30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Guddoomiyihii hore ee Barlamanka oo weerar ku qaaday DF Somalia, Sabab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaaka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsatay Jabhad baabi’isay Shacabka.

” Jabhadda ka arrimisa Kismaayo waxa ay si aan ka leexad laheyn u baabi’iyeen shacabka degan Magaalada Kismaaayo , hadana dowladdu waa ay sii aqoonstay” ayuu yiri Xildhibaan Adan Madoobe.

Mudane Adan Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in meelaha qaar xittaa ay burburiyeen jabhaddaasi guryihii shacabku degenaa si aan raadadkooda dambe loo arkin , isagoo fadeexad soo food saartay dowladda Soomaaliya ku tilmaamay aqoonsiga Jabhaddaasi.

Si Kastaba hadalka Xildhibaan Adan Madoobe ayaa Imaanaya xilli Guddoomiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe uu ka dhawaajiyay in ay dhamaatay carqaladihii ka dhanka ahaa Maamulkiisa.

Beelaha Digil iyo Mirifle ee uu kasoo jeedo Aadan Madoobe, ayaa si ah u mucaaraday heshiiskii DF iyo maamulka Jubba, oo ay sheegteen inay deegaan ahaan wax ka lee yihiin, balse dowladda ay siisay koox gaar ah.

Isha: radio shabelle

Dhageyso: Puntland: Hogaanka DF un baan la shaqeyn weynay mooyee waan ogolnahay arrinta federaalka Somalia

0

Garoowe (Caasimada online) Maamulka Puntland ayaa Markale  Ku Celiyay In shirka Biljimka Ay Ka qaybgalayaan Iyagoo Ka Madaxbanaan Dowlada federaalka Somaliya

Wasiirka qosheenta Maamulka Puntland Eng: Axmed Caydiid, ayaa sheegay in Maamulkoodu ay shirka Bartamaha Bishan ka furmi doona Magaalada Baraasalis ee dalka Biljimka inay kaga qeyb galayaan iyagoo ka madaxbanaan dowlada Soomaaliya .

Inkastoo Maamulka Puntland uu hore arintan u shaaciyay ayaa hadana Wasiirka Qosheenta Maamulkaas Wuxuu sheegay in Puntland ay tahay dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya waxaana uu sheegay in shirkaas ay ka qeyb galayaan hadii Caalamku ay ogolaadaan in si ka madaxbanaan dowlada Soomaaliya kaga qeyb galaan  .

Dowlada hadda jirta ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ayuu sheegay inay is fahmiyen Balse ay lashaqeyn doonaan dowlada hadii hogaan kale ay la wareegaan , waxaana uu tilmaamay in Puntland aysan go’aanka Ka qaadan arinta federaalka Soomaaliya Balse ay la shaqeyn waayeen Hogaanka iminka talada dalka haya.

Wuxuu sheegay inay ka maarmaan dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in dowlada Soomaliya ay iyadu u baahan yahay Puntland isla-markaana ay ka cawiyeen dhanka Farsamada .

Dhawaan waxay Puntland shaacisay inay kalsoonidii kala laabatay dowlada Dhexe ee soomaaliya kadib markii sida ay ku eedeysa wax laga badalay Dastuurka Soomaaliya .

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO HADALKA PUNTLAND

Halkaan ka dhageyso Wasiirka qorsheenta

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Maxaa maanta ka cusub Muqdisho, muxuuse yahay qorshaha Xasan Sh.?

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gabagabeen doonaa shirweyne muddo shan cisho socday, kaasoo ay ka qaybgaleen in ka badan 200 oo qof kuwaasoo qaar kood ay ka yimaadeen waddamada qurbaha.

Shirkan oo dowladda Soomaaliya ay qabtay, waxaa looga hadlaayay arrimo ay ka mid yihiin siddii sannadka marka uu yahay 2016-ka ay dalka uga dhici lahaayeen afti daweyne oo doorasho ah, in dib loo eego dastuurka kumeel gaarka ee dalka u yaala iyo sida dowladda ugu sahlan ee nidaamka fedaraalka loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan.

Shirka waxaa furay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka qaybgalay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nichalas Key iyo ku-simaha ra’iisal wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaallka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Afar maalin ka hor furay shirkaasi ayaa lagu wadaa in maantana uu soo xiro shirkaasi.

Sida ay noo sheegeen illo ku dhowdhow xafiiska madaxweynaha shirka waxaa gabagabadiisa maanta laga soo saari doonaa war-murtiyeed ay ku qoran yihiin qoddobada laga doodday muddada shanta cisho.

Waxaa la filayaa in shirka uu soo xiro madaxweynaha Soomaaliya.

Akhristow wararka shirka kala soco Shabakadda Caasimada Online oo si toos ah idiinku soo tabineyso hadba wax soo kordha, hanaga dheeraan Mahadsanid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Siyaasi C//laahi Xasan: “Haddii wixii ka dhacay MUQDISHO habeen hore aan dad xil looga qaadin, dowlad ma jirto”

0

Muqdisho (Caasimada Online) Mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaah gudaha iyo amniga qaranka.

Cabdulaahi Sheekh Xasan oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ayaa sheegay in amni xumida ka jirta magaalada Muqdisho ay mas’uul ka tahay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

“Mas’uuliyadda ammaan xumida ka jirta magaalada waxaa sabab u ah wasaaradda oo uu ugu horeeyo wasiirka, wixii dhacay habeen hore haddii aan dad xilal looga qaadin, dowladda waa ay fashilantay,dadkuna ay iska difaacaan maadama dowlad la isku haleeyo meesha aysan ka jirin”ayuu yiri Cabdulaahi Sheekh Xasan.

Wuxuu sheegay in ay nasiib daro tahay iyadoo degmooyinka Muqdisho habeen hore ay ka dhaceen qaraxyo iyo hoobiyaal in hal qof xitaa aan la soo qaban.

Muxuu ka sheegay xiriirka dowladda iyo Shacabka?

Mar uu ka hadlaayay Cabdulaahi Sheekh Xasan xiriirka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Shacabka, wuxu tilmaamay in shacabka bilihii ugu horeeyay ay dowladda rabeen balse markii ay arkeen kartideeda iyo wax yaabaha ay ku dhaqaaqeyso in ay ka niyad jabeen sida uu hadalka u dhigay.

“Shacabka dowladda rajo fiican ayuu ka qabay, balse markii ay ogaadeen in dowladda ay tahay mid aan wax badan ka qabaneynin arrimaha ku xeeran oo ay kaliye xireyso jidadka, qabaneyso qofka aan waxbo geesan,uusan jirin garsoor, canshuur gooni ah maamulka gobalka Banaadir uu qaadayo waa ay naceen” ayuu yir markale siyaasi Cabdulaahi Sheekh Xasan.

Hadalka Siyaasigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeen hore magaalada Muqdisho meelo badan laga maqlay qaraxyo iyo iska hor imaad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Daawo: Maxaad kala socotaa nolosha gaarka ah ee madaxweyne Xasan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaad daawateen ama dhageysateen wareysiyo badan oo madaxweynaha Somalia laga qaaday, kuwaasi oo ku saabsan siyaasadda dalka iyo xaaladaha taagaan. Hase yeeshee waxaan maanta idiin heynaa wareysi kaas ka duwan.

Weriye C/Qaadir Maxamed Faarax Dulyar, oo ka tirsan TV-ga Kalsan, ayaa wareysi ku saabsan noloshiisa gaarka ah ka qaaday madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ka hadlaya waxyaabo badan oo ku saabsan noloshiisa gaarka ah oo dad badan aysan wax ka ogeyn.

Haddaba nala daawo wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG iyo GORFEYN: Go’aankii Faroole ma u dhan yahiin Shacabka Puntland

0

Garowe (Caasimada Online) – Tan iyo xiligii Xukuumada Puntland ku dhawaaqday go,aankii ay xariirka ugu jartay Dowlada dhexe ee Soomaaliya waxaa isa soo tarayay wararka kala duwan ee ka soo baxaya shacabka reer Puntland.

Qaar ka mid ah Shacabka Puntland ayaa go,aanka uu ku dhawaaqay Madaxwaynaha Puntland u arka mid lagu deg degay halka kuwa kalena ku raacsan yahiin.

Shacabka ku dhaqan Gobalka mudug iyo Bari qaarkood ayaa ku tilmaamay tilaabada farole uu qaaday mid aysan shacabka Puntland ku raacsanayn ee asaga gooni u ah waxa ayna ku taliyeen in go,aankaa laga laabto oo la taageero dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

Xasan Maxamed Axmed oo ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay xili uu Warbaahinta la hadlayay in Shacabka Puntland uu yahay mid ka shaqeeya horumarka Soomaaliya laakiin waxa uu sheegay in Xukuumada Farole ee waqtigeeda dhamaadka yahay aysan awood u lahayn in Soomaaliya kala fogayso.

Waxa uu sheegay in Fartole waqtigiisa dhamaad yahay islamarkaana  qorshaha uu wata yahay in uu Puntland uga tago dhibaato iyo Colaad iyo is nacayb soo kala dhaxgala umadda Soomaaliyeed ee walaalaha la yahay.

Madaxwaynaha Puntland ayaa mar kale Khamiistii  ku celiyay xili uu Salaada Ciida kaga qayb galayay Garoonka Kubada Cagta Mire Awaare in Puntland hakisay la sii shaqayntii Xukuumada Soomaaliya waxa uuna tilmaamay farole in Dowlada Soomaaliya soo buuxin wayday sharuudahii looga baahnaa.

Go,aanka farole ayaa keenay walaac badan iyo jaha wareer siyaasadeed iyada oo dad badan aaminsan yahiin in go,aankaa uu yaahy mid lagu deg degay halka kuwa kale u arkaan in uu ku sax sanaa mar hadii Dowlada dhexe Puntland ka khancin wayday waxyaabaha Cabashada keenay.

Xukuumada Puntland ayaa khilaaf xoogan kala dhaxeeyaa dowlada Soomaaliya waxa uuna khilaafkaa sii xoogystay wixii ka danbeeyay Bishii May xiligaa oo Garowe Socdaal ku tagay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan sheekh maxamuud.

Dhado aad u naxdin iyo xanuun badan oo ka dhacday gobolka Gedo

0

Gariley (Caasimada Online) – Haweeney umul aheyd ayaa lagu soo warramayaa inay harraad iyo daryeel la’aan caafimaad ugu geeriyootay tuulo lagu magacaabo Gariley oo ku taalla gobolka Gedo.

Taliye ku-xigeenka saldhigga Gariley Aadan Dhaqane Caduur, ayaa sheegay in haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Cabdiyo Salaad Ibraahim ay ka mid aheyd  dad ka soo barakacay dagmada Bu’aale.

Wuxuu sheegay in sidoo kale dhibaatooyin isugu jira biyo la’aan, dawo la’aan, hooy la’aan  iyo cunno la’aan ay haysato dadka soo barakacay ee ku nool tuulootinka Gariley, Cows-qurun iyo Daarasalaam.

Dadka soo barakacay badankood wuxuu sheegay inay ka yimaadeen gobollada Jubbooyinka.

Taliye ku-xigeenka ayaa ku eedeeyay hay’adaha samafalka iyo dowladda Soomaaliya in ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ku dhibaateysan deegaannada gobolka Gedo.

wuxuu codsaday in si degdeg ah kaalmo bini’aadannimo loola soo gaaro dadkaasi dhibaateysan.

Caasimada Online

Xafiiska Buulo-Xaawo

[email protected]

Video: Shirkada LG oo soo bandhigtay Muuqaal adduunka naxdin geliyay

Caasimada Online:  Shaqada adduunka ugu naxdinta badan, ayay noqotay tani iyadoo lagaa codsanayo inaad baqdin galiso dadka shaqa doonka ah iyadoo shirkadda LG ay u adeegsaneyso iidhehda TV ay sameysay,  dadka aad ka wareysanayso shaqada ayaa loo shidayaa filim u eg in shil ama burbur uu ku dhacayo halka uu interviewga ka dhacayo ama muuqaalka ka danbeeya goobta wareysiga shaqada uu ka dhacaya halaag kusoo socda dhismaha.

Qofka la wareysanayo ayaa dareenkiisa oo dhan wuxuu siinayaa muuqaalka ka danbeeya oo u eg in muraayad kaliya ay ka xigto bannaanka, iyadoo uusan dareemeyn in shaashadda TV LG ay ay tahay tan muuqaalka soo gudbineyso, wuxuuna qofka uu cabsi iyo shook uu ka qaadayaa muuqaalka shaashada oo moodeyso in bannaanka dhismaha uu kusoo wajahan yahay shil halis badan, qofkana uu isagoo shooksan wareysiga uu ka cararayaa.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:  

 

Dhageyso: Maxaa Maanta Sh/Hoose ka dhacay? Aqri

0

Marko (Caasimada online) Iska horimadkan ayaa wuxuu ka dhacay sida la tilmamay inta u dhxeysa magaalada xnta u ah gobolka shebeelah hoose ee marko iyo sidoo kale deegaanka buufoow ee isla shabeelaha hoose.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadkan uu ka dambeeyay ka gadaal markii koxo hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah isla-markana ay leexsadeen .

Maxamed Cusman Yariisooe . Gudoomiyaha Magaalada Marko ee Xarunta Sh/Hoose aya sheegay inay dileen mid ka mid ah kooxihii gaariga leexsaday ka dib baaritaan ay sameeyeen .

Sidoo kale Goob jooge ku sugnaa halka uu iska horimaadkan ka dhacay ayaa warbaahinta wuxuu u sheegay in deegaanka uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo kooxo Burcad ah sida uu sheegay .

Wuxuu sheegay in dhaawa soo garaay uu u geeriyooday mid ka mid ah kooxihii Burcada ahaa , isla-markana ay u yeereen maamulk magalada Marko si u qiimeeyan mshaqada manta deegankooda ka dhacday .

Gudoomiyaha Marko wuxuu sheegay in ruuxa ay dileen ciidamada dowlada ee Maamulkoodu inay jeebkiisa ka heleen Afar takleefan , Faraanti iyo sidoo kale xooga qarasha  sid uu sheegay.

Shalay ayay aheyd markii la qaaday Jidgooyooyinkii yakay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Marko, kuwaas oo mudoyinan ay walac ka muujinayeen gaadidka ista wadadaas.

Halkaan hoose ka dhageyso Gudoomiyaha Marko Maxamed Cusman Yariisoow

Halkaan ka dhageyso Gudoomiyaha MARKO

Caasimada online

Xafiiska Marko

[email protected]

DF Somalia oo ku guuleestay arrin ay in muddo ah dadaal ugu jirtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Maalin kaddib markii uu madaxweynaha Soomaaliya booqday magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose, waxaa soo baxaya warar sheegaya in lagu guuleestay in la qaado isbaarooyin fara badan oo yaalay waddada isku xirta magaalooyinka Marka iyo Afgooye.

Maamulka Gobalka Shabeellaha Hoose, oo caawa la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah ciidamada ammaanka iyo maamulka Gobalka ay ku guuleesteen in ay qaadaan dhowr isbaaro oo lagu qaadi jiray lacago baad ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax yaabaha uu kala hadlay maamulka iyo shacabka ku nool Marka ka mid ahaa in ay billaabaan maalmaha soo socda qaadista isbaarooyinka yaala waddada isku xirta Marka iyo Afgooye.

Arrintan ayaa ka dambeesay markii dhowr jeer waddadaas lagu dhacay dadka socotada ah ee ku safra waddadaas, waxaana darawalada baabuurta ay lee yihiin lacago baad ayaan nalaga qaadaa intaasna nalooguma simo ee mararka qaar waxaa la dhacaa rakaaka ama la kufsadaa.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa maalmahan waxa ay ka waday magaalada Marka iyo deegannada gobalka Shabellaha Hoose kulamo looga gun lahaa siddii ciidamo cusub loo geen lahaa halkaas maadama ay soo bateen isbaarooyinka lacagaha baada looga qaaado.

Wasaaradda waxa ay dooneysay in la badelo ciidamada halkaas jooga balse waxaa diidday maamulka Marka iyo kan gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Boqolaal ciidan oo ka gadooday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Milateriga DF ayaa maanta 05 September, 2013 kasoo baxay Xero ay ku jireen oo ku taala Duleedka Muqdisho, kadib markii ay sheegeen inay la kulmeen dayacaad xoog leh, waxaana ciidamadan lagu arkayay Wadooyinka qaar ka mid ah Degmooyinka Muqdisho.

Ciidamadan oo koox-koox u socday ayaa ahaa kuwo aan hub wadan, iyagoo sheegay inaan wax hub ah la siin, ayna ku jireen tababar, balse markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka dhinaca nolosha ay ku qasabtay inay ka soo baxaan xeradii ay tababarka ku qaadanayeen.

“Waxaan tababarka ku qaadanaynay Warshadii Nacnaca ee Muqdisho oo aan dhowr bilood ku jirnay, balse waxaan la kulanay dhibaatooyin ay ka mid tahay cuno la’aan iyo mushaar la’aan” ayuu yiri mid ka mid ah ciidamadii ka soo baxay xerada oo Warbaahinta  la hadlay.

Inkastoo DF aysan wax hadal ah kasoo saarin ciidamadan gadooday ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Dowlada Somalia ay sheegtay inay sare u qaaday daryeelka ciidamada iyo Mushaaraadkooda.

Ciidamadan gadoodka sameeyay maanta ayaa tiradooda lagu sheegay inay ka badnaayeen 300 oo askari, kuwaasoo watay tuutayaasha lagu yaqaan ciidamada Milateriga Somalia, waxayna noqonayaa ciidamadii ugu horeeyay oo kasoo baxa xero ay ku jireen mudooyinkii ugu dambeeyay.

“Go’aankeenu waa inaan muujino inaanan helin wax daryeel ah, maxaa yeelay dhowr jeer ayaa waxaa noo yimid saraakiisha ciidamada iyo xubno ka tirsan Wasiirada oo noo sheegay in daryeel wanaagsan naloo sameyn doono balse taasi waxba kama suurogelin, waxaana goosanay inaan kazoo baxno xeradii aan tababarka ku qaadanaynay” ayuu yiri mid ka mid ah ciidamada.

Madaxweynaha Somalia ayaa dhawaan sheegay inay daryeelka ciidamada ka hagaajin doonaan sida uu hada yahay si ay amaanka dalka uga qayb weyn uga qaataan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Soomaali ku dhaawacantay qarax ka dhacay Masar (Faah-Faahin)

0

Cairo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Masar gaar ahaan magaalada Qaahira ayaa sheegaya in ugu yaraan 10-qof ay ku dhaawacmeen qarax maanta lagu weerraray wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Ibraahim.

Qaraxa oo ka dhacay xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay dalka Masar ee Nasri City ayaa la sheegayaa in uu ka badbaaday wasiirka oo wax khasaaro ah uusan ka soo gaarin.

Dadka qaraxaas ku dhaawacmay waxaa ka mid ah labo haween ah oo u dhashay dalka Soomaaliya, kuuwasoo qaraxa la kulmay iyagoo maraya goobta uu ka dhacay.

Mid ka mid haweenka ayaa la sheegay in ay go’day lugta bidix, halka gabadha kale ay ka dhaawacantay labada garab oo firir uu ka galay.

Wiil Soomaali ah oo ku nool Qaahira ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in mid ka mid haweenka ku dhaawacmay qaraxa ay lahayd dhalasho UK halka gabadha kale ay wadatay warqad ay siisay hey’adda UNHCR.

“Walaal waxaan kor tagay dadkii dhaawacmay waxaan ku soo arkay labo dumar ah oo Soomaali ah, kuwaasoo ku jiray dadkii ku dhaawacmay qaraxa lagu weeraray wasiirka arrimaha gudaha” ayuu yiri Maxamed Cali oo Soomaali ku nool Qaahira.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

DF oo maanta ansixisay xeerar cusub

0

Muqdisho (Caasimada online) Shirkii joogtada ahaa ee golaha wasiirada oo maanta uu shir gudoomineysay Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa maanta asnixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka.

Dhanka kale, golaha ayaa kal fadhigan kaga hadlay arrimaha xawaaladaha, amniga, burcad badeeda iyo xaalada hantida qaranka sida guryaha dawladda oo ay isku raaceen inay loo baahan tahay siyaasad cad oo dawladdu ka yeelato arrinkaas.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo saxaafadsa la hadlay kadib shirkii golaha ayaa soo dhaweeyay ansixinta xeerka isgaarsiinta qaranka. Waxaa kaloo uu wasiirku sheegay goluhu aad uga xunyahay go’aanka uu Barclays Bank ku joojinayo adeegii uu u samayn jiray xawaaldaha Soomaaliyeed. Golaha ayaa go’aanka Baanka ku tilmaamay mid abuuraya xaalad banii’aadannimo oo aad u adag. Waxaana goluhu isku raacay in dawladda dadaal xoogan u gasho bad-baadinta nidaamka xawaaladdaha dalka.

“Waxaan aad uga xunahay go’aanka Barclays Bank uu ku joojinayo macaamilka ama shaqadii uu u hayay xawaaladaha Soomaaliyeed, waa arrin saamaynaysa ummada Soomaaliyeed iyo gobolka oo dhan. Dadaal siyaasadeed ayaan ugu jirnaa sidaan ku bad-baadin lahayn nidaamka xawaalada dalka,” ayay tiri Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam.

Wasaarada Maaliyada ayaa golaha u soo bandhigtay Qorshaha Dib-u-Kabashada Dhaqaalaha Dalka 2014-2015. Qorshahan ayaa wasiirka maaliyada mudane Maxamuud Xasan Suleemaan ku tilmaamay in qorshuhu ku wajahan yahay abuurida jawi hagaagsan oo dhinaca wax-soo saarka ah, uuna soo noolaynayo dhaqaalaha asagoo dajinaya qaab hogaamineed la xiriira horumarinta dalka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa golaha siiyay warbixin dhanka amniga ah. Wasiirka ayaa xaalada amniga dalka ku tilmaamay mid ka soo raynaysa. Waxaana uu ka warbixiyay booqashadii todobaadkan uu Madaxweynuhu ku tagay magaalada Marka oo uu ku tilmaamay mid miro natiijo aad u wanaagsan u soo hoysay dawladda iyo shacbiga deegaankaas labadaba.

Ugu dambeyntii, goluhu waxay ay warbixin ka dhagaysteen gudoomiyaha hay’ada ladagaalanka burcad badeeda mudane Muxiyadiin Cali Yusuf oo golaha u sheegay in gabi ahaanba falalkii burcad badeedu aad hoos ugu dheceen. Waxaana uu hoos u dhacaas u tiiriyay dadaalka ay dawladda iyo shacbiga Soomaaliyeed u galeen ka hortaga burcad badeeda.

“Mudo sanad iyo dhawr bilood ah ma jiraan maraakiib lagu afduubtay xeebta Soomaaliya, waa horumar weyn. Waxaadse moodaa in mashruucii burcad badeedu noqday barnaamij shirkado iyo dalal badani aad uga faa’iideen laakiin Soomaaliya ku dulman tahay,” ayuu yiri Muxiyadiin oo intaas ku daray inay ay laga maar maan tahay in wax laga qabto kaluumaysiga sharcidarada ah ee saldhiga u ah mushkilada burcad badeeda.

—DHAMAAD—–

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DF oo faririn u dirtay Barclays Bank

0

Muqdisho (Caasimada Online)   Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa  walaac ka muujisay tallaaabada ay qaadeen bannaanka caalamiga kuwaasoo joojiyay xiisaabaadka xawaaladaha Soomaalida.

Shir golaha wasiirada Soomaaliya ay ku yeesheen Muqdisho oo ay shir guddoomineysay  kusimaha ra’iisal wasaaraha Somalia ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa loogu baaqay baannaanka caalamka in ay go’aankaas ka laabtaan.

Wasiirka ayaa sheegtay  go’aanka Bangiga Barclays in uu yahay mid abuuraya xaalad bini’aadannimo oo aad u adag.

Wasiir Fowsiya ayaa ku celicelisay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan u gasli doonto badbaadinta nidaamka xawaaladaha dalka oo dad badan ay ku tiirsan yihiin

Bangiga Barclays  ayaa ku dhawaaqay in dhammaadka bishan uu joojin doono wadashaqeenta xawaaladaha Soomaalida, waxaana sababta lagu sheegay in ay jiraan cabsi ballaaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wax dhib ah aysan baannaanka caalamiga kala kulmi doonin lacagaha la soo marsiiyo xawaaladaha Soomaalida.

Si kastaba, hey’addo qiyaasaad sameeyay ayaa lagu ogaaday in sannad kasta Soomaaliya loo soo diro 162-Milyan oo dollar, lacagtaas waxaa ay ka badan tahay lacagta gargaar ahaan ay UK u siiso Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Dhageyso: Khilaafka Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo Sii xoogeysanaya

0

Dhuusomareeb (Caasimada online) Waxaa wali Muuqanaya in uu aad usii xoogeysanayo Khilaafka hogaanka ururka Ahlu Sunna , waxaana jira warar is khilaafsan oo ay warbaahinta isku marinayaan , taas oo muujinaysa in heerkii ugu sareeyay uu gaaray khilaafka Soo kala dhexgalay.

Sheekh Cabdi Cali Fiidoow, oo ahaa gudoomiyaha gobolha Fulinta ururkaas balse dhawaan hogaanka ururkaas ay shaaciyeen inay xilkii ka qaadeen kadib markii Baarlamanka Maaamulkaas ay kala noqdeen kalsoonida ayaa sheegay in Ragga sheegay inay xilka ka qadeen ay kasoo horjeedaan dowlada Soomaaliya.

Wuxuu ku eedeeyay in Mar uu Muqdisho waan waan dowlada iyo Maamulka Ahlu sunna ah ay ku amreen inuu dib ugu laabto Galgaduud  balse taas uu ka biyo diiday maadaama Sida uu sheegay uu isagu doonayay in la mideyo Dowlada Soomaaliya iyo Ahlu Sunna balse raga xilka ka qaaday ay ka biyo diidanaayeen arintaas.

Halkaan ka Hoose dhegayso Sheekh Cabdi Cali Fiidoow

Halkaan ka Dhageyso Sheekh Cabdi Cali Fiidoow

Dhanka kale Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir oo ah Gudoomiyaha Guddiga talada Ahlu Sunnada Gobolada dhexe ee dalka oo isna dhankiisa Laanta Afka Soomaaliga ee VOD-la hadlay wuxuu sheegay inay been abuur tahay hadalka kasoo yeeray Sheekh Cabdi Cali.

Wuxuu sheegay in dowlada ay iyaga kusoo dhaweeyeen gobolka Galgaduud isla-markaana ay ka shaqeeyeen isku soo dhawaanshiyaha iyo mideynta Ahlu sunna iyo waliba dowlada Soomaaliya .

Halkaan ka Hoose dhegayso Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir

Halkaan ka Dhageyso Sheekh Cumar Sheekh Cabdu qaadir Aadan

Arintan ayaa axay muujineysa in uu sii xoogeysanayo khilaafka labada dhan waxaana iminka Muuqanaya in dhanwaliba uu sheeganayo in uu ka shaqeeyay mideynta dowlada iyo Ahlu Suunna.

Ciidamada Ahlu sunna ayaa dhawaan waxaa lala mataaneeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyadoona meesha laga saaray magaca ciidamada ahlu sunna , taas oo muujinaysa midnimada dowlada Soomaaliya iyo ahlu sunnada gobolada dhexe oo markii hore laba magic kala lahaa .

Caasimada online

Xafiiska dhuusomareeb

[email protected]