Caasimada Online: Haweeneydii ugu horeysay inta la og yahay caalamka ayaa dabaal isaga kala gooshtay wadamada Cupa iyo Gobolka Florida oo ka tirsan dalka Mareykanka, iyadoo ay ku qaadatay 50 saacadood oo ay jartay 110 Miles oo u dhiganta 177 kilometers.
Diana Nyad oo u dabaal degtay sanad guuradeeda 64-aad ayaa waxay noqotay qofkii ugu horeysay ee difaac la’aanta waxyaabaha looga hortaga Yaxaas badeedka dabaal isaga kala gudubto dalka Cupa iyo gobolka Florida ee dalka Mareykanka, walow ay caawinayeen Doomaha dheereeya oo iyo qalab kale oo lagu eego biyaha. waxayna ku qaadatay 11 maalin.
Haweeneydan oo hamigeedii ku guuleysatay ayaa wareysi ay siisay TV-ga CNN ayey waxay ku sheegtay in qorshahan uu ahaa mid 35 sano ka hor ku riyooneysay balse ay soo afjartay hamigeedii Sabtidii lasoo dhaafay.
HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

