28.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

VIDEO: Qaabkii uu M/weyne Xasan ugu duulay Markabkii taagnaa Badda.

0

Caasimada Online:  Muuqaalka Socdaalkii  Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikopter-ka ka raacaya Garoonka Aadan Adde asagoo shir xasaasi ah Markab dushiisa kula qaadanayay Saraakiil Cadaan ah oo ka socda Midowga Yurub kuwaas oo kala hadlaya Arimaha Burcad badeeda iyo sida la isaga kaashan karo.

Madaxweyne Hassan oo duulaya iyo qaab cajiib ah oo u raacaya diyaarada iyo sidii uu aha ajawigii kulankii Markabka Dushiisa nala daawo Video-ga oo la shaaciyay.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

 

DEG DEG AH: Magaalada Kismaayo oo ay caawa ka socdaan…

0

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in caawa howgalo ballaaran ay ka socdaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

In ka badan 70-qof ayaa lagu qabqabtay howlgaladii caawa ka dhacay Kismaayo, waxaana dadka la qabtay ay u badan yihiin dhallinyaro, sida uu Caasimada Online u sheegay qof goobjooge ah oo diidday magaciisa.

Sida uu caawa u sheegay idaacad ku taalla Kismaayo sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka kumeel gaarka ee Jubba howlgaladan ayaa looga gun lee yahay siddii lagu xoojin lahaa ammaanka, kaddib markii shaley weerarka lala beegsaday Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, waxaa cambaareeyay qarixi shaley, oo ay ku dhinteen 15 qof, isla markaana ay ku dhaawacantay 40 kale QM, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shariif Xasan oo Muqdisho soo gaaray iyo qorshe uu wato oo lagu wado inuu mardhow hirgalo (FAAH-FAAHIN)

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Jimco ah, si weyn loogu soo dhaweeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan, afhayeenkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay siyaasiyiin, wax-garad iyo xildhibaanno ay isku aragti yihiin.

Markii uu soo degay lama hadlin saxaafadda, balse illo ku dhow dhow waxa ay lee yihiin wuxuu magaalada Muqdisho u yimid qorshaha maamul cusub oo loo sameeyo gobalada Baay iyo Bakool iyo kuwa kale.

Qorshahan waxaa ku taageersan xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha digil iyo mirifle, kuwaasoo doonaya in maamul gobaleed loo sameeyo gobalada Baay iyo Bakool.

Imaashiyaha Shariif Xasan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya loo diidday in ay galaan magaalada Baydhabo, waxaa kaloo ka horeeyay dibad-baxyo looga soo horjeedo heshiiskii Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Dadka dibad-baxa ka qaybgalay waxaa ay sheegeen in ay ka bixi doonaan dowladda Soomaaliya isla markaana xildhibaannada iyo wasiirada uga jira dowladda ay kala soo bixi doonaan.

Dhinaca kale, siyaasiga Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa isna u sheegay warbaahinta gudaha in uu wado qorshe maamul gobaleed loogu sameenaayo gobalka Banaadir sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Hiba Nuura iyo Hobolada Waaberi oo ka tumay Muqdisho: Daawo

0

Bandhig Faneedkii ugu ballaarnaa ee ka dhaca Muqdisho ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, halkaasoo ay heeso wadani ah iyo kuwo guubaabo ah ay kusoo bandhigtay Fannaanada Qaranka Hiba Maxamed Cudoon “Hiba Nuura”oo labo maalin ka hor Muqdisho ku laabatay.

Bandhig Faneedkaan oo ujeedadiisa ahaa in lasoo bandhigo Hiigsiga Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2035 ayaa waxaa hal ku dhig looga dhigay Mustaqbalka iyo Hiigsiga Soomaaliya marka la gaaaro sanadka 2035, waxaana kasoo qeybgalay Wasiiro uu ka mid ahaa Wasiirka arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Xildhibaano, Maamulka Gobolka iyo qeybaha bulshada.

Hibbo Nuurra ayaa bandhigii xalay kusoo bandhigtay Heeso qiiro galisay dadkii ku sugnaa goobta.

Sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay muuqaalo ka turjumayay Muqdisho shalay sida ah aheyd iyo sida la doonayo in ay noqoto marka la gaaro sanadka 2035, wax soo saarka dalka waa xalka dhaqaale ee dalka iyo sidoo kale sawir muujinaya Tareen Deg deg ah dalka oo dhan isaga goosha taasoo dadkii waaya jooga ahaa ee xafladda kasoo qeyb ay xusuus gelisay.

Riyaawadii kooxda Qaranka ee hobolada Waaberi ay xalay kusoo bandhigeen xafladan ku saabsaneyd Hiigsiga Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2035, oo fikradeedu uu iska lahaa xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Mudaniyaasha baarlamaanka Soomaaliya markii ay idlaatay kadib ayaa waxaa loo guda galay qudbadihii madaxdii xafladda kasoo qeyb gashay.

Maareeyaha Golaha Murtidda, Madadaaladda, Fanka iyo Farshaxanka, Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka hadlay gababadii Bandhigga ayaa ka codsaday Dawladda Somalia in loo fududeeyo fanaaniinta inay Riwaayadan dalka oo dhan gaarsiiyaan.Hibo-Muqdisho-1Hibo-Muqdisho-2Hibo-Muqdisho-3Hibo-Muqdisho-4Hibo-Muqdisho-5Hibo-Muqdisho-6Hibo-Muqdisho-7Hibo-Muqdisho-8Hibo-Muqdisho-9Hibo-Muqdisho-10Hibo-Muqdisho-11Hibo-Muqdisho-12Hibo-Muqdisho-13Hibo-Muqdisho-14Hibo-Muqdisho-15

Isha: Warfaafiye.com

Madaxweyne Xasan oo guddoomiyihii Bankiga Dhexe ku beddelay haweeney

0

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa gabadha lagu magacaabo Yussur Abraar u magacaabay inay noqoto gudodomiyihii ugu horeeyey oo haweeney ah ee Bankiga dhexe ee Somalia.

Yussur, ayaa ah haweeney si aad ah looga qadariyo habka maaliyadda caalamka, ayada oo heysata khibrad 30 sano ah oo la xariirta Bankiyada, ceymiska iyo maareynta halisaha maaliyadeed.

Waxa ay horey u ahaan jirta madaxweyne ku xigeenka shirkadaha Citigroup iyo AIG ee New York.

yussurMs. Yussur ayaa ahmiyadeeda ugu horeysay ku sheegtay wax ka qabashada dhinaca lacagta Somalia ee qiima dhacday, dib u dhiska hanaanka maaliyadda Somalia iyo sidii loo diiwaan gelin lahaa oo ay shati ugu shaqeyn lahaayeen bankiyada Somalia.

Yussur ayaa shahaadada Bachelor ee dhinaca maaliyadda ka qaadatay jaamacadda Oklahoma State University ee dalka Mareyanka.

Waxa ay beddeli doontaa Cabdisalaam Cumar, oo aan la sheegin waqtigii xilka laga qaaday iyo inuu is-casilay midna.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

Kismaayo oo warar aan fiicneyn ay ka imanayaan & 56 qof oo dhimasho iyo…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar aan fiicneyn ayaa ka imanaya Kismaayo, ayada oo dhakhaatiirta Isbitaalka guud ee Kismaayo ay sheegeen in dhaawacyo la keenay Isbitaalka kuwaaso wax ku noqday qarixii ismiidaaminta ee shaley lagu weeraray baabuurtii uu la socday hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba.

Dhakhtar Cabdisamad Abuukar oo ah agaasimaha Isbitaalka guud ee Kismaayo ayaa saxaafadda u sheegay saakay oo Jimco ah, in la keenay isbitaalka dad kor u dhaafaya 40- oo u badan shacab ah, iyo 16-qof oo meyd ah, kuwaasoo iyana ah shacab.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dadkii dhaawaca ay geeriyoodeen maadama xaaladooda ay aad halis u ahayd.

Dhakhtarka ayaa sidoo kale tilmaamay in qaar ka mid ah kuwa hadda ku jira Isbitaalka, ay u baahan yihiin daween meelo kale sida dibedda, maadama dhaawacyo halis ah ay ku yaalaan.

