QM oo ballan qaad u sameysay dalka Somalia, kadib qaraxyadii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa cambeereesay labadii weerar ee maanta lagu qaaday  meel ku dhow makhaaxida The Village ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay caawa xafiiska wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa lagu cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay Muqdisho.

Inta la ogyahay 18-qof ayaa ku dhintay in ka badan 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin illaha caafimaadka iyo booliska

Danjire Kay ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo fuleynimo ah, isagoo xusay in loo baahan yahay dedaallo looga hortago dhibaatooyinka ay argagixisada u gaysanayso Soomaaliya, gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Wuxuu tilmaamay in arrimahan oo kale ay haboon tahay inay na xusuusiso baahi weyn oo shacabka Soomaaliya ay u qabaan helidda nabad laysku hallen karo.

Mr. Kay ayaa ballan qaaday in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu u taagan yahay taageeridda dedaallada socda ee ku aadan xoojinta horumarka iyo nabadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in QM ay ballan ku qaadeyso inay Somalia ka caawiso, sidii looga guuleysan lahaa kuwa dagaalka kula jira shaabka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan.

Ugu dambeen danjire Kay ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo asxaabta dadka ku geeriyooday qaraxa, isagoona cafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwa dhaawacmay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com