30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

VIDEO: Haweeney 64 jir oo Caalamka ka yaabisay… “Sababta Daawo”

Caasimada Online:  Haweeneydii ugu horeysay inta la og yahay caalamka ayaa dabaal isaga kala gooshtay wadamada Cupa iyo Gobolka Florida oo ka tirsan dalka Mareykanka, iyadoo ay ku qaadatay 50 saacadood oo ay jartay 110 Miles oo u dhiganta 177 kilometers.

Diana Nyad oo u dabaal degtay sanad guuradeeda 64-aad ayaa waxay noqotay qofkii ugu horeysay ee difaac la’aanta waxyaabaha looga hortaga Yaxaas badeedka dabaal isaga kala gudubto dalka Cupa iyo gobolka Florida ee dalka Mareykanka,  walow ay caawinayeen Doomaha dheereeya oo iyo qalab kale oo lagu eego biyaha. waxayna ku qaadatay 11 maalin.

Haweeneydan oo hamigeedii ku guuleysatay ayaa wareysi ay siisay TV-ga CNN ayey waxay ku sheegtay in qorshahan uu ahaa mid 35 sano ka hor ku riyooneysay balse ay soo afjartay hamigeedii Sabtidii lasoo dhaafay.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:  

 

 

Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo la kulmay Wafdi ka socday Sweden

0

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweyne dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaamaanta  la kulmay Wafdi ay hogaamineysay wasiirka xiriirka caalamiga ah ee dowladda Sweden.

Kulanka Wafdigan iyo Madaxweyne Xasan ayaa ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Waxaana kulanka kadib Madaxweynuhu uu sheegay  inay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal sida amaanka iyo horumarinta kaalmada Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiiradda xiriirka caalamiga ah ee dowladda Sweden oo dhankeeda hadashay waxa ay dowlada ku amaantay dadaalkeeda waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay ku taagaarayaan dhaqaalo si ay mar kale u istaagto

Dalala  badan oo caalamka ah ayaa sheega mar waliba inay Soomaaliya ka caawinaya Arimo ah ka mid yihiin Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Bini aadanimada,  Kadib markii caalamku uu aqoonsaday in dowlada iminka jirta aysan aheyn Mid KMG ah .

Soomaaliya ayaa dowladihii Soomaray 22-kii Sano ee ugu dambeeyay waxay ahaayeen kuwo KMG ah , hayeesheb caalamka ayaa iminka 22- sano kadib wuxuu u qoonsaday in Soomaaliya ay ka gudubtay Marxaladii KMG nimada isla-markaana ay u gudubtay dowlad taam ah.

Halkaan ka dhageyso Kulaka M/weynaha iyo Wafdiga Maanta Muqdisho Soogaaray

Halkaan ka dhageyso Codadka kulanka Madaxweynaha iyo wariirada Xiriirka caalamiga ah ee Sweden

Caasimada online

Xaafiisma Muqdisho

[email protected]

 

KASHIFAAD: Norway oo lasoo baxday xeelad iyo shirqool usub oo ka dhan ah dalka Somalia (Faah-faahin)

0

Cidi Daah kama saarna in Dowladda Norway ay Soomaaliya ka leedahay Dano ku Aadan sidii Soomaaliya uga soo saari lahayd Shidaala , waxaana tan iyo markii ay dhalatey Dowladda Xasan Shiikh waxay Galangal ku ahayd Siyaasada Soomaaliya waxaana arrintaan ay sii Xoogeystay markii Gudoomiyaha Baarlamaanka uu gaarey Wadanka Norway Bishii Abriil , waxaana Xiligaas Dowladda Norway Sheegtey in ay Bixineyso Mushaaraadka Xubnaha Baarlamaanka, Golaha Wasiirada , Shaqaalaha Rayidka ah iyo Ciidamada qaybahooda kala Duwan

Maalintii Shaley ahayd ayaa Dowladda Norway Xubno ka socda waxay Kormeerayeen Qaabka loo Bixinayo Mushaaraadka Shaqaalaha Riyidka kuwaa oo uu Bixinayey Banki-ga Dhexe Soomaaliya iyadoo Siyaasiyiin ku Dhow Dhow Dowladda Federaalka ay noo sheegeen in Dowladda Norway ay Soomaaliya ugu Deeqdey Malaayiin Doolar taasoo Ujeedku uu yahay sidii Dowladda Norway u heli lahayd Ogolaansha in Qaybo ka mid ah Badda Soomaaliya oo Xigta Gobolada Jubbooyinka uga soo saarto Shidaal ,

Intii ay jirtey Dowladda Federaalka ee uu Madaxda u yahay Xasan Shiikh waxaa dalka Booqasho ku yimid Madax ka tirsan Dowladda Norway, waxaana ku jirey Madaxdaas Shirkado laga leeyahay Wadan Norway dhinaca kale Dowladda Norway waxay aad u daneneysey sidii Xal loogu heli lahaa xaalada Gobolada Jubbooyinka oo ah Goobaha u Calaamadeysan Dowladda Norway marka ay Timaado Dhinaca Shidaalka , waxayna Dowladda Norway soo Dhaweysey Heshiiskii Magaalada Adis-Abab ku yeesheen dowladda Federaalka iyo Maamulka Raas-Kambooni ,waxaana Dhaqaalaha ku baxay Shirkaas Bixinayey Dowlada Norway .

