Dhaliil laga Muujiyay qorshe Maamul Sameyn ah oo ka socda Beydhabo
Muqdisho (Caasimada online) Waxaa jira qorshe Lix gobol oo ka mid ah gobolada dalka Seddex ka mid ahna iminka maamul uu ka jiro lagu mideynayo si hal maamul loogu sameeyo , kaas oo ka soconaya magaalada Beyshabo ee xarunta gobolka Baay, inkastoo ay jiraan warar is qilaafsan oo arintaas kasoo baxaya.
Gobolada la isku biirinayo waxay kala yihiin Bay, Bakool, Sh/hoose, Jubada hoose, Jubada dhex iyo Gedo inkastoo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo haatan uu ka jiro Maamul hoos yimaada Axmed Madoobe oo lagu magacaabo Maamulka Jubba hadana siyaasiyiin aan aqoonsan Maamulkaas ayaa howsha wada.
Qorshaha Mideynta goboladaas waxaa horboodaya Siyaasiyiin hore xilal kala duwan uga soo qabtay gobolada dalkeena Soomaaliya oo uu ka mid yahay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo kuwo kale oo badan oo ku fikir ah isaga .
Suldaan Cabsi Casiis Daadbeyle, oo ka mid ah waxgaradka gobolada Jubbooyinka kasoo jeeda ayaa shirka Beydhabo ee lagu doonayo in maamul loogu sameeyo gobolo gaaraya ilaa lix gobol oo ka mid ah gobolada koonfur galbeed in maamul ay ku mideysanyihiin loo smaeeyp wuxuu ku sheegay mid aan soconeyn.
Wuxuu sheegay in qorshahaas uu yahay mid aan looo dhameyn natiijo wanaagsana aysan kasoo bixi doonin maadaada sida uu shegay dowlada Soomaaliya ay aqoonsatay Mamulka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Jubba oo uu majaraha u hayo Axmed Madoobe.
Dowlada Soomaaliya ayaa aqoonsatay Maamulka Jubba ee Kismaayo ka arimiya kadib qilaaf Soo jiitamayay in Muddo ah
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Maxaa xaley ka dhacay KISMAAYO?
Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa xaley lagu soo rogay bandow xilligii habeenka kaddib markii ay ku soo bateen dilalka iyo qaraxyada.
Dad ku sugan magaalada ayaa ku soo warramayaa in magaalada xaley lagu arkay ciidamo badan, kuwaasoo howlo roondeen ah ka waday xaafadaha magaalada Kismaayo.
Dadka magaalada ayaa lagu amray in ay guryahooda joogaan, waxaana magaalada xaley oo dhan gaaf-wareegayay baabuurta dagaalka oo saaran yihiin ciidamada maamulka Jubba.
Ma ahan bandowgii ugu horeeyay oo ka dhaca magaalada Kismaayo, balse howlgaladan ayaa ku soo beegmaya iyadoo qaraxyo iyo dilal ay ka dhaceen magaalada.
Dhinaca kale, wax-garadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Axmed Madoobe ay ka dambeeyeen dilka nabaddoon shaley lagu dilay magaalada Kismaayo.
Maxamed Xasan Naaleeye oo ah afhayeen u hadlay odayaasha dhaqanka Kismaayo ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in ciidamo ay isku heeb yihiin Axmed Madoobe ay dileen Nabaddoon Gamadiid Nuur Siyaad.
Wuxuu sheegay in ciidamada dilay nabaddoonka la yaqaano oo ay magaalada joogaan, isagoona intaas ku daray in ay nasiibdaro tahay dowladda oo arrintaas waxbo ka qaban.
Afhayeenkan ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka socdaan dilal lagu hayo dadka gaar ee magaalada iyo barakicin, waxaana arrintaas sameenaya ayuu yiri ciidamada Axmed Madoobe ee New Police.
Si kastaba, ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Axmed Madoobe oo ku aadan eedeenta loo jeediyay ciidamadooda.
Magaalada Kismaayo ayaa saakay caadi ah, waxaana dadka iyo gawaarida ay yihiin kuwa si caadi ah u adeegsanaya magaalada.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Puntland oo maanta aad looga hadal hayo dhacdo xanuun badan
Garowe (Caasimada Online) – Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday deegaanka Weyla Liq oo ka tirsan Godobjiiraan ee gobalka Nugaal, Puntland, kadib markii wiil dhalinyaro ah uu dilay Gabar uu jeclaa, kadibna isaga is dilay.
Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Mahad Maxamuud Maxamad ayaa wuxuu dilka gabarta uu jeclaa u adeegsaday Xabad, taasoo iyadana lagu magacaabi jiray Shiino Axmad Maxamad.
Dhacdadan oo naxdinta leh oo ka dhacday halka loo yaqaan Weylo Liq oo 22 Km u jirta deegaanka Godobjiiraan, iyadoo arintan ay ka argagaxeen dadka deegaanka.
Wiil la dhashay gabadha la dilay oo lagu magacaabo C/fitaax Axmed Maxamed ayaa sheegay in wiilka walaashiis dilay isna is dilay uu ahaa wiil jaclaa gabadha isla markaana usoo bandhigay in ay isguursadaan hase ahaatee ay ka diiday kadibna uu dilay.
“Wiilka gabadha isagaa jeclaa,wuxuuna ku yiri waan ku jeclahay,waxaana rabaa in aan ku guursado,balse gabadhii ayaa ka diiday,waxa uuna ku yiri waan ku dilayaa,kadibna qori uu watay ayuu ku dilay, kadibna isagaa is dilay” sidaasi waxaa yiri gabadha walaalkeed oo lagu magacaabo C/Fitaax Axmad Maxamad.
Gudoomiyaha Godobjiiraan C/casiis Cismaan Cabdulle ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid naxdin leh oo dadka deegaanka ay ka argagaxeen.
Dhacdadan ayaa ah mid dhif iyo naadif ku ah bulshada dhexdeeda, iyadoo mudooyinkan danbe dhacdooyinkaasi iyo kuwo la mid ah lagu arkayay gudaha dalka.
Isha: Warfaafiye.com
Dilka mas’uul caan ahaa oo lugaha la galay ciidanka Axmed Madoobe
Kismaayo (Caasimada Online) – Nabadoon Salaad Jaamac Warsame oo ka mid ah nabadoonada gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay dil shalay barqadii magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose loogu geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray Alla ha u naxariistee Nabadoon Nuur Colaad Gama’diid.
Nabadoon Salaad Jaamac Warsame oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa dilka Nabadoon Nuur Colaad Gama’diid ku eedeeyey iney ka danbeeyeen ciidamada Maamulka Jubba ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo.
Isaga oo la hadlayey Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayuu Nabadoon Salaad Jaamac sheegay iney og yihiin in ciidanka maamulka Jubba ay masuul ka ahaayeen dilka Nabadoon Gama’diin oo uu sheegay inuu ka mid ahaa dadka sida weyn deegaanka looga yaqaan oo ka mid ahaa ganacsatada iyo waxgaradka deegaanka
Wuxuuna tilmaamay inuu dilku dhacay kadib markii ciidamada maamulku ay arkeen Nabadoonka oo ku sugnaa xaafad uu sheegay inuu qof Bukaana oo eheladiisa kamid ahaa ku booqday,wuxuuna sheegay in ciidanka maamulka oo watay gaari nuuca gaashaaman ah iyo tuutaha lagu yaqaan ay goobta ugu tageen kadibne ay toogteen.
Salaad Jaamac Warsame ayaa waxaa la weydiiyey waxa uu ku caddayn karo in dilka Nabaoonka ay ka danbeeyeen ciidamada maamulka Jubba,wuxuuna sheegay iney hayaan cadaymo muujinaya iney iyagu ka danbeeyeen,isagoona tibaaxay iney goob fagaaro ah dharaar cad si bareera ugu dileen Nabadoonka taasine ay marqaati ma doonto tahay sida uu sheegay.
Nabadoon Salaad Warsame ayaa intaa ku daray in Nabadoonka la dilay maalmahan danbe ay soo gaarayeen Hanjabaado ku aaddan in la dili doono,wuxuuna tacsi u diray Ehelada,Saaxiibada iyo Qaraabadii uu ka baxay.
Afhayeenka maamulka kumeelgaarka ah ee Jubba C/naasir Seeraar oo wax laga weydiiyey eedda loo jeediyey isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa ku gaabsaday inuu xiriir la samaynayo masuuliyiinta maamulka ee ku sugan gudaha Kismaayo kadibne uu ka hadli doono arintan.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Video: Somalida Ohio oo ka hor tagaya qorshe ka dhan ah madaxweynaha
Columbus (Caasimada Online) – Waxgarad iyo aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay maanta qabteen kulan looga hadlayo sidii loo soo dhaweyn lahaa Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan ku soo wajahan magaalada Columbus Ohio oo ah magaalada labaad ee ugu Soomaalida Badan Maraykanka, loogana hortagi lahaa dibadbaxyo beeleysan oo la diyaarinayo.
Waxa ay waxgaradkan ka codsadeen jaaliyada in ay ka qeyb qaataan soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha meeshana laga saaro wararka sheegaya in uu jiro banaanbax ka dhan ah Madaxweynaha oo ay wadaan dad ka biyo diidan hanaanka dowladu u shaqeeyso.
Dadka banaanbaxan wada ayay ku tilmaameen kuwo meel kale laga soo abaabulay isla markaana dano gooniya ka leh banaanbaxaasi balse aysan ahayn shacabka Soomaaliyeed ee Reer Columbus.
Waxa ay ka digeen in banaanbaxyadani ay noqdaan kuwo rabshado dhaliya isla markaana sababa isku dhac dadweyne, iyaga oo taa badalkeeda ku baaqay in cidii wax tabanaysaa ay balan qabsato si toos ahna ula kumaan madaxweynaha iyaga u gudbisanaya waxa ay ka cabanayaan.
“Soomaalidu waa dad is jecel markii dhib ku qabsado dalalka shisheeye lakin is neceb marka ay timaado xaalad la xariirta arimaha qabiilka waana waxa dalkeenu la dagi la’yahay” Waxaa sidaa yiri Ugaas Mahad Wadeeca Alle oo ka mid ahaa dadkii ka hadal kulankaan.
Hadalka wax garadka ayaa imaanaya xili la dareemayo in abaabul xoogan uu ka socdo gobolo kale oo dad ku banaanbaxa laga soo qaadayo madaxweynaha, halka Columbus laga dareemayo abaabulka soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha.
Daawo Soomaalida Ohio
Mohamed Nuur Ali
Columbus, Ohio
Caasimada Online
XOG: DF oo laga yaaabo in wax aysan jecleysan ay kala kulanto shirka New Deal ee magaalada Brussels, Sabab?
Nairobi (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in shirka ka dhacaya magaalada Brussels maalinta Isniinta ee toddobaadkan lagu casuumay dhammaan maamulada ka jira dalka marka laga reebo Somaliland iyo dowladda fadaraalka Soomaaliya.
Illo Xog-Ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in si yaabo kala duwan loogu casuumay shirka Brussels, maamulka Puntland, Maamulka Galmudug, maamulka kumeel gaarka ee Jubba, guddoomiyaasha, gobalada Shabeellaha Hoose, Baydhabo, Hiiran iyo Gedo.
Dhinacyadan casuumada loo fidiyay dowladda kama warqabto, waxaana loo mariyay diplomaasiyiin jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Maamuladan mid kasta wuxuu wataa qorshe gaar u ah, balse qaar kood waxa ay taageersan yihiin dowladda Soomaaliya.
Shirkan waxaa hubaal ah in ay si wadajir ah u qaban doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxa siyaasada Midowga Yurub Catharine Ashton.
Si kastaba, waxaa jirta warar sheegaya in laga yaabo madaxweynaha Puntland Faroole in uu shirka la hor tago wax yaabo uu wato maadama dhawaan uu sheegay in uu xiriirka u daray dowladda dhexe.
Dhinaca kale, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa wada qorshayaal la isku soo dhaweenaayo dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole.
Ma cadda in maamuladan ka qaybgalaya shirka loo oggolaan doono in ay hadallo ka soo jeediyaan madasha shirka oo lagu ballaan san yahay maalinta Isniinta ee soo socota.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
VIDEO: Hiba Nuura oo habeen aan la ilaawi karin Muqdisho galisay
Caasimada Online: Fannaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Cuddoon “Hibo Nuura” oo 22 sano kadib Muqdisho ku laabatay ayaa bandhig fanneed ay ku qabatay Muqdisho iyada iyo kooxda Hobolada Waaberi ayaa waxay soo bandhigtay Hees dadkii kasoo qeybgalay bandhigaasi kicisay.
Hibo Nuura ayaa dhowr hees oo wadaniyada iyo qaranimada ka hadleysay ay ka qaatay bandhigaasi, iyadoo kicisay dadkii kasoo qeybgalay bandhigaasi lagu wacyi gelinayay nabadda iyo horumarka Muqdisho.
Mid ka mid ah heesii ay ku luuqeysay burburkii kadib kana hadleysay burburka qaranimada iyo waxyaabihii laga dhaxlay ayaa qeyb ka mid ah waxaa ku jira erayo qaab Raap ahaan ay ugu luuqeyneysay.
HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:
XOG: Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo Is-qabqabsi uu ka dhex jiro
Muqdisho (Caasimada Online) Idaacadda SKY FM, ee magaalada Muqdisho ayaa caawa baahisay in garoonka diyaaradaha Muqdishu uu ka jiro is-qabqabsi ku saabsan sida loo maamulayo garoonka.
Idaacadda ayaa sheegtay in garoonka maanta duhurkii uu khakhal ku yimid habsami u socodka garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii ay is qabsadeen shirkadda SKA oo laga badalay howlihii garoonka iyo shirkad kale oo laga lee yahay dalka Turkiga.
Arrintan ayaa ka dhalatay markii maanta oo Sabti ah, dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay howlihii garoonka shirkadda Vavoli oo laga lee yahay dalka Turkiga.
Sida ay lee yihiin qaar ka mid ah shaqaalaha SKY, waxa ay shirkadan oo laga lee yahay South Afrika ay diiddan tahay in wareejiso howlaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Ma jirto wax war ah oo dowladda Soomaaliya ka soo baxay, kaasoo ku saabsan is-qabqabsiga ka dhexeeya labadan shirkadood.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdilaahi Cilmooge Xirsi oo maanta ka hadlaayay kulan uu la qaatay labadan shirkadood mas’uuliyiintooda, wuxuu sheegay in maanta oo Sabti ah howshii garoonka diyaaradaha Muqdisho shirkadda Vavolia ee dalka Turkiga.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Xasan oo caawa u dhoofay Brussels
Brussels (Caasimada Online) Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka ambabaxay wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud kuwaasoo ku wajahan magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, halkaasoo uu maalinta Isniinta uu ka furmaayo shirweyne looga hadlaayo arrimaah Soomaaliya.
Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ku sii dhaweeyay ku-simaha madaxweynaha ahna afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan, ayaa saxaafadda u sheegay in wafdiga madaxweynaha ay ka qaybgali doonaan shirka hiigsiga cusub ee (New Deal).
Shirkan waxaa ka qaybgalaya in ka badan 50-dowladood oo caalami ah iyo hey’adda daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana si wadajir ah u qaban doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa siyaasada Midowga Yurub Catharine Ashton.
Shirkan sidoo kale waxaa ka qaybgalaya, madaxweynayaasha maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubba, Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiqaybdiid iyo Axmed Madoobe.
Shirkan waxaan ka qaybgaleynin maamulka Somaliland, waxaana ay sheegeen in wax dan ah uusan ugu jirin shirka ka dhacaya Brussels.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Arag sawirrada: Kulan 3 geesood ah oo Maanta ka dhacay Muqdisho
Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay mas’uuliyiinta shirkadda cusub ee la wareegeyso garoonka diyaaradaha caalamiga Aadan Cade iyo shirkadii horey gacanta ugu haysay garoonka SKA, iyadoo shirkadda cusub ee maalinta beri la wareegayso maamulka garoonka laga leeyahay dalka Turkiga.
Kulankaan uu Mudane Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi la yeeshay masuuliyiinta shirkadahaasi SKA iyo shirkada “Favori” ayaa ahaa mid looga hadlayay howlaha garoonka ka socda iyo sida ay ula wareegeyso shirkadda cusub ee laga leeyahay dalka Turkiga.
Markii uu soo dhamaadey shirka kadib ayaa Wasiirka Warfafinta Mudane Cabdulahi Ciilmoge Xirsi la hadley warbahinta Qaranka ayaa tilmaamay in kulankaani uu daba socdey kulamo hore oo looga tashanayey sidii howlaha garoonka looga wareejin laha shirkada SKA, islamarkaana lagu wareejiyo shirkada “Favori” oo shaqada si rasmi ah ula wareegi doonto maalinta berito ah oo ku beegan 15-ka September.
“Shaqada garoonka waxba iskama badalayaan horey ayaan ula kulanay mas’uuliyiinta labada dhinac, u jeedada kulankaanna waxa uu yahay sidii Shirkadan cusub loogu wareejin lahaa garoonka, taasi oo ka dambeysay ansixintii golaha Wasiirada” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka.
Sidoo kale Wasiirka Warfafinta, Boostada iyo Gaadiidka Mudane Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa xusay in ay jireen shirar kala duwan oo ay la qaateen maamullada labada Shirkadooda kuwaasi oo uu xusay in loogu gogol xaarayay sidii howlaha garoonka loogu wareejin lahaa shirkadda laga leeyahay dalka Turkiga.
“Shirkaddan cusub ee Favori waxa ay howlaha garoonka si rasmi ah u bilaabayaan 3:00 galabnimo, anaguna waxaan u joognaa sidii loo hirgelin lahaa heshiiskaasi ku saabsan in Shirkadii hore ee garoonka maamuli jirtay ee SKA xilka wareejiso, kuna wareejiso shirkadda Favori oo aan rajeyneyno in ay howlaha garoonka wax badan ku soo kordhin doonto” ayuu Ciilmooge hadalkiisa ku soo koobay.
Shirkadan cusub ee la wareegeysa howlaha garoonka ayaa laga filayaa inay wax badan ku soo kordhiso habka uu u shaqeeyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.






Boolis Amisom oo la geeyay B/weyne
Baladweyne (Caasimada online) Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi maanta ay gaareen ciidamo ka tirsan Booliska AMISOM kuwaas oo la sheegay inay tababar u sameyn doonaan ciidamo boolis ah oo ka tirsa dowlada Federaalka Soomaaliy.
Ciidamada Booliska ah ee AMISOM ka tirsan ee maanta Baladweyne gaaray ayaa lasheegay inay ka kala socaan wadamada Nigeria, iyo Sierra leone, kuwaas oo sida la tilmaamay u kuur galaya xaaladda gobolka , sidoo kalana tababar u fidinaya ciidamo boolis Soomaali ah oo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Isxaaq Cali Cabdule oo saxaafada kula hadlay gudaha Saldhiga magalaalada Baladweyne ayaa sheegay in ciidamada ay indho idheynayaan xalada guud ee magaalada isla-markaan ay tababar u fidin doonaan ciidamo booli ah oo loo sii diyaariyay .
Wuxuu sheegay in muddo todbaadyo ah inayku sugnaan doonaan magaalada ,isla-markaasina ay aad usoo dhaweynayaan howsha tababarka ah e ah kafulinayaan gobolka taas oo uu sheegay in ujeedka looga golleeyahay Tababarka inuu yahay sidii lagu helo lahaa ciidamo boolis Soomaaliyeed ah oo tayo leh.
Ciidamada Maanta Hiiraan gaar ahaan Baladweyne gaaray ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyay magaalada waxaana Saraakiisha ciidamada dowlada gobolkaas ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin tilaabada ciidamada AMISOM ay ka wadaan gobolka Hiiraan .
Xilliyada qaar magaalada Baladweyne waxaan ka dhacay falal liddi ku ah Amniga inkastoo dhowr jeer ay saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay shaaciyeen inay wax ka qaban doonaan xalka amni ee magaalada.
Caasimada online
Xafiiska Baladweyne
Kismaayo: Dilka mas’uul ah caan ahaa oo maanta ka dhacay magaalada
Kismaayo (Caasimada Online) Wararka iminka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbda hoose hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi maanta lagu dilay nabadoon caanka ahaa magaaladaas.
Dadka deegaanka ayaa soo warinaya in Kismaayo Kooxo hubeysan ay maanta ku dileen nabadoon Gam’diid Nuur oo a mid ah nabadoona ugu caansan magaalada , kaas oo sida la sheegay kasoo jeeda Beesha Sade .
Kooxa Dilka geystay ayaa isaga baxday goobta ay nabadoonka ku dileen waxana durba halkaasi soo gaaray ciidamada maamulka KMG ah ee Kismaayo ee uu hogaamiyo Axmed Madaxmed Islaam Axmed Madoobe .
Ciidamada ayaa howlgalo baaritaano ah waxay kawadaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo kaas oo ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan kooxihii dilka geystay.
Ilaa iminka si dhab ah looma oga waxa keenay dilkan nabadoonka mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka iyo iyo Saraakiisa Jubba ee Kismaayo ku sugan.
Sidoo kale ma jirto Cod sheegatay Mas;uuliyadda dilka Nabadoon Gam’diid .
Wixii warar kusoo kordha ka daalaco http://www.caasimada.net/
Caasimada online
Xafiiska Kismaayo
A.Madoobe oo ku wajahan Brussels & Hooygiisa oo madaafiic lagu garaacay
Kismaayo (Caasimada online) Sarkaal ka Tirsan Maamulka Jubba ayaa xaqiijiyay inay jiraan in Madaafiic lagu garaacay howlka Hogaamiyaha Maamulkaas Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, inkastoo wali aan la heyn Khsaaraha Dhabta ah ee ka dhashay Maadaafiicdaas.
Maxamuud Khaliif Cali,oo ka mid ah Saraakiisha Maamulka Jubba oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay nay jiraan Madaafiic laga Soo tuuray dhanka duleedka magaalada inay ku dhacday Hooyga hogaamiyaha Maamulkaas inkastoo uu shaaciyay inaysan jiri khsaaro madaafiicdaas ay geysteen .
Wuxuu ku gaabaday kaliya ainay jiraan in madaafiicdaas lagu garaacay hooyga hogaamiye Axmed Madoobe,waxaase uu xaqiijiyay jiritaanka Arintaas oo uu sheegay inay ka dambeeyay dad mucaarad ah oo kasoo horjeeda maamulkooda sida uu sheegay waxaana uu tilmaamay inaysan jirin wax khasaaro ah.
Ku dhawaad 70- dhalinyaro ah ayuu sheegay inay ku soo qab qabteen howlgal ay magaalada ay ka sameeyeen ciidamada Maamulkooda si amniga magaalada ay u xaqiijiyaan, kuwaas oo uu tilmaamay inay xilligan ku jiraan saldhigga magaalada Kismayo halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo.
Maanta waxaa wadooyinka magaaladaas isku gadaamay ciidamamada Maamulkaas , kuwaas oo dadka deegaanku ay sheegayaan in wado waliba ay buuxan , waxaana lasoo warinayaa in aniga magaalada ay si aad ah u adkeynayaan .
Sidoo kale garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxaa Barqo nimadii maanta ka duulay Hogaamiyaha Maamulkaas oo iminka ku sugan magaalada Kenya , waxaana wararku ay sheegayaan in Axmed Madoobe uu ku wajahan yahay magaalda Brussles ee dalka Biguim-ka halkaas uu ka furmi doono shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya , kaas oo sida la sheegay dhaqaalo logu aruurinayo Soomaaliya.
Axmed Madoobe, Hogaamiyaha Maamulka Jubba oo Saxaafadda kula hadlay garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaa sheegay inuu ku wajahan yahay madagaalada Brussels ee Dalka Bilguimka halkaas oo uu kaga qeyb galayo shirka ka furmaya 16-Ka Bishan kaas oo sida la tilmaamay looga Hadlayo arimaha Soomaaliya .
Caasimada online
Xafiiska Kismaayo
Golaha Ammaanka oo soo dhaweeyay heshiiskii Addis Ababa ee DF & Juba
New York (Caasimada Online) Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kulan ay ku yeesheen xaruntooda New York, waxa ay uga hadleen arrimaha Soomaaliya.
Goluhu wuxuu soo dhaweeyay shirkii dhawaantan dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka kumeel gaarka ee Jubba ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa.
Goluhu wuxuu ka codsaday labada dhinac in ay dhaqangaliyaan qoddobada lagu heshiiyay isla markaana laga fogaado wax kasta oo wiiqi kara ama burburin kara.
Goluhu wuxuu soo dhaweeyay dedaalada ay ay bixiyeen, Ethiopia, Midowga Afrika, QM iyo IGAD kaasoo ku aadan siddii xal loogu helo khilaafaadka siyadda ee Jubbooyinka.
Goluhu wuxuu kaloo cambaareeyay weerarkii ka dhacay maqaayad ku taalla Muqdisho 7-dii bishan September iyo kale ee dhacay 12-kii bishan ee lala beegsaday hoggaamiyaha maamulka Jubba ee Axmed Madoobe.
Goluhu wuxuu soo dhaweeyay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM, kaasoo seddax bil ka hor laga hirgaliyay magaalada Muqdisho.
Waxa ay sheegeen in xafiiskaas uu door muhiim ka qaadan doon horrumarka dalka, maadama 22-kii sanno ee la soo dhaafay ay ka jirtay dagaalo sokeeye.
Golugu wuxuu ku celiyay in Soomaaliya ay tahay dal madax banaan isla markaana arrimaheeda ay go’aan ka gaarto.
Goluhu wuxuu amaanay ciidamada howgalka AMISOM, kuwaasoo uu sheegay in nafsadooda ay u hureen nabadeenta iyo xasilinta dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Washington DC
Kaalinta beesha caalamka ee Somalia maalinta xigta “Heshiiska Cusub”
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalinta 16-ka September 2013ka, magaalada Brussels waxay marti galinaysaa shir lagu hirgalinayo barnaamijka loo yaqaan ‘Heshiiska Cusub’ (New Deal) oo uu qabanqaabadiisa leeyahay Midowga Yurub.
Soomaaliya ayaa loo badaniyaa inaysan waxba is beddelin 17-ka September, oo ah maalinta xigta saxiixa Heshiiska Cusub. Guusha Heshiiska Cusub waxay ku xirnaan doontaa sida ay labada dhinac uga dhabeeyaan fulintiisa, iyo sida beesha caalamku ay u ixtiraanto madax bannaanida Soomaaliya, isla markaana aragti mideysan uga qaadato. Sidoo kale, hufnaan ayaa looga baahan yahay labada dhinacba.

