30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Dhageyso: Prof. Cali Khaliif Galayr oo u Goodiyay Somaliland, sabab?

0

Muqdisho (Caasimada online) Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr, Oo Kamid ah  Barlmaanka Soomaliya Ayaa  Werar Afka Oo Hanjabaad Umuuqda Waxa Uu Ku qaaday Maamulka Somaliland .

Wuxuu sheegay in dadka Birimageydada ay ay shibaato xoogan ku qabaan Maamulka Soomaaliya, isagoo sheegay inay Xabsiyada Magalooyinka Maamulkaas uu ka arimiyo ay Buux Dhaafiyeen Caruur iyo Habween .

Cali Khaliif , wuxuu sheegay in Xabsiyada LaasCaanood, Burco,  Mandheere iyo Hargaysa ay Buux dhaafiyeen Maxaabiis u badan sida uu sheegay Haweenka iyo Caruurta Kasoo jeeda Khatumo State.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah haweenka Xabsiyada ku jira inay ku foolanayaan sida uu sheegay , halka qaarna sida uu sheegay ay uur leeyihiin .

Cali Khaliif Wuxuu ku goodiyay inay ka shalaayi doonaan dhibaatada Sida uu sheegay Maamulka Soomaaliland ay ka hurinayaan gobolada Sool, Sanaag iyo ceyn .

Wuxuu sheegay in marnaba aysan ogolaan Karin la gumeysto sida uu sheegay , waxaana uu carabka ku adkeeyay inay sida ugu dhaw ay arintaas uga jawaabi doonaan , waxaase uu xusay in dhankooda ayan diyaar u aheyn sida uu sheegay colaad ka dhacda dhulka Khaatumo.

Somaliland iyo Khatumo State ayaa isku haya Maamulidda Goboladsa Sool , Sanaag iyo Ceyn inkastoo qeybna ay ka sheegenaeyso Dhulkaas Maamulka Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA XILDHIBAANKA

Halkana ka dhageyso xildhibaan Cali qaliif Galayr

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Shacabka Soomaaliyeed oo ku farxad arrin ay Dowladu Sameeysay.

Caasimada Onile:  Muqdisho waxeey soo ceshaneysaa Sumcadii iyo Magacii ka lumay 23 sano ka hor waxaa farxad ah in la helayo astaamihii nabadda waxaa haatan muqdisho ka howl galo goobo dowladeed oo waa hore u dambeysay oo shacabka Muqdisho mar hore ugu dambeysay.

Bank Dhexe ee Somalia waxuu haatan guda galay shaqooyinkii caadiga ahaa ee uu u qaban jiray Shacabka soomaaliyeed muddo kadib ayaa dib loo howl geliyay Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda Qaranka ayaa maalin walba u dukaameeysi taga ee nala daawo Muuqaal laga soo duubay.

HALKAAN KA DAAWO:  

DHAGEYSO: Safiirka UK ee Somalia oo Af-Somali dadka uga qoslinaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Neil Wigan, Safiirka Soomaaliya uqaabilsan dalka ingiriiska ayaa ka yaabsaday ka qeyb galayaasha Shirka geedi socodka siyaasadda Soomaaliya  ee ka soconaya Muqdisho, isagoo arimo dhowr ah ka hadlay.

Danjiraha ayaa ugu horeyn qudbadiisa ku bilaabay afka Soomaliga isagoo salaanta Islaamka ku salaamay dhamaan ka qeyb galayaasha shirka Maalintiisa Afaraad Maanta ka Socda Muqdisho , waxaana Mudo Kooban uu ku hadlay Luqadeena hooyo ee Soomaaliga ah .

Mr’ Wigan, Wuxuu sheegay inuu Soomaaliga ku hadli karo inbadana uu ka yaqaan ku hadalkeeda Balse wali ay wax ka dhiman yihiin , isagoo sheegay in uusan wanaagsaneyn Heerka ku hadalka Afka Soomaaliga .

Furitaanka qudbadiisa ayuu Afkeena hooyo wuxuu ku yiri ” Waan ku faraxsanahay inaan Imaado Shirkaan, Afsoomaaligeyga ma wanaagsana , waxaan jeclahay inaan af Ingiriis ku hadlo”  waxaana Mar qura goobta Shirka is qabsaday Sacab iy qosol isku darsan .

Ajaaniib Badan ayaa hore waxay usoo bandhigeen sida ay u yaqaanaan Afkeena hooyo ee Soomaaliga ah , kuwaas oo inta badan Soo bandhiga , waxaana dad badan ay sheegaan in Afka Soomaaliga uu yahay Afka ugu adag Sida aqoon yahano badan ay shaaciyeen .

Halkaan hoose ka dhageyso Shactirada Neil wiganSafiirka Soomaaliyaee ingiriiska

Halkaan ka dhageyso Ambassador Neil Wigan

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo: S/L: 2 milyan oo laaluush ayaan BF Somalia uga heli karnaa aqoonsi

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland, ayaa sheegtay in hadii ay iskaashadaan Maamulka iyo Ganacsatada ay iibsan karaan  ictifaarka ay raadinayaan mudada 22-ka Sano ah ee bur burka Soomaaliya xilligaas oo ay sheegeen inay Midnimadii kala laabteen Somalia inteeda kale .

Mas’uul ka tirsan Somaliland Wuxuu sheegay inay jiraan dalal dhowr ah oo tiro ahaan dadkoodu ay ka yar yihiin Somaliland hadana caalamka aqoonsi ka heysta , isagoo tusaale usoo qaatay dalka Swerland oo uu sheegay in dhul iyo Shacab ahaanba ahaanba uu aad uga yar yahay Somalialnd Balse helitaanka Aqoonsigooda ay ku bixiyeen qarashaad badan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay inay iibsan karaan hadii ay bixiyaan Labo Million oo doolar (2,000,000) oo doolar si ay ictiraaf ay u helaan .

Mas’uulka ka tirsan Maamulka Somaliland wuxuu sheegay inhadii Maamulka iyo ganacsatada Somaliland ay iskaashi Buuxda sameeyaan ay caalamka ka iibsan karaan Ictiraafka  raadin tiisa sanadaha badan qaatay ee ay doonayaan.

“laba Million oo doolar (2000,000) oo doolar hadii aynu Bixino Xukuumadda iyo Ganacsatadeenu waanu iibsan karnaa ictiraafka aan raadineyno, Xitaa waxaanu iibsan karnaa Baarlamaanka dowlada Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri  Mas’uulka u hadlay Somaliland

Soomaaliland ayaa sheegta inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day Sanadkii 1991-kii xilligaas oo ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya , waxaase jira dadaalo lagu doonayo in markale dib loogu soo celiyo Midnimadii Waqooyi iyo Koonfur inkastoo Somaliland ay wali ka caga jiideyso.

Halkan ka daawo

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Xildhibaanada SADE oo isugu tagay GEDO (Ma la socotaa qorshahoda?)

0

Luuq (Caasimada Online) Waxaa qaybo ka mid ah degmooyinka gobalka Gedo booqasho ku jooga sideed xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannadaas waxaa ka mid ah Muuse Sheekh Cumar, wuxuu la hadlay VOA isagoo ku sugan degmada Luuq, wuxuuna sheegay in booqashadooda la xiriiro siddii ugu kuur gali lahaayeen xaaladda gobalka Gedo.

Wuxuu sheegay in ay soo qiimeeyeen oo ay darseen xaalladda ay ku sugan yihiin dadka ku dhaqan gobalka Gedo, maadama ay ka soo jeedaan gobalkaas.

“Maalmahan waxaan booqasho ku joognaa gobalka Gedo, oo dowladda aysan wax badan ka ogeyn, waxaan soo qiimeenay, xaaladda Waxbarasho, Biyaha, Caafimaadka iyo dhismooyinka wadooyinka, waxaana ay dadka gobalka Gedo noo dhiibeen fariin ah in dowladda ay caawiso dad ku dhaqan halkan” ayuu yiri  Muuse.

Mar la weydiiyay wax yaabaha ay ku soo arkeen goobaha ay booqdeen?

Wuxuu sheegay in wadooyinka gobalka Gedo gaar ahaan Luuq iyo Dowlow oo ah 80km in ay burbursantahay, wuxuu kaloo sheegay in xoolaha ku nool gobalka aysan heesan xannaano ku filan, wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan dhismooyin burburay oo ku yaalla gobalka gaar ahaan dhismooyinka maamulka ee gobalka Gedo.

Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar ayaa sidoo kale tilmaamay in ay soo arkeen ciidamo ka tirsan dowladda oo dhaawac ah kuwaasoo aan helin caafimaad iyo daryeel ku filan.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in marka ay ku laabtaan Muqdisho lana furo kalfadhiga seddaxaad ee golaha baarlamaanka in ay hor geeyn doonaan wa xyaabaha ay ku soo arkeen goobaha ay booqdeen.

Waa markii ugu horeysay oo xildhibaanno tiradooda intan gaareyso ay booqdaan gobalka Gedo tan iyo markii la dhisay baarlamaanka Soomaaliya sannadkii hore.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baladxaawo

[email protected]

Xog: Ethiopia oo fidineysa gogol 2-aad (DF Somalia iyo maamulka Puntland)

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – C/raxmaan Faroole oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa Dowladda Ethiopia waxay kala hadashay khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana waxaa loo soo jeediyay inuu kalsoonida uu kala laabtay Dowladda dhexe aysan aheyn mid xiligan haboon.

Warar kasoo baxay kullankii uu Faroole Addis Ababa kula yeeshay Ra´iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa waxay sheegayaan in cadaadis lagu saaray wada hadallo inuu la furo Dowladda Federaalka isla markaana waxaa lagu wargeliyay in xiligan aysan habooneyn khilaaf hor leh in la geliyo rajada Somalia.

C/raxmaan Faroole ayaa Ra´iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn u gudbiyay cabashooyinka ay ka cabanayaan Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxdeeda oo uu ku eedeeyay iney wax ka badaleen dastuurkii dalka Somalia qodobo ka mid ah, isagoo u sheegay in Puntland aysan wada hadal la galeyn inta laga badalayo qodobada ay ka cabanayaan in wax laga badalay.

Ra´iisul Wasaare Hailemariam Desalegn ayaa u sheegay Faroole in wax walba ay ku imaan karaan wada hadal, loogana baahan yahay Puntland in ay la shaqeyso Dowladda Dhexe oo ay ka tirsan tahay.

Ugu danbeyntii Faroole ayaa ku qancay soo jeedinta Ra´iisul Wasaare Hailemariam Desalegn, waxaana suuragal ah in dalka Ethiopia ay ka furanto gogol kale oo ay ku wada hadli doonaan Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Dowladda Ethiopia ayaa door muhiim ah waxay ku leedahay heshiiskii dhawaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmad Madoobe ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa.

Isha: Warfaafiye.com

AGOONTII Meles oo ADEER heshay!

0

Sanad iyo maalmo ayaa laga joogaa geeridii Aow Meles Zenawi, maalintii gabbalku u dumay gablanna ay noqdeen gafanayaashuu Aow Meles Soomaali u adeegsan jiray, ee marna aan ka digigixin inay Dubbe ama Masaar la dhacaan umaddooda, la yiri “Doqoni walaalkeed ayey u DAAB weyn tahay” kuna raalli noqday inay dabadhilif u ahaadaan DAAFILEEY dal iyo dad inay dam ka siiyaan u degsan tahay.

In kasta oo si guud uu isbadal uga dhacay hoggaanka dalalka dariska la ah Soomaaliya, marka laga reebo KALIGI TALIYE GEELLE oo isugu u maleeya inuu DHAXAL DHIGAN xukunka ku haysto, isagoon eegin wixii KALIGI TALIYE Siyaasad Barre ka qabsaday caburinta, haddana, geerida Aow Meles Zenawi waxay kala wareeg u noqotay Siyaasadda Geeska Afrika, marka laba dhan laga fiirsho, oo kala ah:

-Isu dheellitirnaanta hoggaanka IGAD oo aad mooddo inay dib u soo laabatay, halka uu markii hore dhan u ciirsanaa.

-Agoontii uu ka baxay Aow Meles Zenawi oo u darsatay, balse, Adeer helay, waana midda aan qormada ku faaqidi doono.

Xaqiiqda biya kama dhibcaankaa yaa ah, in xer badan gablan noqdeen, waxaad ka garan kartaa erayada tacsida lagu maldahay ee ka soo baxay kuwan isku sheega madaxda Soomaalida, dhammaan waxay isku raaceen inuu ahaa GEESI, waa Aow Meles Zenawi ee ogoow, bal aan halkan su’aal dhigee, GEESI ma wuxuu ku noqday inuu Soomaali xasuuqay? Ani ma garan, aqriste, adiguna?.

Aow Meles wuxuu ahaa madaxa rasmiga ah ee ka talin jiray waddanka gees ka gees, deegaanka Koofurta uuba wakiillo ku lahaa baa la dhihi karaa, ee deegannada ay ka taliyaan maamulka Somaliland iyo maamulka Bari ee ay kala hoggaanshaan Siilaanyo iyo Faroole si toos ah ayuu u maamuli jiray.

Marka laga soo tago in ay Qurbaan joogta ah bixin jireen, marka laga soo tago inay dad nool u dhoofin jireen Aow Meles, marka laga soo tago inay u xeraysan jireen had iyo jeer, tii ugu darnayd waxay dhacday markii ay xaflad u dhigeen sanad guuradii Aow Meles uu xukunka xoog ku qabsaday, xafladdaa waxaa lagu dhigay Hargaysa iyo Garoowe, waxaana soo qabanqaabshay xubno sarsare oo ka tirsan labadaa maamul, siday geeridiisii u xuseenna waaba loo joogay!

Inta aysan ila gudbin sheekadu aan waxyar xasuusta sooyaalka dib kuugu celsho, kuuna soo bandhigo dhawr shir oo uu Aow Meles  horjooge ka ahaa, qaarkood sabab u noqdeen dhantaal iyo dhimaal sii dhudhansamay, halka kuwa kalana ay noqdeen dhabqi iyo dhooqado yeysan degin.

1. Shirkii Addis Ababa Maarso sanadkii 1993. Shirkan in loo qabtay ururadii magaca siyaasadeed watay asii ahaa ururro beeleed ka sokow, waxaa ka soo qaybgalay Abwaanno http://www.youtube.com/watch?v=nqMc_24govE iyo fanaaniin badan http://www.youtube.com/watch?v=2vkegrxx2og oo aan ka xusi koro Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil http://www.youtube.com/watch?v=67kb_TYbZMc iyo Abwaan C/qaadir Xersi Yamyam, oo ka jeedshay maansadii cajiibka ahayd oo liilkan hoose ku lifaaqan:

http://www.youtube.com/watch?v=QqkSoab-jOk

2. Shirkii Sodare November sanadkii 1996. Shirkan oo sabab u noqday burburkii dawladdii Salballaar ee uu Xuseen Caydiid dhaxal siyaasadeed uga dhaxlay Abbihii Gen. Caydiid, oo isla sanadkaa geeriyooday.

3. Shirkii Hawaasha Apriil sanadkii 2001. Shirkan waxaa loo qabtay kooxdii la magic baxday “The Somali Restoration and Reconciliation Council” marka la soo gaabshana noqonaya (SRRC) madashan ayaa waxaa ku midaysnaa dhamman qabqablayaasha koofurta la dagay, ee halaagga iyo holaca ku harqiyey.

4. Shirkii Addis Ababa Maarso 2010. Shirkan waxaa loo qabtay laguna aas-aasay kooxda saldhiggu u yahay Gobolka Galguduud ee loo yaqaan Ahlusunno, aniguse aan u baxshay “DHAL AMXAARO” halka Qoraa sare C/qaadir “Aromo” uu ku magacaabay “AHLU ZENAWI” markii ay isla noolaa waayeen ee ay is khilaafeenna isla Addis ayuu Aow Meles Zenawi dib u heshiisiin ugu qabtay.

Shirarka uu Aow Meles qabtay ciiddaan ka badan, balse, anigu afartaa ayaan ka soo xushay, illeen hal qoraal kuma soo koob mayaane, haddaan buug iyo buugaag laga qorayne.

Dhibka dhacay meel walba ayuu gaaray, madaxda dawladda ugu sarraysa, kuwa maamul beeleedyada ee ka jira waddanka, marka ay is khilaafaan waxaa gogosha u dhigi jiray oo wada hadal siin jiray Aow Meles, aqriste, adi ma tirin kartaa inta Addis loo tagay shir iyo wada hadal? Ani ahaan tiro iska daaye, xitaa laguma qori karo buugga caanka ah ee loogu talagalay waxyaabaha xaddhaafka ama la yaabka ah ee “Guinness World Records”.

Markii hore xerta Aow Meles waxaa lagu sheegi jiray qabqablaayasha, oo habaar iyo haaraan dabada loo qaban jiray, waxaase gadaal uga soo darsoomay wadaaddadii oo dhan walba leh, aan tusaaleeyee, Ahlusunna saw ma ahan Dhal Amxaaro? Yaa unkay? Yaa aas-aasay? Yaa hubeeya? Saw shirkii aas-aaskooda laguma qaban Addis? Hadday is khilaafeenna saw isla Addis laguma wada hadalsiin?.

Dhanka kale, “Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ( Western Somali Liberation Front) (WSLF) ” oo ahayd jabhad lagu tirsho garabka Wadaadada Waallidu wadday, oo ku doodi jitray anay ku Jihaadayaan maamulka Aow Meles, da’ yartana ku dagaalgalin jirtay waxaan xoraynaynaa Soomaali Galbeed, ayaa aakhirkoodii ayagii la xoreeyey, ka dib markii ay isu dhiibeen Aow Meles, taa oo aysan wadaaddadii shalay diiddanaa in Soomaalidu wada hadasho aysan waxba ka dhihin “La joojiyaana bannaan, la jiifiyaana bannaan!”.

Inta ka hadashay geerida Meles waxaa ugu liitay Mudane Faroole Madaxa Maamulka Bari, oo si kal iyo lab ah ugu tacsiyeeyey, wuxuuna yiri: “Senawi kaliya Ethiopia kama dhiman, wuxuu ka dhintay guud ahaan dhucuubta Afrika iyo Soomaalida, anagana waa naga dhintay..”intaa kuma ekayne, qaylodhaan dirsaday, oo yiri: “…Waxaan ugu baaqeynaa raysul wasaare xigeenka hadda xafiiskii la wareegay iyo ragga kale ee la shaqeynaya inay raacaan dhibihii uu jeexay Senawi”.

http://bilediraac.wordpress.com/2013/08/17/geerida-meles-iyo-guddoonka-geeska-afrika/

Gablanka gabbalku u dumay ee geerida Aow Meles gabbaadku u jabay, waxaa soo food saartay arrimo badan oo wax ka qabasho u baahan, weydiinta yaa ah, geerida Aow Meles ka dib, sidee u dhaqmeen madax ku sheegga Soomaalidu? Ma waxay sii joogtooyeen qorshihii ay ugu qaddaameyn jireen? Mise isbadal bay la yimaadeen?.

Inta aanan u gudgalin kaalintii Aow Meles banneeyey cidda buuxisay, waxaan jeclaan lahaa inaan mid kale ka hormarsho, oo aan isleeyahay waa muhim ogaalkeedu, horta xereysigii (Mawlaca Meles) madaxda Soomaalida ee Addis waxba iskama badalin, oo wali waa sidii Aow Meles iyo la’aantiisa, balse, waxaa hubaal ah in aan sidii hore loogu sii qulqulin, iyana waxaa u wacan waa isbadalka mandaqadda ka dhacay iyo kala wareegga maamullada ku yimid, taa waxaa kuugu daliil ah, celintii Garoonka Addis laga celshay Mudane Faroole iyo booqashadiisii u dambaysay ee uusan kala laaban wax la taaban karo.

Sidii uu Aow Meles Zenawi u geeriyooday waxaa kaalintaa SI KU MEEL GAAR AH u buuxshay Dawladda Kenya, si dadban markii horaba waa ugu lug lahayd, haddase si cad ayey isu soo mutuxday. Mar waa cudud iyo ciidan ahaan. Mar kale waa cawaanno u caleemmo ruxa, oo ku yiraa had iyo jeer; “SAX WEEYE!”. Marka kale waa inay saldhig u noqotay xunbaha bulshadu ku sumadday QASWADAYADAASHA, ee isugu jira: 1- Masuuliyiin xilal ka soo qabtay dawladihii dalka isaga daba maray dalka, sida; Cali Khaliif Galayr, Shariif Xaaji Aadan “Sakiin” Cali Maxamed Geeddi, Cumar C/irashid Cali Sharmarke, Gaandi IKK. 2- Rag ku fashilmay tartantii doorashada madaxtinimada ee sanadkii hore, sida: Yuusuf Garaad Cumar Axmed iyo C/raxmaan Baadiyoow. 3- Xildhibaanno ka tiran Baarlamaanka Dawladda.

Dhanka kale, ha moogaan shirarkii hore u qabatay Kenya, sida kii 1996 ama 2004. Laashin ka Shirbay xarun u noqoshada Nairobi QASWADAYAASHA ayaa yiri:

Adeer UHURU waa aqyaar, agoonta aflaxeed yaqaan

Igaaraan Nambar Koow ehayn, maba ishaarto ebedkiis!

Inay Nairobi shirar dhawr ku qabsaden ka sokow, waxayba u noqotay saldhig, tallaabadaa oo ah mid uusan xitaa ku dhaqaaqin Aow Meles, oo ku ekaan jiray wada hadalsiin iyo shir qabasho. In Nairobi saldhig u tahay ka sokow, waxayba inta badan ka afuufaan munaafqaddooda ku dhisan yeysan wax kala socon ama yaan hore loo dhaqaaqin.

Ha moodin inaan illaabay qodob aad is leedahay muxuu u soo hadal qaadi la’ yahay, haddii uusanba faahfaahinayn. Kuwa Nairobi ka qalaada waxaa cidii u dambaysay laga maqlay Cali Geeddi, isagoo shirkii Addis Ababa ee Axmed Madoobe iyo Dawladda u dhexeeyey soo dhaweeyey, illeen Addis ayuu ka dhacaye, Xabashana marti ayaa loo ahaaye, halka uu ka soo horjeestay kan ka socda Muqdisho, isagoo yiri: “looma dhamma!” Alla yaa u sheega “looma dhamma iney Cusmaan Caato iyo C/laahi Yuusuf la dhinteen!” oo ay ku habboon tahay haddii ay lagama maarmaan tahay inuu wax sheego inuu la yimaado eray bixin casri ah iyo mid cusub, haddii kale uu iska aamuso, sababtoo ah:

-Shirkan Xamar in kasta oo wax nuxur leh aysan ka soo baxi doonin oo Soomaali u aayi doonto, haddana wuxuu ka wanaagsan yahay kii ay qaban qaabsheen isaga Geeddi ah iyo C/laahi Yuusuf, guddoomiyana looga dhigay Cali Mahdi, waa Dhurwaa Hilbo ku raro, Libaax ha kuu waardiyeeyo,  Dawocana ha kuu khaadimayso, xaad ka filan lahayd? Bal adba. Halka shirkan ay agaasimayaan ugu yaraan dad aan dhiig dad iyo dhaqaale dawlo qabin inta la og yahay.

-Haddii aan shirkan Xamar loo dhammayn, kii hore aad u qabateen Soomaali ma loo dhammaa? Anagoo og in markaa Xamar Xabashi xoog ku haysatay oo aysanba xor ahayn? Dabcan waa i dhihi kartaa maantaba AMISOM ayaa joogta. Sadarrada sare ku laabo aniga shisheeye waa ii shisheeye, ee iima kala sokeeyaan mana kala xigsanayo, ee bal horta caadifadda xagga iska dhig, cuqdadaddana iska daar. Abwaan Abshir Faarax Nuur “Bacadle” ayaana iga deeqay, oo ku SHIRBAY: “Ugaandha geelii waa gudeen, Gumaadkiina waa gareey dhaheen!”.

-Geeddi adoo Aow Meles u hirgalshay riyo xitaa uusan waligii ku riyoon iska daa inuu qorshaha ku darsadee ama uu ka fekeree, adiga iyo inta kula halka ah, ee leh C/laahi Yuusuf, Xuseen Caydiid, Gacma Dheere, Salaad Cali Jeelle, Yuusuf Azhari, Maxamed Dheere, Gaas, Xuub Sireed IKK, saw ma tihidiin ninkii Awo Meles u ahaa Buundadii uu ku soo tallaabay? Si kale aan u dhigee saw ma tihidiin nimankii sabab u noqday in Xabashi Bartamaha iyo Koofurta fog ay xasuuq daran ka gaysato? Saw sabab uma aadnaan noqon qixii ugu ballaarnaa oo Soomaali gala ka dib markii ay Xabashidu Xamar soo gashay?.

Arrin kale, oo mawduucan la xiriirta aan kuugu daro, mid waxaa jirta aanba laga hadal marna ama aanba la soo hadal qaadin, waa marka laga hadlayo waxyeellada ay Xabashidu u gaysteen Soomaali, oo ah dagaalkii Daynuunaay ee gobolka Baay ka dhacay, laga yaabee inaad shalay ku qanacsadeen [Maxaakim Islaan – Wadaaddadii Waalligu wadday] maantase aad leedahay Argagixiso ayey ahaayeen, balse, ma ogtahay dagaalka inta ku qur baxday inay dhallinyaro wada ahaayeen oo uusan ku jirin intii hoggaanka ka haysay Maxkamadihii, xitaa Saraakiil hoose? Adba bal keen qof ku dhintay magaciis oo xil muuqda ka hayey Maxkamadaha, ma jiro, haddana, dadka qaarkii ayaa kaa doodaya in Xasan Daahir uu mudan yahay in la Maxkamadeeyo, oo kaalay kuwii xasuuqaa wax ka gaystay ee Wadaadada ahaa wali waa joogaane maa lala Maxkamadeeyo, waa haddiiba ay dhacayse?.

Aow Meles sanad ayuu sii mootan yahay, haddana sanadguuradiisii koowaad hadallo rag Soomaali ah ka jeedsheen waxay kuu caddayn in qaar badan oo ka mid ah ay moodayaan inuu wali nool yahay, si aysan malo kaliya ula noqon waxayba Magaalada Jigjiga uga dhiseen Aow Meles Taallo ay malaha u xajin doonaan had iyo jeer, mar aan dhaaraynna magaalooyinka Hargaysa, Garoowe, Dhuusa Mareeb, Baydhaba iyo Xamar ka filo.

Balse ayaandarrada ku dhacday [ayaan wanaagse noo ah] ehellada Aow Meles ayaa dacwo ka dhagn raggii qarshaha fulshay u gidbiyey Maxkamad oo hadda Taalladiina waxay ka qarka u saran tahay in la dunsho, oo awalba la isla dhex marayey lacagta lagu dhisay in loogu talagalay in lagu hagaajiyo Tubbooyinka qaada Bullaacadda magaalada. Bal adba.

Qormadana waxaan ku eegay weydiimaha kala ah: Geerida Meles sanad ka dib, xaa iska badalay Mandiqadda? Ma loo darsaday mise waa laga raystay? Maxaa laga filan karaa hoggaamada cusub ee gobolka ka hana qaaday geerida Meles ka dib? Agoontii Meles ka baxay Adeer ma heleen? Anoo is leh wixii aad haysay oo sooyaal iyo saakayaal isugu jiro wax waa ka iftiimisay, ayaan haddana ku soo afxirayaa maansadan:

Inta kalaba garannaye

Geeddiyo Xuseen iyo

Kuwii gumaaday shacabkii

Wali may garramayaan?.

 

Inta kalaba garannaye

Gaas iyo Shariif iyo

Galayr Ina Rashiid iyo

Inta guratay lacagtii

Gaandi wali ma shirayaa?.

 

Inta kalaba garannaye

Madoobiyo gar dhuubiyo

Aw Libaaxya giirgiiir

Kuwii diiinta gurac iyo

Nooga dhigay guhaad daran

Wali guuxa maba dhigin!

 

Inta kalaba garannaye

Yuusuf ina Garaadiyo

Baadiyow maxaa gubay

Dad la ganay sidoodii

Horta maxay la guuxaan

Hoos ula Gunuusaan?.

Dhammaad. 

Bashiir M. Xersi

[email protected]

www.bilediraac.wordpress.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Daawo Video: Muqdisho oo ay ku soo kordhayaan arrimo ku cusub dadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Magaalada Muqdisho waxaa ku soo kordhaya Maalinta maalinta ka dambeysa Horumar ku cusub shacabka iyo Ganacsiyo cajiib ah oo Shacabka ay ka hir gelinayaan magaalada Muqdisho.

Muuqaalkaan oo ka koobnaan doono dhwor arimood oo cajiib ah oo dhawaan ka hir galay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo muuqeeda iyo magaceeda soo ceshaneysa kadib Shacabkeeda oo hurdada ka toosay ogaadayna qiimaha dowladu ay lee dahay.

HALKAAN KA DAAWO:

DEG DEG: Qaar ka mid ah wadooyinka ugu mihiimsan Muqdisho oo xiran

0

Muqdisho (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, waxaa saakay xiran qaybo ka mid  wadooyinka magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa sheegaya in wadooyinka xiran ay ka mid tahay KM4 ilaa Zoobe, waxaana halkaas lagu arkay Miino la dhigay, waxaana la joojiyay baabuurta iyo dad weynaha.

Ciidamada ku sugan xarunta dambi baarista ee CID ayaa la sheegay howlgalo ay ka wadaan wadooyinka xiriirisa KM4 ilaa Zoobe.

Qof ku sugan KM4- oo aan la hadalnay ayaa sheegay in uu arkay Baakad ay ku jiraan Batari iyo Mobail, oo la dhigay inta u dhexeeya KM4 ilaa Zoobe.

Waxaa jira warar sheegaya in la qabtay dhowr qof oo loo maleenaayo in ay ka dambeeyeen walaxaha qarxa ee la dhigay waddadaas.

Waxaa sidoo kale xiran goobaha ganacsiga ee ku yaalla Zoobe iyo KM4 ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa xiran isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshid, waxaana xaley degmadaaas lagu soo rogay bandow xaley.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xaley magaalada Muqdisho laga maqlay qaraxyo iyo rasaas xooggan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

Arag Sawirrada: Madaxweyne Xasan oo ku damaashaadaya Xeebta Marka

0

Muqdisho 04 September 2013 –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa manta ku soo laabtay Muqdisho ka dib safar labo cisho qaatay oo uu ku joogey magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada Hoose.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkan ku wehliyey Wasiiradda Garsoorka, Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa maalintii shalay aheyd tagey xeebta magaalada Marka Cadey oo uu halkaas isaga iyo wafdigiisaba ku dalxiiseen, kuna dabaasheen si loo dhiiri geliyo nabadda Marka iyo is dhexgalka bulshada. Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay isagoo jooga xeebta ayaa yiri “Xeebtan quruxda badan iyo kuwa la midka ahba waxey naga rabaan inaan ku dalxiisno, isla markaana aan mustaqbalka dhow uu caalamku u soo dalxiis tago. Gobolkan Shabeelaha Hoose waxuu EEBBE ku maneystay xeebo, beero, wabi iyo xoolo oo intaba ah kheyraadka dalka. Sidaas daraadeed, waa inaan ka wada shaqeynaa nabadda iyo horumarka ay dowladdu waddo. Maanta waad u jeedaan inaan dabaalaneyno oo nabad iyo nimco EEBBE na siiyey ah noogana baahan inaan ku shukrino oo aan ku raaxeysanno.”

Madaxweynaha ayaa intii uu joogey kulammo la qaatay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo degmooyinkiisa, oday dhaqameedka deegaanka, iyo shacabka Gobolka oo uu kula dardaarmay inay dadaaladda dowladda wado kala shaqeeyaan si dalka loo gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo. Madaxweynaha oo arrintaa ka hadlaya ayaa yiri “Booqashadeena Marka waa mid taariikhi ah oo aan dooneyno in shacabka gobolka Shabeelaha Hoose aan uga mahadcelino dadaaladii dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta ee muddo ka socotay deegaanka. Dowladdu waxey soo dhoweyneysaa in shacabka soomaaliyeed ay ka wada shaqeeyaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, waayo waddankan waxaa iska leh shacabka, sidaas daraadeed, waxaa shaqsi walba waajib ku ah inuu u istaago sidii xal nabadeed oo waara loo dhexdhigi lahaa bulshada.”

Madaxweynaha ayaa sdoo kale kala hadlay shacabka Gobolka Shabeelada Hoose sidii looga wada shaqeyn lahaa inay dalkan doorashooyin ka dhacaan, waxuuna yiri “Qorshaha dowldda ayaa ah inaan 2016 dalka aan gaarsiino doorashooyin xor ah oo shacabku ay soo doortaan dadkii matali lahaa. Sidaas daraadeed, waxaan Gobolka Shabeelaha Hoose ka rabnaa inay hroseed u noqdaan barnaamijkaas oo shacabka deegaanku bilaabo nabadeynta iyo sidii aad u soo dooran laheydeen maamuladda deegaanka iyadoo la waafajinayo dastuurka iyo sharciga maamul u sameynta gobollada dalka.”

saw1saw2saw3saw4saw5saw7saw8sawi8

Dr. C/raxmaan Baadiyow oo Muqdisho tagay, kana hadlay arrimo badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo isku soo toogay xilka madaxweynaha sannadkii hore, balse looga guuleestay ayaa maanta oo Khamiis ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Baadiyow , wuxuu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dowladda Soomaaliya wax yaabaha u qabsoomay muddada sannadka ah, wax yaabaha uu ku arkay Muqdisho iyo waddamo dhowr ah oo uu soo maray.

Baadiyow ayaa la hadlay Idaacadda Goobjoog oo ka mid ah idaacadaha sida gaarka loo lee yahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Muxuu ka yiri wax yaabaha uu ku arkay Muqdisho tan iyo markii uu ka amababaxay sannad ka hor?

Dr. Baadiyow ayaa sheegay in magaalada Muqdisho markii uu yimid uu ku arkay waddada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo KM4 dhagxaan la dhigay waddada.

Wuxuu kaloo sheegay dad badan oo uu la hadlay in ay u sheegeen in xaaladda ammaanka ay ka hoos martay siddii ay ahayd dowladii Shariif Sheekh Axmed.

“Ruux kasta oo aan la kulmo wuxuu ka niyad jabsan yahay ammaanka oo sii xumaanaya, halkii laga rabay in uu isbadalo maadama dalka ay ka dhisan tahay dowlad rasmi ah, wadooyinka dhan waxaa la dhigay (Road Block) oo fara badan, Ammaanka wuxuu ku soo koobmay waddada Markah Al-Mukaramah”ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Wuu sii hadlay

“Waxaan kaloo arkay shacab dedaalaya oo aan kala jecleen ammaan xumida ka jirta dalkam kuwaasoo go’aansaday in ay ganacsiyo ka sameeyaan magaalada kuna soo laabtaan, maadama dowladda ay ka gaabisay arrimaah ammaanka” ayuu markale yiri Dr. Baadiyow.

Dr. Baadiyow wuxuu ka hadlay shirka ka socda Muqdisho

Wuxuu sheegay in shirka dowladda ay ku qabaneyso Muqdisho looga baahan yahay dadka ka qaybgalaya in ay ka hadlaan sida dowladda ay wax uga baran lahayd guuldarooyinka soo food saaray muddada sannadka ah ee ay jirtay dowladda, waana in la sheegaa wax yaabaha sabab u ah in ammaanka uu faraha ka baxo” ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Waxaa la weydiiyay wax yaabaha uu qaban lahaa haddii la dooran lahaa?

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa tilmaamay haddii la dooran lahaa in arrimaha ammaanka dalka ay wax badan iska badali lahaayeen oo sidan aysan wax noqon lahayn maadama uu yahay nin khabiir ku ah arrimaha ciidamada.

Wuxuu sheegay in dowladda looga baahnaa in ay tayeeso ciidamada ama isbadal lagu sameeyo dadka hadda hoggaanka u haya maadama ay wax badan ku fashilmeen.

Rajada dowladda muxuu ka sheegay?

Dr. Baadiyow ayaa sheegay in dowladda haddii aysan wax ka badalin oo aysan wax ka baran guul darooyinka soo gaaray muddada sannadka in ay fashilmi doonto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Guddoomiye Tarsan oo weerar afka ah ku qaaday Xukuumada Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo caawa la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha gudaha ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay go’aan ay qaadatay wasaaradaha ganacsiga xukuumada Soomaaliya, taasoo maanta sheegtay in aysan aqoon san doonin rugta ganacsiga gobalka Banaadir oo shaley looga dhawaaqay Muqdisho.

Tarsan ayaa sheegay in go’aankaas uu ahaa mid nasiib daro ah, waayo ayuu yiri “Wasaaradda ganacsiga waa in ay la xisaabtanto Rugta ganacsiga ee ka dhisan Puntland ama tan ka dhisan Hargeysa, ama tan Baydhabo ma ahan in ay ka soo horjeesato ganacsato shaley doorasho sameestay dabadeedna doortay guddoomiye cusub”

Tarsan wuxuu tilmaamay in uu arrintaas maanta kala hadlay wasiirka una sheegay in tallaabadaas ay dhaawaceyso horrumarka uu sameenaayo maamulka gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa wax laga weydiiyay ammaan xumida ku soo korartay caasimada Muqdisho oo ay ugu dambesay weeraradii caawa ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho?

Tarsan ayaa hoosta ka xariiqay in magaalada Muqdisho ay tahay ammaan oo la isku haleen karo, wuxuuna tusaale u soo qaatay in marka loo barbardhigo magaalooyinka New York, London, Baghdad, Kabul iyo Nairobi ay ka ammaan fiican tahay magaalada Muqdish.

“Anniga markasta waxaan aaminsanahay in magaalada Muqdisho ay tahay magaallo ammaan ah oo la isku haleen karo, waxaana ay ka aammaan badan tahay New York, London, Baghdad, Kabul iyo Nairobi oo ay ka dhacaan dilal iyo shilal badan” ayuu yiri Tarsan.

Wuxuna ugu dambeen tilmaamay in magaalada ay qasayaan kooxo calooshood u shaqeestayaal ah, loogana baahan yahay dowladda in ay tallaabo ka qaado xagga ammaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Warbixin: Al-Islaax oo beeniyay in ay la midoobeen DAM-JADIID

0

Nairobi (Caasimada Online) Ururka Al-Islaax ayaa beeniyay warar dhawaan ay shaaciyeen warbaahinta gudaha oo ahaa in Ururka  Islaax iyo Dam-Jadiid ay midoobeen oo ay noqdeen hal urur.

War-Qoraal oo loogu talagalay Saxaafadda oo la soo gaarsiiyay xafiiska Shabakadda Caasimada Online ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in uusan jirin kulan dhexmaray iyaga iyo Dam-Jadiid.

War-saxaafadeedka ayaa lagu faah-faahiyay arrimo badan oo horyaala hoggaan cusub oo ay yeesheen.

War-Saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

Xarakada Islaax ee Soomaaliya waa xarako Islaami ah oo ka shaqaysa ku dhaqanka Diinta Islaamka; iyo sidii loo heli lahaa bulsho Soomaaliyeed oo dawlad hufan leh, horumarsan, fahamsan kuna dhaqanta mabaadi’da iyo akhlaaqda Islaamka.

Waxaa kale oo xarakadu higsanaysaa in laga dhigo guud ahaan dunida gaar ahaan gobolka Geeska Afrika meel nabad ah oo ka fog qulqulatooyinka iyo dagaalada, iyadoo laga hortegayo sababaha keeni kara dagaaladaas.

Muxuu yahay Nidaamka iyo hoggaanka Islaax?

Ururka Islaax wuxuu leeyahay xeer iyo nidaaam haga hawlihiisa iyo hogaankiisa. Nidaamka ururku wuxuu qeexayaa in hogaanka ururka la doorto shantii sanoba mar.

Haddaba Golaha Shuurada (Golaha Dhexe) ee ururku wuxuu xilli kale oo shan sano ah u doortay Dr Cali Baashe Cumar Rooraaye guddoomiyaha ururka ee shanta sanno ee soo socda (2013-2018).

Maxay ku sheegeen Islaax iyo marxalada cusub ee mareyso maanta?

ururka Islaax waxaa looga bartay u adeegidda Bulshada Soomaaliyeed, iyo ka shaqaynta danta guud ee dalka. Sidaas darted, hogaanka cusub ee ururka waxaa horyaalla hawlo culus, oo ku aadan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa umadda Soomaaliyeed laga sugayaa inay kaalin wax-ku-ool ah ka qaadato deganaanshaha iyo horumarka gobolka Geeska Afrika. Hayeeshee waxaa muuqata habacsanaan xagga amniga iyo khilaafaad siyaasadeed oo sii baahaya.

Haddaba, dalka Soomaaliya wuxuu marayaa marxalad xasaasi ah, oo ay tahay siidii uu u taabbagelin lahaa hanaankiisa dawladeed. Waxaa loo baahan yahay midnimo iyo wadajir in marxaladan lagaga gudbo.

Wax yaabaha horyaalla Al-Islaax:

1)     Adkaynta Faafiinta Diinta islaamka iyo barashadeeda oo ku salaysan fahmiga wasadiga ah.

2)     Xoojinta hawlaha samafalka iyo taakulaynta bulshada soomaaliyeed

3)     Xoojinta hawlaha waxbarashada iyo baahinteeda.

4)  In Islaax kaalin mug leh ka qaadato hawlaha siyaasadda iyo taabbagelinta dawladnimada Soomaaliya, waxayna dhiirrigelinaysaa sidii loogu gudbi lahaa hirgelinta hanaanka axsaabta badan, oo saldhig u noqda siyaasadda Soomaaliya.

5)     Xoojinta kaallinta bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwan ay ku leeyihiin horumarinta arrimaha bulshada.

Waxa ururka islaax ku baaqayaa in laga wada shaqeeyo xoojinta deganaanshaha Soomaaliya, iyo dhiirrigelinta mabaadi`da deris wanaagga laguna dhammeeyo arrimaha khilaafaadka siyaasadeed ee maamul gobolyada wadahadal iyo istixgelin iyo walaaltinimo.

Ururka islaax wuxuu ka xun yahay dhibaatada culus ee wadamada Carabta ee aan walaalaha nahay ka jirta. Wuxuu ururku cambaaraynayaa afgambiga milateriga iyo xasuuqa shacabka ee ka dhacay dalka Masar iyo xasuuqa loo geystay shacabka Suuriya. Waxaa ururku ku baaqayaa in la dhowro doonista shucuubta, xuquuqdoodana la ilaaliyo, iyadoo la ogsoonyahay in xilligii kelitaliska iyo ismaquunintuna uu dhamaaday.

Dhanka arimaha gudaha ee ururka islaax: waxaan cadaynaynaa inaysan jirin in Ururka islaax iyo kooxda damjadiid ay midoobeen, balse xubno Islaax ka tirsanaan jiray, oo Sheekh Maxamed garyare horkacayo ayaa ururka islaax ka tegey oo Damjadiid ku biiray.

Ugudambeen warka qoraalka ayaa lagu sheegay kooxda DAMJADIID in ay ka samaysmeen xubno ururka ahaa , oo la qabsan waayay ururka iyo hanaanka shaqadiisa, oo isaga tegey ururka Islaax, ka dibna ku biiray ururkii maxkamadaha Islaamiga 2006.

Si kastaba, ma cadda wax yaabaha ka dambeeya warsaxaafadeedkan balse kulan dhawaan ka dhacay Muqdisho ayaa lagu sheegay in ururka Islaax iyo Dam-Jadiid ay midoobeen iyagoona la baxay (Xarakada Islaax Al-Islaamiya) Waxaana madax ka ah nin ka tirsanaa DAMJADIID.

Waxaa xusid mudan in Islaax oo ah urur la dhisay sannadkii 1975-tii uu kala jabay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Xasan Sheekh oo Markab dushiis kula kulmay Wafuud Caalami ah

0

Muqdisho (Caasimada online) Helicopter ah ayaa goor dhaw waxau garoonka Diyaaradaha  Muqdisho ka qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo la tilmaamay in Markab Dagaal Dushiisa uu kulan kula qaadanayo Wafuud Caalami ah.

Diyaaradaha Helicopterka ah oo tro ahaan gaaraya Labo Diyaaradood ayaa sida la tuhun san yahay kasoo dul haaday Markabkan dagaal oo sida la sheegfay ku sugan Xeebaha muqdisho ku hareereysan .

Wararku waxay sheegayaan in Markabkan dagaal Dushiisa uu Madaxweyne Xasan kulan kula qaadanayo Saraakiil ciidan oo sida la rumeysan yahay ka tirsan ciidamada la dagaalanka Kooxaha Burcada Badaha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo NATO.

Warar hoose oo ay heshay Caasimada online ayaa sheegaya in Kulankaas looga wada hadlayo arrimaha ammaanka xeebaha, la dagaalanka burcad badeedka iyo Sidoo kale Shirka arrimaha Arimaha Soomaaliya looga hadlayo ee Bartamaha Bishan ka furmaya magaalada Brusulles ee dalka Belgium.

Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan Maraakiib badan oo kuwa Dagaalka ah kuwaas oo laga leeyahay dalal Badan oo caalamka ah , iyadoo taasi loo sababeynayo inay dagaal kula jiraan Bucada Badaha Soomaaliya.

Xeebaha Soomaaliya ayaa la sheegaa inay ka mid yihiin xeebaha ugu  qatarta badan Caalamka waxaana marinbiyaadyada Badda Cab iyo Badweynta Hindiya maraakibta isticmaasha ay walaac xoogan ka muujinayaan burcad Badeedda Soomaaliyeed, kuwaas oo xilliyda qaar afduub ka geysta goobo ka baxsan xeebaha Soomaaliya

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]