Si kastaba, waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxii shaley, waxaana jirta in xaley qaar ka mid ah dadkii wax ku noqday loo qaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xaaladda magaalada ayaa saakay oo Jimco ah deggan, waxaana dadka ay hadal hayaan qarixii shaley magaalada gilgalay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Video: Wax ka ogow taariikha iyo sida ay u howl gali doonto Somali Airlines

0

Caasimada Online:  Mas’uul ka tirsan Dowlada Somalia ayaa  ka dhawaajiyay Arrin ay in muddo ah Shacabka Soomaaliyeed ay sugayeeyn taas oo ah qaabka ay u howl gali doonto shirkadda diyaaradaha Somali Airlines.

Gudoomiyaha Shirkada Somalia Airline Mahumed Mahamed Guuleed oo hadal Qiimo badan oo farxad ah ka soo yeeray taas oo aan hubo in Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxi doonaan marka ay arkaan in Diyaaradii Somali Airline oo shaqeyneyso.

Waqtiga iyo Duulimaadka ugu horeeya ee Shirkada Somalia Airline oo uu ka dhawaajiyay gudoomiyaha ee nala daawo Video-gaan waan hubaa in aad ku farxi doonto maqlida dhawaqa howl galka ee Diyaaradeenii Somali Airline…

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

XOG: Ra’iisul wasaare Saacid oo laga codsaday in uu is-casilo

0

Muqdisho (Caasimada Online) Sida ay baahisay xalay  Idaacadda SKY ee magaalada Muqidsho, waxaa la ogaaday in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon loo soo bandhigay in uu is-casilo kaddib markii ay u tageen odayaal iyo wax garadka sooo jeeda beeshiisa.

Ilaa hadda si dhab ah looma sababta ka dambeesa in ra’iisal wasaaraha in uu shaqada isaga tago, waayo waxaa soo batay dhaliilaha loo jeedinaayo oo ku aadan in uu shaqadiisa ka gaabiyay in shaqadiisa uu u qabto madaxweynaha Soomaaliya isagana uu noqday qof magac ahaan u jira.

Ma cadda wax yaabaha uu ugu jawaabay ra’iisal wasaaraha ergada u tagtay ee ka dalbatay in uu shaqada isaga tago.

Dhinaca kale, waxaa isku shaan dheen lagu sameenayaa golaha wasiiradda xukuumadda, waxaana la soo sheegayaa in la kordhin doono tirada wasiiradda.

Golaha wasiiradda cusub ayaa la gaarsiinayaa ilaa 18-waxaana ku jirra wasaarado cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Daawo Sawirrada: Dagaalka Shacabka Jowhar iyo Webiga Shabelle

0

Fatahaada Wabiga oo loo leexiyay aaga Moyko iyo magaalada Jowhar oo ka badbaaday daadad xoog leh OO laga Cabsi qabay in wabiga ka soo fatahay wabiga Shabeelle ay gudaha u galaan magaalada Jowhar ayaa hoos u dhacday kadib markii biyaha ka soo fatahay wabiga loo weeciyay Kurta Moyko oo ah waddo ay mari jireen fatahaadihii hore.

Dadaalo ay sameeyeen beeralayda,ganacsatada iyo waxgaradka ayaa ku guuleystey in ay jebiyaan kanaalka Burey isla markaana biyaha u weeciyaan deegaano dhinaca Koofur ka xiga magaalada Jowhar.

Xaaji Abuukar Muudey Cali oo kamid ah ganacsatada magaalada Jowhar ayaa u sheegay Radio Jowhar isagoo jooga mid kamid ah meelaha looga furay biyaha wabiga Shabelle in biyahan ay u weecan doonaan dhul ay hore u mari jireen kuwaasoo magaalada badbaado u ah.

“Shacabka reer Jowhar waa ay ka baxeen walwalka iyo walaaca mar hadii wadadii dhabta ahayd ay heleen biyaha.”ayuu yiri Xaaji Abuukar Muudey Cali.

Biyaha ka fatahay wabiga Shabeelle 14kii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa ay sababeen in boqolaal qoys ay ka barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen, waxana ay biyahan ugu dambayntii soo gaareen hareeraha magaalada Jowhar taasoo sababtay in shacabka ku nool magaalada ay qaarkood bilaabaan in ay isaga barakacaan deegaanadoodii.

Waxaa saaka albaabada loo laabay ganacsigii magaalada iyadoo suuqa Jowhar uu ahaa mid cidla ah,shirkadaha xawilaada ayaa albaabada loo laabay iyadoo maamulka degmada Jowhar uu ka codsaday shacabka inaysan ka barakicin magaalada.

DSC08630DSC08640
DSC08644
DSC08646
DSC08678DSC08688

MAXAMED CASEYR.
JOWHAR SH/DHEXE

DFS oo dusha loo saaray eedeyn la xiriirta 300,000 oo qof oo la sheegay…

0

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa warbixin dheer oo ay saartay Jimcaha maanta waxa ay uga hadashay, barakicin dowladda ay ka wado magaalada Muqdisho.

Hey’adda ayaa dowladda fedaraalka Soomaaliya ku eedeesay in ka badan 300,000 oo qof oo ah shacab in ay ka barakicisay caasimada Soomaaliya, kuwaasoo ku noolaa dhismooyin dowladda ay lahayd iyo goobo kale.

Amnesty Intentional, ayaa wareesatay qaar ka mid ah dadkaas oo markii hore ka soo cararay dagaaladii sokeeye iyo abaaro is xig-xiga oo ku dhuftay deeganadii ayku noo laayeen, kuwaasoo soo ciirsaday caasimada Muqdisho.

Hey’addu dadka ay wareesatay waxaa ku jirta haweeney 60-jir ah, taasoo iyadoo ku maqan gurigeedii la burburiyay dabadeedna wixii alaab iyo agab kale ee yaalay bannaanka looga soo daadiyay.

Haweeneyda ayaa sheegtay iyadoo ku sugan Suuqa Bakaaraha lagu soo wargaliyay in reerkii la barakiciyay oo alaabta bannaanka loo keenay, markaan imid goobta waxaan ku arkay ayey tiri wax aad looga naxo.

Hey’adda ayaa sidoo kale soo qaaday dhacdo 14-kii bishii August ee sannadkan ka dhacday magaalada Muqdisho, taasoo ahayd markii askarta dowladda ay dileen oo rasaas ay la dhaceen haweeney iyo ilmo yer kuwaasoo bannaan bax nabadeed oo ay uga soo horjeedaan tallaabada dowladda ka dhigayay fagaaraha Tarabuunka ee degmada Hodan.

Amnesty Intentional, waxa ay sheegtay in dadkaas ay ku codsadeen dowladda in ay dajiso goobo kale.

Ugu dambeentii warbixinta Amnesty Intentiona, ayaa lagu sheegay in dowladda ay joojiso barakicinta ay ka wado caasimada isla markaana dadka la qixinayo la dajiyo goobo ammaan ah oo ay ku qanacsan yihin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairob

 

Xubin soo xulay baarlmaanka Somalia oo Muqidsho lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay, wuxuu sheegayaa in caawa lagu dilay magaalada Muqdisho, mid ka mid ah nabadoonadii soo xulay baarlamaanka Soomaaliya.

Dad ku sugan xaafadda SOS ee degmada Yaaqshid oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in xaafadaas lagu dilay caawa nabadoon lagu magacaabi jiray Cumar Cabdi Sheekh.

Sida ay lee yihiin dadka noo warramay nabadoonka waxaa toogtay kooxo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markii ay dileen goobta ka baxsaday.

Ma jirto ilaa hadda wax faah-faahin oo ku saabsan dilka nabadoonkan mana jirto koox sheegatay, balse waa nabadoonkii labaad oo muddo 24-saac gudahood la dilay, xaley ayey ahayd markii nabadoon caan lagu dilay magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.

Dhinaca kale, kooxo ku labisan dharka ciidamada ayaa caawa ku toogtay xaafadda Xariyaale ee degmada Wardhiigleey nin ganacsado ah oo halkaas caan ka ahaa.

Inta la dilin ninka ganacsadaha oo lagu magacaabo Maxamuud Jeenyo, waxaa la sheegay in ay dhaceen dukaan uu lahaa, dabadeedna ay dhowr xabad ku dhufteen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Video Gabar Muqdisho ku cabtay sun, sabab yaab leh dareed “Subxanallaah”

0

Caasimada Online:   Nasro Mohamed Abdiqaadir waa Gabar Soomaaliyeed oo 19 jir waxeey ku nooshahay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan Xaafada Xamar Jajab waxeey Cabtay Sun si ay isu disho sababo badan oo arin kaasi ku kalifay.

Gabadhani cabtay sunta ayaa haatan lagu dabiibayaa mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho waxeeyna ka sheekeyneysaa sababaha ay u cabtay Sunta ee ku kalifay.

Digniin ha daawan hadii aadan laheyn adkeeysi ku aadan hadalada gabadha oo ku calool xumeynaya.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Golaha Wasiirada DFS oo maanta ka dooday qodobo Muhiim ah “Sawirro”

0

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin qodobadii ka soo baxay kulankii Culimada Soomaaliyeed ee looga hadlay sida looga hortagi karo ku talax tagga Diinta “Xagjirnimada”.

Kulankan ayaa ugu horeyntii waxaa warbixin dheer siiyay golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Saacid oo isagu shalay ka soo laabtay safaro uu ku kala bixiyay dalal dhowr ah, isaga oo sharaxaad ka siiyay heshiisyo horumarineed oo ay la galeen ururka Islaamka iyo dawladda Yemen, waxaana goluhu ay si siweyn u soo dhoweeyeen heshiisyadaasi.

Gabagabadii kulanka golaha, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, wuxuuna ugu horeyntii si adag u beeniyay qoraal looga been abuuranayo oo la soo dhigay Website-yada Soomaalida, wuxuuna iska fogeeyey jiritaanka qoraalkan.

“Sida aad ka aragteen warqada been abuurka ah, Tixraac Numbar ma lahan wey banaantahay meeshii loogu talagalay tixraac Numberka (Reference No.), waana been abuurad cad oo raqiis ah” ayuu yiri Wasiirka oo beeniyay wararkaasi ku saabsan inuu warqad u qoray kooxda la socodka xayiraada hubka ee Soomaaliya iyo Eretria, taasoo uu ku dhaliilayo heshiiska shirkadda VAVORI ay kula wareegeyso maamulka garoonka caalamiga ah ee Aadan-cadde.

Sidoo kale, Wasiirka oo ka hadlayay qodobadii ka soo baxay shirka Culimada ee looga hadlayay Xagjirnimada ayaa waxa uu sheegay in goluhu ay isla qaateen si buuxda dhaqangelinta qodobada, isaga oo tilmaamay in goluhu ay dhiseen guddi heer wasiir ah oo kala shaqeynaya Culimada sidii loo dhaqangelin lahaa go’aanada shirka, gaar ahaana kulan la qaban doono muddo 90 cisho gudahood ah oo loogu yeeri doono culimada Soomaaliyeed iyo Culimada Islaamka Caalamka, kaasoo lagu sii xoojin doono go’aamada iyo dhaqangelinta qoboda shirka Culimada.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Ciilmooge ayaa sidoo kale, xusay in golaha Wasiiradu ay maanta si qotadheer uga doodeen qabashada shir dib u heshiisiineed oo lagu soo afmeerayo mad madowgii soo kala dhex galay beelaha ku wada nool gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna xusay in hogaanka sare ee maamulka KMG ah ee Jubba Mudane Axmad Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen Muqdisho, taasoo horudhac u ah qabashada shirweyne Dib u heshiisiineed oo ay dawladdu ka qabato degaanadaasi.

“Golaha Wasiiradu waxay iclaamiyeen shir dib u heshiisineed oo ka furmi doona October 5, magaalada Muqdisho, laguna soo afmeeri doono magaalada Kismaayo, sida ku xusan heshiiskii Addis ababa, ee Dawladda Federalka Soomaaliyeed iyo Maamulka Jubba” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in dawladda Federaalka ay dooneyso in si wada jir ah looga qeyb qaato dhaqangelinta heshiiska Addis ababa, si loo helo maamul loo wada dhan yahay oo ka hirgala degaanadaasi Jubba.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa warbaahinta u sheegay in, intii ay ku guda jireen golaha Wasiiradu shirkooda ay soo gaartay war sheegaya in qarax lala beegsaday wafdigii magaalada Muqdisho ka ambabaxay ee uu hogaaminayay Axmad Maxamed Islaam Madoobe, isla markaana ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh soo gaartay xubno ka tirsan wafdiga.

waswas1was2was3was4was5was6