28.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

KASHIFAAD: Dagaal laba afle ah oo ay Faroole iyo beeshiisa ku billaabeen DF iyo shirqoolo xooggan oo socda

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay dad ku dhow dhow Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegaya in toddobaadkii tagay uu shirar u qabtay qurba joogta Puntland, ee Nairobi, Dubai, Europe iyo Waqooyiga America.

Waxa uu ku war galiyey inuu ku jiro qorshe  laba afle ah oo uu ugu yeeray “Diblomaasiyad” balse ah mid dagaal oo uu ka wado Somalia.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen Caasimada Online, qorshaha Faroole mid ka mid ah waa sidii uu u isticmaali lahaa siyaasadda ( Good cop, bad cop), oo ah inuu dhinacna kala dagaalamo dowladda federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dhinaca kalana uu danahiisa ka raadsado.

Faroole, ayaa u sheegay rag iyo dumar  ka tirsan Puntland Forum ee Minneapolis, MN, inuu doonayo inuu dib ugu soo celiyo Wasiirkoodii Koowaad ee Somalia, sida ay aaminsan yihiin reer Puntland.

Faroole waxa uu yiri “Hawiye si wax looga qaato anigaa garanaya, hadda ka horna wixii aan ku sameeyey ra’iisul wasaare Farmaajo waad xusuusataan, yaa Cabdi Weli Gaas  ka dhigay Ra’iisul Wasaare?, Waa aniga , hadda waxaa rabaa inaad garataan in meeshaan Puntland la yiraahdo aniga la ii daayo, Hawiyana aan idinkaga soo dhiciyo Prime Minister, Jubaland-na aad u howl gashaan sidii la isugu xiri lahaa, haddii aad haysataan Puntland iyo Jubbaland iyo ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Sheikh adinkaa xukumaya”.

Faroole waxa uu uu hadalkiisa ku daray “Saacid waanu taageernay sababata ah waa garanaayey inaanuu waxaban qaban karin”

Waxa uu aad ugu dheeraaday in isaga iyo Maxamuud Saleebaan oo ah wasiiirka maaliyadda ay aad isu garanyaan wax badanna ka wada shaqeynayeen Bankigii dhexe ee dowladdii hore ee Somalia, laakiin rag kale oo aanu magacaabin oo reer Puntland ah ay tartanka kula jiraan.

Faroole ayaa wasiirkiisa arrimaha gudaha Gen. Cabdillaahi Axmed Jaamac “Ilka-Jiir” u soo diray dalka Mareykanaka si ugu dhaadhiciyo qorshaha laba aflaha ah ee reer Puntland ay doonayaan inay ku hantiyaan wasiirka koowaad, Puntland, islamarkaana u taageeraan Jubaland, si halkaas looga sii wado halganka beeleysan ee ee Faroole, Cabdi Weli Gaas, Wiilka xagjirka qabiilka Faysal Rooble oo isagu  shirkaas lagu qabtay MN ka qayb galay, todobaadkana ka qayb gali doona mid kale oo lagu kicinayo beelaha Jubband, Garisa, Jigjiga ee waqooyiga America.

Waxaad moodaa in maalimihii ugu danbeeyey Madaxwayne Xasan Sh. Maxamuud uu soo jilcay , kadib markii ay ka badatay wareerka siyaasadeed ee qabaa’ilka Soomaliyeed.

Warar ay Caasimada Online ay ka heshay ilo-xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in Puntland ay taageero ka raadineyso dowlado daris ah ayna ka codsatay in la siiyo wasiirka koowaad si ay ugu soo noqdaan ka mid noqoshada dowlada federaalka ah ee Soomaliyeed.

Labadii toddobaad ee tagay ayaa Faroole waxa uu waqti badan ku bixiyey Nairobi iyo Addis-Ababa, balsema cadda wixii ay dowladaha Ethiopia iyo Kenya ay ka dhaheen codsigiisa.

