Jadwalka shirka New Deal ee Brussels oo lasoo saaray (Cid aan DFS ahayn looma ogola inay goobta ka hadasho)

Brussels (Caasimada Online) –  Ururka Midowga Yurub ee fadhigiisu yahay magaalada Brussels dalka Belgium ayaa soo daabacay Jadwalka loogu talagalay inuu ku socdo furitaanka shirka weynaha looga hadlayo Mustaqalka Somalia ee New Deal, kaasoo furmaya 16-ka bishan.

Shirkan ayaa waxaa furaya sida ku qoran jadwalka H.E. Mr Herman Van Rompuy oo ah Madaxweynaha Midowga Yurub oo khudbad dheer ka jeedin doona, taasoo ka hadleyso qaabka Somalia looga caawin karo horumarka dhinacyada nabadda, dhaqaalaha, Dimoqraadiyada iyo in cagaheeda isku taagto.

Waxaana si wada jir ah u shir guddoomin doona shirka New Deal Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub  Catherine Ashton, iyo Wasiiradda arrimaha dibada iyo xiriirka Caalamiga Ms. Fawzia Yusuf Adam.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furitaanka kadib isna kusoo bandhigi doona qorshaha Somalia ee New Deal, hadafka laga leeyahay shirkan iyo waxa ay ka sugayaan Midowga Yurub, iyadoo ugu danbeyntii laga soo saari doono war murtiyeed lagu taageeraayo Somalia, waxaana shir jaraa’id gabagabada shirka qaban doona Madaxweynaha Somalia iyo Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub  Catherine Ashton.

Waxaa xusidmudan in sidoo kale ay jiraan wasiiro kale oo ka tirsan DF, oo iyana shirka ka jeedin doona khdudbado.

Dhammaan xubnaha shirka hadallada ka jeedin doono waa kuwa ka socda Dowladda federaalka ah illaaa iyo hadda sida ku cad jadwalka.

Waxaa jadwalka uu so baxay waqti Faroole uu dadaal xooggan ugu jiro in laga aqbal inuu si madax ka banaan dowladda Somalia uga qeyb galo shirka, taasi oo hadda u muuqata rajo aan wanaagsaneyn, maadaama jadwalka shirka uu soo baxay illaa wax laga beddelo maahee.

HALKAN DHAG SII SI AAD U AKHRISATO JADWALKA SHIRKA

Caasimada Online

Xafiiska Brussels 

Caasimada@live.com