussels ee dalka Belguimka.

Wuxuu sheegay in Shirkan uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa dadka Soomaaliyeed loo qabto isla-markaana uu  ahmiyad weyna u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhaqaalaha kasoo xarooda Shirkaas ayuu sheegay Madaxweyanaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh inuu noqon doono mid wax looga qabto Dhinacyada Horumarinta dalka iyo waliba Dib u dhiska dalka .
Madaxweyne Xasan ayaa wax laga weydiiyay Musu- Maasuqa inta badan lagu eedeeyo Xafiisyada dowlada Soomaaliya inuu saameyn ku yeesha Dhaqaalaha Shirkaas kasoo xarooda ayuu sheegay in arimahaas ay u muuqdaan kuwo lag  bad badinayo isla-markaana ay been abuur u badan yihiin eedeymahaas .
Wuxuu sheegay in  Soomaaliya 22 Sano ay aheyd dal Bur Bursan , isagoo tilmaamay inuu jiri karo Musuq Maasuq Balse wuxuu tilmaamay in dhaqaalaha kasoo xarooda Shirka Brussels ay ku bixin doonaan Meel Wanaagsan  Sida uu sheegay.
Si kasto Maanta aya Si rasmi ah waxaa lagu wadaa in Belguimka uu ka furmo Shir looga hadlayo aayaha Soomaaliya Kaas oo sida la sheegay Dhaqaalo loogu raadinayo Soomaaliya.
Halkaan ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

Boob iyo dhac loo geestay Somalida ku ganacsata K/Afrika (Warbixin)

0

Eastern Cape (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Poorto Elasabate ee dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in dhac iyo boob lagu hayo tan iyo shaley dukaamo ganacsi oo badnaaa ay lee yihiin Soomaali.

Cabdulaahi Xasan, oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan gobalka Eastern Cape, ee dalka Koonfur Afrika,ayaa u sheegay VOA-da in dukaamo gaaraya 70 in la boobay oo la dhacay.

Mar uu ka hadlaayay sida ay wax u dhaceen, wuxuu sheegay in markii hore tuugo burcad ah, ay isku dayeen in ay dhacaan dukaamo ay lahaayeen Soomaalida, balse ganacsatadii halkaas ku sugnaa ay toogteen mid ka mid ah kooxda weerarka soo qaaday.

Intaas kaddib waxaa dhacay ayuu yiri dhammaan dadkii ku dhaqnaa magaalada ayaa boob iyo dhac u geestay wixii dukaamo ah oo ku yaalay magaalada.

Wuxuu sheegay ninkan in goobaha ganacsiga ee la boobay ay lahaayeen Soomaali, Ethiopian iyo China.

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay in booliska ay soo gaareen goobta, kuwaasoo xiray Soomaalida dishay ninka burcad, sidoo kalena ay kala cayriyeen kooxaha weerarka soo qaaday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhacdooyin noocan oo kale ay ka dhacaan dalka Koonfur Afrika, waana kuwa taagan mar kasta iyo waqti kasta, mana jirto dowladd isku taagtay oo wax ka qabata dhibaatada gaarka u ah Soomaalida ku ganacsata dalka Koonfur Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

 

 

Banaanbax ka dhan ah Shirka Brussels oo Beydhabo ka soconaya

0

Beydhabo (Caasimada online) Wararka ka imaanaya magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in hatan uu magaalada ka soconayo Banaabax looga soo horjeedo Shisrka maanta ka furmaya Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka  kaas oo ay ku tilmaameen mid aanan ka turjumeyn ayaha Goolada Koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya.

Dad weynaha ku nool xaafadaha kala duwan ee magaalada Beydhabo ee xarunta Baay iyo Sidoo kale xubnaha Maamulka Degmada  Madax Waaxeedyada aafada ayaa ka qeyb qaadanaya dibad baxa ka dhan ak ah Sirkaas oo ay sheegeen in aysan jirin cid ka turjumeysa Beelaha Digil iyo Milid ama hogaan kasoo jeeda goboladaas oo ka qeyb galaya Shirka

Malaaq Cali C/raxmaan Cali Shiino oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Axmed Madoobe uusan matali karin Beelaha Dega Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxaana uu shaaca in Shirkaas waxa kasoo baxa aysan waba ka quseyn Beelaha dega Gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin Jubbooynka iyo Gedo.

Malaaqa ayaa sheegay in dhankooda marnaba aysan raali ka aheyn maamulka dowlada Soomaaliya ay aqoonsatay ee ka dhisan gobolada Jubbada Dhexe , Jubbada Hoose iyo Gedo, kuwaas oo dhawaan hogaan looga dhigay Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe uu hogamiyo .

Banaanbaxa aya ah mid goordhaw ka bilowday magaalasda waxaaana jira sarar kala duwan o kasoo baxaya  wararka qaar waxay shegayaan inuu salka ku hayo is maan dhaaf dhanka siyaasada gobolada Koonfur galbeed ah ,maadaama dowlada Soomaaliya ay aqoonsatay maamulka Jubba ee Axmed Madoobe uu hoamiyo Shirkasina maanta lagu wado inuu ka qeyb galo Hogaamiyaha Jubba.

Beydhabo waxaa ka soconaya Qorshe la doonayo in Maamul loo sameeyo Lix gobol oo ka mid ah gobolada koonfur galbeed Soomaaliya oo ay qeb ka yiiin Gobolada uu ka jiro Maamulka Jubba .

Axmed Madoobe , oo ah hogaamiyaha Maamulka Jubba ayaa qeyb ka ah mas’uuliyiinta gobolada dalka ee shirka Brussels ka qeyb galaya inkastoo arintaas ay caasho ka muujinayaan Wagarad iyo Siyaasiyiin kasoo kala jeeda gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

Sawirrada Madaxweynaha iyo wufuuda Soomaalida ee tagay Brussels

0

Wafdigii uu hogaaminayay Madaxweyne Hassan Sheekh oo xubno dhowr ah oo shirka lagu casuumay ayaa maanta gaaray Xarunta Wadanka Bilgemka ee Brussles.

Wafuudaan ayaa waxaa soo dhaweeyay Safaarada Soomaalida ee Wadanka Biljam iyo Guddiga Qaban qaabada ee Shirka beritoole furmaya ee loogu yaboohaya Dowlada Somalia.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA:

12

1534789111213

Digil iyo Mirifle oo madaxweynaha uga dibad baxaya magaalada Brussels

0

Brussels (Caasimada Online) – Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan magaalada Brussels ee xarunta dalka Builgume ayaa halkaas waxa ay ka wadaan qaban qaabada dibad bax looga soo horjeedo madaxweynaha iyo wafdigiisa oo hadda ku sugan halkaas.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u tagay Brussels ka qaybgalka shirka heshiiska cusub ee (New Deal) kaasoo ah qorshe ay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ay ku shaqeen karaan.

Kooxaha dibad-baxa ka abaabulaya ayaa ka soo horjeeda aqoonsiga dowladda Soomaaliya ay siisay maamulka Axmed Madoobe, waxaana lagu soo warramayaa in dibad-baxa uu ka dhici doono xarunta Midowga Yurub halkaasoo shirka New Deal uu ka dhacaayo.

Beelaha digil iyo mirifle ayaa ka soo horjeeda heshiiska dowladda dhexe ay la gaartay maamulka Axmed Madoobe ee Jubba.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo shirkii Addis Ababa, sidoo kale waxa ay ku dhawaaqayeen dadka dibad baxyay in ay ka goosan doonaan dowladda Soomaaliya haddii aysan ka laaban aqoonsiga ay siiyay Axmed Madoobe iyo maamulka Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Ahlu Sunna: Sheekh Soomow waxaa xirtay madaxweyne Xasan Sheikh

0

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Ahlu Sunna ee gobalka Banaadir ayaa caawa ka hadlay xarig maanta loo geestay Afhayeenka maamulka Ahlu Sunna, Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Soomow.

Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee gobalka Banaadir , oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Soomow Afhayeenka Ahlu Sunna ay maanta duhurkii looga yeeray xarunta dambi baarista ee CID-da markii uu tagayna loo sheegay in uu xiran yahay.

“Walaalow ilaa hadda waxaan garan la’nahay waxa uu u xiran yahay, Sheekh Soomow, waayo markii aan tagnay CID-da waxaa naloo diidday in aan argno Sheekha, waxaan xitaa halkaas u geenay Qareen maadama qofka marka uu xiran yahay uu xaq u lee yahay, in uu qabsado qareen,laakin arrintiisa Ukun ayey nagu noqotay” ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul.

Mar la weydiiyay sababta loo xiray, wuxuu sheegay in  loo sheegay in Sheekh Soomow uu u xiran yahay madaxweynaha Soomaaliya.

“Markii aan tagnay xarunta CID-da oo aan weydiinay saraakiisha ciidamada sababta uu u xiran yahay, waxa ay noo sheegeen in uu Soomow u xiran yahay madaxweynaha, waana arrin aan illaa hadda la yaabanahay” ayuu markale yiri Sheekh Shuqul.

Isku soo duub ilaa hadda ma cadda wax yaabaha uu u xiran yahay Sheekh Soomow oo ah afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Arag Sawirrada: Turkiga oo jid aad u qurux badan ka dhisaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga, ayaa magaalada Muqdisho ka wadda howlo dib u dhis ah, oo dadka deggan magaalada ay aad ugu farxeen.

Turkiga ayaa iminka dhisaya jid laami aad u dheer, oo gala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International ee magaalada, ayaga oo adeegsanaya qalab casri ah.

Haddaba waxaan idinla wadaageen sawirrada jidkan,si aad u aragtaan howlaha dib u dhiska ka socda Muqdisho.

laami 1laami 2laami 3laami 4laami 5laami 6laami 7laami 8laami 9laami 10

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan Sheekh oo gaaray Brussels

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminaya ayaa maanta gaaray Brussels, ee xarunta Midowga Yurub si uu uga qeybgalo shirka Brussels ee berry furmi doono.

Madaxweynaha ayaa caawa casho-sharaf la leh Catherine Ashton, Madaxa Xiriirka Caalamiga ee EU ahna Madaxweyne Ku xigeenka EU Commission.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa berry 16ka September kulamo la leh madaxda Dalka Belgium, ka dibna uu shirkii Brussels furmi doono, ka horna uu kulan gaar ah la leeyahaya Madaxweynaha Golaha Wasiiradda ee EU, Mr Herman Van Rompuy.

Shirka Brussels ayaa waxaa wada shir-guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo Catherine Ashton.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxey soo diyaarisay COMPACT dokumenti ah oo qeexaya sida dalka dib loogu dhisi lahaa mudada 3da sano ah ee soo socda, dokumentigan oo latashiyo lagala soo sameeyey shacabka Soomaaliyeed, ahna dokumenti Soomaali soo diyaarisay. Qorshaha ayaa ah in caalamku ay taageeraan COMPACT-ka oo ay yabooh sameeyaan oo waddan walba iyo sida uu u saacidi karo qorshahaas isaga ah. Waxaa jira guddi EU iyo Soomaaliya oo dabagal ku sameyn doono hirgelinta qorshahaan mudada 3da sano.

VIDEO: Xaaji Maxamed Yaasiin oo si aad ah u weeraray Dowlada Somalia

0

Xaaji Mahamed Yaasiin oo dhow jeer oo hore ku guuldareestay Xilka Musharaxnimo ee Madaxweynaha ayaa weerar kulul ku qaaday Dowlada Faderalka Somalia ee haatan Sanad jirsatay asagoo dhaliilo xoogan u jeedinaya Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Proff Hassan Sheikh Mahamud.

Xaaji Mahamed Yassin ayaa codsanaya in Magaca Villa Somalia laga badalo oo lagu magacaabo Madaxtooya asagoo sheegaya in halkaa aysan aheyn meel Magac Somalia dhan lagu mateli karo waxuuna yiri waa goob hal reer maamulo waxuuna yiri

“Villa Somalia waxaa joogo oo ka taliya Reerka Madaxweynaha kan cunada kariya, kan ilaalada ka ah, Agaasimaha Madaxtooyada ilaa kan maaliyada waa hal qoysa mana ahan wax cadaalad ah ”

“Inta uu Xasan sheekh madaxweyna noqon waxuu ahaa nin fiican oo akhlaaq leh oo dadka ixtiraam badan siiya balse haatan waxaad moodaa in la sixray oo uuba is badalay” ayuu hadalkiisa ku sii daray…

Musharaxii hore ee Madaxweyne Xaaji Mahamed Yaasiin ayaa dhaleeyn xooga jeedinaya waxaadna ka arki kartaa Muuqaalka Video-ga ee nala daawo…

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: