29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku wajahan magaalada Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha shirkii Kismaayo ee lagu dhisay maamulkii Jubaland ee iminka noqday Jubba, ayaa shaaca ka qaaday in lagu wado in madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud uu dhowaan tago magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Macalin Maxamed Ibrahim, ayaa arrintan ka sheegay shir jaraa’id oo uu shaay ku qabta magaalada Kismayo.

Hadlkiisa, ayaa imanaya ayada oo dhowaan madaxa maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe iyo wafti la socda ay gaareen magaalada caasimada ah ee Muqdisho, halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin.

Shirka jaraa’id ayuu Macalin Maxamed sidoo kale kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda magaalada Kismaayo iyo qorshooyin halkaas ka socda

Halkan ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Tallaabooyinkii Sheydaanka! Qisadan Sh. Maxamed Idiris ayaa soo gudbiyay

0

(Sheekadan aan idiin soo gudbinayo, oo xanuunka leh, gabdhaha Soomaaliyeedna digniin WEYN u ah waxaan ku leeyahay oo keliya xoogaa inaan naash naasho, ama xuruufta qaar isku toosiyo. Waxaanan ugu magac daray (Tallaabooyinkii Sheydaanka). Waxaa ii soo qortay gabadha qisadu ku dhacday, oo iga codsatay inaan dadka gaarsiiyo si ay uga digtoonaadaan. Waa Tallaabooyin gabdho iyo wiilal badan ay ku hodmeen, qoomama badan iyo oohinina ka dambaysey..Markii sharciga xuduuda ragga iyo dumarka u kala dejiyey la fududaysto.. Waxaan aaminsanahay nimanku hadey gabar cidla ka helaan, waa dhurwaa neef cidla ka helay, laakiin midna si naxariis leh oo sharciga waafaqsan ayuu u ugaarsadaa, midna si horor nima ah ayuu gabdhaha u warjeefaa.

Inkastoo ay jiraan dumarka qaar iyaguba sida dhaddigga libaaxa wax u dila, sida gabar maalin igu tiri: Sheekhow niman badan ayaan khiyaamay oo intey i shukaansadeen markii dhareerku ka daatay aan lacag badan ka jabsaday kadibna xarigga u jaray.. Hadana waxaa ila badan dhurwaaga ragga ah ee gabdhaha intuu isu miskiiniyo, meel cidlaa ku dila. Dhibaatadu waxa weeye ninka lacagta laga cunay waaba soo kaban karaa, laakiin gabadha jawharadeeda lagu ciyaaro xagee ayey kasoo kabaneysaa!! Bal sheekadaan u fiirsada gabdho iyo wiilalba, kana feejignaada tallaabooyinka sheydaanka inaad raacdaan).

Asalamu Calaykom Warahmatulahi Wabarakatu

shiikhooow waxaan kuu soo dirayaa qisadayda, wallaahi thuma wallaahi hadadan aan soo qorayo waan ooyaya ,waxaan raba inaad cibro uga dhigto gabdhaha somali dhamaan, wax badan baa cibro qisa ah la arkay, laakiin taydu wa ka duwantahay, waxaan ahay gabar soomaali ah oo 23 jir ah ,waxaan ku noolahay hada magaalda…..,qisadaydu waxeey bilaabantay markaan ahaa 18 jir, shan sano ko hor, waxaan ahaa gabar diin jecel, oo aad u diin jecel, waxaan ahaa gabar lagu soo koriyey diinta, waalidkeedna lahayeen diin,waxaan ahaa gabar xaafidul quraan ah, waxaanan dhameeyey Qur’aanka anoo da’daydu tahay 10 jir. Macalinka dugsiga iyo dhamaan adaydu way i jeclayeen,waxaan ahaa mid ku fiican daraasadeeda,waxaan ahaa gabar ka dhoorsoon nimanka ,oo ay dariska iyo hablaha da’dayda ah kudaydaan.

Hoyaday waxeey i dhihi jirtey: barako badan, koow ama labo waxbarshada kama hoosayn jirin, waxaan ahaa qof ku adag diinta aadna u jecel, waxeey saas ahaataba meel layga so galay ma garanayo, schoolkii aan dhigan jirnay wuxuu ahaa wada gabdho, laakiin nasiib darro waa la badalay oo sanadkeeni u danbeeyey waa laysku daray wiilal iyo gabdho,nasiib xumo, waxaan ahan jiray mid ku tiraahda hablaha kale naa habloow ragaas ajanibta ah hala shekeesanina ,waxeey saas ahaataba, wxii aan dadka kula talinayey ayaanan naftayda kula talin.

Waxaan ku dhacay meel xun, schoolki waxan ka bartay wiil, wiilkaaso ahaa mid akhlaaq badan, saaan moodayey, midkaasoo tukanjiray, midkasoo aan ahayn kan dumarka saas u sii eega, niyadayda waxaa gashay kahelitaan, waxaan ahaa gabar yar, waxaan u sheegay hoyaday arintii ,wiilki aan bartayna waxan ku iri waxaan ahay gabar muslima walalow sidii hablaha loo soo dooni jirey, ee dhaqanka iyo diinteenu ahayd samee ama barasho kale marabo. Wuxuu igu yiri waayahay, runtii saan rabayna way dhacday, wuu i soo doonay waxeeyna ahayd malin farxad badan, lakin nasiib daro aabahay wuu ii diiday, wuxuuna igu yiri nin aan shaqaysan oo arday adoo kale ah xagee buu ku gayn?

Waxaan la doodaba aabahay wuxuu akhirkii igu yiri ha dhamaysto waxbarsahdiisa kadibna ha iskeeno, saas ayaana isku ognahay,lakin musiibo inay noqonayso manan ogeen ,ani iyo inankii sidii baan ku balanay, nasiib wanaag waxaan dhamaynay dugsi sare ,anigana waxaan soo aaday dalka……. halkasoo ay rerkeena u guureen, wiilkina waxaan ku balanay hadaan calaf isku yeelano waan is helaynaa , wallaahi shiikhoow waligeey kumanan fakirin iney noloshayda tan noqon, markaan imid…..waxaan horay ka bilaabay jaamacada, halkaasoo aan baranayey Usuulu diin ,aad baan u dadaali jiray waxaana ku jiri jiray kuwa u horreeya , ilaa ay macalimiintii i wada jecladeen, hablihiina i wada jecladeeen, markaan sanad dhigtay ,ayaanti danbe anoo email ku jira mise waa wiilki isagoo i dhahayo waan imaaan meeshaad joogto.

Manaxdaa mise waa faraxdaa, waxba makala garanin , waxaan iri waayahay, wuu yimid waana soo dhaweyey ,haduusan imaan ayaa ii wanaagsanaan lahayd Shikhoow, waxaan biloownay inaan isla hadalno,waxaana ka dhigtay fudayd maadama reerkeenu ogaayeen, maadama reerkeenu igu kalsoonyahay qofna wax ima oran jirin, waxaanan ahaa iyaga xagooda qof aan xumaan aqoon.

Wexeey socotaba shukaansi ayuu xaalka noqday, wiilkii jaamacad ayuu bilaabay , wuxuuna igu yiri lacag iyo qarash toona ma hayo aan kugu guursado ..ee ilaahay baa irsaaq baxshee i sug intaan wax ka helaayo, runtii waxaan ku iri haye. Waxaan sugaba waan is dhexgalnay, waxaan biloownay inaan tell ku wada hadalno, tell kabacdina email, email ka bacdina maalmo qayb is aragno, aan meel wax ka soo cuno, shaydaan ayaa na dhex galay mar hore laakiin ma aynu dareemin , waaxaan noqday qof wax walba u samaynayso qiil waxkasta aan samaynayo waxaan u dooni jiray qiiil, waxaan oran jiray tani waa caadi tani waa caadi , shiikhoow ani iyo inanki is arageenu wuu batay , waxaan ahaa gabar aad u quruxbadan laakiin waxaan xiran jiray niqaab kaas oo aan bilaabay anoo yar, wxuu inankii igu bilaabay inuu i nacsiiyo niqaabkii , hadaladiisa waxa ka mid ahaa: waad yartahay maxa kugu kalifay niqaab, ma islaan baa tahay, markaan ku guursado xiro, hada iska bixi!! Alla maxaan caqli yaraa ayaan niyada hada ka leeyahay.

La soco qaybta 2aad…..Insha Allah

W/Q: Sheikh Maxamed Idiris

VIDEO: Nolosha aan la werin ee qaar ka mid ah shacabka Muqdisho

Caasimada Online:  Nolasha taalo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waa mid nuucyo badan leh, Balse muuqaalkani aan jaceyl nahay in aan maanta idinla wadaagno waa mid naxdin badan oo laga soo duubay magaalada Muqdisho.

Hooyooyin, Gabdho, Caruur, Iyo Dhalinyaro Mustaqbal leh ayaa ka mid ah Darib jiifyada Muqdisho balse ma’ahan oo kaliyah taa Nolasha heysata ee daawo Muuqaalkani waxaad arkeysaa Gabar Soomaaliyeed oo koolo dhuuqeysa Hooyo dhuuqeeysa Koolo.

HALKAAN KA DAAWO:

Maxay tahay sababta xildhibaannada Somalia ay u joogaan Sh/Hoose?

0

Afgooye (Caasimada Online) Magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa ku sugan tiro xildhibaanno ah, kuwaasoo u kuur galaya xaaladda bini’aadinimo iyo midda siyaasadeed ee magaalada.

Xildhibaannadan ayaa saxaafadda u sheegay in magaalada ay ku soo arkeen xaalad bini’aadinimo oo aad u xun iyo in dowladda ay ka gaabisay wax u qabashada dadka ku dhaqan halkaas.

Xildhibannadaas waxaa ka mid ah Prof Maxamed Cumar Dalax, isagoo la hadlaayay Idaacadda Goobjoog ayuu sheegay in marka ay ku soo laabtaan Muqdisho, ay hordhigi doonaan maalinta Arbacada ee soo socota oo uu furmaayo kal fadhiga 3-aad ee golaha baarlamaanka, wax yaabaha ay kala soo kulmeen magaalada iyo guud ahaan gobalka Shabellaha Hoose.

Xildhibaannadan ayaa sidoo kale, dowladda ku eedeeyay in aysan maamul loo dhan yahay u sameen gobalka iyo in xitaa madaxda dowladda aysan ka warheynin dadka ku dhaqan Afgooye.

Wuxuu sheegay xildhibaan Dalxa in dadka ku dhaqan magaalada aan heesan biyo nadiif iyo adeeg kale, waxaana uu intaas ku daray in hey’addaha gargaarka aysan tagin magaalada.

Si kastaba, waxaa socda qorshayaal la doonayo in maamul gobaleed loogu sameeyo gobalada Shabeellaha Hoose,Baay iyo Bakool.

Caasimada Online

Xafiiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Axmed Madoobe iyo DF Somalia oo ka hadlay qeybsiga maamulka Juba

0

Muqdisho (Caasimada Online) Illo xog-ogaal oo ay la hadashay Shabakadda Caasimada Online, ayaa noo sheegay in magaalada Muqdisho, ay ka socdaan kulamo ay lee yihiin Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba iyo dowladda Soomaaliya.

Kulamadan oo ka socda aqalka madaxtooyada Villa Somalia iyo Hotel Jaziira oo ay deggan yihiin wafdiga Axmed Madoobe ee shaley soo gaaray, ayaa inta badan looga hadlayaa siddii loo dhammeestiri lahaa heshiiskii labada dhinac ay dhawaantan ku gaareen magaalada Addis Ababa.

