29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Xog: Axmed Madobe oo la kulmay qaar ka mid ah madaxweyanayaasha J/Land ee is-magacaabay + Magacyadooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) Illo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa noo sheegay in Axmed Madoobe hoggaamiyaha ku-meel gaarka maamulka Jubba in uu magaalada Muqdisho kula kulmay rag isku magacaabay madaxweynayaasha maamulka Jubbland oo ka soo heeda .

Dadka aan xogtan ka soo xiganay ayaa leh,  waxaa tan iyo shaley magaalada Muqdisho ka socday kulamo ay garwadeen ka tahay dowladda oo lagu kulan siinaayo Axmed Madoobe iyo ragga ka soo jeeda oo hadda inta badan ku sugan caasimada.

Axmed Madoobe dadka uu la kulmay waxaa ka mid ah Cumar Buraale iyo Iftiin Xasan Baato, kuwaasoo horey isku magacaabay in ay yihiin madaxweynayaasha maamulka Jubbaland.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha kulankaas looga hadlay balse waxaa loo badinayaa in looga hadlay siddii la isugu soo dhaween lahaa dhinacyada isku haya Kismaayo, loogana qaybgali lahaa maamulka kumeel gaarka ee madaxda u yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Si kastaba, kulanka ayaa ku soo beegmay iyadoo labo cisho ka hor kulan ay ku yeesheen Muqdisho, rag uu ka mid yahay Barre Aadan Shirre Hiiraale, ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin aqoonsiga dowladda ay siisay garab ka mid ah dhinacyada isku haya Kismaayo.

Raggan waxa ay ka digeen dagaal sokeeye oo ka dhaca Kismaayo iyo guud ahaan gobalada Jubbooyinka iyo Gedo haddii aan dowladda si caddaalad ah u maareen xiisadda Jubbooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoobe, waxaa hadda looga fadhiyaa in uu soo dhammeestiro maamulka kumeel gaarka ee Jubba, kaasoo yeelan doona seddax guddoomiyaal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DF oo mas’uuliyiin sare isugu dartay xil ka qaadis & xabsi (Aqri magacyada)

0

Muqdisho (Caasimada online) General: C/naasir Maxamuud oo ka mid ah sarakiisha ciidamdii dowladii dhexe ee dalka ayaa wuxuu ka hadlay warar sheegayain xabsiga loo taxaaabay General Garaad, taliyihii ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Sidoo kale Abuukar Cali Axmed oo loo yaqaan Xaan kaadheefaa Hogaanka howlgalinta Booliska .

Xarigga Saraakiishan oo sida la sheega kadambeysay kadib markii habeeno ka hor Muqdisho ay ka dheceen falal qaraxyo ah ,waxana saraakiishan lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo inay wax kaqaban waayeeen howshii loo idmaday, sidaasi darteedna xabsiga loo dhigay .

General C/naasir, wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku fududaatay Xarigga Saraakiishan oo uu tilmaamay inay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa ee soo mara Ciidamada dowlada Soomaaliya Gaar ahaan kuwa Booliska , waxaana uu dowlada Soomaaliya ka dalbaday inay dib uga laabato.

Wuxuu sheegay in Amni darada Gudaha dalka ay si toos ah u quseyso wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya gaar ahaan wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya , waxaana uu shaaca kaqaaday howsha Ciidanimo aysan aheyn mid Gaar ah balse ay Tahay mid guud sida uu sheegay .

Saraakiisha Xilka laga qaaday Xabsigana la dhigay ee Hogaanka howlgalinta iyo Taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayuu sheegay inay yihiin inta uu ka garanayo kuwii ugu haboonee ee howshaas loo idmado , waxaana uu intaasi ku daray inaan loo baahneyn arin hal habeen dhacday inaaan saraakiil howshooda daacad u ah sida uu hadalka u dhigay aan looqag qaadin.

Generalku, wuxuu soo bandhigay Su’aal ah waxa xilligan keenay Xilka qaadistan isagoo sheegay in ay hore Falal ceynkani ah ay Muqdisho kaga dheceen balse aan xilka la isaga qaadin waxaana uu soo bandhigay waxa saraakiishan xilka looga qaaday balse kuwii ka horeeyayaan looga qaadin.

General Garaad Taliyaha Booliska gobolka Banaadir iyo Generaal Xaankaa dheefaa ayaa iminka sida la tilmaamayo waxay Muqdisho ugu xiran qaab xabsi guri ah Sida wararka aan ku heleyno walina ma jirto Mas’uul Saraakiisha ciidamada dowlada Ama Mas’uuliyiinta dowlada Soomaaaliya ah oo arintan ka hadlay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Beesha Habar-Gidir: Waxaa la qaaday Isbaarooyinka Beel gaar ah kaliya

0

Marko (Caasimada online) Maalmahan waxaa wadad xiriirisa Muqdsho iyo Marko ka soconayay olole lagu doonayo in looga sifeeyo wadadaasi jidgooyinka faraha badan ee halkaasi yaal, waxaana arintan ay qeyb ka aheyd heshees beelo dhawaan gobolka ku dagaalamay ay wada gaareen .

Inkastoo ay arintan ay jirto Isbaarooyin dhowr ahna la qaaday aya hadana waxa jirta cabasho ay muujinyaan qaar ka mid ah Waxgaradka beel ka mid ah Beelihii gobolkaas ku dagaalamay taas oo ku aadan in sidii loo baahna aan arinta loo abaarin balse wax is daba marin ay jirto.

Imaam C/laahi Khaliif , wuxuu ka mid yahay nabadoona Beesha habar Gidir wuxuu sheegay in wali ay jiraan Isbaarooyin badan oo gobolka yaala taas oo sida uu sheegay muujinaysa in uu jiro gaabis dhanka dowlada ah.

Wuxuu sheegay in lagu heshiiyay in la qaado guud ahan isbaarooyinka gobolka laakiin taas ay iminka muquun in wax laga qabtay , isagoo sheegay in qolo gaar ah uun laga qaaday jidgooyooyinkii wadadaasi yaalay.

Beesha BiyoMaaal ayuu sheegay inay tahay beel nabadda jecel balse ay ku jiraan Maleeshiyaad aan dooneyn in laga dhabeeyo go’aanka labada beel kasoo baxay iyo in la qaado Isbaarooyinka gobolka yaala.

Wuxuu sheegay in meelo ay ka mid thay marko laga qaaday Balse aan laga qaadin deegaano ay ka mid yahay Deegaanka Lambar 50 iyo walba ceel wareegoow taasna ay muujineyso wali gaabis uu jiro.

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay inay iyadu balan qaaday inay Ciidamo geyneyo goobaha laga qaado Ciidamada Jidgooyooyinka ay u yaalan Shabeelaha Hoose balse wali dhanka dowlada ay wax ka harsan yihiin isagooa ugu baaqay inay ka dhageyso balankii ahaa in Isbaarooyinka gobolka lagu bado baro koontarool o ay ciidamada Dowladu leeyihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Marko

[email protected]

Geerida Sheekh in ka badan 10 milyan oo qof ay gacantiisa kusoo muslimeen

0

Salaamu alaykum walaalaha kuxiran websitekan qeymaha badan.Waxa sharaf ii ah inaan idinla wadaago taariikh noolaleed (kooban) oon kaga warami doono daacigii caanka (Allaha u naxariistee) Dr. Sheekh Cabduraxman Assumayt  oo loo yaqaanay daaciga Africa!

Walaalayaal geeradu waa jid na wada sugaya, hasa ahaatee  dadku waxay ku kala duwanyihiin saameynta ay dunida kaga tagaan.

Dadka wax qabad iyo khayr ka tago waxaa la tabaa marka ay geeriyoodaan oo ay ugoontoobaan ummad kale oo aan caruurtooda iyo eheledooda aheyn! Xaalada Sheekh Cabduraxman waxaan filaya inay Qaarada Africa oo dhan ubaroor diiqday.

Sheekh Cabduraxman 1947-2013, 66 sano, wuxuu udhashay wadanka  Kuwait, haseyeeshe noolashiisa kala bar  wuxuu kuqaatay Africa oo aheyd deegaankiisa si uu ugaaro mashruuciisa “Sidii Africa looga dhigi lahaa muslim 100%”  taas oo kahor imaanayso mashruuca  gaalada udajisay Qaarada 50 sano ka hor “in dadka kusugan Qaaradaas gabi ahaanba noqdaan kirishtan sananada 2000”

Waxbarasho ahaan Dr. Cabduraxman wuxuu kasoo baxay kulliyada caafimaadka ee magaalada Baghdad, kadib waxaa loo direy wadamada England, USA, Canada si uu usoo qaato takhasus- cudurrada gudaha iyo meelaha kulul.

Dr. Sh. Cabduraxman,goor uu isu diyaarinaayo siduu ugu noqon lahaa Kuwait oo markaas aad looga sugaayey dowlad iyo qoys ahaan intaba- ayaa waxaa hor istaagay xaaskiisa Ummu Suhayl oo markaas ulaheyd hal wiil “Umaleyn maayo inay shaqadaada dhabta ah tahay dhakhtarnimo. Waa inaan aadna wadama East Asia oo aan dadka tabaalaysan wax utarnaa”.

Waxaan filaya inay soo jeedisay talo aysan kuraaci laheyn gabar kale oo xiligaas kunooleyd Kuwait oo guursatay Diktoor sidiisa oo kale oo aad loogu hanweyn yahay inuu kadhex muuqdo dhakhaatiirka.

“Waxaan ahaa qof lamuragooda xaalada musliminta markan ardayga ahaa. Marar badan ayaan dhulka seexan jirey oo aan cuntada dhimi jiray si aan ugula qeyb qaato walaalahayga muslimiinta, gaar ahaan sawiro aad uliita oo laga soo qaaday Muslimiinta Bangladesh”

Dr. Cabduraxman wuxuu go’aansaday inuu ku dhaqaaqo mashruuca ay xaaskiisa usoo jeedisay laakinse waxa ku adkaatay meeshii uu kabilaabi lahaa, isagoo weliba kala kulmay mucaarado xoogan cidkasta oo kala sheekeysta barnaamijkiisa. Malaha aniga lafteyda kulama taliyeen inuu Africo aado maalintaas!

“Maalintii dambe anigoo quus taagan ayaa waxaa ii timid haweeney doonayso inay masjid kadhisto Africa! Aniga iyo rag kale ayaa israacnay, waana markii iigu horaysay ee aan tago Qaaradaas!”

Dr. Sumayt, waxaa uu kusoo arkay halkaas waa tan kudhalisay inuu kunagaado 30 sano in kabadan!

“Waxaan tagnay wadamo ay imaamyadu faataxada sixikarin, balse imaamyada(qaar)ka sinaystaan gabdhaha ay Qur’aanka udhigaan masjidka dhexdiisa! Waxaan soo aragnay wadan ay muslimiinta ahaayeen bilowga qarniga 20aad 66%  haseyeeshe sanadkii 1980 kusoo haray 16% oo aan kujirin qof jaamacad kasoo qalin jabiyey, taas oo keentey in loogu magac daro ‘dadkii  diinta dib udhaca

Sheekh Cabduraxman wuxuu tagay Qaarad ay kusugantahay 800 milyan oo qof oo ay ka socoto gaalaysiin aad u baaxad wayn, ayadoo loogu soo dugaalayay  xaalada dhaqaale ee ay ku suganyihiin!

Mar uu ka hadlayey caqabaadka iyo loolanka kataagan Qaarada wuxuu yiri: “Africa waxaa kusugan 7.5 milyan qof oo faafinaya diinta gaalada ayagoo isticmaalayo lacag aan caadi aheyn. Warbixin lasoo saaray 2009 lacagaha ay kaniisada aruurisay sanadkaas $ 410 bilyan oo dolar, maalintii wax ka badan bilyan oo doolar  oo dadka lagu gaalaysiinayo, waana tankeentey inay isdhinto tirada muslmiinta Qaarada oo islaamku xilihore gaaray. Intaas waxaa dheer hay’adaha shiicada oo ayagana caqaba ku ah muslimiinta Qaarada”

Dr. Cabdurahman wuxuu aas aasay hay’ad layirahdo  African Muslims’ oo markii danbi loo bixiyey ‘Cawn Al-mubaashar’ oo xafiisyo kuleh dhamaan wadamada Africa, waxayna kamid tahay sababaha keentey inay najaxaan dadaaladiisii   uu ka waday Africa.

Waxbaqadka sheekha  oo kooban:

1.    In kabadan 10 milyan oo qof  oo diinta soo galay 30 gudahood.  Ha la yaabin numberka intaas la’eg waayo habka  uu sheekhu isticmaalo iyo deeganada uu ka shaqeeya ayaa ka duwan qaabka dacwada meelo badan looga wado.

Diktoorku wuxuu yoolka saaray qabaa’ilka ugaasyadooda  iyo dadka raadka iyo saamaynta  kuleh bulshada, waana habkii  uu nabigia SAW isticmaali jirey.

Aniga lafteyda mar aan joogay Africa,hal muxaadaro oo soo jeediyey wadaad meel fagaara ah, ayaa waxaan xusuustaa in ay  saf soo galeen  in kabadan 300 oo qof  shahaadadana  loo qabtay!

2.   Waxaa ladhisay in kabadan 5500 oo masjid weyn iyo mowlac yar; waxaa laqeybiyey in kabadan 7,000,000 oo Qur’an oo isugu jiro luuqadaha guud ahaan looga hadlo Africa; dhismaha  840 goob waxbarasho oo ay dhigtaan 500,000 arday, kuwaas qaar kamid ah kasoo qalin jibiyeen dhinacyada   kala duwan ee cilmiga.  Dhanka ladagaalanka biyo la’aanta, waxay laqoday  12,000 oo ceel, taas oo badbaadisay noolasha malaayiin Muslimiin ah.  Dhismaha 90 gooba caafimaad oo isugu jira dhakhtar weyn iyo daryeel caafimaad. Dhanka warbaahin, 10  idaacadood oo ku kala baxdo luuqada kala gadisan oo khayrka kufaafiyo dhulal kala fog.

Sheekhu wuxuu kafaalo qaaday 50,000  agoon ah, kuwaas oo  qaar kamid ah ay manta ducaad, dhakhaatiir iyo wasiirro ka yihiin wadama badan oo Africa ka mid ah, oo ay dhacday in marar badan meelo ay dan ka gashay uu ugu tagay wasiir fadhiyo oo kamid ah agoontii uu 20 sano kahor gacan ku hayay.

Wadankii ugu danbeeyey ee Africa

Waxaa xusid mudan in sheekha Cabduraxman lagu soo booday  isagoo Somalia ujooga howla bani Aadamnimo,halkaas oo loola cararay wadankiisa haseyeeshe , xaalada sheekha oo kasii daraysa ayey diyaaradi  si halaleel ah kucaga dhigatay garoonka magaalada Riyadh ee wadanka Sacuudiga halkaas oo loola cararay dhakhtarka ayadoo qalniin lagu sameeyo.

Dr. Sheekh Cabdurahman, Allah unaxariistee ma’ahan qof ku kooban dhinaca  samafalka iyo dacwada oo kaliya,  ee sidoo kale wuxuu ahaa qoraa iyo  cilmi baaris badan ay  hay’ado caalami ah ka faa’idaysteen. Sheekhu waxaa la gudoonsiiyey shahaado sharafyo  farabadan oo lagu maamuusayay  khidmada uu ummadda uhayo.

Dr. Cabduraxman inkasta oo uu aad u mashquulsana hadana xaaladiisa caafimaad ma’ahayn mid uu ku noolaan karo Africa. Diktoorka maalintii wuxuu qaadan jirey 20-30 kaniin oo ay udheertahay irbid joogta ah! Waxa badneyd inta uu meel ku dhacay daawo la’aan ama dayac kale owgiis, taas oo ay u dheertahay amni daro iyo xabsiyo kala duwan oo ay  kula kaceen generalada qaarada iyo kaniisado isbahaystay.

Walaalyaal taariikhda sheekhu intaas waa ka weyn tahey. Waxaan kusoo koobi lahaa, rag  badan oo sheekhu kamid yahay waa tagay ayagoo qabtey wixii ay awoodeen oo Allah ayey lahor tageen! Maanta aniga iyo adiga ayey nagu hartay oo weli nool. Su’aashu waxay tahay muxuu yahay mashruuceena ummadda aan ugu adeegayno?

Waa walaalkiin Adam Abuzuhri oo idin leh amaana Allah iyo kulan dambe oo xiisa leh. Wixii talo iyo tusaale ah:[email protected]

XOG: Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar oo Xabsigaas la dhigay, Sabab?

0

Muqdisho (Caasimada online) Sida Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ay sheegayaan waxaa xabsiga la dhigay Gaashaanle Mxamed Xuseen Axmed oo loo yaqaan Sabdoow, Taliyihii Xabsiga dhexe ee gobolka Baadir.

Xarigga taliyaha wuxuu ka dambeeyay kadib  markii Xabsiga Dhexe lagasii daayay C/raxmaan Cali Abuukar oo ku eedeysnaa iskuday dil ah oo lagu doonayay in lagu qaarijiyo Abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka General C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan.

Eedeysanahan ay sida la sheegay xabsiga laga sii daayay Maalintii Axada inkastoo arintan Waxaana uu ku xukunaa dil toosho ah oo ay ku xukuntay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya.

Sii deynta eedeysanahan ayaa marka laga reebo Taliyaha Xabsiga dhexe waxaa a sheegay in loo xir xiray qaar ka mid ah ciidamada Asluubta kuwaas oo tiro ahaan ku dhaw Shan sida wararka aan ku heleyno.

General C/laahi Axmed Xirsi oo ka mid ah sarakiishii ciidamada dowlada dhexe ee dalka  wuxuu sheegay in arintan ay tahay mid aan la dheylsan Karin waxaana uu shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in kiisaska ceynkani oo kale ah il gaar ah ay u lahaato dowlada Soomaaliya.

Generalka wuxuu tilmaamay aan loo baahneyn in waqti lama fursad la siiyo , waxaana uu sheegay in raga dambiyada oo kale gaysta in caalamka loo sameeyo ilaalo gaar ah maadaama kiiskoodu uusan sahlaneyn ,

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay inay waajib ay tahay in uu badalo ruuxii dambiilaha sii daayay sida uu sheegay waxaana uu sharcga ciidanka uu ku sheegay inay tahay in qofkii si daayo ruux sanad ku xukuman uu isaga badalkiisa galayo , sidoo kalana ruuxii dil ku xukuman ruuxii daayo badalkiisa la dilayo sida uu sheegay.

Eedeysanaha Xabsiga ka baxsaday ayaa la sheegay inuu bixiyay Xoogaa lacag ah sida la sheegay waxaana qaab qarsoodi ah looga sii daayay xabsiga dhexe ee gobolka Banaadir halkaas oo uu ku xirnaa .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo: Maxaad kala socotaa qorshaha uu Cabdi Weli Gaas u jooga Zambia?

0

Lusaka (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Prof. Abdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray magaalada Caasimadda ah ee wadanka Zambia ee Lusaka.

Gaas oo iminka ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Puntland, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Kenneth Kaunda ee Magaalada Caasimadda ah ee Lusaka, waxaana ku soo dhaweeyay boqolaal dadweyne ah, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Zambia Ambasador Maxamed Xassan Dawaara, Masuuliyiinta Jaaliyada iyo waliba Madax sare iyo Saraakiil ka socota Wasaarada Arrimaha Dibada ee Zambia.

Mudada uu joogo waxa uu kalamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda Sare ee waddanka Zambia iyo waliba Jaaliyadda, waxa uuna booqan doonaa Magaalada Ndola oo ah Magaala madaxda 2-aad ee wadanka Zambia.

Haddaba Gaas ayaa ka warramay sababta uu jooga dalka Zambia.

Halkan ka daawo Wareysi

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socda dalka China

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiliay wafdi ka socday dalka China oo uu hoggaaminayey Safiirka China Liu Guangyuan ayaa waxaa ka mid ahaa khubaro ku xeel dheer qiimeynta dhismaha.

Madaxweynaha waxaa ku wehliyey kulankan Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna RW ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey wafdiga China booqashadooda Muqdisho iyo heshiiskii ay shalay la saxiixdeen Soomaaliya iyo sida ay China diyaarka ugu tahay inay xiriirkii Soomaaliya dib u soo nooleyso oo ay mashaariicdii horena dib u dayactirto.
Madaxweynahu waxuu sheegay in China iyo Soomaaliya oo xiriir taariikhi ah uu ka dhaxeeyey loona baahanyahay in la sii joogteeyo.Madaxweynahu waxuu Safiirka u gudbiyey farriin uu u geyn doono Madaxweynaha dalka China.

Wafidga China oo u hadlay Safiirkooda Liu Guangyuan ayaa sheegay in Dowladda China ay aad ugu faraxsantahay in xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya dib loo soo celiyo isla markaana safarkii Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ay ku tagtey dalka China uu ahaa mid taariikhi ah oo dib u soo nooleeyey xiriirkii labada dal.
– DHAMAAD –

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

Somaliland oo Aqoonsi Dowladnimo ka dooneysa Imaraadka Carabta

0

Muqdisho (Caasimada online) Wasiirka arimaha dibada Maamulka Soomaaliland oo Booqosho ku jooga dalka isku taga imaaradka carabta ayaa halkaasi wuxuu kulan kula qaatay Madax ka tirsan dowlada dalkaas iyagoona ka wada hadlay rimo dhowr ah , kuwaasoo qaar kod u muuqday kuwo Maamulka Soomaaliland uu aqoonsi kaga radinayo Imaaraadka Carabta.

Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka arimaha dibadda Maamulka Soomaaliland ayaa la kulmay Kaaliyaha wasiirka arimaha dibada iyo arimaha amaanka dalka Istaga Imaaradka Carabta Faris Al Mazrouei, ayaa waxay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaan taageero uu dalkaasi wasiirka ugu Raadiyo Soomaaliland oo sheegatay inay tahay dalka Soomaaliya ka madax banana.

Waxay labadani Mas’uul si gaar ah uga hadleen arimaha burcad badeeda Soomaalida oo Qatar ku ah sida ay sheegeen amaanka xeebaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan iyo iyo kulamadii ugu danbeeyay ay wada qaateen Madaxda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

“Kan waa safarkeygii ugu horeeyay aan ku imid Imaaradka Carabta,guul ayaana rajeynayaa ayuu yiri ,r Yoonis.

Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay wasiirka arimaha dibada Maamulka la magac baxay Soomaaliland inay isla soo hadal qaadeen arimaha Nabad galyada Soomaaliya,isagoona cadeeyay inuu rajeeynayo waqtiga in dhow inay Nabad  dhexmarto Soomaaliya iyo Soomaaliland.

“Kulankii ugu danbeeyay,Mudo 20-sano ka dib wada hadalada inoo dhaxeeyo inaga iyo Walaalaheen Soomaaliya waxay u socdaan si nidaamsan oo jawi degan ah Laakiin Sharuudi kaliya waa inaan gaarnaa gooni isku taageena”,ayuu yiri Mohammed Behi Younis.

Wuxuu tilmaamay in Wadanka isku taga imaaradka Carabta Soomaaliland xiriirkooda uu ahaa mid soo jireen ah,isagoona balan qaaday Mas’uulkaan in meesha ay ka sii wadi doonaan.

The National oo hadalkaan wax ka qoray ayaa sheegaya in Soomaalilan iminka dadaalkii ugu danbeeyay ay ugu sidii Ictiraaf ugu heli lahayd Barnaamijkeeda Gooni u goosadka laakiin arintaasi ayaa u muuqan Mid Soomaaliya inteeda kale aan u cuntameyn.

Soomaaliland aya mar walibasheegta inay tahay dowlad ka madax banan Soomaaliya inteeda kale  iyadoona sheegtay inay Soomaaliya ka ga go’day 1991 Xilligas oo uu bur bur ku yimid dowladii dhexe ee dalka , waxase xusid Mudan inay jiran wada hadalo u socda dowlada Soomaaliya iyo Maamulkaas.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sannad kadib XASAN Sheekh maxaa u qabsoomay? (Ka dhiibo Aragtidaada)

0

Nairobi (Caasimada Online) Sannad ayaa laga joogaa maanta markii Iskuul boloosiyo oo ah dugsiga tabbabarka ciidanka bilayska ee ku yaalla degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho lagu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dad badan oo Soomaali ah, waxa ay aaminsan yihiin maanta in madaxweynaha rajdada la lahaa markii la doortay iyo maanta ay kala fog yihiin, dowladiisana ay ku guul dareesatay wax badan oo ay ugu horeyso ammaanka.

Si kastaba, madaxweynaha habeenkii la doortay wuxuu sheegay in uu soo dhisi doono dowlad sal u ah lix tiir.

Waxaana qoddobada uu madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay habeenkaas ka mid ahaa, Ammaanka oo ku celceliyay iyo dhaqaalaha.

Dad badan waxa ay lee yihiin aqoonsi laga helo caalamka waxaa aad uga wanaagsanaan lahayd dowladda oo xiriirka arrimaha gudaha adkeeysa iyo ammaanka oo xoogga la saaro.

Haddaba akhristayaasha sharrafta leh ee xiran Shabakadda Caasimada Online, waxaan weydiineynaa .

1-Maxaa sannad kaddib madaxweyne Xasan Sheekh dowladiisa u qabsoomay?

2- Maxaa dhaliil ah oo ay lee dahay?

3-Maxaa ammaan ah oo loo hayaa.

4- Maxaa qalad ah oo ay sameesay?

Jawaabtaada iyadoo asluubeesan ku qor qeybta hoose ee aragtida adiga oo isticmaalaya facebook-gaaga. Mahadsanid

FG: Ogow haddii aad caytanto waan tiri doonnaa.Mahadsanid

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Muqdisho: Nin loo dilay 10-kun Shilling Soomaali ah (Sidee wax u dhaceen?)

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya waxaa galabta ka dhacday dhacdo aad xannuun leh, taasoo ah in askari ka tirsan dowladda Soomaaliya uu toogtay nin dameer waday.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafadda Buulo-Xubeey ee degmada Wadajir, waxaana ay ahayd markii askari ka tirsan dowladda Soomaaliya uu 10,000 oo Shilling So, u dilay nin dambeer watay, kaasoo ka yimid suuqa bakaaraha.

Wiil goobjoog u ahaa dhacdada, oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in ninka askariga ee dilka u geestay ninka dambeerka watay ay isku maandhaafeen 10,kun oo shilling Somali, waana lacag u dhiggan Nus Dollar ama kala bar hal dollar.

“Walaal mar ay galabta saacadda tahay 5-tii ayaa askariga kuwa canshuurta wuxuu ku dilay xaafadda Buulo Xuebeey nin dameerle ah, kaasoo lagu amray in uu bixiyo 10,kun oo shilling Somali, markii uu dhahay ma hayo labo xabadood ayaa shafka loo galiyay” ayuu yiri goobjoogaha la hadlay Caasimada Online.

Si kastaba, falalka noocan waa kuwa inta badan ka dhaca dalka Soomaaliya, balse waxaa dadka ay isweediinayaan wax yaabaha keenay in askari qaadaya canshuur uu 10-kun oo shilling u dilo qof bini’aadim ah.

Dhacdadan ayaa caawa si weyn looga hadalhayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Buulo-Xubeey ee degmada Wadajir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

War farxad u ah Soomaalida ku dhaqan gudaha dalka……….(Muxuu yahay?)

0

London (Caasimada Online) Bangiga Barclay’s ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay in uu muddo seddax toddobaad ah ay sii shaqeen karaan xawaaladaha Soomaalida ee la sheegay in uu xiraayo xiisaabaakooda.

Bankiga ayaa lagu waday in uu berri xiro xiisaabadka xawaaladaha Dahabshiil, Tawakal, Mustaqbal iyo Horiyaal kuwaasoo ahaa kuwa kaliye ee loo oggolaaday in ay sii shaqeeyaan 10-ka bishan September.

Cumar Cabdinuur Nabadoon oo ah afhayeenka xawaaladaha Soomaalida ee dalka UK oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Bankiga Barcalys uu muddo seddax toddobaad ah ugu daray xawaaladahaas.

Wuxuuna sheegay in la gaarsiiyay muddada la xiraayo 30-ka bisha September sannadkan 2013-ka.

Si kastaba, go’aankan wax badan ma soo kordhin doono maadama la joojinaayo xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida 30-ka bishan.

Waxaa hubaal ah in malaayin Soomaali ah oo ku nool dalkii hooyo inuu saameen xooggan ku yeelan doonto go’aanka bangigga Barclays.

Sida ay sheegayaan hey’addaha gargaarka, waxaa Sannad kasta Soomaalida UK ay qaraabadooda u soo diraan 100-milyan oo bond, waana lacag ka badan mida gargaar ahaan loo siiyo Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

Dhageyso: M/weyne Xasan oo dib ugu laabtay Muqdisho. “Daawo Sawiro”

0

Muqdisho (Caasimada online) Diyaarad nuuca Helocpterka loo yaqaano ayaa galabta waxay kasoo raaceen wafdigii uu hogaaminayey Madaxweyne Xasan Shiikh Magaalada jowhar iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaxwenaha ayaa saaka safar dhulka ah ugu ambabaxay magaalada Jowhar iyagoo sii maray degmada Balcad ugu dambeyna gaaray Jowgar.

Madaxweynaha Soomaaliya aya intii uu ku sugnaa magalada Jowhar ee xarunta shabeelaha  Dhexe wuxuu la kulmay Mas’uuliyiinta Maamulka gobolaas iyo sidoo kale waxgaradka gobolkaas .

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goob fagaaro ah kala hadlay Shacabka iyo Odayaasha dhaqan,isagoona ka dhawaajiyay arimo badan oo shacabka ay ku qanceen.

Waxaana hadaladii Madaxweynaha Shacabka uu u jeediyay ka mid ahaa,Dhisida Skuulo Waxbarasho,Xarumo Caafimaad iyo Saldhig Labaad oo Boliiska Jowhar ay leeyihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib iminka ugu Soo laabtay Muqdisho , waxana sarafka uu maanta Jowhar ku tagay uu qeyb ka noqonaya Safaro madaxweynaha uu u doonayo inuu ku booqdo Gobolo dhowr ah iyadoona dhawaan ka hor Shirka Belgiumka mbishan bartamaheeda ka furmi doona.

Halkaan Hoose KA Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya

HALKAN KA DHAGEYSO QUDBADII XASAN SHEEKH EE JOWHAR

 

1 2 3 4 6 7 8 10

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Arooskii ugu cajiib iyo qosol badnaa caalamka

0

Caasimada Online:   Caalamka waxaa ka dahca Dhacdooyin kaa yaabinaya kuwaas oo nuucyo kala duwan isugu jira waxaana ka mid ah Aroos cajiib ah oo ka dhacay Wadanka Hindiga.

Ruux walba oo guursanaya xiliga uu doonaya in uu aqal galkiisa dhaca wuu ku farxaa balse Wadanka Hiniya waxeey lee yihiin dhaqan ka duwan kaas oo cajiib ah waana Nin doonaya in uu guursada hadane ka baqaya Xaaska loo guurinaya Cajiib.

