29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Dhageyso: Ra’isul Wasaare Saacid oo Muqdisho dib ugu soo labtay. Sawiro

0

Muqdisho (Caasimada online) Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya dib ugu soo laabtay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, kadib safaro uu dalka dibadiisa mudooyinka ugu maqnaa, waxaana maanta  Garoonka diyaradaha Muqdisho  maanta loogu soo dhaweeyay si heer sare ah .

So dhaweynta Ra’isul wasaare Saacid waxaa qeyb ka ahaa Xubno ka mid ah golaha wasiirada Xukuumadda iyo Baarlaaanka Soomaaliya iyo waliba Shacab weyne aad u fara badan .

Markii uu muqdisho Soo gaaray Cabdi Faarax Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayuu shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaana uu ka warbixiyay Safaradii uu ku kala bixyay Dalalka Yeman iyo Suciidiga iyo Heshiiskii Banki-ga aduunka  ee Sacuudiga ay kula saxiixdeen madaxda Banki-gaas iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Saacid, wuxuu sheegay in Bank-ga aduunka uu Soomaaliya ugu deeqay lacago Fara badan taas oo Soomaaliya dhinacyo badan  ka caawin karta sida uu sheegay .

Sidoo kale Dowlada Yeman ayuu sheegay in madaxdeeda uu kala soo hadlay arimo ay ka mid yihiin sidoo loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal .

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Ra’isul wasaaraha Soomaaliya

DHAGEYSO-RA-SIIUL-WASAARAHA-SOOMAALIYA




Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa Maanta Kismaayo ka cusub?

0

Muqdisho (Caasimada online) Maamulka KMG ah ee Jubba ee ka arimya Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maanta wuxuu faah faahin ka Bixiyay howlgalo ka soconayay magaaladaas , kuwaas oo sameyn ku yeeshay isku socodka gadiidka iyo shacabka iyo waliba isgaarsiinta magaalada.

C/lahi Sheekh Cabdi Yuusuf (Khaldaan oo ka mid ah Saraakiisha Maamulkaas oo maanta Saxaafadda kula hadlay Kismaayo ayaa qiray in Isgaarsiinta Magaalada Xarunta u ah gobolka Jubbdaha Hoose ee Kismaayo ay maanta Hawada ka saareen , waxaase uu ku micneeyay arintaas Xaqiiji dhanka amniga magaalada ah .

Wuxuu sheegay kadib baaritaano ay sameeyeen in haatan xaalku  uu yahay mid degan Amniga magaalada uu yahay mid la isku haleyn karo waxaana uu tilmaamay in Baaritaanada iyo howlgaladaas ay kaga gol leeyihiin in amniga Kisnayo uu ahaado mid la isku hubo isla-markaana ay gaareeen ujeedkaas.

C/lahi Sheekh, Ayaa shaaca ka in haatan ay hawada dib ay ugu soo celiyeen isgaarsiintii ay ka saareen , waxaana uu shaaciyay in haatan adeegyadii magaalada ay iminka ay dib ugu soo laabatay magaalada.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana siyaasiyiin badan ay qabaan in howlgalkan uu yahay mid loo baahnaa .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ballan-qaad culus: M/weyne Xasan, Sanad kadib magalada Muqdisho..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sameeyey ballanqaadkii ugu xogga badnaa uguna muhiimsanaa, tan iyo markii xilka loo doortay, muddo iminka sanad laga joogo.

Madaxweyne Xasan waxa uu wacad ku maray in adeegga caafimaad ee magaalada Muqdisho, sanadka soo socdo uu noqon doono mid la mid ah dalalka horumary.

Khudbad uu waxqabadkiisa sanadka ahaa oo uu ka hor jeediyey Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayuu arrintaas ku xusay inkasta oo uu qiray inay jiraan caqabado badan oo looga soo gudbay.

“Sanad kadib ma jiri doonto in dad xanuunsan baahi caafimaad darteed dibedaha loogu qaado. Muqdisho ayaa qof kasta uu ka heli doonaa adeeggii caafimaad ee uu u doonan lahaa dibedda” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale qiray in dowladdiisa aysan qaban wax walba oo ay dadka ka filayeen dhammaantood.

“Waa arrin cad oo aan ka sheegayo halkaan in wax badan aysan dawladeyda sameyn, laakiin waxa ku dadaali doonaa sida nabada ahayd ee la igu soo doortay inan uga tago xafiiska, waxaana isku dayi doonaa hourmar in sanadka soo socda inan gaarno” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muqdisho: Arrin in muddo ah ay dadku ka cabaneyeen oo xal loo helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa maalmihii ugu dambeeyay goobo badan oo ku yaalla la dhigay dhagxaan jidgooyo ah,kaddib markii ay soo kordheen falalka ammaanka lidka ku ah.