Sidoo kale,waxaa kulamada looga hadlayaa dhammeestirka maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waxaana jira qoddobo ay dowladda wadato oo ku saabsan dhammeestirka maamulka Jubba.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho ku sugan rag sheegtay madaxweynayaal kuwaasoo xoog looga soo saaray magaalo xeebeedka Kismaayo ee koonfurta Somalia, markii ay dagaalameen iyaga iyo maleeshiyo uu lee yahay Axmed Madoobe.

Dadkan warkan noo sheegay waxa ay lee yihiin dowladda waxa ay Axmed Madoobe kala hadleysaa siddii maamulka loogu dari lahaa ragga sheegtay madaxweynayaasha ama dad ay  iyaga wakiil ka ah.

Illaa hadda si dhab ah looma oga kulmadan iyo muddada ay qaadaneyso waayo saxaafadda waa laga qariyay.

Si kastaba, Axmed Madoobe shaley markii ka soo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa loo soo dhaweyya si weyn, waxaana soo dhaweentiisa ka qayb qaatay wasiirro, xildhibaanno, saraakiisha ciidamada iyo fannaaninta barbaarta gaashaman , waxaana magaalada lagu dhajiyay sawirka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

FBI-da Maraykanka oo baaraysa gabar Somali ah oo Mombasa lagu dilay

0

Mombasa (Caasimada Online) Sida uu qoray Axada maanta ah Wargeyska The Stander, ee ka soo baxa dalka Kenya, xubno ka tirsan hey’adda dambi baarista Maraykanka ee loo yaqaanno (FBI) ayaa gaaray magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya, si ay door muhiim ah uga qaataan baaritaanno lagu samaynayo kiis ku saabsan dil oo loo geestay gabar Soomaali ah, heesantana dhalasho Maraykan ah.

Kiiskan ayaa saxaafadda dalkan Kenya ay si weyn uga hadleen tan iyo shaley, waxaana gabadha la dilay oo da’deeda ah 19-jir loo qabtay dilkeeda labo wiil oo iyana Soomaali ah kuwaasoo la sheegay in ay qaraabo yihiin gabadha la dilay sida uu qoray wargeyska.

Si kastaba, saxaafadda Kenya ayaa leh gabadha oo lagu magacaabo Jamiilo Aweys Xaaji, inta aan la dilin waa la kufsaday, waxaana maxkamad ku taalla magaalada Mombasa ay amar ku bixisay in gacanta lagu sii hayo labada dhallinyaro ee lagu tuhun san yahay falkan.

Jamiila ayaa dalkan Kenyan timid sida ay lee yihiin hey’addaha ammaanka horaantii bishan  Septemper waxaana xilligaas ka timid dalka Maraykanka.

Mid ka mid wiilasha loo hayo falka dilka, laguna magacaabo Maxamed Bashiir Maxamed, ayaa hey’addaha ammaanka Kenya waxa ay lee yihiin isaga ayaa ahaa Jamiilo qofkii ugu dambeeyay ee ay is raaceen xilli ay doonaysay inay soo booqato guriga adeerkeed oo ku yaalla xaafada Likoni ee magaalada Mombasa.

Sirdoonka Maraykanka ayaa lagu wareejiyay kiiskan kuwaasoo wada baaritaanka falka dilka,waxaana la filayaa in ay soo saaraan baaritaan dhammeestiran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Puntland oo ka jawaabtay hadalkii uu Jamac C. Jamac ka sheegay Xamar

0

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa maanta oo Axad ah ka hadlay shir dowladda ay dhawaantan ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlaayay hiigsiga 2016-ka in afti dadweyne ay ka dhacdo Soomaaliya iyo in nidaamka fedaraalka laga dhaqan galiyo Somalia muddadaas.

Wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Sheekh Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in shirkaas qoddobada kasoo baxay ay ahaayeen kuwa natiijo aan dhalin karin.

Isagoona sheegay in Puntland ay qaadaceyso qoddobada ka soo baxay,maadama aan lagu martigalin laguna soo wargalin.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas ay ka qaybgaleen kooxo uu ku sheegay in ay yihiin kuwii laayay Soomaaliya isla markaa dhacay wixiii hanti ay lahaayeen.

Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale, u jawaabay Jaamac Cali Jaamac oo mar soo noqday madaxweynaha maamulka Puntland ahna siyaasi iyo korneel ciidan ka soo jeeda Puntland oo ka qaybgalay shirka Muqdisho.

Siyaasigan ayaa ku tilmaamay go’aanka Puntland ay ku qaadacday shirka in uu yahay mid aan loo dhammeen isla markaana uu wato qorshahaas madaxweyne Faroole.

Wuxuu sheegay wasiirka warfaafinta Puntland in hadalkaas uu yahay mid aad looga xumaado in uu siyaasi caan oo qadarin looga hayo Puntland in uu sidaas u hadlo kana qaybgalo shir ay joogaan kooxo Soomaaliya burburiyay.

Wasiirka ayaa sheegay in Jaamac Cali Jaamac haddii uu ka qaybgalay shirka uusan matalin Puntland kana hadli karin go’aanka ay qaadatay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Maxay ka hadleen Saacid iyo Faroole oo ku kulmay dalka Djibouti

0

Djibouti (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Djibouti , ayaa sheegay in halkaas ay ku kuleen ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon iyo madaxweynaha Puntlan iyo madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha ay ka hadleen labada nin balse, war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay kulanka inuu billow u yahay wadahadal dhex mara dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Raysal wasaaraha oo saxaafadda si kooban ula hadlay kulankaas kaddib ayaa rajo weyn ka muujiyay in labada dhinac uu u  furmo wadahadal rasmi ah kaasoo lagu xoojinayo xiriirka iyo wadashaqeynta maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, maamulka Puntland ayaa dhowaan sheegay inuu  xiriirka u jaray dowladda Soomaliya kaddib markii uu ku eedeeyay in wax ka baddashay dastuurka federaalka Soomaaliya iyo in dowladda ay ka gaabisay hirgalinta nidaamka fedaraalka.

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ka qaybgalay xaflad lagu dhagax dhigaayay labo dekadood oo laga furaayo dalka Djibouti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Djibouti

RW Saacid iyo Faroole oo ku kulmay Djibouti

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo Runta u sheegay Faroole

0

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Jibriil ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, kaasoo dhawaan sheegay in wax badan laga badlay dastuurka kumeel gaarka ee dalka u yaala.

Cabdiraxmaan Xuseen Jibriil oo ahaa wasiirkii dastuurka ee dowladda KMG ayaa sheegay in Faroole uu qorshahan ka damacsan yahay in uu dadka ku jahwareeriyo maadama hadda lagu kacsan yahay.

Wuxuu sheegay in dastuurka la soo billaabay tan sannadkii 2004-ta lana soo gaarsiiyay sannadkii 2012-ka ayna ka soo shaqeeyeen khuburo iyo dad aqoon u leh.

Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa ka dhawaajiyay in Faroole uu ka mid ahaa lixdii saxiixayaasha hannaankii looga baxayay kumeel gaarka ee Road Map-ka, wuxuu is weediyay sababta keentay in Faroole kaligiis uu qeyliyo markasta, marka loo eego madaxdii kale.

“Faroole isaga uun ayaa sheegaya in dastuurka wax laga badalay, waayo Sheekh Shariif oo ahaa madaxweynihii xilligaas, oo hadda ku sugan Kampala illaa hadda kama hadlaayo dastuurka wax yaabaha uu sheegayo Faroole, Cabdi Weli Gaas oo ahaa ra’iisal wasaare kama hadlaayo, Sheekh Shariif kama hadlaayo, Galmudug kama hadleyso isaga maxay tahay wax yaabahan uu sheegayo” ayuu yiri Xoosh Jibriil.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta ka dambeesay Faroole  inuu wax yaabaha ku andacood ku ay tahay isagoo wajahaya dhibaato siyaasadeed oo aad u weyn marka wuxuu rabaa in uu ku qariyo arrintan oo ku weeciyo ayuu yiri.

Si kastaba, Puntland waxa ay dhawaan ku dhawaaqday in joojisay wadashaqeentii dowladda dhexe, sidoo kale waxa ay maanta qaadaceen qoddobada ka soo baxay shir looga hadlaayay mustaqbalka Soomaaliya oo muddo shan cisho ka socda Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Col. Barre Hiraale iyo madaxweynayaal is-magacaabay oo Muqdisho ku shiray iyo qodobbo ay soo saareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah kulan ku yeeshay qaar ka mid ah madaxweynayaal isku magacaabay maamulka Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasoo ka soo horjeeday Axmed Madoobe oo hadda hoggaamiyaha kumeel gaarka ee maamulka Jubba.

Kulanka dadka ka muuqday waxaa ka mid ahaa Barre Aadan Shire Hiraale, Cabdi Baaleey Xuseen, Cumar Buraale Axmed iyo Iftin Xasan Baasto, kuwaasoo  horrey isku magacaabay madaxweynayaasha maamulkXa Jubbooyinka.

Shirkooda oo saxaafadda ay bannaanka ka joogtay, waxaa looga hadlay qoddobo badan,oo ay ka mid tahay in ay qaadaceen heshiiskii dowladda Soomaaliya magaalada Addis Ababa kula gaartay maamulka Axmed Madoobe.

Waxa ay sheegeen in kulankaas uu ahaa mid hal dhinac lala qaatay, isla markaana aan loo dhammeen.

Intaas kaddib waxaa xubnaha ku shiray Muqdisho ay sheegeen in ay diyaar u yihiin heshiis lala galo Axmed Madoobe iyo in dowladda dhexdhexaadin ay ka sameeso labadaas dhinac.

Dhinacyada ku shiray Muqdisho ayaa sidoo kale dowladda uga digay haddii aysan si degdeg ah uga laaban aqoonsiga ay siisay hoggaamiyaha Raaskambooni in isku dhacyo iyo qas ay ka billaaban doonaan  magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobalada Jubbooyinka.

Ugu dambeen war-saxaafadeed ay soo saareen dhinacyadan oo u khriyay Dr. Abshir ayaa sheegay Axmed Madoobe iyo maamulkiisa in ay ka billaabeen Kismaayo barakicin iyo boob ay u geesanayaan hantida ay lee yihiin dadka ka soo jeeda maamulka Jubba.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan dhinac ka ahayn khilaafka ka jira Jubbooyinka, wuxuu sheegay in khilaafkaas uu ka dhaxeeyo Axmed Madoobe iyo dhinacyada maanta ku shiray magaalada Muqidsho.

Wuxuu sheegay in heshiiskii Addis Ababa aan si siman aan loo siin kooxaha ku dagaalamay Kismaayo, wuxuuna intaas ku daray in hal dhinac ay dowladda la safatay sida uu hadalka u dhigay.

Waxa ay dowladda, beesha caalamka iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ay ugu baaqeen in xalka Jubbooyinka uusan ku jirin in hal dhinac lala heshiiyo iyo in si isku mid ah aan loo simin.

Si kastaba, kulanka hoggaamiyaashan iskood isku magacaabay Jubbooyinka ayaa ku soo beegmaya iyadoo shaley magaalada Muqdishu uu soo gaaray Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

VIDEO: Muuqaalka sare ee Magaalada Muqdisho Sidaan ma ku ogeyd??

Caasimada Online:  Muqdisho muuqeeda sare waxaad arkeeysaa dabaqyo is qabsaday iyo muuqaal qurux badan oo bilicda Magaalada soo celiyay waxaana arinkaani uu xoog uga socdaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Warbixintaan muuqaalka ah waxey ku tusineysaa Magaaladu in ay dhismeeyso waxaana taa ay ka macna tahay in Bulshado ay fahamtay qimaha bilicda dalka iyo dowladnimada ay lee dahay.

HALKAAN KA DAAWO: 

Dhageyso: DF oo maanta xarigga ka jartay Mashruuc Qiimo badan.

0

Muqdisho (Caasimada online)  Dowlada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xaya xarigga uga jartay mashquurac aada Dugsiyada oo ay soo qaban qaabisay wasaarada adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya qeybteeda waxbarasha.

Xalada furotaanka waxaa ka qeyb galay qudbad dheerna ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu si qoto dheer uga hadlay Faa’iidada Waxbarashada ay Bulshada Soomaaliyeed u leedahay.

Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeed ku qotoma Muhiimadda iyo ujeedka Mashqruucan

Sadaxda sano ee nogu soo aadan, in kabadan hal milyan oo caruur soomaali ah ayaa helaya fursad dhab ah oo ay dib ugu bilaabayaan, ayna helayan waxbarasho lacag la’aan ah 20-sano kadib.

Mashruuca “Aada Dugsiyada” waa fikrad ka timid wasaarada horumarinta iyo adeega bulshada. Waxaa la dhisayaa ama la dayac tirayaa boqolaal skuula ah, waxa la bixinayaa qalab dhalinyaro wax ku bartaan, waxa la taageerayaa lana tabo barayaa macalimiin cusub, sido kale waxa lagu dhiiro gainayaa waalidiinta iyo bulshada iney waxbarashada gabdhaha mudnaanta kowaad siiyaa iyo wiilashaba. In badan oo kamid ahna, waxey u noqoneysaa marki ugu horeyse ee waxbarasho helaan. Tani waa ololaha ugu weyn oo caruurta Somaalia fasalada lagu geeynayo in kabadan 20 sano.

Mashruucani wuxu noqonayaa mid badala barta dhibaatooyinka iyo dowlad la’aanta ee Somalia caanka ku noqotay dagaaladii sokeeye.

“Caruurta iyo dhalinta yar oo waxbarasho la siiyo waxey muhiim u tahay mustaqbalkooda, kan reerkooda iyo bulshada guud. Laakin waxbarashadu sido kale waxe y muhiim u tahay nabadeynta iyo xasiloonida. Waxbarashada waxey noqon kartaa calaamada nabadeynta Somaaliya. Aye tiri wasiirka horumarinta iyo adeega bulshada, Dr. Maryan Qasim.

Waqtigan xaadirka ah, tobankii canug ee Somalia ku nool, afar kaliya ayaa iskool ka hesha, halka sadax meelood meel gabdho yihiin.

Sida ugu fiican uguna haboon ee faqriga iyo sinaan la’aanta lagu yareen karo waa in la maalgaliyaa waxbarida caruurta iyo dhalinta yar-mustaqbalkeena. Sidaas darted ayaan manta u daahfureynaa qeybti koowaad ee mashruuca “Aada dugsiyada”. Tani waa tilaabada kowaad o aynu ku gaareyno hadafkeena ugu dambeeye ee ah in waxbarasho tayo leh oo lacag la’aana ey helaan dhamaan caruurta ku nool wadanka Somaalia.

Dowlada Federal ka ahi waxa ay ku dhawaaqday furitaanka barnaamjika 8da Sebtember, waxayna qoreysaa 100,000 oo caruur ah dugsiyada dowliga ah, taasina waxay noqonaysaa qaybta ugu horeysa ee AADA DUGSIYADA.

8 da Sebtembar waxa kaloo ay calaamad u tahay maalinka qorida iyo akhrinta ama tacliinta, himilada caruurta Soomaaliyeed iyo hogaanka bulshda ay u qabaan AADA DUGSIYADA waa mid weyn oo xad dhaaf ah.

Wasiirka wasaarada waxbarshada ee Puntland, Mudane Cabdi Farax Juxa ayaa yiri “caruurtu waa inay ugu horeeeyaan, inagoo dhami waa inaynu ka tashano sida caruurta wax loo bari lahaa, cidkastaa waa inay doorkeeda ka ciyaartaa dowlada, waalidka, macalimiinta, iyo bulshada guud ahaan.”

Ganacsatada gudaha, Siyaasiinta, Hogaanka culumada iyo Odayaasha ayaa taageeray abaabulka. Qurba joogtauna waa lala hadlay inay lacag ku deeqaan iyo dhiiri galin ba.

“Aniga, wax barshada wey igala weyn tahay akhrin iyo qorid kaliya,” ayey tiri Dr. Maryam Qasim. Iyadoo hadalka sii waday ayey tiri “ wax barshadu waan aalad muhim ah oo loo addegsan karo hormarinta nabada iyo xasiloonida iyo weliba hormarinta dhaqaalaha iyo barwaaqada. Caruurta joogta Soomaaliya oo idil wey madunyihiin in loogu deeqo waxa ugu fiican si ay u tiigsadaan himiladooda, ma ahan dugsiyada oo qura balse noloshooda oo dhan.”

AADA DUGSIYADA waa barnaamij dalkoo idil ku baahssan, “tani waa fursad qaali ah oo hormarinaysaa sanadadii lasoo dhaafay, akideysana in caruurta Soomaaliland in helaan wax bada ay mudan yihiin.” Ayuu yiri Mudane Axmed Nuur Fahiye, wuxuu intaa kusii daray “tani waa mudnaanta ugu horeysa ee dowlada in caruurtu farxad iyo mustqbal dhalaalaya ay yeeshaan.

Halkaan ka dhageyso Codka Madaxweynha Soomaaliya

Halkaan ka Dhageyso Madaxwaynaha Soomaaliya

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Ahlu Sunna oo kasoo horjeesatay Shir Muqdisho ka Socda

0

Dhuusomareeb(Caasimada online) Ururka Ahlusuna Waljamaacaya ayaa si cad uga Soo horjeestay Shirka Arimaha diinta looga hadlayo  ee ka socda Magaalada Muqdisho oo ay Dowladda Soomaaliya qaban qaabisay.

Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir, Guddoomiyaha Golaha Talada Ahlusuna  ayaa sheegay in ururka Ahlusuna ay si buuxda uga soo horjeedaan shirka arimaha diinta looga hadlayo ee Muqdisho ka socda.

Arintan ayuu ku sababeeyay inay tahay in hadii ay yihiin ururka ahlu sunna laga soo garay Diinta islaamka Sida uu sheegay , waxaana yy sheegay in aan shirka Muqdisho ka soconaya aan lagala tashan .
Qodobada kasoo baxa shirkaas ayay ururka ahlu sunna Sheegeen in marnaba aysan aqoonsan dooniin Maadaamada aan ururkaas lagu Casuumin Shirkaas sida uu carabka ku adleeyay Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir.

Ururka ahlu sunna dhawaan waxay sheeeciyeen inay si dhab ah ugu mid noqdeen dowlada Soomaaliya isla-markaana ciidamada Ururkaas la qarameeyay sida dhawaan Saraakiisha ururkaas ay shaaciyeen

Muqdisho ayaa maalintii labaad waxaa ka socda shirweyn looga hadlayo xal u helidda mushkiladda Guluwiga “ku talax tagga Diinta” kaasi oo Dowladda Soomaaliya soo qaban qaabisay culimadda Soomaaliyeedna ay qeyb ka qaaten.

Si kasto waxaa laga warsugayaa waxyaabaha kulankan kasoo baxa iyadoona shirkan uu yahay kii Seddexaad oo tan iyo Markii dowladana la magacaabay lagu qabto Muqdisho.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir
Caasimada online
Xafiiska Dhuusomareeb

Su’aal ka dhalatay hadal layaab lahaa oo kasoo yeeray DF Somalia

0

Halka Milyan Caruurta ah Ma Geedaha Hoostoodaa Wax Lagu Barayaa?

Tan iyo markii la Magacaabey Wasiirada Adeega Bulshda waxay markiiba ku Dhawaaqdey in Caruur Gaareysa Hal Milyan ay Wasaaradeeda siin doonto Waxbarasho lacag la’aan ah waxaana Mashruucaaan soo Dhaweeyey Bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan waayo Muddo 22 Sano ma jirin Caruur ay Dowlad si lacag la’aan ah ku Bareyso sidoo kale waxay Wasiiradu Balan qadey in halkaa Milyan ay wax Barayaan Kun Macalin.

Waa arrin lagu farxo in Caruur Soomaaliyeed oo Tiradaa la’eg ay Waxbarasho lacag la’aan ah heleen,Hadaba su’aasha is Weydiinta Mudan waxay tahay in arrintu ay u Muuqato “waan Socon weyney Aan Orodno” Waayo Bulshada Soomaaliyeed si wanaagsan ayey uga wada Dherergsan yihiin in Mashuurcaan uu ku yimid Qof Riyoodey waayo maka hore in Caruur wax la Baro waa wanaagsan tahay hase yeeshee waxaa ka horeeya Arimo fara badan.

Dowladii hore ee Milatariga inta aan Carrurta loo Dirin Dugsiyada waxaay Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ka Hirgelisey Dhismayaashii Dugsiyadii Caruurtaas wax lagu Bari lahaa ,markii la Diyaariyey Agab loogu talagaley Waxbarshadii ayaa waxaa Bilowdey Mashruucii loogu Magacdarey Waxbarashada Khasabka waxaana Waalid kasta lagu Khasbey inay Caruurtooda Dugsiyada u diraan waxaana uu Mashuurcaas uu noqdey mid lagu Guuleystey, Hadaba Dowladaas waxay ka tagtey Dugsiyadii oo u baahan oo keliya in la Dayatiro oo Boorka Dib looga jafo.

Mashrruca Wasaarada adeega Guud ee Dowladda ee Qaybteeda Waxbarashada ma muuqtaa mid Hirgaliyo , waxaa Xaqiiqo ah Hadii aan Indhaha la istireyn in aysan Suurta gal ahayn in uu Mashruucaas uu Hirgalo waa mide Dugsiyadii Dowladda lahayd waxaa si gaar ah loo siiyey Shaqsiyaad kuwaa oo Caruurta Soomaaliyeed Waxbarashadooda lacaga fara badan uga qaata marka Dugisyadaas waxaa tegi karo nin Jeeb Buuran ,waxaana Xaqiiqo ah in Dugsiyadii Dowladii hore aan Dhihi karo ilaa saddex Miliyan Caruur ah ayaa wax lagu Bari kara

Nin Odey ah oo markii Wasiirada ku dhawaaqdey in caruur gaareysa Hal Miliyan la siinayo Waxbarasho lacag la’aan ah oo aad ugiu Faraxay Warkaas ayaa haatan Candhuuftii dib u ligay isaga oo Calaacalaya ayaa yiri . Mashruucaan la leeyahay Hal Milyan oo Caruur ah ayaa wax lagu Barayaa waxaa leeyahay Qoladii ku dhawaadey Mashruucaan waa kuwa Maskaxdooda Foorta waxaana ku Tilmaami karaa Madaxii oo Majiihii loo Rogey War Caruurta ma Geedaha Hoostooda ayaa wax lagu Barayaa waa kuwaa iskuuladii la siyey Hayado Shisheeye iyo Shaqsiyaad oo maanta Caruurta Soomaaliyeed lacagao fara badan looga qaadayo marka waxaa leeyahay Dowladda Soomaaliyeed yeysan Taariikh Xumo idiin Imaan intaa aad Riyooneysaan|

Hooyo Saynab iyadoo ka hadleysa Mashruucaan la sheegey in Hal Milyan oo Caruur ah wax lagu Barayo ayaa tiri “Waxaan ka mid ahaa Dadkii laga saarey Dugsigii Farasmada oo markii nalaga saarayey Dowladu noo sheegtey in Caruurta Soomaaliyeed si lacag la’aan ah wax lagu Barayo maanta fiiri intii Jeebka weyneyd ayaa Caruurtooda wax lagu Barayaa marka waa uun Khiyaano Ummada Soomaaliyeed laga galey waxaana Dowladda Soomaaliyeed aan leeyahay Taariikhdu waa ma Hadho ah yeysan .

Ismaaciil Farxaan waa Macalin wax ka Dhiga mid ka mid ah Dugsiyada Gobolka Banaadir isagoo ka hadlaya Mashuuca ay wadato Wasaarada Adeegga Guud ayaa yiri “Waxan Ogahay in oo la Qosheeyey in Dugsiyo ay Dowlaedu hore u lahayd oo Shaqsiyaad horey loo siiyey in lagu jilayo Mashruucaan si loo indha Sarcaadiyo Bulshada Soomaaliyeed,waxaana Ardeyda Dhigata Dugsiyadaas laga dhigayaa kuwa lagu bilaabayo Mashruuca la soo Dhoob Dhoobey ee Wasaarada haatan wadato marka waxaan leeyahay Cidda Hor Boodeysa Mashruucaas Ummada maanta jirta waa kuwa wax weliba og oo aan wax loo Qarin Karin.

Dugsiyadi Shaqsiyaadka la siiyey waxaa ka md ah Dusigii 21 Oktoobar , Dusigii Kaasa Balbalaare , Dugsigii 1-da Maajo , Dugsigii Cismaan Geedi Raage,Dugsigii Amiir Nuur ,Dugsigii Banaadir , Dugsigii Xamar , Dugsigii Raage Ugaas , Dugsigii Dhagax Tuur , Dugsigii Maxamuud Mire,Dugsigii Farsmada ee Polly Technico , Dugsigii sare ee Howlwadaag, Dugsigii Xamar Jadiid, Dugsigii Maxamuud Xarbi waxaa sooo Dugsiyo ah oo ay Dowladu leedahay ayaa haatann waxaa ku shaqeystaan Shaqsiyaad oo qaar laga dhigey Jaamacado iyo kuwa kale Burbursan kuwaa inta la wareegto ayey Hal Milyan wax lagu bari karaa iyo ka badan .

Aduunka marka la fiiriyo Dugsiyada Dowladu leedahay iyo kuwa Gaarka loo leeyahay waa kuwo isla siman hadii aad Tagtid Maamulka Soomaaliland Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dowladu leedahay waa kuwo isku Tiro ah , marka la fiiriyo Dunida Ardeyda wax ka barata Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa wax ka Barta Dugsiyada Dowladu leeyahay waxaa inta badan la Dhiira geliyaa ardeyda wax ku soo Baratey Dugsiyada Dowlada , waxaana Xaqiiqo ah hadii Dugsiyadaas Dowladu leedahay iyo Mashruucaan la isku Sar Goyn lahaa waxaa la dhihi karaa Dowladu waa ka Go,an tahay in Mashuurcaan uu Hirgalo marka waa Mashuurcaan aan lagu Bixi Talooyin fara badan iyo Daraasad Dheer lagu sameyn oo lab la Kac ku yimid

Guntii iyo Gunaadkii markii loo baxayey Ololihii Farta Soomaaliiga Ardeydii ka qayb gashey waxaa markii hore loo Diyaariyey Agabkii dadka wax lagu bari lahaa waxayna Dowladu soo saartey Sabuurad isku laabmeyso oo ay u dhan yihiin Agabkii kale ee Waxbarashada marka Dowladda gaar ahaan Wasaarada Adeega Guud Bulshada waxaa la dhihi kara arrinta Mashrucaan waa ay ku Deg degtey, marka waxaan u fadhinaa halka uu ku dambeeyo Mashruucaan Halka Milyan ee Caruur ah lagu siinayo Waxbarsho Lacag la’aan ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

 

VIDEO: Ganacsi cusub oo la yaab iyo qosol leh oo ka billowday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Mohamed Mahamud Sheikh waa Wiil Dhalin yaro ah oo Soomaali ah waxuu ku dhashay Wadanka Taliyaaniga waxuuna dib ugu soo noqday Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxuuna ka furay goob lagu dhaqo dharka ama suudadka libiska ah ee loo yaqaano afka qalaad “Somali Premium Laundry “.

Muuqaalkani waxuu qeyb ka yahay Bilicda Magaalada waxuuna Mahamed ka mid yahay dhalinta dib ugu soo noqonaya dalkiisa, waana wiil ku dhashay wadanka Italy balse soomaali ah.

Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waxuu ku tusin doonaa in aa tahay Muwaadin Soomaaliyeed uuna ku baahan yahay Dalkaada Maanta waa Maanta.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Waran-Cadde: Hanjabaada Cali Khalif waa mid uu ku qaraabanayo, Khaatumana waa qayb kamid S/Land

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha Gudaha ee Somaliland, ayaa sheegay in aanay jirin wax khaatumo State la yiraahdo oo ka hawlgasha Gobolada Sool ,Sanaag iyo cayn oo dadka beeshaasi ka soo jeeda ay hada ka tirsan yihiin Somaliland.

Isagoo ka jawaabayay su aal la xiriirtay Eedaynta Siyaasiga Cali Khalaiif Galayr eek u saabsan in hawenka ka soo jeeda Beelaha Khaatumo la jirdilo laguna dhibaateeyo Xabsiyada ayaa yiri’’ wax ka jira malahan oo dadka Gmail.xobeeshaasi ka soo jeeda waa kuwa uga badan ee doodaha ka soo jeediya talefishinada iyo warbaahinta Gudaha iyagoo ku sugan Hargaysa.

Wasiirka arrimaha Gudaha ee Somaliland, ayaa sheegay in aanay jirin wax khaatumo State la yiraahdo oo ka hawlgasha Gobolada Sool ,Sanaag iyo cayn oo dadka beeshaasi ka soo jeeda ay hada ka tirsan yihiin Somaliland.

Isagoo ka jawaabayay su aal la xiriirtay Eedaynta Siyaasiga Cali Khalaiif Galayr eek u saabsan in hawenka ka soo jeeda Beelaha Khaatumo la jirdilo laguna dhibaateeyo Xabsiyada ayaa yiri’’ wax ka jira malahan oo dadka Gmail.xobeeshaasi ka soo jeeda waa kuwa uga badan ee doodaha ka soo jeediya talefishinada iyo warbaahinta Gudaha iyagoo ku sugan Hargaysa.

Dhageyso wareysi uu wasiirka siiyey weriye Xasan Cadde oo ka tirsan TV-ga Somali Channel

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Howlgalo saakay ka socda Baladweyne (MAXAA SABAB U AH?)

0

Baladweyne (Caasimada Online) Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiran, waxaa xaley ka dhacay qarax nooca miinada kaasoo lagu weeraray goob makhaaxi ah.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku geeriyooday in ka badan afar kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxaas sida ay sheegayaan dadka goobjoogayaasha.

Balse, taliyaha ciidamada booliska ee Baladweyne Korneel Isxaaq Cali Cabdulle oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay hal qof afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha ayaa sheegay in dhammaan dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay ay ahaayeen kuwa rayid ah, wuxuuna intaas ku daray markii qaraxa uu dhacay in ay soo gaareen goobta ciidamada ammaanka, kuwaasoo howlgallo billaabay.

Qaraxa oo ka dhacay xaafadda Howlwadaag, waxaa la sheegayaa in laga maqlay afarta xaafadood ee ku yaala magaalada Baladweyne.

In kastoo goobaha ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha uu caadi yahay, haddana waxaa la sheegayaa in maagalada ay ka socdaan saakay howlgalo kuwaasoo lagu soo qabqabtay dhowr qof kuwaasoo u badan dhallinyaro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Xasan oo u amba baxay Baladweyne

0

Muqdisho (Caasimada online) Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiraan waxaa ka socda Qaban qabadi ugu dambeysay oo ay kusoo dhaweynayaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya  iyo xubno ka tirsan Wasiirada Soomaaliya ayaa u ambabaxay Magaalada Beladweyne oo saacadaha soo socda la filayo inuu halkaasi gaaray.

Garoonka Diyaaradaha  Ugaas Khliif waxaa ku sugan Xubno  ka mid ah maamulka gobolka Hiiraan kuwaas oo diyaar garow buuxa ugu jira Soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo saaka laga sugayay inuu tago Magaalada Jowhar sida qorshuhu uu ahaa ayaa baaqday iyadoo aan si dhab ah loo ogeen ujeeda ka dambeysa Baaqashada Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliye ee magaalada Jowhar.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Jadwalka shirka New Deal ee Brussels oo lasoo saaray (Cid aan DFS ahayn looma ogola inay goobta ka hadasho)

0

Brussels (Caasimada Online) –  Ururka Midowga Yurub ee fadhigiisu yahay magaalada Brussels dalka Belgium ayaa soo daabacay Jadwalka loogu talagalay inuu ku socdo furitaanka shirka weynaha looga hadlayo Mustaqalka Somalia ee New Deal, kaasoo furmaya 16-ka bishan.

Shirkan ayaa waxaa furaya sida ku qoran jadwalka H.E. Mr Herman Van Rompuy oo ah Madaxweynaha Midowga Yurub oo khudbad dheer ka jeedin doona, taasoo ka hadleyso qaabka Somalia looga caawin karo horumarka dhinacyada nabadda, dhaqaalaha, Dimoqraadiyada iyo in cagaheeda isku taagto.

Waxaana si wada jir ah u shir guddoomin doona shirka New Deal Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub  Catherine Ashton, iyo Wasiiradda arrimaha dibada iyo xiriirka Caalamiga Ms. Fawzia Yusuf Adam.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furitaanka kadib isna kusoo bandhigi doona qorshaha Somalia ee New Deal, hadafka laga leeyahay shirkan iyo waxa ay ka sugayaan Midowga Yurub, iyadoo ugu danbeyntii laga soo saari doono war murtiyeed lagu taageeraayo Somalia, waxaana shir jaraa’id gabagabada shirka qaban doona Madaxweynaha Somalia iyo Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub  Catherine Ashton.

Waxaa xusidmudan in sidoo kale ay jiraan wasiiro kale oo ka tirsan DF, oo iyana shirka ka jeedin doona khdudbado.

Dhammaan xubnaha shirka hadallada ka jeedin doono waa kuwa ka socda Dowladda federaalka ah illaaa iyo hadda sida ku cad jadwalka.

Waxaa jadwalka uu so baxay waqti Faroole uu dadaal xooggan ugu jiro in laga aqbal inuu si madax ka banaan dowladda Somalia uga qeyb galo shirka, taasi oo hadda u muuqata rajo aan wanaagsaneyn, maadaama jadwalka shirka uu soo baxay illaa wax laga beddelo maahee.

HALKAN DHAG SII SI AAD U AKHRISATO JADWALKA SHIRKA

Caasimada Online

Xafiiska Brussels 

[email protected]

QM oo ballan qaad u sameysay dalka Somalia, kadib qaraxyadii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa cambeereesay labadii weerar ee maanta lagu qaaday  meel ku dhow makhaaxida The Village ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay caawa xafiiska wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa lagu cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay Muqdisho.

Inta la ogyahay 18-qof ayaa ku dhintay in ka badan 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin illaha caafimaadka iyo booliska

Danjire Kay ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo fuleynimo ah, isagoo xusay in loo baahan yahay dedaallo looga hortago dhibaatooyinka ay argagixisada u gaysanayso Soomaaliya, gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Wuxuu tilmaamay in arrimahan oo kale ay haboon tahay inay na xusuusiso baahi weyn oo shacabka Soomaaliya ay u qabaan helidda nabad laysku hallen karo.

Mr. Kay ayaa ballan qaaday in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu u taagan yahay taageeridda dedaallada socda ee ku aadan xoojinta horumarka iyo nabadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in QM ay ballan ku qaadeyso inay Somalia ka caawiso, sidii looga guuleysan lahaa kuwa dagaalka kula jira shaabka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan.

Ugu dambeen danjire Kay ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo asxaabta dadka ku geeriyooday qaraxa, isagoona cafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwa dhaawacmay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]