Hadaba daawo video-gaan adaa yaabi doonee Aqristoow waana muuqaal kaa qoslin doono marka aa daawato.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Daawo Wareysi cusub: Cali Geedi oo weerar afka ah ku qaaday DF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada online) Ra’isl wasaarihii hore ee Soomaaliya ,Cali Maxamed Geedi, ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday dowlada Soomaaliye ee uu hogaanka u hayo Xasan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha  Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowlada ay ka gaabisay dhanka siyaasadda isagoo sheegay inay kaliya Saxaafadda ka shaqeyso , waxaana uu ku tilmaamay Ilmo yar oo socod barad ah

Halkan ka daawo

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Midowga Yurub oo dhaqaale hor leh ku deeqay AMISOM

0

Brussels (Caasimada Online) Midowga Yurub ayaa caawa ku dhawaaqay lacago hor leh, taasoo loogu talagalay howlgalka midow afrika ee AMISOM.

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Midowga Yurub ee Brussels ayaa la sheegay 17-Milyan oo Yurow in loogu deeqay howlgalka AMISOM.

Lacagtan ayaa lagu maareen doonaa gunooyinka askarta iyo shaqaalaha kale, in hub iyo qalab kale loo keeno si ay u derderiyaan howlgalada.

Ciidanka AMISOM oo hadda gaaraya ilaa 17,000 oo askari waxa ay taageero xooggan siiyaan dowladda Soomaaliya iyo hey’addaha ajaaniibta.

Dhaqaalahan loogu deeqay AMISOM, ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhowr cisho ka ddib Midowga Yurub uu qabanaayo shir weyne mihiim oo Soomaaliya quseeya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Madaxweyne Xasan oo gaaray Jowhar

0

Jowhar (Caasimada online) Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay gareen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Sida uu shabakadda Caasimada online uu u xaqiijiyay gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdule Madaxweynah Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa si heer sare ah waxaa loogu soo dhaweeyay magaalada Xarunta u ah gobolkaas ee Jowhar.

Yuusuf wuxuu sheegay in madaxweynaha ay sugayeeen tan iyo saaka isla-markaana caleemo qoyan ay u raxyeen shacabka gobolkaas ugu dambeyna haatan uu tagay si wanaagsana loogu soo dhaweeyay magaalada.

Ammaanka magaalada aya si weyn loo adkeeyay waxaana magaalada Buux dhaafiyay ciidamada Alfa Group kuwaas oo isku gadaamay xaafadaha magaalada iyo hareeraha wadooyinka Magalada sida uu ioo xaqiijiyay afhayeenka maamulka gobolkaas Da’uud Xaaji Ciiro.

Xasan sheikh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay laga sugayay inuu gaaro magaalada Jowhar inkastoo uu ka baaqday Hiiraanna uu gaary gar ahaan magaalada xarunta u ah gobolkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar dhunlka ah ku tagay jowhar ayaa in cabaar ah ku hakaay degmada Balcad isla shabeelaha dhexe halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay iyadoona ugu dambeyn Duhurtan uu gaaray magalada xarunta u ah gobolkaas ee Jowhar.

Caasimada online

Xafiiska Jowhar

[email protected]

RW Saacid oo la kulmaya Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Yemen

0

Sana’a (Caasimada Online) Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo maanta gaaray dalka Yemen, ayaa lagu wadaa in ay kulamo la yeesheen jaaliyada Soomaalida ee ku noo caasimada Sana’a.

Sida uu lee yahay wariye ku sugan Sanca, ra’iisal wasaaraha iyo wafdiga la socda ayaa kala hadlaya xaaladda ay ku nool yihiin iyo in dowladda ay ka warqabto Soomaalida ku nool dalka Yemen.

Dhinaca kale, wakaalada wararka Yemen ee Saba ayaa soo warisay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi la socday oo soo gaaray Yemen Isniinta maanta in ay kulamo la qaateen  madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Yemen Cabdu Rabbuh Mansuur iyo Maxamed Saalim.

Labada dhinac ayaa si qoto dheer ugu wada hadlay iskaashi cusub oo dhex mara dowladaha Soomaaliya iyo Yemen.

Wakaalada ayaa wararka Yemen ayaa sidoo kale sheegtay in ra’iisal wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon uu ugu mahad-celiyay martigalinta ay dowladda Yemen u fudisay qaxootiga Soomaalida kaddib dagaalladii sokeeya ee ka dhacay dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa dhinaca kale, ugu warbixiyay madaxda dalka Yemen horrumarada kala duwan ee ay gaartay dowladda muddada sannadka ay jirtya, isagoo xusay in Soomaaliya ay ku socoto waddadii lagu gaarsiin lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda sanadka 2016-ka iyo dastuur rasmi ah oo ay yeelato Soomaaliya.

Intaas kaddib, madaxweynaha Yemen Cabdu Rabbuh Mansoor  ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay u muuqato inay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii dalka ka dhacay, isagoo ballan-qaaday in dowladdiisu ay gacan ka geysan doonto dedaallada caalamka ee lagu doonayo horumar iyo nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Sana’a

 

DHAGEYSO: Ugaas SADE ah: Wallaahi A/Madoobe ma maamulayo Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada online) Ugaas Maxamed Wali, oo kamid ah Odayaasha Beesha Sade ee kasoo horjeeda Maamulka KMG ah ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa sheegay inuusan Maamulkaas hogaamin doonin goboladaas.

Gobolada Jubboyinka iyo Gedo, Gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaas ayuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka wada dhaxeyso Axmed Madoobana uusan kligii ka arimin Karin sida uu sheegay.

Ugaaska ayaa sheegay in Axmed Madoobe hadii uu al doonayo looga fadhiyo inuu wada hadal la galo dadka kasoo jeeda goboladaas, hadii aysan taasi dhicina uusan ka rimin doonin Magalada Kismaayo.

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay inay u shaqeyso Sirdoonka Ethiopia Sida uu hadalka u dhigay , isagoo sheegay inay dowladu ku fashilmatay Heshiiska Adis Ababa ee dowlada Soomaaliya iyo waliba Maamulka Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay iyadu Mas’uul ka aheyd dagaalkii kismaayo hayeeshee iminkana ay balantii uga baxday raggii ay dagaal galisay sida uu shaaca ka qaaday .

Axmed Madoobe aya ku sugan Magalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya isagoo habeen ka hor kulan Xarunta Madaxwtooyada Soomaaliya uu kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya .

Halkaan ka dhageyso Codka Ugaas Maxamed Wali

Halkaan ka dhageyso Uagaas Maxamed Wali

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Mowqifka Barre Hiraale ee sheegada J/land maxaa iska bedelay?

0

Kismaayo (Caasimada online) Saraakiisha Ciidamada Barre Aadan Shire Hiiraale,  ayaa shaaca ka qaaday in wali Barre uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbland isla-markaan aysan aqoon saneyn Maamulka Axmed Maxamed Islaam Madoobe, oo dhawaan dowlada Soomaaliya ay u aqoonsatay Hogaamiyaha Maamulka Jubba.

Afhayeenka Barre Aadn Shir Hiiraale, Xasan Qaasim oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in Heshiiskii Adis Ababa ee dowlada Soomaaliya iyo Axmed Madoobe uu yahay mid dhex maray Shaqsi iyo dowlad Sida uu sheegay waxaana uu tilmaamay in uusan quseyn Bulshada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu intaasi ku daray in wali Barre Aadan uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland isla-markaana ay wadaan qorshe ay ku dhameystirayaan maamulkooda Sida uu sheegay, waxaana shaaca ka qaaday in dhawaan ay Guud ahaan Maamulka Axmed Madoobe ay kala wareegi doonaan deganada ay maamulaan .

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayuu sheegay in hatan ciidamdoodu ay ku wajahan yihiin , isla-markaana haatan ay ku sugan yihiin Meel aan sidaas uga fogeyn gudaha Magaalada Kismaayo,  awoodna ay u leeyihiin in Kismaayo ay ka saaraan Aaxmed Mdoobe iyo Maamulkiisa sida uu hadalka u dhigay.

Shacabka iyo Siyaasiyiinta Jubbooyinka iyo Gedo ayuu sheegay inay kasoo horjeedaan Maamulka iyo hogaanka iminka sida uu sheegay ay dowladu dooneyso inay gacanta u geliso Goboladas , isla-markaana aan lagu qasbi karin shacabku maamul aysan dooneyn.

Barre Aadan Shire , wuxuu k mid yahay rag Magaalada Kismaayo ay ku dagaalameen Maamulka Axmed Madoobe kuwaas oo looga itaal roonaday dagaalkaas inkastoo haatan duleedka Kismaayo uu ku sugan yahay qorsheynayana sida Saraakiishiisa ay sheegayaan in Kismaayo ay kala wareegaan dowlada Soomaaliya, waxaana wali uu sheeagayaa Barre Hiiraale inuu yahay Madaxweynaha Jubbooyinka iyo Gedo.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Xasan Qaasim Afhayeenka Barre Hiiraale

Halkaan ka dhageyso Xasan Qaasim Afhayeenka barre hiiraale

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada online

Puntland: Waxaan dooneynaa inaan DF wada hadal kala furno hantida Xamar

0

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay inay doonayaan inay dowladda Somalia kala furaan wada hadal, wax ay ugu yeereen hantida la kala heysto ee magaalada Muqdisho, balse dowladda ay taasi ka meer meereyso.

Wasiirka warfaafinta Puntland Axmad Shiikh Jaamac oo shir ku qabtay magaalada Garowe ayaa DF ku eedeeyay inaan haba yaraatee ku dhiiran sidii wax looga qaban lahaa hantida shacabka oouu sheegay in mudo 22-sano ah si xoog ah loogu haysto magalada Muqdisho.

Axmed Sheekh ma uusan cayiman nooca hantida uu sheegay in Muqdisho lagu heysto, cidda heysata iyo tan laga heysta intaba.

Waxa uu sheegay in arintaasi ay dowladu ka war wareegayso isla markaasina aan loo baahnayn in guddi loo saaro, oo sida uu yiri ay qasab tahay in lasoo eliyo

Sidoo kale Axmad Shiikh Jaamac Dowlada Somalia waxa uu ku tilmaamay dadka hogaaminaya inay yihiin kuwi hantida dowlada u beec geeyay dibada, islamarkaasina ku gor gortamay iibinta biyaha Somalia,wuxuna sheegay masuuliyiintaasi inaysan u dhigmin kuwo dalka hogaamin kara, sida uu hadalka u dhigay.

Puntand, ayaa maalin kasta qeylo dhaan iyo cabasho ka dhan ah Dowladda Somalia wareejneysa, Garoowe, Nairobi illaa iyo Addis-Ababa, ayada oo dowladuna aanay wax jawaab ah siin,amaba ka warheyn qeyla dhaanta Puntland.

Dooda hantida la kala heysto, ayaa dad badan ay aaminsan yihiin, haddiiba ay dhacdo in la isku celiyo ay muhim tahay in laga soo billaabo 1960-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]