Waxaa sidoo kale jira qorshe Faroole oo adeegsanaya xildhibaano lacag doon ah iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay Cali Maxamed Geedi ay mar kale ku diyaariyaan mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaare Saacid.

Marka laga tago jagada ra’iisul wasaare doon ee Faroole, waxa uu sidoo kale dagaalkan oo idil u marayaa inuu shacabka Puntland ka dhaadhiciyo inuu yahay qofka kaliya ee Hawiye uga soo qaadi kara xil, si taasi ay uga caawiso in dib loogu doorto madaxweynaha Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

DAAWO: Khadra Daahir oo ku ilmeysay Jigjiga halka Hibo ku ilmeysay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fannaanada Soomaaliyeed ee caanka ah kana tirsaneyd Hoboladii Qaranka Waaberi Khadra Dahir Cige oo bartamihii bishii Agoosto si diiran loogu soo dhoweeyay xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga, iyadoo munaasabad lagu soo dhoweynayay fannaanada ay ka dhacday halkaasi ay ka ilmeysay.

Khadra Dahir ayaa loo qaaday Dhaanto aad u macaan, taasoo keentay iney ceshan weydo ilmo kasoo qubtay indhaheeda, waxaana heestaani dhaantada ah ay aad ugu raaxeysatay fannaanada.

Hoboladii ka yimid Hargeysa iyo Barbara, helidaa warkooda hamuun baan u qabay, isma huri karnoo hilbo wada dhashaa nahay iyo erayo kaloo macaan ayaa heesta ku jirta, taasoo dareen ku gelinesa.

Halka Fannaanada kale ee Soomaaliyeed ee Wadaninimada ku caanbaxday Hibo Maxamed Cudoon “Hiba Nuura” ayaa badalka Khadra Daahir waxay ku ilmeysay garoonka Muqdisho oo shalay lagu soo dhoweeyay.

Hiba Nuura waxay sheegtay iney Muqdisho tahay xuduntii dalka, hilow badana ay u qabto, iyadoo erayadaasi markay ku dhawaaqeysay ay ilmada kasoo daadanayeen.

HALKAN KA DAAWO KHADRO OO ILMEYNEYSA JIG-JIGA

DAAWO HIBO NUURA OO XAMAR KU ILMEYNEYSA

Isha: Warfaafiye.com

Madaxweynaha Eritrea oo beeniyey war laga faafiyey oo ku saabsanaa DF

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Eritrea Isias Afaweki ayaa sheegay in horay looga faafiyay warar been abuur ah oo lagu sheegay in uu aqoonsaday dowladda Soomaaliya ee aqoonsiga ka haysata Qaramada Midoobay iyo beesha caalanka.

Madaxweynaha Eritrea ayaa sheegay in dowladda haatan ka jirta Soomaaliya eysan waxba ka duwaneyn kuwii horay dalkaasi u soo maray ee ay hogaaminayeen madaxweynayaashii kala ahaa Abdi Qasim Salad, Abdulahi Yousuf, Sheikh Sherif ama kuwa ka arrimiya maamulada Puntland iyo Hargeysa.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay Afwerki oo wareysi siiyay TV isaga taageersan oo dalkiisa ka soo baxa in calanka Soomaaliyeed ee xidigta shanta gees leh ee ka babanaya xarunta Qaramada Midoobay uusan aheyn dal jira.

Wareysigan carada ka muuqata ee uu madaxweynaha Eritrea bixiyay ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan suuqa la soo galiyay in uu taageersan yahay ama aqoonsan yahay dowladda rasmiga ah ee ka dhalatay Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Video: Haweenka magalada Muqdisho oo la barayo arrin ku cusub Dalka

0

Caasimada Online:  Muqdisho waxaa maalmahaan ka soconayo Mashruucyo kala duwan oo wax badan looga qabanaya Falalka amni daro ayadoo taa ay jirto ayaa hadana waxaa soconaya Mashruucyo looga hortagayo kufsiga iyo dhibaatad alagu hayo Haweenka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.

Qubaro dhanka tababarka la dagaalanka kufsiga ayaa bixinaya Mashruuc cajiib ah oo oo Haweenka Soomaaliyeed uga hortagi karaan kufsiga xoog ah ee lagula kacayo haweenka iyo qaabka ugu fudud ay isku difaaci karaan ayagoo la tusinayo ficilka difaacida oo qaab cajiib ah loo sameynayo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

KASHIFAAD: Saacid oo saxixay warqad DF Somalia ay ku taagertay qorshe uu Maraykanka ka damacsan yahay…

0

Nairobi (Caasimada Online) Warar la isku haleen karo oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay saxiixday warqad ay ku qoran yihiin 32-waddan, kuwaasoo Maraykanka ku taageeray in uu weeraro dowladda madaxweyne Bishaar Al-Asad.

Warqadan waxaa u saxiixay DF Somalia ra’iisal wasaare Cabdifaarax Saacid Shirdoon, kaasoo dhawaan booqday dalka Sucuudiga, halkaas ayuuna ku saxiixay.

Sida illaha xog-ogaalka ah ee aan warkan ka soo xignay ay noo xaqiijiyeen, ra’iisal wasaaraha wax yaabaha uu tagay dalka Sucuudiga waxaa ugu horeysay in uu soo saxiixo, taageerada loo raadinaayo madaxweyne Obama, kaasoo hadda u muuqda in uu taageero u waayay duulaanka ka dhanka ah xukuumada Bishaar Al-Asad,oo lagu eedeeyay in ay isticmaashay hubka kiimikada.

Si kastaba, tallaabada dowladda Soomaaliya ay ku taageertay madaxweyne Obama, waxaa ka mahadceliyay safaaradda Maraykanka ee Nairobi, waxaana war-qoraal ah oo ka soo baxay caawa safaaradda lagu soo dhaweeyay taageerada ka yimid 32-wadan ee Soomaaliya ku jirto.

Ma cadda in go’aankan ay u dhan yihiin hey’addaha dowladda sida baarlamaanka, waxaana warqadan saxiixay wasiirka koobaad ee xukuumadda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Haweenka Muqdisho oo Tababar la siinayo si ay isaga difaacaan “Sawirro”

0

Booliska AMISOM ayaa magaalada Muqdisho ku siiyay shalay iyo maanta tababar boqolaal gabsho soomaaliyeed kaas oo ku aadan sidii ay isaga difaaci lahaayeen ragga soo damca ee kufsiga lasoo maaga.

Tababarkan oo mudo afar casho ah soconaya ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah lagu soo gabo-gabeeyo magaalada Muqdisho.

Barnaamijkan oo loogu talo galay dumarka ku jira xeryaha qoxootiga gobolka Banaadir iyo Sh/dhexe ayaa waxaa maalmo ka hor furtay wasiiradda horumarinta bulshada Marwo Maryan Qaasim.

JOWHAR oo saaka jahwareer uu ka jiro iyo halis kusoo wajahan magaalada

0

Jowhar (Caasimada Online) War hadda soo dhacay, wuxuu sheegayaa in magaalada Jowhar laga cabsi qabo in uu wabiga Shabeelle ku fataho, kaddib markii uu biyo badan keenay.

Wararka waxaa intaas ay ku darayaan in dadka ay ka xayaan guryahooda, kuwaasoo ka cabsi qaba in uu wabiga uu sameeyo fatahaad ballaaran.

Wariye ku sugan Jowhar oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in magaalada xaley oo dhan aan laga seexan, waxaana ay dadka ay ahaayeen kuwa taagan oo ka warsugaya xaaladda wabiga Shebeelle.

Dedaal badan ayaa socda oo ay wadaan maamulka gobalka iyo dakda ku dhaqan magaalada, kuwaasoo isku dayi raba in biyaha wabiga ay meel kale ka dusaan.

Waxaa xiran dhammaan goobaha ganacsiga iyo kuwa waxbarashadda ee magaalada, waxaana is taagay isku socodka dadka iyo gawaarida.

Waa markii ugu horeysay oo khatar intan la eg laga soo wariyo magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Jowhar

[email protected]

XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Faroole oo ku kulmay Dubai

0

Dubai (Caasimada Online) Illo xog-ogaal ah oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud caawa in uu kula kulmay magaalada Dubai ee dalka isku taga imaaraadka carabta madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Labada nin ayaa ka hadlay arrimo badan, gaar ahaan khilaafka soo dhex galay dhawaantan dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Puntland ayaa horey u sheegtay in joojisay wadashaqeentii ay la hayd dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay wax ka badashay dastuurka kumeel gaarka.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha ay ka wadahadleen Xasan Sheekh iyo Faroole, balse waxaa jiray dedaalo maalmahan dambe ay wadeen waddamada gobalka sida Ethiopia, taasoo ukala dab qaadeysa DF Somalia iyo maamulka Puntland.

Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia waxa uu dhawaan sheegay in dowladiisa ay diyaar la tahay siddii ay isugu soo dhaween lahaayeen dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

DEG DEG AH: Nabadoon caan ahaa oo goor dhow lagu dilay magaalada….

0

Baladweyne (Caasimada Online) War hadda soo dhacay, wuxuu sheegayaa in kooxo hubeysan ay goordhow ku toogteen magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, nabadood halkaas caan ka ahaa.

Sida Shabakadda Caasimada Online, ay u sheegeen dad ku sugan, nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Lagu dilay Nabadoon Xuseen Macallin Maxamuud.

Nabadoonka ayaa la toogtay isagoo ku sii jeeda gurigiisa, waxaana la sheegay kooxda dilka u geestay in ay baxsadeen.

Nabadoonka caawa lagu dilay Baladweyne ayaa la sheegay in uu ka mid ah salaadiintii soo xulay baarlamaanka Soomaaliya.

Ma jirto koox sheegatay dilka nabadoonka, balse waxaa dilka kaddib caawa ka dhacay magaalada howlgalo ciidamada ay ku baadigoobayaan kooxaha dilka geestay.

Ma ahan nabadoonkii ugu horeeyay ee lagu dilo Baladweyne, waxaa dhowr bil ka hor lagu dilay nabadoon caan ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro + Codad: R/W Saacid & Axmed Madoobe oo maanta ku kulmay Xamar kuna dhowaaqay go’aan laga sugayey

0

Muqdisho (Caasimada online) Ra’isul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, oo maanta dalka Dib ugu Soo laabtay ayaa wuxuu hotelka City Palace Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe” iyo Wafdigiisa Ku sugan Muqdisho.

Cabdi Faarax, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa kulankaas ku wehliyay Qaar ka mid ah xubnihiisa golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Sida wasiirka arimaha gudaha iyo amniga iyo sidoo kale wasiirka Gaashaandhigga iyo Kan warfaafinta Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay armo ay ka mid yihiin Shirka looga hadlayo aayaha Jubbooyinka oo lagu wado inuu dhawaan ka Furmo Muqdisho wareegiisa ugu horeeya iyo dib u laabashada Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo ,oo Maalinta Bari ah lagu wado inuu dib ugu laabto.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa ugu dambeyn Wuxuu sheegay in Shirka looga hadlayo  aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo uu sheegay in Shanta Bisha Soo socota ee Octobar uu Muqdisho wajigiisa Koowaad uu ka furmayo.

Wuxuu sheegay in Shirkan Wajigiisa Labaad uu ka furmi doono magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose inkastoo uusan Sheegin waqtiga Saxda ah ee uu shirkaas Kismaayo ka furmi doono .

Ugu dambeyn Ra’isul wasaare Saacid wuxuu sheegay in loo baahan in dhamaan beeelaha dega Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo inay kasoo wada qeyb galaan shirkaas looga hadlayo aayaha goboladaas isla-markaana looga gudbayo Khilaafka beelaha goboladaas.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, oo isna dhankiisa Saxaafadda la hadlay ayaa soo dhaweeyay hadalka kasoo yeeray Ra’isul wasaaraha Soomalaiya Cabdi Faarax Shirdoon , waxaaana uu shaaca ka qaday inay dhameystiri doonaan Khilaafka Beelaha dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Halkaan hoose ka dhageyso codadka Ra’isul wasaaraha iyo Axmed Madoobe

Axmed Madoobe iyo Ra’iisul Wasaaraha

9 8 7 6 5 1 2 3 4

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Shirkadda diyaaradaha ee ETHIOPIAN Airlines oo ku xumeysay Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad tiradooda gaareyso 400 qof oo doonayay iney raacaan Shirkadda Diyaaraddaha Ethiopia Airlines ayaa ku xayiran magaalada Hargeysa kuwaasi oo tikidhadii shirkadda Ethiopia Airlines Labo Todobaad ka hor goostay, kadib markii lagu wargeliyay iney shaqo bilowday Ethiopia Airline.

Dadkan oo ka walwalsan qasaaraha kasoo gaaray shirkadda diyaaraddaha Ethiopia Airlines ayaa Maamulka Somaliland ugu baaqay iney wax ka qabato dhibaatada ka haysata iyo xanibaada ay ku xaniban yihiin magaalada Hargeysa.

SHirkadda Ethiopian Airlines ayaa go’aankaan ay ku joojisay duulimaadyadii Hargeysa ay ku imaan jirtay aan la ogeyn sababta, hase ahaatee waxaa la leeyahay howlihii garoonka Hargeysa oo weli aan dhameystirneyn.

Ethiopia Airline ayaa dhawaan shaacisay iney dib u bilowday duulimaadyadii ay ku imaan jirtay mudo Sadax sano ka hor garoonka Hargeysa, xiligaasi oo qaraxyo ismiidaamin ah lala beegsaday xafiiskii ay ku laheyd Hargeysa, hase ahaatee markii ay ku dhawaaqday dhawaan iney dib u shaqo bilaabeysa aysan soo caga dhigan Hargeysa diyaarada.

Isha: Warfaafiye.com

Dhageyso: DF oo laga dalbaday iney cadeyso xiliga qabaneyso arrin laga..

0

Muqdisho ( Caasimada online) Xoghayaha gudiga xaqiiqo raadinta,dib uheshiisiinta iyo hanti isku celinta baarlamaanka Somaliya Cabdullaahi maxamed Xersi (Qorax) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay shir ay dawlada ku baaqday kaas oo uu sheegay in aan wali la qaban sida uu tilmamay.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay soo dadajinta dowlada Federaalka Soomaaliya  inay qabato  Shirka dib uheshiisiinta ee Jubbooyinka oo muqdisho inuu ka dhacayo la sheegay wakhtiga uu dhacayana lasoo gudbiyo sida uu hadalka u dhigay.

Cabdullaahi maxamed Xersi   Xoghayaha gudiga xaqiiqo raadinta,dib uheshiisiinta iyo hanti isku celinta baarlamaanka Somaliya ayaa ka digay in hadii lasoo gudbin waayo wakhtiga shirka la qabanayo inay dhici karto indagaal iyo dhiig uu ku daato mar kale gobollada Jubbooyinka sida uu Shaaciyay

Wuxuu xusay inay wali tahay Kismaayo mid aan salfadhiyo lahayn sida uu sheegayna Dawlada Soomaaliya inay xalka mushkilada wali jirta ay tahay inay lasoo dadajiyo Shirka dib uheshiisiinta Jubbooyinka ee Xamar ka dhacaya.

Dowlada Soomaaliya ayaa laga war sugayaa waxa ay arintan ka qabato maadaama laga sugayo shir looga hadlayo aayaha gobolada jubbooyinka oo Muqdisho ay balan qaaday dowladu inay qabaneyso.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Xildhibaanka

Halkaan ka dhageyso Cabdullaahi maxamed Xersi

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Nin Soomaali oo buuq ka sameyey Airport-ka Australia

0

Caasimada Online:  Ninkani oo lagu magacaabo Osmaan ayaa buuq iyo sawaxan ay dadku ka amakaageyn ka sameeyay Wadanka Australia kadib markii uu ka hor yimid in la baaro si loo fiiriyo Boorsooyinkiisa.

Osman ayaa ku doodaya in dhowr jeer oo hore uu halkan kala kulmay dhacdooyin nuucaan ah balse Shaqaalaha Garoonka ayaa u joojin shaqadoodo oo ku yiri waa in lagu baaraa balse maxaa dhacay kadib baaritaankii Osman.

Hadaba Daawo Video-gaan aad ka arki karto buuqa iyo sawaxanka uu abuuray ninkani dhalasho ahaan ka soo jeedo Wadanka Somalia.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:  

M/weyne Xasan oo qudbad ka jeediyay Shirka ka Furmay Dubai. “Sawirro”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta  qudbad ka jeeediyey  furitaanka shirka ka hortaga Burcad Badeed oo maanta ka furmay magaaladda  Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  ayaa  marka hore u mahad celiyey Dowladda Imaraadka Carabta oo sanad walba qabata Shirkan” Aad ayaan uga mahad-celinayaa Dowladda Imaraadka Shirkan iyo fahamka Qatarta Burcad Badeeda.

“ Dowladda Soomaaliya  diyaar ayey u tahay la shaqeynta caalamka si loo dhaqan geliyo  muhiimadaha gaarka ah sida, Ammaanka, Cadaaladda, hagaajinta maamulka Maaliyadda, Dowladd-wanaaga iyo  kuwa kalaba” ayuu yiri Madaxweynaha.

Shirkan oo sigaar ah looga hadlayo sanadkan Ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha  awood ka hortagta, ayaa  Madaxweynahu ka sheegay in xalka Burcad badeeda  yahay xoojinta iyo taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana shirka ka qeyb galay madax ka socota wadamada daneeya  arrimaha Soomaaliya.

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Isutaga Imaaraadka carabta  Sheekh Abdullah Bin Sayed, waxa uuna kala hadlay xiirirka labadda dalka.

burrburbur1bur2bur3

Dhageyso: Taliska Ciidanka Sh/Hoose oo Beeniyay Warar la isla dhexmarayay

0

Muqdisho (Caasimada online) Taliska ciidanka Booliiska Gobalka Shabeelaha hoose ayaa ka hadlay ammaanka Gobalka Shabeelaha hoose iyo isbaarooyin lagu tuhunsanaa inay halkaasi yaalaan kuwaas oo qaar kood la sheegay in dib loogu soo celiyay gbolka kadib markii laqaaday.

Taliyaha qeybta Booliiska Gobalka shabeelaha hoose Cabdi Ibraahim Shaamoow (Cabdi dheere) ayaa sheegay in ammaanka Gobalka Shabeelaha hoose uu yahay mid wanaagsan oo aan dhibaato ka jirin xilligan sida uu sheegay isla-markaana wax dhibaato aysan ka jirin gobolka.

Wuxuu si cad  beeniyey in mar kale isbaarooyin lasoo dhigay deegaanada Buufoow,baar ismaaciil ilaa km50 ee gobolka Sh/hoose, waxaana uu shaaca ka qaaday in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah sida uu sheegayna uusan garaneyn halka laga keenay.

Sidoo kale Wuxuu sheegay in ciidanka Dowladda ka tirsan ee qoryaha ku dhexwadan jiray Afgooye laga mamnuucay inay hubka ku dhexqaataan amarna lagu siiyay inay dib ugu noqdaan xerooyinkooda.

Maal mihii ugu dambeeyay waxaa soo if baxayay warar sheegayay in isbaarooyin lagu soo cilyay wadad xiriirisa Muqdisho ilaa Marko inta u dhexeysan waxaana arintaas cabasho ka muujinayay qaar ka mid ah wadayasha gaadiidka ee isticmaala  Wadaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Taliyaha

Halkaan ka dhageyso Cabdi Ibraahim Shaamoow (Cabdi dheere)

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]