Maxamed Xasan Xaad oo ah Gudoomiyaha Golaha Midnimada Beelaha Hawiye oo ka hadlayey Shirkii Magaalada Adis-Ababa ayaa yiri “ Awlaba Dowlada Itoobiya kama Sugeyn Xal Soomali hase yeeshee waxaan u sheegaaya Shacabka Soomaaliyeed in ay Tashadaan “waxaa uu sii raaciyey “ Ujeedka Shirkaas waxaa weeye in Khayraadka Badda Soomaaliya loo Xalaaleeyo Dowlada Shisheeye oo weligood Damac ka lahaa Badda Soomaaliya

Axmed Cismaan Inji oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo isna ka hadlayey Shirka Magaalada Adis-Ababa ayaa waxaa uu yiri “Dowladii Hore waxay hore u Bixisey Badda Soomaaliya, kuwaan maanta Dowlada Sheeganaya waxay Baddii ugu dareen Barrigi marka waa Shir aan ku Tilmaami karo mid Faashil ah waayo Hal Qabiil bay Dowlada la heshiisey iyadoo iska Hilmaantey Beelihii kale ee Deegaankaas Degenaa”

Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay si aad ah uga soo horjeesteen Qodobadii ka soo baxay Shirkii Magaalada Adis-Ababa waxayna sheegeen in Shirkaas uu yahay mid ay Dowladda Federaalka ku Dulmisey isla markaana Deegaan ay leeyihiin Beelaha Digil iyo Mirifle loo saxiixay Beelo kale waxayna Daboolka ka qaadeen in ay Kalsoonidii kala laabteen Dowladda Federaalka waxayna ugu baaqeen Xubnaha Beelaha Digil iyo Mirifle in ay sida ugu Dhaqsiyaha badan u soo gaaraan Magaalada Baydhabo si ay Go’aano adadag uga qaataan Dowlada Federraalka.


Faarax Cabduqaadir iyo Axmed Madoobe Heshiiskii Adis Ababa

“Hal Xaaraan ah Nirig Xalaal ah ma Dhasho Heshiiska Addis Ababa lagu gaaray wuxuu iila Saan Saan eg yahay kii Soodare Qabqablayaashii Dagaalkii . waxaa mar kale soo baxay in labaatan Sano kadib in aan dib u qaadnay Wadadii Hogaamiye kooxeedka. Maxaa arimaheena Maalin walba aan ugu marti noqonaa shisheeyaha hadana Igaaba sii kale ahee Itoobiyaanka”ayuu yiri Siyaasi ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka oo si weyn uga Caroodey Heshiiskii ay Adis-Ababa kuwa gaareen Dowladda Federaalka iyo Raaskambooni
Waxaa Magaalada Adisb –Abab lagu soo gabgabeeyey Taariidu markii ay ahayd 28/8/2013 Heshiis aya wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Ururka Raas-Kambooni Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe waxaana Heshiis la sheegey in uu soo Afjarayo Xaalada Kismaayo oo Cakirneyd tan iyo markii ay soo galeen Ciidamada Kenya waxana Heshiiskaan Qaban qaabiyey Dowladda Itoobiya oo ay gadaal ka taagan yihiin Dowlado Shisheeye oo ay ugu Horeysa Dowladda Norway oo dano dhaqaale ka rabta Gobolada Jubboyinka waxaana Siyiin ka soo jeeda Goboladaas ay sheegeen in Dowladda Norway ay Bixineysey wixii Dhaqaale ah eek u baxay Shirkaas sidoo kale waxay sheegeen in Shirarka soo socda ay Dowladda Norway Balan qaadey in ay Bixineyso wixii Dhaqaale ah .hadaba nala eeg Qodobadii ka soo baxay Shirkaas

1- In Maamulka Jubbaland Magaciisa laga dhigo Maamulka Ku meel gaarka ah ee Jubba, waxaana Maamulkaasi hoos imaan doona Sadexda Gobal ee Gedo, J/Dhexe iyo J/Hoose

2- Maamulkan Waqtigiisa uu Noqon doonaa 2 Sano, waxaana marka la Dhameystiro Maamulkada Federaalka sida Dastuurka qabo Maamulkan isu bedali doonaa Maamul Gobaleed Federaal ah

3- Hogaamiyaha Maamulkan waxaa hoos imaan doona Maamulada Gobalada Gedo, Jubada dhexe iyo Jubada Hoose

4- Dhamaan Ciidamada Gobaladaasi ku sugan ayaa sidoo kale hoos tagi doona Maamulka Jubba, waxaana la isku dhaafi doonaa Dhamaan Ciidamada Dowlada, Raas-Kambooni iyo Booliiska oo Hoos tagaya Maamulka Jubba

5- Hogaamiyaha Maamulka Jubba (Axmed Madoobe) ayaa soo magacaabi doona Golaha Wasiirada, iyadoo uu Wadatashi kala sameenayo Dowlada Federaalka.

6- Dekada Kismaayo iyo Garoonka waxaa lagu wareejin doonaa Dowlada Federaalka lix Bilood Gudahood, Dowlada Federaalka ayaa Guddi u soo Dhisi doonta iyadoo la tashaneysa Maamulka Jubba, balse inta xiligaasi laga gaarayo 6-da Bilood ee soo socda waxaa Dekada iyo Garoonka sii Maamuli doona Maamulka hada Gacanta ku haya. Dowlada Federaalka ayaa soo magacaabi doonta Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee ka hawlgalaya Xarumahaasi.

7- Dakhliga ka soo baxa Illaha Dhaqaalaha ee Kismaayo waxaa loo qoondeeyey inay lagu Dhiso Maamulka Jubba iyo Hay’adihiisa.

8- Dakhliga ka soo gala illaha Dhaqaalaha Kismaayo ee la siinayo Dowlada Federaalka waxaa la jaan goyn doonaa Xili la Dhameystiro Maamulada kale ee Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la tixraacayo Dastuurka Federaalka.

9- Waxaa shirar Dib u Heshiisiin lagu qaban doonaa Muddo Labo Todobaad Gudahood ah magaalada Muqdisho, kadibna waxaa shirka labaad lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo.

Gen Jaamac Maxamed Qaalib isagoo ka hadlaya Damaca Norway ee Badda Soomaaliya ayaa yir i”Dowladii Norway waxay Dowladii Maxamed Siyaad u soo martey Safiirka Scandinavian-lka Halgamaa Cabdulaahi Ciise Maxamuud oo Fadhiisu ahaa Dalka Norway oo Xiliga Dowladaas jirtey uu la socdey Wafdi Norway ah taasoo Akkhirkii keentey in ay Waji Gabax kala Kulmeen Maxamed Siyaad Bare waxaa uu sii raaciyey

“Norway markii ay arrintaas ku guuldareysatey kama aysan harin Damaceedii Badda Soomaaliya waxay isku dayeysaa marar badan in Badda Soomaaliya qayb ka mid u gacan gasho Dal Degen oo lala Xaajoon karo sida Dalka Kenya maadaama Soomaaliya aysan ka jirin 22 kii sanno ee la soo dhaafey Dowlad Heshiis lala geli karo sida darteed Dowladda hadda jirta waxaa uu kula taliyey in aysan Gorgortan ka gelin Barnaamijyada ku saabsan Biyaha Soomaaliya

Markii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka uu tagey Dalka Norway waxaa Safarkaas u jeedkiisa ka Hadley Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka waxayna daboolka ay ka qaadeen in Dowladdda Norway ay Dano weyn ka leedhaya Soomaaliya iyagoo arrintaa ka hadlaya waxay yiraahdeen


Heshiis uu Goob Joog u ahaa Madaxweyne Xasan Shiikh oo ay wada saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Norway

“Dowladda Norway waxay Shirisey Dadka Soomaaliyeed ee haysta Dhalashada Wadankaas sidoo kale Wasiirka arrimha Gudaha waxaa uu Shiriyey Soomaali fara badan oo ku nool Wadankaas oo aan is aqoon waxaa la yiri “Norwegian baa tihiin, Nasiib badan baa leedihiin , Soomaalina waa tihiin Dowlada Norway Dan weyn bay ka leedahay Soomaaliya arrintaa baa la rabaa in aad ka noqotaan Hormuud , waxaa idiin ku yeerney in aad Shaqadaas u istaagtaan oo wax nala qabataan “,

Cid Soomaali ah oo Diidan ma jirto in Badda Soomaaliya ay Tahay 200nm, waana mid Sharci ah hase yeeshee waxaan Sanadahaan Dambe marka laga soo bilaabo Sannadkii 2009 waxaa soo baxay dad Soomaali ah oo Dano Shisheeye u adeegaya in Badda Soomaaliya laga dhigo 12nm kuwaas oo qaarkood Madax Sheeganaya iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaana nala soo xiriirey Aqoonyahan Nuur Xasan Ciise oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo si aad ah uga Caroodey in Xiligaan la soo hadal qaado Badda Soomaaliya.

Mudane Nuur Xasan Ciise waxaa u soo jeediyey Baarlamaanka Dowladda Federaalka in ay si Taxadar ama Feejignaan ku jirto u Daafacaan Badda Soomaaliya oo aad raacdaan talaabooyinkii uu qaadey Baarlamaankii hore ee uu ku diidey in Badda Soomaaliya Fergelin lagu sameeyo, Shacabka Soomaaliyeed waxaad u qabtaan waa la arki doonaa sidaa darteed waxaa la idiin kaga fadhiyaa waa sidaa u Difaaci la haydeen Badda Soomaaliya iyo Khayraadka ku jira

Taariikhdu markey ahayd 27-da Juune 2013 Magaalada Muqdisho Heshiis ku kala Saxiixdey Dowladaha Soomaaliya iyo Norway kaasoo lagu Tilmaamey Heshiis Dhinacayo Badan taabanaya , waxaana Heshiiskaas Dowladaha Soomaaliya iyo u kala Saxiixey Wasiirada Arrimaha Dibada ee Dowladda Federaalka Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiirka Horumarinta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowlada Norway Mr. Heikki Holmes.


Madaxweyne Xasan Shiikh iyio Wasiirkii hore ee Horumarinta Iskaashiga Caalimga ee Norway

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo la Hadashey Saxaafada ayaa waxaa wax laga Weydiiyey waxa uu ku saabsan yahay Heshiiskaas waxayna sheegtay in Heshiiskaas uu yahay mid Dowlada Norway ay ka qayb qaadaneyso arrimaha Dib u Dhiska , Horumarinta Haweenka iyo soo Celinta Kaabayaashii Dhaqaalaha ee ay Dowlada ka heli jirtey Dhaqaalaha iyo Dib u soo Celinta Xiriirkii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Norway .