Goobaha dhagxaantaas la dhigay waxaa ka mid ah, waddada isku xirta KM4 iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana halkaas dhawaan ka dhacay qarax lagu weeraray ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, oo saakay soo maray waddadaas ayaa soo sheegay in waddada ay ka socoto, dhagax qaadid iyo dib u dhis.

Waxaana waddada lagu arkayaa shaqaale ajaaniib iyo Soomaali ah, kuwaasoo ku howlan dhismaha waddada, waxaana wariyaha uu lee yahay, wadadaas waxaa laga dhigayaa mid ay baabuurta u socdaan Midig iyo Bidix, waxaana laga kala barayaa dhexda.

Dad badan ayaa u heestay dhagxaanta la dhigay waddada in ay tahay mid ammaanka lagu xoojinaayo,waayo ciidamo iyo xarun ayaa halkaas laga dhisay, balse sidaas ma ahan.

Si kastaba, ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan dhagax dhigay waddadan oo ay dhiseeso dowladda Turkiga.

Dad badan oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa rajo fiican ka muujiyay in iyana la furi doono wadooyinka muhiimka ee weli xiran, waxaaana ka mid ah waddada isku xirta  KM4 iyo isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shirkii lagu qaban lahaa Kismaayo oo la diiday iyo DF oo xal raadineysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii Dowladda Somalia iyo maamulka Jubba, ayaa waxaa ka mid ahaa in shir dib u heshiisiin lagu qabto magaalada Muqdisho, waxaase shalay la sheegay in shirkaas loo wareejinayo magaalada Kismaayo, taasina waxa ay dhalisay diidmada siyaasiyiinta qaar.

Cabdi Shire oo ka mid ah siyaasiyiinta Jubbooyinka ayaa sheegay in aysan ku qanceynin in shirka dib u heshiisiinta Juboyinka loo weeciyo magaalada Kismaayo.

Sababta ayaa waxa uu ku sheegay inay ka walaacsan yihiin in hadii la tago Kismaayo ay awood u yeelan waayaan inay ka hadlaan rabitaankooda si xur ah, waxaana uu sidaasi awgeed uu soo jeediyay in Shirka lagu qabto Muqdisho.

Cabdi Shire ayaa sidoo kale sheeegay in shirka dib u heshiisiinta waxyaabaha ay geen doonaan ay ka mid tahay sharci ahaanta Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa oo uu sheegay inaysan sharciyad ku dhisneen.

Dowladda Somalia ayaa wada dadaal ay ku dooneyso inay ku qanciso siyaasiyiinta kasoo horjeeda heshiiska dowladda iyo Axmed Madoobe sidii ay ku aqbai lahaayeen dhammaan shirarka la qorsheeyey

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Soomaaliya oo dajisay qorshe hindise wayn oo mustaqbal siyaasadeed ah

0

Shirka qaranka Soomaaliya ayaa hadafyo waawayn oo mustaqbal u ah siyaasadda waddanka dajiyay, laakiinse xasiloonida iyo waddada loo qaadayo dimuuquraadiyadda ayaa ahaan doona kuwo aan sahlanayn, falanqeeyayaasha ayaa sidaas leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qabtay Shirka Hindisaha 2016″ shirkaas oo usbuucii hore lagu qabtay Hoteelka Jazeera ee Muqdisho oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 200 oo wafdi ah.

Wufuudda ayaa waxay ka hadleen shan cinwaan oo ah mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya: horumarinta dastuurka, dib u fiirinta, kormeerka iyo fulinta; qaababka federaalnimada; dawlad wanaagga iyo dib u qaabaynta; habka doorashooyinka iyo siyaasadaha xisbiyada; iyo wacyigalinta siyaasadeed, dhexgalka shacbiga, musaalaxada iyo caddaaladda.

Shirkan shanta maalmood socday oo soo gabagaboobay Jimcihii (September 6-deedii) ayaa ka hor dhacaya shirka Heshiiska Cusub ee Brussels ka dhacaya September 16-keeda.

Talo bixinta iyo ballan qaadyada Hindisaha 2016

Shrika ayaa soo gabagaboobaw iyada oo la codsaday in lagu sameeyo Guddiga Dib-u-habaynta Dastuurka iyo Fulinta muddo 60 maalmood ah, iyo samaynta Maxkamadda Dastuurka iyo in lagu sameeyo hay’ado kale oo muhiim u ah fulinta dastuurka muddo 90 maalmood gudahooda ah.

Si loo xaqiijiyo in dawladda federaalka ah ay shacabka u dhawdahay, ayaa shirku wuxuu ku baaqay in dawladdu ay ku samayso Guddiga Xuduudaha iyo Federaalnimada muddo 60 maalmood ah ayna qabato olole waxbarasho bulsho.

Si loo qaabeeyo doorashooyin xor ah oo ku salaysan mabda’a “hal qof, hal cod”, ayaa wufuuddu waxay soo jeediyeen in dawladdu ay ku magacawdo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka muddo lix bilood gudaheed ah ayna ansaxiso sharciga xisbiyada muddo sanad gudihiis ah.

Shirka ayaa wuxuu soo jeediyay samaynta dhowr hay’adood iyo guddiyo muddo sanad gudihiis ah si loo dar dargaliyo dhaqanka ammaananimada, hufnaanta iyo isla xisaabtanka dawladda dhexdeeda ah.

Shirka ayaa xoojiyay muhiimada ay leedahay in wada hadal lala galo kooxaha mucaaradka, wadahadal miro dhalana lala galo maamul goboleedyada, wadahadalka lala sii wado gobolka Somaliland, la awood siiyo oday dhaqameedyada doorkooda ah nabad ilaalinta, la sharciyeeyo sinnaanta jinsiga iyo matalaada kooxaha laga tiro badan yahay ee hay’adaha dawladda.

Shrika ayaa sidoo kale ku baaqay ku samaynta Guddiga Xaqiiqada iyo Dib-u-heshiiisiinta iyo Guddiga Dhulka iyo Milkiilanimada muddo lix bilood ah.

Tallaabo aan sahlanayn oo ay qaadday dawladda federaalka

Maxamuud ayaa go’aansaday in uu hirgaliyo qodobada shirka ka soo baxay in kasta oo ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin dhinaca dhaqalaaha ah, afhayeenka madaxwaynaha Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisoow ayaa sidaas yiri.

“Madaxwaynaha ayaa rumaysan in shacabka la siiyo fursad ay kaga qayb qaadan karaan habka go’aan qaadashada Soomaaliya,” ayuu yidhi.

Caasha Geelle Diiriye oo ahayd Wasiiradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland ayaa afhayeen u ahayd wufuudda, in kasta oo aysan Puntland matalaynin, kuwaas oo qaaddacay shirka.

Waxay sheegtay in shirku ahaa bilaw cusub ayna tusayso tayada Soomaalida, waxyaabihii ka soo baxayna waxay xal u noqon karaan arrimaha dawladda.

“Waxa muhiimka ah wuxuu ahaa in tashi la sameeyo. Aad ayaan ugu farxsanahay waxaanan rumaysnahay in ay Soomaalida isku soo dhawayn doonto,” ayay tiri.

Diiriye ayaa sheegtay muhiimadda ay leedahay fulinta shirka waxa ka soo baxay, laakiinse waxay xikmadu ku jirtaa in aan qaabkeeda lagu deg degin.

“Fulintu waa in ay dhacdaa inta ay arrintan cusub tahay oo aan la iska daynin,” ayay tidhi. “Ammaanadu waa muhiim shacabkuna waa in ay arkaan in shaqada la qabanayo.”

Wakiilka Khaaska ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay, oo shirka ka hadlay September 2-deedii ayaa sheegay in Soomaaliya ay dastuurka dib u fiiriso kadibna ay afti qaaddo iyo doorashooyin dhaca 2016 ay tahay “arrin wayn oo la fuliyo”.

“Dawladda shaqo wayn ayaa hortaala caqabaduhuna ma yara,” ayuu yidhi. Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa loo xilsaaray in ay Soomaaliya ku gaadhsiiso dimuquraadiyad sax ah muddo sadex sano gudahood ah. Tani waa masuuliyad aad u wayn. Qaramada Midoobay wax awood ah oo ay kala hadhayaan ma jirto taageerada arrintan.”

“Aad ayay ii dhiiri galiyeen talooyinkii iyo wareegtooyinkii shirka ka soo baxay ee war murtiyeedkii lagu caddeeyay,” ayuu yidhi. “Xaqiijinta arrimahaas ayaa noqon kara tallaabooyin muhiim ah oo loo qaaday hannaan siyaasadeed oo dhamaystiran oo ay Soomaalidu wadato.”

Hal qof, hal cod?

Haddii uu maamulka hadda jira awoodi waayo in uu ku hirgaliyo qodobadii shirka ka soo baxay wakhtiga uu xilligiisu dhamaanayo ee 2016, waxay wiiqi doontaa kalsoonida tayada dawladda, sida uu qabo xildhibaanka Soomaaliyeed Maxamed Cumar Dalxa.

Wuxuu ku dhaleeceeyay dawladda in ay ka gaabisay in ay wax ka qabto qodobadii shirarkii hore ee dib u qaabanynta caddaaladda iyo siyaasadaha waxbarashada, laakiinse wuxuu sheegay in baarlamaanku ay maamulka kula xisaabtami doonaan fulinta qodabadii shirka ka soo baxay.

Cusmaan Jamaac Cali oo ahaa raiisul wasaare ku xigeenkii dawladii ku meel gaadhka ahayd ee Cabdiqaasim Salaam Xasan ayaa taxadar ka muujiyay in waxyaabihii shirka ka soo baxay lagu gaadhi karo wada shaqayn wayn oo shacabka ah.

“Waa muhiim in maamulka, dadwaynaha iyo baarlamaanku ay isugu yimaadaan sidii ay waxyaabihii la soo jeediay u fulin lahaayeen,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in taageerada caalamiga ah ay iyaduna muhiim tahay.

Qodabadii shirka ka soo baxay ayaa ah tallaabo muhiim ah oo ay dawladdu waddanka ku xasilin karto ayna ku abuuri karto nidaam kala dambayn ah, ayuu yidhi Cabdi Caynte oo ah madaxa hay’addaMachadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadaha ee xarunteedu Muqdisho tahay. Si kastaba ha ahaatee, doorashooyin waddanka oo dhan ah oo ka dhaca 2016 ayaa kalsooni xad dhaaf ah, ayuu sheegay.

“Fulinta qodabadii shirka ka soo baxay ayaa runtii noqonaya aasaaska kalsoonida shacabka ee dawladda,” ayuu yidhi.

“Way fiican tahay in la beegsado 2016, laakiinse ma aha in hadaf waajib ah laga dhigo,” Caynte ayaa yidhi. “Dhisitaanka aasaaska hay’adaha qaranka ayaa ka muhiimsan in doorashooyin la qabto. Markii la qiimeeyo sida ay hadda wax u socdaan, uma muuqato in doorashooyin guud ay qabsoomi karaan 2016.”

Diiriye ayaa sheegtay in wufuuddu ay sidoo kale doonayaan qorshe baddal ah haddii doorashooyinka tooska ah aysan suura galin.

“Haddii aan doorashooyinka la qabanin 2016, waxaa muhiim ah in la raadiyo khiyaar kale oo la qaato oo baddal ka noqda qorshihii hal qof hal cod,” ayay tidhi.

 Isha: Sabahi Online

FAALLO: Puntland la tag beey baratay ka dhigistu waa ku ceeb

0

Cali Sugule Dun-carbeed waxaa uu curiyay, “Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhawraay. Wax ka dhigan gobonimada qabiil dhex gashay kala dhowraay”!

Maah-maahdii Soomaliyeed ayaa dhaheeysa “Libaax La tag bartay, Ka dhig Waa ku Ceeb” waxaa taasi daliil u ah markii dowlad rasmi ah la xaqiijiyay in aay dalka Somalia ka dhalatay ayeey weli waxeey raadinayaan Puntland sadbuursi iyo siyaasad in eey reer Faroole is tuseen in haddii sadbuursi aayan helin aayan ka mid noqon dowlada federaalka,hadaba Akhristow bal dib u milicso taariikhada muragada badan ee aay dowladihii ku meelgaarka la soo mareen Puntland.

Caqabadaha Somalida la istaagi weeyday ee ka hor-yimid dowladahii ku meelgaarka ahaa waxaa lagu macneeyn karaa in aay ugu weeyneed mida kaga timid Puntland dib u xusuuso may 22, 2006 Maamul Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada ee Gen. Cadde Muuse ku sheegay in ay kalsoonida kala noqdeen r/wasaaraha DKF Somaliya, Pof. Cali Maxamed Gedi, kadib markii r/wasaaraha ku baaqay in Puntland ay joojiso shidaalka ay doonayso inay ka soo saarto gobolada dalka Somalia.

Sida oo kale r/waasaarahii xigay oo ahaa Nuur Cadde wax xiriir kama dhaxeeyn dowlada dhexe iyo Puntland,markii Sheekh Shariif uu ku soo biiray seexada siyaasada noqdayne madaxweeynaha dowlada midnimada qaranka waxaa uu soo magacaabo Cumar c/rashiid kaas oo suura geliyay heshiis sadbuursi ahaa oo uu la galay maamulka Puntland kaas oo looga magacdaray heshiiskii Galkacayo walow mardanbe la ogaaday xaqdarada iyo sadbuursiga ka muuqda heshiiskaa,waxaa xigay r/wasaare Maxed C/aahi Farmaajo oo runtii ahaa nin u muuqday in uu kalsoonida ka heli karo dhamaan umada Somali,waxaa diiday Faroole kuna tilmaamay in uu yahay Farmaajo nin aanan matalin reer Puntland lana jaanqaadi Karin siyaasada Puntland.

Faroole waxaa uu u qalab qaatay sidii uu maruun wax uga bedelilahaa siyaasada keentay in r/waasaare uu noqdo Farmaajo xaqiiqdiina waa uu ku guuleeystay markii uu u maray Mahiga,Sh.Xassan iyo Caalin halkaasna waxaa Shariif uu ku cabay tahliishii Puntland mar labaadna uu u soo magacaabay C/weli oo ahaa nin reer Puntland ah siyaasadii C/aahi Yusufna ku taageeri jiray soo gelintaankii cidamada Ethiopia iyo xasuuqii aay ka geeysteen dhulka Somali gaar ahaan koonfurta Somalia sida Muqdisho,Bay,Kismayo iyo gobolada dhexe,C/weli waxaa uu suurageliyay Garowe 1 & 2 iyo heshiiskii Gaalkacayo,waxaana uu u horseeday umada Somalia sadbuursi iyo cadaalad daro xoog leh,waxaa xaqiiq ah in Sheekh Shariif uu ahaa nin aragtidiisa ku soo koobay madaxweyne mar-uun igu celiya balse waxaa uu ka qoomameeyay markii Faroole si cad idaacadaha uga dhahay C/weli waa wiilkeena anagaana keenay Farmaajana anaga ayaa erinay,C/weli waxaa uu ku soo kordhiyay seexada siyaasada Somalia in Faroole iyo C/weli ka mid noqdaan 6 da saxiixayaasha Alow sahar Umuuraha.

Gobolwalbaa waxaa uu ilaaheey ku maneeystay qeeyraad dabiici ah,waxaa la og yahay in Muqdisho aay leedahay ilo dhaqaale sida Dekeda iyo Airporka oo xaqiiqdii laga helo daqliga ugu badan ee dowlada dhexe ku shaqeeyso,hadaba akhristow ma ogtahay in Muqdisho dhaqaalaha ka soo baxaa Dekeda iyo Ariporka looga qoondeeyay oo kaliya 15 % in lagu horumariyo caasimadii dalka ee Muqdisho,85% dhaqaalaha ka soo baxaa kaabaha dhaqaale ee Muqdisho waxaa qaadata dowlada dhexe xiligii C/weli iyada oo la ogyahay in dhaqaalahaa badankiisa aay maamulaan kuwa aanan marna ehel u heeyn,dowlada dhaxe gobol kale oo aay wax ka soo galaan ma jiro sida la ogyahay,sow xaqdaro maaha in mushaar looga dhigo kuwa ka yimid gobolo leh qeeyraad la mid ah mida Muqdisho ??

Dekedaha iyo Airpoyada Bosaaso iyo mida Barbara daqliga ka soo gala waxaa lagu hormariyaa Puntland iyo Somaliland sow lama dhihi karo Muqdisho waxaa aay noqotay meel loo soo shaqo doonto halka dadkii u dhashay aay ka qatan yihiin qeeyraadkoodii ilaah ku maneeystay,Faroole iyo reer Puntland ma arkaan in xildhibaanada ka soo jeeda Puntland iyo kuwa wasiirada ka ah dowlada federaalka ee ka yimid Puntland xoolaha la siiyaa lagu siiyo magaca Somali iyo in Somali aay isku soo noqoto si midnimada iyo wadajirka Somali loo xaqiijiyo,waxaan talo ku soo jeedin lahaa Proff.Xassan in uu si aanan gabasho laheeyn uu ugu wargeliyo maamulka Puntland cida ka kaga jirta dowlada federaalka kana midka ah xildhibaanada iyo wasiirada ka soo jeeda Puntland in aay cadeeyaan muujiyaane in aay masuul ka yihiin shacabka Puntalnd waxa Faroole iyo kuwa kheeyrkiisa ah ee hadlayana aayan awood u laheeyn in aay qaataan goáanka masiirka Puntland iyo xiriirka dowlada federaalka,haddii kale fadlan xildhibaanada Puntland iyo kuwa wasiirada ka ah dowlada federaalka waa in aay dib ugu noqdaan goboladii aay ka yimaadeen waxaa wax laga xishooda ah in nin wasiirada ku sheega Puntland in uu afkooda bartay in aay dhahaan marwalba dowlada Muqdisho sidii oo eey tahay in dowlada Muqdisho oo kaliya laga leeyahay,akhlaaqda waa suurada guda shaqsiga tiisa xun ama tan wanaagsan,hadaba Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta Puntland Axmed sheekh Jaamac akhlaaqdiisa sow ma noqon midii Faroole oo kale,xil in la qabtaa waa sahal laakiin in khuluq wanaagsan la yeeshaa ayaa xilka kula fulin kara,

Nin lagu seexdow ha seexan Xil baa sidaay Ha seexan Ha seexan Ha seexan Ha seexan Soo jeedo .si weeyn u foojignoow.

Dr.Ali.A.Hirabe

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

VIDEO: Barnaamij muuqaal ah oo xiiso Badan “Kusoo dhowow Muqdisho”

0

Caasimada Online:  Barnaamij Qiimo badan oo qof walba oo ah Muwaadin Soomaaliyeed dhiira gelin u sameynaya ayaa ka soconaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kaas oo hal laqabsi u ah Welcome to Mogadishu.

Madax Qaran ayaa ka hadlaya aragtida horumarka u lee yahay bulshada iyo Wadanka waxaadna dareemeysaa in loo baahan yahay Muwaadin kasta in uu kaco uu dalkiisa ka qeyb galo horumarka ka soconaya Wadanka gudahiisa.

Banraamijkaan waxaa looga hadlayaa arimo fara badan oo ku saabsan horumarka dalka iyo isticmaalka tognoolajiyada casriga cusub ee caalamku isticmaalo.

HALKAAN KA DAAWO:

Arag Sawirrada: Madaxweyne Xasan oo xalay gaaray Magaalada Dubai

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin, Wasiiradda Arriimaha Dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Xaaji Aadan Xildhibaano  Baarlmaanka Soomaaliya ka tirsan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya  iyo masuuliyiin kale  ayaa xalay gaaray magaaladda  Dubai ee  Isutaga Imaaraadka Carabta.

Garoonka  Diyaaaradaha ee  Mataarka Boqortooyada  ayaa waxaa ku soo dhoweeyey, Wasiirka Waxbarashadda  Federaalka Dowladda Imaraadka Carabta Xumeyd Al Khadhaami , safiirka Soomalaiya u fadhiya  Imaaradaka Carabta  Cabdulqaadir Sheekheey Alxaatimi iyo masuuliyiin kale.

Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka shirka ka hortagga burcadbadeeda iyadoo sanadkaan looga hadlayo mawduuca ah “Ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha  awood ka hortagta “Countering Maritime Piracy: Continued Efforts for Regional Capacity Buiding”.

Ugu dambeyntii Shirkan ayaa waxaa sanad walba soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana kasoo qeybgalaya dawladaha daneeya ka hortagga burcadbadeedka, khubaro ku xeel dheer iyo shirkadaha ka ganacsada gacanka iyo badweynta Hindiya

dub1dub2dub3dub4dub5dub6

Nairobi: Shiweyne muhiim ah oo looga hadlaayo Tallaabada Barclays

0

Nairobi(Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online, ee magaalada Nairobi, waxaa maanta oo Arbaca ah, lagu wadaa in halkaas uu ka dhaco shirweyne looga hadlaayo tallaabada uu qaaday bangiga Barcalys ee dalka Ingiriiska, kaasoo sheegay in uu xiraayo dhammaan xiisaabaadka xawaaladaha Soomaalida.

Wariyaha ayaa soo sheegay in shirkan ay ka soo qaybgali doonaan dhammaan safiirada caalamiga u fadhiya Nairobi, sida Britain, USA, diplomaasiyiin iyo hey’addo dhawaan ka digay arrintaas oo ay ku jirto Oxform.

Wariyaheena Nairobi, ayaa sidoo kale soo sheegaya in shirkan looga hadli doono siddii waddamada caalamka iyo hey’addaha gargaarka ay kaalin uga qaadan lahaayeen in uu ka laabto go’aanka bangiga Barclays.

Si kastaba, bangiga ayaa sheegay dhawaan in ilaa bishan loo qabtay xawaaladaha Soomaalida, wixii ka dambeeyana la xiri doono.

Tallaabada bangiga Barclays waxaa hubaal ah in ay saameen ku yeelan doonto Soomaali badan oo ku nool dalkii hooyo kuwaasoo ku tiirsanaa dhaqaalaha ka soo gala eheladooda iyo asxaabtooda ku nool Ingiriiska.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

Howlgalo ballaaran oo laga sameeyay Baladweyne (Faah-Faahin)

0

Baladweyne (Caasimada Online) Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiran, waxaa xaley ka dhacay howlgalo ballaaran, kuwaasoo lagu soo qab-qabtay dad aad u badan iyo hub la sheegay in magaalada laga soo helay.

Wariye ku sugan Baladweyne oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in howgalada ay sameenayeen ciidamo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu tabbabar ugu soo xiray xerada Gaaska shannaad ee Lama-galaay ee Baladweyne.

Cali Dhuux Mahad Alle oo ah taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Baladweyne ayaa Idaacad ku taalla magaalada u sheegay in howlgalkii xaley lagu soo qabtay dad badan iyo hub, wuxuuna sheegay in maanta duhurkii ay saxaafadda uga warbixin doonaan howlgalkii xaley.

Dadka ku dhaqan Baladweyne ,ayaa sheegay in howlgaladii xaley si weyn looga dareemay magaalada, waxaana meel kasta lagu arkayay ciidamo gaaf-wareegayay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee howgaladan laga sameeyo Baladweyne, balse waa markii ugu horeysay oo ciidamo la soo tabbabaray ay howlgalo lagu xoojinaayo ammaanka ka sameeyaan magaalada.

Xaaladda magaalada Baladweyne ayaa saakay deggan, waxaana caadi ah isku socodka dadka iyo gawaarida iyadoona goobaha waxbarashada iyo ganacsiga ay furan yihiin

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baladweyne

Bandow caawa saaran KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay, wuxuu sheegayaa in caawa bandow lagu soo rogay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegaya in magaalada caawa ay bandow tahay isla markaana ciidamo fara badan lagu soo daaddiyay.

Magaalada waxaa lagu arkayaa oo gaafwareegaya, waxaana dadka lagu amray in xaafadahooda iyo guryahooda ku sugnaadaan illaa iyo berri.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta keentay in caawa bandow lagu soo rogo magaala xeebeedka Kismaayo, balse saraakiisha ciidamada maamulka KMG ee Jubba oo ka hadlay Radio Kismaayo ku hadasha afka maamulka ayaa shacabka ku nool Kismaayo ugu baaqay inay u hogaansamaan amarka bandowga ah ee ka soo baxay maamulka ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Sawirro & Codad: DF, Axmed Madoobe iyo xubno ku shiray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa galabta ka dhacay kulan ballaaran, oo looga hadlaayay heshiiskii dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe ku gaareen magaalada Addis Ababa.

Kulanka, waxaa joogay, Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe, ku-xigeenkiisa Gen Ismaacil Cabdulaahi Fartaag, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Xildhibaanno iyo taageerayaasha Axmed Madoobe.

Kulanka waxaa ugu horeyn ka hadlay Gen Fartaag, kaasoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yihiin booqashada ay ku joogaan Muqdisho, wuxuu kaloo sheegay in dhammaan wixii khilaaf ah oo ka jiray Jubbooyinka iyo Gedo in heshiis laga gaaray.

Wuxuu ballan qaaday Fartaag in maamulka kumeel gaarka ee Jubba lagu soo dari doonaa dhinacyada ka soo horjeeda.

Intaas kaddib waxaa hadalka lagu wareejiyay Axmed Madoobe, kaasoo sheegay in shirka maanta ka dhacay Muqdisho, mid la mid lagu qaban doono Kismaayo.

“Sida aan shirkan maanta uga soo qaybgalnay ayaan ballan qaadeenaa shir kale oo ka dhacaya gurigeena” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu Axmed Madoobe in maalmihii uu joogay Muqdisho uu la kulmay dhammaan wax-garadka iyo odayaasha ka soo jeeda Jubbooyinka iyo Gedo.

Ugu dambeen waxaa goobta ka hadlay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdulaahi Cilmooge Xirsi, kaasoo sheegay in uu soo dhaweenaayo heshiiska ay gaareen Maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay ka tanaasuleen qoddobo ay  isku hayeen intii shirka uu socday, wuxuu kaloo sheegay in dhowrkii cisho ee uu Axmed Madoobe joogay Muqdisho uu la kulamay qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka.

Halka ka dhageyso hadalladii Axmed Madoobe, Fartaag iyo Ciil Mooge

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

OLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERA

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasho C/lle oo dhaliishay DF Xasan Sheekh Maxamuud (Maxay sheegtay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) Caasho Axmed Cabdalla, oo horey xilal uga soo qabatay dowladihii kumeel gaarka ee dalka soo maray, ayaa ka hadashay wax yaabaha u qabsoomay madaxweynaha Soomaaliya iyo wax yaabaha uu ku guuldareestay muddada sannadkii ay jirtay.

Waxa ay sheegtay madaxweynaha sidii hamuun loogu qabay markii la doortay sannadkii hore iyo sida ay wax noqdeen in ay kala dheertahay, waxaa kaloo ay tiri dadka shacabka dowladda waa ay ka niyad jabeen.

“Ammaanka magaalada Muqdisho maanta faraha ayuu ka baxay, cid isku aamni karta ma lahan Muqdisho idinkana waa ogtihiin,sidan ma ahan dowlad xumo, ee waayo dowladnimadu waa khibrad iyo daacad mid loola yimaado, dadkii hayay ammaanka ayaa la badalay,  kuwii cusbaa ayaa iyana la badalay, xafiisyada dowladda waxaa ka shaqeeyaa dhallinyaro aan aqoon u lahayn wax yaabaha socda.” ayey tiri Caasho Cabdalla.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Caasho in mushaarka aan la siin ciidamada dowladda ama la siinaayo 100 dollar, taasoo aan wax badan u tareynin askariga reer iyo carruur u joogta.

Madaxweynaha waxa ay ku eedeesay in 8-dii bilood ee sannadka uu ka bixi waayay diyaarad qaadasho iyo safar dibedda ah, halkii looga baahnaa ayey tirin in uu dalka wax ka qabto maadama uu isaga wax badan xog ogaal uu ahaa muddadii burburka oo uu dalka joogay.

Ugu dambeen, waxa ay Caasho Caballe sheetay in dowladda Xasan Sheekh ay wax ka badashay dastuurka isla markaana madaxweynaha uu qabto shaqada ra’iisal wasaaraha.

Arrintaas waa mid ka fog dowladnimada ayey tiri.

Hadalka Caasho Cabdalla, ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta oo kale sannadkii hore la doortay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha wuxuu lee yahay wax badan ayaan qabtay muddada sannadka, balse kuwa kale oo aan noo hirgalin waa ay jiraan waxaana aan dhammen doonaa sannadka na soo aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Dhageyso: Xasan Sh. oo ka warbixiyay Waxyaabihii u qabsoomay DF sanadkii tagay, adigana ka dhiibo fikirkaaga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qudbad ka jeediyay munaasabada furitaanka kalafadhigii 3AAD ee Golaha Shacabke ee Federaalka Soomaaliya.

“Barlamaanka wuxuu qabtay howlo  farabadan oo ay ka mid yihiin ansixinta xukumadda, maaliyadda, iyo dib u eegista dastuurka. Shacabkuna wuu ku farax sanyahay shaqada aad heysaan.”  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“ Hadafkeenu waa in aan dalka gaarsiino doorasho xor ah oo qof walba codkiisa dhiibto Insha Allah waan gaarsiin doonaa

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Barlamaanka iyo gudiyadiisu ay ka warhayaan xukumadda lana xisaabtamaan. Waxaa uu tusale u soo qaatay in ay horay Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiiro ay Barlamaanka hortiisa ka war bixiyeen.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kale uu sheegay in horumar farabadan la gaaray waqtigii yaraa oo ay ka mid yihiin maamulka maaliyadda iyo dib u habeynta ku socoto hey’adaha amniga oo hada ay masuuliyad iska saartay in ay dolwadda ku tababarto dalka gudahiisa islamaarkaasna ay siiso mushaar iyo qalab ay dowladda keentay.

“ Mashaariic lagu dhisayo wadooyinka dalka iyo xarumaha bulshada ayaa goor dhaw noo bilaaban doono.” Ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa wuxuu kula dar-daarmay Baralamaanka in ay ka sheeqeyaan wanaaga iyo horumarka dalka.

Halkaan ka dhegyso Hoose ka dhageyso codka Madaxweynaha Soomaaliya

Halkaan ka dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya

Haddaba akhristayaasha sharrafta leh ee xiran Shabakadda Caasimada Online, waxaan weydiineynaa .

1-Maxaa sannad kaddib madaxweyne Xasan Sheekh dowladiisa u qabsoomay?

2- Maxaa dhaliil ah oo ay lee dahay?

3-Maxaa ammaan ah oo loo hayaa.

4- Maxaa qalad ah oo ay sameesay?

Jawaabtaada iyadoo asluubeesan ku qor qeybta hoose ee aragtida adiga oo isticmaalaya facebook-gaaga. Mahadsanid

FG: Ogow haddii aad caytanto waan tiri doonnaa.Mahadsanid

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Wiil yar oo Somali ah oo Su’aal cajiib weydiiyay Sheekh

0

Caasimada Online:  Wiil yar oo Soomaaliyeed oo ka mid ah caruurta ku dhashay qurbaha ayaa Su’aal cajiib ah  weydiiyay Sheekh Ilyaas Cali Nuur oo fadhiyay mid ka mid ah TV-yada Soomaalida, su’aashaasi oo ku adkaatay in uu ugu jawaabo wiilka yar ee Illaahey caqliga iyo maskaxda ku maneystay.

Wiilkaan ayaa si adag oo murti ay ku dheehan tahay u weydiiyay Su’aal aan dad badan oo Soomaaliyeed isweydiin, taasoo ku saabsan Kaalinta Aabaha iyo waajibaadka saaran.

HALKAAN KA DAAWO:

Sawirro: Hibo Nuura oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey + Cabdi Tahliil oo ku..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta magaalada Muqdisho Waxaa soo gaaray Fanaanada Caanka ah ee Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuura) iyadoona maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Fanaanada Garoonka diyaradha Magaalada Muqdisho.

Waxaa Soo dhaweynta fanaanada ka qeyb qaatay Xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir iyo qaar kamid ah abwaanada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Maxamed Yuusuf Cismaan, Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in tani ay muujinayso amniga caasimada oo sahlaya dib ugu soo noqoshada dalka Soomaaliya fanaaniinta,maadaama dalka horumaro kala duwan uu gaaray.

Hiba Nuura oo dhankeeda Saxaafadda la hadashay waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay imaatinkeeda Magaalada Muqdisho,shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqday in mar un la heshiiyo si Soomaali ay uga faa’iideesato kheyraadka dalkeeda dhexyaala.

Inkastoo Hibo Nuuro Maanta Muqdisho lagu soo dhaweeyay Sidasi si lamid ahna Muqdisho soo dhaweyn loogu Sameeyay fanaaniin badan oo qurbo joog ah aya hadana waxaa Waxaa xusid mudan in,uu ku xanuunsanayo fanaanka weyn Cabdi Tahliil Warsame oo aysan jirin cid Dowladda ka tirsan oo ka warqabta xaaladiisa.

Cabdi Tahliil Warsame ayaa ah fanaan Qiimo weyn ugu fadhiyo Bulshada Soomaaliyeed sida dad badan ay qabaan waxaana lagu xasuustaa heeso badan oo qiiro gelinaya shacabka Soomaaliyeed, hayeeshee iminka wuxuu ku aruuray sariir oo uu ku xanuunsanayo,isaga oo aan haysan daryeel caafimaad iyo qarash uu isku dabiibo.

Sawirrada

hibo 1hibo 2hibo 3hibo 4hibo 5

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho