30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Madaxweynayaashii Jubaland oo Kulan ku yeeshay Xamar baaqna u diray DF

0

Muqdisho (Caasimada online) Magaalada Muqdisho Waxaa maanta ka dhacay kulan looga soo horjeedo Shirkii dhawaan dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe Ku dhexmaray Magaalada Adis-Ababab ee Caasimadda Ethiopia .

Kulanka oo ka dhacay Hotel Saxafi ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ugaasyo Waxgarad iyo Siyasiyiin kasoo jeeda deegaanada Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Waxaana Dhamaantood ay si kulul uga warbixyeen Shirkas iyo waxyaabaha ay ku dhaliilsan yihiin Heshiiska dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe.

Shirka waxaa goob joog aka ahaa qaar kamid ah Madaxweynayaashii Maamulkii Jubbaland ee dhawaan Kismaayo kula galay Axmed Madoobe, waxaana Cabdi Shire Warsame oo ku hadlayay Afka Barre Aadan Shire Hiiraale Wuxuu Sheegay inay si aad ah uga soo horjeedaan Maamulka hoganka uu hayo Axmed Madoobe.

Waxay shaaca ka qaadeen in dowlada Soomaaliya ay kusameysay qiyaano , isagoo sheegay in loo bahan yahay in si deg deg ay dowlada Soomaaliya ay ua laabato Go’aanka ku aadan Shacabka dega Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo  sid ay sheegeen ay hogaan uga dhigeen dad ay ku sheegeen inay yihiin cadowga goboladaas.

Ugaaska Beesha Sade oo dhankiisa Kulankaan ka hadlay ayaa sheegay in ka beel ahaan ay dhankooda si aad ah uga soo horjeedaan isla markana dowlada Soomaaaliya ay ka dalbanayaan inay si deg deg ah uga laabato go’aankeeda ku adan Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: 12-jir Soomaali ah oo Aabihii weydiiyay su’aal quseeysa M/weynaha

Caasimada Online:   Wiil yar oo Soomaali ah ayaa aabihiis weyniidaya Su’aal cajiib ah oo ku saabsan waa maxaay sababta mar walba Madaxa looga Sawiro Madaxweynaha Somalia aaway jirkiisa intiisa kale?

Jawaabta wiilkani uu sugaya iyo dood kulul oo dhex mareysa asaga iyo aabihii waxuuna abbaha doonayaa in uu ku qanciyo in Madaxweynaha uu yahay Madaxa ugu sareeya Wadanka sidaana looga sawiray Madaxa balse jirkiisa inta kale ay Dowlada tahay.

Hada aqristoow wiilkani yar hadaladiisa waa kuwo cajiib ah oo kaa qoslin doona ee nala daawo video-ga

HALKAAN KA DAAWO:

SAWIR gacmeedka Amiin Caamir iyo Sheekadii Faroole iyo Shariif Sakiin

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Somalia ayaa maalmahan maqleysay qeylo dhaan kasoo yeereysay beelaha dega gobollada Bay iyo Bakool ee Digil iyo Mirifle, oo ka carreysan heshiiska ay la gashay maamulka KMG ah ee Jubba.

Waxaa sidoo kale iyana dhinac ka qeyinaya Puntland, inkasta oo ayad qeylada ay caado u tahay, oo horey loogu yaqiin inay mar walba mucaarad tahay.

Amiin Arts ayaa sawir gacmeed qosol badan ka sameysay sheeko qadka telefoonka ku dhex martay Faroole iyo Shariif Sakiin, oo labaduba ah xubno fircoon o ka tirsan kooxda qas-wadayaasha Nairobi.

Halkan hoose ka arag sawirka

6_SEP_2013

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

R/W Ethiopia oo ka hadlay khilaafka DF iyo C/raxman Faroole, xalna yaboohay

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Iyadoo dhawan dalka Itoobiya ay heshiis ku soo gaaren DF Somalia iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa hadana waxa ay dooneysa dowlada Itoobiya in ay qabatay shirkada oo ay ku dhax dhaxaadineyso maamulada ka jira Somalia.

R/wasaaraha dalka Itoobiya Haile Mariam Desalegne ayaa sheegay in dowladiisa hada ay wado barnaamij ku aadan sidii ay isugu keeni lahaayeen DF Somalia iyo maamulka Puntland oo hada xiriirkooda uusan wanaagsaneyn.

Ka dib kulan oo Adis Ababa kula yeeshay Haile Mariam Desalegne madaxweynha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa waxa ay kaga wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa xiriirka kala dhaxeeya dowlada Somalia.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan shaacisay in xiriirka ay u jartay  DF Somalia ka dib markii ay ku eedeysay in ay wax ka badashay Destuurka dalka u yaala oo ay Puntland qeyb ka tahay.

Ugu danbeyntii Haile Mariam Desalegne ayaa sheegay in Dowladiisu ay diyaar u tahay wax kasta oo lays kugu keeni karo dhinacyada isku khilaafsan arimaha siyaasada dalka Somalia.

Lama oga xiliga uu dhici doonaan shirkaan ay Itoobiya sheegtay in ay ku dhaxdhaxaadineyso DF Somalia iyo maamulka Puntland oo maalmihii ugu danbeeyay uusan wanaagsaneyn xiriirkooda.

Isha: Hadaf News Network

Dhageyso: Xubnihii Puntland u matalay shirka Muqdisho oo runta sheegay

0

Muqdisho (Caasimada online) Maxamed Xaajir Aadan wuxuu ka mid yahay Ergada qeybta ka ahaa shirka geedi socondka Siyaasadda Soomaaliya ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, waxaana uu sheegay in shirkan uu uga qeyb galayo Magaca Maamulka Puntland .

Arintaan ayaa waxay ka hor imaaneysa xilli kulan ka dhacay Magaalada Garoowe ay maamulkaas ku go’aamiyeen in wax waliba oo shirkaas kasoo baxa aysan Puntland aqoonsaneyn .

Maxamed Xaaji, Wuxuu sheegay in Shirkan Geedi Socodka Siyaasadda Soomaaliya , waxaana uu sheegay inuu qeyb ka ahaa ragii Puntland ay usoo xil saaraya Shirkan iyo Shirklii kasii horeeyay ee Dastuurka Soomaaliya .

Wuxuu talo ahaan u soo jeediyay in la xakameeyo Maamuul Goboleedyada Sii kordhaya ee ku baahaya dalka , isagoo tusaale usoo qaatay Ximan iyo Xeeb , Galmudug, Puntland , Somaliland, Khaatumo, iyo Jubba taas oo uu sheegay inay sii horseedeyso kala qeybinta Soomaaliya .

Xaaji, ayaa sheegay si loo yareeyo Maamulkaas ayuu sheegay inuu ku baaqayo in Lixdii gobolba hal maamul in loo sameeyo , Taasi oo sida uu sheegay ka sahlanaaneyso sida  hada  wax u socdaan.

Puntland waxay si cad u sheegtay in ay kasoo horjeedo guud ahaan waxa kasoo baxay shirka Muqdisho ka socnayay Mudada Shanta maalin ah ee geedi socodka siyaasadda Soomaaliya .

Waxaana dhawaan ay shaca ka qaaday inay tahay dowlada ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale isla-markaan aysan ka qeyb galeen Shir ay soo qabanqaabisay dowlada Soomaaliya inkastoo haatan ay soobaxayaan inay jiraan ergo ka socota Puntland inay shirka Muqdisho kusoo dhamaaday ay qeyb ka ahaayeen.

Halkaan Hoose Ka dhageyso codka Maxamed Xaajir Aadan

Halkaan ka dhegyso Maxamed Xaaji Aadan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Jaamac Cali Jaamac: Haddii Puntland ay xiriirka u jartay DF Somalia, xaq uma lahan xildhibaano iyo wasiiro midna

0

Muqdisho (Caasimada Online) Siyaasi Jaamac Cali Jaamac, oo horey u soo noqday madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay go’aan dhawaan maamulka Puntland uu qaatay oo ah in ay joojiyeen wadashaqeenta ka dhexeesa iyaga iyo dowladda Soomaaliya.

Siyaasigan ayaa ka mid ahaa  mas’uuliyiin lagu casuumay shirweyne dowladda ay ku qabatay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlaayay hiigsiga 2016-ka in Soomaaliya ay ka dhacdo afti dadweyne iyo in nidaamka fedaraalka laga hirgaliyo dalka oo dhan.

Isagoo la hadlaayay wariyaasha ayuu Jaamac Cali Jaamac sheegay in uu aad uga xun yahay go’aanka Puntland qaadatay, haddana sidaas oo ay tahay in Puntland, xildhibaanno,wasiir, iyo wasiir ku xigeen ay ku lee yihiin dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay marba haddii Puntland ay lee dahay waxaan xiriirka u jarnay DF Somalia waa ay in la baxdaa dadka umatalaya dowladda iyo baarlamaanka ayuu yiri.

“Haddii Puntland ay xiriirka u jartay DF, xaq uma lahan xildhibaano iyo wasiiro midna” ayuu yiri

“Anniga uma arko tallaabo fiican go’aanka ay gaartay Puntland, balse haddiiba ay lee dahay waan joojinay wadashaqeenta dowladda waa in ay kala baxdaa dadka u matalaya waayo waxaan ognahay in xildhibaanno ay ugu jiraan baarlamaanka, wasiir iyo wasiir ku xigeenana ay ku lee dahay xukuumada Soomaalia”

Siyaasi Jaamac Cali Jaamac ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid aan loo dhammeen oo gaar u yahay maamulka hadda jira ee madaxweynaha uu ka yahay Puntland.

“Nin la qasbi karo ma lahan, nin hadiiddo ama hayeelo, maxaa yeelay masiirka Soomaaliya meelaha looga hadlaayo qof fasax looga qaadanaayo ma lahan ayuu yiri” Jaamac Cali Jaamac.

Si kastaba, hadalka Jaamac Cali Jaamac ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulka Puntland uu sheegay in uu qaadacay shirkii ka dhacay Muqdisho oo ay joogeen qaar ka mid ah maamulada ka jira Soomaaliya, sida Galmudug iy Ximin iyo Xeeb.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

FADEEXAD: Wasiir fal aad u xun kula kacaya carruurta barakacayaasha oo laga duubay muuqaal (Daawo)

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug Axmed Maxmud Xasan Baasto, ayaa laga duubay video, isaga oo caruur yar yar oo ka mid ah kuwa barakacayaasha ku qasbaya inay dhex galaan biyo wasaqeysan.

Dhawaan ayaa saxafada ka howsha magaalada Gaalkcyo gaaar ahaan dhanka konfurta waxaa wasiirka uu ku amaray in ay u raacaan xeroyinka barakacaaysha Gaalkacyo si ay ugu soo qaadaan muuqaalo ku aadan habka ay u nool yihiin, inkastoo aysan la soconin weriyaasha ujeedka rasmi ah ayaa haddane Axmed Baasto ujeedkiisa waxaa uu ahaaa in uu NGOyo iyo Hay’ado kale uu wax uga cuno.

Wuxuu si ka baxsan xoryatul qowlka uu la kacayay barakacayasha caruurta ay dhaleen isagoona ku amrayay in ay galaan wasaqda si muuqaalo lagu dawarsanayo looga qaado waxaana weriyihii soo duubay muuqalka uu sheegay in uu aad ula yaabay ficilada guracan uu ku dhaqaaqayo wasiir baasto.

Hayeshee Dad Badan ayaa is weydiinaayo wax ku sababay Axmed Baasto falkaasi, balse arrinta uu ku dhaqaaqo ayaa waxa ay tahay dhacdooyinka ay la kulmaan barakacayaasha Soomaaliyeed.

Baasto ayaa mararka qaar muuqaalka aad arki doontaan waxaa uu ku amaryay caruurta in ay galaan biyaha wasaqda ah oo cuduro laga qaadi kara ama ugu hanjabaya in la xeri doono oo mararka qaar la maqlayo erayo aan ku haboneen mustaqbalka Caruurta.

Si uu u muujiyo in Caruurta barakacayasha ay ugu noolyihiin biyo wasaqaysan ayuu ku amrya isagoo filim qadahana dhahaya ka gaarsi intey gudaha ku jiraan.

Halkan ka daawo Muuqaalka

Isha: Raadraacnews

DAAWO: Cali Khaliif Galayr waxba ma reeban (Wax walba wuu kashifay)

0

London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cali Khaliif galayr, ayaa wareysi xasaasi ah siiyey TV-ga Somali Channel.

Galayr, ayaa ka hadlay arrimo aad u muhiim ah, isaga oo taabtay dhinacyo badan. Waxa uu soo hadal qaaday mooshinno fashilmay oo isaga iyo xildhibaano kale ay geeyeen baarlamanka kuwaasi oo ka dhan ahaa xukuumadda Saacid. Waxa uu kashifay sababo la yaab leh oo mooshinkaas uu ku fashilmay.

Galayr, waxa uu caddeeyey in weli ay ku tala jiraan mooshin kale oo ay horgeeyaan Baarlamanka.

Waxa uu si cad u sheegay in golaha qas-wadayaasha Nairobi uu yahay mid jira kana soo horjeeda dowladda Somalia, waxaana uu sheegay magacyada shaqsiyaad aan horey loo ogeyn oo ka mid ah qas-wadayaasha, uuna ka mid yahay Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Waxa uu soo hadal qaaday heshiiskii DF iyo maamulka Jubba, isaga oo si aan buuxin usoo dhoweeyey sheegayna inay jiraan maamullo kale oo iyagana u baahan wada xaajood.

Waxa uu ku dooday in DF Somalia lagu qasbay heshiiska, ayna jiraan qodobo aanay dadku ogeyn oo heshiiska lagu soo qaaday, kuwaasi ah kuwa la yaab leh, oo ay ka mid yihiin qaabka la isku raacinayo gobollada.

Isaga oo ka hadlayey dastuurka Somalia, waxa uu qiray inay ku jiraan qodobo is burinaya, islamarkaana dastuurku uu u baahan yahay in sidiisaba la beddelo, oo aanu ahayn mid wanaagsan.

Prof. Galayr, ayaa dhinaca kale ku weeraray DF Somalia heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland, oo uu ku tilmaamay mid u muuqday in lagu aqoonsaday.

Wareysiga oo dheer ayaa Galayr waxa uu lagu weydiiyey su’aalo aad u kulul, kuwaasi oo kadibna keenay inuu ku xanaaqo wariyihii ka qaadayey wareysiga.

Halkan ka daawo Wareysiga

Caasimada Online

Xafiiska London

[email protected]

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo isu diyaarinaya waa cusub

0

Maddaarka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa isku diyaarinaya marxalad kala-guur ah oo aan hakad ku jirin isaga oo maamul ahaan ku wareegi doona Favori LLC laga bilaabo 15-ka September, sida ay sheegayaan mas’uuliyiin.

Favori ayaa la rajaynayaa in ay casriyayso Maddaarka Caalamiga ah ee Adan Cadde gaarsiisana heerarka caalamiga ah, sida dhismaha waddo-diyaaradeed oo cusub iyo in la bilaabo adeeg soconaya 24-ka saac maalintii, sidaa waxa sheegay Cali Maxamed Ibraahim, maamulaha maddaarka. Xilligan, maddaarku kaliya waxa uu shaqeeya maalinnimada.

Todobaadyadii dhawaa ee la soo dhaafay, shirkaddu waxa ay keentay qalabka lagama-maarmaanka u ah casriyaynta, sida wiishashka rarka iyo dajinta shixnadaha diyaaradaha, iyo dhismaha taangi lagu kaydiyo shidaalka diyaaradaha iyo waliba saldhig laga shubto shidaalka, ayuu sheegay Ibraahim.

“Heshiiska ay Favori ku maamulayso maddaarka waxa uu soconayaa 20 sano, xilligaas oo ay shirkaddu ballaarin doonto dibna u dhisi doonto maddaarka Muqdisho,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in qalab qiimihiisu gaarayo $3 milyan uu mar horaba soo gaaray maddaarka.

Favori, oo ah shirkad ay leedahay dawladda Turkiga, ayaa la xushay January si a u maamulo maddaarka caasimadda kadib markii ay xukuumadda federaalka Soomaaliya jabisay heshiis 10 sano ahaa oo ay 2010-kii la saxiixatay shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee SKA Air and Logistics, iyada oo sheegtay in SKA ayan ka soo dhalaalin hankii laga filayay.

SKA waxa ay ku guul-darraysatay in ay ka soo dhalaasho heshiiskii oo uu ka mid ahaa in maddaarka lagu casriyeeyo qalab cusub si maddaadka loo dardar-galiyo la iskuna waafajiyo adeegayda, ayuu sheegay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdishakuur Mire Aadan.

“Taasi macnaheeda maaha in SKA ayan innaba waxba qaban intii ay maamulaysay maddaarka Muqdisho,” ayuu sheegay, isaga oo shirkadda uga mahadceliay dadaalladeedii.

Iyada oo isku diyaarinaysa la wareegidda maamulka, ayay Favori waxa ay biloowday diiwaan-galinta shaqaalaha maxallia ah ee maddaarka ee xilligan ku qoran diiwaanka mushaarrada ee SKA si loo soo wareejiyo shaqooyinkooda.

Maxamed Ibraahim, oo ah shaqeele ka tirsan SKA oo ka howlgala qaybta boorsooyinka ee maddaarka, ayaa sheegay in Favori ay haddiiba diiwaan-galisay ugu yaraan 56 ah shaqaalihii hore ee SKA, iyada oo lambarkaa intaa ka badan doono marka ay shirkadda cusubi la wareegto shaqada.

Waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in uu la sii shaqayn doono Favori sannadaha soo socda.

Suguddi ammaanka maddaarka

Mas’uuliyiinta Favori ayaa sidoo kale kulamo la qaatay madaxda SKA iyo kuwa xukuumadda federaalka si loo hubiyo in waajibaadka ammaanka maddaarka loola kala wareego si aan hakad lahayn, sida uu wariyay Radio Muqdisho.

Favori ayaa la filayaa in ay arrimaha ammaanka maddaarka kala shaqeeyso askarta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo bilayska Soomaaliya, sida uu sheegay Cali Salaad, oo ah 45-jir askari bilays ah oo saldhiggiisu yahay maddaarka.

“SKA waxa ay lahayd qayb ammaan oo nala shaqayn jirtay iyada oo Favori-na yeelan doonto qayb ammaan oo nala shaqaysa,” ayuu Salaad sheegay.

“Ammaanka ayaa asaasiyan waxa mas’uul ka ah bilayska iyo ciidanka ammaanka,” ayuu yiri Xuseen Cabdinuur Bataar oo ah taliye ka tirsan bilayska.

Bilaysku waxa uu sii wadi doonaa in uu la shaqeeyo dhammaan jihooyinka kale ee ka howlgasha maddaarka si loo hubiyo in uunan jirin wax hakad ammaan ah, ayuu yiri.

Dhinaca kale, Aadan Keeroow Cabdi, oo ah 36-jir ka shaqeeya xafiiska Hay’adda Qaxootiga Maraykanka ee Muqdisho, ayaa sheegay in uu la dhacsan yahay rajada ah in adeegga maddaarku shaqeeyo 24 saac.

Waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dib u soo kabashada Soomaaliya taas oo meesha ka saari doonta qaar ka mida caqabadaha ay la kulmaan dadka u soo dhoofa Soomaaliya, ayuu sheegay, isaga oo intaa ku daray in adeegyadii xaddiidnaa ee maddaarku ay si khaas ah caqabad ugu ahaayeen rakaab badan oo u safra howlahooda shaqo.

Isha: Sabahi Online

Daawo Video: Gabar Soomaaliyeed oo lugteeda ku weysay qaraxii Masar

0

Caasimada Online:   Labo Haween Soomaaliyeed ah ayaa ku dhaawacmay Qaraxii shalay lagu weeraray Wasiirka arrimaha Gudaha dalka Masar Mohammed Ibrahim, kaasoo ka dhacay xaafadda Madiinati Nasri. waxaana dhaawaca labadan Haween mid ka mid ah ay ku weysay lugteeda halka haweeneyda kale dhaawac fudud uu kasoo gaaray.

Gabadhan Soomaaliyeed oo da´deeda lagu sheegay 16 sano jir ayaa lugteeda ku weysay qaraxii shalay oo lagu magacaabo Deeqa Xasan ayaa waxay ka tagtay dalka Ingiriiska halkaasi oo ay booqaneysay Waalidkeed.

Deeqa oo ku jirta isbitaal ku yaal magaalada Qaahir ayaa ugu warbixisay warbaahinta dalka Masar qaabka uu qaraxu u dhacay, iyadoo sheegtay ineysan wax faah faahin dheeri ah ka bixin karin balse ay aragtay dhalinyaro Masaari ah oo goobta ku sugnaa, 10 daqiiqo kadibna ay mashaqada dhacday.

Subaxnimadii shalay ayuu qaraxan uu ka badbaaday Wasiirka arrimaha gudaha Masar Mohammed Ibrahim xili uu kasoo baxay gurigiisa oo ku yaal xaafada Madiinati Nasri.

 HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

Ra’isul Wasaare Saacid oo la kulmay Ismaaciil Cumar Geele

0

DJabuuti (Caasimada online) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirddoon “Saacid” oo maanta Aqalka Madaxtooyadda ee Dalka Djibouti kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xiriirka walaaltinimo labada dalka iyo dadaalka uu Madaxweynaha Djibouti ugu jiro daganaanshaha Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti waxaa kulankoodan ay uga wada hadleen iskaashiga labada dal ee arimaha Amaanka, Siyaasadda, Ganacsiga iyo Dib-u-dhiska. iyadoo dhanka kalana Ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu ka warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumaradda ay Dawladdiisu ku talaabsatay mudadii ay jirtay.Raisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay uga mahadceliyay dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay ugu jirto sidii Soomaaliya ay uga soo kaban lahyd bur-burkii ku dhacay 22kii sano ee lasoo dhaafay iyo xaqiijinta rajjada muuqata ee Soomaaliya.“Dawladda Djibouti ee aan Walaalaha nahay waxaan uga mahad-celinayaa doorkeeda Soomaaliya iyo sida ciidanka Djibouti ee Amisom ay horumarradda la taaban karo uga sameeyeen Gobolka Hiiraan, sidoo waxaan ku faraxsanahay in si gaar ah aan isaga kaashanno arimaha Aamaanka, Siyaasadda Ganacsiga iyo Dib-U-dhiska oo aan halkan u joogno” Ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku amaanay Dawladda dadaalka ay ugu jirto bad-baadinta umadda Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu madaxweynuhu sheegay in dalkiisu uu sii xoojin doono xiriirka ka dhexeeya iyo gacanta kaga aadan xasiloonidda dalka.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru dawlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenka Khayraadka ayaa kulan ay la yeesheen Ra’isul Wasaaraha dalka Djibouti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo Wasiirka gaashaandhiga dalka Djibouti Mudane Xasan Dharaar Hufane waxaa ay uga wada hadleen arimaha amniga iyo qorshaha Dawladda ee xasilinta dalka.

Caasimada online
Xafiiska Djabuuti

Maleeshiyo xiran dareeska ciidamada DF oo qaati laga taaagan yahay

0

Afgooye (Caasimada Online) Waxaa saakay la joojiyay dhammaan gawaarida ka shaqeesa Afgooye iyo Marka, kaddib markii ay soo bateen kooxo xiran dharka ciidamada dowladda kuwaasoo dhac iyo tacadiyo kula kaca dadka rayidka ee ku safra waddadaas.

Qaar ka mid ah darwalada ka shaqeeya wadooyinka Afgooye iyo Marka oo saakay (Sabti ah) la hadlay Idaacadda GOOBJOOG ayaa sheegay in ay qaati ka taagan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo dhawaan laga qaaday isbaaro u tiilay deeganka Baar-Ismaacil ee degmada Afgooye.

Waxa ay shegeen in markii ciidamadan laga ceyriyay Isbaaradii u tiilay Baar Ismaacil in ay billaabeen qaab cusub oo ay ku dhacaan baabuurta iyo dadka safarka ah ee adeegsaday waddadaas.

“Waxaan rabaa in aan idiin sheego waxaa saakay aan joojinay baabuurta, waayo isbaarooyin cusub ayaa ka bilaabatay Afgooye, ciidamada millitariga ayaa dhac iyo tacadiyo u geesta baabuurta iyo dadka oo ay baataan” ayuu sheegay mid ka mid ah darawalada.

Waxa ay baaq u direen dowladda Soomaaliya, iyagoona ka codsaday in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka soo food saartay afartii cisho ee la soo dhaafay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo darwalada adeegsada waddada isku xirta Afgooye iyo Marka ay muujiyaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan ciidamada dowladda.

Dhawaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo maamulka Marka waxa ay sheegeen in lagu guuleestay qaadista isbaarooyin yaalay magaalada Marka iyo deeganka Buufow ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

War-murtiyeedka shir weynihii qaran ee geedi socodka siyaasada Somalia

0

War murtiyeedka waxaa soo saaray gudiyadii loo xilsaaray in ay aruuriyaan afkaaraha ka soo baxday shirweynaha qaran ee geedi socodka siyaasada iyo hiigsiga sanadka 2016ka, islamarkaana ay u soo bandhigeen ka soo qeyb galayaasha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa la isku raacay,oo soo baxay warmurtiyeed loogu magac daray mabaadii’da iyo talooyinka shirweynaha qaran ee Siyaasada Soomaaliya iyo hiigsiga sanadka 2016-ka.

Warmurtiyeedku waxa uu ku bilaabanayaa horudhac oo ah in qabashada shirkaan uu lahaa fikradeeda Madaxweynaha Jambuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo  ku dhawaaqay in shirkaan uu noqon doono kii koowaad oo qeyb ka ah shirar badan oo wadatashi ah, si dalka loo gaarsiiyo hanaan dimoquraadi ah oo ay dadku leeyihiin in qof waliba uu codkiisa xisaab galo oo ah macnaha in lagu tashado.

Ergadu waxa ay shirkaan oo lagu qabtay Muqdisho 2-ilaa 6-dii bishan ka doodeen shan Mowduuc oo kala ah, horumarinta dastuurka, dib-u-eegistiisa, dhameystirkiisa iyo hirgelintiisa oo ah mowduuca koowaad, kan labaad waxa uu ahaa noocyada iyo hanaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ku haboon iyo habka loo qeybsanayo awoodda dalka iyo kheyraadka dalka.

Mowduuca sedexaad waxa uu ahaa dib-u-habeynta dowladda, dowlad wanaagga iyo dhismaha hay’ado dowli ah oo ka soo bixi kara howsha ay dadku u hayaan.

Mowduuca afaraad waxa uu ahaa hanaan dooorasho iyo axsaab siyaasadeed habkii loo dhisi lahaa oo laga dooday, iyadoo mowduuca shanaad uu ahaa ka qeyb galka siyaasadda , la xiriirka dadweynaha. Dib-u-heshiisiinta iyo cadaaladda xilliga kala guurka ah marka la gaaro, iyadoo  ujeedada shirka  ay ahayd in la horimariyo lana meel mariyo habkii lagu gaari lahaa hanaan dimoqraadi ah oo ay ka qayb qaataan keenista fikirada iyo talooyinka bulshada rayidka ah, quburada, aqoonyahanka, Culumada, qurbo joogta, xildhibaannada baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka waxaa daah furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhaweeyay ka qeyb galayaasha shirka, ugana mahadceliyay sida ay uga soo jawaabeen baaqiisii ahaa in laga soo wada qeyb galo shirkan, si ay uga qeyb qaataan howshan, waxaana uu ku dhawaaqay in loo baahanyahay in la qabto doorasho qaran marka la gaaro sanadka 2016-ka, loogana fadhiyo xubnaha shirka ka qeyb galay curinta tallooyin gacan ka geysan kara sidii ay dowladdu u hirgelin lahayd nidaamkaasi sanadka 2016-ka.

Waxaa shirka intii uu socday la is tusiyay in talaabooyinka ku qoran dastuurka ay tilmaamayaan inay jiraan talaabooyin lagu gaari karo ujeedada la leeyahay oo ah in doorasho la gaaro.

Shirka intii lagu gudo jiray waxaa la soo xasuustay in hiigsiga cusub ee Soomaaliya qoraalooyinka iyo talooyinkii ku jiray oo ay ka mid ahaayeen in siyaasadda xiriirkeeda la gaarsiiyo dadka, in dastuurka la dhameystiro inta aan la gaarin bisha December ee sanadka 2015-ka iyo in la qabto doorashooyin xor ah marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Shirka waxa uu wal wal ka muujiyay in dowladdu ay ka yara gaabisay hirgelinta talaabooyin siyaasadeed oo muhiim ah.

Shirku waxa uu isla gartay in dastuurka ay ku jiraan meelo ama qodobo isku murugsan oo u baahan in dib loo eego oo la saxo.

Shirku waxa uu isla qaatay mabaadii’guud, Mabda’a koowaad ee uu shirku isla qaatay waxa uu yahay

In loo baahanyahay hanaan ay Soomaalidu leedahay , Soomaalidu keentay oo siyaasadeed oo u hogaansan,dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu gaaro dhameystirka barnaamijka Federaalka ah.

  1. In la sameeyo dib-u-habeeyn  Dastuur, si loo helo afti dadweyne si dastuurku u noqdo mid xalaal ah
  2. In la helo hanaan Federaal ah oo dadka gaarsiiya dowladnimada, kaas oo midnimada iyo xasiloonida dalka xaqiijiya.
  3. In la helo Doorashooyin xaq ah oo cadaalad ah oo qof waliba uu codkiisa, isagu leeyahay
  4. In dhexda loo xirto dowladnimo wanaag iyo dhismaha Hay’ado dowladeed oo hagaagsan
  5. In la sameeyo barnaamij dib-u-heshiisiineed oo baahsan kaas oo keena isu soo dhawaansho iyo is dhex gal bulsho.

Shanta qaybood ee dastuurku looga doodayay ayaa waxaa laga soo saaray talooyin ay bixiyeen gudiga kuwaasi oo ay ka midyihiin:-

  1. In la sameeyo dhamaan hay’adaha dhameystirka dastuurka qaabilsan muddo 60 maalmood gudaheed .
  2. In la sameeyo maxkamadda dastuuriga ah ee dastuurka ku qoran muddo 90 maalmood gudaheed.
  3. In la sameeyo dhamaan hay’adaha muhiimka u ah dib-u-eegista  iyo hiirgelinta dastuurka muddo 90 maalmood gudaheed.
  4. In dowladdu ay xaqiijiso in gudiyada la magacaabay ay noqdaan kuwa madax banaan sida uu dastuurku tilmaamay oo howshooda u madax banaan.
  5. In la sameeyo hanaan dadweynaha lagu wacyigeliyo, loogana qayb geliyo dib u eegista dastuurka, lana baro barnaamijka federaalk ah.
  6. In dowladdu ay xaqiijiso in dhamaan qaybaha bulshada , sida bulshada rayidka ah iyo maamulada ay ka qayb qaataan howsha dib u eegista dastuurka si uu u noqdo mid dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin.

Qaybta labaad ee shirka oo ku saabsaneyd federaalka iyo wadaaga kheyraadka dalka Waxaa la isku waafaqay, In hanaanka Federaalka ah uu yahay midka dadka Soomaaliyeed u soo dhaweyn kara dowladnimada, waxaana la soo saaray qodobadaan:-

  1. In dowladdu ay dhisto gudiga xuduudaha iyo arrimaha Federaalka ah ee uu farayo dastuurka Soomaaliya ee ah in lagu dhiso muddo 60 maalmood gudaheed.
  2. In unugyada federaalka ah ay ku saleysnaadaan isku filnaansho dhaqaale, ayna noqdaan dad lagu saleeyay habka Juquraafiga ah oo ay ahaadaan dad kala duwan.
  3. In dowladda Soomaaliya ay hogaamiso, ayna bilawdo barnaamij dadweynaha lagu wacyigelinayo

Qodobka Sedexaad ee shirka looga dooday waxa uu ahaa, Habkii loo meel  marin lahaa Hanaan siyaasadeed oo leh doorashooyin iyo axsaab siyaasi ah, waxaana la isku afgartay, In Dowladdu ay abuurto Bey’o ama deegaan u diyaar ah in ay ka dhashaan axsaab siyaasadeed oo badan oo ay ku tartamaan talada dalka, waxayna kala ahaayeen sida:-

  1. In dowladdu ay dhisto gudiga doorashooyinka ee madaxa banaan  muddo 6-bilood gudaheeda ah
  2. In Xeerka ama sharciga la meelmariyo muddo hal sano ah gudaheed
  3. In dowladda ay hirgeliso barnaamij shacabka lagu barayo arrimaha doorashooyinka oo baahsan
  4. In axsaabta siyaasadeed ay ahaadaan kuwa heer qaran oo aysan ku saleysnaanin qabiil, naceyb ama afkaar xagjirnimo ah iyo IWM.
  5. In golaha shacabka uu meelmariyo sharuuc qeexaysa habka loo maalgelinayo ololayaasha siyaasadeed, islamarkaana loola xisaabtamayo axsaabta.
  6. In beesha caalamku ay dowladda Soomaaliya ku taageerto wixii farsamo dhaqaale ah ama siyaasadeed oo lagu dabaqayo sidii lagu meel marin lahaa hanaankaasi siyaasadeed.
  7. In la isla meel dhigo ama la sii diyaariyo hanaan ka duwan, haddii wax deg deg ah ay yimaadaan oo ay dhici wayso in qof waliba uu codkiisa dhiibto in lagu talagalo oo aysan noqon mid si deg deg ah ku yimaada.

Qaybta afaraad oo looga hadlayay dib-u-habeynta dowladda, waxaa la isku  waafaqay In Dowladdu ay ku dadaasho hanaan cad oo dadka u muuqda waxaa ka mid ahaa:-

  1. In la sameeyo gudiga la dagaalanka musuqa sida ku cad dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya muddo 90 maalmood gudaheed.
  2. In la sameeyo xafiiska ilaalinta hantida qaranka sida ku cad dastuurka qaranka muddo 90 maalmood gudaheed.
  3. In la sameeyo gudiga xaquuqul insaanka Soomaaliya ama xaquuqda Aadanaha Soomaaliya muddo 90 maalmood gudaheeda.
  4. In la sameeyo gudiga shaqaalaha dowladda sida dastuurka ku cad muddo 6-bilood gudaheed.
  5.   In la sameeyo keydka qaranka ama keydka dukumintiyada qaranka si uu dib u keydiyo wixii war ah ama macluumaad ah wixii ku saabsan warqadaha dowladda hal sano gudaheed.

Qayta Shanaad waxa ay ka doodeen Siyaasadda in dadka la gaarsiiyo, in shacabka lala hadlo, dib-u-heshiisiin in la sameeyo, lagana shaqeeyo cadaaladda xiliga kala kuurka lagu gudo jiro, waxaana la isku waafaqay in dowladdu ay bilawdo barjaamij dib-u-heshiisiineed oo baahsan kaas oo dalku isu keena, isla markaana dadka isdhexgalkooda ka shaqeeya, waxaana lagu taliyay

  1. In dowladdu ay wada hadal la furto dhamaan cidda ka soo horjeedda
  2. In dowladdu ay raadiso oo ay wada hadal la furto maamul goboleedyada
  3. In dowladdu ay sii waddo wadahadalka ay kula jirto Somaliland
  4. In dowladdu ay ka shaqeyso awoodsiinta odoy dhaqameedyada oo ay kobciso doorkooda nabadeynta xagga bulshada.
  5. In laga mid dhigo hanaanka dowliga lab iyo dhidig, oo ay u sinaadaan hanaanka shaqada ee dowliga ah, kana qayb qaataan dadka laga tirada badan yahay dhamaan hanaanka dowliga ah heer walbo uu yahay.
  6. In dowladdu ay dhisto gudiga runta iyo dib-u-heshiisiinta sida ku cad dastuurka 6-bilood gudaheed.
  7. In dowladdu ay dhisto gudiga dhulka iyo hantada muddo 6 bilood gudaheed.

Ugu dambeyntii waxaa la isku waafaqay in dowladdu ay soo saarto barnaamij howleed  baahsan oo xaqiiqda ka turjumaya si loo hirgeliyo talooyinka halkaan ku qoran muddo 30 maalmood gudaheed.

Dhamaad

Daawo xiritaanka shirka oo uu ka hadlay madaxweynaha

Warbixin: Ciidamo cusub oo ajnabi ah oo loo dalbay dalka Soomaaliya

0

Kampala (Caasimada Online) – Wareysi uu siiyay Wargeyska The Observer ee ka soo baxa dalka Uganda, Taliyaha ciidamada Lugta ee dalka Uganda ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay weli u baahan tahay ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika.

Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay hadda ku sugan magaalooyin ka baxsan caasimada Muqdisho, isagoona sheegay in magaalooyinkaas ay ka mid yihiin Baydhabo oo 250km u jirta Muqdisho, Marka oo 104km u u jirta iyo Jowhar oo Muqdisho jirta 100km

Wax wax laga weydiiyay taliyaha ciidamada lugta ee dalka Uganda sida ay suuragal u tahay in ciidamada hadda jooga Soomaaliya ee ka socda waddamada Uganda, Burundi, Kenya, Djibouti, Sierra Leone in ay ku filan yihiin ammaanka

Wuxuu sheegay in Midowga Afrika iyo Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay codsadeen in la kordhiyo ciidamada AMISOM, balse weli jawaab lama hayo ayuu sheegay,.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay in lix sanno kaddib Uganda doorka ay ku lee dahay xaalladda ammaanka waddamada gobalka.

Wuxuu sheegay Uganda in ay ku faaneyso kaalinta ay ka qaateen nabadeenta waddanka Soomaaliya iyo waddamo kale oo ku yaalla gobalka.

Wuxuuna tilmaamay in tallaabadaas ay waajib ku tahay si u caawiyaal walaahood Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

[email protected]

Natiijo kasoo baxday baaritaan Fowsia Yuusuf Xaaji ay sameysay + Sawirro

0

H.E. Fawziya Yusuf Haji Adam

Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha, ahna 
Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeen iyo 
Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga

Aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin ka soo qeybgalkiina shirkan jaraa’id. Shirkan Jaraa’id waxaan u qabaneynaa inaan ka hadalno warbixintii Kooxda Dabagalka ee Qarmada Midoobey ay ka soo saartay Soomaaliya. Wallow warbixinta ay wax badan ka hadleysay haddana waxaan diiradda saari doonaa qeybta Annexe 5.2 oo ka hadlaya arrimaha musuqmaasuqa maaliyadda. Eedeymahoodu waxey ahaayeen kuwo calculus oo Dowladdu ay ku qasbanaatay inay baaritaan ku sameyso Amarkii Madaxweynaha ayaa Dowladdu waxey la xiriirtay Hay’ad Caalami ah ee oo aad ugu xeel dheer Xisaabaadka iyo Garyaqaanno leh takhasuska baaritaanka arrimaha maaliyadda. Hay’adan Caalamiga ah oo leh xirfad, aqoon iyo waayo aragnimo la xiriirta musuqmaasuqa iyo arrimaha maaliyadda.

Hay’addan Caalamiga ah ayaa waxey baaritaankooda ku caddeeyeen in warbixintii QM ay aheyd mid aan sax aheyn oo weliba aan wax caddeymo ah waddan. Tusaale ahaan;

• Dhammaan lacagihii $16.9 million oo dollar ee laga soo wareejiyey xisaabta Price WatersHouse Coopers May 2011 ilaa iyo April 2012 waxey ahaayeen kuwo xisaaban oo leh dokumentigii loo baahnaa, tanoo aad uga duwan warbixintii QM ay soo gudbiyeen oo aheyd inay 12 Million maqan yihiin.

• Lacagihii laga bixiyey Bankiga Dhexe looma isticmaalin si shakhsi private ah. Hay’addan Caalamiga ah waxey soo oggaatay Lacagihii xilligii dowladdan laga saaray bankiga ay ka saareen xisaabiyeyaashii Dowladda oo lacagihii ay wasaaradaha u qaadeena ay leeyihiin dokumentiyadii loo baahnaa.

Waxaan aaminsanahay inay nasiib darro tahay in Kooxdkii dabagalka ee QM aysan raacin nidaamkii u degsanaa QM ee arrimaha baaritaanka xisaabaadka iyo weliba nidaamka caalamiga ah. Warbixintii QM waxey aheyd mid aan si profession ah loo sameynin oo ay ka muuqatay dano siyaasadeed oo dowladda Soomaaliya meel ka dhac loogu sameynayey.

Kooxdan dabagalka QM warbixintooda waxey u janjeertey hal dhinac waxaana ka mid ahaa:

• Markii ay Bankiga baarayeen xisaabtiisa, lama aysan xiriirin shaqaalaha Bankiga iyo kuwa maaliyadda. Sidoo kale lama aysan xiriirin Xisaabiyaha Guud oo isaga mas’uul ka ah inuu hubiyo in lacagaha lagu bixiyey nidaamkii saxda ahaa.

• Markii ay eedeynta indhola’aanta ah u soo jeedinayeen Guddoomiyaha Bankiga Dr Abdisalam Omer ma aysan wareysan inta xisaabtu socotay. Waxey kaliya oo ay wareysteen markii warbixinta loo gudbiyey guddiga ciqaabaha ee QM, markaasna ma aysan weydiinin eedeymaha loo soo jeediyey.

• Kooxdan dabagalka QM waxey warbixintooda ku saleeyeen macluumaad ay ka ururiyeen dad la ogyahay inay dowladda ka soo horjeedaan. Shaqsiyaadkii baaritaanka dhanka musuqmaasuqa sameynayeyna ma heysan tababar ama xirfadii loo baahnaa.

Somalia muddo 22 sano ah waxey ku jirtay collaado. September 2012 waxii ka danbeeyey Dowladdu horumar ballaaran bey ka sameysey sidii loo hagaajin lahaa hay’adaha dowliga ah. Waxaan la dagaalnay musuqmaasuqa oo aan dib u habeyn ku sameynay hay’adaha maaliyadda.

Dowladdu waxey mudnaan weyn siisay hagaajinta maamulka maareynta maaliyadda, oo si hufan oo cad cad loo maamulayo maaliyadda dalka iyadoo aan caalamka kala shaqeyneyno arrinkan. Waxaana ku guuleysannay inaan dib-u-habeynta hay’adaha maaliyadda sameyno iyadoo ay na saacideyso Bankiga Adduunka (World Bank).

Bankiga Dhexe si kastoo QM warbixintooda ay ku tilmaantay meel lacagaha si khaldan loo bixiyo, haddana waxaa noo suurto gashay inaan Bankiga casriyeyo oo u sameyno nidaam kharash bixinta ah, oo aan sameynay arrimahan:

• In la daabacay warbixin sanadeedkii bankiga iyo kii 3 biloodka ah oo ah markii ugu horreysey muddo 22 sano ah;
• Waxaa la keenay habka casriga ah ee mushaaraadka lagu bixiyo oo electroonik ah;
• Waxaan la sameeyey Qorshaha iyo Istraatejiyadda 5ta sano 2013 – 2018;
• Bankiga waxaa loo sameeyey swift code oo ah nidaamka casriga lacagaha la isagu gudbiyo.

Bacdamaa aan horumar ballaaran sameyneyno, haddana wax badan baa nooga baahan inaan sii sameyno. Waxaan sugeynaa Caalamka oo nagala shaqeeya sidii aan u joogteyn laheyn horumarkaas, bacdamaa uu waddanku ka soo kabanayo 22sano oo collaado iyo dagaallo ah.

Warbixin dhameystiran baan ka diyaarinay eedeymihi musuqmaasuqa ee ka imanayey kooxaha dabagalka QM oo aan idinla wadaageyno.

Waxii su’aalo ah diyaar baan idinla ahay, waxaana ila jooga Jeremy Schulman oo hoggaaminayey kooxdii khubarada aheyd ee noo soo diyaarisay baaritaanka dhabta ah oo xaqiiqada ku dhisan. Waxii su’aalo ahna isagaa nooga jawaabaya.

Mahadsanidiin

DHAMAAD

FG: Hayada Caalamigaa ee warbxinta soo saaray waxaa hormuud u haa khubarooyin ka socda shirkada dhanka sharciga ee Mareykankaa ee Shulman Rogers iyo FTI Colsulting oo iyana maaliyada qaabilsan.

fowsiya 1fowsiya 2fowsiya 3