Idaacada BBC-da ayaa Wasiirada Weydiisey Su’aal ahayd in aaney jirin Cid Dan la’aan wax ku bxineyso maxay tahay Danta Dowlada Norway ee ka leedahay Soomaaliya ? waxayna Fowsiya ku Jawaabtey “ waa jiraan Dowlado Dan ka leh Soomaaliya oo Shirkado Wata, laakiin waxaan kuu sheegayaa in Dowladda Norway aysan wax dan ah ka lahayn Soomaaliya waxaana Madaxda ugu sarreysa Dowlada haystaan Dhalasho Norwegian ah marka waa Dowlad Dooneysa in ay Caawiso Shacabka Soomaaliyeed waana Dowlada Nalal ku shaqeeya Cadceeda ee la geliyey Magaalada Muqdisho noogu Deeqdey”

Waxaa kale oo la weydiiyey Su’aal ahayd waxa ay kala socoto Shirkadaha fara badan ee Ajnabiga ee ku sugan Soomaaliya waxayna ku jawaabtey “Waa jiraan Shirkado sugan Soomaaliya oo u badan kuwa Aamaanka marka Muhiimadu waxay tahay in Dowlado Tira koobto taasina waa la wadaa Qorshahaas lagu Tira Koobayo Shirkadaaas

Inkastoo aaney Wasiiradu ku Faahfaahin Wareysiga ay siisey BBC-da in Heshiiskani Qayb ka yahay Heshiiska Dhinaca Badda oo Dowlada Norway oo aad u daneyneysey Sannadihii la soo dhaafey ayaa hadana dad badan waxay Rumeysan yihiin in Heshiiskan lagu saxiixey Garoonka Diyaaradaha oo Goob Joog ka ahaa Madaxweyne Xasan Shiikh aanu ka marneyn Damaca Norway ay Muddo Dheer ku dooneysey in ay mar uun Shidaal uga soo saarto Biyaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub oo kala ahaa Erik Solheim oo horey u ahaa Wasiirkii hore ee Horumarinta Iskaashiga Caalimga ee Norway, haddana Midowga Yurub u xilsaaray arrimaha Shirka 16ka September 2013 ka dhacaya Brussels iyo Safiirka Midowga Yurub ee u fadhiya Soomaaliya Michelle Cervone Waxaana kulnkaas la iskula soo qaadey Sidii Dowladda Norway ay Galaangal ugu yeelan lahayd Arimaha Soomaaliya isku soo Duuboo halkee buu ku dambeyn Doonaa damaca Norway ee Soomaaliya .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 4, 2013

Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo laga codsaday inuu beddelo maamulka…

0

Marko (Caasimada online) Wafdigii  uu hogaanka u ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ee shalay gaaray Magaalada Marko ee Xarunta Shabeelaha Hoose, ayaa waxaa loo jeedayay dalab ka dhan ah maamulka gobolkaas ,

Odayaasha Dhaqanka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Madaxda dowlada Soomaaliya ee Shalay , xalay ilaa Maanta ku sugan Magaalada Marko waxay ka dalbadeen in is badal lagu sameeyo hogaanka Maamulka gobolkaas.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cali,  oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo warbahinta la hadlay wuxuu sheegay in odayaasha dhaqanka gobolkaas ay MAdaxweynaha Soomaaliya ka dalbadeen in hogaanka Maamulka gobolkaas is badal lagu sameeyo .

Odayaasha ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in loo sii daayo iyaga Masiirka gobolka Shabeelha Hoose si ay iyaga u keenaan hogaanka maamulkaas oo ay u dooranayaan qof waliba oo ay u arkaan inuu gobolka wax u qaban karo.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa odayaasha dhaqanka gobolka wuxuu ka dhageystay dhamaan talooyinkii ay soo jeediyeen ee ku wajahnaa wax ka qabashada hogaanka Maamulka gobolkaas .

Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya uu la socday ee shalay Subax Marko gaaray ayaa wali ku sugan Waxaana Gudoomiyaha Magaalada Marko Maxamed Yariisoow, uu sheegay in madaxwenaha Soomaaliya uu Marko ku sugnaan Doono Muddo Seddex Maalin ah .

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Xilkdhibaan  Siciid Maxamed Cali

Halkaan ka dhageyso Xil dhibaan Siciid maxamed Cali

Caasimada online

Xafiiska Marko

[email protected]

Axmed Madoobe iyo Kismaayo (Muxuu wadaa hogaamiyaha Jubba?)

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in habeenkii xaley kulan ka dhacay magaalada looga hadlay siddii loo soo dhameestiri lahaa maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Axmed Madoobe iyo odayaasha beelaha degga gobalada Jubbooyinka iyo Gedo,

Sida illo xog-ogaal ah u sheegeen Shabakadda Caasimada Online, kulanka waxaa looga hadlay in qaab awood qaybsi loogu soo xulu inta dhimman maamulka Jubba sida golaha baarlamaanka iyo golaha wasiiradda.

Axmed Madoobe ayaa u sheegay odayaasha iyo wax-garadka fadhiyay kulanka in maamulkiisa uu doonayo siddii loo soo dhammeestiri lahaa maamulka kumeel gaarka.

Wuxuu kaloo sheegay hoggamiyaha maamulka Jubba in cid kasta oo degta seddax gobal ay ka dhex muuqan doonaan maamulkiisa.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa odayaasha uga warbixiyay heshiikii ka dhacay Addis Ababa, wuxuuna sheegay in uu heshiiskaas uu ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad.

Si kastaba, Axmed Madoobe oo shaley ku laabtay magaalada Kismaayo kaddib markii uu dhowr cisho ka maqnaa ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu soo dhammeestiro maamulka Jubba.

Magaalada waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo dhammeestirka maamulka kumeel gaarka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Dhageyso: Somalida Canada oo warar yaab iyo naxdin leh laga soo sheegay

0

Toronto (Caasimada Online) – Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa todobaadkan lagu dilay wiil Soomaaliyeed oo 16 jir ah, waxaana dilkaasi lagu eedeeyay wiil kale oo Soomaaliyeed oo isna 14 jir ah.

Waxaana magaalada ku soo badanaya dilalka dhalinyarada Soomaalida ah, iyada oo la sheegay in hub fara badan uu gacanta u galay dhalinyarada.

Dalka Canada waa mid ka mid ah dalalka ugu hodansan caalamka, uguna yar marka ay timaado dilalka rayidka, waxaana la yaab leh in Soomaalidan ay ayaga un isku dilayaan dal ay usoo doonteen nolol ka wanaagsan tii hore.

Arrimahaasi ayaa waxa VOAda uga warramay Muuse Cabdulle Kuulow, oo ah tifaftaraha wargaysyada Immigrant Post iyo Somali Tribune iyo idaacadda Soomaalida ee Radio Alif ee dalka Canada.

Waraysiga oo dhamaystiran hoos ka dhegayso.

DAAWO: Faroole oo ka hadlay arrimo cusub oo aan horey loo maqal (Kaalin ma ku lahaa doorashadii Xasan Sh.?)

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxman Faroole, ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey TV-ga Somalia Channel.

Faroole, waxa uu ka hadlay arrimo badan, sida taarikh nololeedkiisa, xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo muranka ka dhex oogan isaga iyo dowladda federaalka ah ee Somalia iyo sidoo kale arrimo kale oo uusan weligiis horey uga hadlin.

Sida laga filayeyba waxa uu si aad ah u dhaliilay dowladda federaalka ah ee Somalia. “Dowladda federaalka Puntland ayaa dhashay, waa canugii Puntland” ayuu yiri Faroole.

Waxyaabaha cusub ee Faroole uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa qaabkii Xasan Sheikh loo doortay oo uu sheegay inuu kaalin ku lahaa iyo ballan uu sheegay in madaxweynaha uu ka baxay.

Halkan ka daawo wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Dhowrka caqabado iyo fursado ee ku xeeran heshiiskii DF Somalia iyo Juba

0

Heshiiska Addis Ababa ku dhex maray hoggaamiyayaasha maamul goboleedka Jubbaland iyo xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya todobaadkii hore ayaa looga badbaaday dhibaatooyin siyaasadeed oo ka taagnaa Soomaaliya, balse tanaasulka ay dhinacyadu isu sameeyeen ayaa abuuraya caqabado soo socda.

labada dhinac ayaa August 28-deedii isku raacay dhismaya Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Jubba (IJA), maamulkaa oo ka kooban gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Heshiiska ayaa sidoo kale u aqoonsaday Axmed Maxamed Islaam Madoobemadaxa IJA muddo labo sano oo kumeel gaar ah.

Xukuumadda federaalka ayaa la wareegi doonta maamulka maddaarka iyo dekedda Kismaayo muddo lix bilood ah kadib, markaa oo ay xukuumaddu u magacaabi doonto koox maamuleed iyada oo latashi la samaynaysa maamulka kumeel gaarka ah.

Faahfaahinta dheeriga ah ee heshiiska ayaa lagu dhamaynayaa shir dib-u-heshiisiin ah oo Muqdisho ka dhici doona, sida ay mas’uuliyiintu sheegayaan, inkastoo taariikh rasmi ah aan wali la qaban.

Fikradaha iska soo horjeeda ayaa waxaa kamid ah kuwa soo dhowynaya heshiiska, una arka in uu yahay fursad lagu dhamaynayo khilaafka ka jiray gobolka Jubba, iyada oo isla mar ahaantana uu duruufaha lagama maarmaanka ah u abuurayo dhaqan-galinta hannaanka federaalka ee lagu muransan yahay. Kuwa kasoo horjeeda heshiiska ayaa sheegaya in uu ahaa mid aan loo dhammeeyn.

Fikradaha iska soo horjeeda ayaa laga dheehan karay laba mudaaharaad oo dhowaan la qabtay.

Boqolaal dadka Baydhaba ah ayaa waddooyinka isugu soo baxay 31-dii August iyaga oo ka qeyb galayay dibad-bax ay soo qaban qaabiyeen odayaasha qabaa’ilka iyo maamulka gobolka Bay, iyaga oo sheegayay in ay heshiiskaa dartii xiriirka ugu jarayaan xukuumadda Soomaaliya. Muqdishona, maamulka gobolka Banaadir ayaa 1-dii September soo abaabulay dibadbax lagu taageerayo heshiiska.

Maxamed Ibraahim Cabdi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Machadka Cilmi Baarista iyo Daraasaadka Carabta ee Qaahira, ayaa sheegay in heshiiska Jubbaland uu guul wayn u ahaa xukuumadda Soomaaliya iyo dadka Jubba waayo waxa uu baajinayaa dagaalla sokeeye oo halkaas ka dhaca, waxaana uu hoos u dhigaya xasaasiyadda Qabiilka.

“Arrimahaas oo dhan in ay xal u hesho waxa ay xukuumadda u tahay fursad weyn oo ay ku horumarin karto dowladnimda,” ayuu  yiri. Dhanka kale, waxa uu sheegay, in ku guul dareysiga in xal lagaaro dhibaatada siyaasadeed ee gobolka ay horseedi karto burburka xukuumadda.

“JJubbaland waxa ay noqotay xiisad siyaasadeed oo dalka oo dhan hareesay” ayuu yiri Cabdi, isaga oo intaa ku daray in heshiiska uu xukuumadda federaalka siinayo waqti ay ku xalliso arrimaha kala dhex taagan Puntland iyo Somaliland.

Bishii hore, ayaa maamulka Puntland waxa uu xirirka u jaray xukuumadda federaalka Soomaaliyaisaga oo ku eedeeyay in ay ku guul darreysatay in ay ilaaliso mabaadi’da dastuurka, iyada oo tusaale ahaan u soo qaadatay xasaradda Jubbaland.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale billowday wadahadallo kala dhaxeeya maamul goboleedka Somaliland si looga wada xaajoodo midnimadooda.

Balse heshiiska Jubbaland ayaa gacan ka gaysan kara in la dhammeeyo kala qaybsanaanta ka dhaxaysa maamulka Puntland iyo xukuumadda federaalka, sida uu sheegayo Guddoomiyaha Jilayaasha Aan Dowliga Eheen ee Puntland Nuur Maxamed Nuur.

Heshiis xal looga gaaro arrinta Jubbaland waxa uu noqon karaa hannaan ay xukuumada federaalka kula xaajooto maamullada kale, ayuu yiri.

“Heshiiskan waxa uu waddo u noqon doonaa in la wada xiriiro,” ayuu Nuur  sheegay, isaga oo intaa ku daray, in si heshiiska uu miro dhal u noqdo, ay tahay in ururada bulshada rayidka gobolka Jubba ay dowr muuqda ka cayaaraan hanaanka dib-u-heshiisiinta “iyaga oo isku soo dhowaynaya qabaa’ilka iyaga oo u maraya odeyaasha dhaqanka, culimada iyo dhammaan waaxaha kale ee shacabka”.

Wada xaajood dheeri ah waa lagama maarmaan

Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee uu fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa sheegay in heshiiska uu tallaabo muhim ah u ahaa dhamaynta xasaradaha siyaasadeed, balse waxa uu machadku ku dhiira galiyay labada qaybood “in ay qoraan qariirad dhaqan-galin ah oo leh jadwal waqtiyeed cad si loo hubiyo in horumar la gaaro, iyo in jiho madax banaan loo saaro la socodka sida labada qaybood ay u fulinayaan heshiiska”.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, oo isagu kasoo jeeda Kismaayo, ayaa sheegay in xukuumadda ay heshiis la gaartay kaliya qeyb kamid ah dhinacyada isku haya gacan ku haynta Kismaayo.

“Kismaayo waxa ku dagaalay ma ahayn Xukuumadda iyo Axmed Madoobe,” ayuu yiri Jeesoow. “Waxa uu ahaa [dagaal] u dhex yaalay lix nin oo mid walbaa uu sheeganayay madaxweynaha seddexda gobol. Markaa heshiisku waxa uu xadgudub ku ahaa shantii kale ee ka maqneeyd wadahadalka.”

Inta aan la iman miiska wada xaajoodka siyaasadda, waa in dhinacyada mas’uulka ka ahaa dhimashada rayidka Kismaayo waa in lala xisaabtamaa, ayuu yiri Jeesoow.

Jeesoow ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska aannu ka turjumaynin dastuurka maxaa yeelay IJA ma buuxin shuruudaha looga baahanyahay in la sameeyo dowlad goboleed.

Xildhibaan Cabdi-barre Yuusuf ayaa sheegay in hoggaamiyayaasha Jubbaland iyo xukuumadda federaalka ay wali haystaan fursad ay ku sixi karaan sida ay wax u wadaan, ayna ku raaci karaan dastuurka iyaga oo u maraya labada shir ee dib-u-heshiisiineed ee soo socda.

“Labada shir waa in la isugu keenaa dhammaan dadka ka soo jeeda Jubbooyinka si ay tanaasul isugu sameeyaan, iyada oo la hubinayo in arimaha looga wada hadlayo shirarka dib u heshiisiinta ay ka turjumayaan dastuurka,” ayuu yiri.

Daawo: Maxaa ka jira inay fashilmeen wada hadalladii Nairobi ee S/L & P/L?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warar soo baxayay ayaa sheegaya in wadahadal ku dhexmari lahaa magaalada Nairobi dawlada Somaliland iyo dawlad goboleedka Puntland ay fashilmeen kadib markii wasiiro ka imaanlahaa Somaliland aanay soo gaarin Nairobi .

Wadahadalada ayaa waxaa fashiliyay kadib socdaalkii madaxweeyne Kuxigeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shire kaasi oo ay Somaliland ka xumaatay.

Hadaba wareeysi  lala yeeshay Khaliif CiiseMudan Wasiirka Amniga Dawlad goboleedka Puntland  ayaa waxa uu ku yiri “waa muhiim in aan danaheena kawada hadalno balse waxa auu diiday jiritaanka wadahadalo rasmi ah”.

Wareysiga ayaa waxaa qaaday weriye Xasan Cadde oo ka tirsan dhacdooyinka maanta, halkan hoose ka daawo.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Daawo Video: Caaliya oo dukumentari cusub ka soo diyaarisay Muqdisho

0

Caasimada Online:  Caaliya waa gabar soomaaliyeed oo wadanka ugu dambeysay mar hore waxeey tagtay muqdisho sanado badan kadib waxeey ka soo diyaarineysay Barnaamij xiiso badan oo laga sii dayay Tv-yada Caalamka waxeyna gabadhani ka sheekeyneysaa Nolosha Somalia iyo tan taalo Qurbaha taalo.

Marka aad aragto burburkii wadanka iyo sida uu haatan yahay waxaa qalbigaada galaya qof walbo oo Soomaali ah in ay tusiso wadamada aynu joogno in aan lee nahay wadan haatana uu ka jiro Nabadd oo aan ka gadno Caalamka wadankeena si ay inooga caawiyaan waxii haray.

Hadaba Daawo Video-ga ay Caaliya ka soo sameysay Wadanka ayadoo muddo dheer ugu dambeysay wadanka waxeyna sheeko fiican idin kaga heysaa Wadankii.

HALKAAN KA DAAWO:

Maxaadan ogeyn oo uu Madaxweyne Xasan Sheikh caawa wadaa?

0

Marka (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ku sugan magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.

Sida ay lee yihiin maamulka gobalka Shabeellaha Hoose, madaxweynaha wuxuu caawa kulan la lee yahay maamulka iyo odayaasha kau dhaqan magaalada Marka.

Waxaa looga hadlayaa kulanka sida loo nabadeen lahaa beelo dhawaan ku dagaalamay Marka iyo deeganno hoostaga gobalka Shabeella Hoose.

Waxaa laga yabaa in madaxweynaha uu maamul cusub u magacaabo magaalada Marka iyo guud ahaan gobalka Shabeellaha Hoose, sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Shabakadda Caasimada Online.

Dhawaan ayaa magaalada Marka waxaa gaaray wafdi ka socda wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, kuwaasoo halkaas u tagay in ciidamo dowladda ay geeyaan balse waxaa arrintaas gaashanka u daruuray maamulka ka jira magaalada Marka.

Madaxweynaha wuxuu maamulka magaalada kala hadli doonaa isbaarooyin fara badan oo la soo dhigay waddada u dhexeesa magaalada Marka iyo degmada Afgooye.

Madaxweynaha kulamada uu caawa ka wado Marka waxaa ku wehliya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji, wasiirka garsoorka, Cabdullaahi Abyan Nuur, xildhibaanno ka soo jeeda gobalka iyo taliyayaal ciidan.

Booqashada madaxweynaha ayaa qaadan doonta muddo labo cisho, waana booqashadii ugu horeysay ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago magaalada Marka tan iyo markii uu xafiiska qabtay dabayaaqadii bishii September sanadkii 2012.

Madaxweyne Soomaaliya ayaa horey u booqday magaalooyin ay ka mid yihiin Beledweyne, Baydhabo iyo Garoowe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Marka

[email protected]

Faroole oo la kulmay Hailemariam iyo dacwad ka dhan ahayd DF oo Ethiopia ay jawaab yaab leh ka bixisay + Sawiro

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Faroole oo booqasha ku jooga magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn.

Kullanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay dacwado ka dhan ah Dowladda Federaalka Somalia, oo uu Faroole u gudbiyey Hailemariam, isaga oo ka codsaday Ethiopia inay taageerada kala kaalabato DF.

Faroole ayaa u sheegay Hailemariam in dowladda Somalia ay beddeshay dastuurkii dalka sida uu isaga ku dooday, sidaa darteedna aysan Puntland la shaqeyn karin.

Madaxweynaha Puntland Faroole, ayaa sidoo kale ka codsaday Ethiopia inay ka caawiso sidii Midowga Yurub ay Puntland ugu ogolaan lahaayeen inay shirka New Deal uga qeyb gasho si ka madax banaan Dowladda Federaalka.

Tani waxa ay ka dambeysay kadib markii dadaallo qaatay toddobaad oo Faroole uu ka sameeyey Nairobi oo ku saabsanaa arrintan ay fahsil kusoo dhammaadeen.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa ugu baaqay Faroole inay qurxoonaan lahayd in waxyaabaha ay kala tirsanayaan isaga iyo DF ay si hoose u xalistaan, islamarkaana uu si toos ah dowladda ula hadlo, intii uu dalal kale uga dacwoon lahaa.

Hailemariam, ayaa sidoo kale Faroole ku war geliyey in Ethiopia aysan iska lahayn maamulka shirka New Deal sidaa darteedna aysan wax caawimaad ah siin karin Puntland oo ku saabsan qaabka ka qeyb galka shirkaas.

Haddallada Hailemariam ayaa yimid maalin kadib markii wasiirka arrimaha deibedda Ethiopia uu sidaas oo kale u sheegay Faroole, balse uusan ku qancin oo uu codsaday la kullanka Hailemariam.

Sawirrada kullanka

faroole hailemariam 1faroole hailemariam 2

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

MUQDISHO: Khasaaraha ka dhashay dhacdadii naxdinta lahayd ee maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay sideed kalena waa ay ku dhaawacmeen dab xooggan oo maanta duhurkii ka kacay suuq ku yaala agagaarka sarta Seybiyaano ee degmada Hodan.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo tagay goobta ayaa soo sheegay in uu arkay meydka qof ruux oo ku dhintay fuusto shidaal oo ku qaraxday intii dabka uu socday.

Sidoo kale, wariyaha ayaa ku soo warramay baabuurta gurmadka in ay isbitaalada u qaadeen ilaa siddeed qof oo dhaawac ah kuwaasoo shan ka mid ah dumar kuwaasoo hanti ay soo badbaadsanayeen ku gubtay dabka oo dhul badan baabi’iyay.

Dabka ayaa baabi’iyay kaalmo shidaal oo ku yaalla suuqa, waxaana uu dabka ku faafay xaafado iyo goobo ganacsi oo ku yaalla inta u dhexeesa Isbitaalka Banaadir iyo Ex-Control ee Afgooye.

Sidoo kale dabka wuxuu baabi’yay kalamo shidaal iyo goobo ganacsi oo ku yaala goobaha uu dabka qabsaday.

Dabka oo lagu guuleestay in la damiyo ayaa waxaa door ka geestay maamulka gobalka Banaadir, shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga dabka maanta ka kacay suuqa ku yaala sarta Seeybiyaano ee degmada Hodan.

Inta badan ma ahan wax ku cusub dabka ka kaca suuqa magaalada Muqdisho, balse waxaa yer in laga hortago waxaana ay reebaan raad xub iyo khasaaro xooggan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Muqdisho: Wada-Tashiga Barnaamijka Higsiga Cusub “New Deal” oo furmay

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya mudane Abuukar Shiikh Cabdi Ibraahim ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirkii wada-tashiga barnaamijka Higsiga Cusub “ New Deal” oo socon doona saddex maalmood. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka kala socda laamaha dowladda, xildhibaano iyo ururada bulshada rayidka ah.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda iyo qorshaynta qaranka ayaa ka war-bixiyey hawlaha barnaamijka Hiigsiga Cusub, isagoo sheegay in shirar wada-tashi ah horey looga sameeyey magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho,Gaalkacayo,Baydhabo iyo Garoowe.

“ Ujeedada barnaamijka Hiigsiga Cusub waxa weeye in la helo talo midaysan oo lagu dhisayo dalka.Hiigsiga Cusub waxaa horey u adeegsaday dalal badan ,innaguna taasi baan daba taaganahay waxaan rajaynayaa in aan dhibaatadda kaga baxno ” sidaasi ayuu yiri Wasiir Abuukar.

Barnaamijka Higsiga Cusub oo ah aragti qaran oo midaysan, ayaa xoogga saaraya dhinacyada ay ka mid yihiin siyaasadda, nabadgelyada, caddaaladda,dhaqaalaha, ururinta canshuuraha iyo adeegga bulshada.

Xubno ka socday ururada bulshada rayidka ah oo ka hadlay furitaanka shirkan wada-tashiga ah ayaa soo dhoweeyey barnaamijka Higsiga Cusub,waxaana ay tilmaameen in barnaamijkan uu wax badan ka tarayo marxaladda uu marayo dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa barnaamijka Hiigsiga Cusub diyaarinaysay in mudo ah si qorshe midaysan oo ay bulshadu ku leedahay talooyin loo geeyo shirka 16-ka Sabteembar ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Barnaamijka Hiigsiga Cusub ayaa ah in dalalka nugul ee dagaalada ka soo baxaya la siiyo dhaqaale toos ah, waxaana dowlada Soomaaliya yeelanaysaa soo jeedinta qorshaha lagu taageerayo iyo fulintiisa. Higsiga cusub ayaa markii ugu horaysay lagu go’aamiyey shir lagu qabtay magaalada Busan ee dalka Koonfur Kuuriya dhamaadkii 2011-kii, waxaana ujeedadu ahayd in kor loo qaado waxtarka kaalmada la siiyo dalalka nugul.

DHAMAAD

DAAWO: Muuqaal indhaha uroon oo Bilcida Muqdisho laga soo duubay

Caasimada Online:  Muqdisho waxaa ku soo kor dhaya maalinba maalinta xigta horumar iyo bilic soo jiidaneysa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Qurba Joogta Soomaalida ee dalka ka maqnaa xiligii burburka.

Magaaladu waxaa ku soo badanaya goobo ilqabadka u wanaagsan hadii ay ahaan lahaayen dhanka Bilicda Dhismooyinka cusub iyo dhanka bilicda quruxda wadooyinka iyo Goobaha cagaarka ama cowsaska lagu beerayo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO: